-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyay ciidaamda huwanta iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kaga kaga sugnaayeen deegaanka Hilowle-gaab. Weerarkaan oo ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa isa-soo taray khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ah. Saraakiisha iyo Askarta ku dhintay weerarkaasi ayaa waxa kamid ah Cabdulqaadir Teesto iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay jiraan gaadiid ciidan oo khasaare kasoo gaaray weerarka Al-Shabaab Saraakiil iyo ciidamo gurmad ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Hilowle-gaab, kuwaasi oo markii dambe fashiliyay qorshii Al-Shabaab ay ka lahaayeen deegaankaasi. Hoggaanka Shabaab ayaa goor sii horeysay oo saaka ah sheegtay inay la wareegeen deegaankaasi oo kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka qabsadeen. Afhayeenka howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada huwanta kaga sugnaayeen deegaanka Hillowle-gaab ee ku yaalla waqooyiga degmada Ruun-Nirgood. “Dagaal kooban kadib waxaa ciidamadeena u suurta-gashay inay jebiyaan (ciidamada dowladda) ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii (ciidamada) ee deegaanka Hilowle-gaab. Ciidamadeenu waxay gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal,” ayuu yiri. Waa weerarkii ugu horeeyay ee rogaal celin ah oo Al-Shabaab soo qaado muddo ku siman saddex billood oo howl-galka looga horjeedo looga qabsaday gobolka Shabeellaha Dhexe. The post Magacyada saraakiisha ku dhintay weerarkii Hilowle-gaab iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and UAE strengthen military ties with new agreement
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Somalia and the United Arab Emirates (UAE) have signed an agreement to strengthen military and security ties, as well as cooperate in anti-terrorism efforts, in an effort to improve strained relations between the two countries. The deal was signed by Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur and his UAE counterpart, Mohammed bin Ahmed Al-Bowardi, on Wednesday evening in Abu Dhabi. According to a statement by Nur, the agreement will help to strengthen the “institutional capacity-building of Somalia’s security forces” and aid in ongoing efforts to defeat Al-Shabab in Somalia. Al-Shabab is an Al-Qaeda affiliate that has claimed thousands of lives in a campaign against the Somali government and international peacekeeping forces since at least 2007. Somali President Hassan Sheikh Mohamud has declared full-scale war against Al-Shabab as the group continues to carry out violent attacks in the country. On Wednesday, the group was responsible for twin suicide car bombings in the central Somali town of Mahas, which killed at least 35 people and injured more than 70 others. The UAE remains a “strategic partner in Somalia’s peace-building and state-building efforts,” Nur added. A UAE Defence Ministry statement read talks also focused on efforts to protect mutual interests. Relations between Somalia and the UAE have been chilly in recent years, particularly over Somali allegations of UAE interference in its internal politics. Tensions reached a boiling point during the tenure of former President Mohamed Abdullahi Farmajo after Somalia seized $9.6 million from a United Arab Emirates plane in Mogadishu in April 2018. In response, the UAE closed a military facility and a hospital in Mogadishu and disbanded its military training mission. Somalia released the money in February 2022, and prime minister Mohamed Hussein Roble apologized, which the United Arab Emirates accepted. President Mohamud, who led Somalia from 2012 to 2017 and started his second tenure last May, has made mending diplomatic relations with the UAE a top foreign policy priority. During a June 2022 meeting with UAE President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Somali President Mohamud expressed gratitude for the UAE’s longstanding support of Somalia and thanked Al Nahyan for the warm reception of the Somali people. The leaders discussed ways to strengthen cooperation between their countries in various sectors, particularly concerning development and peace in Somalia. Al Nahyan reaffirmed the UAE’s commitment to supporting Somalia’s efforts to establish a peaceful and stable state and expressed a desire to assist the Somali government in construction, development, and stability. In return, Mohamud expressed a desire to expand cooperation between the UAE and Somalia across all fronts and contribute to regional stability and security. The signing of the new defense cooperation agreement between Somalia and the UAE represents a significant milestone in the relationship between the two countries as they work to improve strained relations and strengthen cooperation in the face of shared challenges, such as terrorism and instability. The agreement will help to strengthen the capacity of Somalia’s security forces and support efforts to combat Al-Shabab. This terrorist group has claimed thousands of lives in its campaign against the Somali government and international forces. The post Somalia and UAE strengthen military ties with new agreement appeared first on Caasimada Online. -
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Macallin Ayman-ka uu raadinayo Mareykanka ayaa waxa uu yahay hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawl-gallo ka fuliya gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Ninkaan ayaa sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaaca Mareykanka, sida uu sheegay Mareykanka. Weerarkan oo dhacay aroor hore ayaa sidoo kale waxa lagu dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale. Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224. Macallin Ayman ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa saddex horjooge sare oo Shabaab ah oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay bishii Febraayo ee 2021 kusoo rogtay xayiraad dhan ah. Ninkaan ayaa waxa uu dhowr jeer liisas ka dhan ah argagixisada kala soo muuqday Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karataay oo kaalin weyn ku dhex leh dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa qaba in Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay bariga Afrika ay tahay kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, wuxuuna sheegay inay masuul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku naf waayeen kumanaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dashay dalkiisa. Arrinta u weyn ee Mareykanka u beegsanayo Al-Shabaab ayaa ah “inay sii wado qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka, danaha Mareykanka iyo saaxiibada shisheeye.” The post Waa kuma Macallin Ayman – Sarkaalka uu Mareykanka ku raadinayo malaayiinta dollar? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has one of the youngest populations in the world. It is estimated that around 70% of the country’s population is under the age of 30. Nonetheless, 41% and 35% of young people between the ages of 15–19 and 20–24, respectively, are job seekers. While about half of the young population under the age of 30 is unemployed and actively looking for jobs, their families, meanwhile, have high expectations for them since they are university graduates and have been studying for years. Source: Hiiraan Online
-
A woman appeared in a London court Thursday accused of helping in the genital mutilation of a four-year-old girl, a common but risky practice in parts of Africa, the Mideast and Asia Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre presided over the weekly cabinet meeting on Thursday, which reviewed the implementation of government agencies' action plans in 2023. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo jimce ah abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood si ay dib ugu soo weeraraan magaalada. Ciidamada Somaliland ayaa habeen ka hor laga saaray magaalada Laascaanood kadib dagaal culus oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada Xaq u dirirka SSC. Xaaladda Laascaanood ayaa maanta deggan waxaana gacanta ku haya Ciidamada SSC kuwaas oo sugaya Amniga shacabka. Calanka Soomaaliya iyo kan SSC ayaa sidoo kale ka taagan goobaha muhiimka ah ee Laascaanood tan iyo markii laga saaray Ciidamada Somaliland. Dhinaca kale dhammaan degmooyinka iyo degaannada SSC ayaa maanta waxa ka socda abaabulka muddaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanayo in Somaliland isaga baxdo Gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
UAE says it played key role in operation to detain Eritrean national Kidane Zekarias Habtemariam, wanted by Interpol. Source: Hiiraan Online
-
Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar culus ku qaadeen deegaanka Hilowle-gaab ee degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan laga xoreeyay. Weerarka rogaal celinta ah ee Al-Shabaab ayaa la sheegaya in uu ahaa mid dhowr jiho ah, ayada oo kooxda ay sheegatay inay kula wareegeen deegaankaasi oo kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka qabsadeen. Afhayeenka howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo war kasoo saaray dagaalkaan ayaa sheegay in weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada huwanta kaga sugnaayeen deegaanka Hillowle-gaab ee ku yaalla waqooyiga degmada Ruun-Nirgood. “Dagaal kooban kadib waxaa ciidamadeena u suurta-gashay inay jebiyaan (ciidamada dowladda) ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii (ciidamada) ee deegaanka Hilowle-gaab. Ciidamadeenu waxay gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal,” ayuu yiri. Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka, ayada oo Isgaarsiinta deegaanka ay aad u culus tahay. Dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, welina uu socdo dagaalka, kadib weerarka ay saaka soo qaadeen kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Waa weerarkii ugu horeeyay ee rogaal celin ah oo Al-Shabaab soo qaado muddo ku siman saddex billood oo howl-galka looga horjeedo looga qabsaday gobolka Shabeellaha Dhexe. The post Al-Shabaab oo rogaal celin ka sameeyay Sh/Dhexe iyo dagaal xoogan oo dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Soldiers in the breakaway region of Somaliland have withdrawn from a disputed town after several days of deadly violence. Source: Hiiraan Online
-
Somalia and the UAE have signed an agreement to bolster military and security ties, along with cooperation in anti-terrorism efforts, as the two countries work to improve strained relations, Anadolu News Agency reports. Source: Hiiraan Online
-
In October, Nadifa Abdi Isak brought her malnourished daughters to hospital in Mogadishu. That day, a nurse said, 42 other children had already been checked into the emergency unit, ravaged by hunger. There were 57 the day before that. Staff at the Benadir maternity and paediatric hospital said admissions of malnourished children have more than doubled their patient numbers over the past year. They are now treating over 1,000 emergency cases each month. Read more here The post Africa’s food crisis is the biggest yet – five reasons why appeared first on Puntland Post.
-
Turkish Justice Minister Bekir Bozdag yesterday met his Somali counterpart, Hassan Moalim, in the Turkish capital Ankara to discuss mutual judicial cooperation. Source: Hiiraan Online
-
The General Secretariat of the Organisation of Islamic Cooperation (OIC) strongly condemned two car bomb explosions on Wednesday in the city of Mahas in the Hiraan region, central Somalia, which resulted in deaths and injuries. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midowga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, kadib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar. Dalka Qatar ayaa ka digay in baarista uu wado Midowga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midpwga Yurub. Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midowga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka. Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. Labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar. Baaritaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah. Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midowga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar. Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midowga Yurub. Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loo soo jeediyey. The post Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si rasmi ah u shaaciyay xabbad-joojin ku aaddan dagaalka Ukraine oo socon doonta 36 saacadood. Madaxweyne Putin ayaa ku amray ciidamadiisu in ay joojin weerarada ay ka wadaan Ukraine, inta lagu jiro fasaxa mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka. Dad badan oo haysta diinta masiixiga gaar ahaan Orthodox oo qaarkood ay ku nool yihiin Ruushka iyo Ukraine ayaa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida xusaya Diintooda. Patriarch Kirill oo ah madaxa kiniisadda Orthodox ee ku taalla dalka Ruushka, si weyna u taageera duulaanka Putin ee Ukraine, ayaa maalinimadii Khamiista wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan xilliga fasaxa ee diinta Kiristaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ruushka oo shaaciyay xabad-joojin saacado ah oo la xiriirta dagaalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Ruto oo shaaca ka qaaday arrin uu horay u qariyay oo ku saabsan taliyihii uu ku beddelay ninka Soomaaliga ah Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn. Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay. Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan. Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin lahaa in uusan dhicin dil sharci darro ah oo ay boolisku geystaan. Waxa uu shaaca ka qaaday in boolisku ay sameysteen meel ay ugu talogaleen in ay dadka ku laayaan. “Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray – waa konteenar yaalla meel saldhig boolis dhexdiisa ah – sideen ku gaarnay ilaa heerkaas? Maxay tahay hay’adda sidaas u noqotay mid fulisa waxyaabo aan la amrin oo ay iskeed u sameyneysay? Sababtaas ayaan shaqada uga eryay ninkaas la dhaho Kinoti,” ayuu yiri Ruto. George Kinoti Madaxweynaha ayaa sheegay in uu hay’adda dabagalka ku sameysa falalka booliska ku amray in ay soo baarto kiisaskaas. Waxa u uku adkeystay in booliska ay ku khasban yihiin in ay sharciga u hoggaansamaan, isagoo sheegay in u hoiggaansamidda sharciga ay ku jirto in ay iyaga qudhooda iska difaacaan dambiileyaasha. Ruto ayaa markii uu xafiiska ka eryay Kinoti waxa uu xilka Agaasimaha Hay’adda Dambi baarista ee Kenya u magacaabay nin ka tirsan Soomaalida Kenya oo la yiraahdo Amiin Ibraahim Maxamed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay laamaha amniga. Hay’adda Dambi Baarista oo magaceeda loo soo gaabiyo (DCI) ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta. Amiin Ibraahim Maxamed Dadka kale ee caanka ah ee loo heysto dilal dhacay waxaa ka mid ah askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017. Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid oo maalin cad labada wiil ku dilay xaafadda Islii ee magalaada Nairobi, bishii Marso 2017-kii. Axmed Rashiid oo dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagay kasoo hor muuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa garsoorka ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah oo uusan xilligaas faahfaahin. Axmed Rashiid Madaxweynaha Kenya oo xilka loo caleema saaray bishii September ayaa intii uu ololaha doorashada ku jiray ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono dilalka aan sharciga loo marin. Dhanka kale, Madaxweyne Ruto ayaa shacabka Kenya ka qanciyay arrin muran badan dhalisay oo la hadal hayay muddooyinkan, taasoo ku saabsanayd hadal ay gabadhiisa ku shegetay in ay leedahay xafiis iyada u gaar ah oo la yiraahdo “Xafiiska Gabadha Koowaad”. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sharciga uu xafiiskaas waafaqsan yahay iyo in lagu lunsanayo dhaqaalaha dowladda. Ruto oo ka jawaabaya mowduucaas ayaa beeniyay jiritaanka xafiiska doodad dhaliyay. “Ii dhaafa gabadheyda, waad og tihiin kuwani waa carruur, waxay sameynayaan waxyaabo carruurnimo ah, aad baad u ogtihiin in uusan jirin xafiis noocaas ah… tani waa gabadha madaxweynaha William Ruto oo keliya mararka qaarna ma garaneyso farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo aabbe,” ayuu yiri Mr Ruto oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Reputation Poll International waxay soo bandhigtay liiska 100-ka qof ee ugu sumcadda badnaa qaaradda Afrika sanadka 2022-ka ee dhammaaday. Shaqsiyaadka 100-ka ee ay hay’addu soo bandhigtay waxay isugu jiraan madax dowladeed, siyaasiyiin, shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxbarashada, gancsiga iyo madadaalada. Shaqsiyaadkaasi waxaa ka mid ah Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto. Waxayna hay’addu sheegtay shuruudaha shaqsiyaadkaasi lagu doortay iney tahay daacadnimada, saameynta ay bulshada ku leeyihiin iyo sida ay bulshada uga dhex muuqdeen. Shaqsiyaadka kale ee liiska lagu soo daray ee ka soo jeeda dalka Kenya waxaa ka mid ah Amina Maxamed Jibriil wasiirka hore ee arrimaha dibadda Kenya, Martha Karau oo ah haweneyda keli ah ee u tartantay jagada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya. Dalka Itoobiyana waxaa liiska 100-ka ugu sumcadda badnaa Afrika 2022-ka uga jira Madaxweynaha Itoobiya Sahle-werk Zewde, Wasiirka Caafiaamdka Itoobiya Lia Taddese iyo Warkineh Gabeyehu wasiirkii hore arrimaha dibadda Itoobiya. Shaqsiyaadkaasi waxaa kale oo ka mid ah kuwa lagu soo xushay sumcadda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin oo nolosha bulshooyinka qaaradda Afrka isbeddelka ku keenay isla-markaana shaqa abuur iyo ganacsiyo dad badan noloshooda baddalay sameeyey. Ujeedka laga leeyahay Liiska ay soo saartay hay’adda Reputation Poll International waxaa lagu sheegay in la aqoonsado isla-markaana laga markhaati kaco shaqsiyaadkaasi 100-ka ah saameynta wanaagsan ee ay ku yeesheen qaaraddan Afrika iyo caalamka intiisa kalaba sanadki tagay. Soomaaliya oo ay liiskan uga jirto Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga soo doortay dhanka hoggaanka siyaasadeed. Waxayna si gaar ah ugu muteysatay iney tahay haweeneydi ugu horreysay oo guddoomiye ku xigeenka Koobaad ka noqoto Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya isla-markaana buslahada dhexdeeda si weyn uga muuqatay. Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiye ku xigeenka koobaad sanadki tagay u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorto. Sacdiya waxay horay xildhibaan uga soo ahayd baarlamaankii kan ka horreeyay ee 10-aad, iyadoo si weyn loogu xusuusto mucaaradnimadeedii dowladdii Farmaajo. Waxay sidoo kale ka mid ahayd xildhibaannadii ugu firfircoonaa ee ugu doodaha kululaa baarlamaankii uu xilligiisu dhammaaday, haddii ay tahay dhanka u doodidda haweenka, mucaaradka iyo weliba saami-qaybsiga siyaasadda Soomaaliya oo ay dhaliili jirtay habka 4.5 iyo saamiga Aqalka sare ee beelaha. Sacdiiyo waxyaabaha hadal haynta ugu badan Soomaaliya ka abuuray waxay ahayd hadal ay ka sheegtay baarlamaanka xilli laga doodayey sharci arrimaha jinsiga ku saabsan oo baarlamaanka la horkeenay. Muddadi ay sacdiiyo baarlamaanka Soomaaliya ka midka ahayd waxaa sida oo kale lagu xusuustaa arrima ay ka mid yihiin Firimbigi ay Farmaajo ku yeedhisay, hadalki ahaa ‘You have to apologized’, iyo Gurigii ay 1500 oo doolar oo kiro ah ka bixiso ee ay sheegtay iney laba sano gelin. Isha: BBC The post Xildhibaan Sacdiiya Yaasiin Xaaji Samatar oo lagu daray liis caalami ah oo qiimo leh appeared first on Caasimada Online.
