-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya maanta guddoomiye u doortay xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) oo ka soo jeedda Galmudug. Sidoo kale Guddiga ayaa ku-xigeen u doortay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka soo jeeda Jubaland, halka ay xoghayn u doorteen Senator Siciid Cabdi Xuseen oo ka soo jeeda Somaliland. Guddiga kor joogteynta dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah 10 xubnood oo ka kooban labada aqal, kuwaas oo kala ah. 1. Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh – Puntland 2. Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed – Puntland 3. Xildhibaam Cabdulaahi Abuukar Xaaji ( Cabdullaahi Carab) – Jubaland 4. Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) – Galmudug 5. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid – Koonfur Galbeed. 6. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) – Galmudug 7. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) –Jubaland 8. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Jubaland 9. Senator Siciid Cabdi Xuseen – Somaliland. 10. Senator Xasan Xuseen Xaaji – Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya oo guddoon doortay appeared first on Puntland Post.
-
32 kaddib, Kornaylada waxba uma kordhin, Muuse Biixi Masiirka ummaddan wuxu gaadhsiiyay meel aad u liidata, Haddi Gole Baarlmaan oo qiyam lihii jiri lahaa Maamuus ka xayuubin ayuu mudan lahaa. xaqadarray ahayd in Muwaadiniin aan hubaysnayn lagu toogtay Xabbadii ay bixiyeen Cashuurta lagu soo iibiyay, Laas-caanood xoog uma baahna waxay u baahanayd xal, reer Laas-caanood waxay xaq u leeyihiin Nolosha iyo Nabada Hargeysa taal !” Qorre:- Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Guddiga Dib u eegista Baarlamaanka oo Doortay Guddoon Cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista, la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BFS, halka Kuxigeen loo doortay Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, waxaa Xoghayaha Guddiga loo doortay Senator Saciid Cabdi Xuseen. Xubnahaan ayaa ka shaqayn doona hawlaha dib-u-eegista dasturka kumeel gaarka ah, kaas oo ay kamid ah hawlaha ugu mudan ee hor yaalla baarlamaanka 11-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Las Anod (Caasimada Online) – The military of the self-proclaimed republic of Somaliland, located in northern Somalia, has declared that it will not abandon the city of Las Anod in the Sool region, despite the recent deadly protests that have resulted in the loss of at least 20 lives in the past week. Brigadier General Mahad Ambashe, the commander of the Somaliland armed forces in the Sool region, stated that the national army has yet to leave and has no plans to leave the region. “To my understanding, the national army has not left and has no plans to leave the region,” he said. General Ambashe has issued a warning to those he believes are attempting to destabilize the region, stating that the military will continue to use force to maintain peace, law, and order. He added that if the town descends into anarchy, the military will return to protect life and property. The current protests in Las Anod were sparked by the assassination of a local figure, Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi, after he left a mosque on December 26, 2022. The killing led to the deaths of at least 20 people when Somaliland forces used excessive force to suppress the protest. Somaliland President Muse Bihi has apologized for civilians’ deaths, promised to investigate the incident, and pledged to withdraw troops from the town once stability has been restored. The military faced backlash and was then forced to retreat to army bases on the outskirts of Las Anod on Thursday after anti-government protesters and local militias stormed the city. General Ambashe expressed remorse for the loss of life during the protests but argued that the military had exercised restraint and that the situation could have been much worse if a different army had handled it. The international community has expressed concern about the ongoing violence in Las Anod and called for an end to the unrest. The post Somaliland army vows to stay in Las Anod despite recent violence appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Kevin McCarthy oo kamid ah mudanayaasha Congress-ka Maraykanka ayaa loo doortay Afhayeenka aqalka kadib doorasho adag oo ka dhacay Congress-ka. Kevin ayaa ku guulaystay wareegga 15-aad kadib markii uu galay loolan adag, waxaana 14- jeer diiday qaar kamid ah xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga. 20 xubnood oo xisbiga Jamhuuriga ayaa siyaasigaan dhaliilsanaa hanaanka uu wax u maamulo iyo aragtidiisa hoggaamineed, balse waxaa la sheegay in uu tanaasulaad u sameeyay xubnahaas. Kevin McCarthy waxaa laga soo doortay gobalka California, waana 57-sano jir muddo dheer ku jiray siyaasadda Maraykanka. McCarthy ayaa aad u raadiyay codka xildhibaan Matt Gaetz oo ah mid mayal adag, kaas oo ugu dambeyn ka aamusay codeynta. Tan iyo 1859kii waxaa ay doorashadaan noqotay middii ugu adkeyd taas oo sababtay in ay dhawrjeer ay baaqato kulama ay lahaayeen baarlamaanka iyo hawlihii shaqo ee Congress-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibnaan Cumar Shariif Jeeg oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay sababaha keenay baaqashada kulankii Golaha oo kooram la’aan dartiis lasoo xiray. Jeeg ayaa shaaca ka qaaday in arrin amni darteed ay u imaan waayeen xildhibaanada ka baaqday kulanka, wuxuuna sababta ku sheegay in xildhibaanada loo ogolaaday hal waddo inay kasoo galaan xarunta, taas oo uu tilmaamay inay shaki ku beertay xubnaha maqab. “Saaka waxaa jirtay hal shey oo aan la fahamsaneyn, sababtoo ah waddooyinka waad ogtihiin hal wadaa saaka laga soo galaayey waddada Ceel Gaab ayey aheyd, marka waxaa xildhibaanada Soomaaliyeed shaki galiyay halkaas waddo ” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xaalad amni oo adag ay haatan ku shaqeeyaan xildhibaanadu, isla-markaana ay qabaan cabsi la xiriirto amnigooda. Sidoo kale wuxuu farriin u diray hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ka codsaday inay wax ka qabtaan ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho. “Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha amniga inay ka fakiraan amniga, dibna loo soo celiyo nabad-gelyada caasimada, markaas ayey xildhibaanada subax soo kasto so xaadiri karaan, laakiin subaxii markaa gurigaaga kasoo baxaysid adiga oo ku jiro ilaahow iso celi dhib waayey cabsidaas ayaa jirto” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada ay daacad u yihiin shaqaooda, balse laga gaabiyay amnigooda, sida uu markale ku dooday xildhibaan Shariif Jeeg. “Aniga ma aaminsani in xildhibaanada ay marnaba shaqadooda gudan waayeen, laakiin waxaa shaqo laga dhex gudan karaa waddan amni ka jiro iyo xasilooni,” ayuu sii yiri. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isna goor sii horreysay hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha. Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan. “Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri Sheekh Aadan. The post Maxay tahay sababta ay xildhibaanada uga baaqdeen kulankii BF ee maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha, kadib markii shirkii maanta uu u baaqday kooram la’aan darteed, kadibna la soo xiray. Kulankan baaqday ayaa qorshuhu ahaa in xildhibaanada loo qaybiyo sharciga hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kaas oo ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan. “Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaan inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada,” ayuu yiri Aadan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani dhaawceyso xeerarka u yaalla baarlamaanka iyo sharcdiga dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay. Ma’aha markii ugu horreysay ee uu kooram la’aan u baaqdo kulamada Golaha Shacabka, Soomaaliya, waxaana dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay lagu kala tegay shirar ay lahaayeen xildhibaanadu, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada. Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag, waxaana ugu horreeysa 21 hindise sharciyeed oo ay usoo gudbisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Aadan Madoobe oo digniin u diray xildhibaanada BF kadib arrin maanta dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milatariga Somaliland ayaa maanta war cusub kasoo saaray xaaladda adag ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo ka soo saaray digniin culus. Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe oo ah taliyaha ciidamada milatariga Somaliland ayaa u digay dad uu sheegay inay qas ka wadaan gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay ka hortegi doonaan dadkaasi. Sidoo kale ku hanjabay in aysan ka bixi doonin gobolka Sool, isaga oo sheegay in ay dhawaan dib ugu laabanayaan gudaha magaalada. “Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday oo dhaxalkii abaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya … kuwa in aanu duno raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay, ciidankii qaranku ma bixin, xata bixi maayo” ayuu yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland ee gobolka Sool. Dhanka kale wuxuu tilmaamay in Somaliland ay waqti badan gelisay amniga Laascaanood, tan iyo wixii ka dambeeyay 2007-dii, xilligaas oo ay gudaha u galeen magaaladaasi. “Laascaanood anaga ayaa joogna waa u talinay, waxaanu ugu talinaynana nin waliba waa arkaa, 2007 markii aanu soo galnay ee nidaamka Somaliland ee barakaysani noo yimid Sool clan ma wada-hadlayn, xabada iyo maydkuna waa nagu badnaa, reer waliba reer hebel ayuu ku duuli jiray” ayuu markale yiri Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin duleedka Laacaanood, kadib markii ay magaaladaas soo galeen maleeshiyaad careysan oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ka soo horjeedo joogitaanka ciidamada Somaliland. Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaana hakad-galay dhaq-dhaqaaqa magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha. Rabshadahaan oo galay todobaadkii 3-aad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani. The post Somaliland oo digniin cusub kasoo saartay arrinta Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SOODMA ayaa in kudhow 300 oo qoys oo ah dad danyar ah waxa ay gargaar ugu qeybisay gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo Muddo go’doon aheed. Gargaarkaan ayaa Hore Dowladda Imraadka Carabta waxa ay ugu deeqday Dadka abaaraha sameynta ku yesheen waxana uu iskugu jiraa qeybaha kala duwan ee raaahinka. Dadka Gargaarkaan ka faaiideystay ayaa wajahayey maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolasha ah iyadoo intaa ugu sii dhereed In degmada Diinsoor ay tahay mid Go’doon ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo Boolis ah oo suga amniga ay geysay deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobollada dalka, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu qayb ka yahay sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga qabsado deegaannada ay ka joogaan dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu haatan socdo abaabul kale oo deegaanadaas lagu geynayo ciidamo Nabad Sugid ah, si ay u xoojiyaan kuwa Booliska. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in adeegyada muhiimka la gaarsiin doono, sida Maxkamadaha, Adeegyada Bulshada iyo dhammaan howlaha looga baahan yahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Meelaha ciidamo la geeyay oo uu ra’iisul wasaaruhu xusay waxaa kamid ah degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab. “Meelaha aan u bixiyay dib u dejinta ee adeegyada Dowladda aan gaarsiineyno waxa aan u dejiyay qorshe lagu gaarsiinayo Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Garsoorka iyo Adeegyo kala duwan, Aadan Yabaal oo ah Degmo weyn waxaa geynay Ciidamo Booliis ah, waxaa socda diyaarinta Ciidanka Nabadsugidda, sidaas oo kale deegaannada kale waan geyn doonnaa Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda” Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay ka qayb-qaataan dadaalka socdo, si loogu midoobo kooxda Al-Shabaab. Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada ay wado dowladda ee ku aadan in aysan dib usoo laaban ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada dalka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guullo waa weyn ka gaartay howlgallada haatan ka socdo deegaanada HirShabelle, wuxuuna howlgalka usii gudbay Galmudug oo haatan ciidanka huwanta ay gaareen deegaano ka tirsan Galgaduud. The post DF Soomaaliya oo ciidamo horleh geysay deegaanada la xoreeyay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Xaaladda Laascaanood ayaa saaka deggan waxaana magaalada gacanta ku haya ciidamada u dhashay degaanka sida ay wararku xaqiijinayaan. Ciidamada soo duulay ee Somaliland ayaa fadhiya saldhigyadooda ka baxsan magaalada halkaas oo ay ka wadaan abaabulkii ciidan ee danbeeyay si ay u weeraraan shacabka Laascaanood. Dhaq dhaqaaqan ay wadaan ciidamada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli weli aanu qalalin dhiiga shacabkii ay ku laayeen Laascaanood halka dhaawacyaduna weli jiifaan xarumaha Caafimaadka. Qoyasas badan oo ka bara-kacay xaafadaha Laascaanood ayaa sidoo kale u baxay bannaanka magaalada islamarkaana ku sugan xaalad hubanti la’aan ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Wiilka labaad ee uu dhalay boqorka dalka Ingiriiska ee Harry Charles ayaa sida wakaaladaha wararku qorayaan waraysiyo ka bixiyay buug uu qoray oo uu kaga hadlay xilli uu ku jiray ciidamada Britain ee ku sugnaa dalka Afghanistan inuu dilay 25 qof. Dalkaasi ayuu sheegay iney ahaayeen xubno ka tirsan kooxda Taalibaan ee ay kula dagaalameen dalka Afghanistan, sida ku cad wareysiyo uu ka bixiyay buug uu qoray. Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Afghanistsn Annas Xaqani ayaa bartiisa Twitterka fariin uu ugu dhaafay Harry waxa uu ugu sheegay in dadkaasi uu laayay aaney eheyn shax uu ciyaarayay balse ay ahaayeen bini’aadam, qoysas ay lahaayeenna sugayay iney soo nabad noqdaan balse uu isaga dilay. Tan iyo markii uu hadalkani soo baxay ayaa aad loogu hadal hayaa warbaahinta dalka Britain iyo baraha bulshada. Source
-
Source
-
Washinton (Caasimada Online) – Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtidii, kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa. 57-jirkan oo laga soo doorto California ayaa 14 goor waxaa diiday ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa. McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay inuu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah asxaabta garabka midig oo hore u diiddanaa. Codka ugu muhiimsanaa ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz oo ka aamusay inuu u codeeyo. Xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida muddo daqiiqado ah, iyagoo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo go’aankiisa kahor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad. Gacan ka hadal kooban ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyadoo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers. Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga. Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka. Waan ku faraxsanahay inay soo idlaatay doorashadii” ayuu yiri kadib guushiisis. Madaxweyne Joe Biden ayaa u hambalyeeyay Kevin McCarthy isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga. VOA + Reuters. The post Kevin McCarthy oo loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka kadib… appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ku aadan duqeymaha ay Soomaaliya ka fulisay sanadkii hore ee 2022-kii iyo khasaaraha ka dhashay weeraradaas dhanka cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in 2022-kii ay gudaha Soomaaliya ka geysteen illaa 15 duqeymood oo dhammaan lagu weeraray Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradaasi lagu taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada culus ka wada gobollada dalka. Sida warbixintan lagu sheegay waxaa duqeymahaasi lagu laayey illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, xilli ay abaabulayeen inay qaadaan weeraro halis ah. Sidoo kale wuxuu Mareykanka meesha ka saaray in duqeymahaas ay wax khasaare ah kasoo gaareen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyay. Tirada duqeymaha uu Mareykanka fuliyay sanadkii dhammaaday ayaa ka badan tii sanadkii hore ee 2021-kii, markaas oo uu dalka ka fuliyay 11 duqeymood oo dhanka hawada ah. Wuxuu sidoo kale sanadkii kasii horreeyay ee 2020-kii uu fuliyay 45 weerar, halka 2019 uu Soomaaliya ka geystay geysteen 59 duqeyn, sida ku cad warbixinta kasoo baxday Taliska. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaataa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , gaar ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab. Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamiga ah ay kordhisay dagaalka Shabaab looga saarayo dalka oo dhan. The post Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha uu 2022 ka fuliyay Soomaaliya + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii afraad wuxuu ku guda jiraa doorashada afhayeenka golaha, iyada oo xildhibaanada kala qaybsan ee xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda goluhu ay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqda afhayeenka golaha. Kevin McCarthy oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa 13 jeer oo la codeeyey wuxuu gaadhi waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha. Illaa 20 musharax oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay musharax xisbiga Jamhuurigu wato ee Kevin McCarthy, hase ahaatee, mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya inuu jiro isfaham iyo isu soo dhowaansho. Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod. PUNTLAND POST The post Congress-ka Maraykanka oo weli isku dayaya in uu doorto Af-hayeenka Golaha appeared first on Puntland Post.
-
At least 16 people were killed when a passenger bus rammed into a stationary lorry on Friday morning on Uganda’s highway that links the capital, Kampala, to the northern town of Gulu. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Fishermen in the northern Somali town of Bosaso are complaining that the lack of cold storage facilities is threatening their livelihood and preventing them from earning a decent living. Source: Hiiraan Online
-
The European Union has decided to extend its Naval Force Operation Atalanta off the coast of Africa for two years despite the removal of the designation of a piracy high risk area for Somalia and the region of the Indian Ocean. The EU military maritime operation will now run until December 31, 2024. Source: Hiiraan Online
