Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali President Hassan Sheikh Mahmoud stressed that the bilateral and multilateral cooperation with Ethiopia will continue, saying Ethiopia is a "strong strategic partner" in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopian athlete Tirunesh Dibaba, a three-time Olympic and five-time world champion in long-distance running, is set to return to running after the birth of her third child. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU, Jan 7 (Reuters) - Islamist militants from al Shabaab killed at least six people on Friday while raiding a village in central Somalia that they were pushed out of last week, a government-allied militia said. Source: Hiiraan Online
  4. Buuraha Magaalada Barakaysan ee Makka Al-Mukarama oo Markii Roobab badani ku da’een Cagaar “Green isubedelay” Qaran News
  5. Faallo (PP) — Maxaa la gudboon in maamulka Somaliland uu sameeyo si uu u xalliyo colaadda Laascaanood? 15 sano oo maamulku joogay Laascaanood ma horseedin talo ka baxsan caaradda qoriga maleeshiyo beeleedyada kala duwan ku sugan Laascaanood. Maamulka Somaliland wuxuu Laascanood ku soo galay taageerada koox maleeshiyo ah oo markii dambe koox kale ay ka awood-badisay. Siyaasadda nabad-ku-cabsiinta (peaceocracy) oo biyo-dhaceedu yahay in gobolllada qaar lagu sunto dhul argagixiso inuu yahay ayaa si ba’an u sii saamaysay Sool. Ku tiirsanaanta hal maleeshiyo beeleed iyaduna waxay sababtay in askarta Somalilnad Laascaanood lagaga saaro muddo kooban. Maamulka Somaliland waa aalad siyaasadeed oo ay maleeshiyada iyo siyaasiyiinta qaarkood ku adeegtaan Laascaanood dhexdeeda. Taasi macnaheedu waa: maamulka Somaliland kagama shaqeeyo Laascaanood doonista dadka; wuxuu ku tiirsan yahay hoggaanxumada dadka Laascaanood ku habsatay oo markii dambe ay kacdoon kaga soo horjeesteen. Dad isku danaysanayay siyaasad iyo dhaqaale ahaan ayaa magaca Somaliland kuwada joogay Laascaanood; ma jirin talo siyaasadeed oo isla xisaabtan iyo hufnaan ku dhisan. Waa in maamulka Somaliland aqbalo in dhabbaha uu qaaday siyaasad ahaan uu sababay xaaladda maanta taagan oo keeni karta dagaal dhiig badani ku daato haddii siyaasi sheeganaya Sool uu taageero in ciidammada Somaliland ay xoog ugu soo noqdaan Laascaanood. Siyaasiyiinta jujuubka aamminsan ee Sool qaarkood kuna tiirsan Somaliland waxay hadda wadaan inay ku doodaan in Sool tahay dhul Al-shabaab ay deggan tahay. Waa dood ay la tahay inay Somaliland kaga helayso Maraykanka Iskaashi Amni (security partnership). Waa in dadku la hadlo siyaasiyiinta beesha Sool ee doonaya badbaadinta jiritaanka maleeshiyo beeleedyada, iyo in Laascaanood laga dhigo dhul argagixiso ka hawlgasho, waana dhibaato ka sii daran “dhul lagu murunsan yahay” oo hadda Sool ku suntan. Maamulka Somaliland xaq uma laha inuu dadka Laascanood ka fisho inay aqbalaan doodda ah in qof Garoowe ama Boosaaso ka yimid, tusaale ahaan, uu ajnabi ku yahay Laascaanood. Soomaaliya weli waa dal siyaasad iyo dhul ahaan mideysan. Midnamadu macnaheeddu ma aha in dadka goosashada doonaya lagu qasbo midnimo; goosasho doonistu, sidoo kale, macnaheedu ma aha in qof Soomaaliyeed loo diido xaqa uu ugu noolaan karo meel kasta oo dalkiisa ka mid ah kuna dhaadan karo haybta siyaasadeed ee uu calanka Soomaaliya summadda u yahay. Dowladda Federaalka dhankeeda way qaddarisaa isku qasbid la’aanta midnimada, in si gaar ah wax loo siiyo Somaliland iyo in la dhowro jiritaanka hay’adaha siyaasadda Somaliland. Marka dadka Laascaanood ay leeyihiin “midnimada Soomaaliya ayaannu taageersannahay” waxay muujinayaan waajibka ka saaran dhowrista qarannimada Soomaaliya oo ka billaabata dhowrista xaqa nolosha iyo hantida ee muwaadinka. Doodda in Somaliland ay dal gaar ah noqoto waxaa loo mari karaa dhowrista qarannimada Soomaaliya — in qofna aan loo diidin xaqa siyaasadda oo ka billaabanaysa in ay helaan hoggaamiyeyaal ay la xisaabtami karaan. Haddii maamulka Somaliland uu dhinaciisa dhowro mabda’an asaasiga ah, Waqooyigu wuxuu ka badbaadayaa colaad hoggaamin xumo ay abuurtay. © Puntland Post, 2022. The post Waa in Maamulka Somaliland La Baxo Ciidammada Ka Jooga Sool appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq ka soo saaray xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo hal arrin kula dardaarmay Somaliland iyo dadka reer Laascaanood. Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland iyo shacabka Laascaanood aysan macquul aheyn in 32 sano kadib ay is dilaan, isagoo ugu baaqay inay ka joogaan taas. “Waxaan baaq u dirayaa dadka reer Laascaanood iyo dowladda Somaliland, wax xilli la is dilo lama joogo. Sidii aan uga tacsiyeynayey wixii Baydhaba ka dhacay maalmo ka hor oo Sh/Dhexe qabaa’ilkii isku dilay aan uga tacsiyeynay, ayaan uga tacsiyeyneynaa, ugana xunahay wax aka socda Laascaanood,” ayuu yiri madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa maamulka Somaliland kula taliyey in dadka inta xabadda laga daayo loo soo diro dad la hadla, “Dad la hadla oo ay hadalkooda dhageysanayaan haloo soo diro reer Laascaanood, waxay ku bukootay yaan lagu daaweyn,” ayuu ku taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale hadallada aan wanaagsaneyn ee siyaasiyiinta ka soo yeeraya ayuu ka digay Xasan Sheekh, kuwaas oo sida uu sheegay bulshada ku keenaya inay isku dhacdo, “Dadkaas Soomaaliyeed ee is dilaya waa na dhibeysaa, reer Laascaanood waxaan leeyahay mowqifkiina la soo istaaga, laakiin hadalada wax haleynaya hala joojiyo, waxaba idiin soo kordhi maayaane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Madaxweyne Xasan ayaa Somaliland ugu baaqay in sidii hore si ka duwan inay ula dhaqanto reer Laascaanood ay ku dadaasho, si loo demiyo xiisadaan, “dadku haday kacaan si loola dhaqmaa jirtee, xabad wax ma wanaajiso.” Ka dowlad ahaan wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay dhibsanayaan inay arkaan dadkii reer Laascaanood oo calanka dowladda Soomaaliya ee biluuga ah babinaya, kadibna ay xabad la dhacayaan ciidamada Somaliland. “Dhiig meeshii ku daato dhibaato dheer ayaa ka dhacda, dul qaad badan kadib ayaana dowladnimo la gaaraa, marka reer Laascaanood waxaan idin leeyahay walaalayaal tartiib iyo dhib la’aan ku raadsada waxa idinka maqan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo mar kale farriin ka soo saaray xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Rays ee madaxtooyada Soomaaliya ku agyaalla, isagoo sheegay in isla xisaabtan uu ka dhashay wixii dhacay. Ra’iisul wasaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la xiray oo baaritaan uu ku socdo dhamaan askartii joogtay baraha control ee Madaxtooyada laga galo, habeenkii uu dhacay weerarkaas. “Waxaan dooneynaa in baaritaankaas dhabta laga gaaro, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in dhamaan dadkii laga shakiyey la xiray oo baaritaankoodu uu socdo,” ayuu yiri Xamse. R/Wasaare Xamse ma cadeyn tirada dadka loo heysto wixii dhacay iyo goorta lasoo gabagabeynayo baaritaanka ku socda, sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda maxkamad loo soo taagay weerarkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay guulaha ay xukuumadiisu ka gaartay xoreynta dalka, mudadii uu joogay xafiiska, isagoo sheegay in weerarkii Al-Shabaab looga qaaday 3-da jiho ay guulo waaweyn ka gaartay dowladdu. Wuxuu sheegay in xagga fikirka ay uga guuleysteen kooxda oo culumadii oo dhan ay fatwo ka soo saartay, “Al-Shabaab lama dhaho hadda, Khawaarij ayaa la dhahaa, culumadeena ayaana ku dhawaaqday,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Al-Shabaab, isagoo sheegay inay gaajo u dhimanayaan kadib markii ay dowladdu saartay cunaqabateyn xoog leh, isla markaana la xiray dhamaan akoonadii ay lacagaha ku shuba jireen. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyey ganacsato uusan carabaabin, kuwaas oo sida uu sheegay ku garab siiyey in la xiro akoonadaas. Dhanka dagaalka tooska ah, wuxuu sheegay in ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay HirShabeelle ka xoreeyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ciidanku hadda u talaabeen Galgaduud, isagoo sheegay in rajo badan uu ka qabo in kooxda deg deg looga xoreeyo Galgaduud. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: R/W Xamza oo xog ka bixiyey dad ka tirsan DF oo loo haysto weerarkii Hotel Rays appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu horeyn farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sii dabar go’ayaan, “Dhalinyaro meesha aad aadeen waa halaage ka soo laabta, ku soo noqda dalkiina, dowladiina iyo diintiina,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo Shabaab ka tirsan uu maalin kasta galo cuqubo aan ka hari doonin adduun iyo aaqiro, “Kuwa madaxoodu adkaaday ka soo hara dhalinyaro,” ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin u diray dadka reer miyiga ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in aysan aamin qof ka soo goostay Al-Shabaab, isla markaana ay dowladda u daayaan hubinta iyo dhaqan celinta qofkaas. “Marar badan ayaan ka digay arrinta qabiilka, walaalayaal Shabaab nagu qabiil maaha, warar badan ayaa isoo gaaray oo deegaanada qaarkood, dadkii Shabaab-ka ka tirsanaa inay dadkooda iska dhex galeen, waxaasi macquul maaha, waana khatar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sid gaar ah madaxweynaha ayaa ka hadlay odayaashii sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka nabadoonimada iyo kuwii lacagaha u uruuri jiray, isagoo sheegay in meeshaas aysan nabadoonimo ka jirin ee raggaasi ay raali ka ahaayeen in la laayo dadkeenna. “Dadkii lagu qanciyey in dadkaan Soomaaliyeed la laayo, ayaa maanta qabiilkiisu wuxuu ku leeyahay ninkaan anagaa shalay Shabaab u dirnay, war Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leenaayey ee maxaad u dirtay inuu dadka wax ka laayo?” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray. Madaxweynaha ayaa qabaa’ilka ku doodaya inay odayaal u dirsadeen Al-Shabaab, si wixii uga xirma ay uga nabadooniyaan ayaa weydiiyey su’aal ah, war ninkaan dadka dilaayey, qof wakiilka ah ee aad u dirsatay muxuu ka shaqeynayey?. “Nin kasta oo camalka Shabaab ee dalkaan ka jira ka mid ah, waa Shabaab, qofkii ka soo baxa waa fiican yahay, laakiin aan isla ogaano, mar kasta Al-Shabaab ayuu la hadli karaa qofkaas adigoo qabiil ku cafinaya ayuu ku jaajuusayaa, cudur daar malaha qof Shabaab u adeegay ee yaan lasoo dhaweysan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo go’aan cusub ka soo saaray qofkii ka soo hara Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Laascaanood (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga iyo booliska Somaliland ee dhawaan ka baxay magaalada Laascanood ayaa duleedka magaaladaas ka billaabay abaabul dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada. Ciidamada Somaliland ayaa habeenkii Arbacada ka baxay magaalada, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay inay sababta tahay inay u turaan shacaba, si aanay magaaladu uga dhicin dhimasho kale. Si kastaba, Somaliland ayaa hadda ciidan cusub keentay duleedka magaalada oo ku kordhay kuwii hore, waxayna doonayaan inay xoog ku galaan magaalada Laascaanood oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo degaanka ah oo hubeysan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in si weyn magaalada looga dareemay abaabulka ay Somaliland waddo, islamarkaana ay u diyaarsan yihiin inay iska difaacaan. Waxay sidoo kale sheegeen in hadda ay billowdeen in dib loo furo badi goobaha ganacsiga magaalada ee ku xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada, balse xaaladdan cusub ay cabsi abuurtay. Qaar k amid ah odayaasha dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si xaaladda magaalada ay caadi ugu soo noqoto, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee magaalada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray. Xaaladda Laascaanood ayaa kacsan muddo laba toddobaad ku dhow, kadib markii dil loo gaystay siyaasi dhallinyaro ah uu horseeday inay shacabka kacaan, kadibna ciidanka Somaliland ay awood u sheegtaan. Illaa 20 qof ayaa ku dhintay magaalada tan iyo markii ay dibadbaxyada billowdeen ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Waxaa weli soo kordhaya baaqyada loo jeedinayo xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo ah inay hab xikmadeysan u xaliso xiisadda Laascaanood. The post Xog: Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay duleedka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  10. Wefti Balaadhan oo ay hogaaminayaan Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan,Guddoomiye Ku Xigeen Maxamed Xaaji Yuusuf Wabeeyo iyo Madax Sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Lagu soo dhaweeyey Deegmada Qorilugud. Weftiga oo La hadlay Dadweynaha ku sugan Deegmada Qoriligud ayaa ku wacyi geliyey inay qaataan kaadhka Cod bixinta isna Diwaan geliyaan. Qaran News
  11. Mogadishu (HOL) - The former governor of Wadajir district, Ahmed Hassan Addow (Ahmed Da'i), said that Al-Shabaab attacked the village of Hilowle Gaab in the Middle Shabelle region from three directions on Friday before being beaten back by the SNA and allied clan militia. Source: Hiiraan Online
  12. To keep dominance of his local militias in Lasanod Yasin Faraton claims that “terrorists are in Lasanod”. Lasanod (PP News Desk) — Yasin Mohamud Hir, UK-based retired politician, arrived in Lasanod last night in an attempt to capitalize on the uprising that resulted in the withdrawal of Somaliland troops in Lasanod two days ago. Yasin is holding meetings in West Lasanod with militias of his subclan commanded by Mahad Anbashe, his nephew. His main hope is to replace Abdirisaq Khalif, the Speaker of Somaliland Parliament, who accused Somaliland forces of atrocities and switching off the district electricity grid at a time doctors were operating on people wounded by Somaliland troops. Yasin Faraton argued for the return of Somaliland forces to Lasanod. In 2003 he deployed Somaliland troops in Yagoori. Twenty years after the deployment, Faraton banks on the militias that kept Somaliland troops in Lasanod since 2007. Garad Jama Garad Ismail rejected Yasin Faraton’s proposal to allow for the return of Somaliland troops to Lasanod. Garad Jama Garad Ismail categorically rejected Faraton’s demand about the return of Somaliland forces to Lasanod. “Such a decision will lead to bloodshed. No single militia can exert control in Lasanod. People will take up arms and fight in the streets to protect themselves. No politician or traditional leader from Sool can call for the return of Somaliland troops to Lasanod” Garad Jama Garad Ismail said to Yasin Faraton, who flew from London two days ago. Yasin Faraton backs the Somaliland proposition that Sool is a terrorist-infested region, an argument that is the basis for the now shelved security partnership between Somaliland and the United States. In 2017 Faraton said that Al-shabaab was in Lasanod. © Puntland Post, 2022 The post Yasin Faraton Arrives in Lasanod appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab militants have launched an attack on a military camp in Hilowle-Gaab, a village located in the Middle Shabelle region of Somalia, close to the border with Galgudud on Friday. Reports indicate casualties on both sides in the dawn attack, with Al-Shabab claiming that their fighters had successfully “overrun” the camp. The government has not released an official statement in response to the incident. The government has, however, challenged Al-Shabab’s assertion that there were significant casualties among government soldiers in the attack. Ahmed Hassan Adow (Daaci), a leader of the government soldiers and the former commissioner of the Wadajir district, stated that while the attack resulted in some government casualties, they were relatively minor. Adow also claimed that the government forces inflicted damage on the Al-Shabab militants who carried out the attack and have since regained control of the area.” This attack marks the second assault by Al-Shabab in the HirShabelle state in a matter of days. On Wednesday, two car bombings orchestrated by the group in the Mahas district of Hiiraan resulted in the deaths of at least 35 people, including ten members of a single family, and the injury of an additional 40 individuals. According to the deputy police commissioner of Hirshabelle State, Hassan-Kafi Mohamed Ibrahim, “most of the dead are civilians. They are women and children.” The latest attack in Mahas saw twin car bombings targeting a town’s residential area. The first bomb went off in front of the district commissioner’s house, Mumin Mohamed Halane, while the second targeted a lawmaker’s home. Many nearby homes were also damaged in the explosions, potentially trapping survivors inside. Al Shabab claimed responsibility for the attack and stated that 87 people, including military officials and soldiers, were killed. While the authorities have not released an official casualty count, a senior Somali government official stated that at least 20 people were killed, and 30 others were injured. Other media reports put the death toll at 35, with 40 wounded. Many of the injured were airlifted to the capital city of Mogadishu for treatment. The attack in Mahas comes as the Somali government, aided by local clan militias, African Union peacekeeping forces, and the United States (which has utilized drone strikes against Shabab fighters), continues its campaign against Al-Shabab. Since the election of President Hassan Sheikh Mohamud in May, the government has declared an all-out war on the group, intending to limit their geographical reach and sever their financial resources. While the military campaign has seen government forces kill hundreds of militants and retake several towns and villages in southern and central Somalia, Al-Shabab has continued to carry out deadly attacks across the country, including a 30-hour siege on a hotel in the capital that killed 21 people in August of last year. The post Al-Shabab launches attack on military base in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaga ku taliyay “in la joojiyo durbaanka colaadeed ee qabiileysan”. Odayaasha oo kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan xiiso u qabin dhiig daata, islamarkaana laga shaqeeyo nabad-gelyada. “Anaga oo ku hadleyna magaca odayaasha Mogadishu Clan waa ka tacsiyadeyna, wixii dhintay Allaha u naxariisto intii dhaawac ah Allaha shaafiyo. Masiibadii ka dhacday Laascaanood iyo mushkiladii ay keentay hanti burburtay waxaa leenahay badal kheyr qaba Allaha siiyo walaalaha meesha ku dhibaatooday,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan. “Dadka meesha (Laascaanood) isku haysta waa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, waxkastana wada leh. Dagaal Wiil kuma dhasho ee Wiil ayaa ku dhinta, waxaa ku baaqeyna nabada meeshaas ka jirta in aan la lumin.” Sidoo kale waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanood in xiisada taagan ku dayaan xal aan aheyn xabad, islamarkaana isugu yimaadan gole weyn oo loo dhan yahay. “Xabada qoriga waa in laga baxsha oo caqliga iyo aqoontu shaqeyso. Waxa kale oo soo jeedineyna durbaan colaadeed anagu ma jeclin oo Soomaaliya lama rabno, walaalayaal waxa ku baaqeyna in la joojiyo durbaanka colaadeed ee weliba qabiileysan.” Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi in qaab degan oo xikmadeysan u xaliyo xiisadda Laascaanood, xili ay shalay gudaha magaalada ka saartay ciidamadii fara-badna ee hore ugu soo daad-gureysay. Dadka qaar ayaa dhalleeceeyey baaqa odayaasha Mogadishu Clan, ayaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen inay toos u dhalleeceeyaan maamulka Muuse Biixi ee ciidankiisa ay dadka shacabka ku dileen Laascaanood, halka ay is-barbar dhigeen shacabka la dilay iyo ciidanka wax dilay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Odayaasha Mogadishu Clan oo war muran dhaliyey kasoo saaray xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe Mandheera ka sii daysay 29 dhalinyaro ah kuwaas oo laga xidhay magaalada Laascaanood. Dhalinyaradan saaka laga sii daayey xabsiga Mandheera lagu wareejiyey odayaal iyo siyaasiyiin ka jeeda gobolka Sool, kuwaas oo isku xil qaamay dejinta xiisada ka aloosan magaalada Laascaanood, dhalinyaradan xabsiga Mandheera laga sii daayey ayey ciidamada aamaanku ka qabqabteen magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceen mudahaarado ka dhashay dilalka qorsheynsan ee ka dhaca magaaladaasi. Taliyaha xabsiga dhexe ee Mandheera Ibraahim Cabdilaahi Aw Daahir (Afyare) ayaa sheegay in xukuumadda xoriyadoodii u celisay 29kan dhalinyarada ah oo mudo 4cisho ah ku xidhnaa xabsigaasi, dhalinyaradan ayaa loo qaadi doonaa magaalada Laascaanood ee xarunta ee Gobolka Sool. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, Cabdikhayre Dirir Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool iyo Maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Faarax Ciise Cabdi oo goobta ka hadlay ayaa madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland uga mahad-celiyey sii deynta dhalinyaradaas, masuuliyiintan ayaa shacabka reer Laascaanood ugu baaqay inay is dejiyaan, iyagoo sheegay in xukuumadda Somaliland wada hadal ku xalinayso tabashada reer Laascaanood oo ay ugu horeysa sugida nabadgelyada iyo soo qabashada kooxaha arxan laawayaasha argagixisada ah ee magaaladaasi ku laaya haldoorka bulshada. Source
  16. Dawladda Yukreyn ayaa ku gacan-saydhay xabbad joojin ay ku dhawaaqeen masuuliyiinta Ruushku. Xabbad joojinta ayaa ay Ruushku sheegeen inay soconayso 36 saacadood si dadka haysta mad-habta Oortadhogoska ay u ciidaan. Dawladda Ruushka ayaa sheegtay inay xabbad joojintu bilaabmi doonta maanta oo Jimce ah, si dadka loogu ogolaado in ay si nabad ah u ciidaan. Hasayeeshee dawladda Yukreyn ayaa arrintaasi ku sifaysay inay Ruushku khiyaamo uga dan leeyihiin. Madaxtooyada Yukreyn ayaa sheegay in xabbad joojinta looga dan leeyahay inay ciidamada Ruushku ku soo durkaan difaacyada ciidamada Yukreyn. Waxa ay sheegeen inay ciidamadoodu horumar weyn ka sameeyeen dagaalladii bilihii ugu dambeeyey dhacayey. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Axmed Daaci ayaa sheegay in jab iyo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee saaka weerarka kusoo qaaday saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin Hilowle-gaab. Sidoo kale waxa uu qiray in ciidamada dowladda uu dhankooda khasaare kooban kasoo gaaray dagaalka, isaga oo sheegay in deegaanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada loo yaqaano huwanta. “Dagaal badan baa dhacay, Khawaarijtu way soo weerareen, ciidamaduna way iska caabiyeen laakiin labada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay markii dambe. Nin oday ah oo xabado habow ah ku dhaceen ayaa jira,” ayuu yiri. “Ciidamadu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay oo waa lasii daba-joogaa, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku daba jiraan firxadka Shabaab kamid ahaa raggii weerarka kusoo qaaday ciidamada ku sugan deegaanka Hilowle-gaab. “Nimanka howdka ayey ku jiraan oo meel fog ayay ka yimaadeen, dhaq-dhaqaaqa waxa la arki karaa marka meel dhow ka yimaadeen dadka aad ka iska fiirineyso, laakiin meel fog waa ka imaadeen meel dhowna awal ay joogeen ma dheereen.” Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Xogta weerarka in la hayay waa iska dhici karta, ciidamada waa iska caabiyeen oo waa dadaaleen.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay si aysan Al-Shabaab weerar rogaal celin ah ugu soo qaadin deegaanadii laga xoreeyay, uu qorshahooda yahay inay ugu tagaan goobaha ay hadda joogaan, kagana adkaadaan. Dagaalka saaka ka dhacay Hilowle-gaab ayaa ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. The post DAACI oo shaaciyay in jab xoogan oo dagaalkii maanta lagu gaarsiiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.