-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa soo saaray amarro culus oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Warqad uu soo saaray guddiga nabad-galyada gobolka Bari ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada, xili si weyn loogu kacsan yahay madaxweynaha maamulkaasi. “Mudaneyaal maadama lagu jiro xilli xasaasi ah loona baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo Adkaynta Nabad-gelyada, Midnimada & xasiloonida guud, waxaa muddo kooban la joojiyey in Huteellada magaalada Boosaaso lagu qabto shirar & xaflado aan fasax qoraal ah looga haysan guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka haysato guddiga nabad-galyada gobolka Bari oo uu gudoomiye u yahay Cabdirisaaq Cali Siciid. Guddiga Nabad-gelyada ayaa waxa kale oo uu sheegay in Huteellada lagu qabsanayo xafladaha siyaasadeed ay maamulka gobolka ka qaatan warqad fasax ah 24 saac ka hor qabashada munaasabadda. Ugu dambeyntiina, saraakiisha booliska gobolka ayaa iyagana lagu amray inay fuliyaan awaamirtan, si dhowna ula socdaan arrintaan. Awaamiirtan cusub ee ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa imaneysa xili maalmihii dambe ay xiisad siyaasadeed ka taagneyd maamulkaasi, taasi oo salka ku haysa hanaanka Deni u maamulayo doorashada. Shalay ayay aheyd markii Madal Siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda. Waxay ka digeen in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland. The post Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Kuwait City (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamuud Beenabeene ayaa sheegay in dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya uu gaarsiiyey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. Wasiir Beenabeene ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dhambaalkaan uu Amiirka ugu dhiibay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas. Sidoo kale labada wasiir ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dal, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey wasiirka qorsheynta iyo maalashiga caalamiga ah ee Soomaaliya. “Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri. Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.” Kuwait oo ka mid ah dowladaha Carabta ayaa sidoo kale ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, maadaama ay ka wada tirsan yihiin dowladaha ku midoobay Jaamacadda Carabta iyo ururro kale. The post Sawirro: Beenabeene oo dhambaal uu ka siday Xasan gaarsiiyey Amiir Sheikh Nawaf appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa shaqo joojinta Maareeye Cali Yaasiin Gurbe ku sababeeyay wada-shaqayn la’aan ka timid iyo curyaamin habsami u socodka waajibaadka ku xusan qoddobka 7-aad faqradiisa 5-aad sharciga jaangoynta iyo Tayo-dhawrka. “Wasiirka markuu arkay Maareeyaha guud khilaafka iyo wada-shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa guddiga sare ee hay’adda (Boardka) iyo Maareeye ku-xigeenka kuna saleysan wada-tashi la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed ayuu xeeriyay go’aankan.” Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sidoo kale Gurbe ka joojiyey ku howl-galida xilka Maareeyaha, ayada oo Maareeye ku-xigeenka hay’adda uu faray inay si ku-meel gaar ah ugu shaqeyso xilka Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed. “Waxaa dhamaan hay’addaha wada-shaqeyntu kala dhaxeyso hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed laga codsanayaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee sii-hayaha xilka Maareeyaha, Marwo Xaawo Axmed Xasan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan si musuq-masuuq ahna loo isticmaalay. Gurbe ayaa la sheegay in uu baal-maray tallooyinka iyo soo-jeedinada Wasaaradda, iskana indha-tiray kala shaqeynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha hay’adda, sida lagu sheegay qoraalka. The post Maareeyihii guud ee hay’adda tayo-dhawrka oo shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada. Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Laascaanood, kaddib maalmo ay halkaa ka socdeen isku dhacyo sababy dhimasho iyo dhaawac. Qaar kamid ah ganacsatada ku nool magaaladaas, ayaa dib u furay xarumahooda ganacsi, waloow ay ka cabanayaan in ganacsiyadooda aad u hooseeyaan maadaama aanay jirin dad badan oo wax ka iibsada. Gabi ahaanba waxa istaagay isu soo baxyadii iyo rabshadahii magaalada ka taagnaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa se wali hawada ka maqan adeegii Internet-ka oo ay ganacsiyo dhowr ahi ku xidhnaayeen Qaran News
-
Laba Haween ah ayaa geeriyooday kadib markii Gaadhi ku jiidhay waddada Laamiga ah ee Deegaanka Galooley oo u dhexaysa Burco iyo Sheekh. Maydka labada Haween ah iyo dhaawaca Darawalkii Gaadhiga waday oo la sheegay in Gaadhigu la dhacay kadib markii uu Haweenka jiidhay ayaa la keenay Cisbitaalka Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil. Qaran News
-
Xil Ka-qaadis. Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Beddel Waxaan Go’aamiyey; In aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Waxaan Go’aamiyey; In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay. Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka. Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah. Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Shirka Amniga dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qaraxyadii saaka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Waxay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, halka ay caafimaad deg deg ah Alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen. “Bismillahi, waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa kale oo qoraalkiisa uu ku yiri “Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo.” Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa asaguna qoraal uu ka soo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay Maxaas, wuxuu u dhigna sidan: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii ay ka baxeen iyo Ciidankii ay ka tirsanaayeen, gaar ahaan kuwii ay goobta wada joogeen, askartii, saraakiishii, iyo dadkii rayadka ahaa ee lagu dilay weerarkii naf- haliga ahaa ee ay kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee argagexisada Al-shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Waxaan Alle uga baryayaa in uu danbigooda dhaafo, naxariistiisa iyo janadiisa ku abaalmariyo, inta dhaawaca ahna caafimaaad degdeg ah siiyo. Aamiin.” Aroornimadii hore ee saaka ayaa qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawac tiro kale ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Qaraxyada ayaa ahaa kuwa ismiidaamin ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle. Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka, balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay. Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane. The post Shariif iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray musiibadii maanta ka dhacday degmada… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – A leading Somali Islamic scholar, Sheikh Mohamud Shibli, has called for Somalis to hunt down and kill members of the Al-Shabab extremist group. Speaking at a public square in Nairobi, Sheikh Shibli denounced the group’s attacks on Muslims in Somalia and praised ongoing efforts to combat them. Sheikh Shibli said that the actions of Al-Shabab in Somalia are fundamentally opposed to Islam, as they indiscriminately attack and kill Muslims and Somalis in markets and hotels while claiming to be fighting infidels. “What is happening in Somalia is the killing of Islam. Al-Shabab says that they are fighting infidels, but they are bombing markets and hotels. There are no infidels in the country, except AMISOM and those in the Halane compound who are defending themselves, and Al-Shabab cannot approach them,” said Sheikh Shibli. He added, “The so-called infidels they are fighting, the ones they are attacking and whose blood is halal and whom they are getting close to Allah, the ones whose videos we watch being slaughtered are the ones in the Zoobe market and our hotels, Muslims and Somalis.” The Sheikh said it is a duty to fight the “Kharijite” group because they do not deserve to be called Muslims, adding that the only solution is to kill and exterminate them. He also said it is a crime to help Al-Shabab and cited the blood they have shed and the extortion they have carried out against the Somali people. Sheikh Shibli’s call to action comes as fighting against Al-Shabab continues in some parts of Somalia. On Wednesday, at least 15 civilians, including women and children, were killed in a series of car bomb attacks in the central town of Mahas by the militant group. There have been ongoing efforts by the Somali government and its allies to push back against Al-Shabab, including a revolt by local clan militias in July and the deployment of troops by President Hassan Sheikh Mohamud in September. These efforts, aided by US air strikes and the African Union force known as AMISOM, have retaken large areas of territory in the central states of Galmudug and HirShabelle. However, Al-Shabab has continued to carry out retaliatory attacks, showing its ability to strike at the heart of Somali towns and military installations. Al-Shabab, which has pledged allegiance to Al-Qaeda, has been active in Somalia for over a decade and is known for its violent attacks on civilians, including bombings, kidnappings, and assassinations. The group has been particularly active in targeting hotels and markets, such as the one in Zoobe that Sheikh Shibli mentioned in his speech. It has also been responsible for high-profile attacks outside of Somalia, including the 2013 Westgate mall attack in Nairobi, Kenya, in which 67 people were killed. In recent years, the group has faced increasing pressure from Somali government forces and their allies, but it remains a significant threat to the stability and security of the region. The post Leading Somali Islamic scholar calls for hunt and kill of Al-Shabab members appeared first on Caasimada Online.
-
Tababarkan oo loogu tala galay in kor loogu qaado xirfadda iyo aqoonta ay macalimiinta iyo howl wadeenada dugsiga indhoolayaasha Alnur u leeyihiin u adeegista iyo waxbarista ardayda qabta baahida aragga ayaa manta lagu soo gaba gabeyay xarunta dugsiga oo ku yaala degaanka daarusalaam ee magalada Muqdisho. Tababarkan oo socdo mudo shan cisho ayaa lagu baranayay farsamada dayactirka iyo cilad bixinta Type machines Brail oo ah Teeb dadka aragga la’ si fudud uga caawiya wax qorista, xirfadaas oo ay kawada faa`idaysteen barayaasha iyo howlwadeenada dugsiga. Maamulaha dugsiga Al-nuur Cabdifatax Maxmed Dahir ayaa munaasabada lagu soo xirayay tababarkan ka sheegay in tababarkan uu yahay sanadle ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud hay’adeeda Hormuud Salaam Foundation iyo Dugsiga Alnur ay ugu tala galeen in lagu hormariyo aqoonta iyo Xirfadda macalimiinta iyo ardayda dugsiga, isga oo si wayn shirkadda Hormuud uga mahadceliyay garab istaaga iyo gacan ku heenta dugsiga in kabadan 10sano. Proff. Bansali oo ah tababar aqoon sare u leh waxbarshada gaarka ah oo dalka Uganda uga yimid bixinta tababarkan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xirfadihiisa uu sanadkii 2aad uu la wadaago bahada dugsiga Alnur oo uu ku tilmaamay dugsi ay xirfadlayaal badan joogaan . Cabdiraxmaan Ibrahin Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka HSF Ayaa sheegay in shirkadda Hormuud ay ugu farxsan tahay in macalimiinta dugsiga ay kor u qadaan aqoontooda waxuuna kula dardaarmay in waxa ay barteen ay ardayda ku celiyaan Macalimiinta ayaa sidoo kale inta uu tababarka socday ka faa`idaystay tababarro la xiriira noocyada sports ee loogu tala galay dadka aragga la iyo adeegsiga technology-da dadka aragga la` gaar ahaan Computar-ka taas oo macalimiintu ay ku tilmaameen fursad qaali ah, waxaana dugsi al nuur oo ka kooban qeybo badan oo loogu tala galay dadka baahiyaha gaar ah qaba ayaa waxaa gacanta ku haya hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo bixisa dhamaan kharashaadka ku baxa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya, gaarahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland, ayaa ka horyimid guddi gaar ah oo shalay uu magacaabay guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Guddigaas ayaa loogu tala galay inuu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool, halkaasi oo ciidanka Somaliland ay ku dileen 20 qof oo shacab ah. Xildhibaannada ayaa sababta ay guddigaan ku diidanyihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aanay ahayn qaab sax, iyo sidoo kale in xubanaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood, sida ay hadalka u dhigeen. Nuuradiin Col, oo ka mid ah xildhibaanadaas, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la baaro xaaladda Laascaanood, balse ay doonayaan cid awood u leh inay tagto Laascaanood, oo xog-gaal ah, islamarkaana aan caadifadeysneyn, sida uu hadalka uu dhigay. Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah xildhibaanada aan lagu kalsoonaan karin, sababtoo ah buu yiri “qaarkood wareysiyo ay horey u bixiyeen ayaa laga dheehan karaa waxa ay aaminsan yihiin iyo waxa ay soo bandhigi doonaan.” “Caadifad baa ka muuqata, arrinta dadkii buunbuuninayay ayaa guddiga ka mid ah, marka waxaan diidanahay dadk sidaas oo kale ah inay guddiga ku jiraan,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xildhibaano ay arrintan kala hadleen guddoomiyaha kahor inta aan guddiga la magacaabin, islamarkaana hadda ay qorsheynayaan inay isku yimaadaan oo mar kale ay la kulmaan Aadan Madoobe. Xubnaha Guddigan ee xildhibaannada ayaa kala ah: 1. Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow 2. Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame 3. Xildhibaan Cabdikariim Cumar Xuseen 4. Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye 5. Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) 6. Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar 7. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel qaad) 8. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro) 9. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) 10. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil The post Xildhibaanno ka horyimid guddigii uu Aadan Madoobe u magacaabay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa socda baaritaanno ku aaddan askari ka tirsan ciidamaxa Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka kumeel gaarka ah ee midawga Afrika ATMIS, kaas oo saddax sarkaal ku dilay Soomaaliya. Falkaan ayaa dhacay maalintii isniinta ee todobaadkaan waxaana uu ka dhacay xarunta ugu wayn ee ciidamada Uganda. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in falkaan uu dhacay sidoo kalena ay socdaan baritaano askarigana la xiray. Ciidamada ayaa la sheegay in ay markii hore u haysteen in la so weeraray xaruntooda, balse dib ay ka ogaadeen in falka uu ka dhacay dhexdooda. Askariga ayaa toogtay mid koowaad, halka kan labaad uu madaxa kaga dhuftay saddex xabbad, xilli uu doonayay in uu ogaado waxa dhacay, askariga saddexaad ee la dilay ayaa laga toogtay dhabarka isaga oo raba in uu ka baxsado. Sikastaba falkaan ayaa noqonaya midkii labaad, hore ayay u ahayd markii sanadkii 2019-kii askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka midawga afrika ATMIS horayna u ahaa AMISOM, uu dilay saaxiibkiis isna uu isdilay markii dambe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar kamid dalalka carabta iyo xoogaga iska caabinta bulshada xaq u dirirka ah ee Falastiin ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka uu qayb kamid ah masjidka barakeysan ee Al-aqsa uu ku tagay wasiirka amniga Isreal. Itamar Ben-Gvir oo ah wasiirka amniga xukuumadda Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee saaka booqasho ku tagay qayb kamid ah masjidka al-aqsa, waxaana taas ka dhalatay caro aad u fara badan. Falastiin ayaa ku eedeysay in ay arinta mas’uuliyadeeda uu qaadayo ra’iisulwasaaraha xukuumadda Tel-aviv. Dowladaha Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan ayaa si adag u cambaareyay dhankooda go’aanka uu ku tagay masjidka wasiirka amniga Israel. Dhankiisa wasiir Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furantahay qof waliba isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imanaya Xamaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudaalwe Xuseen ayaa war kasoo saaray qaraxyadii xooganaa ee saaka Al-Shabaab ay ka fulisay degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi tiraanyo leh u diray ehellada ay dadkoodii ku dhinteen qaraxyadaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in aysan niyad-jebin doonin weeraradaasi, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle. Dhinaca kale wuxuu farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u midoobaan Al-Shabaab, kadibna ay ka qayb qaataan dagaalka ka socdo gobollada dalka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa war kasoo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay gudaha degmada Maxaas, isagoo ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay weerarkaasi. “Waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaa Allah ha siiyo,” ayuu isna yiri madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Mid ka mid ah qaraxyadan waxaa lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga, halka qaraxaa labaad isna lagu dhuftay guriga guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane oo lasoo wariyay in uu badbaaday isku daygaasi dil. Weeraradaan waxay ku soo aadayaan, xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab. Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle. The post Cali Guudlaawe oo farriin culus diray kadib qaraxyadii Maxaas appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland ayaa ka horyimid guddi uu magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Xilshibaannadaan ayaa sheegay in guddiga uu Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay in ay ka soo talabixiyaan xaaladda magaalada Laascaannood ee gobalka Sool, ay yihiin kuwa aan loo marin hanaankii sharciga ahaa. Mudanayaashan ayaa sidoo kale ku andacooday in xubnaha guddigaan aysan ahayn kuwa xog-ogaal u ah xiisadda Somaliland iyo gobalka Sool ka dhex aloosan. Nuuradiin col-ujoog oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ayaa sheegay in xubnaha guddiga aan qaarkood lagu kalsoonaan karin. Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda ay sii murjinayaan guddigaan loo xilsaartay xaaladda gobalka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mahas (Caasimada Online) – Somali authorities have reported that at least 15 civilians were killed on Wednesday in a series of car bomb attacks in the central Somali town of Mahas carried out by the Al-Shabab militants. “Mahas town was attacked by terrorists this morning,” reported local security official Osman Nur. “The attackers used vehicles loaded with explosives and targeted a civilian area. It has been confirmed that nine civilians died, and several others were injured in the two explosions.” The attacks occurred near a restaurant near a district administration building in Mahas. Among the deceased were women and children. Officials believe that the attacks were carried out using two Toyota Surf SUV vehicles that entered Mahas from the Wabho area in Galgadud, briefly taken over by government forces from Al-Shabab militants in November before the militants regained control. The first blast targeted a house where government officials leading operations against Al-Shabaab were thought to be staying, although they were not present at the time of the explosion. In response to the attacks, police commander Osman Nur said, “The terrorist group, after having been defeated, has resorted to targeting civilians in desperation. However, this will not deter the people’s will to continue defeating them. The group has slaughtered innocent civilians in the explosions.” The attacks come after a series of bloody incidents by Al-Shabab in recent months. On October 29, 130 people in the capital city of Mogadishu were killed in two car bomb explosions at the education ministry, marking the deadliest attack in the country in five years. In August, at least 20 people were murdered in a 30-hour siege of a hotel in Mogadishu popular with politicians and government officials. And in October, a triple bombing in Beledweyne left 30 people dead, including local officials. There have ongoing efforts by the Somali government and its allies to push back against Al-Shabab. In July, local clan militias “Macawisley” launched a revolt against the group in central Somalia. In September, President Hassan Sheikh Mohamud sent troops to support the fight. The army and militias have since retaken large areas of territory in the central states of Galmudug and HirShabelle with the help of US air strikes and the African Union force known as ATMIS. However, Al-Shabab has continued to carry out retaliatory attacks, demonstrating its ability to strike at the heart of Somali towns and military installations despite the offensive. The post 15 civilians killed in twin car bombs in central Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka ay xubna ka tirsan ururka al-shabaab ay qaraxyo xooggan ku weerareen magaalada. Qarax koowaad ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Maxaas, sidoo kale waxaa qaraxa kale lala beegsaday guri uu daganaa xildhibaan Jacfar oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka. Inta la xaqiijiyay dad shacab ah oo aad u fara badan ayaa ku geeriyooday qaraxyada oo ay mas’uuliyadooda ay sheegteen ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa maanta isbeddal ku sameeyay guddiga u heshiisiinta ee uu dhowan u xil-saaray arrimaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib go’aan kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda maamulkaasi. Sheekh Aadan Madoobe beddalay laba xubnood oo ka mid ahaa guddiga, kuwaas oo uu maalmo kahor soo magacaabay, wuxuuna kusoo beddalay laba xubnood oo kale. Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed iyo Farxiyo Maxamed Yuusuf ayaa lagu soo diray guddiga, waxaana lagu beddalay Ibraahim Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Barre. “Wuxuu go’aamiyay guddoomiyuhu in wax ka beddal lagu sameeyo xubno kamid ahaa guddiga farsamada arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimd jadwalka furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu si rasmi ah u billowdo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista oo beri ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa dib loo dhigay illaa saddex cisho, arrimo farsamo dartood, waxaana la filayaa in wufuuda ay gaarto magaalada Baydhabo. Sidoo kale madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha soo socda dib ugu laaban doonto xaruntiisa, si uu ugu sii diyaar garoobo shirkan oo uu iclaamiyay Aadan Madoobe, waxaana ka qayb-geli doono mucaaradka. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen. Dhowaan ayaa waxaa sidoo kale Baydhabo ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Gakbeed, kaas oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi. The post Aadan Madoobe oo tallaabo cusub qaaday kadib go’aankii mucaaradka K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan ka mid ah xubnaha isbeddalka doonka ah ee kasoo horjeedo madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas, gaar ahaan doorashada. Cawad oo u warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsan yihiin doorashada soo socoto, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweyne Saciid Deni. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in aysan illaa iyo hadda kala cadeyn doorashada kusoo foodka leh Puntland, maadaama uu mugdi badan ka jiro dhinaca tartanka la geli doono. “Maamulku ma wado doorashadii la yaqiinay, wuxuu soo jeedinayaa ama uu olole ugu jiraa doorasho aysan caddeyn halka ay u socoto oo ururo siyaasadeedka Puntland ay isku khilaafsan yihiin qaabka ay u dhaceyso” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Deni uu doonayo inuu sameyso muddo kororsi ama inuu boobo doorashada, sida uu ku dooday wasiir Axmed Ciise Cawad. “Waxgaradka iyo siyaasiyiinta oo aan annigu ka mid ahay waxaan tuhmeynaa in aysan doorashada aheyn mid hufan waxa ay u egthay mid ujeedooyinka laga leeyahay laba midkood ay tahay in waqti kororsi maamulka jiraa uu sameysto ama inay u dhacdo si afduubid ah, sida hadda kahor maamulkan looga bartay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka maamulka Puntland. “Annaga waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda. Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. The post Daawo: CAWAD oo shaaciyay arrin uu Deni ka damacsan yahay PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
