Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Xasan Sheekh ayaa waxa uu kaga qayb galaya Baydhabo furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaaladaas. Ammaanka guud ee maagalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray wafdi horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka. Baydhabo ayaa waxaa ku sii qulqulaya marti sharaf, siyaasiyiin iyo aqoonka yahanka Koonfur galbeed, kuwaas oo lagu casuumay shirka. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in shirka uu maanta isaga iyo madaxweynaha jamhuuriyadda ay daahfuraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wararka naga soo gaarayo degmada Bursaalax ee gobalka Mudug, ayaa sheegaya in xalay nin hubaysan uu dil u gaystay laba qof oo ku sugnaa degmada. Dilkaan ayaa loo gaystay laba qof kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Afdheere, kaas oo horay u soo noqday Guddoomiyihii degmada Bursaalax iyo Mukhtaar Maxamed. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka labadaas nin, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu salka ku haayo aanooyin dhinaca qabiilka ah. Laammaaha ammaanka Puntland ayaa baaritaanno ay sameeyeen dilka kadib, la sheegay in ay ku guulaysteen in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha ka dambeeyay falkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ciidamada booliiska dalka Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu dilay mid kamid ah xildhibaannadii hore ee baarlamaanka dalkaas iyo ilaaladeedii, xilli ay ku sugnaayeen hooygeeda. Xildhibaannada ayaa kamid ah ahayd mas’uuliyiin ku sii nagaaday Kabul kadib markii ay Taliban la wareegtay xukunka 2021-kii. Mursal Nabizada, oo 32 jir ah, ayaa dhimatay iyo mid kamid ah ilaaladeedii, waxaana sidoo kale la dhaawacay wiil la dhashay iyo askari kamid ahaa ilaaladeeda. Khalid Zadran oo ah afhayeenka booliiska Kabul ayaa sheegay in ay ciidamada wadaan baaritaanno ku aaddan ciddii falkaan ka dambeysay. Xildhibaanadii hore ee Mariam Solaimankhil ayaa sheegtay in Nabizada ay ahayd “qof adag , aftahan ah oo u istaagtay waxa ay aaminsan tahay, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Alshabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhaawac iyo mid maaliyadeed, iyadoo inta la xaqiijiyay hal ruux uu dhaawac soo gaaray, sidoo kalena ay dhismooyin kale oo ay madaafiicda haleeshay uu soo gaaray burbur. Ciidamada ATMIS ayaa dhankooda kaga jawaabay madaafiic ay ku rideen dhanka al-shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ay fariisimo adag ka sameysteen deegaanno hoostaga degmada Maxaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Booliska Afgaanistaan ayaa sheegay in xildhibaan hore oo ka tirsaned baarlamaanka Afgaanistaan iyo ilaaladeeda lagu toogtay gurigeeda oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kabul. Mursal Nabizada, oo 32 jir ah, waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo xildhibaanno ah oo ku sugnaa Kabul ka dib markii Taliban ay la wareegeen awoodda bishii Augousti 2021. Marka laga yimaado dhimashada haweeneydan iyo mid ka mid ah raggii ilaalinayay waxaa sidoo kale weerarka lagu dhawaacay walaalkeed iyo askari labaad oo ilaalo u ahaa. Weerarka ayaa dhacay Axaddii shalay. Afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baadhitaan dhab ah oo ku saabsan dhacdada. Source
  6. Wararka naga soo gaarayo degmada Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay waaberigii hore ee saaka. Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lalal beegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray fariisimo ay ciidamada dib u xoreynta gobalka Hiiraan ay ku lahaayeen degmada. Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka ku geeriyooday qaraxa Talihihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac. Waxaa sidoo kale burbur ah xooggan uu soo gaaray gooba ganacsi oo ka ag dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay iyo hanti kale oo fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Beleweyne (HOL) - A car bomb exploded in Hiiraan's Halgan district, killing the CID chief of the Beledweyne Police Station, Jamal Ahmed Jama, and injuring two men from local anti-Shabaab clan militia forces on Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maalmahan qaban-qaabadiisu socotay ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe oo ay mas’uuliyiin kale ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Shirka. Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay dib-u-heshiisiinta dhinacyada siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo ku muransan mudda kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen. Amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana hoolka shirka uu ka dhacayo iyo goobaha la dajiyay martida amnigooda sugaya ciidamada ka socda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS. PUNTLAND POST The post Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado in uu maanta ka furmo Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  9. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ah oo ay markale kooxda Al-Shabaab saaka ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bartamaha magaalada, isla-markaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay. Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ah taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka Halgan oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah ee saaka ka dhacay deegaankaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla Halgan, Hiiraan, HirShabelle, Soomaaliya. Qaraxaan ayaa kusoo adayo, ayada oo maalin kahor kooxda Al-Shabaab ay saddex qarax ka fulisay gudaha magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 15 qof iyo dhaawac 50 kale oo u badan dad rayid ah. Si kastaba, Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay HIIRAAN + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Baidoa (HOL) - The South West reconciliation meeting between the regional state leaders and the opposition politicians is expected to begin on Monday in Baidoa, the interim administrative capital of South West state. Source: Hiiraan Online
  11. Baidoa (HOL) - The South West reconciliation meeting between the regional state leaders and the opposition politicians is expected to begin on Tuesday in Baidoa, the interim administrative capital of South West state. Source: Hiiraan Online
  12. Click here to read more about this article Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka saareen Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay howlgalkan ayaa xaqiijiyay la wareegitaan magaaladan oo ay mudo ka talineysay Shabaab. Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray haatan ciidamadu ay usii jiheysteen deegaanno kale oo horleh, si ay u gaaraan Degmada Ceeldheer oo ay uga sii gudbi doonaa Mudug. Howlgalkan ayaa waxaa barbar socday duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacay goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, taas oo aad u caawiisay ciidamada huwanta. Dhinaca kale howlgal kale oo maanta ka dhacay Shabeelaha Hoose ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Danow ee gobolkaasi. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka Shabeelaha Hoose. Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dillaa 23 xubnood oo ka tirsan, isaga oo xusay in tirada dhimashada ay intaasi kasii badan karto. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ayxooggeysteen howlgallada ka socda dalka, isla-markaana la sameeyay , horumar muuqda, sida uu hadalka u dhigay. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaam dhul badan laga xoreeyay kooxda. The post Ciidamada DF oo Al-Shabaab jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay shaaciyay in 150 qof oo maxkamadda ay xukuno dil ah ku riday sanadkii hore ee 2022-ka aan illaa hadda lagu fulin xukunkii. Guddoomiye Shuute ayaa sababta u weyn ee xukunadaasi sidooda ugu fuli waayeen ku sheegay in gadaal iska badalaan dadka dhibanayaasha ah ee maxkamada dambiilaha ugu xukuntay dilka toogasho. “Dilalka ka dhacay gobolada iyo magaalada, sanadkii tegay 150 qofood ayaa maxkamadda la horkeenay oo loo haysto inay si bareer ah dad u dileen. Dadkaas waxaa cadaatay kala bar in bareer u dileen oo maxkamaddana waa ku xukuntay dilkaas, laguma fulin – Maxaa dhacay? waxa dhacda in marka warqada qisaasta laga qoraya dadkii loo dili lahaa, wuxuu ku leeyahay isug ninkaan diyo ayaa ka qaadana.” Waxa uu sheegay in arrintaan ay dhiira-gelisay inuu sii socdo dilka, maadama kuwii hore dilalka u geystay ee la xukumay gadaal laga sii deynayo, kadib markii ay heshiis banaanka kusoo gaareen labada dhinac. “Adiga shalay sow warbaahinta kama qeylineyn, oo sow maad laheyn wiilkeyga iyo walaalkay dhibaato ayaa loo geystay cadaalad darro ayaa tirsana, hadda wixii markii ay ku sugnaadeen miyaa diidi kartaa,” ayuu yiri. “Wuxuu leeyahay hada warqad iga qoreyso iga qabo warqada Nootaayadan heshiis ayaa kusoo galnay, ninkaan dhintay markuu noola lacag aan ka heli jirin ka badan aan ka helnay, hadda diyo ayaa naloo ogolaaday. Sharciga ayaa noo ogol in aan cafino, qisaasano ama diyo ka qaadano, hada toogato anaga nooma toogan lacagtii waa haysana, hada wax naga qoreysana in aan cafinay ayaa naga qoraysaa.” Guddoomiye Shuute ayaa ugu baaqay bulshada rayidka iyo culimada Soomaaliyeed in ay tallooyin ka bixiyaan arrintaan, dadkana ka wacyi-galiyaan si dilka uga istaago dadka. “Maxkamadda haddii maanta xukunto oo berri xukunto, maxkamadda marka hore macno darro kuma xakumin, marka dambena meel cidlo ah kama toogan karto,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. The post Korneyl Shuute oo xog yaab leh ka bixiyay kiiska 150 qof oo dil lagu xukumay balse… appeared first on Caasimada Online.
  15. The brutal civil war in northern Ethiopia may have killed as many as 600,000 people, making it one of the world’s deadliest conflicts of recent times, according to the African Union’s lead mediator in the peace talks that ended the two-year conflict. Source: Hiiraan Online
  16. Jugta qarax culus ayaa aroortii hore ee saaka laga maqlay degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Wararka ayaa xaqiijinaya in gaari walxaha qarxa ku raran yihiin lagu weeraray saldhig ku yaalla degaankaas Halgan. Ciidamada dowladda iyo xoogagga Macawisleey oo ku sugan saldhigaas ayaa la soo werinayaa in khasaare ka soo gaaray qaraxa. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur gaaray saldhigga qaraxa lagu dhiftay. Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa sida lagu qoray warbaahinta taageerta kooxdaas. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa markii u horeysay shaaciyay in ay soo gaareen cabashooyin xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan gudaha caasimadda Garoowe. Sida uu sheegay xafiisku waxa arrintaan ka dambeeyay “dad awood ku leh xukuumadda Saciid Deni” kuwaasi oo xogo ay heshay cadeynayaan ku lug lahaanshahooda gabood-fal ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Arrinta lama filaan ah ee xad-gudubyada loogu geystay dadkan barakacayaasha ayaa la sheegaya in ay tahay “xoog ku diiwaan-gelin” kadib markii kooxda Deni ay isku dayday in barakacayaasha uga faa’iideysato qorshaha doorashada. “Xafiisku wuxuu walaac ka muujinayaa dhacdadaas foosha xun ee la doonayo in laga raro dadka barakacayaasha ah rugahoodii iyada oo looga faa’iideysanayo duruufaha ay ku sugan yihiin iyo baahidooda.” Waxa uu intaas kusii daray xafiisku “Shakhsiyaad doonaya in ay ku daneystaan barakacayaasha ayaa si gaar ah indhaha ugu hayna, iyaga oo cadaadis ku saaraya inay u fuliyaan danahooda gaarka ah.” Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa uga digay xukuumadda Puntland inay u adeegsato hantida dadweynaha danaheeda gaarka ah. Qorshaha barakacayaasha loo daad-gureynayay ayaa lagu sheegay in laga diiwaan-geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee xukuumadda Boosaaso ka bilowday aysan dadweyne badan usoo dareerin. Dhinaca kale, Booliska gobolka Nugaal ee degmada Dangorayo ayaa qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano, kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal u badan haween iyo caruur oo laga keenay Garoowe. Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa raba inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa. Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dhawaan daboolka ka qaaday rabitaanka guracan ee Saciid Deni, isaga oo sheegay qorshe uu madaxweynaha ku qasbayo saraakiisha ciidanka. Cali Yare ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha amaanka meel-marinta doonistiisa gaarka ah, xili ay socdaan doorashooyinka maamulkaasi. “Dad ka badan 600 qof oo ciidanka Madaxtooyada galbinayaan ayaa la keenay xili ay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo dari karin,” ayuu yiir. Waxa uu sheegay in Saciid Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii saddexda degmo uu xiligaas bixiyay amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ay badalaan natiijada saxda ah ee doorashooyinkaas. Arrimahan ayaa sare usii qaadaya walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ka qabaan doorashooyinka ka socda maamulkaasi ee lagu sheegay inay yihiin “qof iyo cod”. Mucaaridka Puntland ayaa dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun. The post Kooxda DENI oo Garoowe ka sameeyey arrin yaab leh oo baaritaan lagu sameynayo appeared first on Caasimada Online.
  18. Arsenal moved eight points clear at the top of the Premier League with a 2-0 win over Tottenham in the north London derby as Chelsea eased the pressure on manager Graham Potter by beating Crystal Palace 1-0 on Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug. Labo nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Afdheere iyo Mukhtaar Maxamed ayaa xalay lagu dilay Bursaalax sida xogaha ay xaqiijinayaan. Laamaha Amniga ayaa sida wararku sheegayaan gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka labada marxuum kaas oo baaritaan lagu hayo. Mas’uuliyiinta Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland weli kama hadlin dhacdadaas lagu dilay labada marxuum. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. Somalia has allowed Kenya to more than double the volumes of miraa exported to this lucrative market, expanding opportunities for local farmers who are eying good returns from the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU, Jan. 15 (Xinhua) -- Rufai Mohamed Hussein's day starts at dawn every day and his goal is to ensure every child in Somalia attains literacy in a country whose education system has experienced conflict-linked paralysis. Source: Hiiraan Online
  22. Jan 15 (Reuters) - Barcelona were crowned Spanish Super Cup champions after goals from Gavi, Robert Lewandowski and Pedri earned them a 3-1 win over bitter rivals Real Madrid in Saudi Arabia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalle Xuseen Yaxye oo ah La-taliye amni oo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay erayga uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sifeeyay Shabaabka ku dhuumaaleysanaya shacabka. Cabdalle ayaa sheegay in madaxweynaha uu erayga “Garanwaa” ula jeedo in bulshada Soomaaliyeed lagu marin-habaabinayo afkaar qalafsan oo Diini ah, isla afkaartaasina lagu dhibaateynayo. “Waxa la socona in dadka Soomaaliyeed lagu marin-habaabiyay afkaar Diini ah oo been ah, in dadka aysan ka haysan wacyi amni, isla iyagiina loo soo marayo falalka guracan ee loo geysanayo oo mararka qaar waxa laga yaaba in ogaal ay ku galaan oo lagu marin-habaabinayo afkaar Diini ah oo been ah, mararka qaarna iyaga ogeyn waxa ay sameynayaan iyo waxa ka dhalan kara in ay la shaqeeyaan si toos ah iyo si aan toos aheyn Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri La-taliyaha amni ee ka tirsan wasaaradda amniga. Waxa uu sheegay in fikirka qaldan ee Shabaab lagu baabi’in karo fikir kale oo sax ah oo wanaagsan, isaga oo tilmaamay in dagaal toos ah oo kaliya lagu ciribtiri karin, maadama ay dadka ku marin-habaabiyaan fikir qaldan oo Diini ah, sida uu sheegay. “Waxa muhiim ah in fikir wanaagsan oo Diinta Islaamka ku dhisan lagu wacyi-geliyo dadka oo loo sheego. Kooxdan waxay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dadka ku marin habaabineysay aayado Quraan ah iyo Axaadiis siyaabo gooni ah oo qeybo kasoo qaateen ay dadka barayeen, oo dadka lagu cabsi galinayay fikirkaas.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay uga faa’iideysan duruufo dhaqaale iyo faham yari xagga Diinta ah, wuxuuna xusay in wasaaradda amniga ay diyaarineyso qorshe ay arrintaas uga hortageyso. “Fikir sidiisaba waxa u weyn ee lagula dagaalami karo waa fikir. Kooxdan hadda wey jabtay millateri ahaan, deegaano farabadan ayaa laga qabsaday. Waxay u baahan yihiin in dadka maskaxda laga dhaqo oo fikirkii qaldanaa ee lagu shubay laga dhaqo.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa in la bara dadka wacyiga amniga iyo dowladnimada si uu meesha uga baxo Garanwaaga. Shacabka waa inuu fahmaan in xukuumadda ay qeyb ka yihiin oo xukuumadda iyo shacabka ay mid yihiin.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka iclaamiyey howl-gal lagu baacsanayo waxa uu ugu yeeray ‘Garanwaa’ oo uu kala jeeday kooxaha Al-Shabaab gudaha Muqdisho uga fuliya dilalka gaadmada ah. The post Sharaxaad laga bixiyay erayga ‘Garanwaa’ ee uu XASAN Sheekh ku sifeeyay Shabaab appeared first on Caasimada Online.