-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaca ka qaaday in tiro aad u yar ay iska diiwaangelisay gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, diiwaangelinta oo socotay muddo labo todobaad ka badan waxaa isdiiwaangeliyay ilaa 100,000 (boqol kun) oo qof. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolladaas ayaa walaac xoogan ka muujiyay natiijada hordhaca ah ee isdiiwaangelinta, waxayna sheegeen in arrintan ay sawir xun ka muujinaysa gobolladaas oo sida la aaminsan yahay ay ku nool yihiin dad hal malyan iyo bar ka badan, inkastoo aan tira koob rasmi ah la hayn. Waxaa jira afar arrimood oo la aaminsan yahay in ay sabab yihiin in dadweynaha gobolladaas isdiiwaangelin waayaan: 1. Diiwaangelinta oo ah mid lagu muransan yahay oo qaar ka mid ah ururada iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaadaceen. 2. Dadk qaar oo horay isaga diiwaangeliyay degmooyinka Qardho iyo Ufeyn. 3. Guddiga TPEC oo aan sidii la rabay u sameyn wacgelinta diiwaangelinta ee dadweynaha. 4. Barnaamijkan oo ku soo beegmay xilli waqtigu ka sii dhammaanayo dowladda, dad badana u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay ama uusan hirgeli karin. Caqabada isdiiwaangelinta la’aan oo taagan ayaa hadana Guddiga TPEC shaacisay in diiwaangelinta gobolladaas la soo xiri doono maalmaha soo socda (Bari: 20/01/2023 – Karkaar: 21/01/2023 – Gardafuu: 25/01/2023). PUNTLAND POST The post Afar arrimood oo sabab u ah isdiiwaangelin la’aanta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaar ah ee Dawladda Filand u qaabilsan Geeska Afrika Xil. Suldaan Siciid Axmed iyo Xubno la socday. Kulankan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Ergaygan Filand ayaa waxa diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Somaliland oo muddo khilaaf ka taagna iyo weliba xaaladda gobolka Sool. Qaran News
-
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Waddani iyo UCID ayaa kulan Hargeysa xalay Suldaan Siciid Axmed Ergayga Finland ee Geeska Afrika iyagoo sida la sheegay ka wadahadlay. “arrimaha geedi socodka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, xuquuqal insaanka iyo arrimaha nabadgelyada ee Laascaanood.” Khilaafka Doorashooyinka ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ayaa weli taagan. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in degmooyinka laga xoreeyay kooxda ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka deegaanka. Qoor-Qoor aya sidoo kale waxa uu sheegay in maamulada loo magacaabayo degmooyinka laga qabsadayay Shabaab ay si kumeel-gaar ah usii shaqeynayaan, si loo gaarsiiyo “doorasho dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka metalaya.” “Maamulka lasii magacaabo waa mid si KMG ah loo sii magacaabayo, deegaanada xorta ah ee Galmudug waxaa dhamaan ka hirgalay maamulo dadku ay doorteen, kuwaan waxa aan u rabnaa sidaas oo kale, maamulada aan magacaabeyno waa KMG oo doorasho gaarsiinayo, dib u xorreynta ayay qayb ka tahay in maamul la sameeyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta sida degdegta ah loogu sii magacaabayo maamulo KMG ay tahay in laga shaqeeyo howlaha amniga lagu sugayo, si marka qorshahaas uu dhammaado loo qabto doorashada Golaha deegaanka, sida uu sheegay. “Marka Cadawga laga xorreeyo deegaanada kadib in aan dadka soo celino waxaana ugu baaqeynaa in dadka maqan dib usoo laabtaan si aan ugu sameyno qorshaha xasilinta, cid u adeegto ma lahayn, waxaana codsaneynaa in nalagu garabsiiyo arrintaan.” Qoor-Qoor ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in maamul ahaan ay adeegyada bulshada ka hirgelin doonaan degmooyinka gacanta dowlad-goboleedka soo galay sida; waxbarashada, caafimaadka iyo garab istaagga dadka gacan qabashada u baahan. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka, Daraawiishta iyo dadka deegaanka ay saaxiibada beesha caalamka ka garabsiiyaan duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn (Drones). Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn. The post Qoor Qoor oo ku dhawaaqay qorshe doorasho oo la xiriira deegaanada la xoreeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ciidamada Koonfur Galbeed ay qaadeen tallaabo kale oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan Baydhabo, taas oo caro sii gelisay xubnaha mucaaradka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay markale gudaha u galeen guriga Musharrax Maxamed Aadan Fargeeti, isla-markaana ay halkaas jirdil ugu geystaan qaar ka mid ah askartii ku sugneyd halkaas, sida uu shaaciyay Ilyaas Cali Nuur. Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay ciidanka Lafta-gareen in ay xittaa qoryihii ka qaateen illaada guriga, kadibna ay garaaceen, sida uu ku dooday. “Guriga odayaashii ballanta laga qaaday ee furihii lagu wareejiyay saddexdii askari ee joogtay in loo imaado kadibna ay qoryihii ka qaataan oo ay garaacaan sax maa ah. Fidnaa la rabaa dhibaataa lala rabaa Baydhabo,” ayuu yiri wasiirkii hore Warfaafinta K/Galbeed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada guriga soo galay ee dhibaatada geystay ay soo daba mareen ciidamada la socdo madaxweyne Xasan Sheekh oo iyagu yimid guriga, kadibna askar saartay qaybta sare, si u ilaaliyaan madaxweynaha oo booqanaya halkaasi, balse waxa uu sheegay inay goobta yimaadeen ciidamada kale ee falka geystay. “Taliye Xasan aniga ayaa la hadlay albaabka ka fur ayaan dhahay marka uu yiri Xasan Sheekh askartiisa ayaa nahay ayaan dhahay halaga furo kor ayaa askar la saartay gaadaashiis ayaa lasoo maray dhibaatadaas ayaa la gaarsiiyay,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu farriin cad u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, isaga oo uu ugu baaqay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dhacdadaasi. “Xasan Sheekhow nabad meeshaan kama imaaneyso dhibaataa ujeednaa, cidna lama maquuni karo,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed. Dhacdadan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo xalay uun kulan foolka fool ah la’isugu keenay madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, si loo soo afjaro xiisadda taagan, waxaana sidoo kale haatan Baydhabo ka socdo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Si kastaba, labadaan dhinac ayaa horey ugu dagaalamay magaalada Baydhabo, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga loo sameeyay madaxweyne Lafta-gareen. The post Daawo: Koonfur Galbeed oo sameysay arrin uga sii dareysa xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
-
17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo laba carruur ah ayaa ku dhintay Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine. Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko. Sidoo kale shilkan diyaaradeed 22 qof ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad11-ka bilood. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Baydhabo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo mudda kordhinta halka sano ah ee Madaxweyne Laftagareen, waxaana la sheegay in kulankaas miro-dhal ku soo dhamaaday, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtootada Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo). PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed: Laftagareen iyo mucaaradka oo la isu keenay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan foolka fool ah oo xalay la’isugu keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ee aragti ahaan kasoo horjeeda, kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo hadda ku sugan magaaladaasi kuwaas oo ku guuleystay inay isu keenaan labada dhinac. Xubnaha mucaaradka ayaa waxaa ka socday Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay usoo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, Maxamed Aadan Fargeeti oo isna horay usoo noqday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Soomaaliya Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo) halka dhinaca kale shirkan uu goobjoog ahaa madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Qoraal kasoo baxay shirka oo ay shaacisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan uu kusoo dhamaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in wadahadallada iyo dib u heshiisiinta lasii wado, si xal waara looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, Villa Soomaaliya waxa ay shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi. “Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale kulankan lagu soo hadal qaaday weerarkii ciidanka ammaanka ay dhowaan ku qaadeen guriga musharrax Fargeeti, kaas oo oo geystay khasaare kala duwan, wuxuuna musgarraxa meesha ka sheegay dacwaddiisa, isaga oo dalbaday in dhammeytiro xalka arrintaas, maadaama hadda lagu guuleystay inay ciidamada laga saaro dhismaha guriga oo ay maalmo heysteen kadib dagaalkii Baydhaba. Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana xiisaddan ay ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaasi. Si kastaba, waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo isu keenay Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in kabtanka xulkii kubbadda cagta ee Arjentine ee dhowaanka ku guuleystay koobka Adduunka Leonel Messi uu sheegay in lagu sharfay in uu ku biiro dadaal ay waddo shirkad lagu magacaabo OrCam oo qalabka aragga caawiya igu deeqeysa Itoobiyaanka aragga naafada ka ah. La’aanta aragga ayaa ka mid arrimaha dhinaca caafimaadka ee ugu daran dalka Itoobiya iyadoo daraasadaha qaar ay muujiyeen in dhacdooyinka indhoolenimada ee dalkaa ay yihiin in ku dhow 2% dadka dalkaas. Sida ay shirkadda OrCam ay sheegtay qalabkooda caawiya aragga waxaa uu hagaajiyey sida ay sheegtay shirkadda nolosha shaqsiyaadka indhooleyaasha ah ee aragga la’ ee akhriska aan awoodin. Sanadkii hore iyagoo gacan laga helayo deeqbixiyeyaasha ayaa marwada ra’iisul wasaaraha Itoobiya xafiiskeeda waxay ku deeqeen qalab caawiya aragtida oo la gaarsiiyey 2000 oo qof oo u badan arday iyo shaqaalaha dowladda. Haatan waxaa farsamadan OrCam ku biiray Messi oo lagu wado in uu ku caawin doono indhooleyaasha Itoobiya lacago loogu iibiyo qalabkan caawinaya indhooleyaasha Itoobiya iyadoo saraakiisha xafiiska shirkaddaasi ay sheegeen in haddii ay indhooleyaashu helaan qalabkaas ay awoodi doonaan in ay akhriyaan farta Amxaariga oo ah luuqadda looga shaqeeyo dalkaas iyo sidoo kale Ingiriiska. Source
-
Sixteen people including Ukraine’s interior minister and other senior officials were killed when a helicopter crashed outside Kyiv in the town of Brovary, the national police chief said. Source: Hiiraan Online
-
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Waddani iyo UCID ayaa kulan Hargeysa xalay Suldaan Siciid Axmed Ergayga Finland ee Geeska Afrika iyagoo sida la sheegay ka wadahadlay. “arrimaha geedi socodka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, xuquuqal insaanka iyo arrimaha nabadgelyada ee Laascaanood.” Khilaafka Doorashooyinka ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ayaa weli taagan. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay furitanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dabacsanaan u muujiyay mucaaradka kasoo horjeeda. Laftga-gareen ayaa shaaca ka qaaday inuu ogol-yahay in wadahadal uu la galo xubnaha mucaaradka ee diidan muddo kororsiga ay u sameeyeen Golaha Wakiiladu. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haatan uu diyaar u yahay in wadahadal, deganaan iyo nabad lagu dhammeeyo colaadda ka jirta Koonfir Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muhiim tahay in loo jeesto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si go’doonka looga qaado magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. “Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu socdo shirka Koonfur Galbeed oo ay ka qayba-galayaan labada dhinac, kaas oo uu shalay furay madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku guuleystay inuu isku keeno madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, kulankaas oo billow u ah wadahadalka labada dhinac. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraal ayaa shaacisay Villa Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi. “Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya. Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaase haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan. The post Lafta-gareen oo hal arrin ka ogolaaday mucaaradkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadeeralka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulkaas. Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ayaa kala hadlay labada dhinac in ay xalka khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo wadahadal. Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo). War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday isfaham bilaw u ah wadahalada ka dib u heshiisiinta. Goobjoog Newwws Source: goobjoog.com
-
Hawlgalka kumeel-gaarka ah ee midawga Afrika ATMIS, ayaa hambalyeeyay hawlgallada ay ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaanno hoostaga maamulka Galmudug. ATIMIS ayaa sheegtay in ay bogaadineyso hawlgalka Al-shabaab looga saaray deegaannada Galcam Ceel-dheer iyo Xarardheere. “Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Danjire Souef . Madaxa ATMIS Souef ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab la jabiyay ciidamada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa ATMIS, lagana guuleystay. “AS’ waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba” ayuu yiri Madaxa ATMIS. Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed. Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar ina ku jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan. “Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed. “Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s central bank is working towards a new plan to replace the current high-value currency note in circulation with a new design by next year, according to Central Bank Deputy Governor Ali Yasin Wardhere. The new 1,000-shilling notes will replace those printed before the outbreak of the civil war in 1991. The old currency has become increasingly scarce, and the new issuance is expected to combat illicit funds and curb inflation by reducing the amount of excess cash in circulation. “The old currency has almost disappeared, and the new issuance will combat illicit funds and curb inflation by mopping up excess liquidity,” said Wardhere in an interview with Bloomberg News. “The Shilling notes currently in circulation are too worn out, and many have been replaced with US dollars or privately printed notes, most of which are counterfeits.” The central bank has been working on this plan since 2018, with the assistance of the International Monetary Fund and World Bank. The bank is also working to rebuild its capacity, which was hindered by the civil war, according to Wardhere. The central bank plans to establish new branches in the capital cities of all federal member states by June, including Garowe, Baidoa, and Kismayo. “The branches will help the central bank collect taxes, store money and become the central fiscal agent of the federal states,” said Wardheere. Additionally, the bank has set up a unit specifically dedicated to combating the counterfeit money market. This unit will also be responsible for maintaining the value of the new money the central bank plans to print and will help to curb inflation, per Wardhere. In August 2021, the Central Bank of Somalia announced the establishment of a new national payments system for the country, where financial systems were shattered by the collapse of the last central government in 1991. “The latest step in creating a functional financial system for Somalia is the new national payments system,” said Wardhere. Due to the lack of a functioning government and central banking authority, Somalia’s financial system could not meet the requirements for anti-money laundering and anti-terrorist financing regulations. As a result, Somalis had to rely on unlicensed mobile money platforms or face-to-face transactions using cash or barter to meet their financial needs. However, in recent years, the central bank has been working to rebuild the financial system, including granting the first license for mobile-money providers in early 2021 and introducing Visa card payment services in partnership with the International Bank of Somalia. The new national payment system will connect financial institutions to a clearing and settlement platform, allowing them to process real-time money transfers. The system also includes interoperability capabilities for debit and credit cards, automated cash machines, and mobile network operators. This will enable approximately 13 official lenders to become interoperable and connected to the central bank’s clearing and settlement system, marking the beginning of the process of integrating the various fragments of Somalia’s financial system. The post Somalia Central Bank to issue new currency notes by 2024 appeared first on Caasimada Online.
-
WASHINGTON/BELEDWEYNE — The Somali government reported on Monday that government forces have captured two towns previously controlled by militant group al-Shabab in the central Galmudug State. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) and Head of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Ambassador Mohamed El-Amine Souef, congratulates Somali Security Forces, on their progress in the fight against al Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ka sheegay dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, isla markaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto K/Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan. “Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan. “Markii aan galnay dagaalka ka socda gobollada Galmudug iyo iyo HirShabeelle, maanta waa ka khibrad badanahay, waxaan barangay xeeladaha Al-Shabaab, ciidan badan ayaan heynsanaa maanta, niyadeenu waxay noo sheegee oo aan xaqiijinay in Shabaab aan ka adag nahay, waqti badan nooga bixi maayo dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay uga hareen labadaas dowlad goboleed,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay furitaankii shirka siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, wuxuuna fariin u diray dhalinyarada weli ku jirta Al-Shabaab. “Aniga ka madaxweyne ahaan hadafkeygu waa in dalkaan uu Shabaab la’aan noqdo, idinma dhahaayo daaro dhaadheer ayaan idiin dhisaa, laakiin waxaan abuureynaa duruuf sababi karta in dalkaan la maalgashado oo nabad la isku laheyn karo ay ka dhalato Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta fikirka Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen Al-Shabaab. “Duruuf kasta ku raac Al-Shabaab waxaan maanta idiin cadeynayaa ninkii kasoo baxa Al-Shabaab cafis waaye, cafis kaliya maahane waxay dowladdu diyaar u tahay in nolol fiican ay helaan dadka ka soo baxa Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa calool-xumo ka muujiyey dhalinyarada ku dhimaneysa fikirka Al-Shabaab, “Xawaadley oo u dambeysay ciidan iyo saraakiil qaali ah ayey nooga dileen, laakiin difaaca dalkooda ayey u dhinteen, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab wuxuu ugu baaqay inay wacdaan wiilashooda oo inta aan la dhameyn ay ka gaaraan wixii diyaar u ah inay ka soo haraan kooxda. The post Xasan Sheekh oo shaaciyey halka laga billaabayo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya's President William Ruto has made sensational accusations of a plot to abduct and kill the head of the electoral commission in the run up to the announcement of the presidential results last year. Source: Hiiraan Online
