Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’adda maaraynta masiibooyenka Soomaaliyeed ee SODMa ayaa gaarsiisay kaamamka barakacayaasha Ramaas , damalay , baryo samo ee Dagmada dayniile deeq raashin ah oo isugu jirta bariis , bur ,baasto , saliid , digir , looska nooca shiidan , malay , fuulka gasacaysay , sidoo kale waxaa lasiiyay busti , boorsada buugaagta waxbarashada , marakaneeco iyo baaldi wayn , saabuun qabays , qoosaskan oo gaaraaya 600 oo qoos ayaa ah barakacayaal cusub oo ka soo barakacay gobolada shebeelada dhexe iyo shabeelada hoose , hay’adda SODMA waxay mar walba u taagan tahay sidii xalwaara loogu hili lahaa barakacaasha siibadan haaya maalinba maalinta ka danbaysa . Source: goobjoog.com
  2. Brussels (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar-sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Masuuliyiinta uu wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub Mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels. Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaaga Midowga Yurub. “Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladda kasoo saartay kulamadaan. Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday “sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” Wafdiga Wasiir Arrimaha Dibedda ku wehlinayay shirarkan muhiimka ah ayaa waxaa kamid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka, Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha iyo Jibriil Aw Maxamed la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibedda. Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirka dowladda Soomaaliya ee Brussels. The post Sawirro: Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo sii xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya appeared first on Caasimada Online.
  3. Gobolada Somaliland & Waxbarashada Dugsiyada Sare Celcelis ahaan sannadadii u danbeeyay imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxa ugu wanaagsan goboladan jaantuska ka muuqda. Sidoo kale sannadkii 2020 oo si faahfaahsan loo shaaciyay darajada ardayda waxaad ku arkaysaa in gobolada darajada A ugu badan yihiin Saraar, Hawd, Sool, Saaxil, Togdheer iyo Awdal. Ardayda Darajada A* keentay, waxa ugu badanaa Togdheer (7%) iyo Awdal (6%), halka Maroodi Jeex 0.4% ay ka keeneen A*. Celcelis ahaan Gobolada Sanaag, Saraar, Sool, Togdheer, Saaxil iyo Hawd ayaa ugu sita dhanka tartanada heer qaran. Dhanka deeqaha waxbarashana aad ugama muuqdaan !! Xigasho; Abdiqani Muse Engsaabir Qaran News
  4. WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /01/202 Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid Waxaan Go’aamiyey 1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  5. WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /01/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Mudane Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  6. 20 Arday waxay joogaan Addis ababa 23 Maalmood, waxa ka baxay kharash badan, weli ma hayaan Waxbarashadii ay u tageen Itoobiya, weli cid xil iska saarta ma jirto masuuliya darrada dhacday, Komishanka Tacliinta Sare iyo Safaarada Somaliland ee Dalka Itoobiya waajibka saaran ha gutaan oo yaan laysku tuurtuurin Ardayda la soo lugooyey. waa in loo celiyaa kharashka ka khasaaray, waa in Deeqda Waxbarasho ee 2024 la siiyaa muhiimadda, foolxumada soo nonoqtayna waa in lagula xisaabt… Qaran News
  7. Mogadishu (HOL) - Somalia's al Shabab militants have withdrawn from the Haradhere district in the Mudug region, the group's main stronghold, after joint forces approached the district in recent hours. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka gobolka Banaadir ee caasimadda Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay sida ay uga soo horjeedaan Al-Shabaab, ayna u jiheysteen dagaalka kooxda ka dhanka ah, xilli uu dhawaan arrintaan ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxay sheegeen in aysan mardambe sii dulqaadan karin dhibaatada ay Shabaab ku hayaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan caasimadda oo la ogyahay inay tahay dhibanaha u weyn ee kooxda. “Waxaa dareemaya in aan hadda hadli karno, waxaa diyaar u nahay difaaca dalka iyo dadkeena. Kacdoonka in aan qeyb ka qaadano ayaa diyaar u nahay in kaalin lixaad leh ka qaadano,” ayey tiri Haweenay kamid ah kuwa gobolka Banaadir. “Waxa na-dhibaateynaya ee walaalaheena, waalidkeena iyo ilmaheena dilay waa cadawga. Aniga kula hadlaya Odeygayga qarax ayuu ku dhintay aad ayaa uga xumaada marka ay dhibaato iyo qarax uu dhaco.” Sidoo kale waxay sheegeen in aysan qarsan doonin xubnaha Shabaabka ee dhibaatada ka geysta caasimadda, islamarkaana ay ka daba-gali doonaan meelkasta, laamaha amnigana farta ugu fiiqi doonaan, sida ay sheegeen. “Banaanbaxa billowday (Kacdoonka Muqdisho) wuxuu nooga dhigan yahay banaanbax muujinaya Kacdoonka shacabka in uu guuleystay, inta dhimana la dhameystiri doono,” ayey sii raaciyeen hadalkooda. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay kulan looga hadlayey doorka haweenka ee amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in haweenku ay ku filan yihiin in Al-Shabaab laga nadiifiyo degmooyinka Muqdisho. Xamza ayaa xiligaas haweenka ugu baaqay inay go’aan kama dambeys ah qaataan, oo dhab ay u qaataan soo celinta sharaftii ay Soomaalidu laheyd, ayaga oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya kacdoonka ka dhanka Shabaab. “Haweenka waxaan leeyahay Shabaab waa u dhamaatay, ee nala dabar gooya oo Muqdisho ka nadiifiya, hadaa aragtaan mid wata qori bastoolad ka weyn noo soo sheega, boolis iska daaye militeri ayaan soo gelinaynaa.” The post Haweenka oo si dhab ah ugu jiheystay dagaalka socda kadib baaqii R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  9. Iyadoo ay Golaha Wakiillada cod aqlabiyadda ku ansixiyeen miisaaniyadda sannadeedka Soamaliland ee 2023,isla markaana uu Madaxweyne Biixi wereegto uu soo saaray 19 bishii December 2022-kii uu ku dhaqan-geliyey Miisaaniyad sannadeedka 2023,taas oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah),isla markaana dhaqan-gel noqonaysay 1 bishan January 2023,haseyeeshee miisaaniyaddaa ayaan weli ahayn mid dhaqan-gal,taas oo la baafinayo, isla markaana Banjartay, waxaana la sheegay inay la meeraysanayso wasaaradda maaliyadda Somaliland. Hadabba waxa la is weydiinayaa maddaama oo uu Madaxweynihii sexeexay,isla markana ay ahayd inay dhaqan-gal noqoto bishan January 2023 sababta ay illaa hadda loo socod siin waayey dhaqan-galka miisaaniyaddaas ee ay ugu dhaggen-tahay wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Source
  10. Saraakiil Maraykan ah iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo shalay gaadhey magaalada Berbera, halkaas oo ay soo indho indheeyeen goobo uu ku jiro Garoonka Diyaaradaha ee Berbera oo ka mid ah meel la filayo in Mareykanku soo dego dhawaan. Sidoo kale 20 Waddan oo uu hoggaaminayo Mareykanku oo ka mid ah Xulufadiisa ayaa dhoola tus Millateri ka samaynaya Berbera bisha Dambe. Source
  11. Wararka naga soo gaarayo gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ah ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur ee hoostaga degmada Xarardheere. Ciidamada ayaa hawlgallo qorsheysan hawlgallada waxaa ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaankaas oo ay alshabaab ku sugnaayeen muddooyinkii la soo dhaafay. Hawlgalkaan ayaa ka soo ruqaansaday degmada Hobyo ee gobalka Mudug, taas oo suuragelisay in ay ciidamada ku guulaystaan hawlgalladaas. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay kaabiga ku haayaan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubna ka tirsan ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) - National Intelligence and Security Agency (NISA) arrested a woman whose home was storing weapons and explosives. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada xoogga dalka iyo xoogga deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Ciidamada huwanta ayaa si nabad ah kula wareegay tuulada Ceelhuur, kaddib markii ay ka baxeen kooxda Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay. Dhanka kale Al-shabaab ayaa ka baxay degmada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, waxayna wararka sheegayaan in ay u baxeen dhulka miyiga. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelhuur appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka sameeyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen gur ku yaalla degmadaasi, waxayna gacanta ku soo dhigeen keyd hub ah iyo walxaha qarxa. Saraakiisha howlgalka sameysay ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu soo dhigay haweeney dagenyd guriga lagu keydiyay hubkaasi, taas oo ay sheegeen inay haatan ku hayaan baaris dheeraad, sidoo kalena loo gudbinayo hay’adaha ku shaqada leh. Hubka lasoo qabtay ayaa isugu jiro bambaanooyin, qoryaha AK47 iyo rasaas, sida ay u muujinayaan sawirrada ay soo bandhigtay hay’adda NISA. Sida muuqata hubka ayaa laga soo bixiyay dhulka hoostiisa, ayada oo jawaanno lagu keydiyay, waxaana isticmaalayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay weli daba-gal ku hayaan saraakiisha laamaha amniga, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay NISA. Howlgalkan ayaa wuxuu kusoo aaday, wax yar uun kadib khudbaddii uu maalin kahor madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibad-baxii garoonka Koonis, isaga oo ku dhawaaqay in howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab laga bilaabi doono Muqdisho. NISA ayaa horey ugu guuleysatay soo qabashada xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub, kadib howlgallo ay ka sameysay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba, maalmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Nabad Sugidda iyo Booliska, si looga hortago falalka amni darrada ah. The post Sawirro: NISA oo howlgal ka dhacay Muqdisho kusoo qabatay keyd hub ah iyo qaraxyo appeared first on Caasimada Online.
  15. Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada agagaarka degmadaas oo ay muddo sanado ah ka talinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaa degmada, kadibna ay ka sameyn doonaan howlgal amni xaqiijin ah. Xubnaha Al-Shabaab iyo saraakiishooda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaas oo ka tirsan gobolka Mudug. Sidoo kale qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee deganaa magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay si awood ah horey ugu sii kaxeysteen, waxayna la aadeen deegaanno duleedka ku yaalla oo ay haatan ka sameysteen fariisimo ciidan oo cusub. Al-Shabaab ayaa Xarardheere waxa ay u aheyd saldhigoodii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen gobolka Mudug, halkaas oo ay ku lahayeen xarumo muhiim ah. Tani ayaa muujineysaa in laga sii itaal roonaanayo kooxdan, maadaama laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo uu ugu dambeeyay saldhigoodii weynaa ee Aadan Yabaal. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa koonfurta gobolkan ka socday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe oo ay iskaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Si kastaba, Galmudug ayaa haatan u diyaar garowday abaabulkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi. The post Ciidamada dowladda oo ku dhow XARARDHEERE iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaadheysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah. Agaasimaha Waaxda Dembi-baadhista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baadhista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xidhiidhan hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka eedeysane Maxamuud Cabdi Aden. “Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tidhi safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman. Kooxda xidhiidhka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii January, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah. Source
  17. Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay dalka Libya Khamiistii, isagoo Tripoli kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abdulhamid al-Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda Libya. Xukuumadda Midnimada Qaran ee Dbeibah ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku shaacisay booqashadan, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira. Laba ilo oo ku dhow taliyaha bariga Libiya Khalifa Haftar, oo fadhigiisu yahay Benghazi, ayaa sheegay in Burns uu sidoo kale la kulmay. CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diidday inay ka hadasho booqashadan. Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii NATO ee 2011-kii, waxaana waddanku u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka sanadkii 2014, iyada oo ugu dambeyntii Haftar uu weerar ku qaaday Tripoli sannadkii 2019. Xukuumadda Dbeibah ayaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii 2021-kii, taasoo qayb ka ahayd qorshe nabadeed, balse maamulkiisa ayaan hadda aysan aqoonsanayn kooxaha siyaasadda ee bariga, iyada oo dad badan oo Liibiyaan ahna ay ka baqayaan dagaal cusub. Maraykanka ayaa horey u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaadda Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasillooni darrida ka jirta waddamada xubinta ka ah OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka. Source
  18. Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, ka dib markii lagu helay dembi la xidhiidha ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah. Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda dembiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaadhaysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa, waana ganaaxa ugu badan ee suurto gal ah marka la eego sharciga gobolka. Madaxweynaha hore ayaa isagu hore u dedafeeyey inuu wax ka ogaa in madaxdiidu ay si sharci darro ah uga dhuumanayeen cashuuraha. Garsoore Merchan ayaa Salaasadii wuxuu xukun ku riday Allen Weisselberg oo muddo nus qarni ah u shaqaynayey qoyska Trump, ahaana madaxii hore ee maaliyadda ee shirkadda Trump, wuxuuna ku xukumay shan bilood oo xadhig ah. Susan Necheles, oo ka mid ah qareenada difaacayay, ayaa sheegtay in shirkadda Trump ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato. Sidoo kale qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn, isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan. Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, oo xafiiskiisu uu keenay kiiska, ayaa wali wada baaritaan dambiyeedka hab-dhaqanka ganacsi ee Trump. Source
  19. BIXIN DUULE Waa tuulo ku taal Gubanka buuraha Golis, galbeedna kaga qumman kana fogayn tuulada Geel-loo-kor ee laamida Berbera-Sheekh saaran. Ka hor intii aan jidka laamida ah la dhisin, bilowgii siddeetanaadkii, waxa Tuulada Bixin duule iyo tuulada kale ee “Minja-caseeye” ee u dhow tan hore dhex mari jiray jidkii hore ee Hudisa-Berbera. Erayga “bixin” waxa ay isku ulajeeddo yihiin erayga qalaad ee “spring” oo labaduba tilmaamayaan “biyo durdur ah oo doox, ama godan ama buur gunteed kasoo burqanaya.” Haddaba magaca goobtani, “Bixin duule”, waxa laga garan karaa in socodka iyo burqashada biyaha goobtu aad u xooganaayeen, sidii ay ‘duulayaan’ oo kale. Gu’gii 1895 (127 hadda laga joogo) waxa goobtan booqday socoto Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa nin la odhan jiray E. Lort Phillips. Waxana uu ka bixiyay muuqaalka quruxda badan: “Bihen is another oasis, caused by a strong spring of delicious water that comes bubbling out of the rock at the root of a large fig-tree. After forming two large pools, which, by the way, are full of small turtles, it loses itself in a dense mass of tall rushes, a favourite resort of lions a few years back. The bright green of the close-cropped sward and of the tall rushes is very grateful to the eye after the arid country through which the road from Berbera passes, so we decided to stay here for a few days.” “Socdaalkayagii waxa noo xigay Bixin oo ah kob biyeysan, ahna durdur xooggan oo biyo macaan, biyuhuna ka soo burqanayaan dhagax barkan xididdada geed weyn oo daray ah. Ka dib biyaha ayaa sameeyay laba gal oo waaweyn, oo uu diinceelaad tif ka yahay, waxana ay hore biyuhu ugu dhex lumaan cawsbiyood jiq ah sida Alaalecad, qundho iyo tagoogowareen – kuwaas oo dhowr gu’ ka hor libaaxyada u ahayd gabbaad ay xiiseeyaan. Hirka cagaaran ee cawsbiyoodka dhaadheer ee la moodo in la isku sar jary waxa ay yihiin qaar ishu mahadinayso, weliba ka dib socdaal dhul qarfo ah oo aannu kaga nimid dhinaca Berbera. Sidaas daraaddeed, waxa aannu go’aansannay inaanu halkan dhowr cisho ku negaanno.” Dhammaad Shalay (15/07/2022) oo aan tegay tuuladaas, ujeedkayga ugu weyni waxa uu ahaa bal inaan soo ogaado waxa iska dooriyay muuqaalkaas hore iyo sida ay goobtu maanta tahay. Horta biyihi sidii ayay u socdaan – in kasta oo aan filayo in ay ka yar yihiin intii hore, sababtuna waa dhulka yar ee cidhiidhiga ah ee dooxa dhinacyadiisa oo isu beddelay beero ay ka baxaan muuska, timirta, saytuunka, cambaha, khudaar iyo geedgaab kale. Cawsbiyoodki laftarkiisu weli waa ku yaal – siiba Alaalaha jaadkiisu yahay Qawl-billaawe oo sida magaciisu muujinayo caleemihiisu sida billaawaha ay sari karaan gacmahaaga, hase yeeshee waxa uu ku soo ururay qarka dooxa. Dhulkii uu ku fidsanaa ee qoraagaas sare sheegay in Libaaxu geli jiray waxa loo dooriyay beerahaas aan kor ku soo sheegay. Libaaxana warkiisa dhaaf. Waxa aanan meesha ku arag diin-ceelaadkii, waa se laga yaabaa in uu weli sii joogo. Gallaalka oo caruuri ku dabbaalanaysay waxa ka dhex muuqday noolaha yar ee loo yaqaan midho-xareedaad. Geedkii darayga ahaa waxa weheliyay tiro ilaa tobaneeyo ah oo la mid ah, se labada dhinac ee dooxa ku filiqsan, markaas si hubanti ah umaan garan kii uu ninkaas socotada ahi sheegay. Dhirta timirta ah oo aad uga mudh baxay dhiroonka kale waxa markii ugu horraysay lagu beeray 1950eeyadii, si la mid ah tuulada ‘Minja-caseeye’ ee u dhow Bixin duule, waxana uu barnaamajkaasi qayb ka ahaa meelo xeebaha ah oo timirta lagu tijaabinayay oo ay ku jirtay Bulloxaar. Waraabinta beeraha badi waxa la adeegsadaa qab sundululux ah oo saaqiyado ku kala duwaan beeraha iyada oo aan mishiin la adeegsan. Hase yeeshee, waxa aan xasuusnahay siddeetanaadkii qarnigii hore in beerleyda qaarkood adeegsan jiriin “Shaaduuf” (Shadoof) si ay biyaha kor ugu qaadaan iyaga oo aan adeegsan mishiin. Adeegsiga Shaaduufku waa uu caan ka ahaan jiray dalka Masar iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ah. Tuulada Bixin duule waxa ay ka mid ahayd goobihii Dawladda Soomaaliya dejisay qaxooti kasoo jeeday bariga Itoobiya hase yeeshee xilli dambe qaar badan oo ka mid ah la ciidameeyay – kuwaas oo qaarkood hagardaamayn, dhac iyo dilba kula kaceen bulshadii meesha degganayd intii dagaalkii 1988-1991. Geedka ‘Garanwaaga’ oo meesha aad uga baxa waxa lala xidhiidhiyaa dejintii qaxootiga – si la mid ah goobo kale oo dalka ah, iyada oo hay’ado samafal oo ajnebi ahi qaybiyeen midhihiisa isla markaana ay dhiirri gelin jireen beeristiisa. (Daraasad gaar ah oo aan ka qoray geedka Garanwaaga ayaa jirta oo muujinaysa sida uu geedku ku yimid iyo faafitaankiisa). Goobtan ‘Bixin duule” la baxday waxa labada dhinac ka xiga laba gumburood oo badi qaawan, haddii laga tegi waayona ay ugu badan yihiin dhiroonka ka baxa Dacar-maroodi iyo Geed-cambaar. Waxa se aad u xiise badan dhagaxooda oo aad mooddo dhadhaabo isku sar jaran oo si fiican la isugu raseeyay. Tuuladii hore oo burbur kasoo gaadhay dagaalkii 1988-1991, waxa ay noqotay ka-guuraa. Waxana meesha qariyay geedka Garanwaaga. Ahmed Ibrahim Awaale Qaran News
  20. Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Ujeedka safarka wasiiradan ayaa ah si ay u taageeraan heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii labadii sanno ee la soo dhaafay ka socday waqooyiga gobolka Tigray. Annalena Baerbock oo ah wasiirada ka socotay dalka Jarmalka, ayaa sheegtay in iyaga iyo Itoobiya ay ka wadahadli doonaan baahida loo qabo nabad waarta, isla xisaabtan. Sidoo wasiiradda ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadlayaan iskaashiga ballaadhan ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika. Source
  21. Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Ayaa Howl Gal Ay Ka Sameyeen Magalooyinka Garowe Iyo Burtinle Ku Soo Qabtay Xashiishad Iyo Khamri Dadkii Watay Iyo Gaarigii Lagu Waday. Ciidamada booliska Nugaal ayaa xalay ku guleystay inay Kantaroonka Burtinle ku qabtaan 26 Duub oo waa wayn oo Xashiish ah kuwaasi oo lagu soo qariyay dhar dhexdooda iyagoona sido kale haya Qofkii waday iyo Gaarigii lagu waday waxaana socda baritaan isagoona sharciga la horgayn doono marka la soo gaba gabeyo baritaanka. Sido kale howl galo ka socday habeenadan ayay ciidamada amaanka Caasimadda Putland ee Garowe waxay ku soo qab qabteen Dubaab Xashiisha oo la diyaariyay iyo dhow cagadood oo khamri ah iyo dadkii watay waxaana socda baritaan si sharciga loo horgeeyo. Taliyaha qaybta booliska G.Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada booliska,Sarakiishooda iyo Bulshada sida dhow ula shaqaysay ee xogta u soo gudbiyay. Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xuseen Cali ayaa sido kale xusay in dalacsiin uu u raadinayo ciidamada booliska ee juhdiga ku bixinaya sidii loo sulin lahaa Mandooriyaha isagoona sido kale faray ciidamada iyo saraakisha in la sii labo jibaaro howl galada lagu la dagaalamayo Mandooriyaha. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal ku qabtay Khamri iyo Xashiish appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxtooyada dalka Brazil ayaa sii daysay cadeymaha dhaqdhaqaaqyada madaxwyenihii dhawaan xilka ka dagay Jair Bolsonaro, kaas oo ay bulshada aad ula yaabtay. Hadalhayn aad u badan ayaa ka dhalatay qarashaadka uu isticmaalay ama lagu isticmaalay kaadhka gaarka ah ee madaxweynaha afartii sano ee la soo dhaafay taas oo amakaak ku ridday bulshada Brazil. Xafiiska madaxtooyada Brazil oo uu hadda joogo madaxweyne Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa sii daayay cadeymaha qarashaadka uu sida gaarka ah u isticmaalay madaxweyne Bolsonaro. Lacagta la istcimaalay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Bolsonaro, taas oo laga isticmaalay kaadhka gaarka ah ee madaxweynaha ayaa gaaraysa inkabadan $5 milyan, taas oo ku baxday Bolsonaro iyo dadkii ka agdhawaa. Madaxtooyada Brazil ayaa sheegtay in $21,000 kamid ah lacagta loo isticmaalay cunno laga cunay Maqaaxi, taas oo ah maqaaxiyaha nolosha dhexe, sidoo kalena $10,000 kamid ah lacagtaas hal maalin lagu cunay Rooti (Roodhi)! Uol oo ah shabakad warar ayaa sidoo kale fasaxday cadeymo muujinayo in Jair Bolsonaro, uu ku qarash gareeyay $235,000 fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021. Sidoo kale warbixinada la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah in ku dhawaad $14,000 lagu bixiyay kaalin shidaal weliba hal maalin, waxaana lacag dhan $286,000 loo isticmaalay baashaal iyo in lagu dago Hoteello. Cadeymaha ayaa sidoo kale muujinayo in maqaaxi ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan lahayd inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Maqaayadda ayaa cunadeeda lagu qiyaasaa celcelis ahaan $10 meesha ugu sareyso ee cunada ay iibiso maqaaxidaas lagu cunay $21,000. Kaadhka dowladda ayaa lagu dalbaday Roodhi gaareysa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday warshad rootida sameysa oo ku taalla Rio De Janeiro. Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya, taas oo kamid noqotay waxyaabaha aad u fajac geliyay dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Waxaa markale cirka isku shareeray xiisadda ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Sweden, taas oo salka ku hayso ku biiritaanka Sweden ee gaashaanbuurta NATO. Isku soo baxyo waawayn oo ka dhacay gudaha dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo loo ekeysiiyay madaxweynaha Turkiga Erdogan oo la daldalayo, taas oo sababtay in ay sii laba jibaaranto carada Turkiga. Turkiga ayaa diidan in ay Sweden ay ku soo biirto gaashaanburta Militeri ee ugu awoodda badan caalamka NATO, taas oo ay Sweden dalbatay in ay soo gasho. Banaanbaxayada ayaa dadku ku muujinayeen dareenkooda ku aaddan xanibaadda uu Turkiga saaray Sweden ee ku biiritaanka NATO. Ra’iisulwasaaraha Sweden ayaa dhankiisa sheegay in uu cambaareynayo falka ay ku kaceen muddaharaadayaasha ayaa ka raalli geliyay dowaldda Turkiga. Turkiga ayaa dhankooda sheegay in aanay ku filneyn cambaareyn falka loo gaystay madaxweynahooda Recep Tayyip Erdoğan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ku eedeeyay iney arrintan ka dambeeyeen xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG oo labaduba ay Ankara ugu yeerto kooxa argagixiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay magacyada xubnaha ururka alshabaab u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, kuwaas oo uu Maraykanku xogtooda helay. Xubnaha la shaaciyay ayay sheegeen Waaxda maaliyadda dowladda Maraykanka in ay yihiin kuwa alshabaab u fududeeya hawlaha dhaqaalaha ururka. War lagu daabacay baraha bulshada ee Waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay sidoo kale in xubnahaan ay alshabaab u hayaan arrimo ay kamid yihiin isku xirka shabakadda iyo hay’adaha dhaqaalaha maxaliga ah. Dhammaan xubnahaan oo gaaray illa iyo 10 qof ayaa lagu daray liiska dadka Maraykanku uu u aqoonsan yahay Argagixisanimada, iyada oo loo cuskaday qaraarka tirsigiisu yahay (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda. Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah: ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan. ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda. ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas) Maraykanka ayaana sidoo kale xayiraad dhanka Dhaqaalaha ah duldhigay xubnahaan uu shaaciyay Magacyadooda iyo hawlaha ay al-shabaab u qaabilsan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay xeelad cusub oo Al-Shabaab billowday, kadib jabka xoogan ee kasoo gaaray dagaalka ka dhanka ah. Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay billowday in maleeshiyaadka lagu jabiyo deegaan ay markaasba ka badalaan, ayaga oo geynaya deegaan kale oo aad uga fog. “Kuwa maanta inta ka dagaal galay maalin dambe waxay ka tuurayaan Kuuyo-barow, kuwa meel kale dagaal ku qabsaday waxay ka tuurayaan Xarardheere, waxay diidayaan kuwa inta ku jabay haddii kuwa kale lagu soo buuxiyo wey hadlayaan oo waxay dhahayaan shalay ayaa inta nagala qabsaday,” ayuu yiri. Guddoomiye Jeyte ayaa waxa uu sheegay in xeeladan cusub ay Shabaab weli madaxa ciida uga ceshanayaan, si dagaalka usii wadaan, taasi oo uu sheegay inaysan waxba ka badaleyn dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda. “Kuwa cusub keena ama kuwii hore soo cesha idinka ayey idin taalla. Halkaas ayey noo joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka ahaa qorshaha la iskugu xiray howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus. Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi. The post Al-Shabaab ‘oo xeelad yaab leh billowday’ kadib jabka xoogan ee ka gaaray dagaalka appeared first on Caasimada Online.