Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The trial of Mohammad Hanad, a Somali migrant sentenced to 142 years in prison in 2021 for "facilitating illegal entry" into Greece, took place on Monday on the island of Lesbos. The following day 24 volunteers and aid workers, also accused of people smuggling, appeared before the same court. Charlotte Oberti reports for InfoMigrants. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in uu faah faahin ka bixin doono tobaneeyo ka mid ah xisaabaadka Al-Shabaab ee Bangiyada iyo laacagaha teleefoonnada loo adeegsado oo ay dowladdiisu xannibtay. Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad ka jeedinayay bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho ayaa uga digay shacabka ku nool caasimadda inay bixiyaan wax uu ugu yeeray “lacago baad ah oo ay siiyaan kooxda”. “Lacag malaayiin ah ayaa xisaabaadka iyo telefoonnada Al-shabaab ku xayiran maantadan aan idinla hadlayo, dowladdu way soo bandhigi doontaa,” ayuu ku yiri khudbadda uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah shacabka gobolka Banaadir ugu boorriyay in aaney ka cabsan Al-shabaab oo aaney dhaqaale u siin cabsi darteed maadama sida uu sheegay lacagaha laga qaado shacabka lagu sameeyo qaraxyada. “Qaraxu carro maahan dhulka laga soo qaaday warshado lagu sameeyo qaraxa ma qabno waa la soo dhoofiyay, haddii la soo dhoofinaya doolar ayaa lagu keenay,” ayuu madaxweyne Xasan. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal weerar oo kala duwan ay ku qaadeen xarumaha ammaanka ee magaalada Muqdisho saacado kadib markii la soo afjaray isu soo baxaasi. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradooda ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma aysan bixin faah faahin intaas ka badan. Inkastoo Al-shabaab laga saaray Muqdisho sannadkii 2011-kii, haddana kooxda ayaa kumannaan shacab ah ku laysay dilal qorsheysan iyo qaraxyo khasaare geystay. Dadka Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoober shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda. Qoraal lasoo dhigay xilligaas bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiro muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya. Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab. Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah: ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan. ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda. ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas) Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah. The post DF ‘oo heshay xogta’ iyo magacyada dadka Shabaab u qaabilsan dhaqaalaha appeared first on Caasimada Online.
  3. Ukraine President Volodymyr Zelensky has held talks with his Kenyan counterpart William Ruto. Source: Hiiraan Online
  4. A senior commander of the Daesh/ISIS terrorist group was killed in a clash with security forces in Somalia’s semiautonomous Puntland region, authorities said on Friday. Source: Hiiraan Online
  5. MYTILENCE, Greece: A Greek court on Friday dropped espionage charges against 24 activists involved in rescuing migrants, after a lengthy trial denounced by rights groups and international organizations. Source: Hiiraan Online
  6. Ethiopia’s Amhara regional forces have withdrawn in neighboring war-torn region of Tigray in accordance with the African Union-led peace agreement between the Federal government and the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) rebels, the army said on late Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. The United Nations on Thursday launched an appeal for funds to come to the aid "before it is too late" of 30 million children suffering from acute malnutrition in countries affected by the food crisis. Source: Hiiraan Online
  8. The National Police Service is appealing to members of the public to share any information that may lead to the arrest of five al Shabaab terror suspects linked to the latest attacks in Lamu. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Qeybdiid oo dhawaan wareejiyay xilka guddoomiyaha guddigaan ayaa shaaciyay caqabado hor leh oo ku hor-gudbanaa dhaqaajinta Dastuurka KMG. Senator Qeybdiid ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aan baahsan kasoo foodsaartay labada Aqal ee Baarlamaanka, taasi oo fadhiid ka dhigtay howshii ay mudada u igmanayeen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxyaabaha kale ee maqnaanteeda aheyd caqabad waxa kamid ah Awoodii Garsoorka, gaar ahaan maxkamadii Dastuuriga aheyd. Dastuurkii KMG ah uu markaas noqday mid bogagiisa sidii la rabo loo isticmaalo oo aan la dhowrin,” ayuu yiri Senator Qeybdiid. Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadaha soo foodsaaray ay kamid aheyd Maqaamka Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay masuul ka yihiin labada Aqal ee BFS iyo wada-shaqeyn la’aan dhanka dowlad-goboleedyada. “Waxa aan marnaba indhaha laga qarsin karin wada-shaqeyn la’aanta ama iska indha tirida dowlad-goboleedyada. Waa yimaadan oo waxa aragna iyaga oo is haystaan xukuumadda. Sida uu nidaamka dhigayo in tabashada dowlad-goboleedyada ay marto Aqalka Sare weeyi,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka waxay u baahan tahay in la iswaafajiyo waxa aan qoraneyno oo Dastuurka ah iyo ku dhaqankiisa – dadka raba inay ku dhaqmaan Dastuurka.” Senator-ka ayaa qaba in qeybo kamid ah Dastuurka KMG ah uu qeyb ka yahay dhameystir la’aanta Dastuurka, xilli ay xukuumadda federaalka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay wado qorshe lagu dardar-gelinayo dhameystirkiisa. The post Qeybdiid oo shaaciyay xog aan horey loo ogeyn oo la xiriirta dhameystirka dastuurka appeared first on Caasimada Online.
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in kacdoonka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo deegaano badan looga saaray uu culeys amni oo xooggan ku keenay dalkaas. Xukuumadda Nairobi ayaa ciidan dheeraad ah oo la socda dhaq-dhaqaaqa dadka ka gudbaya xadka ay la wadaagto Soomaaliya soo dhigtay, si ay uga hortagaan digniin la xiriirta in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbi karaan gudaha dalkaas. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa walaaca cusub ee soo foodsaaray xukuumadda Nairobi la wadaagay, isaga oo sheegay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada Soomaaliya ay ka dhalan karaan firxad usoo jiheysta Kenya. “Madax iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ayaa u jiheystay deegaanada ka fog gobolada howl-galada ka socdaan, si ay uga dheeraadan dagaalka looga qabsaday magaalooyin badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah.” Kenya ayaa sheegtay in si ay uga hortagto xubnaha Shabaab ee damacsan in ay gudaha u galaan la kordhiyay ciidamada la socda dhaq-dhaqaaqa Soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah meesha ay kasoo gudbi karaan. “Adkeynta amniga Soohdinta waa mid nabad-galyo u ah deegaanada xadka xiga, in si fudud loo gudbiyo sahayda ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya iyo in la yareeyo halista weyn ee laga muujinayo weeraro Al-Shabaab ay ka geysan karto gudaha Kenya.” Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Aadan Barre Ducaale oo dhawaan la kulmay saraakiisha hogaamineysa ciidamada ATMIS (ex-AMISOM) ee taageerada buuxda ka heysta Golaha Ammaanka ee QM ayaa hordhigay in ay adkeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab. Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isfaham kala gaaray “wada-shaqayn la xiriirta sugida amniga xuduudaha muddada ay socdaan howl-galada ka dhanka ah Shabaab,” oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi. The post Dowlada Kenya oo sheegtay inay culeys kala kulantay kacdoonka ka socda Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen maleeshiyaadka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay ka hor inta aysan ka bixin degmadaas waxay shacabka Xarardheere ku amreen in ay ka baxaan magaalada. Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda iyo shacabkii ay ka xaysteen u baxeen miyiga iyo tuulooyinka ka baxsan Xarardheere. Tallaabadan ayaa ku soo beegntay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo isaga baxay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  12. Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump. Shirkadda ayaa lagu helay denbi la xiriira ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah sida laga soo xigtay maxkamadda. Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda denbiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaaraysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa. Qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan. PUNTLAND POST The post Shirkad uu leeyahay Donald Trump oo lagu ganaaxay illaa $1.6 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
  13. Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Mas’uuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii la socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga Midowga Yurub. Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka, dib u heshiisiinta, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga. Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya, iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka, Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirka Brussels. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay 4 nin. Howgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag, gaar ahaan gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo qabtay laba nin oo dhac ka geysanayey halkaasi. Taliska Booliska gobolka Banaadir oo war kasoo saaray howlgalkaasi ayaa sheegay in raggaas lagu qabtay mindiyo ay dhac ku geysaneyeen, laguna xiray saldhigga Howlwadaag. “Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga Degmada Howlwaddaag oo gudanaya waajibkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka mid ah burcad hubaysan oo dhac u geysta dadka deggan xaafadaha kala duwan ee Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir. Labadaan nin ayaa laga soo qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaraha fiidnimadii hore ee caawa, iyaga oo dadka ku dhacayay Middiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray in ragga lasoo xiray laga qaadi doono tallaabo adag, isla-markaana loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh. Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal kale ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo isna lagu soo qabtay laba nin oo kale. Raggan lasoo qabtay duleedka Muqdisho ayaa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya, sida uu shaaca ka qaaday Booliska Gobolka Banaadir. “Ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna caawa soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Booliska Banaadir. Waxa kale intaasi la sii raaciyay “Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir waxa uu markasta u taaganyahay sugidda Amniga caasimadda iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo ciribtiro kooxda burcadda hubeysan ah iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee dhibka ku haya Bulshada. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, si looga hortago falalka amni darrada ah. The post Sawirro: Howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda oo 4 nin lagu soo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  15. Tripoli (Caasimada Online) – Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay dalka Libya maalintii Khamiista aheyd, isagoo Tripoli kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abdulhamid Al-Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda Libya. Xukuumadda Midnimada Qaran ee Dbeibah ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku shaacisay booqashadan, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira. Laba ilo oo ku dhow taliyaha bariga Libiya Khalifa Haftar, oo fadhigiisu yahay Benghazi, ayaa sheegay in Burns uu sidoo kale la kulmay. CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diidday inay ka hadasho booqashadan. Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii NATO ee 2011-kii, waxaana waddanku u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka sanadkii 2014, iyada oo ugu dambeyntii Haftar uu weerar ku qaaday Tripoli sanadkii 2019. Xukuumadda Dbeibah ayaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii 2021-kii, taasoo qayb ka ahayd qorshe nabadeed. Balse maamulkiisa ayaan hadda aysan aqoonsanayn kooxaha siyaasadda ee bariga, iyada oo dad badan oo Liibiyaan ahna ay ka baqayaan dagaal cusub. Maraykanka ayaa horey u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaadda Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasillooni darrida ka jirta waddamada xubinta ka ah OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka. VOA The post Agaasimaha hay’adda CIA-da Mareykanka oo booqasho qarsoodi ah ku tagay LIBYA appeared first on Caasimada Online.
  16. Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee Gobolka. Kulan dhowaan uu yeeshay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Baarlamanka Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Cadaaladda ee Afrika (EACJ) iyo hawlwadeennada EAC oo ka dhacay magaalada Machakos, ayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Peter Mutuku Mathuki, waxaa uu sheegay in marka ay soo idlaadaan wadaxaajoodka, in ka hor dhammaadka sannadka 2023-ka Soomaaliya rasmi ahaan loogu aqbali doono xubin ka noqoshada ururka. “Waxaan dhammaadka bishan Soomaaliya u direynaa koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameyn doonta xaaladda dalka, kadibna waxay keeni doonaan warbixin. Warbixintaas waxaa lala wadaagi doonaa Golaha Wasiirada ee Uurka iyo Shir Madaxeedka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) si ay talo uga bixiyaan. Haddii loo arko inay buuxisay shuruudaha xubin ka noqoshada ururka, waxay Soomaaliya nasiib u yeelaneysaa inay noqoto dalka 8aad ee ururkan xubin ka noqda dhammaadka sannadkan’’ ayuu yiri Dr Mathuki, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC). Dr Mathuki ayaa sidoo kale xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka lana filayo in dakhliga haatan soo gala oo dhan 10 billion oo dollar in uu labanlaabmo uuna gaari ilaa 20 billion oo dollar. PUNTLAND POST The post Ururka EAC oo bilaabay hannaanka lagu aqbalayo in Soomaaliya xubin ka noqoto appeared first on Puntland Post.
  17. UNITED STATES COMBINED JOINT TASK FORCE – HORN OF AFRICA VISIT TO BERBERA On January 13, U.S. Combined Joint Task Force – Horn of Africa (CJTF-HOA) personnel conducted a site survey visit to the port of Berbera. The visit comes in advance of the U.S.-led multinational military training exercise Justified Accord scheduled for February 2023. Justified Accord is designed to increase multinational cooperation in crisis response and counterterrorism operations and prepare regional partners for UN and African Union-mandated missions. In addition to the port of Berbera, Justified Accord exercises will take place in Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, and Uganda with the participation from 20 partner nations, including Somalia. The U.S. military routinely surveys potential operating locations to prepare for contingencies and exercise readiness or adjust force posture as directed. Qaran News
  18. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, ayaa komeer ku tegay Dekedda Berbera, halkaas oo ay u kuur galeen xaaladdeed iyo Qorshe ay wadaan oo ay doonayaan In ay fuliyaan bisha dambe. Saraakiishan oo ka socday Ciidanka Isku-dhafka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika ee loo soo gaabiyo (CJTF-HOA), ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay In ay tahay indho indhayn la xidhiidha Dhoola tus caalami ah oo Ciidamada Mareykanku ka samaynayaan Waddamo ay Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda. Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika iyo dalka Yemen Jeneraal Jami Shawley ayaa booqasho ku tagtay dekedda Magaalada Berbera 20 bisha December ee sannadkii aynu soo dhaafnay. Source
  19. Beledweyne (HOL) - Government forces allied with local militias engaged in a fierce gun battle with Al Shabaab fighters in Hiiraan near the villages of Tabantaab and Mohamed Hassan, 25km south of Beledweyne. Source: Hiiraan Online
  20. Hobyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay faarujisay degmadaas, kadib markii ay ka war heleen in duulaan culus uu uga soo wajahan yahay dhanka Hobyo iyo Wisil. Al-Shabaab waxay sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, waxayna u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha. Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere wuxuu soo yeeray iyadoo uu socdo abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab. Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug. Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramaya inay gaareen degmada Hobyo ee gobolkaasi. Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadawga, degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa ugu horeysa deegaanada uu ku wajahan yahay gulufkaan. Sidoo kale ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u buux dhaafiyey magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo saldhig u ah abaabulka lagu xoreynayo dhulka ka maqan Galmudug. Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa la sheegay inuu hoggaami doono gulufka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ee abaabulkiisu uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug. Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay faarujiyaan deegaanada ay ku sugan yihiin, markii ay ka war helaan in lagu soo wajahan yahay, ma galaan dagaal is difaacid ah, laakiin waxay weli awoodaan inay weerar toos ah ku qaadaan xeryaha ciidamada, taas oo dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada Soomaaliya. The post Xog: Al-Shabaab oo ka baxday Xarardheere amar culusna dul-dhigtay shacabka appeared first on Caasimada Online.