Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shalay gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug. Axmed Qoor-Qoor oo safarkiisan uu ku wehlinayo wasiirka gaashaandhiga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa duleedka magaalada kusoo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan laba gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, maamulada gobolka Mudug iyo kan degmada Wisil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada. Qoor-Qoor ayaa degmada Wisil kaga dhawaaqay dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay in maamulkiisa uu si dhab ah u galayo, xilli uu ka socda qeybo kamid ah dalka. “Waxaa rabna inaan qaadano kaalintii lagu yaqaanay reer Galmudug, howsha qeybtayadii hadda ayey noo taalla, weyna jabeen Khawaarijta. Maalmihii loo kala maqnaan jiray waa lasoo mooday maalmahaas waana loo wada istaagaya,” ayuu yiri. “Ciidanka xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka kacdoonka loo kala hadhi maayo, waxaa leeyahay ha loo soo wada baxo guusha waa la heli doono.” Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay deegaanada maamulka Galmudug uga saari doonaan Al-Shabaab, si ay uga dul qaadan bulshada dhibaatada ay ku hayso kooxda. “Ayaga (Shabaab) dhiig xaqdarro ah ayey daadinayeen waana midka ay ku jabeen, laakiin anaga mid xaq ah ayaa kula dirirayna. Waxaa bogaadineyna ciidamada howsha bilaabay ee howl-galada wada, shacabka niyada-san ee soo baxay noqday qof qoriga qaata iyo mid taageero bixiya.” Deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, loogana fara-maroojiyay deegaano horleh oo sanado badan gacanta ku hayeen. The post QOOR QOOR oo iclaamiyey DAGAAL saddex dhinac appeared first on Caasimada Online.
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Baydhaba ayaa sheegaya in uu maanta si rasmi ah magaaladaasi uga furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maalmo dib u dhacay kadib markii uu xoogeystay is jiidjiidka u dhexeeya labada dhinac. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu daah-furo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegaya Baydhabo, halkaas oo ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarkiisa oo uu hoggaaminayo agaasinka Villa Somalia. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan laga dareemayaa Baydhaba, ayada oo loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa amniga sugaya, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka. Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida. Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi. Intiisa badan waxaa shirweynahan oo ay ka qayb-galayaan xubnaha mucaaradka looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii uu mucaaradka ka horyimid arrinta muddo kordhinta. Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin reer K/ Galbeed, waxayna horay u sheegeen inuu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen. Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada & xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen. The post Maxaa kasoo kordhay shirka dib u heshiisiinta KOONFUR GALBEED? appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay muhiimada hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta dadweynaha ayaa shaaciyay dhacdo yaab leh oo “aqoonsi la’aanta sababtay” oo ka dhacday hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka. Fiqi ayaa waxa uu sheegay in 2018-kii xubin ka tirsan hay’adda NISA oo loo xil-saaray in uu raadiyo nin Shabaab halis ah oo magaciisa uu ku sheegay Ilkacase, balse markii dambe soo baxday in xubinta NISA ka tirsaneyd uu laftiisa yahay ninka loo diray in uu raadiyo. “Aqoonsigan muhiimadiisa waxa soo koobay nin Ilkacase la yiraahdo oo hay’adda NISA la shaqeynayay 2018-kii. Ilkacase waxa uu ahaa nin halis ah oo Shabaab ah oo dadka dila. Waxay hay’adda Nabad-sugida u shaqaaleysatay in Ilkacase uu raadiyo, Ilkacase – Ilkacase in uu raadiyo ayaa loo diray, markaas ayay cid kale ka cadaatay in Ilkacase uu yahay ninka loo diray Ilkacase,” ayuu yiri. “Tani (dhacdadaasi) waxay keenaysa muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qof walba uu hal qof noqdo, Ilkacase in uu hal qof noqdo, Guddoomiyaha baarlamaanka uu hal qof noqdo laakiin hadda hebel hebel weeyi oo majiro magacyo rasmi ah oo diiwaan-gashan, oo la isla waafaqsan yahay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in sharcigan la waafajiyay habraacyadii iyo mabaadida hirgelinta aqoonsiga caalamka ah, islamarkaana ay ku jiraan qoddobo waajibinaya ilaalinta xogta dadweynaha iyo masuuliyadaha ka dhalanaya. “Sharcigaan hore ayaa Golaha Shacabka loo keenay oo wuxuu ku jiray sharciyadii lasoo celiyay, oo aan marin habraacyadii rasmiga ahaa oo aan Aqalka Sare la geyn.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii lasoo celiyay waxa la asteeyay oo lagu soo kordhiyay sharcigaan mabaadida maamul wanaaga, sameynta guddi maamul oo kamid noqonaya iyo qaab dhismeedka hay’adda.” The post Wasiir FIQI oo shaaciyay dhacdo yaab leh oo 2018-kii ka dhacday hay’adda NISA appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwado loo heysto Weriye Cabdalle Axmed Muumin oo ah Xoghayaha urur saxaafadeedka SJS. Cabdalla Muumin oo markii ugu horeysay la xiray 11-kii October 2022 ayaa waxaa weli jiitamaya kiiskiisa, waxaana maanta su’aalo toos ah weydiiyey guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda. Weriye Cabdalla ayaa aad uga cabtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, isagoo soo bandhigay muran, is qabqabsi iyo arrimo khilaaf culus sababay oo dhowr jeer dhex maray isaga iyo wasiir Al-Cadaala. Kiiskaan ayaa ka soo bilowday go’aan ay dowladdu ka soo saartay baahinta wararka la xariira kooxda Al-shabaab, gaar ahaan sheegashooyinka adag iyo baahinta afkaaraha kooxda. Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saaxada laga tirtiro. Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa maanta Weriye Cabdalla weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan shirkiisii jaraa’id ee go’aankii dowladda uu uga hor yimid, waxaana ka mid ahaa “Shirkii jaraa’id ee dabaq ku yaalla Howlwadaag aad ku dul qabatay mid lamid ah Tooratoorow maku qaban kartaa?” Wuxuuna ku jawaabay “Maya oo xitaa Afgooye kuma qaban karo” laakiin Cabdalla ayaa aar-gudasho ku sifeeyey sida ay ula dhaqmeyso dowladdu, isagoo sheegay in Godka Jilicow uu laba habeen ku xirnaa. “Ilaahaan kugu dhaarshee guddoomiye waaran la’aan marka la igu soo xirayo ee hadana Jilicow la ii geynayo oo laba habeen aan ku xirnaa soo aar-gudasho maaha guddoomiye? Ma argagixisaan ahay?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Weriye Cabdalla oo Maxkamadda hor taagan. Su’aalo adag iyo jawaab celin mudo dhex mareysay Weriye Cabdalla Muumin iyo guddoomiyaha maxkamadda kadib. Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu mudeeyey in kiiskaan mar kale loo fariisto maalinta Khamiista ah ee soo socota. Hoos ka daawo The post Daawo: Cabdalla Muumin oo maxkamad lasoo taagay – Muxuu ka yiri Al-Cadaala? appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - A military court in Mogadishu sentenced a soldier to death on Sunday for murdering a man for less than a quarter dollar. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse ayaa si kale u dhigay mowqifkii ay dhawaan qaadatay dowlad-goboleedka Puntland. Wasiir Caarshe ayaa sheegay in Puntland ay qaadatay go’aan uu xaq u siinayo Dastuurka KMG ah iyo midka maamulkeeda, islamarkaana uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo Puntland. “Marka hore khilaaf abuurmay oo hadda jira majiro, Puntland lexjeclo badan ayaa Soomaaliya ka haysa oo muddo ayaa ka shaqeynaynay howlahaan, waxa hadda soo baxay waa sida u aragno in wax loo sixi karo. Marka khilaaf ayaa abuurmay hadda lama oran karo,” ayuu yiri Wasiir Caarshe oo ka qeyb-galay barnaamijka Faaqidaadda ee VOA. Wasiir Caarshe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xiriirkii iyo wada-shaqeyntii dowladda federaalka uu sidii hore yahay, inkasta oo bayaankii dhawaan kasoo baxay maamulka uu qeexayay wada-shaqeyn kooban oo ka baaxad yar tii hore ugala dhaxeysay. “Mowqifka aan soo saarnay waa in aan wada-hadalno anaga (Puntland) iyo dowladda federaalka, qoddobada iyo sida wax u aragno ay dooda anaga noo furato, taas ayey taladeena tahay laakiin khilaaf ma ahan ee waa sida wax loo hagaajin lahaa.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Si madax-banaan baa wax u maamulanayna wax xeyndaabka ka baxsan ma ah oo waxay ku jirta Dastuurka dowladda federaalka iyo ka Puntland. Qaabkii geedi-socodka ee hanaanka shaqada u hagaagi laheyd in la saxo ayaa rabna.” Dowlad-goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday “in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.” “Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland. War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan. The post Wasiir Caarshe oo si kale u dhigay go’aankii Puntland, meeshana ka saaray khilaaf appeared first on Caasimada Online.
  7. Xukuumadda Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho kaas oo ay ku eedaysay mid si cad indhaha uga laliya adeegsiga magaca Somaliland isla markaana ku sheega in ay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. War ay wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ku daabacday barteeda Twitter ka ayaa lagu yidhi “Lama aqbali karo in Larry Andre oo ah danjiraha Muqdisho ee Maraykanku in uu si joogta ah uga dheeraado magaca saxda ah ee Somaliland isla markaana uu ka soo qaado gobol ka tirsan Soomaaliya isla markaana uu magaalada Berbera raaciyo Soomaaliya. Isaga oo og in aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya. Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad-celiyey kulankan. Waxa uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaasi oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa. Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriira aad u wayn, kaasi oo ku qotoma dhinacyada diblumaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha millateriga. Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, wuxuuna Muqdisho ka furtay Saldhig weyn oo lagu tababaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyay Mehmet Yilmaz appeared first on Caasimada Online.
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddiga Farsamada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka looga arrinsanayo xiisada siyaasadeed ee maamulka uu furmi doono maalinta Isniinta oo berri ah. Guddiga ayaa sheegay in isfaham hordhac ah laga gaaray ka qeyb-galka shirkaasi, taasi oo ka dhigan in dhinacyada dhamaantooda ay kasoo qeyb-gali doonaan shirkan. “Si aan u dhameystirno geedi-socodka qabsoomida shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, wada-tashi dhinacyo badan kadib waxaa u asteeynay furitaanka shirka maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bisha Janaayo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga. Guddiga ayaa waxa uu faray “madaxda, siyaasiyiinta, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay Baydhabo soo galaan ka hor inta uusan furmin shirka”, taasi oo ka dhigan in xubnaha ka qeyb-galaya shirkan ay badankooda ku sugan yihiin magaalada, inta kalena ay saacadaha soo socda gaari doonaan. Shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo si weyn uga dhiidhiyay shaqaaqadii kal hore ka dhalatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed. Shirka berri ka furmaya Baydhabo ayaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Lafta-gareen. The post VILLA SOMALIA oo wafdi u dirtay Baydhaba + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal ku dhameyso tabashada shacabka reer Laascaanood, taasi oo rabshado horleh ka riday gudaha magaalada. Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada ayaa sheegay in xukuumadu ay qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool. “Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabad-galyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira ee kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun” ayuu yiri Wasiir Koore. Sidoo kale waxay sheegen in xukuumadda Muuse Biixi ay bixisay magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado. “Dhmaan dadkii lagu soo qabtay qalaalasaha magaalada wey sii deysay xukuumadda,” ayey sidoo kale warbaahinta u sheegeen wasiirada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood. Waxay dadweynaha reer Laascaanood ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabad-gelyada, ayaga oo dadkii dhawaan ka qaxay rabshadihii halkaas ka dhacay ka codsaday inay kusoo laabtaan magaaladooda. Sidoo kale waxay amreen in dib loo furo goobaha waxbarasho ee magaaladaasi sida; jaamacadaha, malcaamadaha Qu’raanka, kuwaasi oo xirna tan iyo markii ay billowdeen rabshadaha muddooyinkii dambe ka taagna Laascaanood. Ugu dambeyntiina waxay wasiiradu sheegeen in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay wada-hadal iyo isfaham ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan. Arrintan ayaa imaneysa xili uu soo hagaagayo amniga guud ee magaalada Laascaanood oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen rabshado salka ku haya dilalka kusoo noq-noqday ee magaalada ay ka geystaan kooxaha aan la garanayn. The post Somaliland oo ogolaatay in xiisadda Laascaanood lagu… appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo shalay ka dhacay degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Laba qarax oo gawaari loo adeegsaday ayaa waxay ka dhaceen meel u dhow saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Jalalaqsi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labadaan qarax ay waxyeelo kasoo gaartay Askar, hase yeeshe aysan jirin masuuliyiin ay wax kasoo gaareen. “Afar qof indhahayga ayaa saaray, dadka ku dhintay askar waa ku jirtay oo nimankii xabadeeyay gaariga leyla-calaawiga ah darawalkiisi waa la dilay, sidaas ayuu ku qarxay,” ayuu yiri. Sidoo kale qarax is-miidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Booliska ee bartamaha degmada Buula-burte, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Yuusuf Xagar oo kamid ah howl-wadeenada caafimaad ee degmada Buula-burte ayaa VOA uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay uu qarxay kadib markii rasaas ku fureen ciidamada. “Qarax weyn ayaa dhacay, kaasi oo ah gaari Surf ah. Jid uu maro ayuu garan waayay luuqyadii ayuu marba mid madaxa ku dhuftay markii dambe waa la dareemay. Degmada ayaa xabado looga soo riday halkii xabadaha laga soo riday ayuu toos u abaaray oo xabadihii waa kari waayeen Proof muu aha ma aqaan, meesha irideeda ayuu ku qarxay,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xaalada magaalada korontada waa go’an tahay, aanteenada 20 daqiiqo ka hor ay imaatay, dab majiro oo jidkasta ciidamo ayaa xiray wax ganacsi ah ma socdo.” Qaraxyadan ayaa waxay kusoo beegmayaan xili muddo bil ka hor ay sidan oo kale qaraxyo is-miidaamin ah uga dhaceen Buula-burte iyo Jalalaqsi, kuwaasi oo geystay khasaare nafeed. The post Wararkii ugu dambeeyay ee saddex QARAX oo ay Al-Shabaab ka fulisay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jubaland oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti. Waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu dalka jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo saddex maalmood ah, kaddib markii uu xasuumaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle. Sida aan warkeenii shalay ku sheegnay ujeeddada marti-qaadkan ayaa ah in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiisyadii ay horay u wada galeen Ismaaciil Cumar Geelle, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi, waxaana wararku intaas ku darayaan in khilaafka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha loo soo dhaweynayo Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo gaaray Jabuuti iyo sababta loo marti-qaaday appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si adag uga horyimid hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay in la ansixiyay. Xildhibaanka ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan oo markii hore ahaa sharci darro, lagu ansixiyay sharci darro kale, ayada oo aan la marsiin saddex aqrin, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka. “Hadaba iyada oo shalay ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu ku yiri Xildhibaan Macallimuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka oo ah cunsurka koowaad ee dowladnimada, lana rabay in laga toosiyo ku xad-gudubka shuruucda iyo korjoogteynta hay’addaha fulinta, uu asagii ku kaco sharci darro. “Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.” Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho ,natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.” Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa shalay cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha. Ansixintan ayaa la sheegay inay timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, maadaama intooda badani ay dooddoodu ku saleysneyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo shir-guddoomiyay kalfadhigii shalay ayaa uga mahad-celiyay mudanayaasha golaha ansixinta hindise-sharciyeedkan. “Waxaan u mahad-celinayaa mudanayaasha Golaha Shacabka oo dood wax gal ah ka dib ansixiyay hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo ay xildhibaanada horey Akhrinta koowaad usoo marsiiyeen,” ayuu yiri. “Ugu dambeyn waxaan u mahad-celinayaa wasaaradda maaliyadda oo hindise-sharciyeedkan soo diyaarisay iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hindise-sharciyeedkan howl badan kasoo qabtay.” The post Macallimuu oo si weyn uga horyimid sharci uu BF ku ansixiyay ‘hab sharci darro ah’ appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU, Somalia (AP) — Enough was enough. For 13 years, extremists with al-Qaida’s East Africa affiliate had controlled Mohamud Adow’s village in central Somalia, imposing harsh ideology and arresting local teachers and traditional leaders. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay howl-gal xoogan kula wareegeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeysa Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Sarkaal Shabaabka ah ee ciidamada huwanta gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in kooxda u qaabilsanaa deegaanka Baraag Sheekh Caamir, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali-gadiid. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilliga la qabanayay sarkaalka ka tirsan Shbaab uu raashin u waday xubno ka tirsan kooxda. Ciidankaan oo ka baxay magaalada Masagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, iyaga oo gaaray illaa deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah. Deegaanada kala ah Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana maanta ku sugan ciidamada dowladda. Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Intii uu socday howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar-gelinaya howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Shabeellaha Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceel-dheer oo Galgaduud ka tirsan. Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere. The post Ciidamada dowladda iyo shacabka oo gacanta ku dhigay sarkaal Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Jalalaqsi (Caasimada Online) – A series of bombings in the central HirShabelle state of Somalia left at least 15 people dead and more than 50 injured on Saturday, according to officials. The attacks claimed by the extremist group al-Shabab targeted the towns of Buloburde and Jalalaqsi in Hiran region. In Buloburde, a suicide car bomb killed at least 11 people and injured over 50, many of whom were in critical condition. The bomb exploded near a police station and a base for African Union peacekeepers from Djibouti. Those critically injured were transported to Mogadishu for treatment as local hospitals could not provide the necessary care. In Jalalaqsi, a car bomb detonated near a military checkpoint when soldiers intercepted a vehicle carrying explosives. Another bomb went off simultaneously in the area when security officials shot the vehicle’s driver. At least four people were killed, and the death toll could be higher. Both towns are known for their trade and farming and are located along the Shabelle River. They have been under al-Shabab’s control for over a decade and recently have been the focus of the government’s efforts to mobilize the local population against the group. Al-Shabab has previously threatened violence against those who oppose them. Similar attacks in October of last year resulted in the deaths of 21 people. On Thursday, the Somali government announced a “people’s uprising” against the al-Shabab extremist group, which has held back the nation’s recovery from decades of conflict by carrying out attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. The government is seeking to pressure al-Shabab from multiple angles, including financial ones. This is the most significant offensive against the group in over a decade, with Somali fighters taking the lead, supported by U.S. and African Union forces. The U.S. has supported the Somali National Army with a recent donation of $9 million in heavy weapons and equipment. According to a database by International Crisis Group analyst Omar Mahmood, the Somali government has claimed that more than 1,200 militants have been killed since August. However, these claims cannot be verified. The Somali National Army is expected to take over the country’s security from the African Union multinational force by the end of next year. The post Somalia: 15 dead, 50 injured in Al-Shabab bombings appeared first on Caasimada Online.
  17. The East African Community is scheduled to send a verification mission to Somalia, this month, to assess the country’s readiness to join the Community. The Secretary General of EAC Dr Peter Mathuki says the EAC mission will be in Somalia starting on the 25th of this month to meet the government of Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka banbaxa maamulka gobalka Banaadir, kaas oo muddo afar maalin ah. Shirkaan ayaa looga hadlayay howlaha iyo qorshooyinka maamulka gobalka Banaadir, waxaana shirka ka soo qaybgalay guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ku-xigeennada maamulka gobalka, guddoomiyayaasha gobalka Banaadir. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka maamulka gobalka Banaadir WAR-MURTIYEED SHIRKA BANBAX 10-14 JANAAYO, 2023 MUQDISHO, SOMALIA Shirka banbaxa maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho 10-14 ka Janaayo 2023, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo Maaliyadda, Amniga iyo Siyaasadda, Taliyaha Ciidaanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xog-hayaha Guud, Guddoomiyaash degmooyinka & Deegaanada, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Guddiyada, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Xisaabiyaha Guud, Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalagha Gobolka Banaaadir, Maareeyaha Machadka Dowlada Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Xallinta Khilaafaadka Dhulka, Guddoomiyaha Ururka Haweynka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Naadiga Minishibiyo, Kaaliyaal, Wakiillo, iyo la taliyayaasha sare ee Maamulka ayaa looga hadlay wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee Gobolka Banaadir oo ku saleysan; Ammaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha Maamul hufan oo u adeega bulshada deggan Magaalada Muqdisho iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha. Si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkaas ayuu maamulku ka dooday: Qalfoofta istaraatiijiyadda guud ee 5ta sano ee soo socoto (2023-2027) Qorshe hawleed ay ku dhan yihiin dhammaan howlaha sanadka 2023 u qorsheysan Maamulka Gobolka Banaadir. Dib-u-eegista shuruucda maamul ee Gobolku ku hawlagalo Dib-u-eegista Qaab-dhismeedka maamulka Gobolka Banaadir Dhaqangalka nidaam maaliyadeed hufan oo ku saleysan miisaaniyad. Mas’uuliyiinta ayaa arrimahaan kor ku xusan is-dul taagay, iyada oo wadajir loo falanqeeyay talooyinka ay xeeldheerayaasha arrimahaan soo bandhigeen, isla markaana wax ka beddel iyo wax ku daridba lagu sameeyay dhammaan qodobada la soo gudbiyay, kadibna si wadar oggol ah loo meel mariyay: Shirka ayaa si weyn u bogaadiyey qabashada kulanka noocaan ah ee ah markii 1aad, wuxuuna shirku soo jeediyay in kulanka noocaan ah la qabto sanad walba, si loo dardargeliyo hawlaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ugu horreyso nabad gelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada. Inta uu socday shirka ayaa aad loo dhiirigaliyay muhiimadda ay leedahay in adeegga ay qabtaan hawlwadeennada kala duwan ee maamulka ay u gutaan, si waafaqsan shareecada islaamka, lagana fogaado wax walba oo suurad xumeynaya shareecada, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan dawlad wanaagga. Shirka ayaa la isku faray in si xooggan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaagga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu danbeeyay ee jiritaankooda, waxaana dhinaca kale la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyigelinta dadweynaha, ee ku aaddan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagaxisada ee khawaarijta lalana shaqeeyo hay’adaha amniga qaabilsan. Shirka ayaa talooyin wax ku ool ah ku biiriyay Qolfoofta guud ee Istiraatiijiyada horumarinta Muqdisho ee sanadka 2023-2027, waxaana la isla gartay in la qabyo tiro lana daahfuro 90 ka cisho ee soo socoto. Waxa uu shirweynaha isla qaatay Qorshaha Hawl-qabad ee Maamulka Gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha & Dib u dhiska kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarasha, Xal u helidda Barakacayaasha iyo bilic soo celinta Magaalada) Qodobo Qubane ah. Qorshaha sanadkaan ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan ilaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi. Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si loo gaaro shaqo wanaag, waxqabad, iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono QAAB-DHSIMEEDKA kuna soo bixi doono xeer Gudoomiye. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in si qoraal ah loo qeexo waajibaadka shaqo ee qeybaha, waaxaha iyo shaqaalaha maamulka si waafaqsan QAAB-DHISMEEDKA Maamulka, waxaana la go’aamiyay in loo saari doono guddi khubarro ah ee soo qabta hawshaasi sida ugu dhow. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyadoo dib u qaabayn lagu samayn doono sharciga ay ku dhisanyihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahanyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in kor loo qaado dakhliga maamulka ee ka yimaada ilaha kala duwan, dhanka kalena si hufan oo hortabinno leh loo isticmaalo dakhligaasi, iyadoo ahmiyadda la siinayo xuquuqda shaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Shirka ayaa go’aamiyay in dib u eegis iyo casriyeen lagu sameeyo habraacyada iyo xeerarkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose, si ay ula jaanqaadaan casriga la joogo, iyagoo la waafajinayo waajibaadka shaqo ee uu u xilsaaran yahay maamulka iyo hannaan dawladeedka dalka ee nidaamka Fadaraalka. Shirka ayaa si gaar ah looga dooday muhiimmadda ay leedahay in la hagaajiyo nidaamka maaliyadda si waafaqsan sharciga maamulka maaliyadda dalka iyo nidaamyada kale ee la xiriira. Waxaa lagu go’aamiyay shirka in sida ugu dhow lagu soo dhameystiro hirgelinta nidaamka maaliyadda casirga ah, lana dhameystiro dhammaan kaabayaashiisa shaqo, si loo xaqiijyo hufnaan, daahfurnaan, kalsooni maaliyadeed iyo kobaca dakhliga oo la gaaro. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in kor loo qaado, lana tayeeyo adeegyada bulshada ee uu Gobolku bixiyo sida; Nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha iyo horumarka shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho. Si loo gaaro hufnaan, iyo hawl-qabad muuqda, waxaa uu Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka go’aamiyay in la xoojiyo awood ahaan, aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba, Agaasinka Hanti-dhawrka Gudaha si ay u gutaan waajibkooda shaqo si madax-banaan. Iyada oo laga duulayo dhibaatada soo jirtay muddada fog ee xallinta khilaafaadka iyo dacwooyinka la xiriira dhulalka, waxa uu shirka go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo habraacyada dhul bixinta iyo xallinta khilfaadyada ka dhasha dukumintiyada dhulka, si loo xaqiijiyo in gabi ahaan ba la dhameeyo dacwooyinka la xiriira dhulka, lana sameeyo nidaam diiwaangelin dhul oo casri ah (Land Management information system). Sidookale shirka ayaa si gaar ah ahmiyad u siiyay in la hirgaliyo xeerka Nadaafadda iyo maaraynta Qashinka si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, cagaaran una muuqaal eg magaalooyinka dhiggeeda ah. Si loo helo wada shaqayn, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aaddan hey’adaha aan dowliga ahayn ee isugu jira kuwa maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, waxa uu shirku go’aamiyay in la dhameystiro lana daadajiyo soo saarista xeerka hey’adaha aan dowliga ahayn (NGO by-law) kaas oo sahli doona wadashaqeynta hey’adaha iyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka ayaa sidoo kale waxaa la’isla gartay in la dardar galiyo hannaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Shirka ayaa ugu danbayn hoosta ka xariiqay muhiimmadda wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo kuwa rayidka ah ee Gobolka Banaadir inta si rasmi ah loo hoos keenayo hay’adaha amni Maamulka Gobolka Banaadir, si loo gaaro Nabad iyo Barwaaqo. ====Dhammaad==== Source: goobjoog.com
  19. Shirka banbaxa maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho 10-14 ka Janaayo 2023, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo Maaliyadda, Amniga iyo Siyaasadda, Taliyaha Ciidaanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xog-hayaha Guud, Guddoomiyaash degmooyinka & Deegaanada, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Guddiyada, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Xisaabiyaha Guud, Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalagha Gobolka Banaaadir, Maareeyaha Machadka Dowlada Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Xallinta Khilaafaadka Dhulka, Guddoomiyaha Ururka Haweynka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Naadiga Minishibiyo, Kaaliyaal, Wakiillo, iyo la taliyayaasha sare ee Maamulka ayaa looga hadlay wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee Gobolka Banaadir oo ku saleysan; Ammaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha Maamul hufan oo u adeega bulshada deggan Magaalada Muqdisho iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha. Si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkaas ayuu maamulku ka dooday: Qalfoofta istaraatiijiyadda guud ee 5ta sano ee soo socoto (2023-2027) Qorshe hawleed ay ku dhan yihiin dhammaan howlaha sanadka 2023 u qorsheysan Maamulka Gobolka Banaadir. Dib-u-eegista shuruucda maamul ee Gobolku ku hawlagalo Dib-u-eegista Qaab-dhismeedka maamulka Gobolka Banaadir Dhaqangalka nidaam maaliyadeed hufan oo ku saleysan miisaaniyad. Masuuliyiinta ayaa arrimahaan kor ku xusan is-dul taagay, iyada oo wadajir loo falanqeeyay talooyinka ay xeeldheerayaasha arrimahaan soo bandhigeen, isla markaana wax ka beddel iyo wax ku daridba lagu sameeyay dhammaan qodobada la soo gudbiyay, kadibna si wadar oggol ah loo meel mariyay: Shirka ayaa si weyn u bogaadiyey qabashada kulanka noocaan ah ee ah markii 1aad, wuxuuna shirku soo jeediyay in kulanka noocaan ah la qabto sanad walba, si loo dardargeliyo hawlaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ugu horreyso nabad gelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada. Inta uu socday shirka ayaa aad loo dhiirigaliyay muhiimadda ay leedahay in adeegga ay qabtaan hawlwadeennada kala duwan ee maamulka ay u gutaan, si waafaqsan shareecada islaamka, lagana fogaado wax walba oo suurad xumeynaya shareecada, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan dawlad wanaagga. Shirka ayaa la isku faray in si xooggan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaagga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu danbeeyay ee jiritaankooda, waxaana dhinaca kale la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyigelinta dadweynaha, ee ku aaddan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagaxisada ee khawaarijta lalana shaqeeyo hayadaha amniga qaabilsan. Shirka ayaa talooyin wax ku ool ah ku biiriyay Qolfoofta guud ee Istiraatiijiyada horumarinta Muqdisho ee sanadka 2023-2027, waxaana la isla gartay in la qabyo tiro lana daahfuro 90 ka cisho ee soo socoto. Waxa uu shirweynaha isla qaatay Qorshaha Hawl-qabad ee Maamulka Gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha & Dib u dhiska kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarasha, Xal u helidda Barakacayaasha iyo bilic soo celinta Magaalada) Qodobo Qubane ah. Qorshaha sanadkaan ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan ilaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi. Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si loo gaaro shaqo wanaag, waxqabad, iyo isla-xisaabtan, waxaana la goaamiyay in dhawaan la soo saari doono QAAB-DHSIMEEDKA kuna soo bixi doono xeer Gudoomiye. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in si qoraal ah loo qeexo waajibaadka shaqo ee qeybaha, waaxaha iyo shaqaalaha maamulka si waafaqsan QAAB-DHISMEEDKA Maamulka, waxaana la goaamiyay in loo saari doono guddi khubarro ah ee soo qabta hawshaasi sida ugu dhow. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyadoo dib u qaabayn lagu samayn doono sharciga ay ku dhisanyihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahanyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in kor loo qaado dakhliga maamulka ee ka yimaada ilaha kala duwan, dhanka kalena si hufan oo hortabinno leh loo isticmaalo dakhligaasi, iyadoo ahmiyadda la siinayo xuquuqda shaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Shirka ayaa goaamiyay in dib u eegis iyo casriyeen lagu sameeyo habraacyada iyo xeerarkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose, si ay ula jaanqaadaan casriga la joogo, iyagoo la waafajinayo waajibaadka shaqo ee uu u xilsaaran yahay maamulka iyo hannaan dawladeedka dalka ee nidaamka Fadaraalka. Shirka ayaa si gaar ah looga dooday muhiimmadda ay leedahay in la hagaajiyo nidaamka maaliyadda si waafaqsan sharciga maamulka maaliyadda dalka iyo nidaamyada kale ee la xiriira. Waxaa lagu goaamiyay shirka in sida ugu dhow lagu soo dhameystiro hirgelinta nidaamka maaliyadda casirga ah, lana dhameystiro dhammaan kaabayaashiisa shaqo, si loo xaqiijyo hufnaan, daahfurnaan, kalsooni maaliyadeed iyo kobaca dakhliga oo la gaaro. Shirka ayaa lagu goaamiyay in kor loo qaado, lana tayeeyo adeegyada bulshada ee uu Gobolku bixiyo sida; Nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha iyo horumarka shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho. Si loo gaaro hufnaan, iyo hawl-qabad muuqda, waxaa uu Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka goaamiyay in la xoojiyo awood ahaan, aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba, Agaasinka Hanti-dhawrka Gudaha si ay u gutaan waajibkooda shaqo si madax-banaan. Iyada oo laga duulayo dhibaatada soo jirtay muddada fog ee xallinta khilaafaadka iyo dacwooyinka la xiriira dhulalka, waxa uu shirka goaamiyay in dib u eegis lagu sameeyo habraacyada dhul bixinta iyo xallinta khilfaadyada ka dhasha dukumintiyada dhulka, si loo xaqiijiyo in gabi ahaan ba la dhameeyo dacwooyinka la xiriira dhulka, lana sameeyo nidaam diiwaangelin dhul oo casri ah (Land Management information system). Sidookale shirka ayaa si gaar ah ahmiyad u siiyay in la hirgaliyo xeerka Nadaafadda iyo maaraynta Qashinka si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, cagaaran una muuqaal eg magaalooyinka dhiggeeda ah. Si loo helo wada shaqayn, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aaddan heyadaha aan dowliga ahayn ee isugu jira kuwa maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, waxa uu shirku goaamiyay in la dhameystiro lana daadajiyo soo saarista xeerka heyadaha aan dowliga ahayn (NGO by-law) kaas oo sahli doona wadashaqeynta heyadaha iyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka ayaa sidoo kale waxaa la’isla gartay in la dardar galiyo hannaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Shirka ayaa ugu danbayn hoosta ka xariiqay muhiimmadda wadashaqeynta hayadaha amniga iyo kuwa rayidka ah ee Gobolka Banaadir inta si rasmi ah loo hoos keenayo hay’adaha amni Maamulka Gobolka Banaadir, si loo gaaro Nabad iyo Barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com