-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Palermo)-Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee Talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay ninkii ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, taasi oo soo geba-gebeysay 30 sanno oo ugaadhsi ah. Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormood u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather. Messina Denaro ayaa laga soo qabtay “gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u tagay daweyn,” waxaa sidaas yidhi taliyaha howlgallada gaarka ah Pasquale Angelosanto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska. Waxa uu cisbitaalka ku jiray muddo sannad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, islamarkaana wata magac been abuur ah. Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xidhaan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA. Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” Maafiyada, islamarkaana xadhigiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu “guul weyn” u yahay dagaalka uu qaranka kula jiro dambiyada abaabulan. Sawir iyo muuqaal ay sii daayaan booliska ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaadhi, islamarkaana xidhan koofiyad, muraayadda indhaha iyo Koodhka qabowga. Sawirkaas kahor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Waxa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii. Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Talyaaniga ee Maafiyada lala xidhiidhiyo. Messina Denaro ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weeraro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedada safar saraakiil Mareykan ah ay Jimcihii ku tageen magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland ayaa lagu sheegay “in saraakiisha labada ciidan ay ka wada-xaajoodeen tobabar millateri oo Berbera ka dhici doona bisha soo socota ee Febraayo.” Taliska ayaa sidoo kale sheegay in tobabarka millateri ee marti-gelinayso Somaliland ay kasoo qeyb-gali doonaan illaa 20 waddan, uuna ka dhici doono goobo ay si wada-jir ah u sahmiyeen ciidamada Somaliland iyo Mareykanka. War-saxaafadeed kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in safarka saraakiisha Mareykanka ku tageen Berbera ay kusoo beegan tahay ka hor tobabarka millater ee caalamiga ah. Mareykanka ayaa sheegay in tobabarkan looga dan leeyahay in kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee ka jawaab celinta qalaalasaha, howl-galada ka hortaga argagixisada iyo in la diyaariyo howlaha gobolka ee QM iyo Midowga Afrika. “Mareykanka iyo xubno ka socda ciidamo kale oo Geeska Afrika ah, ayaa indho indhayn ku tagay dekedda Berbera, booqashadan ayaa imanaysa ka hor dhoolatus millateri oo uu Maraykanku hogaamimayo oo la qorsheeyay in uu qabsoomo bisha February ee 2023.” Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto. Maraykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, maadama ay magaaladan ay kulaaleyso labo kamid ah marinada badaha ee ugu waaweyn caalamka. Si kastaba, dhoolatuskan ayaa la filayaa in uu ibo-fur u yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka iyo Somaliland, kadib markii madaxweyne Biden uu dhawaan saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed. The post Ciidamada Mareykanka oo dhoolatus nooc cusub ah ku qabanaya Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
To help feed itself and the world, Africa needs to increase its crop yields. Neil Ford looks at how Moroccan phosphate miner and fertiliser producer OCP is helping to increase agricultural production on the continent. As the world’s population passes the 8bn mark, global food security is attracting increased attention. Rising demand for food coupled with growing environmental pressures is placing more strain on already stretched international food supply chains. Africa’s role in meeting these challenges is crucial as the continent not only has the most rapidly growing population but also the greatest untapped agricultural potential. Although global demographic growth is slowing down, the world’s population is set to reach 9.7bn by 2050. At the same time, Africa’s population jumped from 819m in 2000 to 1.4bn by December 2022 and is set to rise to 2.5bn by 2050. Yet while food demand increases, the area of arable land under cultivation worldwide is expected to fall by about 24% between 2020 and 2060, as water becomes a more scarce resource and soils become increasingly degraded. At the same time, unexpected shocks such as the Covid-19 pandemic and the Russian invasion of Ukraine repeatedly interrupt international supply and demand chains. These recent disturbances in the global commodities market have made fertilisers unaffordable for many African farmers. According to UN figures, fertiliser prices jumped 300% in the first two months of war breaking out in Ukraine. With 60% of the world’s remaining unused arable land, Africa’s fertile soils have a key role to play in global food security. Yet the overall fall in global arable acreage means that it is vital to improve crop yields, including through irrigation and new seed strains but particularly through greater use of fertilisers. Agricultural production is already buoyed by fertiliser use but access to such inputs has historically been more limited in Africa than in any other region. This means that the continent has the most scope for increasing agricultural production through higher and more targeted fertiliser uptake. Wider fertiliser distribution can help in the short term by boosting yields, thereby immediately addressing the challenges of food insecurity prompted by skyrocketing commodity prices and export disruptions. In the longer term, increased fertiliser use can help African farmers to boost the region’s food sovereignty, particularly during periods of crisis, by building resilient food systems. OCP ramps up production Moroccan phosphate miner and fertiliser producer OCP has announced that it would ramp up its production from 3m tonnes in 2008 to an expected 15m tonnes next year. Some of its new production will come from new plants it is building in sub-Saharan Africa, including in Ghana, Ethiopia and Nigeria, as well as from its Africa Fertiliser Complex in Jorf Lasfar in Morocco. OCP’s revenues increased 50% last year to D84.3bn ($7.97bn), with fertilisers accounting for 62% of income. In order to support soil health and increased yields, OCP offers customised nutrients that are adapted to different crops and soils. It also supports precision farming techniques, such as mobile laboratories for soil mapping, on which it works closely with local governments and other partners. Over the past decade, the company has invested in Africa-focused research and development with agronomic institutes and research universities on the continent, mapping 29m hectares of agricultural land that have allowed it to supply digital tools and the latest soil analysis technologies to farmers and others in the agricultural ecosystem, boosting yields by 30-100% in the process. OCP aims to boost local customisation by producing locally tailor-made fertilisers using local blenders to enhance technical capacities and secure the availability of more adapted and efficient raw materials. For example, OCP Africa partnered in Nigeria with the International Institute of Tropical Agriculture to develop a new fertiliser solution to increase maize yields in eight maize growing states. More than 3,000 soil samples were taken for analysis and 928 field trials conducted. The resulting fertiliser boosted yields by 24%. OCP School Labs have already provided live demonstrations and interactive training sessions to more than half a million farmers, while its Farmer Hubs offer training and essential equipment. The Hubs have classrooms, water boreholes, soil-testing labs and greenhouses, as well as the fertiliser, seeds and agrochemicals needed for productive farming. Agriculture already employs more people than any other sector in Africa, accounting for 50% of GDP over substantial areas of the continent, so improving cultivation methods can have wider benefits for living standards by generating income in rural areas. Digital solutions One example of OCP’s digital solutions is the Udongo web and mobile platform, which was launched in 2019. It offers value chain agricultural input market data, agronomy content, weather information and local support through the Agri Extension Agents Network, plus specific fertiliser recommendations using soil data collected by OCP Africa via Agro+. Udongo has already been launched in Nigeria, Ghana, Côte d’Ivoire and Senegal, with further markets to be added in the near future. In a statement, OCP said that Udongo would enhance collaboration in the sector; improve the operational efficiency of actors in the value chain; create easy access to quality inputs, agricultural information and services for farmers; and promote digitisation in the industry. Boosting African agricultural production through such initiatives could not only improve food security on the continent itself but also benefit global supplies. Building resilient food systems has long been a priority for the continent but international supply problems now make it an imperative. Source Africa business Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, oo lagu wado in maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweynaha u tagay Baydhabo xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah, taasi oo ka dhigan in shirka berri xal kama dambeys ah looga gaari doono xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen. Madaxweynaha ayaa dhankiisa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka. Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed waxa uu xooga saari doonaa sidii loo dardar-gelin lahaa xoreynta deegaanada maamulkaasi, ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada. Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ay amniga sugayaan, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka. Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida. Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi. Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen. The post Sawirro: Xasan oo gaaray Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Khaladaad ay ku kacdey wasaarada Arimaha dibada Somaliland ” Danjiruhu hawl kasta oo uu qabanayo, oo ay ku jiraan safarrada uu ku marayo dalka uu joogo gudihiisa, waxa uu uga fasax qaataa dawladdiisa. Sida oo kale, falalka uu ku kacayo, ereyada uu dalka ka odhanayo, saaxiibtinimada iyo nooca xidhiidh ee uu la yeelanayo iyo go’aamada uu ka qaadanayaaba waxa ay ka turjumayaan siyaasadda dalkiisa. Dhinaca kalana, Danjire kasta taladiisa iyo warka uu bixiyo ayaa sees u ah go’aamada uu dalkiisu ka qaadanayo dalka uu joogo, waxaaba intaas dheer in warkiisu uu saamayn ku yeelan karo dalalka kale ee ay saaxiibka ama xulafada yihiin dalkiisa. Sidaas awgeed, marka dal uu wax ka tirsanayo danjire, waxa uu cabasho ama dacwad u diraa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu ka socdo danjiruhu. Danjiraha oo aad si toos ah u canaanataa waxba kama beddesho falalkiisa iyo hadalladiisa, waxa keliya ee ay keeni kartaa waa in uu u arko weerar shakhsi ah, taasina ay saamayn ku yeelato nooca xidhiidh ee uu adiga iyo dalkiisa ka dhex abuurayo, iyo warka uu ka bixinayo siyaasadda iyo guud ahaan xaalladdaada. (FG: Maraykanku maadaama oo aanu Somaliland aqoonsanayn, danjirahani waxa uu u qaabilsan yahay Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.) Waxa iyadana baratakool ahaan laga fiicnaa dhambaalka hambalyada ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland u dirtay Kevin McCarthy, guddoomiyaha dhowaan loo doortay golaha wakiillada Maraykanka oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga. Wasaaraddu waxa ay ka socotaa golaha fulinta (Xukuumadda), sida saxda ahina waa in ay la macaamisho keliya golaha fulinta ee dalalka ay xidhiidhka leeyihiin. Waxaa xusid mudan in xubinta ay hambalyeysay uu ka socdo xisbi mucaarad ah oo dagaal siyaasya oo adag kula jira madaxweynaha ay xukuumaddiisa xidhiidhka iyo wada shaqaynta la leedahay. Waxaa muhiim ahayd xukuumaddu haddii ay doontay hambalyeynta masuulkan, in si aanay ugu muuqan in ay dhexgelayso loollanka siyaasadda arrimaha gudaha ee Maraykanka, ay dhexmarto shirguddoonka aqallada baarlamaanka ama guddiyadiisa arrimaha dibadda “ W/Q : Kamaal Marjaan Qaran News
-
Madaxweynaha Dowdda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koontur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Baydhabo u tagay ka qeyb-galka shirka wadatashiga iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogashiisa uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur. Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa qoraal ku tiri “Madaxweynaha wuxuu bogaadiyay gogasha Baydhabo, si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka”. “Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Koonfur Ggalbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada” ayaa qoraalka la raaciyay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Aabbihii Maafiyada Talyaaniga oo la qabtay kadib 30 sano oo raadis ah Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, taasi oo soo geba-gebeysay 30 sano oo ugaarsi ah. Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather. Messina Denaro ayaa laga soo qabtay “gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn,” waxaa sidaas yiri taliyaha howlgallada gaarka ah Pasquale Angelosanto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska. Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, islamarkaana wata magac been abuur ah. Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA. Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” Maafiyada, islamarkaana xarigiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu “guul weyn” u yahay dagaalka uu qaranka kula jiro dambiyada abaabulan. Sawir ay sii daayaan booliska ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaari, islamarkaana xiran koofi, ookiyaale iyo jaakad qaxwe ah. Sawirkaas kahor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Waxa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii. Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Talyaaniga ee Maafiyada lala xiriiriyo. Messina Denaro ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weeraro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino. Qaran News
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug. Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada Xaradheere, oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen dagaal la’aan. Wararka ayaa intaas kusii daray in dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay faarujiyeen, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamada ayaa baaritaan lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Xarardheere ee Koonfur gobolka Mudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, islamarkaana ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha. Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere ayaa wuxuu soo yeeray xilli uu socday abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreeeyay kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab. Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay. The post Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo maanta la wareegay XARARDHEERE appeared first on Caasimada Online.
-
Muxuu yahay ficilka uu sameeyay duuliyihii diyaaraddii shalay burburtay ee sababay dhimashada badan? Mas’uuliyiinta waddanka Nepal ayaa xaqiijiyay in 68 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay dalkaas. Waxaa su’aal la iska weydiinayaa in sababta ugu weyn ee shilka ay ku timid go’aan uu qaatay duuliyihii diyaaradda. Musiibadan ayaa dhacday Axaddii wax yar ka hor xilliga la filayay in ay diyaaradda ka cago dhigato garoonka. Diyaaradda ayaa wadday isku darka 72 qof oo ay ku jireen shaqaalihii adeegga. Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ay guddi ka kooban shan qof u xil saartay baaritaanka la xiriira dhacdadaas. Muxuu sameeyay duuliyaha? Sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay laanta BBC-da ee Nepal, waxaa sii xoogeysanaya su’aalaha ku gedaaman sida uu duuliyaha ugu lug lahaa shilkaas dhimashada badan sababay. Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee cago dhigashada diyaaradda ka hor uu duuliyuhu go’aansaday in uu beddelo waddada uu kusoo dagayay, isagoo ka weecday dariiqii hore ee u uku beegnaa. Warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay muuqaal laga duubay diyaaradda ka hor inta aysan burburin, kaasoo laga arkayo in ay si deg deg ah isu rogtay iyadoo u muuqatay in ay dhinac kale u leexaneyso. Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha, diyaaradda shirkadda Yeti Airlines ee burburtay waxa ay baddashay goobtii ay kasoo cago dhiganeysay ka dib markii ay masaafe dhan 24.5 km kusoo dhawaatay waddada ay diyaaraduhu ku cararaan marka ay soo degayaan iyo marka ay kacayaan. Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradda oo uu duulinayay Kabtan Kamal KC loo fasaxay in ay soo degto, sidaas darteedna aysan jirin wax cillad ah oo heysatay. Ka dib ayuu duuliyihii si lama filaan ah ula soo xiriiray kooxda la socoda diyaaradaha isagoo ku yiri: “Waan beddelay go’aankeygii.” Sida ay sheegeen saraakiisha garoonka, duuliyaha ayaa loo fasaxay in u uku dago waddada lambarkeedu yahay 30 balse waxa uu codsaday in u uku dago waddada lambarkeedu yahay 12. Su’aasha ugu weyn ayaa ah in ficilkaas uu yahay sababta ugu weyn ee keentay shilka iyo in kale, waxaase natiijada lagu ogaan karaa baaritaannada hadda la billaabay. Burburka diyaaradda Ka dib markii loo fasaxay in diyaaraddu ay cago dhigato waxa ay durbadiiba usoo dhawaatay dhulka, iyadoo kooxda la socota dhaqdhaqaaqa ay ka arkayeen dhismaha ay saarnaayeen. Waxay kooxda maareynta dhaqdhaqaaqa filayeen in diyaaraddu ay degto 10 ilaa 20 ilbiriqsi gudahood. “Markii ay diyaaraddu isku diyaarisay in ay degto iyadoo leexaneysa waxaa istaagay matoorkii waxayna billowday in ay soo dhacdo,” ayuu yiri qof ka mid ah kooxda la socota dhaqdhaqaaqa garoonka oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego. Dad goob joogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda ay xakameyntu ka luntay markii ay leexatay ka hor inta aysan isku dayin caga dhigasho. Afhayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ee Pokhara oo lagu magacaabo Vishnu Adhikari ayaa sheegay in maalinta uu shilki dhacayay ay hawadu fiicneyd duullimaadkaasina u uku yimid waqtigii loogu talo galay. Qaran News
-
” Danjiruhu hawl kasta oo uu qabanayo, oo ay ku jiraan safarrada uu ku marayo dalka uu joogo gudihiisa, waxa uu uga fasax qaataa dawladdiisa. Sida oo kale, falalka uu ku kacayo, ereyada uu dalka ka odhanayo, saaxiibtinimada iyo nooca xidhiidh ee uu la yeelanayo iyo go’aamada uu ka qaadanayaaba waxa ay ka turjumayaan siyaasadda dalkiisa. Dhinaca kalana, Danjire kasta taladiisa iyo warka uu bixiyo ayaa sees u ah go’aamada uu dalkiisu ka qaadanayo dalka uu joogo, waxaaba intaas dheer in warkiisu uu saamayn ku yeelan karo dalalka kale ee ay saaxiibka ama xulafada yihiin dalkiisa. Sidaas awgeed, marka dal uu wax ka tirsanayo danjire, waxa uu cabasho ama dacwad u diraa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu ka socdo danjiruhu. Danjiraha oo aad si toos ah u canaanataa waxba kama beddesho falalkiisa iyo hadalladiisa, waxa keliya ee ay keeni kartaa waa in uu u arko weerar shakhsi ah, taasina ay saamayn ku yeelato nooca xidhiidh ee uu adiga iyo dalkiisa ka dhex abuurayo, iyo warka uu ka bixinayo siyaasadda iyo guud ahaan xaalladdaada. (FG: Maraykanku maadaama oo aanu Somaliland aqoonsanayn, danjirahani waxa uu u qaabilsan yahay Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.) Waxa iyadana baratakool ahaan laga fiicnaa dhambaalka hambalyada ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland u dirtay Kevin McCarthy, guddoomiyaha dhowaan loo doortay golaha wakiillada Maraykanka oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga. Wasaaraddu waxa ay ka socotaa golaha fulinta (Xukuumadda), sida saxda ahina waa in ay la macaamisho keliya golaha fulinta ee dalalka ay xidhiidhka leeyihiin. Waxaa xusid mudan in xubinta ay hambalyeysay uu ka socdo xisbi mucaarad ah oo dagaal siyaasya oo adag kula jira madaxweynaha ay xukuumaddiisa xidhiidhka iyo wada shaqaynta la leedahay. Waxaa muhiim ahayd xukuumaddu haddii ay doontay hambalyeynta masuulkan, in si aanay ugu muuqan in ay dhexgelayso loollanka siyaasadda arrimaha gudaha ee Maraykanka, ay dhexmarto shirguddoonka aqallada baarlamaanka ama guddiyadiisa arrimaha dibadda W/Q :- Kamaal Marjaan Source
-
Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Dalka Congo oo ay dad badan ku dhinteen Nin kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la xidhay kadib markii lala xidhiidhiyay qarax bambaano ah oo lala eegtay kaniisad ku taalla magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Afhayeen u hadlay militeriga DR Congo ayaa sheegay in qofkaas looga shakiyay weerarka lagu xiray xadka Kasindi saacado uun kadib markii uu qaraxa dhacay. Dhinaca kale, wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa ku warramay in nin 29 jir ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad loo qabtay weerarka, ninkan ayaa kasoo jeedaa magaalada Wajeer, sida uu xusay wargeysku. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna wacad ku maray in caddaaladda la horgeyn doono dambiilayaasha. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay qaraxa halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ururka Al-shabaab. Xarardheere ayaa kamid ah magaalooyinka istaraatejiga u ah dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab, waxa ayna ururka ay ku sugnaayeen muddo dheer. Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ammaanka magaalada ay la wareegee degmada Xarardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashana kuwa degaanka ayaa maanta la wareegay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Ciidamadu dagaal la’aan kula wareegeen degmada Xarardheere. Ciidamada ayaa degmada Xarardheere ka bilaabay baaritaan lagu samaynayo xaadaha kala duwan ee degmada si loo xaqiijiyo amniga. Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhiga ayaa xaqiijiyay in Ciidamada dowladdu ay maanta Al-shabaab kala wareegeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degmada Xarardheere appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada amaanka dalka Congo ayaa xabsiga u taxaabay Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad, kaas oo loo haysto in uu ka dambeeyay qarax ka dhacay kaniisad ku taallo magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Afhayeen u hadlay militeriga DR Congo ayaa shaaciyay in ninkaan looga shakiyay in uu fuliyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay kaniisad ku taadda Kasindi, baaritaanana ay hadda wadaan. Ninka la qabtay ayaa ah Soomaali-kenyan ku dhashay magaalada Wajeer, waxaana la qabtay kadib saacado weerarka kadib. Madaxweynaha Congo ayaa sheegay in uu cadaaladda marsiin doono danbiilayaasha, xilli uu ka canbaareynayay weerarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashana kuwa ATMIS in ay dileen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Ciidamada ayaa sheegay in saakay ay deegaanka Danow ay ku dileen 23 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in hawlgalkaan uu yimid kadib markii xubna ka tirsan shabaab ay damceen in ay weerar ku soo qaadan ciidamada, balse ay ciidamada ka warqaabeen weerarkaas. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay sidoo kale in al-shabaab saanad ciidan looga furtay weerarka, lagana dilay 23 xubnood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Galcad ee hoostaga gobalka Galgaduud. Ururka alshabaab oo ku sugnaa deegaanka ayaa isaga baxay, waxaana hadda gacan ku haynta deegaanka la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ay ka xoreeyeen Al-shabaab Galcad oo hoostagta gobalka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa saaka mar kale u safar ugu baxay deeganada Hawd-ka magaalada Hargeysa . Deeganadan ayaa kala ah Sayla , Faraweyne iyo Degmada Dacarta . Ujeedada safarkooda ayaa ah kormeerka diwaangalinta cod bixiyayaasha oo wajigii labaad gashay . Waftigan musharax Cirro hogaaminaayo ayaa dhawaan ka soo laabtey safar 17 cisho qaatey oo ay ku soo mareen dhamaan goobaha diwaangalintu ka socoto ee gobalada iyo degmooyinka Somaliland . Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Onlin) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo markale fursad siineyso dowladda Kenya, taas oo la xiriira Qaadka Miiraa ee ay ganacsatada dalkaas maalin weliba u soo dhoofiyaan gudaha waddanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay haatan ogoaalatay in Kenya ay sii laba jibaarto Qaadka ay u soo dhoofiso magaalada Muqdisho, taas oo fursad muhiim ah u ah ganacsatada iyo beeraleyda Jaadka ee waddankaas. Qaar kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kor u kac u sameeyay Qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya , isla-markaana la gaarsiiyay illaa 50 tan. Sidoo kale madaxa dalaga Miiraa Felix Mutwiri oo arrintan ka hadlay ay sheegay in markii hore ay maalintii soo dhoofi jireen 19 tan maalintii, balse hadda kor loo qaaday illaa 50 tan. “Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii,” ayuu yiri Mr Mutwiri. Arrintan ayaa ah mid dhiirri galinayso ganacsatada Kenyaanka ah, kuwaas oo go’aankan ka hor ku qasbanaaday in ay suuq kale u raadiyaan wax soo saarkooda Qaadka Miiraa kaas oo halkii kiilo Soomaaliya ka maraya 23 dollar, balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 dollar oo ay ka heli jireen ka hor sanadkii 2020-kii. Bishii Luulyo ee sanadkii hore ee 2022-kii ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020-kii. Tallaabadaan ayaa u muuqata mid sii dhaqaajineysa fursadaha Kenya ee Soomaaliya, halka muwaadiniinteena ay weli ku dhiban yihiin Visaha ama dal ku galka Kenya, taas oo qayb ka hayed heshiisyadiii ay labada dowladood ku gaareen Nairobi ee lagu soo fasaxay Qaadka. Si kastaba, arrimahan waxa ay yimaadeen, kadib doorashadii 15-kii May ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo markale fursad siineysa KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u cambaareysay weerar is-miidaamin ah oo maanta ay markale kooxda Al-Shabaab ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay “in xukuumadda Abu Dhabi ay dhibka iyo xanuunka la qeybsaneyso qoysaska dadkooda waxyeelada gaartay.” “Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si xoogan u cambaareynaysaa weerarka argagixiso ee ka dhacay gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya kaas oo natiijo dhimasho iyo dhaawac laga dhaxlay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in uu garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagto falalka argagixisada iyo kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si dhow ula socotaa xaaladda Soomaaliya, dowladda federaalka waxa aan ku garab-taaganahay ka hortagga rabshada, xasilooni darrada iyo bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay. Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa lasoo warinaya in uu kamid yahay taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa durtaba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo sheegtay inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan. Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo xilligaan ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi. The post Imaaraadka oo soo saaray war ku saabsan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shirka wadatashiga Koonfur galbeed, kaas oo ay ka qaybgalayaan madaxda ugu sareyso dalka. Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Ammaanka guud ee maagalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray wafdi horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka. Baydhabo ayaa waxaa ku sii qulqulaya marti sharaf, siyaasiyiin iyo aqoonka yahanka Koonfur galbeed, kuwaas oo lagu casuumay shirka. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in shirka uu maanta isaga iyo madaxweynaha jamhuuriyadda ay daahfuraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
