-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qoddob. Shirka ayaa waxa looga hadlay intii uu socday wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee gobolka Banaadir oo ku saleysan; Amaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha maamul hufan oo u adeega bulshada degan caasimada iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan ayaa lagu sheegay in la isku faray in si xoogan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaaga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda Khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu dambeeyay ee jiritaankooda. Waxaa la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyi-gelinta dadweynaha ee ku aadan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagixisada ee Khawaarijta, lalana shaqeeyo hay’addaha amaanka. “Waxa uu shirweynaha isla qaatay qorshaha hawl-qabad ee maamulka gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha & dib-u-dhiska kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarashada, xal u helidda barakacayaasha iyo bilic soo celinta magaalada) iyo Qodobo Qubane ah.” Sidoo kale waxa lagu sheegay in qorshaha sanadka uu ka kooban yahay illaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023-ka, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan illaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi. “Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si lo gaaro shaqo wanaag, waxqabad iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono qaab-dhismeedka kuna soo bixi doono xeer guddoomiye.” Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar, iyadoo dib u qaabayn lagu sameyn doono sharciga ay ku dhisan yihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay war-murtiyeedkan in shirka la iskula qaatay in la dardar-geliyo hanaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran The post Aqri: Shirkii u socday Madaale iyo masuuliyiinta gobolka oo laga soo saaray 18 qodob appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa maanta shir muhiim ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunkaee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan ayaa looga hadlaya arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shikraan si rasmi u furay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan ay la yeelanayaan Hey’adda IMF diirada lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan uu dabaca socdo kulamo isdaba joog ah oo ay horrey u la yeesheen Madaxa Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo xoogga lagu saaray arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkaan ayaa socon doono muddo saddex maalin ah. Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NISA oo tallaabo culus qaaday ‘kadib awood la siiyay’ – XOG
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana ee loo yaqaano (NISA) ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladda federaalka siisay awood gaar ah, oo ay sido kale kula fal-galeyso ciidamada Booliiska. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay isku ballaariyeen guud ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo bar-kasta oo ay ku sugnaayeen ciidamada Boolioska la geeyey askar ka tirsan kuwa Nabad Sugidda, si ay ula shaqeeyaan Booliska. Sida ay ogaatay Caasimada Online askarta NISA ayaa waxaa la dhigay laga soo bilaabo isgoysyada ku yaalla Mirinaayada illaa iyo Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir. Ciidamada Nabad Sugidda ayaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen isgoysyadaasi oo saaka lagu arkay ciidamo cusub oo dheeraad ah. Ujeedka ka dambeeya arrintaan ayaa ah in la adkeeyo amniga magaalada Muqisho, si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys weyn soo saaray caasimada. Tallaabadan ayaa u muuqata mid awood gaar ah lagu siinayo Hay’adda NISA oo maalmihii u dambeeyay kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda, sidoo kale hay’addan oo muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso sharci rasmi ah, kaas oo haatan la horgeeyay Baarlamaanka, waxaana horay usoo ansixiyay Golaha Wasiirada. Sidoo kale waxay arrintan daba socotaa go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay maalintii Khamiista, kadib dibad-baxii lagu taageerayey Kacdoonka Shacabka halkaas oo uu ka sheegay in laamaha ammaanka ay tahay in adkeeyaan amniga guud. NISA ayaa sidoo kale habeenadii ugu dambeeyay kordhisay howlgallada ay haatan ka wado gudaha magaalada Muqdisho, waxaana habeen kahor ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigtay keyd hub ah, qaraxyo iyo haweeneydii heysay, kadib markii ay ku daateen guri bartilmaameed ahaa oo ku yaal qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Arrimahan waxay ku soo aadayaan, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo magaalooyin horleh looga qabsaday kooxda. The post NISA oo tallaabo culus qaaday ‘kadib awood la siiyay’ – XOG appeared first on Caasimada Online. -
Muddaharaad ka dhan ah Somaliland oo saaka ka dhacay Taleex
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muddaharaad xooggan oo ka dhan ah Somaliland ayaa saaka ka dhacay magaalada Taleex ee Gobolka Sool. Shacabka muddaharaadka sameeyay oo qaarkood hubaysan yihiin ayaa u sheegay Somaliland in ay isaga baxdo Gobolka Sool. Dhammaan astaamihii iyo calankii Somaliland ayaa sidoo kale laga fujiyay goobihii ay ka surnaayeen degmada Taleex. Goob-joogayaal ku sugan Taleex ayaa noo sheegay in sidoo kale xarumaha degmada lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo kan SSC. PUNTLAND POST The post Muddaharaad ka dhan ah Somaliland oo saaka ka dhacay Taleex appeared first on Puntland Post. -
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray degmada Wisil ee gobalka Mudug, halkaas oo ay uga sii ruuqaansan doonaan deegannada al-shabaab ay ku sugan yihiin ee gobalkaas. Dadweyne fara badan ayaa ciidamada ku soo dhaweeyay degmada Wisil, waxaana ay sheegen in ay qayb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab. Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Xuseen Culusow iyo Wasiir hore Xuseen Batari iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug. Soo dhaweynta ciidamada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo dadweyne fara badan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Akoon oo lacagaha baadda ah ay dadka uga qaadan jireen. Mr. Guuleed ayaa ku dhiirageliyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka in ay sii laba jibaaraan dagaalka lana ciribtiro Khawaarijta. “Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmiudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagan dowladda iyo laamaheeda kala duwan si looga adkaado kooxaha argagixisada oo har iyo har hooyaad u diiday ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Galmudug oo bogaadiyay Guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain. Mr Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga Iran ayaa la xidhay sannadkii 2019-kii. Wakaaladda wararka ee garsoorka Iran ee Mizan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari la dal-dalay inkasta oo ayna sheegin wakhtiga iyo goobta uu ka dhacay xukunka dilka ah. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Akbar ku tilmaamay mid fuleynimo ah isla markaana naxariis darro ah oo uu ka dambeeyo rajiimka Iran. Dowladda Britain waxay hore uga codsatay mas’uuliyiinta Iran inay sii daayaan Mr Akbari, waxay ku tilmaantay xukunka dilka ah mid siyaasadeysan. Iran waxay toddobaadkan baahisay muuqaalo muujinayay Akbari oo qirtay dambiga. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa u yeedhay ergayga Iran ee ku sugan magaalada Paris si uu u sheegaan sida ay ugu xun yihiin falkan dalkiisu geystay. Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalkeenna ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta. Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada. Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulnay qaar kamid ah Safiirada Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda Ruushka ayaa gantaallo dhowr ah ku weeraray magaalooyinka waawayn ee dalka Ukraine saacadihii la soo dhaafay. Gantaalada ayaa waxaa ay gaysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ay dowladda Ukraine ay ku tilmaamtay in uu uu yahay weerar toos ah oo dalkeeda lagu soo qaaday. Magaalada Snipro ee dhacda bariga dalka Ukraine ayaa la soo warinaya in gantaal lagu dhuftay ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 12 qof. Magaaloyiinka kale ee gantaalada saacadihii la soo dhaafay ay Moscow ku dhufatay ayaa kala ah Kyiv, Kharkiv iyo Odesa, oo kamid ah magaalooyinka ugu waawayn dalka Ukraine. Weerarkaan ayaa intiisa badan lala beegsaday xarumaha korontada ee Ukraine, taas oo magaalooyinkaas sababtay in ay noqdaan kuwa mugdi ah. Boqortooyada Ingiriiska ayaa goorsii horeysay sheegtay in ay Kyiv ay u direyso tiro gantaalada ‘Challenger 2’ si ay u adkeeyso awoodeeda dhanka difaaca. Rishi Sunak oo ah ra’iisulwasaaraha UK ayaa sheegay in gantaallada ‘Challenger 2’ ay Ukraine ka caawinayaan in ay dib u riixaan ciidamada Ruushka. Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa sheegay in 30 kamid ah gantaallada ay Moscow dalkiisa ku soo ridday in ciidamadiisa ay ka difaaceen dalka. Waxaana uu markale cadeeyay in ay sugayaan kaalmada dalalka ay xulafada yihiin oo uu xusay in ay keliya isku difaacayaan hubka lagu kaalmeeyo. “Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, iyagoo uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta. Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada. Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada booliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhac ka gaysanayay qaar kamid ah xaafada degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir kadib hawlgal ay ciidamada sameeyeen. Kooxdaan oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo dhac u gaysanayay dadka shacabka ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, ciidamada ayaana sheegay in ay ka soo qabteen xaafadda Kooka-koola ee degmada Yaaqshid. Burcadda la soo qabtay ayaa dadka ku dhacay hubka fudud iyo moota Bajaaj, taas oo ay gaadiid ahaan u isticmaalayeen kooxda. Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay garsoorka dalka horgeynayaan burcaddan la soo qabtay, sidoo kalena hawlgallada ay sii socon doonaan. Kooxa burcad ah ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayay xaafadaha gobalka Banaadir, waxaana ay dhac u gaysanayeen dadka shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdulraxiim Suleymaan oo ah Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka cafiyeen deemihii dhanka warbaahinta ay ku lahaayeen. deyn cafintaan ayaa timid kadib shirkii 42-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaas oo shalay laga soo saaray go’aan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay. Suleymaan ayaa soo dhaweeyay sida ay Soomaaliya uga qaybgaleyso shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee dalka Tunisia. Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in ay dowladda Soomaaliya ay xoojiso xiriirkeeda midawga.. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray guud ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof. Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa. Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey mugdi kaddib marki ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah. Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso. PUNTLAND POST The post Ruushka oo gantaalo tiro badan ku weeraray Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee ay dowladda Soomaaliya ku qaadday ururka alshabaab. Qoraal uu soo daabacay Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayuu ku sheegay in uu bogaadinayo dagaalka dhaqaalaha ah ee lagu qaaday ururka alshabaab. “Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ugu baaqay in ay shacabka qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. “Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argagaxisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Hadalka Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ku soo aadaya xiilli ay dowladda Soomaaliya ay maalinimadii shalay ahayd sheegtay in ay xirtay 250 akoon oo ay alshbaab dhaqaalaha ku heli jirtay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya, Jan 15 – Tesla founder Elon Musk’s internet company Starlink will launch internet services in Kenya this year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xukun toogasho ah ku ridday Qaasim Ducaale Cabdi oo ahaa askarigii dhawaan shanta kun ee shilin Soomaaliga aheyd u dilay Marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani oo ku noolaa degmada Xamarweyne. Maxkamadda Ciidamada oo si deg deg ah loo horgeeyay askarigaan oo ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka ayaa saaka ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka. Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ahaa ehellada marxuumka, shacab iyo mas’uuliyiinta maamulka Xamarweyne oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmadaas. Dhammaan ka qayb-galayaasha oo ay ugu horreeyaan ehellada dhibanaha ayaa soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida. Dilka Marxuum Nuuraani oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa yimid kadib markii isaga iyo askariga maanta la xukumay uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ waxayna ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo aheyd shan kun Shillin Soomaali ah. Intaas kadib dadaal ay sameeyeen Booliska Soomaaliyeed ee Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay askarigii geystay dilkaas oo ugu dambeyn maanta dil lagu xukumay, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Tallaabadan ayaa ah mid horey loo sii qaaday oo cadaalad ah, waxaana soo dhoweeyey dadka Soomaaliyeed, maadaama ay cadaalad heleen qoyska Abuubakar Nuuraani oo maalmihii u dambeeyay cadaalad ka dalbanayey hay’adaha dowladda Soomaaliya. “Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu horay u yiri marxuumka walaalkiis oo ka soo muuqday qalabka warbaahinta, kadib dilka walaalkiisii. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.” The post Askarigii shanta kun u dilay Abuubakar Nuuraani oo TOOGASHO lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
The Democratic Republic of Congo has received military equipment from Turkey, with Ankara showing intent to tighten relations with Kinshasa, just under three months after the nation was freed to purchase weapons from the global market. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal ayaa sheegay in aan Dastuurka la dhameystiri karin illaa inta laga keenayo Somaliland. Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa ku dooday in Dastuurka uu ku dhameystirmi karo oo kaliya heshiis loo dhan yahay, ayada oo kadibna la galinayo afti dadweyne si u dhaqan-galo. “Dastuur Soomaaliyeed oo Puntland ka maqan tahay Dastuur ma noqonayo mana dhameystirmayo. Inta cid maqan tahay waa la sugaya, inta xataa Somaliland maqan tahay Dastuurka lama dhameystiri karo,” ayuu yiri. “Dastuurka waa heshiis bulsho, oo dadka ka dhaxeeya, wixii lagu qorayana waa in lagu gaaro heshiis la isla ogyahay oo lagu wada qanacsan yahay kadibna afti loo qaado, maalinta aftidaas loo qaado ee dadka soo yeelaan ama soo diidan ayey doodiisa dib u bilaaban karta.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay si madax-banaan usii wadaneyso howlaheeda gudaha, inta laga dhameystirayo Dastuurka KMG iyo hanaanka geedi socoda federaaleynta. “Inta la dhameystirayo Dastuurka dowladda federaalka ee la is-waafajiyo ka maamulada, inta shaqada la qabanayo in Puntland shaqooyinkeeda caadiga ah u Dastuurka siinayo u madax-banaaneyso.” Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in go’aankii dhawaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland uu ahaa mid Dastuuri ah oo salka ku haya hanaanka federaalka ah ee lagu heshiiyay. “Hanaanka federaalka ah wuxuu soo maray maraaxil oo waxa Soomaalida ku heshiisay dalka uu qaato hanaan federaali ah oo dowlad dhiska Soomaaliyeed uu noqdo mid ku yimid wada-xaajood, is-qancin iyo heshiis siyaasadeed.” Waxa uu intaas kusii daray “Qoddobada aas-aasiga ah ee Dastuurka u xaniban yahay in qoddobada masiiriga ah laga gaaro heshiis siyaasadeed, waa meesha ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay aad ula socdaan waa taas.” The post Puntland oo qiil ka dhigatay Somaliland xilli ay sii xoojisay khilaafka DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
