Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu, Somalia, January 19, 2023 — With the April- May rains in Somalia this year expected to be below normal for the sixth consecutive season, the number of households affected by the worst drought in the region in decades continues to grow every day. At least 8.3 million people in Somalia are on the brink of catastrophic famine as aid agencies fail to secure sufficient funding required to avert the crisis. Source: Hiiraan Online
  2. Maraykanka oo xidhay suuq ka shaqeeya kala wareejinta lacagaha Internetka Dawladda Maraykanka ayaa xabsiga dhigtay aasaasihii barta Bitzalo ee la isku weydaarsado lacagaha internetka ama CryptoCurrency, taas oo saldhigeedu yahay Hong Kong, waxaana haatan lagu soo oogayaa dacwado ay ka mid yihiin inuu u fududeeyey dambiilayaashu inay si fudud malaayiin doollar ugu kala wareejistaan bartiisa, sannadihii la soo dhaafay. Anatoly Legkodymov oo u dhashay dalka Ruushka, da’diisuna ay tahay 40 jir ayaa lagu xidhay xabsi ku yaalla Miami oo ka tirsan gobolka Florida, habeenimadii Salaada. Dacwadaha kale ee lagu soo oogay ayay ku jiraan, inuu ku lug lahaa ganacsi xawaaladeed oo aan sharciyaysnayn. Ninkan oo asal ahaan deggan Shenzhen oo ka tirsan dalka Shiinaha ayaa haatan ah maamule sare oo ah barta lacagaha CryptoCurrency lagu kala bedesho ee Bitzlato, wuxuuna leeyahay saamiga ugu badan. Barta Bitzlato ayaa lagu eedeeyey in la dhex mariyey lacago ka badan $700 milyan oo dollar oo CryptoCurrency ah, oo ay lahaayeen macaamiisha suuqa Haydra, oo ah suuq madow oo ka dhex dhisan internetka oo caan ku ah ka ganacsiga arrimaha sharci-darrada ah, waxaana albaabada isugu dhuftay dawladda Maraykanka. Barta Bitzlato ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay heleen lacag ka badan $15 milyan oo madax furasho ah. Bitzlato ayaa lagu eedeeyay in ay ku beddeshay in ka badan $700 milyan oo cryptocurrency ah isticmaaleyaasha Suuqa Hydra, oo ah goob suuq madow ah oo caan ah oo ay xireen mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Jarmalka sannadkii hore. Bitzlato ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay heshay in ka badan $15 milyan oo ah lacag madax furasho ah. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in xadhigani uu qayb ka ahaa hawlgallo caalami ah oo ay dhinacyo kala duwani iska kaashadeen taas oo horseedday in xabsiga la dhigo. Masuuliyiinta Faransiiska ayaa la wareegay agabkii ay ku hawlgali jirtay bartani, sida laga soo xigtay masuuliyiinta Maraykanka. Xoghaye ku xigeenka Maaliyadda ee Maraykanka Wally Adeyemo ayaa sheegay in ku dhowaad 50% lacagaha dhexmaray bartan Bitzlato, intii u dhexeysay 2019 iyo 2021 inay si uun ugu lug lahaayeen maaliyado sharci darro ah oo Ruushka la xidhiidha, ama ilo kale oo halis ah. Qaran News
  3. Madaxweyne Muuse Biixi, mudadii uu xukunka hayay , waxa uu dagaal iyo weerar badheedha ku qaaday ilaa imikana ku hayaa, Beesha East Burco Clan . Muuse Biixi iyo Xukumada uu hogaaminaayo , ficiladan ay wadaan wax la eegan karo maaha …” Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland Qaran News
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso. “Waxaa halkan hambalyo uga diraya dowlada Galmudug iyo ciidamada federaalka ah ee dhawaan magaalooyinkii mudada dheera ay haysteen ee Xarardheere ka saareen Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Waxaa u rajeynaya dhamaan bulshada iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ee Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka iyo la-dagaalanka argagixisada si dalkan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ugu naaloodo amaan iyo daganaansho.” Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo horu-socodka dalka, ayna aad u adag tahay in sida uu sheegay. “Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo iskaashanaysa in dhamaan deegaanada kale ee ay ku jiraan (Shabaab) meel looga soo wada jeesto, chapter-kaasna Ilaahay idinkii dhawaan lasoo xiro.” “Marka taas laga gudbo dabcan geedi socod dowlad dhis ah ayaa dalkeena ka jira, Puntland waxay nasiib u heshay in 24 sano ka hor ay go’aansatay in nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo dhistaan waana midda dhaxal-siisay in dadkeedu nabad-galyo iyo kala dambeyn ku noolaadan.” Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen. Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Madaxweyne DENI oo war kasoo saaray tallaabo ay qaadeen DF iyo Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  5. Imaaraadka oo Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka hirgelinaya mashruuc koronto laga dhalinaayo Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa ku heshiiyey mashruuc cadceedda koronta looga dhalinayo. Masruucan korontadaha qorraxda looga dhalinayo oo ay ku kaceyso miisaaniyad dhan 400 malyan oo doolar oo ay Imaaraadka maalgelineyso deegaannada Itoobiya oo laga hirgelinayo waxaa ka mid ah Soomaalida iyo Cafarta. Waxaana deegaannadaasi laga dhalinayaa tamar gaareyso 400 oo mega wat. Wasiirka maaliyadda Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi la hadlay wuxuu sheegay ‘mashruucan inuu qayb ka yahay heshiisyada iskaashi oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Isu tagga Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Mashruuca dhismahiisa waxaa hirgelineyso shirkadda weyn ee Tamarta oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ee ‘Masdar.’ Guud ahaan mashruuca Imaraadka ay ka fulineyso Itoobiya oo ay qorraxda koronta uga dhalineyso ayaa celcelis ahaan soo saaraya koronta dhan 4,000 oo mega wat. Qaran News
  6. Dekedda Boosaaso Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland ayaa shaacisay xilliga la daahfurayo dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 24 Janaayo 2023 oo ku beegan maalinta talaadada ee todobaadka dambe loo madlan yahay munaasabadda daahfurka dhismaha dekedda Boosaaso. Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso ayaa daahfuri doona dhismaha dekedda. Dhismaha dekedda Boosaaso waxaa fulin doonta shirkad lagu magacaabo Mar Marine & Building Contracting oo qaadatay qandaraaska dhismaha. Puntland iyo shirkadda DP World ayaa bishii April 2017 galay heshiis ku saabsan dhismaha iyo horumarinta dekedda Boosaaso, inkastoo heshiiskaasi uusan u fukin sidii lagu sheegay. PUNTLAND POST The post Goormaa la daahfurayaa dhismaha dekedda Boosaaso? appeared first on Puntland Post.
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi oo ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Waxa uu si adag uga horyimid in shirka Baydhabo looga hadlo kaliya khilaafka doorashada ka dhashay, islamarkaana lagu soo hadal qaadin shaqaaqadii xiisadan ka dhalisay Baydhabo, taasi oo dad ku dhinteen, sida uu sheegay. “Wixii dhacay wey dhaceen dagaal ayaa Baydbabo ka dhacay oo nooga dhintay si macno darro ah, waxaa aaminsahay shirka furmay haddii caqliga iyo aragtida dadka la isku geeyo oo wixii dhacay laga garaabo in ay tahay fursad fiican oo Koonfur Galbeed hore ugu socon karto.” Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku doodaya in waxkasta ay ka horeyso “ka garaabista wixii dhacay” si looga gudbi oo heshiis looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed ee u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka. “Haddii caqligu shaqeynayo oo si rasmi ah loo wada-hadlo oo la isku garaabo waxa aaminsanahay in wax uun lagu heshiin karo. Waa in ninka xilka hayana la dhihi karo waxaasa ka qaldan, haddii uu wanaag qabtana waa ku mahadsan tahay la dhaho.” “Waa ayaan-darro weyn in Baydhabo lagu weeraro guriga siyaasi xaq u leh in loo doorto xilka u sareeya dalka, waxaa aaminsahay in arrintaan ay noqoneyso ajendaha u horeeya ee shirka, waana nasiib darro arrintaas oo laga wada-hadlin in arrimo doorasho laga wada-hadlo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis loo dhan yahay lagu sameeyo Dastuurka Koonfur Galbeed, si xal kama dambeys ah looga gaaro muddo xileedka madaxweyne kasta oo maamulkaasi yimaada, si aysan markasta usoo laaban xiisadda siyaasadeed ee taagan. The post Wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo sheegay arrinta ka horeysa heshiis siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed. Kulanka odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii kaalintooda odeynimada uga qaadan lahaayeen dib-u-heshiisiinta ka socota maamulka Koonfur Galbeed. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal. Sidoo kale waxa uu bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka, isaga oo ku tilmaamay mid mudo soo jirtay, odayaashana ay laf dhabar u yihiin is dhex-galka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab. “Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo. Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono. The post Wararkii ugu dambeeyey Baydhaba iyo Aadan Madoobe oo odayaasha u xil saaray… appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka G/dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa shaaciyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howl-galada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga dhawaaqay Koonfur Galbeed. G/dhexe Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guutadiisa ay gacanta ku hayso qeybo badan oo dhulka Shabeellaha Hoose, ayna u diyaarsan yihiin howl-galada xoreynta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. “Dhaq-dhaqaaq xoogan ayaa ka wadna gobolka, waana u diyaarsanahay in nimankaas la dirirno oo arrintaas in wax badan ka badalno oo agteena ku hadhsan meelkasta oo ay galaana laga daba-galo,” ayuu yiri. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay howl-galadii u dambeeyay ee ay ku jabiyeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu burburiyay maxkamada-beenaadkii ay kooxda gobolka ku laheyd, oo ay ugu yeeri jireen dadka. “Anaga guutada 14-ka October ururkeeda 14-aad waxaa burburinay maxkamado ay dadka ugu yeeri jireen dadka shacabka ama ganacsatada ama beeraleyda ay Xamar ka wacaan ama Marka iyo Shabeellaha Hoose ka wacaan,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada niyad ahaan sida ay ahaan jirtay dhowr billood ka hor hadda ma aha. Dadka Shabeellaha Hoose ku nool 60% maadama uusan kacdoon shacab ka bilaaban haddana waxay diyaar u yihiin in ay ciidanka la howl-galaan oo xogtii bixiyaan. Su’aalaha soo noq-noqonaya waa damaanad-qaadkii ayaa nagu yar, howl-galkii ma socdo laakiin waa dad u diyaarsan inay argagixisada la-dagaalan.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka kooxda ay dowladdu ka bilaabi doonto Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, lana wadi doono illaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan. Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dardar xoogan ku socday, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Guutada ciidan ee gacanta ku haysa Sh/Hoose oo war kasoo saaray dhawaaqii madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ayaa ka digay hal arrin oo siyaasi dambe aan laga aqbali doonin. Arrintaas ayaa ah in siyaasi dambe oo xukunka isku dhejiya aan Soomaaliya laga ogolaa doonin, isagoo Madaxweynaha talada haya ugu baaqay inuu doorasho aado oo dadkiisa uu dib ugu laabto. “Ninka talada haayow qori meeshaan kuguma heyn karo, dadkaan raali ahaanshahooda ayaa mneeshaan kugu heyn karta, siyaasiyiinta waxaan leeyahay dadkiina fursad siiya, iyagaa xolanaaya kuwa fiican,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadkiisa uu cod u doonto, balse aan laga aqbali doonin caburin iyo in dadka loo cagajugleeyo oo safarka loo diido ama xabad lala dhaco. “Beledkaan Baydhaba, dadka rabitaankooda iyo xoriyad u hadalkooda cid ka hor imaa karta ma jirto, hadalka iyo safarka lagama hor istaagi karo dadka, waxaa reeban nin qori wata oo xoog ku fulinaaya rabitaankiisa,” ayuu yiri. Markii uu Madaxweynuhu yiri hadalkaan, waxaa hoolka oo dhan is qabsaday sacab iyo mashxarad aan horay u dhaceyn, taas oo muujineysa in caburin badan ay ka jirto Baydhaba iyo guud ahaan K/Galbeed, taas oo marar badan lagu eedeeyey maamulka Cabdicasiis Laftagareen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu Baydhaba tegay la weydiiyey su’aal ah, “Madaxweyne markii aad mucaaradka aheyd, waxaa ka mid aheyd raggii hoggaaminaayey Badbaado Qaran, maanta maxaa nooga hor taagan tahay inaan sameysano ciidamo badbaado K/Galbeed ah?” “Marka waan u sheegay oo waxaan iri, walaalkeeyow labo ayaan ku kala duwanahay, maalintaas anaga waxaan weynay cid nala hadasha, laba sano ayuu rabay ninkii joogay inuu xoog nagu marsiiyo, laakiin idinka maanta gogol ayaa idiin fidsan wadahadal ayaa la ogolaaday, marka hub iyo in la is dilo looma baahna ayaan ugu jawaabay,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadka xuquuqdiisa uu ilaaliyo, halka siyaasiyiinta kalena uu ugu baaqay in dadka amnigooda ay masuuliyad iska saaraan oo fowdo aysan kicin. “Maanta hormar badan ayaa iiga muuqda K/Galbeed, madaxtooyada aan Baydhaba ku arkay ee Laftgareen uu degan yahay, mid lamid ah Xamar nooguma taallo, Madaxtooyada JFS ee aan deganahay, sidaan uma qurxoona, wanaagaas dowladnimo ayuu ku yimid.” “Hadda ka hor mar aan Baydhaba ugu imid madaxweyne Shariif Xasan, waxaan weynay meel aan ku harsano, markii aan la kulmeynay bulshada magaalada, balse meel kasta maanta waa dhisan tahay, taasna waa dowladnimada ee ilaashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh. The post Xasan oo digniin culus siiyey LAFTAGAREEN, siyaasiyiinta kalena ka diiday qorshahooda appeared first on Caasimada Online.
  11. Xarardheere (Caasimada Online) –Faahfaahino hordhac ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo galabta ciidamada xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgalkaan waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay ciidanku heleen xogta Shabaab isku uruursanaya deegaan 10 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. “Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa galabta weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac qiyaastii 10 KM kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxaa Al-Shabaab gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub, sida lagu shaaciyey warkaan. Kooxda Al-shabaab ayaa maalmo ka hor si nabad ah uga baxday magaalada Xarardheere inta aysan la wareegin ciidamada dowladda Soomaaliya Sida ay wararku sheegayaan, Al-shabaab waxay qorsheynayeen inay dib u weeraraan Xarardheere, balse ciidamada oo ka war helay ayaa ka hor tegay weerarkaas. Howlgalkaan ka hor tagga ah ayaa loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, sidoo kale ciidamada kumaandooska Danab ayaa qeyb ka ahaa howlgalka. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaas, balse wararka hordhaca ah ee warbaahinta dowladda ay tebisay waxay sheegayaan in khasaare badan la gaarsiiyey kooxda. The post Xog: Al-Shabaab oo galabta lagu duqeeyey duleedka magaalada Xarardheere appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somalia's central bank said it plans to introduce a new currency for the Somali shilling in 2024 to combat rampant counterfeiting and excess circulation. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee sanadkii hore dhamaadkiisa heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho. Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa muddooyinkii dambe ku xirna magaalada Muqdisho, ayada oo markii hore ciidamada ammaanka Galmudug ay kasoo qabteen magaalada Cadaado. Odayaashan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa maxkamadda ka hor sheegay in heshiiska ay la-soo galeen Al-Shabaab “uga dan lahaayeen furashada naftooda iyo ehelkooda” hase yeeshe aysan ka aheyn wada-shaqeyn dhex-marta iyaga iyo kooxda. “Heshiiska waxa uu ahaa 70 qof ayaa nooga xirna, haddii aan 70-ka ka samri laheyn anaga la xirneyn, in anaguna aan xirano dadkaasna laga samro oo meel aan laga soo qaban karin ay gaarto in aan been ku maslaxno ayaa ku gadanay nidaamkaas,” ayey yiraahdeen. “Waxay yiraahdeen (Al-Shabaab) odayaal Galgaduud oo aan imaan idin siin mayno dadkii u tagay. Dadkaas rejo ayuu leeyahay hadda timaadan haddii kale ka samra ayey nagu yidhaahdeen oo sidaas ayay nagu soo waceen oo aan ugu tagnay.” Sidoo kale waxay ku doodeen in dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin, islamarkaana aanay aheyn dad dhabar jabinaya dowladda, sida ay sheegeen. “Heshiiska soo galnay gacan ku rimis ayuu ahaa, haddana waxay dowladda ka garato ayaa ka yeelayna ama beeneyn ah, waxay mudan tahay ayaa marineyna, wixii hore soo marnay wax ka jira malaha.” Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale maxkamadd ka hor sheegay in saddexdaan oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyntiina soo xiray fadhiga maxkamadeed, isaga oo sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto kiiskaan. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. The post Daawo: Odayaashii Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay appeared first on Caasimada Online.
  14. ABU DHABI, 18th January, 2023 -- The United Arab Emirates strongly condemned the terrorist attack that targeted a military camp in Hawadli, north of the Somali capital Mogadishu, which resulted in the death of a number of soldiers. Source: Hiiraan Online
  15. Arusha (Caasimada Online) – The East African Community (EAC) is quickly moving forward with a plan to add a new member, Somalia, to gain control over the Horn of Africa nation’s coastline. Somalia’s long Indian Ocean/Red Sea route linking the East African region to the Arabian Peninsula is viewed as a promising economic zone. EAC Secretary General, Peter Mathuki, stated that admitting Somalia would bring significant benefits to the EAC by utilizing the country’s blue economy resources, such as fish. Somalia’s coastline is the longest in continental Africa, spanning 3,300 kilometers, and boasts diverse waters that house various fish species. The coastline also hosts a significant shipping route around Africa, despite its past association with piracy. Mathuki emphasized that admitting Somalia would be in the economic interest of the EAC. In addition to being a leading country in livestock population, Somalia also has valuable mineral deposits. Mathuki, who successfully advocated for the Democratic Republic of Congo to join the EAC, believes that Somalia’s admission to the seven-nation bloc could be imminent. A verification team will be sent to Mogadishu to assess whether the country is ready to join the EAC. The decision to admit EAC leaders endorsed Somalia during their summit in Arusha in July 2022. Somalia believes joining the EAC will boost the East African economies, specifically the blue economy and cross-border trade. President Hassan Sheikh Mohamud said in October last year that his country, which shares border with Kenya, Ethiopia and Djibouti, is already connected to the bloc through different business ventures. Somalia, if admitted, will be the fourth largest country in surface area after DRC, Tanzania, and South Sudan. It will have a smaller population than the other five EAC states, DR Congo, Tanzania, Kenya, Uganda, and South Sudan. The outcome of the verification mission will be crucial in determining if Somalia will be admitted as the newest member of the East African Community. The East African Community (EAC) is a regional intergovernmental organization that was established in 1967 with the signing of the Treaty for East African Cooperation. The EAC consists of six member states: Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, and South Sudan. The main goal of the EAC is to promote economic integration among its member states by creating a Customs Union, Common Market, and, ultimately, a Monetary Union. The organization also aims to promote political and social cooperation among its members. The EAC has been actively seeking to expand its membership in recent years. In 2019, the Democratic Republic of Congo became the newest member of the EAC, and now the organization is exploring the possibility of admitting Somalia. The post EAC eyes longest coastline in Africa with admission of Somalia appeared first on Caasimada Online.
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee dhawaan la dhisay iyo goobo muhiim u ah adeegyada bulshada reer Koonfur Galbeed. Xasan ayaa isla maanta booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqolaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, isaga oo soo kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan. Waxa uu sii xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbarasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray Isbitaal-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira. Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay bahda caafimaadka iyo maamulka gobolka, wuxuuna faray xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uga qeyb-galay shirka dib-u-heshiisiinta oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Baydhaba ka dhagax dhigay madaxtooyada qaranka appeared first on Caasimada Online.
  17. Democracy is a tug of war, a contest in which two teams pull at opposite ends of a rope until one team drags the other over a central point, a playground in which two or more evenly teams play matches and the team which beats all other teams and wins all matches becomes the best team and winner of the competition. Like any other condition, political democracy cannot function without a contest between parties that cannot also work without emotions that come from the hearts, mind and arteries. In view of this, politics is a system with policies and plans that affect how people live, because politics and its accompanying principles are initially made to control human behavior and deal with what is good or bad for individuals and society. If the way government officials use political system is right, the system becomes good. If the govermment officials use the principles of political system wrongly, the whole system becomes bad, and causes negative impacts. The proper use of any government system only happens when authorities principally deal equally with all citizens and serve the general public interest with ethical awareness and empathetic actions. If authorities give wrong order to operation room, the result will be wrong action. And that is when the arteries of opinion go with the parties that can stand up to authorities. To get the obvious out of the way, there is no politics that is good or bad in the first place. It is how we use politics that makes it good or bad. And so is power. Leaders who encourage the proper use of power are re-elected; while those who don’t kiss the dust and lose office. Giving a brief definition about the subject Hanad was going to talk about to Hinbir was a rule that Hanad had never overlooked during sessions. He used such briefings as informal and out of the two-way-flow conversations. So after finishing that briefing, Hanad said, “Hinbir, if neither revelation nor acquired knowledge can change how S/land citizens think, what else can change their mindset? Do you think that S/land citizens’ attitudinal thinking will be changed by magic wand? Or do you still stick to the point that S/land people will never change the way they think, particularly when it comes to politics and power struggle?” “According to my opinon, S/land people can only change how they think when they understand on what exacfly the formation of their thoughts are based and how their thoughts impact their life. Period.” “‘What is the common mistake in how most S/land people think?” “Nearly all individuals who belong to in-group or to same clan tend to love people who think like them. The more likely a clan’s thoughts or beliefs match up with another clan’s worldly views, the more likely these clans become alliances. Worse than useless, the people of same clan mostly ignore any suggestion that opposes their worldly views since they always surround themselves with people and news that agree with what they already thought.” “Hinbir, my friend, what makes S/land citizens social beings, I mean how does the process of human socialization take place among them?” “Hanad, to be frank, you are asking me questions that are truely, truely higher than my level of understanding. What is socialization in the first place?” “Socialization is the way in which individuals in societies acquire culture, enculturation, which is the learning of the norms and values that are the appropriate and expected behavior and habits that are acceptable to societies and are generally held by most members of the society. Precisely, socialization is behaving in a way that is acceptable to society.” “Somalis are social people culturally, but their problem is that they have never been socially and politically trained to the importannce of social cohesion, what helps to keep societies functioning properly as a nation.” “How can S/’land people be socially responsible?” “This is the defect of S/land culture, the missing part in S/land’s social and political culture. S/land people, young and old alike, are not totally trained to social responsibility as a role of moral duty, which people as individuals have a responsibility toward their society. The only responsibility all people recognize and respect as a moral duty is answering the defensive call that comes from the tribe. So national irresponsibility is S/land’s main social problem.” “What is a social problem?,” Hanad asked. “A problem or behavior that affects many people within a society and needs to be addressed,” replied Hinbir. “Is corruption a social problem or a political problem?” “Corruption is partly a social problem because it always involves in deception and dishonesty and partly a political problem because it involves in abusing power for personal gains. In sum, corruption is a crime against human development.” “Is politics important in peoples’ life?” “Politics, if properly used, is important in public life because it is about enhancing and improving the lives of the people.” “Hinbir, political systems that exist in the world are many. What kind of political system does S/land have?” “S/land political system is in name democratic, but in practicality tribal.” “How can democracy and tribalism go hanf in hand?” “One of the best attractions of tribal politics is that one doesn’t actually have to think very much. The core concept that always controls one’s mind in any given time is to remember which tribe he or she belongs to. No debate or discussion over which direction to take or over which formula is better than the other for national economic sustainability or stimulation is considered. Democracy is much more complicated than tribalism because it is based on accountability, transparancy, checks and balances and S/’land people are not ready for having these hectic principles. For most of S/land citizens, the system must be simply based on you-take-it- and I-take-it attitude.” “Is there any area in which democracy and tribalism are similar?” “They are similar in the process of elections.” “What is an election? “A process by which people elect government officials – presidents and parliamentarians.” “How are elections important? “Elections are the means by which people elect periodically their representatives who make laws for the country and who form the government and make major decisions.” “Is voting a right or responsibility? “Voting is partly a right because every eligible person has the right to choose the cadidates they see them competent and capable and partly a responsibility because citizens are responsible for who sits in the presidential palace and in the house of parliament.” “What are the factors that influence a citizen’s political opinion?” “1. Privilege and position. 2. Depends on who sits in the presidency.” “How do S/land people decide who to vote for?” “S/land people are tough-minded and strong-willed towards tribalism. For this, tribalism is the only factor that always drives how people choose who they want to vote for.” “Somaliland people always expect their leaders to govern in a way that puts their needs above anything else and that is the promise any president who sits in the presidency swears to when taking the office. Do you think that S/land presidents fulfill the oath of office faithfully?” “All S/land officials who take oath of office never fulfill that promise. They do otherwise and disregard the importance of the oath,” replied Hinbir. “‘Hinbir, an oath of office is not a mere formality. An oath is a public pledge that officials should understand the requirements of the position and work to meet or exceed those requirements. It is not possible that those taking the oath simply ignore to fully consider the meaning of the oath and all of its important implications. Will they not be impeached if they intentionally neglect to fulfill the promise?” “They will not even be blamed for dishonesty, leave alone that they get impeached.” “Do you mean to say that those taking oath of office are not accountable to the law?” “Government officials are immune from accountability.” “Who is responsible to enforce the laws created by the legislative body?” “The head of the executive branch is responsible to enforce the laws.” “Who is responsible to protect and preserve the constitution?” “Protecting and preserving the constitution is not something that can be left to the court to decide. Every branch of government has an equal responsibility to uphold the constitution.” “What is the president’s highest responsibility?” “‘The president has no higher responsibility than to protect the country and its people.” “In S/land country, are there any specific principles that are made to ensure adherence to the supremacy of the law?” “I don’t know that. I just know that the executive branch and opposition parties differ in the interpretation of laws whenever elections approach.” “Hinbir, my friend, I am not talking about election laws. I am talking about the required measures that are made to ensure adherence to the supremacy of the law.” “Hanad, I have never heard anything other than that S/land constitution requires modification. I don’t even know which laws this modification will refer to, leave alone to have an idea about the measures that ensure adherence to the supremacy of the law.” “Hinbir, equality before the law, accountability to the law, fairness in the application of the law, separation of powers, participation in decision-making, legal certainty, avoidance of arbitrariness, and procedural transparency are the basic principles that are especially made to ensure the supremacy of the law.” Hinbir reclined his seat and stared at Hanad with a withering look, followed by a burst of laughter that actually filled the place and drew the attention of those who were closer to where Hanad and Hinbir were sitting. “What are you laughing at?,” Hanad cried out. “That is not the question of the hour, isn’t?,” Hinbir replied. “That is a matter of knowing what I don’t know,” said Hanad, nearly crying out in exasperation, “‘Hanad, to be frank with you, S/land authorities pay lip service to equality, accountability, transparency, separation of powers, checks and balance, freedom of expression etc and don’t really act in accordance with the rules and regulations. And anyone who argues that no one is above the law is like the idiots who create self-punishing thoughts like: If I start selling candles, the sun will stop setting, if I start selling shrouds, people will stop dying.” “‘Then how do the mujahids filfill the responsibility to protect the rights of the people, if no official acts according to the law?” “What people?,” cried Hinbir. “The public?” “Which public?,” returned Hinbir. “S/land citizens, goddamnit,” Hanad yelled. “Their Great God takes care of them.” In this country of “I have been a mujahid,” what govenment officials say day and night doesn’t totally match up with what they say they do every day. To be continued… By: Jamafalaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  18. Balcad (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal culus uu ka socda deegaanka Xawaadley iy nawaaxigeeda, kaasi oo ay wadajir u fulinayaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Sirdoonka Qaranka NISA, ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galkan oo illaa hadda socda lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Howl-galkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkan ka socda deegaanka Xaawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal. “Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay dowladda. Weerar ku billowday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa aroornimadii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badan Al-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxdu. Si kastaba, laba maalin ka hor uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur. The post DF oo soo bandhigtay tirada SHABAABKA lagu dilay howl-galka ka socda Xawaadley appeared first on Caasimada Online.
  19. Ankara (Caasimada Online) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan announced Wednesday that the country’s next general election would be held on May 14, one month earlier than initially scheduled. This move sets the stage for what many analysts believe will be one of the most consequential elections in Turkey’s history. Erdogan and his Islamic-rooted party have been in power for two decades, during which the country has seen economic highs and lows, wars, and even a failed coup attempt. Erdogan’s decision to bring the election forward by a month is seen as a strategic move to give his voters an advantage. Analysts believe Erdogan’s office is looking for an opportunity when his supporters are more likely to vote than those supporting his opponents. In a speech to his ruling party, Erdogan invoked the memory of the country’s first free election in 1950, which was held on May 14 and won by Adnan Menderes, a prime minister who was later deposed and executed by a military junta. Erdogan, who previously was removed from office and briefly imprisoned during his tenure as mayor of Istanbul in the 1990s, frequently draws comparisons between himself and Menderes. The opposition to Erdogan is currently divided and has yet to agree on a candidate to field against him. Their best hope at one stage appeared to be Istanbul’s popular mayor Ekrem Imamoglu, but a criminal court banned him from politics last month. Kemal Kilicdaroglu, the main opposition party’s leader, now appears to be the most likely candidate to stand against Erdogan. Still, his lack of popularity in opinion polls has caused divisions within the opposition. The election comes at a time when Erdogan’s popularity has been hurt by an economic downturn, as inflation reached 85% in the past year. However, the opposition’s failure to unite around a single candidate has made it difficult for them to mount a strong challenge to Erdogan’s rule. “I think the election is too close to call, but I would never write Erdogan off in any election,” said emerging market economist and Turkey watcher Timothy Ash. The upcoming election will test Erdogan’s authority in the parliament as his political party, which is currently in a partnership with an extreme right-wing organization, has recently seen a decrease in backing. With less than four months until the election, the opposition must act quickly to agree on a single candidate and mount a unified challenge to Erdogan’s rule. “Now, there is no other choice for the (opposition) but to determine the joint candidate as soon as possible and to stand behind this candidate with all their party organizations,” veteran Turkish journalist Kadri Gursel tweeted. The post Erdogan brings presidential election forward to May 14 appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda “ay wax ka badashay taatikadii dagaal” ee ku wajahaysay Shabaab, taasi oo toddobaadkii u dambeeyay horseeday guulo waaweyn. Taliye Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay xooga saartay muddooyinkii dambe magaalooyinka muhiim ah, halka markii hore deegaan qabasho iyo is-ballaarin uu ku socday qorshaha dagaal. “Magaalooyinka waa meelaha ay adeega ka helayeen ee biyaha ka helayeen, marka ninka haddii magaaladii iyo ceelasha loo fariisto haddii god cidlo ah galo imisa ayuu ku jiri karaa,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ahmiyad gaar ah ayaa siinayna xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda oo waa lasoo afjari doona maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.” Taliyah ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku hareereyeen gobolka Galgaduud, islamarkaana aysan jirin meel ay hubka ula faka-doonaan kooxda, oo saacadihii lasoo dhaafay laga qabsaday degmooyin muhiim u ahaa. Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab, loona diido lacagta ay markii hore baada iyo xoogga ku qaadan jireen. Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa shalay iyo maanta la wareegay degmooyin muhiim u ahaa Al-Shabaab, oo ay kamid tahay Xarardheere oo ay kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale. Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Dowladda oo shaacisay inay beddashay ‘taatikadii dagaalka’ iyo natiijada appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Xoghayaha guud ee guddiga. Guddoomiye Cabdi Xiis ayaa waxa uu xilkaan u magacaabay Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici, oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan xafiiska wasiirka waxbarashada, horena u ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda caddaaladda. “Anigoo ku kalsoon (Shaafici) aqoonta iyo khibradda shaqo ee uu leeyaay waxaan u rajaynaa inuu u guto waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan hanaanka doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdi Xiis. Sidoo kale warqada magacaabista ee uu soo saaray guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka ayaa lagu faray in cidkasta oo ay khusaysayo la shaqeeyaan Xoghayaha guud ee guddiga. Magacaabistan ayaa waxaa ka wada socda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare iyo dhamaan xubnaha guddiga KMG ee ka shaqeynaya buuxinta kuraasta bannaan, sida laga fahmi karo warqada kasoo baxday guddoomiye Cabdi Xiis. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici ayaa ujeedada ka dambaysa magacaabistiisa lagu sheegay “sidii uu u fududeyn lahaa in Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu kusoo laabto kursiga HOP#086 ama qof uu wato loo xiro.” Wasiir Faarax ayaa wada laba qorsho oo ah inuu isaga kursiga qaato iyo inuu kursiga u xiro musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Dr. Maxamed Xaaji ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha. Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, oo ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda. Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble. Kursigan ayaa haddii musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood. The post Gudiga doorashada kuraasta dhiman ee BF oo qaaday tallaabo shaki dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasiiro &15 Qof oo kale oo ku dhintay shil diyaaradeed Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine. Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad11-ka bilood. 22 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah. Qaran News