Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee dowlad Goboleedka Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Juba ee ku teedsan degmooyinkan, si looga hortago fatahaadaha muddada dheer dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka. Gidaarkan oo laga dhisay goobaha jooggooda hooseeyo iyo leexooyinka webiga ayaa dheerar ahaan gaaraya 1,176.2 Mitir oo u qeybsan 11 goobood oo 4 kamid ah ay dhacaan Dooloow, halka 7 kamid ahna ay ku yaallaan Baardheere. Goobahaan ayaa loo asteeyay inay yihiin kuwa ugu halista badan. Isku duwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) mudane Cali Xaaji Aadan oo guddoonka degmooyinkan ku wareejiyay goobaha la dayactiray kadib kormeer lagu sameeyay dhammaan dhismayaasha ayaa maamulka kula dardaarmay xil iska saaridda ilaalinta, la socoshada iyo dayactirka gidaarradan maadaama ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay bulshada u qaadeen. “Waa baahi bulshada ka timid, dowladda Soomaaliyeed oo heer degmo, dowlad Goboleed ilaa dowlad Federaal ahna ka wada shaqeeyeen, maantana aan bulshadii ku wareejinnay, waxaan rajeyneynaa in inay wax weyn ka tari doonto xal waare sidii loogu heli lahaa nidaamka cuntada dalkeena”. Ayuu yiri Cali Xaaji. Daadadka ayaa saameyn taban ku leh wax soo saarka dalka iyada daadadku baabi’yaan sanad walba kumannaan heektar oo la beeray. Ka so koow khasaaraha ay bulshada beerealeeyda ah u geystaan waxay niyad jeb ku abuuraan bulshada wax beerata, taas oo mustaqblak halis gelin karta nidaamka cunto ee dalka. Guddoomiyaha Degmada Baardheere mudane Maxamed Wali Yuusuf Cabdulaahi (Qorax) ayaa dowladda uga mahadceliyay hal abuuridda xal joogto ah oo ka duwan kii hore ee ku koobnaa la tacaalidda xaaladaha degdedegga ah ee markaas taagan. “Looma baran in laga hadlo in dadku isku filnaadaan oo la maalgeliyo mashaariic na gaarsiinaya isku filnaansho cunto, webiga oo aan mushkilad sababin abaar iyo aaranba waxay ka dhigan tahay waxsoo saar dheeri ah iyo degganaansho bulsho” ayuu yiri. Guddoomiye ku xigeenka degmada Dooloow Mudane Aadan Barre Cali (Aadan Madoobe) oo la wareegay 4 goobood oo la xeydaab looga dhisay webiga ayaa isna xusay mashruucaan uu muhiimmad weyn u leeyahay dadka deegaanka, maadaama uu xal joogta ah u keenay maareynta biyaha webiga oo udub dhexaad u ah noloshooda. Isku duwaha mashruucan ee Jubaland Cismaan Xassan Cabdi ayaa bulshada deegaan ku boorriyay muhiimmadda ay leedahay ilaalinta iyo la socoshada dhismayaasha la hirgeliyay maadaama ay ku xirantahay nolosha dadka iyo deegaanka. “Maamulka Degmayooyinka Bardheere iyo Doolow, gudiyada beeralayda iyo dad waynaha kale waxa muhiim ah inay ilaashadaan adeegyadan ladhamaystirey si looga hortago fataadaha kayimaada wabiga ee dhibaateeya dalagga beeraha iyo kaabayaasha kale ee nolosha oo xataa gaysta khasaare nafeed wakhti roobaadka” ayuu yiri Cismaan Xassan Cabdi. Howlashan oo uu fuliyay Mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) ee hoosyimaada wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya, halka uu bangiga adduunku Soomaaliya ugu deeqay maalgelinta mashruuca. Dhameystirka xeydaabyadan webija loo sameeyay ayaa ku soo beegmeysa xilli jiilaal ah taas oo fursad wey u siineysa beeraleeyda u diyaar garoowga xilli roobaadka gu’ga iyo ka faa’ideysigiisa. DHAMMAAD Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. 9 Dal oo soo bandhigay Liiska Hubka ay Ukraine siin doonaan,Noocyadiisa & Tiradiisa si ay Ruushka isaga difaacdo Baaqii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ee ahaa in dalkiisa la siiyo hub fara badan ayaa jawaab celin wanaagsan ka helay Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in gargaar ku kacaya 2.5 bilyan oo doolar oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman iyo nidaamka difaaca hawada uu siinayo Ukraine. Tiro dalal ah oo ay ku jiraan Uk iyo Holland ayaa iyaguna ballan qaaday kaalmo hub oo cusub isla markaana ay siin doonaa Ukraine. Hadalkan ayaana imaanaya ka hor kulanka maanta ka dhacaya dalka Jarmalka, oo 50 wadan ay isku dubaridi doonaan gargaarkooda hubka. Kulan khamiistii dhacay oo ay ka qayb galeen wakiilo ka kala socday 11 dowladood ayaa waxaa la isugu tagay saldhig ciidan oo ku yaal Estonia si ay uga wada hadlaan xirmooyin badan oo cusub ugana caawiyaan Ukraine dib u qabsashada dhul ayna iska caabiso horumar kasta oo Ruushku ka sameeyo dagaalka. Sagaal wadan oo kala ah – UK, Poland, Latvia, Lithuania, Denmark, Czech Republic, Estonia, Netherlands iyo Slovakia – ayaa ballan qaaday taageero dheeri ah. Gaegaarka hubka ah ee lagu dhawaaqay ayaa lagu sheegay bayaan wadajir ah waxaana ka mid ah. UK – 600 oo gantaal oo Brimstone ah Danmark – 19 Kaysar oo Faransiisku sameeyay Estonia –howitzers, rasaas, baabuur nidamakadifaaca iyo kuwa ka hortagga bam-gacmeedyada Latvia – Nidaamyada difaaca hawada ee Stinger, laba helikobtar, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Lithuania – qoryaha lidka diyaaradaha iyo laba helikobtar Poland – Qoryaha lidka diyaaradaha ee S-60 oo wata 70,000 oo rasaas ah Czech Republic – Saanad hub ah ayay ballan qaaday. Nederlaan waxay ku dhawaaqi doontaa xirmokeeda taageerada Jimcaha. Isagoo ka hadlayay booqashadiisa Estonia, Xoghayaha Difaaca UK Ben Wallace wuxuu yiri: “2023, waa waqtigii la bedeli lahaa dardargelinta ay reer Ukraine ku guuleysteen inay dib ugu riixaan Ruushka oo ay dib u soo celiyaan Ukraine iyo in dib loo soo celiyo Ukraine Qaranimada, taas oo ah xuquuq ay ku leeyihiin sharciga caalamiga ah.” Ku dhawaaqidda taageerada cusub ee Maraykanka ayaa timid galinkii dambe ee Khamiista. Inkasta Mareykanku aanu ku darin kaalmadaan dalabka Ukraine ee taangiyada. Laakiin Pentagon-ka ayaa Kyiv u ballan qaaday 59 baabuur oo gaashaaman oo Bradley ah, 90 askari oo Stryker ah iyo nidaamyada difaaca hawada ee Avenger, iyo rasaas kale oo waaweyn iyo kuwa yaryar. Waxa ay sheegtay in weeraradii cirka ahaa ee u dambeeyay ay muujinayaan “saamaynta xun ee dagaalka bahalnimada ah ee Ruushku ka wado Ukraine” – laakiin waxay sheegtay in hubka cusub ee la ballan qaaday uu gacan ka geysan doono sidii looga hortagi lahaa. Warka qoraalka ah ayaa waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu hadda in ka badan 26.7bilyan uu u ballan qaaday dhinaca ammaanka ee Ukraine tan iyo duullaankii ballaarnaa ee Moscow 24kii Febraayo 2022. Shir ay yeellanayaan kooxda difaaca Ukraine, oo ka kooban xulafada muhiimka ah oo uu ku jiro Mareykanka, ayaa dhici doona saldhigga cirka ee Ramstein ee Jarmalka Jimcaha si ay uga wada hadlaan taageero militari oo dheeraad ah. Madaxweyne Zelensky wuxuu sheegay inuu filayo “go’aamo adag” oo ku saabsan dhoofinta hubka dheeraadka ah in lagu gaaro kulankaas, oo ay ku jiraan “agab taageero milatari oo awood leh” oo ka socoda Maraykanka. Wadahadalladan ayaa u muuqda kuwo diiradda lagu saarayo su’aasha ah in la diri karo dabaabaadka culculus iyo in kale, iyo in ay muhiim tahay cidda keeni doonta. In kasta oo balaayiin doollar ay ku yabooheen Khamiistii xulafada reer galbeedka, haddana su’aashan ayaa ah mid aan jawaab loo helin. Ukraine waxay codsanaysaa in taangiyada Leopard-ka ee Jarmalku sameeyo loo diro jiidda hore. Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz wuxuu la kulmayaa cadaadis caalami ah iyo mid gudaha ah oo sii kordhaya si uu kaalin uga qaato arrimaha socda ee Ukraine lagu caawinayo. Poland iyo Finland labaduba waxay ballan qaadeen inay diri karaan Leopard-kooda – laakiin waxay u baahan yihiin ogolaanshaha Jarmalka. Raysal wasaaraha Poland, Mateusz Morawiecki, ayaa sheegay inuu ” inuu ka niyad jabay” in Jarmalku uu siinayo ogolaanshaha uu Ukraine ugu dhoofiyo Leopards. Madaxweyne Zelensky ayaa sidoo kale ka hadlay diidmada Jarmalka. “Hadda waxaan sugeynaa go’aan ka yimaada mid ka mid ah caasimaddaha Yurub oo dhaqaajin doona silsiladaha diyaarsan ee iskaashiga taangiyada,” ayuu yiri habeenkii Khamiista. Ilo-wareed ka tirsan dowladda oo ku sugan magaalada Berlin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan weli ka helin dal kasta codsi ah in dib loo dhoofiyo taangiyada. Dalka Ingiriiska wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee taangiyada siiya Ukraine. Qaran News
  3. Khasaaro xoogan oo isugu jira dhimahso iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar gawaari laga soo buuxiyay wayaabaha qarxa loo adeegsaday iyo dagaal toos ah oo Al-shabaab saaka ku qaadeen saldhigyo ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanku ku lahaayeen deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud. Weerarkaas dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ciidamada kula jireen Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay 100 ka tirsan Al-shabaab ku dishay weerarka, sidoo kalana ku gubtay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo Al-shabaab ay xilli hore ku qabsatay dowladda. Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas ku dileen askar badan oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab Xasan Tuure. Deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ahaa deegaanada ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Galgaduud: Al-shaab oo weerar ku qaaday saldhigyo ciidan iyo Taliye ku dhintay appeared first on Puntland Post.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka HirShabelle ayaa digniin culus kasoo saartay u hogaansanaanta awaamiirta Al-Shabaab, ayada oo sheegtay in cidkasta oo u hogaansanta in ay ku xukun yihiin Shabaab, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab iyo cid kasta oo gacan saar la’leh. “Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda HirShabelle oo ka duuleysa go’aamadii laga gaaray la-dagaalanka kooxda Khawaarijta argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa ay cadeyneysaa in cidkasta oo la shaqeysa, utagta ama u hogaansanta awaamiirta Khawaarijta ay ku xukun yihiin kooxda argagixisada ah ee had iyo goor dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.” Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Wasaaraddu waxay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada dowladda HirShabelle uga digeysaa la-macaamilka iyo u hogaansanka amarka kooxaha khawaarijta ah ee gabalkoodu dhacay.” Wasaaradda ayaa fartay dhamaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo kooxda macaamil la-sameeysa meelkasta oo ay joogaan si sharciga loo horkeeno. “Dowladda HirShabelle iyo shacabkeeda oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhulkooda ka cirib-tiraan kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.” Go’aanka kasoo baxay maamulka HirShabelle ayaa kusoo aadaya kadib markii ay odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan sheegeen inay heshiis la qaateen kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan uu dagaal culus kaga socdo qeybo badan oo dalka. The post Maamulka HirShabelle oo digniin adag kasoo saaray la-macaamilka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Housing Minister Ahmed Hussen’s office admitted Thursday night that his senior staffer is the sister of the director of a foodie communications firm that received $93,050 in constituency funds. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billowday oo waaberigii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Weerarka ayaa la sheegay in uu ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Khasaaraha ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee kala ah ciidamada dowladda, dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera (Xasan Tuure). Sidoo kale dadka ku dhintay dagaalkan ayaa waxaa kamid ah askar, kuwaasi oo sida la xaqiijiyay ahaa Ilaaladii taliye Xasan Tuure, inkasta oo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin in uu ku dhintay qaraxyada iyo in uu ku naf waayay dagaalka tooska ah ee xigay. Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa waxa uu kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay howl-galka lagu qabtay degmada Galcad iyo deegaano kale, oo laga saaray kooxda Al-Shabaab. Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dagaal xoogan kala hortagay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday mid kamid ah saldhigyada ay ka sameysteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Dowladda federaalka ayaa goor sii horeysay sheegtay in weerarkii saaka lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku tilmaamtay inuu ahaa weerar “naf la-caari ah”. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka. The post Taliye Xasan Tuure iyo askar kale oo ku dhintay dagaalkii saaka ee GALCAD appeared first on Caasimada Online.
  7. AT A WIDELY anticipated summit hosted by the Biden administration in Washington, D.C., last month, African leaders called for more support from the U.S. government for counterterrorism efforts on the continent. Aware that the Biden administration has woken up to the geostrategic significance of Africa in the context of Russia’s war with Ukraine, a number of the heads of state in attendance approached the gathering as a political marketplace in which loyalties are bought and sold. All signs indicate that elite pacts in the name of “security” will continue to dominate U.S.-Africa relations, with ordinary people caught in the crosshairs of newly emboldened U.S.-trained security forces. Source: Hiiraan Online
  8. Galad (Caasimada Online) – Islamist extremist group al-Shabab launched a surprise attack on Friday on a Somali military base in the Galad town of Galgadud region, recently captured by government forces. The group claimed responsibility for the dawn attack and reported that they killed 159 soldiers. However, the death toll has not been independently verified. The government announced in a statement that the military successfully repelled an attack and did not report any casualties. “The Kharijites were dealt a decisive blow in an unexpected raid on the metropolis of Galad situated in the Galgadud region today. The city is now stable and firmly under the command of the national armed forces and the local militia. The Kharijites group that orchestrated the assault sustained substantial losses,” the statement read. Sources have told Caasimada Online that several soldiers were killed in the attack. Initial reports indicate that the Danab deputy commander, Hassan Tuure, was among them. The exact number of fatalities has yet to be confirmed. This assault came just a day after the government declared a “historic victory” over al-Shabab with the capture of three strategic coastal towns, including Harardhere, which had previously been a major operating port for pirate hijacking of ships for ransom. The group, affiliated with al-Qaeda, has been designated a terrorist organization by several countries, including the United States. Al-Shabab has a history of attacking government and military targets in Somalia and carrying out bombings and kidnappings in the region. The group has been a constant threat to the country’s stability and its citizens’ security. This attack comes on the heels of a series of successful military operations against al-Shabab by government forces and allied clan militias. On Thursday, Somali military officials announced that 69 al-Shabab militants had been killed in two separate operations in the south and central Somalia. In one operation in the Middle Shabelle region, 49 militants were killed in a joint operation by the Somali National forces, allied clan militia, and international partners. In another operation, at least 20 al-Shabab militants were killed when government soldiers attacked a militant base in Goof-Gadud village. An uprising against Al-Shabab has erupted in the region in recent months, as local citizens have grown tired of the constant fear and violence inflicted upon them by the organization. A coalition of community leaders and the Somali National Army is leading the rebellion. The post Al-Shabab launches surprise attack on Somali military base appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyay kooxda, kaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa weerar “naf la-caari ah”. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka. “Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ee weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Degmada Galcad oo dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal. Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab. Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. The post DF oo war kasoo saartay weerarkii Galcad iyo cidda gacanta ku haysa degmada appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - A dawn raid on a military compound in the recently liberated Gal'ad district claimed the life of Major Hassan Mohamed Osman (Hasan Tuure), the battle-tested deputy commander who led the Danab brigade to dozens of victories in the ongoing offensive against Al Shabaab in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - A dawn raid on a military compound in the recently liberated Gal'ad district claimed the life of Major Hassan Mohamed Osman (Hassan Tuure), the battle-tested deputy commander who led the Danab brigade to dozens of victories in the ongoing offensive against Al Shabaab in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa midowga siyaasiyiinta mucaaridka kala hadlay arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta oo maalmihii dambe ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab. “Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo. Guddoomiye Aadan Madoobe oo shalay la kulmay odayaasha dhaqanka, ayaa wuxuu u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal. Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono. The post Aadan Madoobe oo hal arrin ku qancinaya mucaaradka madaxweyne Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
  13. MOGADISHU, Somalia — To outlive a child is to lose a piece of your heart. A famine looming over the Horn of Africa may soon leave hundreds of thousands more tiny graves pockmarking the arid landscape. Source: Hiiraan Online
  14. Galcad (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal. Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan ku billowday weerarka qaraxyada uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aad u adag in la ogaado tirada rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u xun. Waxaa lasoo sheegaya in illaa hadda weli meelo kamid ah Galcad laga maqlayo rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac. Majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Galmudug oo la xiriira weerarkan. Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo saaka ku qaaday degmada GALCAD appeared first on Caasimada Online.
  15. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF) has refuted remarks by African Union (AU) mediator Olusegun Obasanjo that Eritrean forces have withdrawn from Ethiopia's northern Tigray region following a truce to end two years of civil war. Source: Hiiraan Online
  16. The Somali National Army (SNA) says it's killed almost 50 Islamist militants in a reprisal raid in the centre of the country. Source: Hiiraan Online
  17. A suspected Islamic terrorist was caught with a 'library' of instructions on how to print 3D guns, a court heard. Source: Hiiraan Online
  18. MUMBAI/NEW DELHI, (Reuters) - India is not looking at allowing more sugar exports, government and industry officials said on Thursday, dampening speculation that the world's biggest producer of the sweetener would permit a second tranche of overseas shipments. Source: Hiiraan Online
  19. After escaping civil war in Somalia with his family and then growing up in a Kenyan refugee camp that he could not leave, Mohamed Hussein is thankful for the chance to start a new life in Nova Scotia. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay dib u bilaabayaan qaadista canshuurta guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho, taasi oo horay loo joojiyay sanadkii dhamaaday ee 2022-ka. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore canshuurtan loo joojiyay arrimo la xiriira xalinta Maaliyadda. “Laga bilaabo maanta maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda,” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanayo Milkiilayaasha guryaha inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista canshuurta. Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meelaha faras magaalaha inay dib u dhisaan. Afhayeenka ayaa sheegay in baaqan dambe uga dan leeyihiin “si bilicda magaalada caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto caasimadaha kale ee caalamka.” Maamulka cusub ee dowladda hoose ee Xamar, oo uu Hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa wada dadaalo lagu dardar-gelinayo howsha ay u hayaan bulshada iyo bilicda caasimadda. Waxaa dhawaana lasoo gaba-gabeeyay shirka banbaxa maamulka gobolka, kaasi oo diiradda lagu saarayay howlaha hortabinta u leh maamulka sanadka 2023-ka. The post Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay in dib loo bilaabayo canshuur hore loo joojiyay appeared first on Caasimada Online.
  21. WASHINGTON — Sixty-nine al-Shabab militants were killed in two separate military operations in south and central Somalia, Somali military officials said Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝:𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐝𝐚𝐫𝐨 𝐓𝐢𝐫𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐛𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐆𝐮𝐫𝐚𝐲. Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay haween cadaalad daro ka tirsaday bahda garsoorka Somaliland, oo ay kaga cawdeen inay waxba uga qaban waayeen muran ka taagan hanti ay lahaayeen. Haweenkan oo dhawaan Warbaahinta mariyay cabasho xoogan oo la xidhiidha gudoomiyayaasha maxkamaddaha oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Maxkada Sare Aadan Xaaji Cali, Xeer ilaaliyaha Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa shalay xabsiga dhexe lagu xidhay saddex ka mid ah. Haweenkan oo qaarkood xaasas yihiin ayaa loo yeedhay kadibna la xidhay, waxaana qoyskooda oo aan la xidhiidhnay ay noo sheegeen in loo haysto dhaliilihii ay u jeediyeen bahda cadaalada. Qoyska haweenkan xidhan ayaa loo diiday in ay ku booqdaan saldhiga dhexe ee ay ku xidhan yihiin. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal amni oo si hordhac ah uga billowday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Shabaab uu waqtigoodii dhamaaday, ayna Muqdisho ka bilaabanayaan qorshe xoogan oo amniga lagu sugayo, ayna ka qeyb qaadanayaan hay’addaha amniga, kaasi oo lagu xaqiijinayo xasiloonida caasimadda. “Waxa shacabka Soomaaliyeed ka codsanaya magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka, waxaa dhawaan ka bilaaban doona qorshe lagu sugayo amniga. Waxa ka codsaneyna in barnaamijkaas nagala shaqeeyaan si hagar la’aan ah. Shacabka Soomaaliyeed iyaga la’aantooda midnimo iyo nabad-gelyo ma gaari karno nala shaqeeya,” ayuu yiri Xagaa. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Soddan sanno iyo ka badan ayaa waxaad ku jirteen dagaal iyo maalinba waji cusub iyo dhagar cusub, waxa gaadhnay waqtigii aad odhan laheydeen intaas ayaa nagu filan wixii ka dambeeya waxa u baahanahay sida caalamka iyo waddamada deriska u nool yihiin in aan u noolaano.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna dhiman tahay oo keliya in la dhameystiro oo dalka la isku furo, sida uu sheegay. Wasiiru-dowlaha ayaa waxa kale oo u ballan-qaaday shacabka laamaha amniga kusoo wargelinaya shirqoolada Al-Shabaab iyo xogaha la xiriira ay u dhowri doonaan xogtooda shaqsiyeed, oo aysan jiho saddexaad u gacan galin doonin. “Waxa ka mahad-celinayna shacabka xogta marwalba nala soo wadaaga, waxaa u ballan-qaadeyna in aan u xafideyno xogtooda. Farsamooyin badan oo casri ahna aan la wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed oo qofka xogta uu gudbin karo, naftiisana ay ku badbaadeyso.” Shacabka magaalada Muqdisho ay dhawaan si wada-jir ah ugu istaagay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhawaan magaalada ka bilaaban doona howl-galo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana looga sifeynayo caasimadda Shabaabka ku dhuumanaya. The post Howl-gallada Muqdisho iyo ballan-qaad cusub oo ay dowladda u sameysay appeared first on Caasimada Online.