-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baaris la xiriirta dadka lacagaha ugu shaqeeya madaxda kooxda Al-Shabaab, xili ay muddooyinkii dambe waday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah kooxda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda federaalka ayaa ku baraarugsan tan iyo markii la xoreeyay degmooyinka ay sanadaha badan haysteen Al-Shabaab in madaxda Shabaab ay lacagaha baada ah ee ka qaadan bulshada u adeegsato maal-gashiyo iyo ganacsiyo gaar ah, kuwaasi oo u fuliyaan shaqsiyaad ku sugan gudaha dalka iyo dibedda. Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe. Lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin. Arrintan ayaa banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika. Lacagaha ay qaado kooxda qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shikisaneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab. Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero. Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab ayaa fahamsan in haddii kooxda dhaqaale ahaan loo wiiqo lagu soo afjari karo muddo kooban. Dowladda oo hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamisay lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, ayaa waxaa xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab. Arrintaas oo la rumeysan yahay inay aheyd wajiga koowaad ee dagaalka dhaqaale ee Shabaab ayaa hadda waxaa billowday wajiga labaad ee dagaalkaasi, kaasi oo lagu baarayo shaqsiyaadka lacagaha baada ah ugu shaqeeya Shabaab, kuwaasi oo baariso hore sheegayaan inay ku sugan yihiin caasimada iyo dalalka deriska. Al-Shabaab oo dhaqaale ahaan loo wiiqo waxay soo dadajinaysa jabkooda iyo ka ciribtirka dhulka Soomaaliyeed ee mudada badan dhiiga ka daadinayeen, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka dhaqaale uu yahay midka ugu awooda badan ee kooxda si dhab ah u jabinaya. Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda. The post DF oo baaritaan ku billowday shaqsiyaad lacagaha ugu shaqeeya madaxda Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay baaq ka kooban shan (5) qodob oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Puntland. Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday Guddiga KMG ah ee Doorashpoyinka (TPEC) in ay halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, isla markaasna aysan baarmarin dastuurka iyo shuruucda u dagan dalka. Sidoo kale Madasha waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso afduubka shaqadii loo idmaday TPEC, oo ay sheegeen in ay hoggaaminayaan wasiiradda, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka. Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday ciidamada qaybahooda kala duwan in aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shaqsi. Madasha ayaa ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso marin habaabinta shacabka iyo ku tagrifalka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsato dano gaar ah iyo kala qaybinta dadka reer Puntland. Madasha Siyaasadda Puntland waxay ugu baaqday isimadda, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in laga hortago hubanti la’aanta siysaadeed ee xukuumadda Madaxweyne Deni ku howlan tahay, si dano shaqsi loogu gaaro. PUNTLAND POST The post Baaq laga soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, ayada oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida. War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxa lagu sheegay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaaga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ay muhiim u yihiin xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya. “Saaxiibada Beesha Caalamka: Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.” War-saxaafadeedka beesha caalamka oo u muuqda mid si gaar ah farta loogu fiiqayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, oo arrimaha lagu xusay badankooda isku hayaan labada dhinac, ayaa waxaa loogu baaqay in khilaafka lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-tashi. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wada-hadal iyo wada-tashi,” ayaa lagu yiri qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho. Sidoo kale waxay sheegeen inay ka go’an tahay “in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.” Dowladda federaalka iyo Puntland oo khilaafkooda soo billowday markii la isku fahmi waayay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxa uu soo ifbaxay kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay maamulka Puntland 9-kii bishaan ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan. War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Jabuuti, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo WAR kasoo saartay khilaafka DF iyo maamulka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Qoys Dhaxaltooyo u haysta imaamnimada ka masaajid Jaamaca caan ah oo maxkamad la geynayo Masjid jaamica Delhi Masjidka Jaamica ee magalaada Delhi ee dalka Hindiya oo haatan noqday astaanta dhaqanka iyo diinta ee gobolka, waxaa la dhisay xilliggii boqortooyadii Shah Jahan intii u dhexeysay sanadihii 1850-1856. Boqorkan Mughal waxa uu imaamka masjidkan u magacaabay caalimkii Bukhara, Syed Abdul Ghafoor Shah Bukhari. Imaamka masaajidkan ee hadda jooga ee Sayed Axmed Bukhaari ayaa isna ka soo jeeda qoyskan, dhammaan imaamyada halkan jooga waxa loo magacaabay masaajidka jiil ilaa jiil kale, waxayna kasoo jeedaan qoyskan. Laakiin markii ugu horreysay, qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa ka hor yimid qoyska imaamyada ka ah masaajidkan, wuxuu arrinta geeyay maxkamad. Ninkan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu magacaabaa Sohail Khan, wuxuuna warqad codsi ah u gudbiyay maxkamadda sare ee Delhi, waxaana warqadda ku qoran; “Ma jirto meel imaam-nimada ay noqoto dhaxaltooyo marka la eegayo mabaadii’da qofka u oggolaanayo in qofka uu masaajid ka noqdo”. Isagoo la hadlayay BBC-da, Sohail Khan wuxuu yiri, “Imam Sahib wuxuu yiri Shah Jahan wuxuu ugu yeeray aabbayaasheen iyo awoowayaasheen imaamnimada, hadda Shah Jahan boqor ma ahan, magacyadiisii iyo qoyska oo dhan way baxeen, laakiin waxaa la yaab leh Mullah oo uu magacaabay Boqor Shah Jahan ayaa wali ka sii shaqeeya halkaas, waxa uu noqday nin ka weyn Boqor Shah Jahan”. Masjid jaamica Delhi Waxaan ku iri; “Saldanadii meesha ayay ka baxday, Ingiriiskuna wuu ka baxay gobolka, laakiin weli ma dhammaan muddadii aad xilka heyseen, iyadoo taas la eegayo, codsigeygu wuxuu yahay in guddi loo saaro, ciddii loo arko inay ku habboon tahay imaamnimadana ha laga dhigo Imaam”. Suhail Khan, oo ah ninka dacwadda ka gudbiyay imaamka masaajidka wuxuu deggan yahay Old Delhi, waana xubin hormuud ka ah xisbiga BJP ee dalka Hindiya. Wuxuu ku eedeeyay “Imaamka masaajidka Delhi ee hadda wax walba oo la xiriira masaajidka iyo deegaanka wuxuu u adeegsadaa sida hantidiisa gaarka ah, isaga oo madax ka ah, masaajidkan taariikhiga ah masaajidka wuxuu halis ugu jiraa burbur.” Masjidka qaddiimiga ah Ninkan deggan magaalada Delhi ayaa ku andacoonaya in uu muddo dheer la socday dhamaan arimaha ku saabsan masjidka Delhi sida uu sheegay imaamku waa in uu noqdaa qof qarii ah ama xaafid Qur’aanka ah ama qof caalim ah oo aqoon u leh imaam-nimada. Masjid jaamiciga Delhi waa qaddiimi ah oo caan ka ah caalamka, sidaa darteed sheegashada dadka deegaanka gaar ahaan inay maamulaan ayaa noqotay arrin xasaasi ah. Kadib dacwadda laga gudbiyay arrintani, maxkamadda Delhi waxay ka codsatay guddi la magacaabay inay eegaan magacaabista Imaamka masjid jaamica Delhi. ,Dad ku tukanaya masjid jaamica Delhi Xubin ka tirsan guddigan oo lagu magacaabo Wajia Shafiiq oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay, “Mawqifka guddiga la magacaabay, waa in magacaabista imaamyada aysan noqon kuwo dhaxal ah, balse la eego dhinacyada iyo arrimaha khuseeya Masjidka Jaamica”. Wajiya Shafiq ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay go’aan kasta ka qaadan doonto arinta, balse waxaa xaqiiqo ah in arrintan ay hadda noqotay dhaqan bulshada dhexdeeda laga aqbalay iyo guud ahaan arrin soo jireen ah. Arrinta haatan soo ifbaxeysa ayaa inta badan ku saleysan dadka ku dhaqan agagaarka masjid jaamica Delhi ay si isku mid ah u taageersan yihiin qaabka loo dooranayo imaamyada, waxaana sida ay sheegeen qoyska Imaamka waqtigan ee Seyd Axmed Bukhaari ay qarniyo badan ka arriminayeen masjidka. Wajiya Shafiq waxay tiri, “Imaamka haatan joogo ma ahan oo kaliya ah imaam balse waa astaanta dhaqanka, diinta iyo bulshada Delhi qaddiimiga aheyd”. Masjid Jaamica Delhi, waxa uu door muhiim ah ku lahaa siyaasadda Hindiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, imaamka hadda jira waxa uu kaalin ka qaataa siyaasadda iyo sidoo kale imaamnimada, waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay siyaasadda la xiriirta Muslimiinta Hindiya iyo xisbiyada siyaasadda. Guddiga loo magacaabay inay kiiskan baaritaan ku sameeyaan oo ku nool magaalada Delhi ayaa baaritaanka u gudbiyay maxkamadda, waxaana dacwadda xigta ee la xiriirta kiiskan la dhageysan doonaa 8-da Febraayo. Qaran News
-
Wareegtadii Ganacsade Jabuutaawi Tuutaha u xidhay Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle. Deegaankan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa wuxuu 60KM dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay “in ciidanka dowladda oo ay wehliyaan ciidamada maamulka Jubbaland ay si nabad ah kula wareegeen deegaankaan oo muhiim ah.” “Baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha magaalada, taliska qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in Al-Shabaab laga ceyriyay deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka. Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh. Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan. Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaa waxa dhawaan la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga amniga, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Sawirka Maanta:Ganacsade Jabuutaawi oo Tuute Ciidan xidhan Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda federalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida hadda muuqata gacmo maran kala soo noqonaya magaallada Baydhabo oo uu u tegay qorshe isaga u gaar ahaa oo uusan horay u sii sheegin. Xasan Shiikh oo in muddo ah codsanayay inuu isaga furo shir uu ku baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Shiikh Aadan Madoobe si looga wada hadlo khilaafkii ka dhashay go’aankii ay baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed (KG) ay u codeeyeen iyagoo is waafajinaya waqtiga doorashada xildhibaannada iyo madaxweynaha, taasoo ay ka dhalatay inuu madaxweynaha hadda xilka haya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu sannad dheeraad ah xilka sii hayo, hasa yeeshee waxaa go’aankaas baarlamaanka KG si aad u adag uga hor yimid siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo murashaxiinta xilka madaxweynenimmada. Waxaa khilaafkii arrintaas ka dhashay dagaal ka dhacay xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed 23kii bishii December ee sanadkii dhammaaday. Sida la sheegay dagaalkas ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof iyo dhaawac intaas ka badan. Shirka uu Aadan Madoobe ku baaqay oo loo ballansanaa inuu qabsoomo Jannaayo 05, 2023, dhowr jeer dib u dhacay markii la diiday in lagu marti qaado madaxeynaha dowladda federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo isagu ku adkeystay in lagu casuumo shirka si uu isagu u furo. Ugu dambeyntii ayaa lagu marti qaaday shirkii, wuxuuna furmay Jannaayo 18, 2023. Waxyaabaha lama filaanka shirka ku noqday ee aan la ogeyn ayaa waxay ahaayeen in madaxweynaha ay la socdeen koox ka tirsan xisbigii Union For Peace And Development (Midowga Nabadda iyo Horumarka) kuwaasoo ay ku jireen; wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, iyo Xildhibaan Cabdullaahi Sanbalooshe iyo xubno kale, raggaasoo dhammaantood ah siyaasiyiin uu Xasan Shiikh Maxamuud gacantiisa ku samaystay xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa, wuxuuna Xasan Shiikh Maxmuud qasab ka dhigay inay raggaas shirka qeyb ka noqdaan, waxay arrintaas keentay buuq isla markiiba soo dedejiyay in laga shakiyo ujeeddada uu Xasan shirka u yimid. Maalinkii u horeysay Xasan wuxuu shirka u ka sheegay inuu laabanayo shirka hoggaamintiisana uu uga tegayo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, waxaana arrintaas si buuxda oo wada jir ah uga hor yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Shiikh Aadan Madoobe, oo sida warku sheegayo meel adag iska taagay ilaa markii dambe Xasan lagu qasbay inuu shirka ka saaro raggaas. Waxaa iyadana xusid mudan in agenda-hii shirka uu ku soo kordhay mid aan lagu talo gelin horayna laysugu soo qaadi ka dib markii uu Xasan Shiikh ujeediyay madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe in xubno beeshisa ka tirsan jagooyin laga siiyo dowladda Koonfur Galbeed isla markaasna xilal muuqda ay ku yeeshaan maaulka, ilaa iyo maantadan la joogo wali arrintii shirka loo qabtay ee ahayd in lagu xaliyo cabashada mucaardka KG ay ka keeneen go’aankii xildhibaannada ee laysku waafajiyay muddo xileedka madaxweynaha iyo xildhibaannada meeshiisii lagama soo qaadin. Waxaa, sidoo kale, uu codsaday madaxweyne Xasan isagoo ku adkeysanaya talooyinkiisa aan hareer marsan xeerarka dalka u yaala, inuu keeno ciidamo la dagaala Al-Shabaabka jooga deegaannada Koonfur Galbeed, waa laga diiday, waxaana talaabooyinka Xasan ay walaac weyn geliyeen qaar ka mid ah murashaxiinta madaxweynenimmada KG, oo iyagu markii hore rumeysnaa madaxweyne Xasan uu shirka u yimid inuu iyaga gacan siiyo oo taageerayo mowqifkooda. Sida hadda arrimuhu u socdaan ayaa u eg dhaqankii iyo dagaalkii uu madaxweyne Xasan SHiikh kula kacay dowlad goboleed Jubbalnd xilligiisii kowaad ee uu madaxweynaha ahaa, sida muuqatana waxay ku soo dhammaaneysaa natiijo la’aan iyo colaad jiitanta oo uu la galo Koonfur Galbeed. waxaana wararku xaqiijinayaan in madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu dul qaad badan muujiyay isagoo aad u qadarinaya xeerarka dowladnimmada, kana hor tagaya inuu khilaaf muuqda uu dhex maro isaga iyo madaxweyne Xasan oo isagu ku caan baxay inuusan marna u hoggaansamin xeerarka dalka u yaalay iyo cahdiga ay ummaddu dhigatay ee isaga lagu doortay. PUNTLANDPOST The post Koonfur Galbeed oo diiday qorshayaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ula tegay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulan ayaa looga hadlay xaalada guud ee deegaanada SSC,gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo ah xarunta kacdoonka dadka deegaanku ku doonayaan inay isaga dul qaadaan Maamulka Soomaaliland oo dil iyo barakac joogta ah ku haya. Ugu dambayn Madaxweyne Ku -xigeenka ayaa ka digey inaan wax fara gelin ah lagu samayn nooc ay u tahay toona lana Siyaasadayn kacdoonka bulsho ee ka socda deegaanada SSC kaas oo sababay in dadka deegaanku isugu yimaadaan Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo Madaxweynuhu si buuxda u tageeray. Kulanka waxa qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Tamarta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo taageeray Shirka SSC ee Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The U.S. military killed 30 members of Shabaab, Al Qaeda's branch in East Africa, in an airstrike in support of a Somali military in central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaarayo Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka oo ay horay ugu sugnaayen ururka Al-shabaab. Ciidamada ayaa sheegay in ay deegaanka la wareegeen kadib markii ay isaga baxeen ururka alshabaab oo ku sugnaa deeganka Janaay Cabdalle. Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in Al-shabaab laga ceyriyay deegaankaas Birta dheer, waxaana ay ciidamada sheegeen in ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay bilaabay hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab, kuwaas oo laga fulinayo deegaannada ay alshabaab kaga sugan yihiin deegaannada Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa shardi ku xiray shirka Isimada SSC uga furmaya magaalada Laascaanood. War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Taliska Gooja-cadde ayaa qabsoomidda shirka Isimada ee Laascaanood shardi looga dhigay in aanu liddi’ ku ahayn jiriraanka Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin lagu siiyay cid kasta oo ka tirsan dowlad kale in ay soo fara-geliso xiisadda Laascaanood. Shardiga mas’uuliyiinta Somaliland ku xireen qabsoomidda Shirka Laascaanood ayaa u muuqda mid ay isku muujinayaan balse aan wax saamayn ah lahayn. PUNTLAND POST The post Somaliland oo shardi ku xirtay shirka Isimada SSC ee Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Wakiilada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowlad dhisidda ee ka socdo Soomaaliya, kuwaas ee dib loogu taagayo qaranimada Soomaaliya. “Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi,’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNSOM. Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay taagereyso dadaalka Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaageyso, ayna la garab taagan tahay wax walba. “Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah,’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNSOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay degmadaasi. Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga , Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale. Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere, gaar ahaan ka hortagga weerarada Al-Shabaab iyo xoraynta deegaanada kale. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa xog waraystay saraakiisha amniga ee gacanta ku heysa degmada iyo qorshayaasha socda ee ku aaddan sii wadida howlgallada ka socda halkaasi. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ugu istaageen xoreyna ay ka wadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dhankooda saraakiisha ciidamada huwanta ee qabtay Xarardheere ayaa madasha ka hadlay, waxayna shaaciyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kula wareegeen degmooyinka wa weyn, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan labadaasi gobol oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana qaybo badan oo ka mid ah gobolladaas laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shalay rogaal celin ka sameysay Galgduud, kadib weerar khasaare xoogan dhaliyay oo ay ku qaaday degmada Galcad ee gobolkaasi. The post Sawirro: QOOR QOOR oo shir ku qabtay Xarardheere + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - After nearly 15 years of inactivity, Yemen has announced plans to reopen its embassy in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Galcad (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saaka dib uga soo baxeen degmada Galcad oo ay dhowaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaankaas, kadib weerar culus oo ay shalay kala kulmeen Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degmadaas iyo sidoo kale degmada Ceeldheer ee Galgalgaduud. Xaalad kacsanaan ah iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa la soo wariyay in haatan laga dareemayo agagaarka degmada Galcad. Weerarkii ay Jimicii ay Al-Shabaab ku qaaday magaaladan ayaa ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab. Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed (Xasan Tuure), waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dhnak kale Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga dilay illaa 100 xubnood, sidoo kalena laga burburiyay illaa 5 gaari oo kuwa dagaalka ah. Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax-bannana loo xaqiijin karin. Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu qabtay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ay muddo fog oo sanado ah ay ka talineysay kooxdu. The post XOG: Ciidamada dowladda oo isaga soo baxay degmada GALCAD appeared first on Caasimada Online.
-
Strasbourg (Caasimada Online) – Saraakiisha Midawga Yurub ayaa sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cuna-qabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sidoo kale maalin ka hor ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada, aya oo baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada. Waxay ugu baaqeen guud ahaan Midawga Yurub inay ballaariyaan liiska cuna-qabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda ee u dhashay Iran, kuwaasi oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay. Afhayeenka xafiiska arrimaha debedda ee Jarmalka ayaa u sheegay saxafiyiinta in Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub oo ku shiraya Brussels in la filayo inay ansixiyaan cunaqabatayno dheeri ah oo lagu beegsanayo xubnaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran. Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, ayaa ku warameysa in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu Khamiistii sheegay in qaraarku uu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanaani ayaa ka jawaabay codbixinta isagoo sheegay in ciidanka ilaalada kacaanku uu yahay “kan ugu weyn ee qaabilsan la-dagaalanka argigixisada”. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka ka shaqeeyaan inay ka horyimaaddaan Israel oo ah “waaxda argagixisada ee ugu weyn dunida, boqortooyada Ingiriiska oo ah aasaasohooda iyo Maraykanka oo ah cidda ugu weyn ee maal-gelisa.” The post Midowga Yurub oo ‘liis halis ah’ ku daraya ciidanka IRAN appeared first on Caasimada Online.
-
ANKARA (Caasimada Online) – The Turkish Ministry of Foreign Affairs has unequivocally condemned the terrorist attack in the Galgadud region of Somalia, which resulted in many soldiers’ tragic loss of life and injury. In an official statement, the Ministry expressed its deep sorrow and extended its condolences to the victims’ relatives, as well as to the Somali people and government. The statement said, “We condemn this heinous terrorist attack, which will not hinder the Somali National Army’s determination in its fight against terrorism, in the strongest possible terms.” The Ministry also offered wishes for a speedy recovery to those injured in the attack. “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, extend our condolences to the relatives, the friendly and brotherly people, and the Government of Somalia, and wish a speedy recovery to the injured.” The Ministry affirmed Turkey’s commitment to standing with Somalia in its ongoing battle against terrorism, stating, “Turkey will continue to stand by Somalia in its fight against terrorism.” The Somali National Army (SNA) announced a decisive victory on Friday, having successfully repelled the attack on a military base in Galcad. According to a government statement, the SNA effectively neutralized many al-Shabab militants, with an estimated 100 extremists being eliminated during the confrontation. The SNA also suffered casualties, with seven soldiers losing their lives in the early morning attack. Among the dead was a senior US-trained Somali national army commando Hassan Ture. Ture was a crucial figure in the ongoing military offensives against the al-Shabab terror group in the central region. The targeted base is run by Danab, a unit of U.S.-trained commandos who have played an active role in the offensive against the militants. Drones were deployed to reinforce the military, carrying out bombings against the militants and chasing them out of the town. The post TURKEY condemns deadly terror attack in Somalia appeared first on Caasimada Online.
