Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “I have made this commitment to King Mohammed VI. It is cast in stone,” Liberia’s President said. Source: Hiiraan Online
  2. Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sida la xaqiijiyay shaqa joojin lagu sameeyay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa shaqada looga joojiyay Agaasimaha. Xogaha ayaa sheegaya in dhanka Madaxtooyada Puntland ay ka timid shaqa joojinta Agaasimaha islamarkaana wasiirka lagu amray warqaddaas. PUNTLAND POST The post Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Puntland oo shaqada laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  3. Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa lagu soo rogay ganaax, kadib markii uu soo duubay muuqaal uu saarnaa gaari isaga oo aan xirneyn suunka badbaada. Sunak ayaa raalli gelin ka bixiyay falkii uu ku kacay, waxaana uu sheegay xafiiskiisa in uu bixin doono ganaaxa lagu soo rogay. Ra’iisulwasaaraha ayaa loo haystaa in uu ku xadgudbay ixtiraamka sharciga dalka, markii uu soo dhigay baraha bulshada muuqaalka uu iska duubay. Dadka rakaabka ah ayaa haddii la qabto iyaga oo aan xirneyn suunka badbaada ah waxaa lagu ganaaxa lacag dhan 100 gini, iyadoo haddii qofka maxakmadda uu ka soo hor muuqdo lagu ganaaxo lacag dhan 500 gini, waana markii labaad ee uu muteysto Sunak ganaax. Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa ganaax lagu soo rogay isaga iyo Boris Johnson iyo xaaskiisa Carrie jabinta kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga Covid-19 – iyagoo ka qeyb galay xaflad dhalasho aheyd oo loogu talagalay Ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Downing Street bishii Juun 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. League leader Arsenal are in the market for some payback Sunday when they host Manchester United at Emirates Stadium in a critical English Premier League match. United (12-3-4) handed the Gunners their only loss this season when the teams met at Old Trafford in September. Arsenal have 10 victories and two draws in their 12 league games since then. Arsenal (15-2-1) entered Matchweek 21 with an eight-point lead atop the table after beating Tottenham 2-0 last Sunday. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) today officially handed over Maslah Forward Operating Base (FOB) to the Federal Government of Somalia, ceding control of the facility it had occupied since 2012. Source: Hiiraan Online
  6. WAJIR, KENYA — Security officials in Kenya say they have killed 10 suspected al-Shabab militants in Kenya's northeast, just a week after militants there killed four engineers near a regional development project. Source: Hiiraan Online
  7. Maamulka gobalka banaadir iyo qaar kamid ah shacabka caasimadda Muqdisho ayaa ku guulaystay in ay damiyaan dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa Bakaaraha. Dabka ayaa ka kacay agagaarka qaybta lagu iibiyo dahabka, waxaana uu ku faafay dabka qaybaha kale ee ka agdhawaa goobta uu dabka ka bilaabmay. Dabsamiska maamulka gobalka banaadir ayaa kadib saacado oo uu dabka socday markii dambe ku guulaystay in ay damiyaan dabka. Taliyaha qaybta booliiska gobalka Banaadir G/le sare Mahdi Cumar Mumin, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir Yabooh iyo maamulka gobalka ayaa qayb ka ahaa gurmad lagu daminayay dabka xalay ka kacay suuqa wayn ee bakaaraha. Khasaaro hantiyadeed oo aad u badan ayaa ka dhashay dabka qabsaday suuqa, waxaana ku burburay hanti aad u badan taas oo suuqa taallay. Sikastaba dabka ka kaca suuqa bakaaro ayaa sanadihii dambe noqday mid soo noqnoqday, waxaana ay ahayd dhawaan markii uu dab noocan ah uu ka kacay suuqa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saray magaalooyin waaweyn oo taariikh fog leh oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle saddexdii billood ee lasoo dhaafay. Dhowr iyo toban sanno ayey ka talinayeen deegaanada laga bixiyay, waxay qaadayeen lacago joogto ah oo dhowr waji leh. Umadda deeganadaasi ku nool waa ku qasbanaayeen inay aqbalaan amarada kooxda, laakiin dilka ay Soomaali ku hayaan marka laga tago waxay dad badan isweydiinayaan maxay Al-Shabaab ku siyaadiyeen dhulkii ay maamulayeen waqtiga fog. Al-Shabaab waa diideen hay’addo caalami ah inay tagaan dhulkii ay ka talinayeen, sidoo kale dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedna midna ma tagi karin si deegaanadaasi looga fuliyo adeegyo waxtar u noqon lahaa bulshada. Aadan Yabaal, Xarardheere iyo Ceel-dheer waa tusaalaha dhabta ah ee lasoo qaadan karo marka la rabo in la eego xaalka dhulkii ay mudada fog maamulayeen Al-Shabaab. Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe. Laakiin lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin, taasi oo banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika. Mushaarka ay kooxda siiso dagaalamayaasheeda ma badna, lacagaha ay qaadana qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shakisneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab. Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero. Waxyaabaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya hadda baareyso waxaa kamid ah dadka lacagaha ugu shaqeeya Al-Shabaab. Dhulka Al-Shabaab laga saaray waxaa laga diiday manhajka waxbarashada dalka, waxaana lagu badalay manhaj Al-Shabaab oo soo saaraya rag iyo dumar u tababaran is-qarxin iyo gaaleysiin. Iskuuladii nidaamiga ahaa ayaa ku burburay dhulkii ay haysatay Al-Shabaab ee gobolada dhexe, taasi oo si weyn u lumisay nolosha jiilkii deegaanadaas ku dhaqna. Dhulkii ay Shabaab ka talinayeen ee Gobollada Dhexe ma haysan Isbitaalo, dadka inay aadan Xamar, Beledweyne, Dhuusamareeb ama Gaalkacyo ayey ku qasbanaayeen markay xanuusadaan. Shacabka ay lacagaha baada ah kooxda ka qaadeyso, ma aanay awoodin inay kooxda weydiiyaan waxa lagu qabto lacagaha laga qaado mar haddii aysan heli karin wax adeeg bulsho ah. Kooxdu garoomo ma dhisin, waddooyin ma sameyn, hal aragti oo shaqo abuur ah kuma siyaadin dhulkii ay haysteen, mana jiraan wax horumar ah oo ku siyaaday deegaanada hadda laga saaray. Taas badalkeeda Al-Shabaab waxay deegaanadaasi ka faa’iideysay dhaqaalo iyo inay maskax badalaan caruurta kadibna ay ku qanciyaan dagaal iyo is-qarxin. Inkasta oo Al-Shabaab dhibaato guud ku hayso bulshada Soomaaliyeed, haddana waxaa hadda banaanka timid in aanay hayn fikrad iyo hal abuur maamul oo waxyar ku siyaadin kara nolosha bulshada Soomaaliyeed. Dadka kasoo jeeda dhulkii ay Al-Shabaab xooga ku haysteen shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay waxay maanta dareensan-yihiin in horumar ahaan ka dambeeyaan Soomaalida kale ee deegaanadooda u diiday Al-Shabaab. Shan iyo toban sano oo dib u dhac ah, fursada qura ee maanta furan waa in dalka la dhaafiyo Al-Shabaab, si ay ganacsatada, qurbo-joogta, dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ugu fududaato in mashaariic horumarineed laga bilaabo deeganadaas dib u dhaca u weyn kala kulmay Al-Shabaab. The post Waxyaabaha loogu tagay dhulkii laga saaray kooxda Al-Shabab iyo lama filaan cusub appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee koonfur galbeed. Xasan Sheekh ayaa ku booriyay odayaasha in ay qaataan doorkooda ku aaddan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeeynta iyo wadatashayida xalka loogu heelayo xiisadda siyaasadeed ee koonfur galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay odayaasha ay saldhig u yihiin dib u heshiisnta iyo nabadda maamulka koonfur galbeed. Odayaasha ayaa dhinacooda madaxweynaha jamhuuriyadda la wadaagay aragtidooda xal u helidda xiisadda taagan iyo gogoasha wadatashi ee ka furan magaalada baydhabo. Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha golaha shacabka sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Turkiga oo ishortaagay booqasho wasiir Sweden ka socda uu Ankara ku iman lahaa Turkiga ayaa joojiyey booqasha uu wasiirka gaashaandhigga Sweden uu ku iman lahaa Ankara. Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga. Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga. Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan. Wasiirada Turkiga iyo Sweden ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto Gaashaan buurta NATO. Qaran News
  11. Mudaharaad looga soo horjeedo Israel oo Telaviv ka dhacaya Dad ka badan 100 kun oo qof ay ka qayb galeen ayaa la filayaa iney ka qayb galaan mudaharaad ka dhacaya waddooyinka magaalada Tel-Aviv kaasoo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ay ku dhimeyso awoodda Maxkamadda Sare ee Israa’iil. Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Raysal wasaarihi hore Yair Lapid iyo siyaasiyiin kale ayaa la filayaa iney mudaharaadkaasi ka qayb qaataan. Dadka ka soo horjeeda qorshaha dowladda ay ku dhameyso awoodda maxkamadda sare waxay ku tilmaameen iney tahay mid wiiqeyso dimuqraadiyadda Israa’iil. Booliska Israa’iil ayaa heegan la geliyey si ay uga hortagaan mudaharaadyada dowladda looga soo horjeedo oo la filayo iney ka dhacaan waddooyinka magaalada Telaviv si ay isugu diyaariyaan. Taageerayaasha dowladda ay siyaasaddeedu midigta tahay oo taageeraya isbaddalka la qorsheynayo in lagu sameeyo awoodda garsoorka ayaa iyaguna la filayaa iisu soo bax ay dowladda ku taageerayaan iney dhigaan. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay halka ay ka soo bilaabmeen kooxaha argagixisada ah ee sheegta inay udagaalamayaan magaca Diinta Islaamka. Dr. Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in “fikirka xagjirka” ee gudaha dalka uu soo billowday 48 sanno kahor, taasi oo ay horseed u aheyd qalad ay ku kacday dowladdii millateriga aheyd ee uu horkacayay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare. “48 sanno ka hor, 23 Janaayo 1975-kii waa maalin murugo leh oo dowladii kacaanku dishay 10 Sheekh, xabsiyadana dhigtay boqolaal. Culumadu waxay ka horyimaadeen xeerka qoyska oo Islaamka ka soo horjeeday. Ilaaheey ha u naxariisto dhamaan.” Waxa uu tilmaamay in masuuliyada fikirka xagjirka ah ee Soomaaliya gudaheeda loogu dilay kumanaanka ruux ay masuul ka tahay dowladdii millateriga oo ayadda ka dhasheen ficiladeeda kooxaha ay kamidka tahay Al-Shabaab. “Diinta Islaamka oo dowladii millateriga ay suurad xumaysay ayey ka dilaaceen (Shabaab iyo kooxaha xagjirka) ee haatan Diinta sida qaldan dadka ugu laynaya,” ayuu yiri. “Taariikh ahaan Khawaariijta sida qaldan Diinta u fasirta waxay soo bilaawdeen xiligaas, oo Diinta Islaamka ay ku xad-gudbeen xubnihii hogaamin jiray dowladii kacaanka. Marnaba masoo boodin kooxdaan (Shabaab) balse xiligaas ayey abuurmeen.” Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay culimadii ficilka noocaas ah lagula kacay xilligaan aan loo sameyn wax xushmad iyo xasuus ah, taasioo ay mudnaayeen sida uu sheegay. “Masaajidkii ugu waynaa Soomaaliya ee Cabdulqaadir ee ku yaalla Xamarwayne oo ay dhaheen culumada xeerkan Qoyska Diinta ma waafaqsano ee halaga laabto wixii ka dhacay waala ogaa in culumadii la-laayay, oo masaajidka laga watay aysana jirin xiligaan wax xushmad iyo xusuus loo sameeyo, waa wax laga xumaado.” “Culumadaas waxay ka caroodeen markii la yiri raga iyo dumarka dhaxalka waa u siman yihiin, oo uu ka yiri Stadium Konis, kadibna Culumo ay dhaheen war saan maahan Diinta Islaamka oo ay nabad-sugida u dhacday kadibna la geeyay Iskuul-Buluusiya oo dadka daawanaya la-laayay Culumada, oo aysan jirin dad ka hadlay oo yiri sidaan Xaq maahan.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in culumada dowladdii millateri ay xasuuqday lagu xuso khudbadaha Jimcaha iyo Telefishanada, lana joogteeyo xuska maalinta difaaca Qur’aanka iyo shareecada Islaamka. The post Dr. Baadiyow: Argagixisada waxay ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladdii militariga appeared first on Caasimada Online.
  13. Magaalada Laascaanood ayaa lagu soo dhaweeyay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah isimada dhaqanka ee gobolka Sool. Qaran News
  14. New York (Caasimada Online) – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay markale go’aamiyeen in Soomaaliya ay weli leedahay xuquuqda cod-bixintooda, iyaga oo shaaciyay illaa lix dal oo lumiyey xuquuqda golaha. Dowladda Soomaaliya ayaa sida la ogyahay weli aan bixin qaaraankii Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labaddii sanno ee la soo dhaafay. Go’aankan ayaa noqonaya midkii sanadkii labaad ee Soomaaliya iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo qarashka miisaaniyada sanadlaha ee Qaramada Midoobay. Lix waddan ayaa lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta Qaramada Midoobay, kadib markii ay bixin waayeen qaaraankii laga rabay, kuwaasi oo kala ah; Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezuela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea. Dalka Lubnaan oo kamid ah dalalka lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta QM ayaa waxa uu sheegay in uu bixin doono 1.8 million oo dollar, oo ah qaaraanka kaga soo aaday miisaaniyada howl-gelinta QM. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Lubnaan ayaa sheegtay in lacagtaas u bixineyso sidii ay dib ugu heli laheyd xuquuqda cod-bixintooda, taasi oo ay hadda lumisay, sida uu sheegay Golaha Guud ee QM. Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya “go’aanka dalalka aan bixinin kharashka miisaaniyada lagu socodsiiyo howlaha QM.” The post Golaha guud ee Qaramada Midoobe oo qaaday tallaabo Soomaaliya loogu ogolaaday… appeared first on Caasimada Online.
  15. In the last six months, the Somali National Army with the support of Community Defense Forces drawn from different clans have inflicted a heavy casualty toll on Al-Shabaab and recovered large swathes of territories in an unprecedented approach since Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa goordhow qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa. Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa deg deg u gaaray suuqa, si loo baqtiiyo dabka. Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay deg deg u tageen suuqa. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan laga qabo in dabka la xakameeyo, oo aad uusan ugu faafin suuqa qeybihiisa kale. Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, wuxuuna dabkaan ugu yaraan sanadkiiba hal mar suuqaas ka geystaa khasaare hinti oo aad u badan. Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo. Gubashada soo noqnoqotay ee suuqa Bakaaraha ma jirto cid ogaatay ilaa hadda sababta ka dambeysa. Dowladdu ma baarto sababta keenta dabkaan sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqaan weyn ee Bakaaraha, sidoo kale ganacsatada suuqa ayaa lagu eedeeyaa in taxadarkooda uu aad u hooseeyo. Hoos ka eeg sawirrada suuqa oo gubanaya The post Sawirro: Qeybtii ugu muhiimsaneyd Suuqa Bakaaraha oo caawa gubaneysa appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa warbaahinta u sheegay in askar loo soo xiray dilkii saakay wiilka Bajaaj-ta waday loogu geystay degmada Howlwadaag. Macalin Mahdi ayaa sheegay in geeridii wiilkaas kadib ay saakay deg deg u soo gaareen goobta oo la xiray dhamaan ciidankii joogay aaggaas, isla markaana lagu bilaabay baaritaan. “Si cadaaladda looga gun-gaaro, waxaan ku dadaaleynaa in dambihii wiilkaas dilka u geystay aan banaanka soo dhigno waqti dhow,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi. Taliyaha ayaa digniin adag u diray ciidamada ka howlgala gobolka Banaadir, isagoo carrabka ku adkeeyey in qofkii dil geysta aan looga hari doonin oo cadaaladda uu dhedhemi doono isna. “Kuwii horay dilalka u geystay waan ku raad joognaa, kama hari doono, muwaadin in la dilo waa dhamaatay, adduunka meeshii aad ka tagto waan ku soo qaba doonaa hadii aad dadka disho,” ayuu ciidanka ugu goodiyey Taliye Macalin Mahdi. Wuxuu intaas ku sii daraya, “Dadkaan reer Muqdisho waxaa dil ku dhameysay Al-Shabaab, ciidankii amnigooda ilaali lahaa inay dilaan kama yeeli doono, kas ama kama’ mid aad ku baxsa doonto ma jirto askariyow ee dadka ha isku dilin.” Taliyaha ayaa sheegay in maanta uu la kulmay Hooyadii iyo Aabihii dhalay wiilkii maanta lagu dilay Howlwadaag, isla markaana uu u tacsiyeynayo mar labaad geerida wiilkooda. “Shacabka Soomaaliyeedow ku dega, waa xiran yihiin raggii dilkaas geystay, waana soo bandhigi doonaa, baaritaan ayaa ku socda askarta oo waa la kala saarayaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir. Taliyaha ayaa ka digay banaanbax dambe oo rabshado wata, hadii ay dhacaan falal lamid ah kii maanta, isagoo si gaar ah ugu digay darawalada mooto Bajaaj-ta. “Qof kasta oo banaanbax been ah ku qariba badqabka umadda kale, sharciga ayaan la tiigsa doonaa, idinkama yeeleyno in qalad-qalad lagu saxo, anagaa u taagan in dambiile kasta aan soo qabano ee joojiya dhibaatooyinka kale oo aad sii geysaneysaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Macalin Mahdi. Darawallada mooto Bajaaj-ta ka shaqeysa gudaha Muqdisho dad u badan ayaa saakay banaan-bax xoog leh oo rabshado wara waxay ka dhigeen inta u dhaxeysa isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha, kadib markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay isgoyska Howlwadaag. Hoos ka daawo The post Daawo: Macallin Mahdi oo war kasoo saaray dhacdadii maanta ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardar-geliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay aas-aas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samata-bixinta dalka. Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyey in haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaada nabadeynta iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga reer K/Galbeed. Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo wixii mushkilad ah ee K/Galbeed ka jira. Sidoo kale odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay qorshaha uga degan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanadooda iyo horumarinta deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii 6-aad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhaba. Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed. Shirkii uu madaxweynuhu ka furay Baydhaba ayaa weli socda, waxaana la doonayaa inay ku heshiiyaan siyaasiyiinta reer K/Galbeed, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda war-saxaafadeed laga soo saaro. The post Wararkii ugu dambeeyey kulamada Xasan Sheekh uu ka wado Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta deegaanka Janaay Cabdalle oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo deegaan kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Alle uga mahad-celinayaan guulaha is xig-xiga ee uu ku galladay iyo jabka ay gaarsiiyeen cadowga ummadda ee Khawaarijta,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in deegaankan ay maanta ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab uu yahay “marin muhiim ah oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu soo sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu socon doono illaa kooxda laga cirib-tirayo guud ahaan dalka. “Halganka looga xoreynaayo dhammaan deegaannada fara-kutiriska ah ee ay Khawaarijtu ku suganyihiin wuu socon donaa ilaa aan dadkeenna iyo dalkeenaba aan ka dulqaadno heeryada cadowga.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Halganku wuu soconaya meel walbana waan ugu tagaynaa cadowga si aan dadkeena iyo dalkeenaba uga xoreyno Insha Allah.” Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post R/Wasaare XAMZA oo war kasoo saaray guul ay maanta gaareen ciidanka dowladda appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo dhawaan degmadaas laga xoreeyey. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay: 1- Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe), 2- Cabdi Gaanyaco, 3- Iyo Mascuud Cali Lugey. Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug Cabdullaahi Calasow oo faahfaahin ka bixiyey howlgallo miino baaris ah oo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay si nabad ah u soo saareen 8-miino. “Maanta ilaa maalintii aan magaaladaan cadowga ka xoreynay waxaan ka wadnay baaritaan, waxaan ka soo saarnay 8 qarax oo nooca miinada ah,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo kormeereen qoysaskii ka barakacay magaalada, isla markaana ay ku war-geliyeen inay idb ugu soo laabtaan guryahooda, maadaama magaalada laga nadiifiyey qaraxyadii. “Dadka ka soo jeeda degmadaan Ceeldheer waxaan ugu baaqayaa inay u soo gurmadaan dadkooda oo mudo dheer ay dhibaateyneysay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug ayaa madaxweynaha Galmudug ka codsaday in shacabka magaalada Ceeldheer ay soo gaarto gacanta Galmudug ay uga baahan yihiin, maadaama magaalada laga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan. The post Sawirro: Xubno Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogeyaal oo lagu qabtay Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray weerarkii shalay ay Al-Shabaab ka geysatay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay ku dhinteen taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Tuure iyo 6 askari oo kale. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay kadib weerarka Shabaab inay qaadeen weerar is-difaac ah oo wada-jir ah, islamarkaana ay duqeyn ku dileen 30 kamid ah dagaalamayaasha kooxda, sida uu sheegay. AFRICOM ayaa qoraalkeeda ku xustay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday shalay ay tiradoodu gaareysay illaa 100 dagaalame. “Falalka is-biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah iyo duqeynta is-difaac ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen burburka saddex baabuur iyo dhimashada ku dhawaad soddon ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.” Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in howl-galkan uu fuliyay uusan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaarto. Ilaalinta rayidka ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si uu u horumariyo ammaanka Afrikaanka oo dhan.” “Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababarada, la-talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si ay gacan uga geystaan sidii loo siin lahaa agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab, oo ah shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan.” Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay shalay shaacisay in weerarkii Galcad ku naf waayeen in ka badan 100 maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab. “In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal xaqiijin ah oo shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda qirtay in weerarka Shabaab ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii DANAB, Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure). Weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday midka DANAB uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug. Intii ay dhisnaayeen ciidanka DANAB ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii. Ciidanka DANAB oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka. The post Mareykanka oo u aarguday taliye Tuure oo ka mid ahaa saraakiisha uu tababaray appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (Caasimada Online) – United States Africa Command (AFRICOM) announced Friday that it had conducted a collective self-defense strike supporting the Somali National Army (SNA) engagements against al-Shabab. The strike took place approximately 260 km northeast of Mogadishu near Galcad, Somalia, where SNA forces were engaged in heavy fighting following a complex, extended, and intense attack by more than 100 al-Shabab fighters. According to AFRICOM, the combined actions by partner forces on the ground and the collective self-defense strike is estimated to have resulted in three destroyed vehicles and approximately thirty al-Shabab terrorists killed. The command also stated that given the remote location of the fighting, it assessed that no civilians were injured or killed. The U.S. is one of several countries supporting the Federal Government of Somalia’s ongoing campaign to disrupt, degrade, and defeat terrorist groups. The U.S. Africa Command is the defense arm of the U.S. whole-of-government approach with African partners, which includes diplomacy, development, and defense. “Somalia remains central to stability and security in all of East Africa. U.S. Africa Command’s forces will continue training, advising, and equipping partner forces to help give them the tools they need to defeat al-Shabab, the largest and most deadly al-Qaeda network in the world,” the statement read. Somali National Army announced a decisive victory on Friday, as they successfully repelled an attack on a military base in Galcad, a town in the central Somalia region. According to a government statement, the SNA forces effectively neutralized a substantial number of al-Shabab militants, with an estimated 100 extremists being eliminated during the confrontation. The SNA also suffered casualties, with seven soldiers losing their lives in the early morning attack. Among the dead was a senior US-trained Somali national army commando Hassan Ture. Al-Shabab, fighting to overthrow the internationally backed government, claimed responsibility for the attack, stating that their fighters killed 159 government forces. However, it is not uncommon for the al-Qaida-affiliated group to inflate casualty figures during battles with government security forces. The U.S. Africa Command says it will continue to assess the results of this operation and will provide additional information as appropriate. Specific details about the units and assets used will not be released to ensure operations security. The post AFRICOM ‘kills’ 30 Al-Shabab in Somalia operation appeared first on Caasimada Online.
  23. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay guddi ay soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed. Guddigaan ayaa ka shaqeynaya sidii xal loogu heli lahaa dhinacyada isdiidan ee isku haya xukunka dowlad gobaleedka Koonf Galbeed. Xubnahaan ayaa ka soo tala bixin doona xaaladda taagan, iyaga oo markaas kadib ku soo celin doonaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com