Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay madax ka socotay hay’adda UNHCR. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in wasiir Juxaa uu Boosaaso ku qaabilay madaxda Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica. Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland sida lagu sheegay qoraalkaas. Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulanka mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo hay’adda UNHCR oo ka wada-hadlay Maareynta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbalayn in askarta oo ilaalin laheyd shacabka in ay iyagu ku xad-gudbaan. Madaxweynahay ayaa hadalkaan ka sheegay xarunta tababarka ciidamada taliska 60-aad ee xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo oo maanta uu kormeer ku tagay, halkaas oo dufcadda 15-aad ee ka qalin-jabisay dugsigan. Xasan ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaanada uu ka bilaabanayo Koonfur Galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur Galbeed in ay dardar-geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta. Digniinta uu madaxweynaha siiyay markale askarta ayaa imanaya xilli ay kordheen dilalka ciidamada dowladda ka geystaan gudaha caasimada, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah. Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil ugu geystay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, kaasi oo xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda. Dhacdadan ayaa shalay sababtay dibad-bax, ayada oo goobta dilka ka dhacay isugu so baxeen shacab careysan iyo darawalo, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay markale rasaas u adeegsadeen, waxaana goobta ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo qof kale, kadib markii ay haleeshay rasaastu. Madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha. The post Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin askarta Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  3. Garaadka guud ee Gobollada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa lagu wadaa in uu Isniinta berri ah gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Garaadka Jaamac Garaad Cali ayaa mudda 15 sano ah ka maqnaa Laascaanood waxaana uu isaga tagay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood. Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood kaas oo daba socda kacdoonka Shacabka. Ciidamada Somaliland ayaa Laascaanood qabsaday 15 October 2007 waxaana markaas kadib magaalada ka bilowday dilal qorshaysan oo lagu laayay haldoorkii Beelweynta Sool clan. Dilalka qorshaysan ayaa Laascaanood ka socday mudda 15 sano ah oo Somaliland ka talinaysay halkaas islamarkaana dhammaantood ma jirto cid loo qabtay. PUNTLAND POST The post Garaadka guud ee Beelaha SSC oo lagu wado in uu berri gaaro Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab goor sii horeysay ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in dabley Shabaab ah oo shan ruux ah ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Baanaadir, uuna hadda socdo dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Shabaab iyo ciidanka dowladda. Waxa kale oo lasoo warinaya in dableyda weerarka qaaday mid kamid ah uu is-qarxiyay, halka laba kale ay toogteen ciidamadda amniga, waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose ka dhex dagaalamaya laba dagaalame oo Shabaab ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in hadda ay dagaalka kusoo biireen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Haramcad, kuwaasi oo howl-galka guud ahaan la wareegay. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada, illaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin. Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in la soo bad-baadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo ku sugna Aqalka dowladda Hoose. “Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Xarunta gobolka Banaadir oo ah halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo. Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada. The post Wararkii ugu dambeeyay weerarka xarunta GOBOLKA BANAADIR iyo masuuliyiin… appeared first on Caasimada Online.
  5. Kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne. Dhowr qarax oo isxigxiga ayaa la maqlay, waxaana saraakiisha dowladda ay xaqiijiyeen in dagaalamayaal Al-shabaab ah ay gudaha u galeen xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, iyadoo uu socdo howlgal lagula dagaalamayo kooxdaas. Gudaha xarunta waxaa ku jirta mas’uuliyiin heer gobol, heer degmo, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo aan la ogeyn xaaladooda. PUNTLAND POST The post Xarunta gobolka Banaadir oo la wareeray appeared first on Puntland Post.
  6. As a Somali Kenyan academic, I rarely respond to many analyses on Somalia. But I occasionally find reason to respond especially when my peers raise issues which I find touches on peace and international security, my two areas of academic interest Source: Hiiraan Online
  7. Xukumada Somaliland oo cashuur ku Kordhisay Qaadka ka yimaada Itoobiya,Ka Kiiniya ka yimaadana Cashuurtii laga qaadi jirtay ka dhintay Qaran News
  8. At least five people were injured in a blast on Sunday at the gates of the mayor's office in Somalia's capital Mogadishu and gunfire continued to sound, a member of the ambulance service and a witness said. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya illaa saddex qarax oo goordhow lagu weeraray xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu dhuftay dhabarka dambe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ay xarunta ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa darunta dowladda hoose iyo Muqdisho Mall, halkaas oo ay ka socoto is rasaaseyn xoogan. Jugta qaraxydan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo la dagaalamaya ragga weerarla ku galay xarunta gobolka Banaadir. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada. Xarunta gobolka Banaadir oo halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo. Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howlgallada ka billowday gobollada dalka, waxaan weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays o ku yaalla agagaarka madaxtooyada. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xarunta gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially transferred control of the Maslah Forward Operating Base to the Federal Government of Somalia. According to ATMIS statement, The transfer of control was carried out per the joint Concept of Operations and the Somali Transition Plan, which the Federal Government of Somalia developed, ATMIS, the United Nations, and development partners to guide the transition process. A land lease agreement was signed by the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, and Somali State Minister for Defence, Abdinur Daahir Fidow, during a ceremony held in the capital, Mogadishu. The ATMIS Burundi contingent has already left the facility, and the Somali National Army subsequently took it over on January 15th. Ambassador Souef highlighted the crucial role the FOB played in securing the capital, Mogadishu, and facilitating the mission’s military operations. He also mentioned that the FOB enabled troops to secure the significant supply route connecting Mogadishu and the hinterland, ensuring the safe and secure movement of goods and services, which is vital for the economic and social development of the country. Somalia’s State Minister for Defence stated that the handover comes at a time when the Federal Government has intensified military operations against Al-Shabab in central and south Somalia. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) Director Amadu Kamara praised the stakeholders for making the process successful despite numerous challenges. The Acting ATMIS Force Commander, Brig. Gen. Peter Omola spoke about the history and significance of the FOB, noting that the facility has acted as a bulwark against terrorist attacks by Al-Shabab militants. The commanders of the ATMIS Burundi contingent, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana thanked the local community in Maslah for their support over the years. He stated that his troops would continue playing a part in the stabilization process. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission announced that the mission is implementing a comprehensive plan that will address conservation issues and ensure respect for the environment in its activities. “Going forward, the mission will prioritize good environmental practices in all its military operations, focusing on using environmentally friendly technology to power its Forward Operating Bases,” said the envoy. The post ATMIS hands over control of key military base in Mogadishu to Somali government appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA oo u warramay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalka & kororka weerarada rogaal celiska ee ay kooxda soo qaado. Korneel Macow ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhowr sababood oo Al-Shabaab u sahashay inay weeraro gaadmo ah ku soo qaado farisiimaha ciidamada huwanta. Midda koowaad ayuu ku sheegay in uu jiro is barbar yaac ciidanka dhexdiisa ah, maadama ay ka kooban yihiin dhow qaybood, isla-markaana ay leeyihiin hoggaan kala duwan. “Waxa isbedalay waxaa waayey dagaalka Shabaabka lagula jiro waxa uu noqday dagaal ay kula jiraan dadka deegaanka iyo ciidamada Xoogga dalka marka waxaa isku dhex yaacay ciidamadii oo kala gadisan oo kala nooc ah. Gorgor oo si gooni ah u tababaran, Danab iyo ciidanka hore ee Xoogga dalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka ka dalaamaayey ee Macawiisleyd,” ayuu wareysigan ku yiri orneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta marka ay qabsadaan deegaan inay u kala dagaan qayb qayb, islamarkaana aysan isku gurman, sida uu hadalka u dhigay. “Sababaha waxaa kamid ah marka uu ciidanka deegaanka qabsado tusaale Galcad marka la qabsaday dadka deegaanka u dhashay meel ayey dageen ayaga oo hubeysan, ciidanka kalena ee Xoogga dalka meeluu dagay, Danab-na si gaar ah ayey meel u dagtay marka waxaa waayey aagag isku dhow oo aheyd inay isku gurmaadaan ayey aheyd gurmadna ma helin ciidankan la soo weeraray,” ayuu markale yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caqabad kale ay ka timaado xubnaha Shabaab ee isa soo dhiibayo, kahor inta aysan ciidamada dowladda gudaha u geln deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in loo baaan yahay in dadkaasi la marsiiyo habraacyo amni oo sax ah. Koreelka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in sidoo kale ciidanku ay isticmaalaan balwad, sida Qaadka oo kale, taasina ay halis ku tahay ciidamada, maadaama ay dagaal adag ku jiraan, isaga oo ku taliyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay wax ka qabato arrintaasi. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ciidamada iyo saraakiishooda aysan sameyn roondo, isla-markaana uu weerarka ku qabsado xerada dhexdeeda, taasina ay sii kordhineyso khasaaraha, isaga oo soo jeediyay in la sameeyo difaac adag iyo sahan jooogto ah. “Mida kale waxaa u sababa waa inay 24 saac maalin iyo habeenba ciidanka wa a inuu sahan leeyahay Roondo waa inuu leeyahay meesha ciidanka uu ku sugan yahay waa inuu jiro difaac adag,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Korneel Cabdullaahi Cali Macow The post Daawo: Maxaa sabab u ah kororka weerarada AL-SHABAAB? appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay burbur iyo khasaare hantiyeed. Dabka ayaa ka bilowday qaybta Maacuunta ee Suuqa Bakaaraha, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo ganacsi, sida qaybta Dahablaha iyo qaybta Bacadlaha. Sidoo kale waxaa ku basbeelay goobo badan oo ay ku yaaleen Harqaano iyo Dukaamo lagu iibiyo Dharka iyo Malabka, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay mid kamid ah goobaha ganacsi ee suuqa, taas oo mar qura holacday, isla-markaana gubtay suuqa. Mas’uuliyiinya Maamulka gobolka Banaadir oo goobta tegay ayaa ku guuleystay daminta dabkan, kadib markii ay adeegsadeen gaadiidka dab damiska, waxaana sidoo kale ka qayb qaatay dadaallada lagu damiyay dabkan qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo suuqa tegay. Guddoomiyaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo gudaha suuqa kula hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay dabkaas iyo gurmadka ay sameeyeen. “Suuqa Bakaare caawa dab ayaa ka kacay waa lagu guuleystay in la damiyo, welina howsha waa ay noo socotaa,” ayuu yii guddoomiyaha degmada Howlwadaag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu jiro khasaare lixaadleh oo soo gaaray ganacsatada, balse waxa uu tilmaamay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah. “Waxaan ka hadli karnaa in aan weli nafi ku go’in, laakiin hanti waa ku baaba’day” ayuu markale yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale waxaa goobta ciidamada ammaanka oo uu horkacayey taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi oo sugayey amniga suuqa, si uusan boob u dhicin. Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha. The post Wararkii ugu dambeeyay ee KHASAARAHA ka dhashay dabkii Bakaaraha + Video appeared first on Caasimada Online.
  13. Stockholm (Caasimada Online) – Tensions between Turkey and Sweden have escalated following a series of protests in the Swedish capital Stockholm on Saturday. The protests were against Turkey and Sweden’s bid to join NATO and included burning a copy of the Koran by an anti-immigrant politician from the far-right fringe. This act led to a strong condemnation from the Turkish Foreign Ministry, which stated that “permitting this anti-Islam act, which targets Muslims and insults our sacred values, under the guise of freedom of expression is completely unacceptable.” The ministry called on Sweden to take action against those responsible. It urged all nations to take concrete measures against Islamophobia. Rasmus Paludan, the head of the Danish far-right political group Hard Line, set fire to a Koran. Paludan, who also holds Swedish citizenship, has previously staged similar protests where he burned the Muslim holy book. According to the permit he obtained from the police, his demonstration was targeted at Islam and the perceived influence of Turkish President Tayyip Erdogan on freedom of expression in Sweden. The Swedish Foreign Minister, Tobias Billstrom, condemned the Islamophobic provocations and stated that while Sweden upholds freedom of expression, it does not mean that the government or himself personally endorses the views expressed. The Koran burning led several Arab countries, including Saudi Arabia, Jordan, and Kuwait, to denounce the act. Saudi Arabia called for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence and rejected hatred and extremism. Sweden and Finland applied last year to join NATO following Russia’s invasion of Ukraine. However, all 30 member states must approve their bids. Turkey has stated that Sweden, in particular, must first take a more unambiguous stance against what it sees as terrorists, mainly Kurdish militants and a group it blames for a 2016 coup attempt. In addition to the protest against Sweden’s bid to join NATO, a separate protest took place in the city supporting Kurds. A group of pro-Turkish supporters also held a demonstration outside the embassy. All of these gatherings were approved by the police with permits. In Istanbul, a group of around 200 people set a Swedish flag on fire in front of the Swedish consulate to respond to the burning of the Koran. Turkey also announced that it had canceled a planned visit by the Swedish defense minister to Ankara, citing a lack of action to restrict the protests. Turkish Defence Minister Hulusi Akar stated, “it is unacceptable not to make a move or react to these (protests). The necessary things needed to be done, and measures should have been taken.” Source: Caasimada Online and News Agencies The post Turkey and Sweden tension escalates with burning of the Koran in Stockholm appeared first on Caasimada Online.
  14. Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa maanta ku wajahan magaalada Laascaanood. Garaadka iyo wefdigiisa oo ay galbinayaan cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga SSC ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Soo dhawaynta wefdiga Garaad ayaa laga dareemaya guud ahaan magaalada Laascaanood waxaana u diyaar-garoobay dadweyne fara badan. Shacabka Laascaanood oo ku labbisan calanka Qaranka Soomaaliya iyo kan SSC ayaa sida wararku sheegayaan jidadka u taagan soo dhawaynta Garaad. PUNTLAND POST The post Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. WASHINGTON (AP) — The FBI searched President Joe Biden’s home in Wilmington, Delaware, on Friday and located additional documents with classified markings and also took possession of some of his handwritten notes, the president’s lawyer said Saturday. Source: Hiiraan Online
  16. Baadhayaasha Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DoJ) ayaa lix dukumeenti oo kale oo sir ah ka helay guriga madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden kadib baadhitaan 13 saacadood qaatay oo lagu sameeyay guriga madaxweynaha ee ku yaalla Delaware, sida uu sheegay qareenka Mr Biden. Qaar ka mid ah dukumeentiyada laga helay guriga Wilmington Jimcihii waxay ahaayeen kuwa ku xusan xog laga soo bilaabo xilliggii uu ​​​​Senater-ka iyo qaar kale oo muujinayay waqtigii uu madaxweyne ku xigeenka u aha ahaa Barack Obama. Qareenka oo lagu magacaabo Bob Bauer ayaa sheegay in dukumentiyada qaar ee la helay ay yihiin ‘qoraal shakhsi ahaan gacanta lagu qoray” iyo agab kale. Xilliggii ay saraakiisha waaxda caddaalladda sameynayaan baadhitaanka, guriga ma joogin Mr Biden iyo xaaskiisa. Madaxweynaha ayaa u ogolaaday saraakiisha inay galaan gurigiisa si ay baadhitaan ugu sameeyaan dhammaan dhismaha oo dhan si loo helo diiwaannada suurtagalka ah xilliggii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa iyo agabka sirta ah,” ayuu yidhi qareenka madaxweynaha oo soo saaray bayaan ku saabsan baadhitaanka. Horaantii bishan qareenada Mr Biden ayaa sheegay in dukumentiyadii ugu horreeyay ee sir ah laga helay 2-dii November Xarunta Penn ee Biden, oo ah xarun qaabilsan cilmi baadhista oo uu madaxwaynuhu ka aasaasay Washington DC. Qeybtii labaad ee diiwaanka ayaa laga helay 20-kii December geerash ku yaal gurigiisa Wilmington, halka dukumeenti kale laga helay meel bakhaar ah oo guriga ku taalla 12-kii January, sida laga soo xigtay qareenadiisa. Markii la helay dokumentiyadaas , madaxweynaha wuxuu sheegay in kooxdiisa ay markiiba ku wareejisay waaxda keydka qaranka iyo sidoo kale waaxda caddaaladda, ma kala cadda sababta uu Biden u heystay dokumentiyadaas sirta ah. Marka loo eego Xeerka Diiwaanka Madaxtooyada, diiwaannada Aqalka Cad waa in la geeyaa Kaydka Qaranka marka uu soo afjarmo xilka uu hayo qofka, halkaas oo si ammaan ah loogu kaydin karo. Qareenka gaarka ah ee madaxweynaha, Robert Hur, ayaa xiliggaas loo magacaabay inuu hogaamiyo baadhitaanka ku saabsan sida waraaqaha xasaasiga ah loo maareeyay. Baadhitaanka dheer iyo helitaanka dukumentiyo badan ayaa madax-xanuun siyaasadeed ku ah madaxweynaha, isaga oo isu diyaarinaya inuu ku dhawaaqo inuu mar labaad isu soo sharrixi doono doorashada sannadka 2024-ta. Mr Biden iyo xaaskiisa, Jill, ayaa sabtid iyo axadda wakhtigooda ku qaadanaya magaalo xeebeedka Rehoboth Beach ee Delaware, halkaas oo ay ku leeyihiin guri kale. Waxaa la baadhay horaantii bishan, lamana helin wax dukumeenti ah, sida ay sheegeen qareenadiisa, sida uu sheegay New York Times. Horraantii bishan ayay aheyd markii ay dib u eegis ku sameyneysay dukumiintiyo ay suurta gal tahay inay sir yihiin oo laga helay xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden ee xarunta baadhista, sida uu sheegay Aqalka Cad. Bishii November ilaa 10 ka mid ah faylasha ayaa laga helay kabadh qufulan oo ku yaalla Xarunta cilmi baadhisyada diblumaasiyadda ee Penn Biden oo ku taalla caasimadda Washington sida uu xaqiijiyay qareenada ee Mr Biden. Madaxweynihii ka horreeyay Mr Biden, Donald Trump ayaa wajahaya baadhitaan ku saabsan in faylal sir ah loo qaaday Florida ka dib markii uu madaxweynaha noqday. Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS News qaybteeda Maraykanka oo wada shaqayn ay kala dhaxayso BBC, FBI ayaa hadda ku howlan baadhitaanka dukumentiyada sirta ah ee laga helay xarunta Penn Biden. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland ayaa laga codsaday inuu dib u eego waraaqaha. Ilo xog ogaal ah ayaa xilliggaas u sheegay CBS News in xidhmadan waraaqaha ah aysan ku jirin siraha nukliyeerka, waxayna waraaqahani ku xidhnaayeen sanduuq ay ku jiraan waraaqo kale oo aan xasaasi ahayn. Source
  17. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare badan geystay oo Xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kasoo damintiisa ay qaadatay saacado badan. Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay qeybta lagu iibiyo Maacuunta, hayeshee uu ku faafay qeybo kale ay ka mid yihiin Dahabka, Malabka iyo dawaarleyaasha Tafaariiqda, waxaana daminta dabkaasi iska kaashaday gaadiidka dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadadaha gaarka loo leeyahay iyo dad shacab ah. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha uu markii hore ka billaamay koronto ku jirtay goob makhaayad ah, hayeeshee waxaa sidaan oo kale dhowr jeer uu dab uga kacay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya. Ammaanka Suuqa Bakaraaha ee xalay dabka ka kacay waxaa sugaayay ciidamo ka tirsan Booliiska Banaadir oo uu hoggaaminaayay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi oo ku sugnaa goobta Dabka ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta dahablaha, waxaa la fasaxay mudadii dabka la daminaayay isticmaalka Mooto Bajaajta oo hore loo joojiyay socodkeeda wixii ka dambeeya 12:00 habeenimo. Qaar ka mid ah ganacsatada goobaha ganacsi ku lahaa meelaha gubtay oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegeen inuu dabka baabiiyay goobo badan oo ganacsi, islamarkaana lagu waayay hanti badan, hayeeshee wali tirakoob rasmi ah lagama soo saarin khasaaraha uu geystay dabka. Source
  18. Kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalada Garoowe. Kooxaha oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo ciidanka Booliska ayaa mararka qaarkood habeenkii ku dagaallama xaafadaha Garoowe. Xalay oo u danbaysay waxaa Garoowe laga maqlay rasaas dhexmaraysay Booliska iyo kooxahan taas oo waxyeello gaarsiisay gurya ay deggan yihiin dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxaha qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada Puntland gaar ahaanna Daraawiishta. Madaxweyne Siciid Deni ayaa hore ugu eedeeyay ciidamada Puntland qaarkood in ay ka ganacsadan maandooriyaha Khamriga. PUNTLAND POST The post Kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga oo ku soo badanaya Garoowe appeared first on Puntland Post.
  19. Tokyo (Caasimada Online) – The Government of Japan has contributed significantly to the plight of refugees and displaced families in Somalia by providing USD 3,086,398 to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Somalia. This is a crucial time for Somalia, as the country is currently facing the worst drought in recent history. In 2022, almost 1.2 million people were displaced due to the ongoing drought. The recurring and prolonged droughts have devastated the livelihoods of many Somalis, leading to widespread displacement. According to the UNHCR-led Protection and Return Monitoring Network, displaced families have identified livelihoods and shelter as some of their most pressing needs upon arrival. Magatte Guisse, the UNHCR Representative in Somalia, highlights the need for durable solutions in Somalia, including livelihoods and sustainable shelter, to build communities’ resilience and help them cope with the effects of climate change, insecurity, and other drivers of vulnerability. The Japanese Government’s generous support will enable UNHCR to implement activities to improve protection and solutions for refugees, asylum-seekers, returnees, internally displaced persons (IDPs), and the vulnerable host community in Somalia. The organization will provide durable and transitional shelters to promote local integration and advance human security while enhancing the physical protection of families. Increasing access to livelihoods and income-generating activities will allow vulnerable families to meet their basic needs while decreasing the likelihood of resorting to harmful coping mechanisms. The Government of Japan’s contribution to the Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Somalia comes at a dire time for the country, as it is currently in the midst of its fifth consecutive failed rainy season. By mid-2023, it is estimated that over 8 million people—nearly half of the population—will live through food insecurity as Somalia faces an impending famine. In Somalia, over 200,000 people face catastrophe levels of food insecurity, the most severe designation there is. People are starving to death each day and are in physical pain from hunger. Over the course of one year, there has been a 91% increase in the number of Somalis experiencing extreme levels of hunger. Due to the anticipation of poor rainfall continuing into 2023, even more individuals in Somalia will struggle to access enough food. Many individuals will be forced to abandon their homes in search of aid in urban areas or neighboring countries such as Kenya and Ethiopia. By the end of 2022, there were already 3 million people displaced within Somalia, and 20,000 Somalis had fled to Kenya. The Japanese Government’s contribution will provide much-needed support to those who are suffering the most in this crisis. The funds will be used to improve the protection and solutions for refugees, asylum seekers, returnees, internally displaced persons, and vulnerable host community in Somalia by providing shelter, promoting integration, enhancing physical protection and increasing access to livelihoods. The post Japan donates $3 million to drought-hit families in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ciidamada howlgalka ATMIS ugala wareegtay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada Burundi. Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha Xerada Maslax ayaa waxaa lagula wareejiyay xeradan Wasaaradda Gaashaandhigga, ayada oo uu la wareegay Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow. Sidoo kale waxaa munaasabadda ku sugnaa, Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef oo isugu mas’uuliyadda xerada iyo maamulkeeda ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiir Fiidow oo faahfaahin ka bixiyay la wareegitaanka xeradan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ku howlgali doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeradan oo ah mid ballaaran ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda, isla-markaana looga faa’iideysan doono qorshayaal kala duwan. Cabdinuur ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegeyso amniga guud ee dalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada Soomaaliyeed. “Dowladda waxay uleedahay muhiimad weyn waxayna muujineysaaa guulahaa waa weyn ee ciidamada Soomaaliyeed ay gaareen, waxaana rajeyneynaa in ciidamadeena ay ku filnaadaan ammaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdinuur Daahir Fiidow. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in xeradaan looga faa’iideysan doono ciidamada cusub ee loo soo tababaray Soomaaliya, kuwaas oo kusoo laabanayo dalka si loo dajiyo xeradaasi. “Waxaan uga faa’iideyseynaa qorshooyin badan dhowaan waxaa rajeyneynaa ciidamo badan oo naga maqan tababaro inay dalka kusoo laabtaan,” ayuu sii raaciyay. Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan. The post Sawirro: ATMIS oo dowladda SOOMAALIYA ku wareejisay xero ku taalla MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - A fire engulfed Mogadishu's main market, causing damage to a portion of the market. Source: Hiiraan Online