-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Türkiye on Friday strongly condemned "heinous" terrorist attacks targeting military bases in Somalia’s central Galgaduud region. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in ciidanka Ilaalada kacaanka ee dowladda Iran lagu daro liiska argagixisada. Baarlamanka Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub in ay ballaariyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo xataa qoysaskooda ee u dhashay Iran kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay. PUNTLAND POST The post Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu daray liiska argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka oo la shaaciyay Waa kee waddanka adduunka ugu hantida badan? Ma sahlana in jawaab sax ah laga bixiyo su‘aashan balse qiyaas ahaan waxaa jira liis ay ku xusan yihiin dalalka ugu hodansan caalamka. Hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) iyo shirkadda Visual Capitalist ayaa soo saaray liis ka kooban 193 dal oo lagu muujiyay sida ay dalalka caalamka u kala dhaqaale badan yihiin. Soomaaliya iyo dalal kale oo sabool ah ayaan ka dhex muuqan liiskan. Waxaase mowduucan loo kala qaaday labo qeybood oo lagu kala sheegay dalalka si guud ugu dhaqaalaha badan iyo waddamada shacab ahaan qaniga ah marka loo eego dhaqaalaha usoo xarooda dalalkooda. Si kale haddii loo dhigo, hantida dalka waxa lagu qiimeeyaa wax-soo-saarka guud ee dalka oo afka qalaad lagusoo gaabiyo (GDP). Hadaba GDP-ga waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu cabbiro wax soo saarka dalka ee badeecadaha iyo adeegyada muddo cayiman. Waxa loo arkaa in ay tani tahay cabbbirka lagu qiyaaso hantida dalka. Waa cabbir si weyn loogu isticmaalo dhaqaalaha adduunka. Waxaa ka mid ah macluumaadka ku saabsan inta ay le’eg tahay canshuurta ay dowladdu hesho iyo inta lacag ee ay dowladdu ku bixiso qaybaha ay ka midka yihiin waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimo kale. Haddaba waxaa laga yaabaa in ay jiraan su’aalo ku saabsan cabbirka noocan ah. Laakiin iyadoo laga duulayo xogta laga helay qiyaastan, waxaa la heli karaa macluumaadka tobanka waddan ee adduunka ugu qanisan. Marka loo eego xogta Oktoobar 2022 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo Visual Capitalist, liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka ayaa loo diyaariyey sida soo socota: 10-ka dal ee ugu qanisan caalamka 1. America, 25.035 trillion Doolarka Maraykanka 2. China, 18.321 trillion Doolarka Maraykanka 3. Japan, 4.301 trillion Doolarka Maraykanka 4. Germany, 4.031 trillion Doolarka Maraykanka 5. India, 3.469 trillion Doolarka Maraykanka 6. Britain, 3.199 trillion Doolarka Maraykanka 7. France, 2.778 trillion Doolarka Maraykanka 8. Canada, 2.2 trillion Doolarka Maraykanka 9. Russia 2.113 trillion Doolarka Maraykanka 10. Italy, 1.99 trillion Doolarka Maraykanka Hadaba taasi waa dalalka ugu qanisan marka la eego hantida guud ee dalkaasi haysto balse waxaa jira qaab kale oo lagu cabbiro qaninimada waddamada, maxay tahay? Waa hantida kusoo aadaysa qof walba hadii loo qaybiyo hantida uu dalku leeyahay tirada dadkiisa, taasina waxay ka dhigantahay inaan ogaan karno sida ay waddamadu ukala qanisan yihiin iyadoo la eegayo hantida calaa qof kusoo aadaysa hadii shacabka dalkaas loo qaybiyo dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana qaabkan loo yaqaannaa (GDP per capita). Marka loo eego (GDP per capita) liiska kor ku qoran wuu is badalayaa waayo waxaa saameynaya tirada shacabka ee dalku leeyahay maadaama loo qaybinayo lacgtii guud ee dalkaas tirada shacabkiisa. Wadamadee ugu qanisan marka la eego GDP per capita? Marka lagu qiimeeyo qaninimada wadamada (GDP per capita) sidan ayey u kala sareeyaan: 1. Luxembourg 2. Singapore 3. Ireland 4. Queue 5. Macau 6. Switzerland 7. Norway 8. United Arab Emirates 9. Brunei 10. America Marka laga reebo Maraykanka hal dal oo ku jiray liiska tobankii dal ee ugu qanisanaa kamasoo muuqan liiskan. Hadda labada liisba Maraykanku wuu kasoo muuqday balse inkastoo Maraykanku yahay Dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, kaas oo leh boqolkiiba 20 GDP-ga caalamka; hadana Maraykanku kaalinta 10-aad ayuu kasoo galay liiska labaad. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland saaka halkaas ka waddo abaabul ka dhan ah kacdoonka SSC. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa guri ku yaalla Taleex ku ururiyay odayaal laga keenay degaanno kala duwan si ay uga horyimaadan kacdoonka shacbiga. Xogaha ayaa sheegaya in wasiir Koore uu odayaasha u sheegay in ay kacdoonka SSC ku tilmaaman mid beela gaar ah wataan islamarkaana ay taageeraan Somaliland. Abaabulkan odayaasha ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan magaalada Taleex laga sameeyay muddaharaad lagu taageerayo kacdoonka Shacbiga iyadoo goobaha taariikhiga ah ee Taleex laga taagay calanka SSC. PUNTLAND POST The post Wasiir Saleebaan Cali Koore oo abaabul odayaal ka wada magaalada Taleex appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray awaamir culus oo ka dhanka ah masuuliyiinta ku kaca musuq-maasuqa. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqada loo hayo bulshada la musuq-maasuq, isaga oo ku dhawaaqeyna ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo. “Qofka wax musuqaya ama isdaba marinaya awaamirtii la faray ayuu ka leexanayaa, Qandaraas masoo dhajinayo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ahaaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno,” ayuu yiri. “Markaa waamirtii la is faray oo uu masuulka ka leexdaa waa musuq-maasuq, waana in lala xisaabtamaa, oo laga qaada tallaabo adag.” Sidoo kale waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka musuq-maasuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda wuxuu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, oo ay waajibkooda ka gutaan laamaha amaanka. Go’aanadan uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya qaadatay qorshe guud oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan faray dhamaan madaxda dowlad deegaanada Itoobiya inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa, oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya. The post Mustafe Cagjar oo soo saaray awaamiir culus oo qeyb ka ah dagaal ay ku jirto Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed waxa soo baxayay warar xoogeystay oo la xiriira in uu Xasan si dadban u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen. Warbixintan ayaa waxaa kusoo koobeyna dhinacyada ay siyaasadda ka khuseysay khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo inay noqon karaan erayadaasi kuwa fasaxaya muddo kororsi. Dhowr iyo labaatan daqiiqo oo Xasan Sheekh uu hadlay hal mar ayuu soo hadal qaaday wax la xiriira diidmada mudada dheeriga ah ee xafiiska uu jooga maamulka Lafta-gareen, markaas oo Xasan Sheekh uu la wadaagay dadka dood dhexmartay isaga iyo xubno kamid ah mucaaridka Koonfur Galbeed. Kuwaas oo Xasan Sheekh xasuusiyay in uu ka lug gaabinayo kooxda la baxday Badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo shalayna hormuud u ahaa kooxdii Badbaado Qaran markuu Farmaajo joogay. Laakiin Xasan Sheekh wuxuu sheegay in uu isku difaacay “in iyaga uu maamulkii Farmaajo diiday inuu la hadlo markuu muddo kororsiga qaatay balse mucaaridka Koonfur Galbeed loo ogol-yahay in lagala hadlo xaaladda taagan oo ah diidmo ka dhalatay muddo kororsiga, labadaas xaaladoodna ay yihiin kuwa aad u kala duwan.” Xasan Sheekh wuxuu amaanay in Lafta-gareen uu dhisay Madaxtooyo casri ah, waana taas midda ay dad badan u fasireen inuu Xasan Sheekh aqbalay inuu Lafta-gareen iska sii joogo xafiiska doorasho la’aan. Waxyaabaha siyaasiga ah ee Xasan Sheekh uu khudbadiisa uga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa; 1. In maamulka Lafta-gareen uusan dadka ku qasbin inay hubka qaataan: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbada dhexdeeda ugu sheegay Lafta-gareen in aanu dadka ku qasbin inay hubka qaataan, in uusan ciidanka u adeegsan arrimo gaar ah ayaa la xasuusiyay Lafta-gareen, taas oo Xasan Sheekh sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin. 2. Xoriyadda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu maamulka Koonfur Galbeed u sheegay in marnaba aan la aqbali karin in la hor istaago xoriyadda hadalka iyo midda socdaalka, taas oo madaxweynaha uu sheegay inay kamid yihiin waxyaabaha aas-aasiga ah ee uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed, in la hor istaagana ay dambi tahay oo aanay jirin cid laga aqbali karo. Lafta-gareen ayaa kal hore siyaasiyiin badan u diiday inay Baydhabo tagaan, sidoo kalena waxa uu xiray dad badan oo dhaliilay hab maamulkiisa. 3. Mucaaridka Koonfur Galbeed iyo gacan ka hadalka: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mucaaridka Koonfur Galbeed u sheegay in amniga ay ilaaliyaan oo aanay qori waxba ku doonin. Waxa uu xasuusiyay dhinacyada in qofka xukunka haysta uusan qori kusii joogi karin, midka raadinayana in uusan qori ku qaadan karin. 4. Xaalkii hore ee magaalada Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xasuusiyay siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee Koonfur Galbeed halkii ay magaalada Baydhabo ka timid, wixii ay dhib soo martay iyo halka ay maanta joogto oo uu sheegay inuu farqi weyn oo xaga horumarka ah uu jiro. Wuxuu ka codsaday in magaaladan dib loogu celin halka ay ka timid oo wax walba wada-hadal lagu xaliyo. 5. Shirka iyo fursadaha: Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in shirkaan uu mira-dhal noqon doono oo reer Koonfur Galbeed ku filan yihiin in arrimahooda xalistaan. Wuxuu ku taliyay in marka hore gacan ka hadalkii dhawaan dhacay si dhaqan ah loo xaliyo, inta kalana siyaasad ahaan loo wajaho oo laga heshiiyo waxa soo socda, oo loo fasiro karo doorashada. Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh intaas ku daray in cidii isku dayda inay shirka fashiliso ay gacanta ka qaban doonaan, oo aan laga yeeli doonin. Ciidankii magaalada usoo galay xiisada siyaasadda awgeed ee mushaarka ka qaata dowladda federaalka ayuu ku amray inay xeryahooda ku laabtan, haddii kale ay dowladda dhexe tallaabo ka qaadi doonto. 6. Koonfur Galbeed iyo dagaalka Al-Shabaab: Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in dhamaad ku dhaw-yahay wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo Galmudug iyo HirShabelle laga fuliyay. Wajiga labaad ayuu sheegay in uu noqon doono Koonfur Galbeed, wuxuu weydiistay siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeed in arrintaas loo diyaar-garoobo fursadna aan la siin kooxda Al-Shabaab oo hortaagan xasilloonida, bad-qabka iyo horu-socodka dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Marka khudbada uu ka jeediyay furitaanka shirka la eego, Xasan Sheekh ma fasixin muddo kororsiga Lafta-gareen, laakiin mowqif la’aanta dowladiisa ee muddo kororsiga maamulada ayaa shaki badan galineysa shacabka. The post Madaxweyne Xasan ma ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen? – Ogow lix arrin oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Anoo ku halqabsanaya xikmaddii murtida lahayd ee Allaha u naxariistee, mujaahidkeennii iyo gabayaagii weynaa, Sayyid Maxamed Cabdille Xasan, “Anoo aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexeeynin” iyo maahmaahada Soomaaliyeed ee oranaysa, Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON (Caasimada Online) – The State Department has unveiled a pilot program called Welcome Corps, which aims to permit American citizens and permanent residents to sponsor the resettlement of refugees escaping war and violence worldwide. This initiative, launched under the Biden administration, marks a significant shift in US refugee policy. In recent years, most refugees brought to the US have been resettled by non-profit organizations that receive federal funding. The Welcome Corps program allows groups of at least five US-based individuals to sponsor refugees by raising $2,275 per refugee, passing background checks, and submitting a plan to assist newcomers. Approved sponsors will act as traditional resettlement agencies for a minimum of 90 days after a refugee’s arrival, assisting the newcomers in accessing housing and other necessities such as food, medical services, education, and public benefits for which they qualify. The program, which mirrors a long-standing system in Canada, will begin by matching approved sponsors with refugees overseas who have already been cleared to come to the US. In mid-2023, authorities plan to enable potential sponsors to select refugees from overseas that they desire to support. Secretary of State Anthony Blinken stated that the Welcome Corps initiative would help increase refugee admissions and is “the boldest innovation in refugee resettlement in four decades.” The State Department hopes to recruit 10,000 private sponsors to resettle about 5,000 refugees during the program’s first year. Organizations with experience in resettling refugees will oversee the sponsor application process, provide sponsors with training and resources, and monitor the progress of groups sponsoring refugees. The Welcome Corps initiative is the latest effort by the Biden administration to expand the US legal immigration channels for refugees and migrants who have family members and others in the US willing to sponsor them financially. In recent years, the US government has implemented a series of programs that allow private individuals to sponsor refugees and displaced persons from certain countries. In late 2021, the State Department began allowing “sponsor circles” of at least five individuals to sponsor Afghan evacuees relocated to the US following the Taliban takeover of Afghanistan. Additionally, in early 2022, officials launched a program that allowed displaced Ukrainians to come to the US with the support of US-based sponsors. This policy has reportedly resulted in over 100,000 Ukrainian migrants coming to the US. Furthermore, the government has expanded this approach to allow US-based sponsors to help citizens from Cuba, Haiti, Nicaragua, and Venezuela to migrate to the US. These migrants will be granted temporary legal status to live and work in the US through the humanitarian parole authority. However, unlike those arriving under the parole authority, the refugees who will come under the sponsorship initiative announced on Thursday will be eligible for permanent legal status and, ultimately, US citizenship, as they will be processed through the traditional US refugee program. The US refugee program, established in 1980, has provided a home for over 3 million refugees. The new Welcome Corps initiative aims to continue this legacy by allowing private citizens to play a crucial role in resettling refugees in the US. Source: Caasimada Online and News Agencies The post New US program to allow direct citizen sponsorship of refugees and immigrants appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah waxay ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, weerarkaan ayaa sii xoojiyey hadal-heynta sababta mar kasta weerar loogu laayo ciidanka. Isniintii lasoo dhaafay ayaa Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, maalin kadibna waxaa la xoreeyey degmada ay hoos tagto ee Ceeldheer. Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in weerarka looga dilay 7-askari oo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab – Xasan Tuure uu ku jiro, halka Al-Shabaab laga dilay ugu yaraan 100 dagaalame. Hadal-heyn badan ayey waayahaan abuurtay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerar gaadmo ah, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, si gaar ah subax kasta oo Jimco ah, Al-Shabaab waxay fuliyaan weerar cag marin ah, iyagoo hadba xero ku habsada. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeysay ciidankii maanta lagu dilay dagaalka ayaa yiri, “Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa.” Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya Jeneraal Caanood ayaa horay u sheegay in ciidanka oo ‘qayila’ intooda badan ay sabab u tahay in lagu laayo weerarrada Al-Shabaab ee cag-marinta ah. Jeneraal Caanood ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada noocaan ah fuliso xiliyada dambe ee habeenkii, iyadoo aan waxaba loo jeedin, inta badana askartii qayishay ay xiligaas seexdeen. Weerarkii ay saakay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday mid ka Danab uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug. Intii ay dhisnaayeen ciidanka Danab ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii. Ciidanka Danab oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka. Inkastoo diyaaradaha dagaalka ay saakay ka qeyb qaateen soo afjaridda weerarkii Al-Shabaab, hadana waxaa la is weydiinayaa sababta ay isku dhigteen ciidankii joogay Galcad, iyagoo leh awood ku filan oo ay isaga difaaci kareen weerarka uga yimid dhicana Al-Shabaab oo dhawaan laga xoreeyey deegaanka. The post Halka tab ee Al-Shabaab ay ku laynayso ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.
-
Davos (Caasimada Online) – Jilaaga caanka ah ee Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre oo dhawaan ka qayb-galay shirka sanadlaha ah ee ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ayaa maal-qabeenada qeybta ka ahaa madasha ku dhiira-geliyay in ay hantidooda u weeciyaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, oo u baahan gacan qabasho. Idris Elbe iyo Sabrina Dhowre ayaa qaba in fikirka uu baaqooga ku dhisan yahay uu saboolnimada ka saari karo waddamada Soomaaliya, Suudaan, Haiti iyo dalal kale oo dhibaatooyin kala duwan ka jiraan. Lamaanahan oo ah Danjireyaal sharafeedka Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta Beeraha ee hoostaga QM ayaa khudbado ay jeediyeen ku dul istaagay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jirta waddamadaas. Sabrina Dhowre ayaa sheegtay in waddamada, asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya uu la daalaa-dhacayo dhibaatooyin dhanka helista cunnada ah, iyada oo garab istaag u dalabtay dadka leh beeraha yar-yar. “Waxa aan halkan u joognaa in aan shaaca ka qaadno dhibaatooyinka heysta dadka kunool waddamada aan wararkooda lasoo tebin, xaqiiqdii waxa ay u baahan yihiin in la garab istaago,” ayey tiri Sabrina Dhowre. Sabrina ayaa sidoo kale tilmaamtay in baaqa cusub ay wadaan ku qotomo inay ka warqabto dhibaatooyinka ka jira dalalkaas oo dadka ku nool u baahan yihiin in la gacan qabto. Idris Elba ayaa asaguna yiri “Waa in dhaqaale deg-deg ah loo helaa dadka saboolka ah ee ku nool waddamada dhibaatooyinka ka jiraa, keliya ma raadiyaan gargaar iyo deeq kaalmo ah oo la siiyo balse waxa ay u baahan yihiin maalgashi lagu sameysto dalalkooda si ay shaqo u helaan.” Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos ayaa sidoo kale lagu abaal-mariyay Idris iyo Sabrina shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada. The post Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo soo jeediyay fikrad Soomaaliya looga saari karo… appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska ciidanka Djibouti, ayaa sheegay in la soo daayey lix askari oo ka tirsan ciidanka Djibouti, kuwaas oo ay afduubteen jabhadda mucaaradka ah ee FRUD. Afduubkan, ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday xero ciidanku ku leeyahay gobolka Todjorrah. Weerarkaas ayaa waagaa waxaa ku dhintay toddoba askari. Dawladda Djibouti ayaa jabhaddaas FRUD u aqoonsatay urur argagixiso ah. Taliyaha ciidanka Djibouti, Gen Sakariye Sheekh Ibraahim, ayaa xaqiijiyey in askartaa lasoo sii daayey. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Galka amniga ee Soomaaliya waa cutubka ugu xoogan ee loogu hadal-haynta badna tobankii sanno ee lasoo dhaafay, lana sii wadi doono ka doodida iyo shaqo ka qabashadiisa. Markasta oo qoddobka amniga lasoo qaado waxaa cutubyada ugu horeeya soo galaya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee hore loo oran-jiray AMISOM. Inkasta oo ay qeyb ka noqdeen xilliyo hore howl-galo lagula dagaalamay kooxaha argagixisada, ayna gacanta ku hayaan amniga goobo cayiman oo ku yaalla caasimada dalka. Haddana waqti xaadirkan si weyn ayey su’aallo u dul taagan yihiin, howl-galku ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya. Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato lacag ka badan kun dollar, waa isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen. Soomaaliya hadda 5-tii billood ee lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee ay kula jirto kooxaha argagixiso, dadka deegaanada ayaa is-abaabulay si ay uga hortagaan ficilada Al-Shabaab, dagaalkaasna wuxuu sababay in kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya. HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan. Tallaabadan ayaa waxay soo dadajisay in dadka Soomaalida ay indhahooda arkaan in ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay awooda u leeyihiin xaqiijinta guulo muhiim ah iyo qabsashada deegaano waaweyn oo 15-kii sanno ee lasoo dhaafay kooxaha argagixiso gacanta ku hayeen. Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan. Waxaa si weyn loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka. Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah, taageeradaas oo xiligaan aan ka imaaneyn Midowga Afrika iyo howl-galka ciidankooda ee ku sugan Soomaaliya. Inkasta oo Golaha Amaanka ee QM ay kordhiyeen joogitaanka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, dhinaca kalana waxaa la sheega in qandaraasyada ugu badan ee ciidamadan ee Soomaaliya ay qaatan siyaasiyiinta Soomaalida, taana ay tahay waxa u weyn ee markasta dadaalka loo galiyo inay kusii waaran Soomaaliya. Soomaaliya waxay tahay waddanka ugu halista badan marka laga hadlayo geeska Afrika ee xagga amaanka, waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika. Dadka Soomaaliyeed hadda waxay ku foogan yihiin inay arkaan tayada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo la dhid-bayay tobankii sanno ee lasoo dhaafay, laakiin xoogga ugu badan la galinayo hadda sidii ay iskugu wadi lahaayeen la-dagaalanka kooxaha argagixiso iyo dhismaha xoogga dalka. Ciidanka Soomaaliya ee dhismaya waxay u muuqanayaan yididiilo xoog leh oo amnigooda Qaran la wareegi kara, haddii laga dhex saaro siyaasadda iyo ku milankeeda. Waxaa la rumeysan yahay in arrintaan ay tahay midda ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab oo si weyn uga socda dalka, jab xoogana lagu gaarsiiyay kooxda. The post Arrinta ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure), oo saaka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dul-qaadaan. “Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kaalintii taliyaha AHUN ay buuxin doonaan geesiyaasha kale ee ciidanka xooga dalka, islamarkaana ay saameyn ku yeelan doonin dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda.” Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay shacabka, ciidanka xoogga dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure). Taliye Xasan Tuure ayaa ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad, halkaasi oo ciidanka xooga dalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.” Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. The post Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Tuure, sheegayna cidda buuxineysa kaalintiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Taliye XasanTuur
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Xasan Tuure oo ku dhintay weerar ay saaka Al-shabaab ku qaadeen magaalada Galcad ee gobolka Galguduud. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure). War-saxaafaeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku midoobay la dagaalanka Al-shabaab. “Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Taliye XasanTuur appeared first on Puntland Post. -
Dawlada Turkigu oo ku dartay liiska argagixisada Ciyaaryahan Maraykan ah Dawladda Turkiga ayaa liiska argagixisada ee la baadi goobayo ku dartay ciyaaryahan ka tirsan kooxaha kubadda kolayga ee dalka Maraykanka oo lagu magcaabo Enes Freedom. Dawladda Turkiga ayaa dul dhigtay abaal marin lacageed oo gaadhaysa $500,000 (10 milyan oo lacagta Turkiga ah) madaxa ciyaaryahanka Enes Freedom. Illaa haatan ma cadda goorta uu Turkigu liiska argagixisada ku daray ciyaaryahankan, hase ahaatee ciyaaryahanka Freedom ayaa u sheegay telefiishanka Fox News inuu arrintan ka warhelay, xilli uu ciyaarta kubadda kolayga u joogay xarunta Vatican, markaas ka dibna uu la xidhiidhay hay’adda FBI, iyaga oo kula taliyey inuu dib ugu laabto dalka Maraykanka. “Tani waa markii ugu horeysay ee dhab ahaantii ay dowladda Turkiga ay madaxayga dul saarto abaal-marin oo ay i geliso liiska argagixisada ee loogu doonista badan yahay, sababtoo ah waxaan ka hadlaa qaar ka mid ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo maxaabiista siyaasadeed ee ka dhacaya Turkiga,” ayuu yidhi Enes Freedom xilli uu la hadlayey telefishanka Fox News, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey. “Waad la socotaan, anigu keligay ma ihi. Waxa liiskaas ku jira suxufiyiin badan, aqoonyahanno, macalimiin iyo dad caan ah.” Ciyaaryahankan ayaa si ba’an u dhaleeceeya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo weliba dhacdooyinka xuquuqda aadanaha ee dalkaas ka dhaca, wuxuuna ugu baaqay maamulka Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Galbeedka oo ay ku jirto NATO inay tallaabo qaadaan. Qaran News
-
Musharax Cirro oo Cusbitaalka ku Booqday………… Waxa aan maanta ku booqannay dhakhtarka Manhal Speciality Hospital ee Caasimadda Hargeysa Rooda Cabdikariin Aadan Warsame oo ka mid ahayd Shacbigii ku waxyeelloobay ee ay dhaawacyadu ka soo gaadheen dibadbaxyadii silmiga ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Laasacaanood. Waalidka Rooda aan la kullannay waxa ay nooga warbixiyeen dhibta soo gaadhay inanta, waxa aan Ilaahay uga barinnay in uu u boogo dhayo dhaawaca iyada intii kale ee ku waxyeellowday, intii dhimatayna Alle u naxariisto. Marwalba, Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, waxa aan uga digeynaa in Shacabka dareenkooda muujinaya aan xoog iyo xabad lagala hor iman. Qaran News
-
Xogtani waxay daaha ka faydaysaa in ay jiraan dad aan Shahaado Caafimaad haysni in ay Xarumaha Caafimaadka ka hawlgalaan. 200 qof ee la qabtay waa in lagula Xisaabtamaa Wasaaradda Caafimaadka oo leh Masuuliyadda Hawlgelinta shaqaalaha Caafimaadka, waa in lays weydiiyaa cidda Hawlgelinta siisay dadkaa ? waa in la sameeyaa baadhis dhaba oo masuuliyad darradaa cid leh lagu ciqaabaa, Nolosha Bulshadu ma aha wax sahlan. Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Dowladda Somalia oo xaqiijisay in Sarkaal sare & Tiro Askara lagaga dilay Dagaal Maanta dhacay Saaka weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Soomaaliya ee degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay, weerarka ayaa waxaa kaga dhintay dhanka dowladda 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal sare. Dowladda ayaa sheegtay in dhanka Alshabaab ay ka dishay tiro badan oo dagaal yahanadooda ah.Deegaankan ayey ciidamada dowlada Soomaaliya dhawaan kala wareegeen Alshabaab. Sidoo kale, dowladda ayaa tilmaantay in gawaadhi dagaal oo ay horey uga qabsadeen Alshabaab, in haatan ay dib usoo ceshadeen. Dhanka kale, Alshabaab, ayaa iyaguna sheegtay iney ku dileen dagaalkii saaka ka dhacay Galcad, askar badan oo katirsan dowladda Soomaaliya. Qaran News
