Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaasi ka wada kormeer iyo shirar ku saabsan amniga. Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale ayaa Qoor-Qoor ku wehlinaya shirarkaan, oo intiisa badan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere. Qoor-Qoor iyo Masuuliyiinta kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoos taga degmada Xarardheere. Waxay ciidanka ku baraarujinayaan inay u diyaar-garoobaan weerar kasta oo uga imaan kara kooxda Al-Shabaab iyo dardar-gelinta howlgallada xoreynta ee deegaanada kale. Sidoo kale waxay ciidamada qalabka sida ku bogaadiyeen guulaha ay ka gaareen howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Arrimahaan ayaa imaanaya xilli ay Jimcihii Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ahaa oo xooggan ka sfulisay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo khasaare culus uu ka soo gaaray ciidnka Danab. Si kastaba, howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxaa ciidamada u suurta gashay inay kooxda kala wareegaan degmooyinka muhiim ah, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka kala tirsan labada gobol ee Galmudug. The post Dadaal looga hortagayo in magaalada Xarardheere ay ka dhacdo sidii Galcad oo kale appeared first on Caasimada Online.
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay falka uu ku kacay nin xagjir ah oo dowladda Sweden u ogolaatay in uu safaaradda Turkey horteeda ku gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya oo af ingiriis ku qornaa ayaaa lagu sheegay in arrintani ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan. ” In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada” aya lagu yiri Qoraalkaas. Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan Booliska Sweden ayaa falkaas ku kacay Sabtidii Todobaadkan waxayna dhacdadaas caro xooggan ku abuurtay Muslimiinta dunida. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay Kitaabka Qur’aanka ah oo lagu gubay dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogga Soomaaliya waa dhalinyaro, kuwaas oo tirada guud ee bulshada ka ah 75% laakiin baaga-muudada haysatana kama yara isla cabirkaas. Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxay dalka dhaxal-siisay inay dhalinyaro badan u dhaqaaqan dhanka Al-Shabaab oo ay ku qancaan fikrada dad laynta. Qaar iyaga oo nolol iyo shaqo raadinaya ayey badaha ku dhamaadeen, qaarna isticmaalka daroogada ayay wehel ka dhigteen si ay daruufta shaqo la’aanta keentay fasax uga qaatan. Dowladihii isaga dambeeyay xukunka Soomaaliya burburkii kadib midna kuma guuleysan inay keento fikrad shaqo abuur u noqon karta ugu yaraan afar meelood meel kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed. Shaqo la’aantu waxay qeyb ka tahay waxyabaha xoojinaya xasillooni darada ka jirta dalka. Dhowr sanno ka hor gaadiidka Bajaajta ayaa kusoo biiray suuqyada Soomaaliya, waxay fursad shaqo u noqotay dhalinyaro badan. Magaalada Muqdisho illaa 50 kun ayaa lagu qiyaasa dhalinyarada maanta ku xamaalata bajaajta. Markii ay timid fursadan dhalinyaro badan ayaa isaga soo baxay Al-Shabaab, kuwa ayaa daroogadii ka tagay, qaarna fikradii tahriibka ayay iska saareen iyaga oo aaminay in bajaajta xal u tahay shaqo la’aantooda. Wax badan ayay mootooyinkan ka badaleen nolosha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda degan. Laakiin dhowrkii sanno ee ugu dambeysay askarta dowladda Soomaaliya waxay qaadeen tallaabooyin burburin kara shaqo abuurkan ay dadku iskood u sameysteen. Waa dil, dhac iyo musuq-maasuq joogto ah oo lagula kaco dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta. Shalay wiil dhalinyaro ah oo darawal bajaaj ah oo hooyadiis iyo walaashiis ay la socdaan ayaa askari ka tirsan dowladda waxa uu ku toogtay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho. Dhaqankan oo muddo soo jiray wuxuu jidgooyo ku sameynaya shaqo abuurkan ay dadweynaha sameysteen. Dowladdu in aanay shaqo abuur keeni karin, tii ay shacabka keensadayna ay difaaci karin waa nasiib darro weyn. Maamulka gobolka Banaadir oo durba fashilkiisa uu muuqdo ayaa illaa hadda hayn wax aragti ah oo ciidanka dowladda looga difaaci karo shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootada bajaajta. Askartii hore u dishay dhalinyarada bajaajta badankood lama ciqaabin, qaar si qoys ah ayaa loo xaliyay, kiisaska qaarna dilaayaashii ayaa la sheegay inay baxsadeen. Dibad-bax ayey dadweynaha shalay uga jawaabeen dilka wiilkaas dhalinyarada ah, laakiin ciidanka dowladda ee ku sugan isgoyska Howl-Wadaag ayaa rasaas uga jawaabay kacdoonka shacabka, taasi oo iyaduna dhalisay khasaare kale oo dhimasho ah. Dowladda Soomaaliya waxaa laga raba inay xal u keento dhibaatada lagu hayo dhalinyarada shaqo abuurka sameysatay, cadaalada oo la dabaqo iyo dhaqanka ciidanka dowladda oo wax laga badalo ayay dadka badi u arkaan xalka arrintaan. Inay arrintan sii socoto waxay caqabad ku tahay dhalinyarada, shaqo abuurka, amniga iyo bini’aadannimada. Haddii ay istaagto ku shaqeynta mootooyinkan, dowladduna ay xal u helin dhalinyarada waxa xigi doona uma qurxoona mustaqbalka Soomaaliya. Dadweynuhu waxay ku baaqayaan in dowladda arrintan si dhab ah u qaadato oo xal deg deg ah u keento. The post Arrimaha la gudboon DF kaddib dilalka dhallinyarada MUQDISHO ee sii kordhay appeared first on Caasimada Online.
  4. Markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo ku hubaysan hubka nooca loo yaqaan ‘Hypersonic Cruise’ ayaa bisha Febraayo ee soo socota ka qayb qaadan doona dhoolatusyada ciidamada badda ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS. Ciidamada Difaaca Qaranka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhoolatusku uu socon doono 17-ka ilaa 26-ka bisha February,kaas oo ka dhici doona meel u dhow dekedaha magaalooyinka Durban iyo Richards Bay ee xeebaha bari Koonfur Afrika. Waxay sheegeen ciidamadu in leyliga wadajirka ah uu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo xiriirka kobcaya ee u dhexeeya Koonfur Afrika, Ruushka iyo Shiinaha”. Dhoolatuskaan ayaa noqonaya kii labaad oo ay ka qeybgalaan saddexda dal, kaddib dhoolatus la sameeyay sannadkii 2019-ka, sida ay xuseen ciidamada difaaca ee Koonfur Afrika. Markabka dagaal ee Ruushka ayaa waxa ku xiran gantaalada Zircon, kuwaas oo ku duulaya xaware ka badan dhawaqa 9 jeer,isla markaana gaari kara 1,000-km. PUNTLAND POST The post Ruuska oo ku biiraya dhoola-tuska Ciidan ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  5. Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale. Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo. Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah. Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12 saacadood ka dib weerar dad badan ay ku dhinteen oo dhacay . Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wuxuu kasoo jeeda Asia. Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhacday goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, halkan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka. Isha: BBC The post Wararkii ugu dambeeyay TOOGASHO ka dhacday Mareykanka + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (Caasimada Online) – At least six people were killed, and several others were injured in an attack by Al-Shabab militants at the mayor’s office in the central district of Mogadishu, the capital of Somalia, on Sunday. The attack began with a suicide bomb causing a massive blast that destroyed a building near the office complex. After the explosion, gunfire erupted, and a four-hour siege ensued. According to police spokesman Sadik Dodishe, five attackers were killed during the fire exchange with the security forces, and one detonated himself. Six civilians also died during the attack. All the mayor’s office staffers were rescued, and the situation is now normal. Witnesses reported that the initial blast damaged nearby buildings, and heavy gunfire could be heard in the building of the mayor’s office. Security officers quickly cordoned off the area. Al-Shabab, a militant organization linked to Al-Qaeda, claimed responsibility for the attack through its communication channels. The group stated that its fighters had “made their way inside the building after killing the security guards.” Al-Shabab has been waging a bloody insurgency against the internationally-backed central government of Somalia for 15 years and has carried out attacks in Somalia and neighboring countries. This latest attack comes on the heels of another assault just days prior, where seven soldiers were killed at a military camp in Galcad, a town in central Somalia. The United States military has reported that more than 100 Al-Shabab militants attacked Galcad. In recent months, the Somali National Army and local clan militias have made significant progress in their offensive against the group, reclaiming territory in the center of the country with the support of US air strikes and an African Union force. However, the militants continue retaliating and striking with deadly force against civilian and military targets. Just days after the government declared a “historic victory” over the group, Al-Shabab launched another attack on the Galcad army base in central Somalia, killing seven soldiers. The group has been removed from major urban centers for over a decade. However, they remain in rural parts of central and southern Somalia. In October last year, the group carried out one of the deadliest attacks in history, killing 121 people in two car bomb explosions at the education ministry in Mogadishu. The group has also been active in neighboring Kenya, a member of the African Union force in Somalia, carrying out several small-scale attacks. The post Somalia: Deadly Al-Shabab siege at Mogadishu mayor’s office leaves six dead appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay laba mowjadood oo waaweyn, kuwaas oo saameyn badan ku yeeshay shacabka Muqdisho iyo shaqo maalmeedkii xafiisyada maamulka, iyadoo qaarna la dilay. Waa tan koowaade, dab xoog leh ayaa xalay qabsaday qeybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha, in la demiyo dabkaas ayaa qaadatay saacado badan, kaalinta ugu weyna waxaa qaatay maamulka gobolka Banaadir. Saakay waaberigii hore ayaa lagu guuleystay in la demiyo dabkaas oo geystay khasaare hanti oo lixaad leh, waxaana xalay suuqa tegay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir. Mashaqada labaad ayaa noqotay weerarkii maanta duhurkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta maamulka gobolka, wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu xasaasisanaa oo Muqdisho ay ka fulisay kooxdu. Ugu yaraan lix qof oo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir u badan ayaa ku geeriyootay weerarkaas, dadka la dilay waxaa ku jiray agaasimihii dadka baahiyaha gaarka ah qaba, halka tiro kale oo dad shacab ah ay ku jiraana lagu dhaawacay. Lix nin ayaa fulisay weerarkaas, waxaana aad loo amaanay ciidamada ammaanka oo ku guuleystay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta intooda badan ay ka soo badbaadiyaan xafiisyadii lagu weeraray. Markii laga war-helay in weerar ka socdo xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaa baraha bulshada is qabsatay su’aal ah “Maxaa kulmiyey gubashada suuqa Bakaaraha iyo weerarka xarunta maamulka gobolka Banaadir?” Su’aashaan ayey dad badan ku macneynayeen in gubashada suuqa Bakaaraha ay la xariirto amni darada iyo weerarrada ay masuulka ka yihiin Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in kooxdu ay canshuur badan ka qaado ganacsatada, wallow bilihii u dambeeyey ay cunaqabateyn adag kala kulantay dowladda. Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan shaqaalaha dab-demiska gobolka ayaa xalay door weyn ku lahaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybaha Dahabka iyo Harqaamada, sidoo kale masuuliyiinta qaar ayaa tagtay suuqa. Sida la aaminsan yahay Al-Shabaab oo ka faa’iideysanaysa dhafarkii ay xalay la kulmeen masuuliyiinta maamulka gobolka, maadaama lagu howlanaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa, ayaa fulisay weerarkaan oo ku bilowday qarax is-miidaamin ah. Afar saacadood oo gudaha xarunta ay ka dagaalameysay kooxdaas oo gaareysay shan nin, 4:00 galabnimo ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro, waxaana lasoo bandhigay oo warbaahinta la tusay meydadkooda. The post Maxaa kulmiyey dabkii suuqa Bakaaraha iyo weerarkii xarunta maamulka G/Banaadir? appeared first on Caasimada Online.
  8. LONDON, Jan 22 (Reuters) - Apart from picking up a yellow card Arsenal manager Mikel Arteta enjoyed the perfect Sunday afternoon as his side completed the first half of their Premier League campaign by reaching 50 points with a 3-2 win over Manchester United. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) completed the handover of an army base it occupied for over a decade to Somalia's federal government on Saturday, marking the first time a military facility was transferred to Somalia since ATMIS's inception in April 2022. Source: Hiiraan Online
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta odayaasha dhaqanka deegaanada K/Galbeed ku wareejiyey 20 askari oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba. Askartaan ayaa lagu qabtay dagaalkii 23-kii bishii hore ka dhacay guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti, kuwaas oo xabsi ku jiray wixii ka dambeeyey maalintii lagu qabtay dagaalka. Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub ayaa ka mid ah odayaashii maanta lagu wareejiyey ciidanka laga sii daayey xabsiga, wuxuuna la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in Madxaweyne Xasan Sheekh oo Baydhaba ku sugan uu dadaal badan geliyey in lasii daayo ciidankaan. “Dhalinyaradii dagaalka lagu qabtay ayaa maanta la igu wareejiyey, waa 20 maxbuus, madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal badan ku bixiyey sii deynta raggaan, marka maanta ayey noo soo gabagabowday arrintaan,” ayuu yiri Malaaq Deerow Yacquub. Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed wuxuu warbaahinta tusay warqad cafis ah oo Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen laga soo qoray, si ciidankaan ay nabad geliyo ugu joogaan gudaha magaalada. “Shacabka reer K/Galbeed waxaan u sheegayaa in wadadii nabadda aan qaadnay, in ciidankaan la siiyo xoriyadooda ayaa ka mid aheyd waxyaabaha nagu adkaaday, marka inta hartay waan xalineynaa maalmaha soo socda ee dhibaato dambe yaan la abuurin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ku sugan maalintii 7-aad, waxaana halkaas ka socda shir dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasyiinta reer K/Galbeed, si meesha looga saaro murankii ka dhashay doorashada ee gacan ka hadalka sababay. Qodobada ugu horeeyey ee ajendaha shirka ku jiray waxaa ka mid aheyd in xal laga gaaro khasaarihii ka dhashay dagaalkii ciidanka taageersan mucaaradka iyo kuwii ka amar qaadanayey Laftagareen ku dhex maray gudaha Baydhaba, taas oo sababtay in maanta lasii daayo ciidankii lagu qabtay dagaalkaas. Shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydhaba ka socda oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa bayaan, kadib markii laga heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas iyo waxyaabaha kale ee la isku hayo. Hoos ka daawo The post Daawo: Afhayeenka odayaasha K/Galbeed oo baaq soo saaray kadib go’aankii Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  11. The African novelist Nuruddin Farah recalls the bad and the good from his student days in India in the 1960s. Source: Hiiraan Online
  12. Discriminatory and exclusionary policies continue to disenfranchise ethnic groups in the state’s periphery. Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal culus ka wada deegaanka Janaay Cabdalle oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Ciidamadan ayaa shalay kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaankan oo ah marin muhiima oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland. Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in ay deegaanka Janaay Cabdalle duleedkiisa ka wadaan howl-gal sifeen ah, iyaga oo xusay inay ku daba jiraan firxadka dagaalamayaashii Shabaab ee shalay deegaankaasi iskaga baxay. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale saldhigyo ka sameestay deegaanka Janaay Cabdalle. Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa dhaca kala-barka degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waana deegaan istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya. Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh. Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan. Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in xoreynta Janaay-Cabdalla ay bilow u tahay fulinta go’aankii madaxweynaha dalka ee ahaa in dagaal kama dambeys ah lagu qaado kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in deegaano kale ay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda. The post Sawirro: Jubbaland oo ku dhaqaaqday fulinta qorshaha dagaal ee Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU (Xinhua) -- The Somali troops on Sunday killed six al-Shabab militants and ended the hours-long siege by the al-Qaeda-linked network in Mogadishu, the capital of Somalia, authorities said. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado badan kadib dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lasoo gabagabeeyey weerarkii ay maanta Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii weerarka fuliyey. Afhayeenka booliska Soomaaliya iyo guddoomiyaha dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka oo warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta maanta la weeraray ee dowladda hoose ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab. Ugu yaraan 6-qof ayey xaqiijiyeen masuuliyiintaan in lagu dilay weerarka, kuwaas oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan shan xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo lagu dilay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir oo saacado badan ay ka dagaalamayeen. Ragga weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gaarayeen lix nin ayaa ugu horeyntiiba waxaa is qarxiyey hal nin 12:10 duhurnimo ee maanta, iyadoo markaas kadib 5-ta kale ay gudaha u galeen xarunta oo bilaabeen dagaal toos ah. Xubnahaan Shabaab-ka ah oo dagaalamayey ugu yaraan afar saacadood ayaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ka soo galeen dhabarka dambe ee xiga dhismaha xarunta wasaaradda maaliyadda. “Waxaa afartii galabnimo lagu guuleystay in lasoo afjaro weerarkii Khawaarijta, 5 qof oo weerarka soo qaaday ayaa la dilay, hal qofna markii hore ayuu is qarxiyey, shacabka lix qof ayaa dhimatay, waana loo gurmaday dadkii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada ammaanka uga mahad celiyey sida ay ugu guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha oo dadkii xarunta joogay laga badbaadiyo kooxda weerarka soo qaaday. Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, iyadoo la isugu keenay banaanka hore ee xarunta ay weerareen ee maamulka gobolka Banaadir. Kooxda ayaa maanta aad u adeegsaneysay qaraxyo jugtooda meelo fog laga maqlaayey, waxayna dagaalamayeen in ka badan afar saacadood, hase yeeshee dadka goobta ka ag dhawaa waxay kuu sheegayaan in khasaaraha uu wax badan ka yaryahay intii loo maleynayey inay geysa karaan, taas oo lagu amaanay ciidamada ammaanka. Hoos ka eeg sawirrada The post Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay maanta kusoo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ay toogteen xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo ahaa lix dagaal-yahan. Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda. Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen. “Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawl-gal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. “Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.” Dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntiina ka tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkaasi, ayada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay. “Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.” Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada. The post Dowladda oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii xarunta gobolka iyo khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali security forces ended a battle to regain control of the Banadir administration headquarters seized by al Shabab militants on Sunday. Source: Hiiraan Online
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay 20 Maxbuus oo ku xiran xabsiga hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Lafta-gareen ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray cafiska maxaabiistan, oo uu sheegay inay ku timid talo soo jeedinta ciidanka booliska Soomaaliyeed laanta dambi baarista maamulkaasi. “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22 January 2023, waxaa uu madaxweynaha DKGS cafis iyo saamaxaad u fidiyay maxaabiis, maadama lagu guda jiro hanaanka dib-u-heshiisiinta ee dowladda Koonfur Galbeed, sidaas awgeed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta iyo nabad-sugida la farayaa in laga sii daayo xabsiga Nabadsugida KG ee degmada maxaabiista ku xiran sida ku xusan magacyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maxaabistan ayaa waxaa lasoo xiray xilligii ay sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen u dhaxeysay, waxayna u badan yihiin askar ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda. Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe waxaa ka socday dadaalo kala duwan oo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, ayada oo madaxweynaha uu furay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale kamid ah masuuliyiinta dadaalada ka wada Baydhaba ayaa dhawaan wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal. Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dadaal badan lagu bixinaya sidii uguuleysan lahaa, kaasi oo la sheegay in uu dan u yahay maamulka oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab. Hoos ka aqriso magacyada maxaabiista uu cafiska u fidiyay Lafta-gareen. The post LAFTA-GAREEN oo qaaday tallaabo la xiriirta askar loo xiray shaqaaqadii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la soo af-jaray weerarkii maanta Al-shabaab ku qaadday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas la soo af-jaray kadib markii dhammaantood la dilay dagaallamayaashii weerarka soo qaaday. Dowladda ayaa sheegtay in lix ka tirsan dagaallamayaasha Shabaab oo isku ekaysiiyay Ciidamada dowladda ay lug ku yimaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kadibna weerarka fuliyeen. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in shan ruux oo shacab ah ay ku dhinteen weerarka halka afar kalena ku dhaawacmeen sida ku cad Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta DFS. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la soo af-jaray Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab militant group launched a deadly attack on a regional government office in the capital of Somalia, Mogadishu, on Sunday. The attack on Mogadishu Mayor’s office began with a suicide bombing, followed by gunfire. The extremists then made their way into the targeted building, killing security guards. The blast damaged buildings in the nearby area, and gunfire was still being heard near the mayor’s office. A witness operating a business close to the offices stated that there were reports of gunfire inside the main building, but the situation inside is unknown. The witness also reported that there were some injuries. However, security forces have sealed off the entire area, and they have been instructed to move away. The founder of the Aamin ambulance service Abdulkadir Adan reported that at least 16 wounded people have been collected from the scene, with no reported deaths yet. “So far, we haven’t collected any dead people, but the gunshots are still ongoing; it could get worse,” he said. “Most of the employees were rescued by security forces, but there are still some left inside,” said Mustafa Abdulle, a staff member at the headquarters. Al-Shabab has taken responsibility for the attack through its communication channels, stating that its fighters “successfully entered the targeted building by eliminating the security guards.” The group has been waging a bloody insurgency against the internationally-backed central government of Somalia for 15 years, carrying out attacks within and in neighboring countries. The group often carries out attacks in Mogadishu, and the federal government has declared “total war” against them. The attack comes just days after another attack on a military camp in Galcad, a central Somalia town where seven soldiers were killed. The US military reported that more than 100 Al-Shabab militants carried out the attack. “The combined actions by partner forces on the ground and the collective self-defense strike is estimated to have resulted in three destroyed vehicles and approximately thirty al-Shabab terrorists killed,” the US military command for Africa (AFRICOM) said in a statement. In response to the group’s brutality, the Somali army and local clan militias have mounted a major offensive against the group, retaking territory in the center of the country with the support of US air strikes. But despite these gains, the militants continue to demonstrate their ability to strike back with lethal force against civilian and military targets. Source: Caasimada Online and News Agencies The post Al-Shabab storms Mogadishu government’s headquarters appeared first on Caasimada Online.