-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay seddax askari oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Jubbaland iyo gaari ay kala soo goosteen wasiir ka yirsan xukuumadda Jubbaland. Afhayeenka dhanka howlgallada ee maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka soo muuqday goobta lagu soo bandhigay askarkaan Al-Shabaab waxay sheegeen oo kaliya in askartaan ay towbad keentay oo safka Jubbaland ay ka soo baxeen, balse ma bixin faahfaahin kale, markii laga reebo inay soo bandhigeen gaari ay la soo goosteen. Gaariga ay askartaan kala soo goosatay Jubbaland, waxaa la sheegay inuu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Mustafa Xaaji. “Waa sawirrada seddax askari oo ka soo goostay safka Jubaland, askartan towbadkeenka ah ayaa labo kamid ah waxay lasoo goosteen gaari cusub oo HaarTop ah oo uu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland, waxaana lasoo goostay darawalkiisii qaaska ahaa Cabdifitaax Nuur,” ayaa lagu yiri faahfaahin ay kooxdu ka bixisay arrinta askartaan. Maalmo ka hor ayuu soo yeeray warkaan sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu u goostay darawalkii wasiirkaas oo wata gaarigii wasiirka, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ay xaqiijiyeen gaarigaas toos loo geeyey Jilib. Hadda ma cadda goobta lagu soo bandhigay askartaan oo Al-Shabaab inta badan ma sheegaan goobaha ay joogaan madaxdooda, balse waxay u badan tahay in goobtaan ay tahay howdka gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan aagga Jilib. Gobolkaas Jubbada Dhexe ayey aad ugu dhuumaareystaan amiirrada argagixisada Al-Shabaab, in kastoo ay aad ugu dhuuntaan dhulka howdka ah, maadaama gobolku yahay dhul beereed dhir badan leh, hadana inta badan duqeymo kama dhacaan, weerar toosana warkiisaba daa, oo kooxda laguma baacsado gobolkaas. Dad waxaa ka yaabisay sababta xiligaan oo meel kasta lagu baacsanayo Al-Shabaab ay ugu goosteen askar ka tirsaneed ciidamada Jubbaland, waxaana arrintaan ku geedaaman mugdi badan. Jubbaland weli kama aysan hadlin dhacdadaan oo mid lamid ah ay bilo ka hor ku dhacday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal oo darawalkiisii uu u goostay Al-Shabaab, iyadoo la garan waayey ama aan lasoo bandhigin sababta ku kaliftay. Hoos ka eeg sawirrada askarta iyo gaariga ay soo bandhigeen Al-Shabaab The post Sawirro: Shabaab oo soo bandhigay askar ku biirtay iyo gaari ay wasiir kala goosteen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waa bartilmaameed weyn marka laga hadlayo dagaalka dowladda iyo shacabka iskaga dul-qaadayaan Al-Shabaab. Ceelbuur waxa waqti fog ka talinayay Al-Shabaab. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan S ayaa mar AS laga saaray magaalada, markaas oo duulaanka kaalin ku lahaayeen ciidanka Itoobiya, waxaa kale oo la xasuusta inuu xiligaas madaxweyne Xasan Sheekh uu tagay Ceelbuur. Xilligaas ayada oo deegaanada kale la aadin ayuu madaxweyne Xasan Seekh amray in la qabto Ceelbuur, maanta oo xukunka kusoo laabtay dowladuna sidii hore ka xoog badan tahay shacabkuna ay go’aankooda ku biiriyeen in Al-Shabaab la bixiyo waa iska cadahay inay Ceelbuur bartilmaameed weyn u tahay madaxweyne Xasan Sheekh. Billo ka hor madaxweynaha waxa uu calaamadeeyay qabashada laba bartilmaameed oo ahaa Aadan Yabaal iyo Xarardheere, labadiina waa laga saaray Al-Shabaab weliba qabashadooda waxay sahashay in deegaano kale soo galaan gacanta dowladda. Hadda, waxa u weyn ee la sugayo waa inuu madaxweynaha farta ku fiiqo Ceelbuur, taas ma dheera mana dhib badna. Xogaha laga helayo Ceelbuur iyo magaalooyinka u dhowdhow waxay sheegayaan in horjoogayaashii Al-Shabaab iyo qoysaskoodii laga soo saaray Masaajid Cali-Gaduud, Aadan Yabaal, Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere inay kusoo qaxeen Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada u dhowdhow Ceelbuur, halkaas oo hadda ay kirada guryaha qaali noqotay. Dagaalkan joogsan maayo illaa laga soo afjaro Al-Shabaab sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, haddaba maxaa la gudboon dadka degan Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada ku xeeran. 1. Inaysan kooxda ka aqbalin dagaal: Al-Shabaab waa awoodi waayeen inay ku dagaalamaan deegaanadii laga soo saaray, waxaa sabab u ahaa inay qabaa’ilka diideen in quwada dowladda ay ka hortagaan iyo in magaalooyinkooda la burburiyo. Waxaa jira warar sheegay in Al-Shabaab dadka degan Ceelbuur iyo naxaawigeeda ay ku qal-qaalinayaan dagaalka nagala qeyb-gala. Dadka deegaanadaasi kama faham xuma dadkii deegaanada kale ee gacmaha ka taagay inay difaacaan Al-Shabaab, iyada oo shalay la idiin diiday inaad xornimo u ganacsataan, ilmihiinu wax bartaan qaar xoog la idinkaga watay oo dagaal iyo qaraxyo ku dhinteen, xoog la idinkaga qaatay xoolihiina, dhaqankiina iyo saldanadiinii soo jireenka ahayd la burburiyay oo deegaanadiinuna 15 sano ay ka dambeeyaan Soomaalida kale. In maanta haddana Al-Shabaab idin weydiistaan intiina hartay dagaalka gala oo ku dhamaada magaaladana ha la-duqeeyo oo ha la dumiyo, kadibna aad aqbashaan waxay idinku noqon doonta khasaare lagu karfanay khasaare kale iyo taariikh xumo aan tirmi doonin. Reer Ceelbuur haddii ay Al-Shabaab u sheegaan in aanay dagaalka qeyb ka noqon karin sidii magaalooyinka kale iyaga ayaa iska bixi doona iyaga oo aan xabad ridin. 2. Inaysan shacabka duurka gabaad ugu noqon kooxda: Al-Shabaab dhowr goobood oo ay ka baxeen waxay dadkii deegaanka ku qasbeen qax iyo inay iyaga duurka u raacan si aanay diyaaradah u duqeyn iyadoo loo turayo shacabka. Sida lala socdo dhamaan deegaanadii Shabeellaha Dhexe dadkii lahaa waa kusoo laabteen. Dad sabool ah u baahan baad, biyo iyo caafimaad, caruurtoodana nolol iyo waxbarasho u raba macquul ma aha in koox argagixiso ah jiqda u raacaan oo gabaad u noqdaan. Dadka Ceelbuur iyo naxaawigeeda degan dhib uma laabto, odayaasha iyo dadka wax-galka ah ee deegaanka waxaa la gudboon in aanay kooxda ka daba-qixin. Xilligii Al-Shabaab laga cabsan jiray waa soo dhamaatay. Haddii kooxda loo sheego in aanay taas macquul ahayn umadda magaalada degan ma wada dhameyn karaan. 3. Dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab ee kasoo jeeda Ceelbuur: Al-Shabaab ciidan ahaan waa gabal sii dhacaya, waa macquul in fikirkooda uu muddo sii noolaado laakiin ciidan ahaan dhul uma sii haysan karaan. Dhalinyarada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan kasoo jeeda ee Shabaabka ah waxaa la gudboon in aanay aqbalin in dadkooda la qixiyo, magaalooyinkooda la duqeeyo iyo in aanay raadin wax ay macquul ka dhigi karin. Dhinaca Wabxo ciidan ayaa ka jooga, dhanka Dhuusamareeb ciidan kale ayaa ka jooga, sidoo kale dhanka Qaayib ayaa ciidan ka jooga. Dhalinyarada Al-Shabaabka ku jira ee deegaanadaas kasoo jeeda tallooyinka loo jeedinayo waxaa kamid ah inay ciidanka iyo siyaasiyiinta ku xisaabta ah la xiriiraan, iskuna dhiibaan tii oo ay ka faa’iideysanayaan fursadii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd cafiska. The post Sida kaliya ee lagu qabsan karo Ceelbuur, Galhareeri iyo Ceelgaras – Fallanqeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya xoogagga deegaanka ee macawiisley iyo Al-Shabaab ayaan maanta duhurkii ka billoowday deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay deegaankaas ku weerareen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ee Hiiraan ay ku galeen Al-Shabaab. Sarkaal lagu magacaabo Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 27-xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkii galabta, dhamaan deegaanadii lagu dagaalamayna ay ka xoreeyeen. Deegaanka Beerxaano ee dagaalkaas culus uu ka dhacay ayaa jihada koonfur ka xiga magaalada Beledweyne, wuxuuna u dhow yahay wabiga Shabeelle oo dhinaca galbeed ay ka joogaan Al-Shabaab. Sarkaalka u hadlay ciidanka xoogga dalka ma uusan shaacin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkii ay galabta la galeen Al-Shabaab, oo caawa maqribkii soo gaaray. Sida ay ogaatayb Caasimada Online deegaanka Beer-xaano iyo deeganada ku teedsan ee dagaalka uu ka dhacay ayaa laga saaray Al-Shabaab, waxaana caawa kun sugan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo aad u abaabulan. Dagaalkii lagu xoreeyey deegaanadaas oo ahaa mid culus, dhowr jeer-na la isku rogaal celshay ayaa caawa soo gaaray, waxaana ugu dambeyntii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka u suurta gashay inay gacanta si buuxda ugu dhigaan deegaanadii lagu dagaalamay galabta. Dagaalka ka socday gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreeyey guud ahaan deegaanada bari ee gobolkaas ayaa hadda ku fiday galbeed oo dhul badan ay Al-Shabaab weli ka joogaan. Ciidanka maanta weeraray Beerxaano iyo deegaanada u dhow ee koonfur ka xiga Beledweyne ayaa qorsheynaya inay ku sii socdaan dhulka weli ku jira gacanta Al-Shabaab oo Hiiraan ka tirsan. Gobolka Hiiraan waa kan ugu adag oo Al-Shabaab ay ku mintidayaan dagaallo culus-na ay ku gelayaan, balse waxaa muuqata in hadda loo jigeystay deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolkaas ay kooxdu ka joogtay mudooyinkaan. The post Dagaal lagu laayey Shabaab oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo deegaano laga qabsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada dagaalka Al-shabaab, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo dagaalamayaasha Al-shabaab looga saarayo dalka. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE Dakar 2: African Development Bank Group, Government of Canada announce funding facility to grow agriculture small and medium enterprises The two organisations made the announcement at a press event on 27 January held during the Dakar 2 Africa Food Summit Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, February 1, 2023/ — The African Development Bank Group (www.AfDB.org) and the Government of Canada have established a new special fund to support Africa’s small and medium-sized enterprises (SMEs) in the agriculture sector. The Agri-food SME Catalytic Financing Mechanism aims to catalyze and de-risk investment for agriculture SMEs, as well as strengthen agricultural value chains and improve food security across the continent. The two organisations made the announcement at a press event on 27 January held during the Dakar 2 Africa Food Summit. “At the Africa Food Summit, we have seen a strong commitment to addressing the financing gap for SMEs and creating an environment that encourages private sector investments in climate-smart, gender-oriented agricultural solutions,” Dr. Beth Dunford, the Bank’s Vice President for Agriculture, Human and Social Development told reporters. “The Agri-food SME Catalytic Financing Mechanism will help unlock opportunities for these businesses in Africa, particularly for women and youth,” she said. Canada contributed CAD 100 million ($73.5 million) to fund the mechanism, which is hosted by the African Development Bank. Small and medium agri-businesses produce, process or transport around 65% of Africa’s food, yet they face a financing gap of more than $180 million annually. The mechanism will provide concessional finance and technical assistance to financial intermediaries including agribusinesses, micro-finance institutions and impact funds. The finance and assistance aim to enable the intermediaries to make loans to agri-SMEs working with women, and businesses that build resilience to climate change. The Agri-food SME Catalytic Financing Mechanism will add to the Bank Group Affirmative Finance Action for Women in Africa’s (AFAWA) goal of closing the $42 billion access to finance gap for women-led SMEs and to accelerate their growth. The Mechanism represents the Bank’s first blended financing facility to specifically target SMEs operating across the agricultural value chain. It mobilizes public funds to de-risk agricultural financing, crowds in support to make SMEs more bankable, and collaborates with providers of capital to make banks more ‘agriculture-friendly’. “The best way to build up food security in Africa is to work with small-and-medium-sized agriculture and food businesses. Through a shared commitment between Canada and the African Development Bank, the Agri-food SME Catalytic Financing Mechanism will advance resilient growth and climate adaptation. It will also help African SMEs to pursue climate smart models, and support women by shifting attitudes that perpetuate gender gaps in financial inclusion,” said Anita Vandenbeld, Parliamentary Secretary to Canada’s Minister of International Development. Structured as multi-donor trust fund, the Mechanism is open to and welcomes the participation and contribution of other development partners. By co-financing with the African Development Bank’s financial instruments, the Mechanism will increase the quantum of attractive capital de-risking agri-SMEs and leverage more private sector finance toward impactful agri-food sector investments. The Dakar 2 Summit, held under the theme Feed Africa: Food Sovereignty and Resilience, is a high-level continental conference hosted by President Macky Sall of Senegal and the African Development Bank Group. Thirty-four heads of state attended. The Dakar 2 Summit also drew agriculture and finance ministers, Central Bank governors, private sector representatives, farmer organizations and development partners to mobilize high-level political will and financial resources toward Africa’s agricultural transformation. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Media contact: Solange Kamuanga-Tossou Communication and External Relations Department African Development Bank media@afdb.org About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 37 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ay hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa horumarinta ku faraysay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guuraan dalka. Amarkan oo kasoo baxay wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa waxa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dakhliga dalka iyo arrimaha shaqo abuurka. Go’aankan oo faa’iido badan u leh Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu meesha ka saaraya dakhligii faraha badna ee hay’adahan gelin jireen dalka Kenya. Hay’adahan ayaa intooda badan hadda degan Kenya, waxaana muddooyinkii dambe faa’iido badan ku qabay dalkaasi, haday noqoto madaxda iyo shaqaalaha ay qaadanayaan iyo haddii ay noqoto kharashka ay bixinayaan. Marka ay hay’adahaan usoo guuraan dalka waxay kusoo kordhinayaan dhakhliga ay ku kireystaan gaadiidka, guryaha, agabka ay iibsadaan, cuntada iyo dhamaan tas-hiilaadka kale oo ay xitaa isgaarsiinta kamid tahay. Fa’iidada kale ee arrintaan ay leedahay ayaa waxaa kamid ah in gudaha dalka ay ka qabsoomaan siminaarada, shirarka, aqoon isweydaarsiyada, daraasadaha iyo dhamaan howlaha kale, kuwaasi oo kasoo xaroonaya dakhli gudaha ah. War-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023. Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu “inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.” The post Tallaabo ay qaaday DF oo meesha ka saareysa dhaqaale ay heli jirtay Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa ee 30-kii bishii Janaayo ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan. Qaraxaasi oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, ayada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankood ahaa saraakiil boolis. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn u cambaareysay falkaan, ayada oo xustay inay kasoo horjeedo waxkasta oo ka hor imanaya qiyamka iyo mabadi’da aadanaha. “Soomaaliya waxay si weyn u cambaareyneysa falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.” Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ee ehelkooda ku waayey qaraxyada, ayada soo kabasho deg-deg ah u rajeysay dhaawacyada. Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid kamid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaaladaas oo ku taalla meel 20KM u jirta xuduuda Afghanistan. Peshawar ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay fulisay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Taalibaanta Pakistan. Hase yeeshee kooxda ayaa markan iska fogeysay weerarkan dadka badan ku dhinteen. The post DF oo si kulul u cambaareysay qaraxii ay ku dhinteen 101 qof ee ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku uruursanayeen. Wararka ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha Shabaabka ah, ayada oo halkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Beerxaano oo dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay ciidamada kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Tarashante, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu socday dagaalka ciidan gurmad ah oo uu hogaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay. Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-galo kala duwan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howl-galada ay ug hortagayaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud. Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas. Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Si kastaba, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howl-galada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa. The post Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Shirkan ka dhacay magaalada Muqdishi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa looguna midoobi lahaa dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka. War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. “Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka. War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala. Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka. Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda. The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dalalka Gobolka ee ka qabsoomay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation has condemned the terrorist bombing at a mosque in Peshawar, Pakistan, on Monday, resulting in multiple fatalities and injuries. On Monday, A suicide bombing at a mosque within the city’s main police headquarters claimed the lives of at least 101 people and injured at least 225, mostly police officers, on Monday. The attacker, who managed to slip into the highly secured compound undetected, detonated the explosives among a group of worshippers. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation affirmed that Somalia “strongly condemns these criminal acts and permanently rejects all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability in contravention of human values and principles.” “The Ministry expresses its sincere condolences to the government of the Islamic Republic of Pakistan and its people and the families of victims of this heinous crime,” the statement read. “We also extend our wishes for a speedy recovery for all those injured.” It is the deadliest attack in Pakistan in five years and reminiscent of a time more than a decade ago when the city of Peshawar, located near the former tribal areas bordering Afghanistan, was plagued by severe militancy. All those killed, except three people, were police, making it the worst loss for Pakistan’s security forces in a single attack in recent history, with only three fatalities not being police officers. Pakistan’s Defense Minister, Khawaja Mohammad Asif, blamed the attack on the Pakistani Taliban, also called Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), alleging that they were operating from Afghanistan. He called on the Afghan Taliban to take action against the TTP. However, the TTP has denied involvement in the attack, and no group has claimed responsibility. The Interior Minister, Rana Sanaullah, suggested that a breakaway faction of the TTP may be responsible. Monday morning’s bombing, which left at least 225 wounded, raised alarm among officials over a significant security breach at a time when the Pakistani Taliban, the main anti-government militant group, has stepped up attacks, mainly targeting the police and the military. Pakistan is grappling with political and economic turmoil amid a disputed election and the aftermath of last summer’s devastating floods, which claimed 1,739 lives and caused the destruction of over 2 million homes, with parts of the country being submerged to as much as one-third. The recent bombing only exacerbates the challenges the nation is facing. The post Somalia condemns terrorist attack in Peshawar mosque appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Al-Shabaab. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada. PUNTLAND POST The post Shirka Dalalka Gobolka oo looga hadlay Dagaalka Al-shabaab oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, madaxweynaha Kenya William Ruto, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo iyagu galinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho. Shirkan u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Madaxda ayaa waxay fallaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale madaxdan ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howl-galadii lagu xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan dalka, kuwaasi oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol. Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. “Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka. War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala. Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka. Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey madaxda dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada. Shirka ay maanta Muqdisho ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya marti-geliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran The post Go’aano xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Xasan Sheekh, Abiy, Geelle iyo Ruto appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal: Biixi (midig) ayaa dorraad ku beerlaxawsaday Cabdirisaaq Khaliif (dhexda) in maleeshiyada Mahad Cambaashe ku soo celin karto Laascaanood ciidan beeleedka Somaliland. Laascaanood (Warbixin PP) — Magaalada Laascaanood waxaa ku soo fool leh Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada maamulka Somaliland. Wuxuu ka tagay Laascaanood maalmo ka hor kaddib markuu ku hungoobay inuu saameyn ku yeesho shirkii wadatashiga. Dorraad ayuu Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi. Cabdirisaaq waa ninka keliya oo hadda ka haray kuwa loo yaqaanno ‘Horgalayaasha’ waayo Biixi wuxuu u arkaa in waxa ka haray maleeshiyada uu Mahad Cambaashe wato ay abuuri karaan fursad ay ciidammada Somailand dib uga soo galaan Galbeedka Laascaanood si la mid ah sidii uu Faratoon sanadkii 2003 ciidammo u keenay Yagoori ama Xaabsade uu 2007kii ciidanka Somaliland uga soo geliyay Koonfurta Laascaanood, laakiin waayuhu kuwii ma aha. Cabdirisaaq Khallif wuxuu ku tashanayaa Garaad Jaamad Garaad Ismaaciil oo, sida uu qof ku dhow Guddiga 33 uu sheegay “kala dooran doona inuu noqdo xaq u dirir ama xaq ka dirir”. “Ciidanka Somaliland Laascaanood xoog baa looga saaray. Beel kasta magaalada qeybta ay ka degto laguma haysto. Haddii maleeshiiyaadka Mahad Cameeshe isku dayaan inay soo weeraraan xaafadaha iyagoo la socoda ciidammada gardarrada wada ee goosasho-doonka, waxaa dhici doonta in dagaal ba’an uu ka dhaco Laascaanood. Ma aha maanta maalintii uu Mahad Cambaashe weerari jiray Saaxdheer” ayuu yiri taliye ka mid ah taliyayaasha ciidanka iska caabbinta ee ku sugan qeyb ka mid ah Laascaanood. Argagixiseyn Cabdirisaaq Khaliif wuxuu oggaaladay tilmaantii uu Muuse Biixi ka bixiyay Laascaanood oo u tilmaamay magaalo ay Khawaariij joogto. Cabdirisaaq wuxuu kula heshiiyay Biixi in ciidanka beeshiisa, uu Caagle Sare Mahad Cambaashe horboodo, dib loo hubeyn doono si buuxdana ay uga talin doonaan Laascaanood haddii mar kale ay Somaliland ku amar-ku-taaglayso Laascaanood. “Cabdirisaaq iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil way taageereen barakicintii 2021kii Laascaanood lagaga barakiciyay dad Soomaaliyyed. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waa inuu si cad u dhaleeceeyo beenta Muuse Biixi ka sheegay Laascaanood haddii kale xaalkiisu waa kii dhuumanaayow dhabarku muuqdee” nin dhallinyaro ayaa sidaa ku dooday. Shaki weyn baa jira in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u nuglaaday cadaadis kaga yimid ina adeerkiis Cabdirisaaq Khaliif oo Laascaanood kula soo noqon doona lacag uu u adegsan doono in maleeshiyada beeshiisu ku laayaan dadka sita calanka Soomaaliyeed. Nin ku sugan Koonfurta Laascaanood ayaa sheegay in “Laascaanood dagaal uu ka dhici doono waayo maleeshiyada Galbeedka weli ma quusan inkastoo ay ka cabsanayaan inay magaalada soo dhexmaraan. Waxay isku dayayaan inay iska soo horreysiyaan ciidammo laga keenay Arabsiyo, Wajaale iyo Gabiley si ay u yareeyaan dhaawaca iyo dhimashada soo gaari karta maleeshiyo beeleedka Cabdirisaaq Khaliif uu badbaadintoodu ku hawlan yahay.” Maleeshiyada Galbeedka Laascaanood waxay yaraysanayaan nooca uu noqon karo dagaal ka qarxa Laascaanood. Aamusnaanta Garaad Jaamaca Garaad Ismaaciil ka aamusay beenta Muuse Biixi ka sheegay Laascaanood ayaa loo qaadan karaa inuu ku biiray ololaha isku dayga badbaadintaa maleeshiyada waqtigoodu dhammaaday. Nin ciidammadii Soomaaliya ka tirsanaaa ayaa qaba “dagaal xal buu keenayaa inkastoo burbur baahsan uu oo gaari doono Laascaanood. Waa dagaal Mahad Cambaashe iyo kooxdiisu kaga takoornaan doonaan dadka u dagaallamaya dhowrista midnimada iyo qarannimada Soomaaaliya.” © Puntland Post, 2023 The post Cabdirisaaq Khaliif oo taageeray “in Laascaanood tahay meel argagixiso joogto” appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug. Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Mudane Xamse waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Guddiga dhismaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan qorshaha ka bixitaanka ATMIS (ex-AMISOM) ee Soomaaliya. Danjire Larry Andre ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageersan tahay qorshahan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim ah oo u baahan isku-dubarid iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah, si loo dhameystiro guulaha nabada iyo amni kusoo dabaalida dalka. “Waa muhiim qorshaha kala guurka ee xiliga ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay kala wareegayaan amaanka dalka, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayna amniga la wareegto dowladda dhamaadka 2024-ka,” ayuu yiri. “Waxaa loo baahan yahay qorshe iyo isku-dubaridid howlahaas oo wada-jir ah oo si wanaagsan la iskula shaqeeyo ayna AMISOM door muhiim ah ay ka ciyaarto sidii loo dhameystiri lahaa guulihii nabadda iyo amni kusoo dabaalida ee qorshuhu ahaa ayaga oo tallaabo kasta la kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.” Sidoo kale waxa uu xusay in Mareykanka uu taageero ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gaarka u ah dowlad-goboleedka, ayna ka go’an tahay joogteynta howl-galada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab. “Waxaa siina tababaro iyo qalabeyn intaba sidoo kale waxaa wada-shaqeyna dhamaan ciidamada qeybahooda sida ciidanka Gorgor oo iyagana tababareen Turkiga, si guud ahaan ayaa u horumarinayna ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya nooc walba oo ay yihiin.” “Meelaha aan ka caawino waxaa kamid ah sida saadka iyo qorsheynta, sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah taageerada ciidanka qalabka sida, Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ayaa door muhiim ah ku leh garab istaaga ciidanka.” Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah. The post Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha ATMIS ay uga baxayaan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho Xilli Hogaamiyeyaasha Dalalka Jabuuti,Kenya & Itoobiya soo gaadheen Muqdisho Talaado, January, 31, 2023 (HOL) – Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen qaar kood xaafadaha ku yaala agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Hoobiyeyaasha oo tiro ahaan gaarayay ilaa 5 ayaa laba ka mid ah la xaqiijiyay iney ku kala dhaceen guri shacab ah oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha iyo goob Maqaayad ah oo ku taala Isgoyska Tarjiinka, iyadoo kuwa kalana ay ku dhaceen xaafado ku teedsan Madaxtoyada, waxaana lasoo warinaya iney geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh balse ma cadda ilaa hada tirada saxda ah. Kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay iney sheegato masuuliyada weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco gudaha magaalada Muqdisho. Hoobiyeyaashaan lagu garaacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo saakay waddooyinka Muqdisho loo xiray shir ay ku yeelanayaan gudaha magaalada Muqdisho Madaxda dalalka la isku yiraahdo safka hore ee Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya. Qaran News
-
Qaabkii Abiy Axmed Loogu soo dhaweeyay Muqdisho uqdisho, Feberaayo 01, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore. Qaran News
