-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muwaadin Shiinees ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay sheegtay safaaradda Beijing ee Addis Ababa, oo ku amartay muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah. Sagaal muwaadin oo Shiinees ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay bayaan. “Nasiib-darro, mid ka mid ah ayaa la toogtay oo dhintay,” ayey tiri safaaradda, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan dhacdadan ama muwaadiniinta Shiineeska ah. Safaaradda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in “kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca” ay ku badan yihiin Oromia iyo gobollada xuduudda la leh. PUNTLAND POST The post Muwaadin Shiinees ah oo lagu dilay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabeylo baraf wata oo Talaadadi shalay ku dhiftay qeybo badan oo ka mid ah gobollada koofurbari ee Mareykanka. Labada qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee gobolka Texas, sidoo kale laba sarkaal oo ka mid ah ciidanka booliska jidadka ayaa ku dhaawacmay shil baabuur. In ka badan 1,700 oo duullimaad ayaa dabeylahaasi qaboow dartood loo baajiyay guud ahaan Mareykanka saacadihi lasoo dhaafay. Dabeylaha ayaa saameeyay ku dhawaad 40 milyan oo ruux. Khubarrada saadaasha hawada ayaa ka digay in dabeylahan barafka wata ay saameyn doonaan laga soo billaabo galbeedka Texas ilaa gobolka West Virginia. PUNTLAND POST The post Dad ku dhintay dabaylo qaban daran wata oo ka dhacaya Maraykankq appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) - At least three people have been killed following clashes between armed herders from Isiolo and Samburu Counties in the Mlango area. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaga oo hakad-geliyay isku socodka gaadiidka iyo xittaa dadweynaha. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka caasimada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, ayada oo u jeedadu tahay in la adkeeyo amniga, maadaama uu shir caalami ah maanta ka dhacayo magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya. Tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama ay shacabka ku wargelisay in la xirayo waddooyinka, isla-markaana ka dalbatay in ay dul-qaad muujiyaan saacadaha kooban ee ay martida culus imaaneyso waddanka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho” ayey tiri dowladdu. Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, maadaama ay xirmeen goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana ugu daran dadka danta yar ee raadsada nolol maalmeedkooda. Dhinaca kale shirweynaha maanta ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ee u dhexeeyo dowlada federaalka iyo waddamada dariska ee loo yaqaano dalalka safka hore ayaa goordhow furmaya, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Sidoo lale waxaa la filayaa in hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay soo gaaraan magaalada, si ay uga qayb-galaan shirkan muhiimka ah oo shalay ku furmay si hordhac ah, waxaana is arkay taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada gaashaandhigga ee dalakan. Arimaha laga hadlayo waxaa kamid ah iskaashiga amniga gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Madaxda ayaa sidoo kale si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada. Si kastaba, shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Ciidamada DF oo xiray jidadka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Boorama (Caasimada Online) – Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa lagaga dhawaaqay banaanbax looga soo horjeedo xasuuq ay ciidamadii jabhada SNM ee Korneyl Muuse Biixi, oo hadda ah madaxweynaha Somaliland ay ka geysteen gobolkaasi 1991-kii. Guddiga qaban-qaabada banaanbaxan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxan ay iclaamiyeen loogu ducaynayo dadkii ay laayeen ciidamadii SNM, kuwaasi oo ay ku tilmaameen “shuhado”. Banaanbaxan ayaa waxa uu ka qabsoomi doona magaalada Boorama 4-ta bisha Febraayo, sida ay sheegeen guddiga qaban-qaabineysa isku soo baxan. “Dhamaan waxaa ugu baaqeyna bulshada gobolka Awdal meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan oo ay xusaan maalinta shuhadada oo ku beegan 4-ta February, sidoo kale waxa aan aad ugu baaqeyna aqoonyahanka, macalimiinta, ardayda, hooyoyinka iyo dhamaan dhalinyarto inay iskugu yimaadan dhigtii Boorama halka ay ka dhacday oo halkaas ugu duceyno shuhadadeena.” “Bulshada waa in ay iskugu yimaadan 9-ka subaxnimo goobta loo asteeyay. Qofkasta oo reer Awdal ah waa in uu kasoo qeyb-gala banaanbaxan, ayna ka qeyb qaatan baaqan.” Banaanbaxan looga soo horjeedo xasuuqii ay geysteen SNM ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid yahay xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo ka soo jeeda gobolka Awdal. “4 Feberuary, waa maalintii SNM oo wadata ciidamadii dhergi-ga ay xasuuq ba’an ka gaysatay dhamaan gobolada galbeedka, waxan dadkaasi Ilaahay uga baryayaa ku baxay gacanta ka xaqa daran inuu janooyinkiisa ku casuumo. Aamin, Aamin,” ayuu xildhibaan Ayuub ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka oo la xiriira banaanbaxan la iclaamiyay, ayada oo dadka qaarkood ay walaac ka muujiyeen in isku soo baxan uu isku badalo rabshado horleh. Ma aha markii u horeysay ee banaanbax noocan ah looga dhawaaqo magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal, hase yeeshe waxa ay xiligaan kusoo aadaysa ayada oo kacdoon looga soo jeedo Somaliland iyo hogaankeeda uu ka taagan yahay magaalada Laascaanood, taasi oo ay u maara-weyday xukuumadda. The post Awdal oo looga dhowaaqay banaanbax la xiriira xasuuq ay geysteen ciidamadii SNM appeared first on Caasimada Online.
-
The Cholera outbreak has further spread out to 66 localities of eight districts across Bale, Guji and West Arsi zones of Oromia and two districts of Liben zone of Somali region of Ethiopia, United Nations Office for the Coordination Humanitarian Affairs (OCHA) has said.In a report issued on Tuesday, OCHA said as of 30 January 2023, 1,055 cholera cases have been reported including 28 associated deaths. According to the Ethiopian PublicHealth Institute, close to one million people are at high-risk in the 10 affected districts. Source: Hiiraan Online
-
WQ. Maxamed Sadiiq Dhamme “21 DEC 2022 illaa 26 DEC 2022 waxa ka dhacay Gobolka Maroodi-jeex Tallaalka Jadeecada (measles vaccine) waxa maqan illaa hadda lacagtii Shaqaalaha Caafimaadka, Gaadiidkii Tallaalka ka shaqeeyay iyo Hawlwadeenadii kale 38 Maalmood, Mashruuca waxa bixisay WHO waxaana la soo mariyay UNICEF, waxa fulinaysay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, illaa hadda ma cadda Lacagtaasi cid ay ku maqantahay, waxaanu soo jeedinaynaa in Lacagtaa la sii daayo maadaama Shaqaaluhu ay u baahan yihiin xuquuqdooda xaalada dhaqaaluhu liito lagu jiro, Tallaalkan waxa la bilaabay 3 bilood kaddib markii Jadeecaddu qaraxday (outbreak) waxa lagu jiray xilligii kabashada (recovery period) Tallaalka la bilaabay !” Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markii u horeysay sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka. Waxay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.” Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda. “Ololaha la rabo in la igaga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka waa mid siyaasadeysan,” ayey doodeeda sii raacisay Ilhaan Cumar. Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.” Ilhaan ayaa sidoo kale waxay iftiimisay odhaah “Islaam nacayb ah” oo kasoo yeedhay wakiilka Georgia Marjorie Taylor Greene iyo wakiilka Colorado Lauren Boebert, iyada oo kusoo oogtay dacwad Islaam nacayb. Si kastaba, In xiligaan Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka waxay u baahan tahay in ay u codeeyaan Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana soo baxeysa in tiro yar oo kamid ah wakiilada Jamhuuriga ay ka soo horjeedaan isku dayga lagu doonayo in Ilhaan looga saaro guddigan. The post Ilhaan Cumar oo shaacisay inuu Congress-ka ka socdo isku day looga saarayo… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka sameeyay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley, halkaas oo ay ka soo qabtay nin hubeysan oo dil iyo dhaawac geystay. Ninkan oo watay qorayga M-16 ayaa dhac ka geysanayey waaxda saddexaad ee deegaanka Garasbaaley, sida uu shaaca ka qaaday Booliska gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilliga la soo qabanayay eedeysanaha uu dhac u geystay haweeney kamid ah dadka deegaanka oo ku sugneyd halkaasi. “Ciidanka ayaa nikaan ka qabtay Waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Booliska. Sidoo kale wuxuu Booliska sheegay in xilliga lasoo qabanayay ninkan uu la dagaamay ciidamada ammaanka, isla-markaana rasaasta uu furay ay ku dhintay 1 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeem laba kale oo kamid ahaa dadka deegaanka. Booliska ayaa sheegay in haatan la soo xiray eedeysanaha, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Dhinaca kale isla ciidamada ammaanka Garasabaaley oo howlgal kale ka sameeyay deegaankaasi ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo burcad ahaa, isla-markaana ku hubeysnaa mindiyo, kuwaas oo dhibaato ku hayey dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaas. “Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay Waxaada 1-aad ee Deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu qabtay ilaa dhowr Taleefan oo ay ka dhaceen dad shacab ah, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Booliska. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo burcadda ee ka socdo Muqdisho iyo hareeraheeda. The post Sawirro: Booliska oo soo qabtay nin dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Muwaadin Shiinees ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay Talaadadii sheegtay safaaradda Beijing ee Addis Ababa, oo ku amartay muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah. Sagaal muwaadin oo Shiinees ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay bayaan. “Nasiib-darro, mid ka mid ah ayaa la toogtay oo dhintay,” ayey tiri safaaradda, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan dhacdadan ama muwaadiniinta Shiineeska ah. Ayada oo xasilloonida ay inta badan dib ugu soo laabatay gobolka waqooyi ee Tigray kadib laba sano oo dagaal xun ah, haddana dagaal ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan Ethiopia, oo muddo uu ka socdo dagaal iska caabin. Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabaneysay in la liido. Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA ayaa ka faa’iidaysatay caradan sii kordheysa, si ay u xoojiso safafkeeda ee dagaal sanado badan socda oo ay kula jirto ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka. Hase yeeshee gobolka ayaa waxaa sidoo kale saameeyey dagaal qowmiyadeed kale, gaar ahaan mid u dhaxeeya Oromada iyo Amxaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan dalka. Safaaradda Shiinaha ayaa Talaadadii sheegtay in “kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca” ay ku badan yihiin Oromia iyo gobollada xuduudda la leh. Waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sare u qaadaan wacyigooda badbaadada ayna ka tagaan gobollada weli ay colaadaha saameynayaan. “Haddii aad horey u joogtay aag halis badan, waa inaad isla hadda u guurtaa meel nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Marka lala barbardhigo dagaalka Tigray, dagaalka Oromia ayaan soo jiidan dareenka caalamka balse wuxuu halis ku yahay xasilloonida dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed horraantii bishan, wuxuu walaac uga muujiyey xaaladda Oromia. AFP, VOA The post Muwaadin SHIINEES ah oo lagu dilay dalka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Following the re-election of Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud, the Somali government declared total war against the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabab with the aim of eradicating the rebels from Somalia. The president’s predecessors had failed in subduing Al-Shabab, which made it politically expedient for Mohamud to start his new term by going head-on with the insurgents. Within weeks of taking office, the Somali government began an all-out war against Al-Shabab with full support from international partners, which saw Somalia’s federal government seize numerous towns and districts across central Somalia’s Hirshabelle and Galmudug regional states. What makes this current military offensive differ from previous military endeavours seen over the past decade is that the federal government of Somalia has begun empowering local clans to take up arms and rise up against Al-Shabab. In an attempt to mimic the Sunni uprising in Iraq in the mid-2000s, which saw tribes take up arms and expel Al-Qaeda from their lands, the Somali government has begun backing a coalition of tribal militias widely known as the ‘Macawisley’. But it has produced mixed results. The initiative has been applauded by the Somali government and its international partners due to the territorial gains by government forces and the ‘Macawisley’ militias against Al-Shabab. While certain segments of Somali society have welcomed the move, other local clans feel alienated and vulnerable due to what they perceive as the government empowering their rivals. Somalia is a homogeneous nation whose society is built on a clan-based system. Deep levels of mistrust and unaddressed grievances remain entrenched, made worse by three decades of conflict that have torn neighbours, friends, and communities apart. The government’s decision to prop up certain communities, or clans, under the pretext of fighting Al-Shabab while alienating others, has caused a quagmire. With Al-Shabab being pushed out of certain areas, many minority clans and disadvantaged communities fear that these government-backed tribal militias will begin targeting neighbouring clans over territorial control linked to disputes over towns and grazing lands and settling old scores linked to past grievances. This could be a recipe for disaster, and potentially a move which will further turn ordinary Somalis against one another. Secondly, propping up clan-based militias across the country without nationalising them into the armed forces could prove dangerous. The Somali government does not have full control of its territory or borders. Its’ physical reach and authority for the time being is limited outside of Mogadishu, Middle Shabelle, Galgaduud, Mudug, and Eastern Hiiraan. The government, therefore, faces the risk of various armed militias sprouting up across the country if the Al-Shabab threat were to permanently diminish. This in itself would be a new dilemma that the government would have to deal with. Local communities, such as those that make up the brunt of the government-backed ‘Macawisley’ militias, have the right to defend their dignity and livelihoods from any armed foe that threatens their way of life. But letting loose a coalition of tribal militias to reign with immunity is bound to open a Pandora’s box that nobody is ready for, including the Somali government. Furthermore, when the government backs certain clan militias, oftentimes these communities face retribution from Al-Shabab, as with the recent wave of abductions reportedly carried out by the group targeting local clans backed by the government. The Somali government doesn’t have the physical capabilities to ensure the safety of these communities when Al-Shabab retaliates, forcing them to fend for themselves as they suffer the receiving end of the militant group’s scorched earth policies. Despite success in rural Somalia, the government is still struggling to quell the insurgency in its own backyard. For example, Al-Shabab has been able to strike high-profile targets at will in Mogadishu, the seat of power for the Federal Government of Somalia, since the government’s military offensive began several months ago. A case in point was the longest hotel siege in Somalia’s history in August of last year, with a similar hotel siege targeting an upscale hotel adjacent to the presidential palace a few weeks later. The persistent Al-Shabab attacks in Mogadishu aren’t limited to just hotels. They have also targeted government buildings, such as the Municipality headquarters, and carried out one of the deadliest bombings in the last decade near the education ministry in October, killing at least 100 people. This begs the question, is chasing Al-Shabab through rural Somalia while ignoring their presence in Mogadishu a viable policy? “The federal government is yet to issue any public statement on these (issues). However, I do believe it made a strategic decision to drive Al-Shabab out of the regions in the periphery first, based on the assumption that if Al-Shabab is weakened in the neighbouring regions, it will be difficult for them to mount attacks,” Mukhtar Ainashe, the former National Security Adviser to Somalia’s Transitional Federal Government (TFG), told The New Arab. But the government’s territorial advances in rural Somalia have not put an end to Al-Shabab’s ability to strike the government in the heart of the Somali capital, as seen with the wave of deadly attacks over the past several months. “This (approach) is not necessarily risk-free as Al-Shabab could, potentially, bring several hundred of their fighters into Mogadishu and create havoc,” Mukhtar Ainashe added. Off the battlefield, the government has also attempted to weaken Al-Shabab financially by freezing bank accounts and mobile money transfers belonging to purported members. By doing so, the government aims to cut off the group’s financial flow. Colonel Abdullahi Ali Maow, a security expert and former senior intelligence official of the National Intelligence & Security Agency (NISA) of Somalia, says Al-Shabab has been diminished significantly due to the government’s multi-faceted strategy in dealing with the militants on the battlefield and within the financial sector. “Al-Shabab have mostly been subdued in the Galmudug region, with small pockets of insurgents still in the vicinity of the El-Buur and Galhareri districts,” the colonel told The New Arab. “The expectation for the current momentum is for military gains to shift towards the states of Southwest and Jubaland.” These two regions have been an Al-Shabab stronghold for a number of years. On the financial front, “Al-Shabab is capitulating financially due to the rigorous work of the National Intelligence & Security Agency (NISA) as they shut down bank accounts linked to the armed group aimed at squeezing the insurgents financially,” Colonel Abdullahi Ali Maow said. In the past several weeks, the Somali government has claimed to have shut down 250 bank accounts alleged to be linked to Al-Shabab members. Mobile money users purportedly linked to the jihadists have also been targeted in the crackdown. However, despite these reported gains by the Somali government, the armed group continues to generate revenue nationwide, taxing livestock, goods, and businesses uncontested, even in government strongholds such as Mogadishu. In practice, they operate a parallel government far more efficiently than that of the Western-backed government based in Mogadishu. The armed group can provide basic services and security to civilians in the areas they govern with their own financial means, unlike their rivals in Villa Somalia (Mogadishu’s presidential palace), who are unable to service the basic needs of their constituents despite the financial support they receive from international donors under the guise of state-building. Weakening Al-Shabab financially will also take more than closing bank accounts. It will require putting in place mechanisms that diminish corruption within the ranks of government and a system that allows it to be more financially accountable and transparent in order to reach citizens that are most in need. Furthermore, the role of international actors in the Somali conflict is heating up. Both US and Turkish air support is being provided to Somali ground forces as they sweep through towns and districts across southern and central Somalia. The Somali government troops are dependent on air superiority to advance through large swaths of Al-Shabab-controlled territory and as a result, have made significant gains. But it remains to be seen whether the government can hold onto these newfound gains. Al-Shabab has a knack for taking back territory they’ve conceded to government forces. The government needs to utilise the current momentum and build the confidence of local communities. The average Somali doesn’t care who rules over them, as long as they can provide a semblance of peace and security, which Al-Shabab has managed to do. It remains to be seen if the Somali government can fill the void and win the hearts and minds of those caught in the middle of the senseless violence that has befallen Somalia for three consecutive decades. Mohamed Gabobe is a freelance journalist based in Mogadishu, Somalia Follow him on Twitter: @Mohamed_Gabobe The post Hope and fear loom over Somalia’s battle with Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government has secretly sent thousands of new military recruits to nearby countries for training to strengthen its army in its war against the al-Shabab militants; a senior official has told VOA News. According to Hussein Sheikh-Ali, the national security adviser for the Somali president, Somalia has sent 3,000 soldiers each to Eritrea and Uganda, and 6,000 more recruits will be sent to Ethiopia and Egypt. The goal is to have 15,000 soldiers ready by 2024, as Somalia is anticipating the withdrawal of the African Transitional Mission in Somalia (ATMIS) troops from the country by the end of 2024. “We want to have 15,000 soldiers ready by the end of 2023,” Ali told VOA’s Harun Maruf in an interview in Washington, where he met with U.S. military officials to seek more support for Somalia. However, a recent report by the Mogadishu-based think-tank Heritage Institute for Political Studies (HIPS) raises concerns that the government may not meet the December 2024 deadline it set to have 24,000 soldiers ready to take over the security responsibilities when ATMIS are scheduled to leave. The report cites financial constraints, capability and training gaps, and ongoing military operations as challenges facing the Somali army. It emphasizes the importance of affordability, given that the state cannot currently support the army it wants. The report also highlights two significant capability gaps for the Somali National Army (SNA), including a lack of equipment and resources and difficulties in generating and deploying “hold” forces to stabilize newly recaptured areas. According to the report, the Somali government requested a six-month delay for the initial reduction of 2,000 soldiers from ATMIS, from December 2022 to June 30, 2023, in November. Ali stated that this delay is because the troops anticipated to replace ATMIS are undergoing training overseas. Despite these challenges, Ali remains optimistic and predicts that the government will defeat the al-Shabab group by next summer. He says that the primary goal is to have no al-Shabab members occupying any territory in Somalia by June or July of 2024. However, Brigadier General Abdi Hassan Hussein, a former intelligence officer, and former police commander, warns that the fight against al-Shabab will require support from the United Nations and other stakeholders. He says peace will be far away if the stakeholders do not play a role in this fight. The recently approved 2023 budget of $967 million, which allocates $113 million for the national army, is dependent on external support as domestic revenue could be higher. The Heritage Institute for Political Studies (HIPS) report states that building an army without a budgetary plan could be unsustainable, as an army requires more than just paying salaries. The troops have suffered many casualties over the years from improvised explosive devices and the inequality between the well-equipped Danab (Lightning) and Gorgor (Eagle) units trained by the U.S. and Turkey and the regular army units that are only marginally better equipped than local clan militias. The post Somali government secretly sends thousands of army recruits abroad for training appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan askari u dirtay dalal dibadda ah, si ay u xoojiso ciidamada xoogga dalka oo dhisme uu ku socdo, dagaalna kula jira Al-Shabaab, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya. Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda. La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ayaa ciidanka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorsheeyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari. “Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu yiri la-taliyaha dhinaca amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali. Sida ay ogaatay Caasimada Online, intii ay socotay soo daabulaada ciidanka laga keenay dalka Eritrea ee tababarka soo dhameystay, diyaaradda keenta Muqdisho waxay Eritrea ku celineysay ciidan kale oo cusub oo tababar loo diray, kuwaas oo laga qoray Muqdisho. Warkaan ayaa imaanaya iyadoo warbixin uu soo saaray machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda uu shaki geliyey in dowladdu ay buuxin doonto bisha December 2024-ka qorshaha la doonayo inay ku hesho 24,000 oo askari oo diyaar u ah inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee qaranka. Xiligaas waxaa qorsheysan inay dalka isaga baxaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, waa ATMIS. “Jadwalkan waa mid hami weyn leh, sababtoo ah laamaha amniga Soomaaliya uma badna in ay si buuxda u madax bannaanaadaan waqtigaas, sidoo kale uma badna in Al-shabaab laga adkaaday ciidan ahaan,” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage. Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha fulinta ee Machadka Heritage ayaa yiri, “Waqtiga kama dambaysta ah iyo xaqiiqda ah in ciidanku ku jiro dagaal, isla markaana dib loo dhisayo, waxaan ku doodaynaa inay tahay waqti aad u kooban, way adkaan doontaa in la kulmo.” Warbixintu waxay xustay in bishii November, ay dawladda Soomaaliya ka codsatay ATMIS in dib loo dhigo dhimista ugu horreysa ee 2,000 oo askari oo lix bilood ah, laga bilaabo December 2022 ilaa 30 June, 2023. Cali waxa uu sheegay in dib u dhacan loo codsaday in ciidamada Soomaaliya ee howlgalka ATMIS kala wareegi lahaa goobaha ay joogaan ay ku maqan yihiin tababarro dibadda ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu aysan doonayn inay carqaladeyso howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, maadaama goobaha ay ka baxayaan ciidamada ATMIS ay tahay inay la wareegaan ciidamada Soomaaliya. Ciidanka ATMIS ayaa intiisa badan ka howlgala koonfurta Soomaaliya, halka ciidanka qaranka oo u muuqda mid aan qeybsamin uu xoogiisu ka dagaalamayo gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo ay ku wiiqeen awooda Al-Shabaab. Hadii ciidamada xoogga dalka ay ku guuleystaan inay Al-Shabaab ka wada xoreeyaan HirShabeelle iyo Galmudug, howlgalka lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab wuxuu ku fidi doonaa koonfurta dalka oo ATMIS ay ka howlgasho, taas oo ka dhigan in ciidanka qaranku ay tartiib-tartiib u hana doonaan amniga dalka. Balse dhinaca kale waxaa is guraya waqtiga oo dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay diyaariso ciidan qaran oo ATMIS kala wareega amniga dalka, inta aan la gaarin waqtiga lagu balamay oo ah dhamaadka sanadka 2024-ka, si dalku uga gudbo qiimeynta lagu sameyn doono. The post DF oo kumanaan askari oo cusub si qarsoodi ah tababar ugu dirtay Eritrea iyo dalal kale appeared first on Caasimada Online.
-
A call to my fellow Somalilanders in the Diaspora The purpose of this article is to share with my fellow Diaspora the importance of supporting the common interest among all the people of Somaliland regardless of the region of origin. First of all, I am sharing my feelings that my heart goes out to all those who have died in Lasanod protest. My deepest condolences to the victims. Human lives are precious and I hope that a lesson will be learned to avoid similar tragedies in Somaliland. While the Sool conflict was going on, I personally received hundreds of messages posted by other Diaspora people mainly from the region itself. These messages were in support of armed forces, encouraging them to carry out violence against the innocent people of Lasanod and the wider region. The message I want to share with the Somaliland Diaspora is since the beginning of the conflict in Sool especially Lasanod, we have seen many of the Somaliland Diaspora inciting violence and fanning the flames. Many of the Diaspora from this region have extensively used social media tools to harm the harmony of the Somaliland people by spreading lies, rumours and fake news. Some Diaspora communities from the region held fundraising campaigns a in the USA and Europe in order to mobilize forces to fight against Somaliland and feed terrorist organisations willing to enter the region. We are aware that the Diaspora residents in western countries live safely with their children and are doing their best to give their children good education. It is unfortunate that the same Diaspora are destroying the future and the lives of children and families living in their region of origin. It is morally difficult to justify the call for war which leads to loss of lives and to the destruction of the educational system for thousands of children. We should be advocates for the Somaliland people to live together in peace, harmony and stability. I am sure that everyone’s relatives back home would like to live in peace without any fear. We need to have positive communication and encourage our people to live with their dignity and their rights protected while at the same time ensuring that we do not destroy our security and government system. Our people already have enough problems such as the high cost of living, droughts and also the instability in the Horn of Africa region. With all the problems in the region, it is not fair for us to encourage our people back home to solve their concerns through violence and war. Using the experience and knowledge we have gained from our host countries we are expected to be a community against things that threaten the harmony of our people. The real truth that every one of us needs to understand is that Somaliland is part of Sool and equally Sool is a part of Somaliland. In my view it was good that the Government of Somaliland has given an opportunity to the traditional clan chiefs (Garaads) to hold their conférence in Lasanod. Therefore, the Somaliland Diaspora needs to constructively share their positive views with the traditional clan chiefs. It is important for all of us to realise that traditional clan chiefs to work towards maintaining the peace and stability of Somaliland. I commend that the Government of Somaliland showed its maturity by pulling out the military forces from Lasanod to avoid bloodshed and encourage dialogue and mutual understanding. I also commend the government for sending a heavy delegation to the region, including the speaker of the Parliament, Government ministers and members of the parliament who have been in the area for a while to find a peaceful solution. In conclusion, it is worth noting that Somaliland stakeholders, despite their differences, have supported the strengthening of unity, stability and the independence of Somaliland. During their meeting they expressed clearly the importance to prevent anything that could cause conflict and encourage actions which strengthen the harmony of the Somaliland people. It is also important to mention the positive calls coming from different sections of the Somaliland communities who have been conveying encouraging messages to the people of Sool with the aim of resolving the conflict through dialogue and understanding. Finally, I hope the gathering of traditional chiefs in Lasanod will be productive and positive. As they are the traditional chiefs of Sool region, they have a lot of responsibility on their shoulders. Due to these responsibility traditional clan chiefs of Sool are not expected to make light decisions. I expect that the meeting of tradition chiefs will produce decisions that will strengthen the peace and the development of the regions and Somaliland as a whole. Today we need to resolve any problems or concerns internally so that we can build a better country for the present and future generations. We all have to be aware of the fact that it is not in anyone’s interest that the security of Sool gets out of control and become a base for terrorist groups. We all want peaceful Sool where people live with dignity and good life, and we need to work together to get there. Abdirahman Abdullahi Jibril (Awliyo) UK Jabdi35@yahoo.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay caawa yeesheen Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda. “Shirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadanka Uganda,” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya. Sharciga koowaad ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya wuxuu ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada’ oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah. Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya. “Golaha ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada. Heshiiskaas ay wada-galeen Soomaaliya iyo Uganda waxaa golaha hor keentay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna wasiirka ganacsiga ka hor sheegay golaha in heshiiskaan uu wax badan ku soo kordhi doono ganaciyada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, isla markaana uu muhiim u yahay iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. Hoos ka daawo The post Daawo: Golaha wasiirrada oo caawa yeeshay shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyey … appeared first on Caasimada Online.
-
Somali forces arrest six clan elders for Al-Shabab dealings
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beledweyne (Caasimada Online) – On Tuesday, Somali security forces arrested six traditional elders in Beledweyne, accusing them of violating the government’s ban on dealings with the extremist group Al-Shabab. The clan elders were taken into custody during a planned operation in a village near Halgan district in the Hiran region. The elders are accused of visiting an area controlled by the militant group and entering into a pact with Al-Shabab promising to withdraw fighters from their clan from the government-led campaign against the group. The move follows the recent sentencing of three elders to five years in prison by a military court in the capital Mogadishu for making a similar dealing with the militant groups in Harardhere city in Mudug region. The traditional elders, Omar Mohamed Jimale Adan (Omar Faninte), Ali Ahmed Hayle Araalle (Ali Yare), and Sugaal Warsame Ali Yarow, were arrested in late December after defying the government’s directive not to communicate or cooperate with Al-Shabab militants. The three men traveled to the Haradhere district – then controlled by Al-Shabab – and signed an eight-point agreement with the militants. Among the pact was to oppose the Somali government’s military offensive against Al-Shabab. The HirShabelle administration, where the city of Beledweyne is located, issued a stern warning against obedience to Al-Shabab’s directives on January 20th, announcing that anyone obeying their orders would face retribution. The Somali government has recently been escalating its fight against Al-Shabab, removing the group from swathes of territories in central Somalia. The government’s campaign against the militant group includes ideological and financial war; thus, any dealing with the group is seen as legitimizing its authority. Last month the government announced it has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, per Prime Minister Hamza Abdi Barre. “The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” the Prime Minister said. In response, the group’s official spokesperson, Sheikh Ali Dheere, stated that Al-Shabab would not “accept” the practice of some banks giving “information” about their customers to strangers, referring to the government. Al-Shabab is known to generate revenue through various means, including punitive taxation and ransom payments. Al-Shabab uses part of its revenue to pay its active fighters and maintain its territories. A report by the United States estimates that the group has an annual budget of $100 million, with $24 million allocated for the purchase of weapons. The post Somali forces arrest six clan elders for Al-Shabab dealings appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku marti-gelinaysa Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD. Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore: 1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay. 2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore. 3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada. 4-Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa sii hor marsatay cudur-daarka in shirkaas uu sababi doono xirraansho dhinaca wadooyinka ah, waxayna Muqdisho caawa galeysaa bandow sii jiri doona ilaa habeen dambe, maadaama ay joogto wafuudaas isaga imaaneysa gobolka Geeska Afrika. The post Villa Somalia oo shaacisay 4 qodob oo shirka berri looga hadlayo iyo madaxda imaaneysa appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdishu ku marti-gelinaysa shirka Soomaliya iyo dalalka safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in ujeedada shirka Soomaaliya iyo dowladaha safka hore ay tahay afar qodob, kuwaas oo kala ah: 1- Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay. 2- In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo ciidamada dalalka safka hore. 3- Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada. 4- Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda. PUNTLAND POST The post Maxay tahay ujeedada shirka Soomaaliya iyo dalalka safka hore? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kursiga HOP#147 oo uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad. Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta bilaabay diiwaan-gelinta musharixiinta u tartameysa kursigaas, ayada oo ay isku diiwaan-geliyeen laba musharrax oo kala ah:- Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim iyo Aamina Tahliil Warsame. Labada musharrax ayaa maanta shahaadada lagu guddoonsiiyay Dhuusamareeb oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada, sida uu shaaca ka qaaday guddigu. “Guddiga KMG ee doorashooyinka oo ku gudajira diiwaangalinta murashixiinta, diiwaangalinta ergada iyo tababar siintooda ayaa waxaa shahaadada murashaxnimada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 147 qaatay labada murashax ee kala ah; 1-Aamina Tahliil Warsame 2- Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga. Doorashada kursiga ayaa sidoo kale lagu wadaa in beri oo ay ku beegan tahay kowda bisha Febraayo ka qabsoonto caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana kursigan loo wadaa Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo garab ka helaya taliye Mahad Maxamed Salaad. Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug. Musharaxan ayaa sidoo kale la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad. Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah. Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Soomaaliya aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha. The post Sawirro: Laba musharax oo isku diiwaan-geliyey doorashaa kursiga Mahad Salaad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasmada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo waddamada dariska, gaar ahaan Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Shirka ayaa ku furmay heer taliyeyaal ee waddamadan la’isku yiraahdo dalalka safka hore, sida uu shaaciyay Wasiir Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya. Daa’uud Aweys oo ka warbixiyay kulanka maanta ayaa sheegay inuu horudhac u yahay shir madaxeedkaa beri furmaya, kaas oo ay kasoo qayb-galayaan madaxweynayaal. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu gorfeeyey wada shaqeynta ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia iyo sidii ay isku kaashan lahaayeen. ‘Qaybta taliyeyaasha waxaa diiradda lagu saarayey wada shaqeynta iyo iskaashiga iyo in la dajiyo istaraatiijiyd mid ah oo ay leeyihiin ciidamada dalalka safka hore,” ayuu yiri Daa’uud. Sidoo kale waxaa shirkan oo ay martigelineyso dowladda dhexe ku biiray Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalka deriska, loona yaqaano dalalka safka hore. Dhanka kale shirka beri dhacaya oo uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah iyo garoonka Aadan Cadde, si loo sugo amniga inta uu socdo shirweynahan. Dowladda Soomaaliya oo saaka qoraal soo saaray ayaa farriin cudur daar ah u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay dul-qaad muujiyaan labadaan maalin. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Si kastaba, shirweynaha ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka Al-Shabaab. The post Daawo: Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka furmay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
