-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta. Wuxuu xeeriyey: Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Maxaabiis ku xiran Xabsiyada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa markale ka hadlay muranka ka taagan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isaga oo shaaciyay go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan doorashaasi. Wasiir Barre ayaa sheegay in aysan Wasaaraddu aqbali doonin doorasho hal dhinac ah,wuxuuna u digay shaqisiyaad uu sheegay inay ku howlan yihiin arrintaasi. “Annaga ka Wasaarad ahaan go’aanka doorashooyinkaas inaan la aqbali karin doorashooyin is-barbar yaac ah ama qolo gaar ah ay isku caana shubaan,” ayuu yiri Wasiirku. Barri ayaa sidoo kale sheegay in xiriirada ka jira dalka ay madax banaan yihiin, balse siyaasad ahaan ay hoostaaan Wasaaradda oo ayadii mas’uul ka dhan ciyaaraha dalka. “Xiriirada kala duwan ee ka jira dalka waa ka madax bannaan yihiin shaqo ahaan wasaaradda farsamo ahaan iyo maamul ahaan, laakin siyaasad ahaan wasaaraddaa waxay dalkoo dhan mas’uul uga tahay siyaasadda qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka Wasaaradda Ciyaaraha uu yahay in la qabto doorasho hufan oo cadaalad ah, maadaama ay tahay wax la wada leeyahay. “Ka Wasaarad ahaan roolka nooga aadan waxaa waayey inaanan aqbalin wax Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhexeeya in qolo ay si gaar ag ugu takri fasho,” ayuu markale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha, kaas oo haatan gaaray meeshii ugu sarreysay. Khilaafka ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada hoggaanka xiriirk, ayada oo baaqyo isxigxiga ay soo kala saareen Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA. The post DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorasho muran badan uu hareeyey + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta cambaareysay dalal dhowr oo Reer Galbeed ah oo si ku-meel gaar ah u xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Istanbul sababo amni dartood, waxayna ku eedeysay “dagaal maskaxeed” iyo isku dayo lagu burburinayo dalxiiska Turkey. Jarmalka Netherlands iyo Britain ayaa ka mid ahaa dalalka toddobaadkan xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin magaalada ay ku nool yihiin 16-ka milyan. Safaaradda Jarmalka ayaa sheegtay suurta-galnimada weeraro aargudasho ah kadib markii qur’aanka lagu gubay dalal ka mid ah Yurub. Dhinaca kale, Mareykanka iyo dalalka kale ayaa soo saaray diginin safar oo ay muwaadiniinta ugu sheegayaan inay feejignaan muujiyaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in xiritaanka qunsuliyadaha iyo digniinta safar ay qeyb ka aheyd shirqool Reer Galbeed oo lagu waxyeeleynayo qeybta dalxiiska Turkey ee dib usoo kabaneysa kadib safmareenkii Coronavirus. “Maalin aan ku dhowaaqnay in ujeedkeenu yahay inaan soo jiidano 60 milyan oo dalxiisayaal ah, waqti ay noo yimaadeen 50.5 milyan oo dalxiisayaal ah islamarkaana aan helnay $46 bilyan oo dhaqaale dalxiis ah, waxay qarka u saarnaayeen inay qaadaan dagaal maskaxeed ka dhan ah Turkey,” ayuu yiri wasiirka oo caan ku ah hadallada ka dhanka ah Reer Galbeedka. Soylu ayaa sheegay in Turkey ay fulisay in ka badan 60 howlgal oo ka dhan ah kooxda Daacish illaa hadda sanadkan, islamarkaana ay xirtay 95 qof. Sanadkii tegay, waxaa la xiray in ku dhow 2,000 oo tuhunsaneyaal Daacish ah kadib markii la fuliyey in ka badan 1,000 howlgal oo ka dhan ah kooxda, ayuu yiri. Horraantii toddobaadkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Turkey ay xireen tiro tuhsaneyaal ah kadib diginin ka timid “dal saaxiib ah” balse aysan helin wax hub, rasaas, ama astaan muujineysa ficil rabshado oo la qorsheeyey. Bishii November, lix qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee bartahama Istanbul. Mas’uuliyiinta Turkey ayaa weerarka ku eedeeyey mintidiinta Kurdish-ka. Dhowr qunsuliyad ayaa ku yaalla meel u dhow Istiklal. AP, VOA The post TURKEY oo si caro leh uga jawaabtay tallaabo ay dalka Reer Galbeedka qaadeen appeared first on Caasimada Online.
-
Fiisaha Shenjenka loo yaqaan ee looga baahanyahay qofka u safraya waddamada Midowga Yurub (EU) ayaa mustaqbalka dhow laga dhigi doonaa qaab internet-ka laga buuxsan karo. Codsiga cusub, oo uu soo jeediyey gudiga Yurub ka dib faafitaankii Covid-19, ayaa ujeedkiisu yahay in la fududeeyo codsiyada fiisaha Shenjen iyo in fiisaha laga dhigo mid u adkaysta tuugada iyo wax is daba marinta. Soo jeedinta “fiisaha dhijitaalka ah” oo ay diyaariyeen guddigu, ayaa waxaa aqbalay Guddiga Xoriyadda Madaniga ah ee Baarlamaanka Yurub (EP). Xeerka cusub, oo ay ka wadahadli doonaan baarlamaanka Yurub iyo Golaha Yurub, ayaa la filayaa inuu bilaabmo sannadka 2026. Ka dib muddada shanta sano ah ee kala guurka, Komishanka Yurub wuxuu higsanayaa inuu awood u siiyo dhammaan xubnaha ururka Shenjen inay isticmaalaan codsiga fiisaha dhijitaalka ah laga bilaabo 2031. Marka hore waa maxay fiisaha Shangeyn? Aagga Shengen wuxuu tilmaamayaa aag ay 27 waddan oo Yurub ah ay baabi’iyeen xudduudahooda gudaha, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka oo aan xaddidnayn, si waafaqsan xeerarka guud ee lagu xakameynayo xuduudaha dibadda iyo la dagaallanka dembiyada iyadoo la xoojinayo nidaamka garsoorka iyo iskaashiga booliiska. Fiisaha Shenjen hadaba waa nooca fiisaha ee waddamadani bixiyaan taas oo u ogalaaneysa qofka hadii uu hal waddan ka haysto in aanu fiiso uga baahan 26-ka dal ee kale, si xor ahna uu uga gudbi karo xuduudahooda. Qofka fiisahan wata wuxuu noqon karaa muwaadin dalkiisu ka baxsanyahay 27-kan dal oo hadda la filayo inay kuwa kale kusoo biiraan. Maxaa loogu baahan yahay codsiga fiisaha dhijitaalka ah? Dawladaha xubnaha ka ah ayaa ugu baaqay Komishanka Yurub inay dedejiyaan dhijitaaleynta hababka fiisaha ka dib markii ay joojiyeen codsiyada fiisaha inta lagu jiray aafada Covid 19. Komishanku waxa ay diyaariyeen soo jeedinta codsiga dhijitaalka ah “si loo sameeyo siyaasadda fiisaha ee muwaadiniinta waddanka saddexaad ee u safraya aagga Shenjen qalab aad u casri ah oofudud in la isticmaalo aaminna ah”. Goorma ayuu codsiga fiisaha dhijitaalka ah dhaqan galayaa? Marka loo eego natiijada wada xaajoodka u dhexeeya Golaha Yurub iyo Baarlamaanka Yurub, horumarinta nidaamka codsiga dhijitaalka ah ee ku saabsan Macluumaadka Socdaalka iyo Nidaamka Ogolaanshaha Socdaalka ee Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo (ETIAS) wuxuu bilaabmi doonaa 2024. Codsiyada waxaa laga yaabaa inay shaqeeyaan 2026. Kadib shanta sano ee xilliga kala guurka , dhammaan wadamada xubnaha ka ah waxay bilaabi doonaan isticmaalka nidaamka codsiga dhijitaalka ah marka la gaaro sannadaka 2031. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Ma ka sahlanaan doontaa in lagu helo fiisaha codsi dhijital ah? Xeerka cusub ee codsiga fiisaha waa uu fududaan karaa. Codsadayaashu ma aadi doonaan qunsuliyadaha ama safaaradaha. Si kastaba ha ahaatee, wax isbeddel ah kuma iman doono dukumeentiyada iyo shuruudaha qiimaynta ee looga baahan yahay codsiga. Codsiyada kuwa aan buuxin shuruudaha lagama maarmaanka ah waa la diidi doonaa. Sidee loo codsadan fiisaha Schengen ee dhijitaalka ah? Dadka u baahan fiisaha Midowga Yurub waxay marka hore nidaamka ku samayn doonaan akoon sugan. Iyada oo loo marayo akoonkan, waxay buuxin doonaan foomka codsiga oo ay ku dhejin doonaan dhukumentiyada loo baahan yahay. Kadib waxay buuxinayaan codsigooda iyagoo ku bixinaya kharashka fiisaha internetka dhexdiisa. Nidaamku wuxuu si toos ah ugu gudbin doonaa codsiga waddanka Shenjenka ah ee ah halka ugu muhiimsan ee safarkaagu yahay. Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay la socdaan halka ay marayaan codsiyadoodu. Marka fiisaha la ogolaado, codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay fiisahooda ka galaan internetka. Haddii loo baahdo, waqtiyada fiisaha sidoo kale waxaa muddo korodhsi lagu sameyn karaa isla internetka. Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay helaan taageerada lagama maarmaanka ah inta lagu jiro nidaamka codsiyada sida sanduuqa wada-hadalka iyo su’aalaha inta badan la isweydiiyo. Fiisaha dhijitaalka ah ma noqon doonaa mid ammaan ah? Sida laga soo xigtay guddiga Yurub, fiisaha waraaqaha ah ee lagu shaabadeeyo baasaboorka ayaa aad ugu nugul khiyaanada iyo xatooyada. Tani waxay khatar ku tahay ammaanka Midowga Yurub. Fiisaha dhijitaalka ah ayaa noqon doona nooc ka mid ah feylka elektaroonigga ah ee ku jira Nidaamka Macluumaadka fiisaha sidaas darteedna hadda waxaa laga hortagi karaa khiyaanada iyo xatooyada. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Wali suurtagal ma tahay in la codsado fiisaha warqadda ee ka baxsan gudaha dhijitaalka ah? Haddii ay dhacdo sababo bini’aadantinimo oo baahi fiisaha Shenjen ah, waxyaabo gaar ah ayaa la dalban karaa waxaana fiisaha lagu codsan karaa warqad. Intaa waxaa dheer, xubnaha qoyska kasoo jeeda Yurub ee Aagga Dhaqaalaha Yurub ee ka faaiidaysanaya xuquuqdooda dhaqdhaqaaqa xorta ah waxay sidoo kale awoodi doonaan inay codsiyadooda ku soo gudbiyaan warqad. Weli miyay lagama maarmaan noqon doontaa in la aado qunsuliyadda si loo codsado fiisaha? Dhammaan codsadayaasha waxay awoodi doonaan inay ku dhammaystiraan qarash bixintooda, internetka. Si kastaba ha ahaatee, kuwa u safri doona wadamada Shenjen markoodii ugu horeysay iyo codsadayaasha macluumaadkooda faraha uu dhacay wali waxay u baahan yihiin inay u soo gudbiyaan dhukumeentiyadooda faraha, qunsuliyada ama xarunta codsiga fiisaha si shaqsi ah. Ballamaha habraacan waxa lagu samayn karaa internetka. Waa maxay faa’iidooyinka codsiga guud ee dhammaan wadamada Midowga Yurub? Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay ka helaan dhammaan codsiyada fiisaha ay soo gudbiyeen hal akoon. Komishanku waxa uu higsanayaa in la joojiyo marrinada qaranka ee dal kasta oo xubin ka ah laguna beddelo hal barnaamij oo codsi oo ah heerka Midowga Yurub. Madallada qaranka waxa lagu baabi’in doonaa shan sano gudahood ka dib marka uu hirgalo. Xogta shakhsiyeed ee codsadayaasha waxaa lagu ilaalin doonaa nidaam amni oo adag. Kharashka codsiga fiisaha Schengen waa 80 euro. Qiimo dhimis ayaa loo sameeyaa kuwa ka yar da’da 18. Codsadayaasha ka yar da’da 12 lagama qaado wax kharash ah. Qaran News
-
Maanta wixii ka dambeeyay deegaanada Kililka Shanaad waxaa laga isticmaali doonaa bilaha kal-tirsiga afsoomaaliga ee soo socda 1. Kodxin – (September) 2. Dirir – (October) 3. Gudba – (November) 4. Xoorrey – (December) 5. Dharabley – (January) 6. Cirir – (February) 7. Cuur – (March) 8. Duugato – (April) 9. Miicaad – (May) 10. Agaali – (June) 11. Afagaal – (July) 12. Naaf – (August) Qaran News
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolkaasi. Raggan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay aagga degmada Xarardheere oo kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab. Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikariim, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Caad. Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay Al-Shabaab uga biireen deegaanada HirShabelle, gaar ahaan labada gobol ee maamulkaas oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda ee ka socdo halkaasi. Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayey ka dalbadeen cafis guud, isla-markaana ay wax u qabto, maadaama ay yihiin dhalinyaro mustaqbal ka leh nolosha. Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda ee soo dhoweeyay labada dhalinyarada ah ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, laguna wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh. Mudug ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu gaarsiiyay khasaaraha ugu badan, ayada oo laga qabsaday deegaano horleh. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taas oo loo arko inay bilow u tahay dhammaadka kooxda. The post Xubno ka tirsanaa AL-SHABAAB oo isku soo dhiibay ciidamada DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele oo la sheegay in uu dhex dhexaadin ka wado xaalada ka taagan Laascaanood. Urur-Goboleedka IGAD, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dedaallo xal raadineed oo ka wado Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan mudaharaadyo rabashado wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen. Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo khudbad dheer ka jeediyey Shir ka dhacay Kenya waxa uu qayb ka mid ah Khudbadiisa kaga hadlay xaaladda Laascaanood, waxa uu sheegay In Urur ahaan ay bogaadinayaan dhexdhexaadinta uu wado Ismaaciil Cumar Geele in xal loogu helo Xiisadda Sool, isla markaana waxa uu xusay in ay ku dhiiri gelinayaan inuu sii wado ka shaqaynta dedaaladaasi nabaddeed. Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ee ka dhacday Laascaanood. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwynaha dalka Kenya, William Ruto oo markiisii u horreysay shalay yimid Muqdisho, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo waddanka. William Ruto oo ka qayb-galay shir ay Arbacadii yeesheen dowladda federaalka iyo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa ugu horreyn boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab. “Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynaha waddanka Kenya ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay garab istaagaan dowladdooda, isla-markaana ay ka qayb-qaataan howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga hubeysan kooxda Shabaab. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay arrin ay tahay in la sameeyo, taas oo ku qeexay in looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka oo dhan. Ruto ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la bartilmaameedsado dadka dhaqaalaha ku taageero kooxdan, si loo cuuryaamiyo, isagoo xusayn in habkaas oo kaliya lagu jebin karo. “Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada & faafinta xagjirnimada” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda federaalka iyo waddamada dariska ay isku raaceen skaashi ka dhan ah Shabaab, ayaga oo ku heshiiyay in si waddajir loogu duulo kooxdaan, lana taageero ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Si kastaba, Kenya oo ay ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ku duulaan xoogaga Al-Shabaab, ayna ka fuliyaan weeraro khasaare geysta. The post Madaxweynaha KENYA oo shaaciyay arrin looga adkaan karo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda kacsan ee weli ka jirta gudaha Laasacaanood, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka. Workneh Gebeyehu ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in IGAD ay ka walaacsan tahay xaaladaha murugan ee laga soo warinayo magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Xoghayaha ayaa soo hadal qaaday door nabadeed oo uu sheegay in madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu ku leeyahay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo. Waxa kale oo uu sheegay inay ku boggaadinayaan madaxweyne Geelle dhex-dhexaadinta uu ka dhex wado labada dbhinac. “IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Workneh Gebeyehu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho arrinta ka jirta magaalada Laascaanod, si xal loogu helo xasaradda ka taagan magaaladaasi. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadii hubeysanaa ee ka dhacay gudaha magaalada, maadaama dad shacab ahaa lagu dilay dagaalladii dhacay. “Waxaanu soo qaadanayna xiisada dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri. Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, taas oo keentay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan gudaha magaaladaasi, waxayna qalalaasahaasi ka dhasheen dilal 15-kii sano ee lasoo dhaafay magaalada loogu geysanayay haldoorka Sool. Si kastaba, waxaana haatan laga war dhowrayaa shirweynaha ka socda Laascaanood, kaas oo ay leeyihiin waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo la’isku yiraahdo (SSC), wuxuuna shirkooda qaatay maalmo badan, kaas oo la filayo inay go’aanno kasoo saaraan. The post IGAD oo shaacisay doorka Ismaaciil Cumar Geelle ee arrinta LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasibad ugu wayn ee dabaaldega Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka ka qabsoontay magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood. Sanad guurada 29aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka, ayaa saaka lagu qabtay Magaalada Laascaanood,gaar ahaana Taliska Ciidanka Military Somaliland ee Goosha Cadde. Munaasibadan Aas-aaska Ciidanka Qaranka waxaa ka qaybgalay weftiga Wasiirada ah ee uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali (Koore), Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Degmada Laascaanood, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Saraakiisha Ciidamada ee kala duwan iyo Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya shirweyne muhiim ah ku yeeshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo waddamada dariska ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo loo yaqaano dalalka safka hore. Saddexdaan waddan iyo Soomaaliya ayaa u midoobay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaga oo ku dhowaaqay isbaheysi ay isaga kaashaan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda. Haddaba maxay noqon kartaa kaalinta waddamada dariska ee dagaalka Al-Shabaab? Faarax Isaaq oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah ee dawladaha iyo arrimaha ammaanka ayaa ka hadlay arrintan, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da Aqoonyahanka ayaa shaaca ka qaaday in dalalkana ay door weyn ka qaadan karaan dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay xuduud dheer la leeyihiin Sopomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyaga ay dan weyn ugu jirto inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, la’iskana kaashado amniga xuduudaha, si aysan uga tallaabin kooxda. “Haddii aan fiirino waxay dan weyn ugu jirtaa dowladaha dariska ah inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii loo ilaalin lahaa kooxahaan inay u gudbaan waddamada kalem ayaga ayey dan ugu jiraa ” ayuu yiri Faarax Isaaq oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta howlgalka ATMIS, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay sii dheeraa doonto qorshaha bixitaankooda, marka la eego waqtiga iyo xaaladda lagu jiro. “Is jiid-jiidka dhanka bixitaan ciidanka ATMIS weli waxaad u maleysaa inuu sii socon doono oo waqtiga la qabsaday ay adkaa doonto,” ayuu markale yiri Aqoonyahan Faarax Isxaaq. Sababta ayaa waxa uu ku sheegay in ay weli caqabado xoogan ka jiraan dalka, ciidamada Soomaaliyana aysan helin tirada & tababaradii loo baahnaa maadaama ay ku jiraan dagaal “Ciidan dagaal ku jiro, haddane la tababaro oo uu bato way iska adkaa doontaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan dalaalka dariska oo shalay go’aamiyay in meel looga soo wada jeesto, sidii looga adkaan lahaa kooxdan oo loo arko inay halis ku tahay gobolka. The post Maxay noqon kartaa kaalinta dalalka dariska ee dagaalka AL-SHABAAB? appeared first on Caasimada Online.
-
In 2020, Ethiopia carried out a demonetization of its currency and Somalia has recently announced that it would carry out a demonetization of its currency. Demonetization is the process where governments withdraw bank notes and/or coins from the market and replace them with new ones. This is generally done by least developing countries for either economic or political reasons. Source: Hiiraan Online
-
Naakhuudihii waday doon dhawaan ka baxday Dekedda Berbera oo degtay ayaa geeriyooday balse waxa la soo badbaadiyay shaqaalaha intii kale. Shaqaalahan oo la la’aa muddo laba maalmood ayaa la helay balse waxa la xaqiijiayay in uu geeriyooday Naakhuudihi waday doonta sida uu xaqiijiyay Maareeyaha Dekedda Berbera. “ Muddo laba cisho ah oo baadi doonkooda lagu jiray ka dib, waxa nabadqab lagu helay xalay Shaqaalihii baxaarida ahayd ee la socotay doontii degtay ee SK Marwah. Balse waxa xannuunka macaanka oo uu la noolaa awgii u geeriyooday Naakhuudihii doontaas waday oo u dhashay dalka Hindiya. Cisbitaalka Berbera ayaa la soo gaadhsiiyay maydka marxuumka geeriyooday.” Maareeyaha Dekedda Berbera. Source
-
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka madaxeedka dalalka deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaano dalalka safka hore. Soomaaliya ayaa shirkaan ka dhashay qodobo iyo arrimo aad u muhiim ah, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya shirkaan u noqonaya mid ay si wadajir ah dalalka deriska ah ay ugala qayb qaataan dagaalka ka ah ururka alshabaab. Hadaba maxaa kamid ah qodobada ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkaan? 1: Dalalka gobalka ee ka qayba galay shirkaan waxa ay hoosta ka xariiqeen xushmeeyntooda ku aaddan qarannimada, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. 2: Soomaaliya in ay martigeliso dhammaan madaxda dalalka dariska la ah waxa ay muuqaal wanaagsan ka bixineysa soo kabashada dalkeenna iyo dowladnimadeenna. 3: Shirkaan waxa uu indhaha caalamka ku soo jeediyay hawl-gallada xoreeynta deegaannada ay khawaarijtu ku dhibaateeyn jireen dadkeenna. 4: Soomaaliya waxay xaqiijisay taageerada ciidan ee dalalka dariska ah, iyadoo la isla qaatay in la qaado hawl-gallo mideysan oo waqtiyeysan. 5: Dalalka gobalku waxa ay taageereen qorshaha qaran ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in lagala dulqaado cuna-qabateynta hubka dhammaadka sanadkan 2023. 6: Qorshaha hirgelinta nidaam amni oo wadajir ah oo lagu adkeynayo amniga soohdimaha dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo soo afjaraysa dhaqdhaqaaq argagixsada ee gobalka. 7: Dhiira-gelinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo bulshada deegaannada xoroobay. Qodobadaan ayaa ah kuwa ugu mudan ee shirka ka soo baxay intii uu socday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Erdogan: Sweden can’t join NATO if Quran-burning is allowed
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ANKARA, Turkey (AP) — Turkish President Recep Tayyip Erdogan reaffirmed Wednesday that Turkey won’t allow Sweden to join the NATO military alliance as long as the Scandinavian country permits protests desecrating Islam’s holy book to take place. Source: Hiiraan Online -
Urur-Goboleedka IGAD, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dedaallo xal raadineed oo ka wado Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan mudaharaadyo rabashado wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen. Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo khudbad dheer ka jeediyey Shir ka dhacay Kenya waxa uu qayb ka mid ah Khudbadiisa kaga hadlay xaaladda Laascaanood, waxa uu sheegay In Urur ahaan ay bogaadinayaan dhexdhexaadinta uu wado Ismaaciil Cumar Geele in xal loogu helo Xiisadda Sool, isla markaana waxa uu xusay in ay ku dhiiri gelinayaan inuu sii wado ka shaqaynta dedaaladaasi nabaddeed. Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ee ka dhacday Laascaanood. Source
