Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sarkaal sare oo u hadlay dalka Iran ayaa sheegay in dalalka Iran iyo Ruushku inay isku xidheen hannaanka isgaadhsiinta ee bangiyadooda iyo nidaamka kala wareejinta lacagaha, si arrintaasi ay gacan uga geysato kor u qaadista ganacsiga iyo macaamilka maaliyadeed. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalalka reer galbeedku ay saareen cunaqabatayn maaliyadeed Iran iyo Ruushka. Tan iyo sannadkii 2018, oo ahayd markii uu Maraykanku ka laabtay heshiiskii hubka nukliyeerka ee Iran, isla markaana uu soo celiyey cunaqabtaynadii saarnaa dalkaasi, waxay Iran ka maqnayd nidaamka is-afgarashada ee bangiyada ee loo yaqaano Swift Code kaas oo xaruntiisu ay tahay Belgium, nidaamkan ayaa xuddun u ah xidhiidhka iyo is-afgarashada bangiyada caalamka. Xannibaado kuwaas la mid ah ayaa sidoo kale lagu soo rogay bangiyada dalka Ruushka, tan iyo markii ay weerarka ku qaadeen dalka Ukraine, sannadkii hore. Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Iran Mohsen Karimi ayaa sheegay inaanay bangiyada Iran u baahnayn nidaamka is-afgarashada bangiyada ee SWIFT, marka ay xidhiidhada maaliyadeed ay isdhaafsanayaan bangiyada Ruushka ku yaalla. Inkasta oo bangiga dhexe ee Ruushku uu ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiiska la saxeexay, haddana Karimi ayaa sheegay in illaa 700 oo bangi oo Ruushka ah iyo illaa 106 bangi oo kale oo laga kala leeyahay illaa 13 waddan oo kala duwan inay ku xidhiidhi doonaan nidaam gaar ah oo ay lacagaha isugu diri doonaan. Source
  2. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 90 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Peshawar dalka Pakistan. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah kaas oo uu fuliyey nin isku soo xidhay walxaha qarxa, iyadoo darbiyada masaajidka ay dumeen. Qaraxa ayaa dhacay iyadoo ay masaajidka ku jireen ilaa 150 qof oo cibaadeysanayay, oo ay ku jiraan booliska. Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa xaaladdoodu aad u liidataa, kadib qaraxan ka dhacay masaajid ku yaalla . Saraakiisha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku hoos jiraan masaajidka burburay. Adeegyada caafimaad ee deegaanka ayaa laga deyrinayaa iyadoo tobanaan qof oo ku dhaawacmay qaraxa la geeyay isbitaalada. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa looga hadlay shirweynaha maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdish, kaas oo ay ka qayb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya. Shirkan oo ay martigelineyo dowladda dhexe ayaa waxaa lagu casuumay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Qoraalka kasoo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in kulanka maanta uu ku bilaabanayo hordhac, waxaana Soomaaliya ku wehlinaya Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, waxayna dhinacyadan diyaarinayaan ajendaha shirweynaha oo beri si rasmi ah u furmi doono. Sidoo kale waxaa shikan oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya. Kulanka hordhaca ah ee maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu diyaarin doonaa ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan amniga gobolka. Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada. “Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Khawaarijta oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dherbaaxo culus lagu gaarsiiyey goobaha dagaalka, dhul balaaranna looga xorreeyay”. ayey tiri dowladdu. Dhinaca kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in inta uu shirka socdo la xiri doono waddooyinka iyo sidoo kale garoonka Aadan Cadde, waxayna farriin cudur daar ah u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay dul-qaad muujiyaan labadaan maalin. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ah. Si kastaba, shirweynaha ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka Al-Shabaab. The post DF oo faahfaahisay shirka maanta ee loo xiray waddooyinka iyo Garoonka appeared first on Caasimada Online.
  4. Beledweyne (HOL) - Residents in Galgadud region's Wabho village reported heavy clashes between al Shabab and local clan militia forces near the Elgorof area. Source: Hiiraan Online
  5. Baidoa (HOL) - Leaders of the Southwest regional states and opposition groups have reached a settlement over the clash in late December that killed over ten people in Baidoa. Source: Hiiraan Online
  6. Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia. Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan amniga gobolka. Shirkan ay Dalalka Safka Hore isugu imaanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxda ay si hoose iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga. Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Khawaarijta oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dherbaaxo culus lagu gaarsiiyey goobaha dagaalka, dhul balaaranna looga xorreeyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin. Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda Dalalka Safka Hore ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa Soomaaliya oo cagta saartey dariiqii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa, loogana sifeyn lahaa argagixisada caadeystey daadinta dhiigga shacabka 15 kii sanno ee la soo dhaafey. The post Soomaaliya iyo dalalka Ciidamadu ka joogaan oo ku shiraya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. A South African judge presiding over Jacob Zuma's arms corruption trial recused himself on Monday, in a move likely to add further delay in an affair already dating back more than two decades. Source: Hiiraan Online
  8. Kenya's government has launched a police unit to protect its water resources against vandalism and terrorism. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa (HOL) - Somaliland President Muse Bihi Abdi reiterated that the Somaliland army would not leave the Sool region, expressing hope that the ongoing meeting in Las Anod would lead to positive results. Source: Hiiraan Online
  10. Sarkaal sare oo u hadlay dalka Iran ayaa sheegay in dalalka Iran iyo Ruushku in ay isku xireen hannaanka isgaarsiinta ee bangiyadooda iyo nidaamka kala wareejinta lacagaha, si ay gacan uga geysato kor u qaadista ganacsiga iyo macaamilka maaliyadeed. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalalka reer galbeedku ay saareen cunaqabatayn maaliyadeed Iran iyo Ruushka. Tan iyo sannadkii 2018, oo ahayd markii uu Maraykanku ka laabtay heshiiskii hubka nukliyeerka ee Iran, isla markaana uu soo celiyey cunaqabtaynadii saarnaa dalkaasi, waxay Iran ka maqnayd nidaamka is-afgarashada ee bangiyada ee loo yaqaano Swift Code kaas oo xaruntiisu ay tahay Belgium, nidaamkan ayaa xuddun u ah xiriirka iyo is-afgarashada bangiyada caalamka. Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Iran Mohsen Karimi ayaa sheegay in aanay bangiyada Iran u baahnayn nidaamka is-afgarashada bangiyada ee SWIFT, marka ay xiriirada maaliyadeed ay isdhaafsanayaan bangiyada Ruushka ku yaalla. Inkasta oo bangiga dhexe ee Ruushku uu ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiiska la saxeexay, haddana Karimi ayaa sheegay in illaa 700 oo bangi oo Ruushka ah iyo illaa 106 bangi oo kale oo laga kala leeyahay illaa 13 waddan oo kala duwan inay ku xiriiri doonaan nidaam gaar ah oo ay lacagaha isugu diri doonaan. PUNTLAND POST The post Bangiyada Ruushka iyo Iran oo samaystay nidaam gaar ah oo ay lacaga isu-gu diraan appeared first on Puntland Post.
  11. Nomadic herders in the Horn of Africa have been waiting more than two years for rains that do not come. The last five rainy seasons since the end of 2020 have failed, triggering the worst drought in four decades in Ethiopia, Somalia and Kenya. With livestock decimated and livelihoods destroyed, many have been forced to abandon their traditional way of life. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasinada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta sheegay in la dilay inta badan raggii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe. Wasiir Faarax ayaa ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u xil-saartay ka jawaabidda musiibadii qaraxyadii Zoobe 2, wuxuuna maanta guddigaasi oo bandhigay tirada carruurtii waalidkood lagu dilay qaraxyadaas. Ugu yaraan 300 carruur ah ayaa la diiwaan geliyey inay ku agoontoobeen ama ku rajoobeen qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoobe, 29-kii October 2022-kii. “Waalidiintii carruurtaan kuwii dhibka u geystay ee dadkaas dilay ama wax ka soo qorsheeyey qaraxyadii lagu laayey, waa la dilay ayagana, maanta shuhadadii laga laayey carruurtaan waa ahlu jano, waxayna farqaha ku dhegan yihiin kuwii xasuuqa u geystay oo laga daba geeyey,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay dhibaatooyin la diiwaan geliyey oo heysta dadkii ehelkooda lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, sidoo kale wasiirku wuxuu agoontii uu la kulmay ugu laab qaboojiyey in laga jawaabay qaraxyadii lagu laayey waalidkood oo ciqaab adag ay ku socoto Al-Shabaab. “Markii aan maanta fiiriyey liiska waxaan arkay in dhibaatadu sameysay 363 qoys, waxaa murgo igu dishay qoysaska agoontoobay ama rajoobay, waxaa ku jira 12 qof ah, waxaa ku jira qoys 9 qof ah, waxaa ku jira kuwo noloshu aad ugu adkaatay markii waalidkood la dilay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Faarax. Wuxuu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay balan qaadeyso in carruurtaan barbaarinteeda iyo waxbarashadooda ay kaalin ka geysa doonto ilaa inta ay ka gaarayaan isku filaansho. Ugu yaraan 119 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, dadkii halkaas lagu laayey waxay u badnaayeen waalidiin xoogsato ah oo qoysas u soo dareeray, taasi waxay badisay aqoonta ama qoysas badan oo noloshu ku adkaatay, madaama la dilay qofkii u shaqo tegi jiray. Wixii qaraxyadaas ka dambeeyey dalka waxaa ka bilowday halgan looga aar-gudanayo Al-Shabaab, kaas oo deg deg guulo looga gaaray, waxaana bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxda laga saaray dhul aad u baaxad weyn. Hoos ka daawo wasiir Faarax The post Daawo: Dadkii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe 2 ‘oo la dilay’ appeared first on Caasimada Online.
  13. Garissa governor Nathif Jama has commended NGOs operating in the area for coming to the aid of drought-stricken residents even as he called for doubling of efforts to mitigate against the same. Source: Hiiraan Online
  14. The pressure on al-Shabaab could never be greater after several of its outfield commanders and scores of their foot soldiers were liquidated by a lethal combination of Somali military raids and US precision strikes.Several weeks ago, the Somali government claimed its forces had cornered the Islamist fighters who were being relentlessly pursued in their shrinking pockets of hideouts and apparently neutralised. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya, siiba madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaan helaya taageerada iyo garab istaaga Washington dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab. Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield, ayada oo shalay la kulantay madaxweyne Xaasn Sheekh. Linda ayaa isla shalay ku dhawaaqday in Mareykanka uu bixinayo lacag ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen. “Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay. “Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hordhigay Linda dalab la xiriira inay gacan ka siiyaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran. Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar. Washington ayaa si weyn u kordhisay taageerada millateri iyo gargaar ee uu siiyo Soomaaliya, wuxuuna illaa billowgii sanadkii hore ugu deeqay lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah. The post Xiriirka Xasan iyo Mareykanka oo sii xoogeysanaya iyo dalab cusub oo uu hordhigay appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa guddoomiye KMG ah u magacaabay degmada Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal Madaxweynaha Puntland ayaa Cabdulqaadir Cabdisalaan Jaamac (Kaynaan) si KMG ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Godobjiraan. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeen KMG ah u magacaabay degmada Carmo ee gobolka Bari. Cabdiqani Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka KMG ah ee degmada Carmo sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  17. Wabxo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi. Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka guubeen. Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah. Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa. The post Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fureystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyinka la dhigto gobolka Sh/Dhexe. 25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah isbaarooyinka. Madaxweynaha oo halkaas kula shiray odayaasha dhaqanka beesha degta Sh/Dhexe ayaa yiri, “Isbaaro dambe lama dhiga karo, qofkii lagu soo qabtana sharciga ayaa la hor geynayaa ama waa lagu dilaa, cid igala hadli karta ma jirto qof isbaaro lagu soo qabtay,” ayuu yiri Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiinta maxkamadda ciidamada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintaas aad uga dardaarmay isbaarooyinka, maadaama dhulka laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuuna ku goodiyey in awood ciidan uu ku suuli doono isbaarooyinka la dhigto Sh/Dhexe. Hayeeshee dhegaha ayaa laga fureystay go’aankii madaxweynaha, waxaana Sh/Dhexe la bilqay isbaarooyin aan horay loo arag, waxaana dhashay walwal ah in gobolkaas iyo Muqdisho ay kala go’aan. Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo tebisay xaaladda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, balse la dhigtay isbaarooyin, halkaas oo ay ku xayiran yihiin tobanaan gaadiid ah oo qaar Muqdisho u socday, qaarna ka yimid. Telefishinka Dalsan ayaa soo bandhigay muuqaalka gaadiid badan uu u xayiran lacago ay weydiisteen rag isbaarooyin dhigtay, iyaguna iska bixi waayey, kuwaas oo habeeno ku hoyday deegaano ay doonayeen inay safar ku maraan. “Aad ayaan u dhibanahay, boonadii ay HirShabeelle noo jartay wax naga fiirinaya malaha ee nin kasta isbaaro ayuu dhigtay, lacagta ugu yar oo ay qaataana waa 600 oo shilin Soomaali ah, hada lacagtii waa naga dhamaatay, halkaan ayaan isaga xayiranahay, waxaan codsaneynaa in dhaca nalaka daayo oo si sax ah naloo canshuuro,” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidleyda. Ninkaan ayaa sheegay in markii ay rarka ka qaadaan Muqdisho lagu bilaabo baadda oo ay isbaaro bilqantahay ilaa ay ka gaaraan halkii ay u socdeen, taas oo rajo xumo iyo khatar ku abuurtay noloshooda, sida uu sheegay. Laba bilood ayaa laga joogaa markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, walwalka laga qabo in isbaarooyinku xarkaha goostaan ayaa soo bilowday markii la xoreeyey dhul badan oo HirShabeelle ay Al-Shabaab ka heysteen, balse waa dhacday sidii laga cabsi qabay oo inta badan deegaanadii laga saaray Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la dhoobay isbaarooyin. Hoos ka daawo warbixinta The post Daawo: Xaalad cakiran oo ka taagan dhulkii laga xoreeyey maleeshiyada Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa 2022-kii sheegay in Sanduuqa dhalinyarada ay ku jirto 4 Milyan oo dollar oo dhalinyarada lagu maal gelinayo. Agaasimaha Sanduuqa horumarinta dhalinyarada ayaa isma maanta sheegay in Sanduuqa dhalinyarada ay ku jiraan 700 oo kun oo dollar oo dhalinyarada lagu maal gelin doono. Su’aashu waxay tahay 3 Milyan iyo 3 boqol oo kun oo dollar ayaa maqan ee xagee la geeyay. Saleebaan saxansaxo. Qaran News
  20. Waxa Qoray Suldaan ayaaanle suldan maxamed maxamuud. “Waxa hada lasoo sheegay doon saaka ka dhaqaaqdey dekada berbera oo siday xoolo u rarnaa muwadiiniin Reer Somaliland ah iney ku dagtey badweynta. Waxaan si damqasho ulaqaybsanayaa dareenka xanuunka badan ee kadhaey khasaarsha naf iyo maal (daad iyo duunyo)bulshadeydaa soo gaadhey. Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin. Waxaan leyaahey dhamaanteen aynu samirno, wixii ale keenaana waa khayr Ilaaheyna bedeelkeeda waynu kasugaynaa. Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.” Suldaan ayaanle suldan maxamed maxamuud Suldaanka guud ee awal bari ahna afhayeenka salaadiinta somaliland Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha. Xamza ayaa waxa uu agaasimayaasha ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24-kii December 2022 uu la yeeshay. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal muhiim u ah howl-qabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray agaasimayaasha guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan-geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa guddiga shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Xamza amarka ku bixiyay bishii December. Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay agaasimayaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya wasaarradaha iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa. Sidoo kale waxa uu bogaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, isaga oo mar kale ku celiyey in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada. Wuxuu kula dardaarmay guddiyada ku shaqada leh in ay dardar-geliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada. The post Maxaa dhacay kadib amarkii uu R/W Xamza kusoo rogay shaqaalaha rayidka ee DF? appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo muhiim ah waxaa socday dadaalo dib loogu soo celinayo adeegyadii muhiimka ahaa ee meesha ay ka saartay kooxda. Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug xildhibaan Muxuyadiin Suni oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in adeega internet-ka dib loogu soo celiyay deegaano kamid ah dhulkii lagala wareegay Shabaab, kuwaasi oo ay kamid tahay degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga. Kooxda ayaa inta badan jarta adeegyada wicitaan iyo internet-ka ee deegaanada ay faarujineyso, maadama aysan iska caabin xoogan kala hortagi karin howl-galada culus ee ciidamada huwanta. “Deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta si tartiib tartiib ah ayay ugu soo noqonayaan adeegyadii aas-aasiga ahaa sida; biyaha, isgaarsiinta, caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug. “Dadkii waa soo noqdeen inta duurka jirtana waxa rajeynaynaa inay soo noqdaan, dowladooda waa ku kalsoon yihiin shacabka. Dadka deegaanka iyaga ayaa abaabulan oo ku jira dagaalka Khawaarijta oo iskood u dhibsaday inay iska qaadan cadowga.” Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarkii ay Al-Shabaab dhowr iyo toban sanno ka hortaagneyd degmooyinkaas, ee kula tartami lahaayeen deegaanada dhigooda ah ay dib ugu soo celin doonaan si dhameystiran. “Degmada Ceeldheer adeega internet-ka waa shaqeynaya hadda, degmada Xarardheere waa la dhameeyay howsheeda oo hadda wixii ka dambeeya waa lasii deynaya. Deegaanadaas aad iyo aad ayay ugu dhib qabeen adeega isgaarsiinta internet-ka, nimanka cadowga ah waxyaabaha horumarka ah ee dadka kala dirireen ayay kamid tahay.” “Degmooyinka, deegaanada iyo tuulooyinka inta dhiman waa gaarsiineyna kuwa aan xoreysneyna marka la xoreeyo hore ayaa looga sii deynaya oo waxay kamid yihiin horumarka degmooyinka kale kula tartamayaan.” Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/01/09320000-0a00-0242-1a58-08db027034b7_48k.mp3 The post Adeeg muhiim ah oo dib loogu soo celiyay deegaanadii laga saaray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.