Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doorashada kursiga HOP147 oo saaka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo baxay Ilyaas Sheekh Axmed. Guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in Ilyaas Sheekh Ibraahim oo ay la tartantay Aamina Tahliil Warsame uu ku guuleystay 86 cod. Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad. Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dhawaan shaacin doona xilliga la qaban doono doorashada kuraasta kale ee ka dhimman Golaha Shacabka, kuwaas oo uu ku jiro kursiga uu banneeyay Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. PUNTLAND POST The post Ilyaas Sheekh Ibraahim oo loo doortay Kursigii Baarlamanka ee uu banneeyay Mahad Salaad appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab. Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay. Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Madaxda dalalkan oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa waxaa garoonka ugu tegay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, si ay usoo dhaweeyaan. Sidoo kale madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Kenya iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo mid mid usoo gaaray Muqdisho ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka. Intaas kadib madaxdan ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ku marti qaaday magaalada Muqdisho oo ay uga qayb-galayaan shirweyne caalami ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan madaxda dalalka dariska ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya. Dhanka kale hoggaamiyeyaasha saddexda waddan ee lagu soo dhaweeyay Xamar ayaa u mahadceliyay dowladda federaalka iyo shacabka, waxayna sidoo kale boggaadiyeen dadaalada ay wado dowladda dhexe ee ku aadan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maanta la xiray dhaq-dhaqaaqa waddooyinka caasimada iyo sidoo kale garoonka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee dhici kara inta uu socdo shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale la filayaa in goordhow uu furmo shirkan oo looga arrinsanayo amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda maraya meel adag, kadib markii ay laba jibaartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa shirka ka qayb-galaya wasiirada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee waddamadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho. Arrimaha kale ee shirka lagu gorfeyn doono waxaa kamid ah howlgalka ATMIS oo haatan maraya gabagabo waxana madaxdu ay isla eegi doono qorshaha kala guurka ee howlgalka. Si kastaba, shirka ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. The Somali government has declared total war against Al-Shabab, enlisting tribal militias in the battle and choking the group's financial sources - but the road ahead is uncertain. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galaya shirka Soomaaliya iyo Dalalka Safka Hore. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galaya shirka Soomaaliya iyo Dalalka Safka Hore. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) - Ilyas Sheikh Ahmed was elected to the HOP147 representing Galmudug on Wednesday morning in the Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  9. Four mortar shells have hit areas near the presidential palace in Mogadishu, Somalia, hours before regional leaders meet to discuss a joint military offensive against the Islamist group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia's Ministry of Internal Security issued a directive on Tuesday suspending the election for the Somali Football Federation (SFF) leadership. Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha shacabka, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#147. Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay, Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha guud ee hay’adda NISA. Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd. Natiijada soo baxday ayaa aheyd mid filayay, sida aan horay u baahinay, maadaama kursiga markii horeba loo xiray ninka kusoo baxay ee Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo garab weyn ka helay taliye Mahad Maxamed Salaad. SIdoo kale waxa uu taageero buuxda iyo garab istaag ka helay jufada kursiga leh, taaas oo u sahashay in ugu dambeyn uu kusoo baxo. Ilyaas sidoo kale wuxuy horay u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug. Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah. Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Soomaaliya aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha. The post Yaa kusoo baxay kursigii Mahad Salaad? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) announced that she will be launching a policy working group to hear from officials and experts who work with and in Africa as her committee assignment remains unclear. Source: Hiiraan Online
  13. Ilhan Omar, at times a lightning rod for House Democrats, is now a unifying force in her party’s quest to frustrate the GOP at every turn. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Casimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goor sii horeysay oo maanta ah lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada. Illaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen xaafado ku dhow dhismaha xarunta Villa Soonaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqisho. Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan jidadka, kuwaas oo loo keenay inay xaqiijiyaan amniga caasimada oo uu maanta ka dhacayo shirweyne caalami ah. Shirkan oo ah mid xasaasi ah aya waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha dalka Kenya, madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo la filayo in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Madaxdan oo kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa ka shiraya amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shanaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay Muqdisho. Si kastaba weerarkan hoobiyeyaasha oo la rumeysan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid lagu qalqal-gelinayo amniga, maadaama caasimada ay la ciir ciireyso wufuud kala duwan oo caalami ah. Todobadkii hore ayaa weerar kan lamid ahaa lagu qaadag agagaarka xarunta madaxtooyada, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo daganaa degmooyinka Xamarweyne iyo sidoo kale Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. The post Tiro hoobiyeyaal ah oo maanta lagu garaacay agagaarka Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT-Dhahar)-Xukuumada Somaliland ayaa mamulka Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland. Wasiirka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, oo ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta Puntland, ayaa Puntland ugu baaqay in ay go’aanka shacabka ixtiraamto. “Waxan hada shir saxafadeedkan u qabtay, in dadku waxayna doonayn aan lagu qasbin, dadkani way tashadeen, go’aan bay gaadheen, go’aanka ay gaadheena iyaguna kama noqonayaan, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana u suuroobi mayso” Waxa uu sheegay in bulshadu go’aan ku gaadhay in anay Puntland deegaankooda wax diwaangalin ah kasamayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Waxa uu Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka isaga oo sheegay in uu Puntland usoo jeedinayo in anay waxyeelayn amniga deegaanada, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dadweynaha degmada Dhahar ayaa ka mudoharaaday diwaangalinta codbixiyayaasha oo Puntland doonaysay in ay deegaankan ka fuliso, waxaana jira isku dhac dhex maray booliska mamulka Puntland iyo shacabka. Source
  16. Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabeylo baraf wata oo salaasadii shalay ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah gobollada koofur bari ee Mareykanka. Labada qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee gobolka Texas, sidoo kale laba sarkaal oo ka mid ah ciidanka booliska jidadka ayaa ku dhaawacmay shil baabuur. In ka badan 1,700 oo duullimaad ayaa dabeylahaasi qaboow dartood loo baajiyay guud ahaan Mareykanka saacadihi lasoo dhaafay. Dabeylaha ayaa saameeyay ku dhawaad 40 milyan oo ruux. Khubarrada saadaasha hawada ayaa ka digay in dabeylahan barafka wata ay saameyn doonaan laga soo billaabo galbeedka Texas ilaa gobolka West Virginia. Source
  17. Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu maanta ka furmo shir Caalami ah oo u dhaxeeya Madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya. Shirkaas ayaa loogaga arrinsanaya ammaanka Soomaaliya iyo qorshaha ay dalka kaga baxayaan Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u joogay ee AMISOM balse dhawaan loo bixiyey howlgalka ATMIS. Hoggaamiyeyaasha dalalka loo yaqaano Safka hore ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan iyadoo inta badan Saaka la xidhay Wadooyinka muhiimka ah xudunta u ah isku socodka Muqdisho. Ciidamada dalalka shisheeye ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM ayaa bilowday sanadkii 2007-dii xiligaas ay aad u taag darayd Dowladda Soomaaliya isla markaana inta badan ay Muqdisho ka talinaysay Al-shabaab. Wixii intaa ka dambeeyay howlgalka AMISOM ayaa taageeray Ciidamada Soomaaliya iyagoo sidoo kale sugayey Amniga Madaxda sare iyo xarumaha muhiimka ah Sida Madaxtooyada iyo Golaha Shacabka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Shirka dalalka Gobolka ee maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Washington)-Afar nin oo si aada loogu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen koox aad u hubeysneyd oo gurigiisa ku dishay madaxweynihi hore ee dalka Haiti Jovenel Moïse, ayaa loo soo gacan-geliyay dalkan Mareykanka, si halkaan loogu maxkamadeeyo. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Mareykanka ee AP, arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki dil loogu hanjabay garsoorayaasha Haiti ee dhageysanaysay kiiska ragga lagu tuhunsanyahay dilka madaxweynihi Haiti. Eedeysanayaasha loo soo gudbiyay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah James Solages oo 37 jir ah iyo Joseph Vincent oo 57 jir ah, oo labaduba isku heysta dhalashada Haiti iyo Mareykanka. Madaxweynihi hore ee Haiti Juvenel Moise ayaa lagu dhiftay 12 xabbadood xilli ay ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla caasimadda Haiti ee Port-au-Prince bishii July, 7 2021. Wixii markaasi ka danbeeyay Haiti waxay gudaha u sii gashay qalalaase siyaasadeed iyo rabshado hubeysan oo ay ku lug leeyihiin kooxo burcad ah oo kala qeybsaday awoodda inta badan magaalooyinka dalkaasi. Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay xalay ansixiyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka iyo heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa dib u celiyay heshiiska Iskaashi Amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan usoo saxeexay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur. Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa dood ka keenay Heshiiskan, iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay in lagu celiyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, si ay uga soo tallo bixiyaan. Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu ololeynayay in heshiiskan Goluhu ansixiyaan, balse si guud ayay Golaha Wasiirada uga soo horjeesteen. Waa markii u horreysay Golaha Wasiirada ay diidaan heshiis dal lala galay oo la horjeeno Golaha, tan iyo inta ay jirto Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, iyadoo ay dhif iyo naadir aheyd in dowladdii hore ay Golaha ama Baarlamaanka horkeento heshiisyo ama iskaashi lala soo galay dalal kale. Source
  20. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Dalkiisa aanay Ukraine siin doonin Diyaaradaha Dagaalka ee Casriga ah ee F-16 si ay uga hortagaan duullaanka xooggan uu Ruushka ku qaaday Dalkaas. Madaxweyne Joe Biden oo Suxufiyiinta ay weydiiyeen in Dowladdiisa oo Ukraine muddooyinkii u ballanqaadeysay gantaallada difaaca iyo saanad militari in ay qayb ka tahay diyaaradda Nooca dagaalka ee Casriga ah ee F-16 ayaa si cad meesha uga saaray in uu bixinaayo. Arrintaan ayaa loo arkaa in ay niyadjab xooggan ay ku tahay Dowladda Ukraine oo ku howlan sidii ay u heli lahayd gacan militari si ay u hesho hubka casriga ah, diyaaradaha, Taangiyada ay u baahan yihiin ciidankeeda si ay iskaga difaacaan Ruushka. Jarmalka iyo waddamo kale oo Reer Yurub ah ayaa Ukraine hore ugu diiday in ay siiyaan taangiyada casriga ah, Diyaaradihii ugu dambeeyay ee lasoo saaray iyo hubka awoodda u leh in uu qabto gantaallada ama burburaya. Source
  21. From southern Ethiopia to northern Kenya and Somalia, 22 million people are at risk of hunger, victims of a historic drought that began in late 2020 and is expected to last for the next few months. Source: Hiiraan Online
  22. Addis Abeba – Somali Regional State Communications Bureau has passed a decision to take 15 foreign media outlets broadcasting in the region off air and accused reporters of the outlets based in the region, including the BBC Somali service, of working without licenses. An official within the bureau told Addis Standard that the representatives of the media outlets are suspended for failing to have proper media accreditation. Source: Hiiraan Online
  23. Addis Abeba – Somali Regional State Communications Bureau has passed a decision to take 15 foreign media outlets broadcasting in the region off air and accused reporters of the outlets based in the region, including the BBC Somali service, of working without licenses. An official within the bureau told Addis Standard that the representatives of the media outlets are suspended for failing to have proper media accreditation. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Kulane (Jiis) ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo qorshaha ay dowladda Soomaaliya ciidanka Gor Gor uga soo qaadeyso degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isagoo madaxweynaha ku sifeeyey ‘oday dhaqameed qabyaaladeysan.’ Xildhibaan Kulane, ayaa sheegay in ciidankaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in la geeyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Xildhibaan Cabdullahi Kulane ayaa ka soo jeeda gobolka Gedo, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii gacanta midig u ahaa madaxweynihii hore Farmaajo, door-weyn ayuu ka qaatay sidii talada dalka loogu soo celin lahaa Farmaajo, balse ma dhicin. Doorashadii kadib, Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo markii hore muujiyey mucaaradnimadiisa dowladdaan cusub ayaa is gaabiyey mudooyinkii dambe, balse hadda ayuu dhaliil adag ka keenay qorshaha dib loogu soo celinayo ciidankii uu Gedo geeyey. Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo dhameystiran: Dooda uu qabo xildhibaankaan ayaa ah, in amniga degmada Beledxaawo uu dayacmayo, iyadoo la xoojinayo kan degmada Xarardheere, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo masuuliyadda uu u qaaday umadda Soomaaliyeed oo qabiil gaar ah uusan u eexan. Waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya go’aansaday amarna ku bixiyey inuu ururka Gorogor ee amaanka iyo nabadda degmada Belexaawo mas’uulka ka ah loo daabulo degmada Xarardheere. Madaxwayne, waxaa laguu doortay oo laguu dhaariyey Madaxwaynaha Qaranka Soomaaliya ee laguuma dooran oday dhaqameed qabiil. In degmada Baladxaawo la dayaco si Shababka usoo weeraraan, degmada Xarardheerana la adkeeyo difaaceeda, waxaa loo arki karaa inaad raali ka tahay in degmada Baladxaawo maamulkeeda Shabaab la wareego. Madaxwayne, adigaa Madaxwayne u ah labada degmo, mas’uuliyaddeedana ku saaran tahay. Waxaan ku xasuusinayaa gabaygii uu tiriyey Allaha u naxariistee C/llaahi Suldaan Timacade uuna ku yiri: “DUGSI MA LEH QABYAALADI”. Eebbe talada wanaagsan hakugu aadiyo ee danta dalka, dadka iyo Diinta ay ku jirto (una dhaaratay). The post Kulane oo qabyaaladeeyey qorshaha Xasan Sheekh ee ciidamada Gorgor ee Gedo appeared first on Caasimada Online.