-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qeexitaanka xeerka caalamiga ah ee xasuuqa oo culumada taariikhdu aanay isku raacsanayn ayaa u yaalla sida tan: ”Acts committed with intent to destroy, in whole or in part, a national ethnical, racial or relgious group.” Khubarrada qaarkood ayaa qeexitaankan ku kabay in ficilkan baabbiinta ”problem populations” ay fulin karto kaliya hay’ad ama koox qaab-dhismeed urur leh. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa dib ugu laabtey Magaalada Laascaanood . Gudoomiyaha oo maalmo kooban joogay Hargeysa ayaa sheegay in uu madaxweynaha kula soo noqdey la tashi iyo war bixin ku saabsan xaalada Magaaladaas . Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in madax dhaqameedka ku shiraya magaalada Laascaanood ay ku dhawaaqan go,aamo . See insights and ads Boost post Like Comment Share Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal soo saaray ayaa si lama filaan ah uga falceliyay booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Baydhabo. Cali Yare ayaa marka hore shaaciyay inuu soo dhaweynayo dadaallada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xalka loogu raadinayo arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay tahay tallaabo odaynimo boggaadin mudan. “Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu waqti badan geliyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta deegaanka qaarkood. Waa tallaabo odaynimo leh oo boggaadin mudan,” ayuu yiri Cali Yare. Dhanka kale Cali Yare ayaa is barbar dhig ku sameeyay xaaladda magaalada Baydhabo iyo mida Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay madaxweynuhu in waqtiga uu galiyay Koonfur Galbeed mid lamid ah in uu galiyo arrinta ka taagan Laascaanood. Siyaasigan ayaa xusay in Baydhabo iyo Laascaanood ay yihiin labada deegaan oo uu madaxweyne u yahay, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaddiyadda Laascaanood ay la xiriirto midnimada dalka, loona baahan yahay in loo istaago arrintaasi. “Waxaa iyana lagama maarmaan ah in Madaxweynuhu waqtiga uu Koonfur Galbeed galiyay mid lamid ah geliyo jahawareerka ka taagan gobollada waqooyi, si gaar ah magaalada Laascaanood oo ah qadiyad la xariirta MIDNIMADA DALKA, maadaama ay Badhabo iyo Laascaanood labaduba yihiin labo deegaan oo uu Madaxweyna u wada yahay Madaxweynuhu,” ayuu markale qoraalka ku yirid siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii uu markii saddexaad uu Baydhabo booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u tegay wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta maamulka koonfur Galbeed, kaas oo weli ka socda gudaha magaaladaasi. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay uga hadlay arrinta Laascaanood, gaar ahaan xilliyadii ay socdeen rabshadaha, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan, balse ma jiro wax tallaabo ah oo ay dowladda dhexe u qaaday dhankaasi. The post Cali Yare oo si lama filaan ah uga falceliyay dadaalka Xasan Sheekh ee K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia Mudane Abiy Axmed ayaa Jimcihii wad-hadalkii ugu horreeyay ee foolka fool ah la yeeshay madaxda Tigrayga tan iyo markii uu qalinka ku duugay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal laba sano socday, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta dowladda ee dalkaasi. Kulankan oo si aad ah loo hadal ayaa ku soo aaday qiyaastii saddex bilood kadib tan iyo markii xukuumadda iyo TPLF ay kala saxiixdeen heshiis lagu joojinayo colaadda. Sida ay ilo wareedyadu sheegayaan kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay goob lagu nasto oo ku taalla koonfurta dalka Ethiopia, halkaas oo ay isku arkeen labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in Abiy iyo xubnaha uu la kulmay oo uu ka mid yahay Getachu Reda ay falanqeeyeen heshiiska labada dhinac ee lagu soo gardaadiyay dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya, kaas oo ugu dambeyn keenay in wadahadalladu ay guuleystaan. Labada dhinac ayaa si gaar ah u eegay mowduucyada u baahan in il gaar ah lagu eego, si looga mira-dhaliyo dadaallada nabadda ee waddanka Ethiopia. Heshiiska labada dhinac oo la saxiixay Noofambar 12-keedii ayaa waxaa ku jirtay hub ka dhigista TPLF, taas oo ugu dambeyntii dhaqan gashay iyo sidoo kale bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray. Si kastaba, colaadda oo ka soo gudubtay dhulka Tigray ayaa gaartay gobollada ay dariska yihiin ee Axmaarada iyo Canfarta, waxaana ku dhintay kumannaan qof, malaayiin kalena ka barakicisay guryahoodii, halka boqolaal kuna ay qarka u saaran macaluul daran, kuwaas oo ay haatan dowlada Itoobiya heshiiska kadib u fasaxday in loo geeyo gargaar bini’aadanimo. The post Ra’iisul wasaare Abiy oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay madaxda TPLF appeared first on Caasimada Online.
-
Shocked staff left fuming after boss says "no questions" at Zoom presentation sacking Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Taliye Sulub oo ka hadlay munaasibada xil-wareejinta ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska. Taliyaha cusub ayaa ballan-qaadka cusub ee maanta uu sameeyay ku tilmaamay mid kor u qaadaya awooda gudaha ee booliska, “si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.” Taliyaha cusub ayaa waxa sidoo kale laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland. Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka imaatay wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub. Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda. Si kastaba, Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii. The post Taliye Sulub oo balanqaadkii u horeeyay sameeyay kadib markii uu xilka la wareegay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu wadaa in kulan la qaato hoggaanka sare ee midawga yurub, si ay Ukraine ugu biirto midawga yurub. Kyiv ayaa isku diyaarineyso martigelinta kulan weyn oo ay yeeshaan Volodymyr Zelensky, Charles Michel iyo Ursula von der Leyen, waxaana looga hadlaya sidii ay Ukraine u heli lahayd taageero dheeri ah. Bishii June ayay ahayd markii Ukraine ay kamid noqotay tartamayaasha dhabta ah ee midawga Yurub, kulankaan ayaana lagu sii gorfeyn doonnaa arrimaha ku biiritaanka midawga Yurub. Zelensky ayaa doonaya in ay bilaabmaan qorshaha dalkiisa lagu aqbalayo bilawga sanadkaan cusub ee 2023-ka, kaas oo Kyiv ka saacidaya in ay garab u hesho duullaanka uu Ruushka ku soo qaaday dalkeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saaray dil ay Jimcihii askar ka mid ah kuwooda ay ka geysteen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa. Wiilka dhalinyarada oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka ayaa waxaa laba xabadood ku dhuftay askari ka tirsan ciidanka ATMIS oo la socday kulanyo mareysay halkaasi. ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay dilkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxayna shaaca ka qaaday inay ka qoomamayneyso falkaasi. “Hawlgalka ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ATMIS. Taliska oo sidoo kale sharraxaad ka bixiyay sida uu u dhacay dilka ayaa shaaca ka qaaday in inta la dilin marxuumka uu wax kusoo tuuray kolonyada, kadibna uu isku dayay inuu soo fuulo, taasina keentay inay ka shakiyaan ciidamada, kadibna ay sidaas ku toogtaan. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, ayada oo ku baaqday in deganaan la muujiyo inta uu ka soo dhamaanayo dabagalka. “ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa markale lagu yiri. Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa ka dhashay banaanbax ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka. Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas. Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah. The post ATMIS oo DILKII Ceel-gaabta ka qoomameysay appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo helay maydadka muhaarijiin ku dhintay badda Mediterranean-ka xilli ay doonayeen in ka talaabaan badda. Hawlgalka ayay ciidamada ka sameeyeen xeebta Lampedusa waxaana ay ku so helen maydadka sideed ruux oo muhaajirin ah. Dadka dhintay ayaa ka soo socdaalay dalka Tuunusiya, waxaana doonta ay ku saarnaayeen 42 ruux oo ay ku jiraan dadka dhintay. Maydadka ayaa waxaa qayb ka ahaa saddex carruur ah oo ku geeriyooday gudaha doonta sida ay ciidamada ilaalada talyaaniga xaqiijiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay markale ka doodaan Hindase sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA. Guddoonka ayaa xalay xildhibaannada u diray fariimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka saaka oo sabti ah dhacaya, waxaana ajandahiisu yahay; 1. Dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka 2. Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Korantada. xildhibaannada ayaa hadda ku sii qulqulaya xarunta villa hargeysa oo ay si kumeel gaar ah u dagan yahay baarlamaanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Sodma iyo Hey’adda IHH ee laga leeyahay wadanka turkiga ayaa maanta si wadajir ah deegaanka gubadleey ee gobolka Banaadir waxa ay gargaar ugu qeybiyeen 883 qoys kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deganadoodii uga soo barakacay abaaro iyo colaado. Dadkaan gargaarka maanta la gaarsiiyey ayaa bilooyin ka hor soo deegaansaday kamam ku yaal deegaankaan,waxana ay hataan wajahayeen xalad adag oo dhanka nolasho ah iyaga oo ka mahadceliyey gargaarkaan maanta loo qeybiyey waxaana qaar kamid ah dadkaan ku jiray kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.Goobta lagu qeybinayey gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Hey’adda maareynta masiiboyinka ahmed abdi aadan ,agaasimaha waaxda gargaarka sahra ali yuusuf,Guddoomiyaha degmaaanka gubadleey abdullaahi nuur kaalibeey,saraakiil katirsan IHH iyo masuuliyin kale. Mid kamid ah masuuliyiinta Hey’adda IHH ee dalka turkiga ayaa sheegay in ay ka go,antahay una taaganyihiin caawinta walaalahood soomalaiyed meel walba oo ay jogaan. Guddoomiyaha deegaanka gubadleey abdullahi nuur kaalineey ayaa sheegay in dadkaan maanta gargaarka loo qeybiyey aad ugu baahi qabeen isaga oo u mahadceliyey Guddoomiyaha Hey,adda maareynta masiiboyinka qaranka maxamuud macalin abdulle,iyo Hey’adda IHH. Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka ahmed abdi aadan ayaa kawarbixiyey gargaarkaan tirada qoysas ee ka faaiideystay,balana qaaday in meel walab oo dalka ka mid ah ay gargaarkaan gaarsiin donaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah wuxuu la sameeyay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop. Labada guddoomiye ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah oo diirradda lagu saaray xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal, iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga xoogan ee ay haatan leeyihiin. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, maadaama ay dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaas oo ay ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga. Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga. Ma’aha wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan guddoomiyeyaasha Baarlamaanada ee dalalka Soomaaliya & Turkiga, ayaga oo horay uga wada-hadlay xiriirka ka wada dhexeeya. Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee caawiya Soomaaliya, wuxuuna si u dhow u taageeraa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka oo uu ku jiro Baarlamaanka. Sidoo kale waxa ay dowladda dalka Turkiga ay Soomaaliya ka taageertaa dhanka howlgallada milatariga, ayada oo tababarta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Si kastaba, wadahadalkan ay yeesheen guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalkaas Mustafa Şentop ayaa kusoo aaday, xilli ay dalka ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga oo hawada ka taageereysa ciidamada Soomaaliya. The post Sheekh Aadan Madoobe oo xiriir la sameeyay dhiggiisa dalka TURKIGA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Marwo Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Maraykanka ayaa xubin rasmi ah ka noqotay Guddiga Miisaaniyadda Congress-ka. Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maalmo ka hor u codeeyey in ay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, iyaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah. PUNTLAND POST The post Ilhan Omar oo xubin rasmi ah ka noqotay Guddiga Miisaaniyadda Congress-ka appeared first on Puntland Post.
