Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Toddobo arrimood oo ay Dawladda Soomaaliya ku oggolaatay heshiiska amni ee ay la gashay Imaaraadka Carabta Kulan aan caadi ahayn oo ay xalay isugu yimaadeen golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay heshiis ay dhawaan galeen dowladaha Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Haddaba maxay yihiin qodobbada ugu waaweyn ee ku jira heshiiskan? Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa saxiixa heshiiskan ku matalayay Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur halka Imaaraadka Carabta ay wakil ka ahayd wasaaraddooda Gaashaandhigga. Heshiiskan oo ku saabsan iskaashiga arrimaha ciidanka, amniga iyo ladagaalanka argagixisada ayaa ujeedadiisa lagu sheegay “in labada dal ay iska kaashadaan la dagaallanka ururrada argagixisada iyo khataraha ka imankara.” Heshiiska waxaa ku cad in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay codsiga iskaashiga u gudbisatay dowladda Imaaraatka, waxaana diiradda lagu saari doonaa tabarka ciidammada, qalabayntooda, siinta hubka, rasaasta iyo agabka kale. Sida ku cad heshiiska dowladda Imaaraatka Carabta waxay xaq u leedahay adeegsiga marinnada barriga, dekadaha badda, garoomada cirka ee dhulka jamhuuriyadda iyadoo kaashanaysa dowladda Soomaalilya. Waxyaabaha ay ogolaatay dowladda Soomaaliya Sida ku cad nuqulka qoraalka heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraatka, waxay xukuumadda federaalka ogolaatay in: Xubnaha dowladda Imaaraatka ay joogi karaan gudaha jamhuuriyadda si ay u qabtaan howlaha iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya Imaaraatka uu soo gelin karo dalka agabka iyo saanadda ciidan, hubka iyo rasaasta loo adeegsan doono arrimaha ciidanka, amniga iyo ladagaallanka argagixisada Imaaraatku uu ka qeyb qaato baarista iyo xog ururinta kiisaska xubnaha ururrada argagixisada ah, iyo cid walba oo maalgalisa ama gacansiisa ama dhiirigalisa ama gacan ka geysta ama ka qeyb qaata argagixisada Soomaaliya ay u ogolaatay Imaaraatka Carabta inuu dalka ka furto xarumo tababar oo labada dal ay shirko ku yihiin sida tababarka ciidanaka iyo qalabeyntooda si loola dagaallamo argagixisada iyo maalgalinteeda Dowladda Soomaaliya ay wadashaqeyn iyo wadatashi ay la yeelato Imaaraatka si loo baadi goobo goobaha ay dalka kaga sugan yihiin ururrada argagixisada iyo khataraha ka iman karaba Si wadajir ah u fuliyaan howlagallada ciidan Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyinka ku haboon ee la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo soo afjaridda ilihiisa gudaha dalka Waxyaabaha u furan dowladda Imaaraatka waxaa kamid ah Inuu fuliyo howlgallada ciidan iyo amni oo ay kamid yihiin howlgallada barriga, badda iyo cirka ee uu u arko in ay habboon tahay isaga oo kaashanaya Soomaaliya, si loo baabi’iyo ururrada argagixisada ah ee ku sugan dalka Imaaraatku wuxuu la baxayaa kharashaadka maaliyadeed iyo kan howlfulineed ee ciidankiisa howsha ku jira si waafaqsan heshiiskan Soomaaliya waxay Imaaraatka u ogalaanaysaa adeegsiga dhulkeeda marka ay fulinayso howlgallada ka dhanka ah khataraha soo food saarayo ciidamadeeda ama howlaha uu qabanaayo si waafaqsan heshiiskan Tallaabo horay loo qaaday Maalimihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal-heyn ku saabsan in heshiiskan ay markii ugu horreysay ansixintiisa ka biyo diideen qaar ka mid ah golaha wasiirrada, inkastoo aysan dowladda Soomaaliya xaqiijin arrintaas. Hase ahaatee waxaa jira dad kale oo soo dhaweeyay heshiiskan kuna tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay uga adkaato Al-Shabaab oo ay haddaba kula jirto dagaal. Su’aalaha la iska weydiinayay heshiiskan waxaa ka mid ah; yey dani ugu jirtaa? Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da u sheegay in kani uu yahay heshiis wax ku ool ah. “Waxaa lagu jiraa waqti ay Soomaaliya u baahan tahay caawinaad militeri, dalkana waxaa saaran cunaqabateyn hub, dhaqaale ahaan iyo dhisme ahaan ciidanna Soomaaliya meesha ay mareyso waan ognahay, marka in dowladdu ay raadsato saaxiibbo ay ka kaashato la dagaallanka argagixisada oo hub casri ah heysta waa tallaabo horay loo qaaday,” ayuu yiri Kaboole. Waxa uu sheegay in heshiiskan uu la mid yahay kii ay Turkiga iyo Liibiya kala saxiixdeen markii ala dagaallamayay xoogagga uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar. Hase ahaatee waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan meelo ka mid ah heshiiska oo ay su’aalo ka imaanayaan, ayna tahay in dib loo eego. “Sida ku qoran heshiiska, ma xakameysna dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan Imaaraadka, waxaa loo adeegsan karaa argagixisada iyo qolo kasta oo dowladda hujuum ku ah, marka erayga ah qolo kasta oo dowladda hujuum ku ah waxaa laga yaabaa in uu su’aal galo.” Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu intaas kusii daray: “Soomaalia isku dhac ayaa ka jira, siyaasiyiinta ayaa mararka qaar isqabsada, in awoodahaas aan loo isticmaalin arrin ka baxsan argagixisada waa arrin aad iyo aad ugu baahan in dib loo fiiriyo.” Sida ku xusan qoraalka heshiiska, dhinacyadu hoosta ka wada xariiqeen in uu furan yahay wax ka beddelka heshiiskan waqti walba iyada oo loo marayo isdhaafsi qoraallo labada dhinac ku dhex maraya kannaalada dublumaasiyadeed. Heshiiska Amniga ee ay gaareen wasaaradaha difaaca ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa la hor geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan meel marintiisa. Qaran News
  2. New York (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood. Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. “Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay, qiyaastii 119 kalena waa lagu dhaawacay – oo ay ka mid yihiin caruur – dagaalka u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo qabaa’ilka deegaanka ee magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Türk. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walaacsan yahay in isku dhacyada weli ay socdaan, ayna jiraan warbixino sheegaya khasaare dheeraad ah. “Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka.” “Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo sheegay ee guryaha.” Hadalka QM kasoo baxaya ayaa ah mid miisaan culus, wuxuuna imanaya ayada aoo ciidamada Somaliland horey loogu eedeeyey inay shacab ku dileen magaalada. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana aan la aqbali karin dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo macno-darro ku daata. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya. “In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh. Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan. The post QM oo dalbatay in la baaro cidda ka dambeysa shacabka lagu dilay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. The IPI global network calls on authorities in Ethiopia’s Somali Regional State as well as the Ethiopian Media Council to lift the suspension imposed on 15 foreign media outlets and their reporters from doing their media work and allow independent reporting. Source: Hiiraan Online
  4. The inability of states to provide basic services and security and create jobs across much of Africa, ranging from the Sahel zone in the west to Somalia in the east and Mozambique in the south has made the continent the global epicenter of extremist violence, the United Nations Development Programme said. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, halka uu diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka. 53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaasi oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda. Haddaba, waxaa warbixinteena ku eegayna afar arrimood oo muhiim ah oo la xiriira sharci noqoshada NISA, dhinaca kalana faa’iido u ah muwaadinka Soomaaliyeed. 1. Indho sharci iyo isla-xisaabtan: Hay’ad awoodaas leh oo sharci aan laheyn waxay halis ku tahay cid walba, siyaasi, shacab iyo xitaa nidaamka dowladnimada. Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay. Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta. 2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto. Xubnaha hay’addu maanta waa xaqlayaal laakiin shalay ma jirin. 3. Xabsiyadii gaarka ahaa: Laga yaabe naftaada ama qof ehelkaaga ah in NISA ku xiratay meel aadan ogeyn. Hadda sharcigan taasi waa xaarantimeeyay, waana faa’iido uu qof walba rabo inuu helo. 4. Berri iyo NISA: Xukunku waa mid wareegaya, maalinba cid ayaa xukumeysa NISA laakiin sharcigan wuxuu caawinaya wax walba oo la xiriira mustaqbalka xogtaada iyo amnigaaga. Sidoo kale qof walba oo berri NISA xukumi doona wuxuu haysta nuqulkii isaga hagi lahaa, dalkana uu ku hagi lahaa. Sharcigu maanta iyo berri-ba wuxuu ilaalinaya dalka, dadka iyo dowladnimada. Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa ku dhiiraday in NISA ay sharci yeelato, waxaana ansixinta Golaha Shacabka kadib sharcigan loo gudbin doona Aqalka Sare oo maamul goboleedyada metela, si ay u fiiriyaan. The post NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey appeared first on Caasimada Online.
  6. A Somali national who allegedly broke into his ex-lover’s house and stole assorted household items worth Sh657, 500 was charged with burglary contrary to section 304 (2) of the penal code. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, SOMALIA — Somalia's president has called for a cease-fire after clashes in a disputed town in the breakaway region of Somaliland left at least 13 people dead. Source: Hiiraan Online
  8. Questions of accountability are starting to emerge as different cohorts of Uganda’s military deployed for peacekeeping operations in Somalia have gone for 27 months, spread across five years, without pay, despite the European Union – the mission’s biggest funder – regularly disbursing funds to cover allowances for at least 5,000 peacekeepers serving in the war-torn country. Source: Hiiraan Online
  9. Three British nationals are missing following the earthquake in Turkey in which more than 5,000 people have died, the foreign secretary has said. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka. Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa shalay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ugu tagay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadoow, kaasi oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Xoghayaha joogtada iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar. Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa. Kulankan ayaa waxa labada masuul ku wehlinayay agaasimaha habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda arrimaha dibadda Mustaf Aadan Dagaal iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo. The post Qatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Shekeh oo dhowaan… appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay wax ka qabashada askarta dilalka u geysata shacabka, ayaa markii u horeysay shaaciyay go’aan cusub oo la xiriira arrintaan kusoo badatay magaalada Muqdisho. Taliye Mahdi Cumar ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib askarigii qof shacab ah dila ee baxsada loo maxkamadeyn doono askarta goobta la joogtay. “Bulshada waxaa la idin diray ilaalintooda, amnigooda, naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. Askari kasta oo idinka mid ah waxaa la idinka rabaa in uu ka shaqeeyo badqabka shacabka,” ayuu yiri. “Haddii qalad uu dhaco yeysan dhicin askarigii waa baxsaday. Askarigii goob ciidan jooga inta uu qof ku dila fakada waxaa loo xiraa askartii la joogta. Qofka u horeeya ee la rabo in uu qabto waa askariga la jooga.” Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankan uu ku saleeysan yahay xal u helida arrintaan oo soo badatay muddooyinkii dambe, ayada oo hore u dhacday in askar dilal geysta ay iskaga tagaan goobta ay wax ka geystaan ama laga fakinayo cadaalada. “Waxaa ugu dambeysay oo isgoyska Korontada ka dhacday ciidan ka tirsan hay’addaha amniga oo shaqadooda gudanaya ayaa askari xabad ku dhuftay markaas ayuu iska tagay. Qof shacab ah ayaa Howl-wadaag xabad lagu dhuftay oo markaas ayaa la yiri askarigii waa baxsaday, musuq iyo in la qarsho.” Maxkamadaha dalka ayuu ka codsaday in arrintaan dhaqan-galiyaan, haddii ay dhacdo in askari dil geysta uu baxsado, islamarkaana masuuliyad wadareed lagu xakumo askarta la joogtay dambiilaha. “Haddii ay dhacdo in qof muwaadina la dilay oo waa baxsaday la yiraahdo in inta ay ahaayeen maxkamada la geeyo oo aysan dhicin dambiile ayaa baxsaday. Idinkama saareyso dambiile ayaa baxsaday dambe qofkii qof dila askariga la jooga ayaa la raba in uu soo qabto.” Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaasi oo aad u kordhay muddooyinkii dambe, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah. Dhibaatada sii xoogeysaneysa ee shacabku kala kulmayaan askarta dowladda ayaa sidoo kale waxay dhaawac ku tahay hadafka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ah in laga adkaado Al-Shabaab iyada oo garab laga helayo shacabka Soomaaliyeed. The post Dowladda oo go’aan culus kasoo saartay arrin kusoo badatay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. New York (Caasimada Online) – In the midst of ongoing clashes between security forces and clan members in LasAnod, Somalia, the UN High Commissioner for Human Rights, Volker Türk, has called for an independent, effective, and impartial investigation. Türk expressed concern over the recent clashes and the potential consequences they could have on the already fragile humanitarian situation in the region. “At least 20 people have been killed, and an estimated 119 others injured in LasAnod – among them children – in fighting between the security forces and members of a local clan,” Türk stated. “I am concerned by reports that the clashes are continuing today with additional claims of new casualties.” Türk expressed concern over the possible impact of the clashes on the already fragile humanitarian situation in the region, as it comes just a month after around 20,000 people were displaced due to violence. “These potentially unlawful killings come just a month after at least 20,000 people were displaced by clashes in LasAnod, and could contribute to further displacement, compounding the already fragile humanitarian situation in the region,” he said. “I call on the authorities to conduct a credible and impartial investigation into the clashes to determine who is responsible and hold them to account in fair trials, including for reported damage to homes,” he said. The situation in LasAnod, in the Sool region, has been escalating over the past month. The local population has voiced their discontent with the presence of the Somaliland administration and has demanded the withdrawal of its troops. This tension reached a boiling point on Monday when Somaliland forces attempted to enter the city and were met with resistance from the residents. In response to the ongoing conflict, Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appealed for an immediate end to the hostilities. He emphasized that the solution to the problems in the Sool and Sanaag regions lies within the realm of politics and that the people’s will must be respected. “The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set.” The current crisis, which began in December of last year, was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition party member. Since the start of the protests, the Somaliland security forces have used force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict. According to the Director of LasAnod General Hospital, Ahmed Mohamed Hassan, the battle between Somaliland government forces and local self-armed residents has resulted in the deaths of 38 individuals and injured 132 others. The Somaliland authorities have claimed that their troops were attacked by militias aligned with local traditional elders. However, this claim has been disputed by one of the local elders who spoke to the media and stated that the Somaliland army was actually the aggressor. The traditional elders, who had been in the city for nearly two weeks, issued a statement rejecting the notion of LasAnod being a part of Somaliland and instead expressing their desire for the region to come under the jurisdiction of the Federal government of Somalia. The elders’ statement also emphasized the unity and sovereignty of Somalia and the integral role of the SSC-Khaatumo region and its people in the Federal Republic of Somalia. Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the international community has not recognized its independence. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, the Somaliland administration has faced opposition and resentment in the area. The post UN calls for investigation into the killings in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  13. Rome (Caasimada Online) – President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia has on Wednesday arrived in the Italian capital on a formal visit aimed at bolstering bilateral ties. President Mohamud was received by Italian officials at the Fiumicino airport in Rome and is set to meet with President Sergio Mattarella and Prime Minister Giorgia Meloni to explore avenues for increased collaboration, tackle regional challenges, and advance previously agreed-upon initiatives. The Somali leader is expected to outline the country’s plan to combat Al-Shabab terrorism and solicit Italy’s support. The discussions will focus on investment, the economy, industry, and education. President Mohamud and his delegation are expected to sign several agreements and memorandums with their Italian counterparts. This visit follows the recent trip of Italy’s deputy defense secretary, Matteo Perego, to Somalia, where he met with President Mohamud and explored the prospect of enhancing their historical relationship, particularly in the realms of security and the battle against terrorism. Italy has been a key player in the international community’s efforts to support Somalia’s stability and growth in recent years. The country has provided humanitarian, technical, and military assistance to help Somalia combat terrorism, revive its economy and improve governance. Additionally, Italy has opened its doors to a large number of Somali refugees and migrants in recent decades, with the Somali diaspora in Italy being one of the largest in Europe. Somalia and Italy share a long and intricate history marked by colonialism, migration, and political links. Although Somalia maintained close diplomatic relations with Italy after gaining independence from colonial rule in 1960, the relationship was strained during the civil war and subsequent political instability in Somalia. As Somalia progresses towards stability and development, President Mohamud’s visit to Italy offers a chance to deepen bilateral ties further and identify new areas for cooperation between the two nations. The post Somali president arrives in Rome to boost bilateral ties appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga. Sida ay sheegtay Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Al-Shabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan. Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeeinna. Booqashada ayaa timid wax kayar toddobaad un markii uu Muqdisho yimid ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego oo Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha. Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Roma + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab. Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadiibyada iyo imaamyada masaajidda. Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo kooxda Al-Shabaab. Qodobada ayaa u dhignaa sidaan: 1 – in habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah. 2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda. 3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda. Wasaaradda diinta ee XFS ayaan qoraalkaan ku shaacin sababta ka dambeysa inay soo saarto goodintaan ku socota culumada, gaar ahaan imaamyada iyo mu’adimiinta masaajidda dalka. Wasiirka diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa loo arkaa nin muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, kaas oo taabanaya dhinacyada diinta, dhaqaalaha iyo furimaha dagaalka oo hormar muuqda ay dowladdu ka sameysay. Hoos ka eeg warqadda The post DF oo amar ka dhan ah Al-Shabaab dul dhigtay mu’adimiinta masaajidda appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay uga jawaabayaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalintiisii labaad galay. Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda baaq deg deg ah ugu dirtay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood, iyadoo lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka soo gaaray dadka rayidka ah. Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Saaxiibada beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.” Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday Somaliland iyo dagaalyahanada beesha degta Laascaanood inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka oo la joojiyo xabadda, iyadoo si gaar ah shacabka loogu turayo. “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay beesha caalamka. Xiisad adag ayaa ka taagan magaalada Laascaanood, tobanaan qof aya alagu dilay gacan ka hadal ka socda weli, kumanaan qoys ayaa ka barakacay, halka duqeyn culus oo Somaliland ay gudaha magaalada ka geysatay lagu laayey dad rayid u badan. Maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda magaalada, balse si cad u diidan in maamulka Somaliland uu sii xukumo Laascaanood ayaa ka dhex dagaalamaya magaalada, kuwaas oo ku guuleystay in qeybo badan oo magaalada ah ay ka saaraan ciidamada Somaliland. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrinta Laascaanood waxay ka istaagtay mowqif horay loo filayey, waxayna ku baaqday in dadka dagaalamaya ay is xaliyaan inta aysan dhiigooda dhulka isaga qubin. Si lamid ah dowladda ayey beesha caalamku wadahadal ugu yeertay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood, qadiyadda ka jirta deegaankaas waxay dadka falanqeeya siyaasadda ku tilmaamayaan in xalku uu ku imaan karo wadahadal oo kaliya. Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post BEESHA CAALAMKA oo war culus kasoo saartay xiisadda magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni dhamaan madaxda afarta maamul goboleed ee kale waxay ku darsadeen min hal sano waqtigii loo doortay xafiiska. Lafta-gareen wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku darsada hal sano. Dhamaan madaxda maamulada ee min halka sano ku darsaday waxay dhex-mareen baarlamaanadooda heer maamul goboleed, waxay sheegeen inay bedeleen mudada xil haynta oo afar sano ahayd, haddana ka dhigeen shan sano. Qoddobka 121 ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu leeyahay mabda’iyan waa in la is-waafajiya dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dastuurka maamul goboleedyada. Hadda isma waafaqsana oo afar sano ayaa u qoran madaxweynaha federaalka inuu xafiiska joogi karo, maamuladana shan sano ayay ka dhigteen. Halkaas waa dastuur jabin. Puntland iyada markii hore ayaa si gaar ah loo qeexay xaalkeeda. Marka laga tago jabinta qoddobkaas waxaa dhinaca kale taalla dood sheegaysa xitaa haddii shan sano laga dhigayo mudada xil haynta maamulada, waa in lagu aadiya xili doorasho oo qofkii soo baxa uu la jaanqaadi karo, sidoo kalana la abuura fursad la isku waafajin karo labada dastuur ee labada heer dowladeed. Aan usoo laabano mawduuca, magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay habeen dhaweyd waxaa lagu jideeyay hal sano oo muddo kororsi ah oo uu qaatay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-green. Arrintan waxaa si gaar ah isha ugu hayay Axmed Madoobe, Qoor-Qoor iyo Cali Guudlaawe. Saddexdaan nin waxay aaminsanayeen in haddii Xasan Sheekh uu halka sano u diido Lafta-gareen in iyagana aanay macquul ahayn inay qaataan. Tijaabo ayuu u ahaa Lafta-gareen, hadda muddo kororsigoodu tijaabadii waa ka baxay mar haddii Lafta-gareen sanadkii loo ogolaaday, iyagana waxay u badan tahay in uusan Xasan Sheekh kula dhagi doonin sanadkooda. Jidkii muddo kororsiga ayaa furmay, farriinta Baydhabo ka timid xitaa federaalka uma fiicna. Soomaaliya waxa qudha ee lagu kala badbaado waa in la raaco dastuurka qoran. Nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa ugu badan ee lagu haystay waxay ahayd dastuur jabin, haddana isla dariiqaas inuu furmay ayaa muuqata in lagu sii socdana ma caawinayso baadi-goobka loogu jiro Soomaaliya sharci ku dhisan oo xeerarkeeda ay xukunka hagaan. Dadkii doonayay inay raadiyaan xukunka Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo tirsanayay maalmaha madaxdaas u hartay hadda quus ayay ku dhow yihiin oo waxaa u cadaatay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aanay ku howl jirin isbedelo degdeg ah iyo in aanay diidayn muddo kororsiga. Mucaaridka huursan ee dowladda federaalka ah ayaa ka hadlin wixii kasoo baxay magaalada Baydhabo habeen hore. Laakiin maalin kale oo aan munaasib ahayn ayaa laga yaaba inay hadlaan, markaas oo ay dhici karto in dhuumashadooda maanta ay dhaawac ku noqoto. The post Farriin dan u ah Guudlaawe, Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo ka timid Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  18. Qoraalka xukuumadda akhri. “Xukuumadda JSL Waxa ay Mar Labaad ku baaqaysaa Nabad. Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaalilaand iyada oo fulinaysa go’aamadii ka soo baxay shirkii deg’degga ahaa ee Galaha Wasiirrada JSL ee qabsoomay taariikhdu markay ahayd 06/02/2023, sidoo kalena tixgalinaysa baaqyada kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka imanaya ee xambaarsan in xaaladda Laascaanood nabad lagu soo celiyo, Xukuumaddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in xaaladda Laascaanood ka taagan lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-afgarad, marka laga reebo kooxaha argagixisada ah.” Source
  19. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appealed for an immediate end to the ongoing conflict in the city of LasAnod in the Sool region in Northern Somalia. The battle between Somaliland government forces and local self-armed residents has resulted in the deaths of 38 individuals and injured 132 others, according to Ahmed Mohamed Hassan, the Director of LasAnod General Hospital. President Mohamud stated that the challenges in Sool and Sanaag are politically-rooted and are part of the government’s overall policy in seeking a united Somalia. “The solution to the problems in Sool and Sanaag lies within the realm of politics. It’s incorporated into the overarching policy aimed at seeking unity in Somalia,” the President explained. He added that he is willing to attend any peace talks and engage with any parties interested in peace. However, he cannot tolerate the obstruction of the people’s will and the exercise of power. “The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set,” President Mohamud emphasized. The President called on traditional and religious leaders to take charge of peace efforts and to engage with those involved in the conflict, asking them to disarm young men carrying weapons. He said ongoing bloodshed is unacceptable. The tensions in LasAnod have been escalating over the past month as the local population has voiced their disapproval of the presence of the Somaliland administration and demanded the withdrawal of its troops. The situation reached a boiling point on Monday when the Somaliland forces attempted to enter the city and were met with resistance from the local residents. The Somaliland authorities have claimed that their troops were attacked by militias aligned with local traditional elders who had gathered in LasAnod. However, this claim has been disputed by one of the local elders who spoke to the media and stated that the Somaliland army was actually the aggressor. This conflict arose shortly after the traditional elders, who had been in the city for nearly two weeks, issued a statement rejecting the notion of LasAnod being a part of Somaliland and instead expressing their desire for the region to come under the jurisdiction of the Federal government of Somalia. The elders’ statement also emphasized the unity and sovereignty of Somalia and the integral role of the SSC-Khaatumo region and its people in the Federal Republic of Somalia. Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the international community has not recognized its independence. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, the Somaliland administration has faced opposition and resentment in the area. The current crisis, which began in late December, was triggered by the assassination of local youth leader and opposition Waddani Party member Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), blamed on Somaliland. Since the start of the protests, the Somaliland security forces have resorted to using force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict. The post Somali President calls for an immediate cease to the ongoing conflict in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee shirka uga socday magaalada Laascaanood ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aanka dowladda federaalka ay kasoo saartay xiisada isku rogtay dagaalka. Afhayeenka Isimada ayaa dowlada federaalka Soomaaliya uga mahad-celiyay taageerada ay u muujisay qodobadii dhawaan kasoo baxay shirka garaadada ee magaalada Laascaanood. “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in ay dowladu soo dhawaysay go’aamadii kasoo baxay shirkii garaadada SSC, waanu taageerayna waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, madaxweynaha, wasiirka arrimaha guddaha iyo dhamaan xukumada arrinta waa ku bogaadinaynaa”. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen ciidamada Somaliland in ay dagaal kusoo qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo madaafiic ku gaaracay, sida ay sheegeen. Waxa kale oo ay sheegeen in madaafiicda Somaliland ay ku dhaceen goobo dad rayid ah dagan yihiin, halka qaarkoodna ay ku dhaceen isbitaalka Laascaanood. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada taabacsan garaadada ku sugan Laascaanood, ciidamo Puntland ka yimid iyo kooxo argagixiso ah ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada, islamarkaana ay is-difaaceyso. Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaka markii u horeysay ka hadashay dagaalka Laascaanood ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaalada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna isla maanta ka hadlay xiisada dagaal ee Laascaanood ayaa sheegay in arrinta ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal. “Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed. Si kastaba, dagaalka Laascaanood oo socda maalintii labaad oo xiriir ah ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan. The post Isimida Laascaanood oo ka hadlay go’aanka DF iyo xog cusub oo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  21. Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Laascaanood oo sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur. War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ATMIS, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur”. “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal” ayaa la raaciyay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  22. Ankara (Caasimada Online) – Rescue efforts continued Tuesday to locate survivors amidst the wreckage of thousands of structures destroyed by a 7.8 magnitude earthquake and subsequent aftershocks in eastern Turkey and Syria. Turkeys Vice President Fuat Oktay reported that Turkey’s death toll f has risen to 3,419, with 20,534 people injured. The total number of fatalities in Turkey and Syria now stands at 5,102. The quake, the deadliest to hit Turkey since 1999, resulted in widespread destruction, with thousands of buildings toppled and hospitals and schools ruined. Thousands of thousands of people were injured or left homeless in several Turkish and Syrian cities. As the winter weather added to the woes of the affected population, aid officials were particularly concerned about the dire humanitarian situation in Syria, which is already grappling with a civil war that has been ongoing for nearly 12 years. The quake affected approximately 13.5 million people in an area spanning 450 km from Adana in the west to Diyarbakir in the east and 300 km from Malatya in the north to Hatay in the south. As rescuers worked tirelessly through the night and into the morning, people waited with bated breath for any news of survivors. In Antakya, near the Syrian border, families slept in cars lined up on the streets. At the same time, a woman’s voice was heard calling for help under a pile of rubble. Reuters journalists also witnessed the body of a small child lying lifeless nearby. The World Health Organization (WHO) has voiced its concern about the situation, with its Director General, Tedros Adhanom Ghebreyesus, stating that “it’s now a race against time.” The WHO is especially worried about areas in Turkey and Syria where information has not emerged since the quake struck. In Syria, the death toll in government-held areas rose to 812, according to the state news agency SANA, while in the rebel-held northwest, it was over 790, as reported by the Syrian civil defense. According to UNICEF spokesperson James Elder, the earthquakes have reportedly killed thousands of children. The fuel shortages and harsh weather conditions have created obstacles for U.N. humanitarian officials trying to reach those in need. The earthquake has left the Turkish government with a multi-billion-dollar reconstruction challenge just as it prepares for tight elections in three months. The economy, already strained by inflation, is likely to take a hit as a result of the quake. The post Quake death toll exceeds 5,100 in Turkey and Syria appeared first on Caasimada Online.