Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The UN Migration Agency and partners are seeking $84 million dollars to provide humanitarian and development assistance to over one million migrants in the Horn of Africa and communities hosting them. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia’s recently established Committee for the Relief of the Earthquake Victims in Türkiye has launched a fundraising campaign in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  3. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale lagu eedeeyey inay ku lug leedahay weeraro dad badan lagu laayey oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas. Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay jabhadda Oromada ee OLA iyo kooxda Al-Shabaab rabshado ay dad badan ku dhinteen oo sababay in la xiro ku dhawaad 1,000 iskuul oo ku yaalla gobolka, sida ay sheegtay warbaahinta Fana. Gobolka, oo ay ku nool yihiin qowmiyadda ugu weyn Itoobiya ee Oromada, ayaa waxaa soo maray rabshado muddo sanado ah oo weli socda. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Oromiya Awelu Cabdi ayaa Fana u sheegay in OLA, Al-Shabaab iyo maleeshiyo Amxaaro ah oo loo yaqaano Fano ay ka dambeeyaan rabshadaha. Wuxuu ku eedeeyay kooxahaasi inay laayeen dad shacab ah, wuxuuna sheegay in maamulku uu qaadayo tallaabooyin lagu nabadeynayo gobolka. Gudiga xuquuqul insaanka ee ay dawladu magacawday ayaa todobaadkan sheegay in in ka badan 50 qof lagu dilay intii u dhaxaysay 2 ilaa 4 February weerar ay fallaago ku qaadeen xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taal galbeedka Oromia. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulin dalka Itoobiya, hase yeeshee waxay bishii July ee sanadkii tegay ku qaaday weerar naadir ah oo ay ku gashay gobolka Soomaalida. Dagaal toddobaadyo socday kadib ayaa Al-Shabaab ugu dambeyn laga soo saaray dalkaas, hase yeeshee kooxda ayaa sheegatay inay dishay boqolaal askari, halka Itoobiya sheegatay in Al-Shabaab ka dishay boqolaal mintidiin ah, kuwa kalena qabatay. The post Al-Shabaab miyaa mar kale gudaha u gashay Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika, kaas oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa, iyadoo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ka jira gobolka. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka Al-shabaab, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. “Waxa aan dhawaan tegay Qunsuliyadda Guud ee Dawladda Turkiga ah ee aan walaalaha nahay ku leedahay Caasimadda JSL ee Hargeysa si aan uga tacsiyeeyo Dawladda iyo Shacabka Turkiga ba dadkii ku dhintay musiibadii dhulgariirka ahayd ee dhawaan ka dhacday wadankaas. Waxa aan saxeexay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay dhul-gariirkaas. Eebe ayeynu naxariistiisa u weydiineynaa iyo in uu ku casuumo Jannatul Firdowsa dadkii halkaas ku geeriyooday, annaga oo la qeybsaneyna xannuunka iyo dhibka ka soo gaadhay walaalaheen Turkey.”Musharraxa Madaxwaynaha Xisbiga Waddani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Qaran News
  6. Taliyow Sool clan argagixiso maaha Waxaan dhegaystay goor dhaweyd hadal jeedin taliyaha ciidanka Somaliland, general Nuux, maanta jeediyey. Taliyuhu wuxuu nuxurka iyo dulucda hadalkiisu ahaa in dadka dagaalamaya ee gadooday ee laascaanood joogaa yihhin argagixiso la yaqaan oo uu qaar tilnaamay. Waa caado la arko markasta oo dagaal laba daraf dhex maro in dagaalka gacanta dhinac waliba ku ladho mid afka ah oo uu sumcadda kaga dilayo darafka kale ama uu garab siyaasadeed ama mileteri kaga doonayo cid saddexaad. Malaha taasi waxay ku fiicnaan lahayd Marka Ay dagaalamayaan dawlado isu adeegsanaya Xogo sirdoon oo la abuuray sidii kuwii ciraaq iyo liibiya ama Kuwo run ah oo la hubiyey sidii weerarkii israaiil ku qaaday warshadii nuclearka ee laga dhisayey Iiran. Ma banaana dad shacab ah oo ka gadooday maamulkii gacanta ku hayey, in lagu tilmaamo argagixiso iyo alshabaab iwm. Waxaa taliyuhu tilmaamay Cabdi Madoobe, oo wata Xoogaa ciidan ah oo kasoo guuray Buuhoodle. Haddaba Cabdi Madobe markaan si xaqqiiq ah u baadhay waxaa ii caddaatay in aanu ahayn alshabaab iyo alqaacida midnaba sababahan dartood. Waa tan koobaade, xerada uu degan yahay dhawrka sano ee ku taal buuhoodle iyo xerada ciidanka ethiopia ee buuhoodle waxaa u dhexeeya masaafo aan ka badnayn 3ama 4km. Waxay ka wada shaaheeyaan makhaayadaha magaalada. Waa dawladda maanta geeska ugu Xoog weyn uguna sirdoonka saraysa. Wax calaamad ahna ma saarin. Tan labaad maaha nin dhuunta ama qarsoodi ku jooga deegaanka ee Waa nin sI caadi ah ugu dhex nool beesha. Tan sadexaad magaca uu sitaa Waa SSC oo la macno Sool clan, dhulbahantena Dee argagixiso maahee mabaadii iyo afkaar bay isku hayaan Somalilandta kale. Mana aha in nin madax ahi yidhaahdo waa aragagixiso Sool clan. Waxaa laga yaabaa in uu xambaarsan yahay afkaar uu rabo in uu ku gaadho madaxtinimo oo uu u arkay in uu ku gaadhi karo awood ciidan, taa soo aan maanta aduunka ka suuragal ahayn. Isticmaalka ereyga argagixiso in Loo adeegsado kacdoonka Shacabku wuxuu keenayaa kala fogaansho iyo nacayb aan dawo loo helin. Maaha Isimadu argagixiso lkn siyaasad baan isku haynaa. Shacabkii ka gadooday dawladu wax Ha ka qabato argagixisada madaxa duubata ee na laysa, nuuxow maaha argagixiso mana gayaan. Waa wax la filayo aduunkoo dhamina ka walaacsan yahay haddii dagaalka gobolku sii dheeraado in ay iman karaan kooxo iyo xubno argagixiso ah oo raba in ay ka samaystaan aagaas marin ay u maraan dalalka jaarka iyo aduunka kale. Waxaan ku talinayaa in ciidanka Qaranka iyo xukuumaduba ka fogaadaan ereyada culus ee kuwan oo kale ah nabadana fogeynaya. waxaa Qoray:- Mahamed Jama Qaran News
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan colaad iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamada Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay. Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi. Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay caro aad u weyn. Kumuu ahaa Cabdifataax Hadraawi? Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi waxa uu sanadkii 1979 ku dhashay degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose. Aabihii Cabdullaahi Cabdi Sangub oo ka mid ahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa xilligaa joogay xerada Ballidoogle oo ku taalla duleedka magaalada Wallaweyn. Waxbarashada aasaasiga waxa uu ku soo qaatay gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Sool, sida uu noo xaqiijiyey Cabdillaahi Caweer X. Xuseen oo ay isla soo barbaareen. Burburkii dawladii dhexe ka dib waxa ay reerkoodu u guureen magaalada Laascaanood, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka sii watay, waxaanu ka mid noqday ardaydii lagu bilaabay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, sida uu BBC-da u sheegay Faarax Diiriye Siciid, oo ahaa macallinkiisa. Hadraawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ciyaaraha kubada cagta ee deegaanka. Naadiyadii kubbada cagta ee ugu horeeyey ayuu ku biiray isagoo kabtan u noqday naadiga Radio Laascaanood. Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan. Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay. Isha: BBC Somali The post Kumuu ahaa ninka ay ka billaabatay xiisadda hadda ka taagan LAASCAANOOD? appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga waxay ku jiraan waqti aad u adag in ka badan 36 kun oo qof oo Turki ah ayaa ku dhimatay dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay waddankaas. Haddii lagu daro tirada ku dhimatay dhanka Suuriya waxay tirada guud noqoneysa 42 kun oo qof. Gobolada ku yaalla xadka labadaas dal ayuu si weyn u burburiyay dhul-gariirku, waana kii ugu khasaaraha badna taariikhdi Turkiga casriga ah. Weli gurmad ayaa socda, adduunka intiisa kale waa u gurmaday Turki. Yurub, Mareykanka iyo dalalka caalamka ayaa deg deg u bixiyay gurmad dhaqaal, mid khubaro iyo inay madax u diraan Turkiga. Afrika dalal badan ayaa u gurmaday dowladda Turkiga oo ay qaar u direen howl-wadeeno u tababaran xaaladaha deg-dega ah, shaqaale gurmad, lacago iyo madax goobta buuqata. Xilligan oo kale dowladduhu waxay bartaan saaxiibadooda dhabta ah ee adduunka. Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka uu sida weyn u taageero Turkiga. Turkidu waxay kabaan miisaaniyada dowladda Soomaaliya, ciidan ayay u tababaraan Soomaaliya, waxa kale oo ay siiyaan deeqo waxbarasho oo joogto ah iyo soo dhoweyn bulsho. Turkiga waxay ahaayeen dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya usoo gurmaday abaartii darneyd ee 2011, markaas oo uu madaxweyne Erdogan soo booqday magaalada Muqdisho. Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dhaqaale la’aan iyo dagaalka Al-Shabaab la tacaaleyso, haddana maanta waa waqtigii la muujin lahaa gobanimada qarameed ee Soomaaliya. Waxaa lagama maarman ah inay dowladda Soomaaliya ay muujiso is-xilqaam lagu difaacayo gobanimada umadeed iyo midda dowladeed ee Soomaaliya. Tusaalaha u baahan inuu Soomaaliya dhiira-geliyo waa dowladad Burundi oo 10 khabiir oo ku takhasusay maareynta masiibooyinka u dirtay waddanka Turkiga, laakiin dowladda Soomaaliya tallaabo uma qaadin dhanka ficilka. Maalmihii ay xaaladdu adkeyd wax badan oo ay dowladda Soomaaliya sameyn kartay lama haleelin, balse warbixintan waxaa kusoo koobeyn saddex qoddob oo weli laga gaaro, kuwaasi oo kala ah; 1. Yabooh dhaqaale: Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa ganacsatada waaweyn ee dalka, dakhligeeda gudaha iyo bangiyada ay deymaha kasii qaadato waxaa la aamisan yahay inay awoodo yabooh dhaqaale. Maanta lama qiimeynayo tirada waxa aad bixiso ee waxaa la eegaya duntaada iyo dareenkaaga. 2. Duco Qarameed: Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay awoodda inay iclaamiso kulan bulsho oo kumanaan bulsho ay ka qeyb-galayaan oo loogu duceynayo dadkii Turkiga ku lumiyeen dhul-gariirkii dhowaan dhacay, looguna rajeynayo soo-kabasho guud ahaan dalka Turkiga. Majiro dal sameeyay arrintaas illaa hadda tan iyo markii ay dhacday masiibadan dhul-gariirka. 3. Booqasho madaxeed oo deg deg ah: Madax badan oo caalami ayaa booqatay Turkiga tan iyo markii uu dhacay dhul-gariirku si ay u muujiyaan dareen saaxiibtinimo, mid walaalnimo iyo sida Turkida ula qeybsanayaan xanuunka dhibaatada dhacday. Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa hortaalla inuu midkood tago Turkiga, si uu dowladdaas garabka ugu ah Soomaaliya ugu muujiyo garab istaag xilligaan ay ku jiraan waqtiga adag. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu Arbacadii magacaabay guddi qaabilsan gurmadka Turkiga, waxaana la eegaya waxay miiska la yimaadan. The post Sidee Somalia u celin kartaa inyar oo ka mid ah abaalka Turkiga oo xilli adag ku jira? appeared first on Caasimada Online.
  9. Washington DC (Caasimada Online) – A US and Syrian Democratic Forces helicopter raid killed a senior ISIS leader in northeastern Syria On Thursday night. However, the operation resulted in an explosion that wounded four US troops and a working dog, as confirmed by the US military’s Central Command. The condition of the soldiers and the dog is stable, and they are currently receiving treatment in Iraq. The raid also resulted in the seizure of multiple weapons, ammo, and a suicide belt. Details of the raid The joint raid was carried out by the US and Syrian Democratic Forces, according to CENTCOM. The officials have confirmed that no SDF troops were injured in operation. However, the US troops and the working dog were wounded during the explosion that killed Hamza al-Homsi, a senior ISIS leader who oversaw the group’s deadly terrorist network in eastern Syria. The blast occurred when the US forces were “close to” al-Homsi. It is unclear at this point if the explosion was the result of a suicide vest, a booby trap, or something else. The wounded US service members are in stable condition. Three of them, along with the working dog, are currently receiving treatment in a medical facility in Iraq. According to the officials, the fourth service member suffered minor injuries and has returned to duty. The US service members may be transported to the military hospital in Landstuhl, Germany, for further treatment. The ongoing fight against ISIS in Syria The raid is part of the ongoing fight against ISIS in Syria. After losing their last territory to local Kurdish-led forces backed by the coalition in 2019, ISIS remnants in Syria retreated into desert hideouts in the country’s east. They have since used these hideouts to ambush Kurdish-led forces and Syrian government troops while continuing to mount attacks in Iraq. In October 2019, the US announced the death of ISIS leader Abu Bakr al-Baghdadi during a raid by US special forces in northwest Syria. His two successors have also been killed in separate operations. The fight against ISIS continues, and the US leads an international coalition battling the group. The alliance conducts periodic raids and strikes targeting the group’s leaders and infrastructure. The helicopter raid that killed a senior ISIS leader and wounded four US troops and a working dog is part of the ongoing fight against the group in Syria. The US leads an international coalition battling ISIS, which retreated into desert hideouts in the country’s east after losing its last territory in 2019. The coalition conducts periodic raids and strikes targeting the group’s leaders and infrastructure to weaken its operations. The recent raid is a testament to the coalition’s commitment to defeating ISIS and making the region safer. The post Four US soldiers wounded in Syria raid that killed Senior Islamic State leader appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has launched a fundraising campaign to support the relief efforts for the victims of the recent earthquakes in Turkey with the aim of raising $5 million in three days. The Somali government has already contributed $1 million to the relief efforts. The launch ceremony was attended by senior government officials, religious scholars, business people, and civil societies. Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre emphasized the importance of Somalia standing with Turkey during their time of need, despite the challenges Somalia is currently facing, including drought and conflict. He also mentioned that Somalia has an opportunity to return some of the countless support received from “our Turkish brothers and sisters.” The chairman of the Somali Bankers Association, Ahmed Shirwa, announced a donation of $3 million for the earthquake victims in Turkey, totaling the amount of money donated by the government and Somali business community to $4 million. The recent earthquakes in Turkey, with magnitudes of 7.7 and 7.6, have so far resulted in more than 38,000 deaths, affecting over 13 million people across 11 provinces. Several countries in the region, including Syria and Lebanon, also felt the strong tremors. In neighboring Syria, several thousand people have also died as a result of the earthquakes, and the disaster response has been hindered by poor infrastructure and international political wrangling. The most recent figure for the number of dead and injured was given by the World Health Organization last Sunday, with 5,900 reported dead. More than 35,000 personnel have joined the rescue efforts in Turkey, with teams searching for survivors in around 200 collapsed buildings in 11 provinces. Vice-President Fuat Oktay has stated that the efforts will continue “until the end,” with the search focusing primarily on the worst-hit Hatay province. Despite the challenges, there is still hope for survivors. On Friday, a 45-year-old man named Hakan Yasinoğlu was rescued alive after spending 11 and a half days under rubble in the Defne district. This last-hope rescue news provides a glimmer of hope amidst the devastation caused by the earthquakes. In conclusion, Somalia’s fundraising campaign for earthquake relief efforts in Turkey demonstrates the importance of global solidarity during times of crisis. The generosity of the Somali government and business community, as well as the continued efforts of rescue teams, provides hope for the victims and their families. The post Somalia launches $5 million fundraising campaign for Turkey earthquake relief appeared first on Caasimada Online.
  11. PRESS RELEASE The African Development Bank Group (AfDB), Islamic Development Bank (IsDB) join forces to boost Africa’s health defense systems through the pharmaceutical industry “Through partnerships we go further, increase development effectiveness, harness our synergies” – AfDB VP Solomon Quaynor JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, February 17, 2023/ — The African Development Bank Group (www.AfDB.org) and the Islamic Development Bank have signed a joint partnership action plan for the development of the pharmaceutical industry sector within their African member countries. The plan offers a new framework for strengthened cooperation and mutual development priorities, with a strong emphasis on boosting the continent’s health defense systems. The aide-memoire was signed on Thursday, at the headquarters of the Islamic Development Bank in Jeddah, Saudi Arabia, by Dr. Abdu Mukhtar, Director of Industrial and Trade Development for the African Development Bank and Islamic Development Bank, Director of the Economic and Social Infrastructure Department, Idrissa Dia. The signing rounded out two days of presentations and deliberations on the institutions’ health strategies for Africa and the African Development Bank’s Pharmaceutical Action Plan (https://apo-opa.info/3Kdrv6Y). During the sessions, teams from both institutions discussed a joint pipeline of pharmaceutical projects proposed for co-financing, as well as potential collaboration in advocacy and knowledge creation for their member countries. The Joint Action Plan enables both institutions to grow a shared pipeline of bankable projects around key complementary themes to which each institution would bring their comparative advantage. The plan covers lending to public and private sector projects and pharmaceutical development projects using a regional approach. The institutions will also cooperate on the organization of a global Pharmaceutical Business Forum in May 2023 at the General Annual Meetings of the African Development Bank. The event will bring together key pharmaceutical sector industry captains, including big pharma companies, continental, regional and governmental regulatory agencies, technology transfer entities. The gathering will deliberate on business opportunities, vaccine off-take agreements, pharmaceutical technology transfer agreements and project preparation resources, among other topics. “The African Development Bank Group places considerable importance on partnerships in its contributions to sustainable development in Africa. Through partnership we can go further, we can increase development effectiveness, we can leverage our complementarities and harness our synergies,” said Solomon Quaynor, Vice President of Infrastructure, Private Sector and Industrialization. In addition to defining a joint action plan, Anasse Aissami, IsDB Director General, Country Programs, encouraged the participants to expedite implementation of the respective pharmaceutical programs with focus on increasing local production and regulatory support. Amer Bukvic, Acting Director General, Global Practices and Partnerships, seconded his remarks, adding that: “we will solidly establish and operationalize the health and pharmaceutical collaboration, and we will work hard to enhance the technical cooperation”. In 2017, heads of the two institutions signed a co-financing Memorandum of Understanding to scale up co-financing activities over the period 2018-2020. A sum of $2 billion was earmarked for co-financing, equally split between the two institutions. The MoU was extended to December 2023 in order to intensify co-financing across strategic sectors such as infrastructure development; human development; private sector development and investment promotion. “There is room to extend our partnership under the umbrella of the existing MoU to our priority sectors,” Desire Vencatachellum, Director, Financial Mobilization and Partnerships for the African Development Bank noted during the meetings. Following the signing, Dia, highlighted the need to increase cooperation across all human development sectors and initiatives, given the strong strategic and operational alignment between the IsDB and the African Development Bank across the health, pharmaceutical, education, water and sanitation sectors. “The African Development Bank’s Pharmaceutical Action Plan is well aligned with IsDB’s strategy in the pharma sector. We will work collaboratively and with other partners to achieve results in this sector, which is critical to Africa’s development,” Mukhtar said. Dr. Ammar Abdo, Human Development Manager indicated that the IsDB-AfDB health industrialization initiative is a deep dive exercise between the two sisters’ institutions on strategic and operational health matters.” Also present, Martha Phiri, Director of Human Development Department noted the alignment of the Health Infrastructure Strategy of the African Development Bank with IsDB’s plans. “The respective health teams will explore a joint pipeline in line with this pharmaceutical collaboration pipeline,” she said. The teams will continue to meet monthly to review progress and share insights on proposed common projects. They also announced that they would hold a review meeting before December 2023 to assess the progress of sovereign and non-sovereign projects. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 41 African countries with an external office in Japan, the Bank contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) 0 Qaran News
  12. Mogadishu (HOL) - Somalia's U-17 National Football Team has called on President Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre to resolve the impasse in the Somali Football Federation (SFF) leadership election. Source: Hiiraan Online
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Addis Ababa kaga qayb galaya meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo berri furmaya. Shirweynahaas oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso. Caqabadaha ay qaaradda Afrika wajaheyso waxaa ugu horreeya rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada ka dagaalameysa qeybo badan oo dalalka qaaradda ka mid ah. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas Addis Ababa ka furmaya ku soo bandhigi doona dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxay kulan doceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ka degay dalka… appeared first on Caasimada Online.
  14. Jabuuti (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdow Ciise Bulaale oo ka mid ah baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa ka soo hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood oo mar dowladda Jabuuti lagu eedeeyey inay ku lug leedahay. Xildhibaan Cabdow ayaa kooxdii Nabad iyo Nolol ee Farmaajo hoggaami jiray ku eedeeyey inay dacaayad la daba-joogaan reer Jabuuti, isla markaana ay baraha bulshada ku faafiyeen warar sheegaya in Jabuuti ay hurineyso xiisadda Laascaanood. “Sanadahaan waxaa socday dacaayad ay dowladdii hore ee Nabad iyo Nolol la daba joogtay reer Jabuuti, dacaayado xun ayey naga faafiyeen, waxay doonayeen inay nagu diraan walaalaheen, laakiin anagu kama tanaasuleyno gurmadkeenna Hiil-walaal, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay waxa naga dhexeeya bir ma goyn kareyso, biyana ma meyri karaan,” ayuu yiri Xildhibaankaan reer Jabuuti. Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey Dalsan TV ayaa si adag u beeniyey in Jabuuti ay hurineyso colaada Laascaanood, isagoo ku dooday in ajendaha Jabuuti uu yahay oo kaliya in la caawiyo cid kasta oo isirka Soomaali sheegata. Cabdow Ciise oo sheegay inuu yahay Xildhibaan mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti ayaa hadana ka difaacay eedeymaha loo jeediyey dowladaas oo dad ka soo jeeda Laascaanood ay ku eedeeyeen inay kala safatay Somaliland. “Si kasta ayaan u baarnay, waxaan cadeynaa in dowladda Jabuuti aysan sina ugu luglaheyn xiisadda Laascaanood, anagoo ah xisbiga garabka mucaaradka ah, taas ayaan soo xaqiijinay, tani waa xumaan lagu faafiyey baraha bulshada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdow. Xildhibaanka ayaa Soomaalida ka cosday inay isku noqdaan oo walaalnimada ilaaliyaan oo is dilka iska dhaafaan, “Shacabiga Soomaaliyeed iyo kan reer Jabuuti ayey doonayaan inay xumaan kala dhex dhigaan kuwa faafiyey warkaas, laakiin anagu xumaan kama shaqeyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in Jabuuti ay mar kasta dooneyno inay gogol u fidiso oo u fududeyso inay heshiiyaan cid kasta oo Soomaali ah oo wax kala tirsaneysa, si lamid ah gogoshii Carta, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdow. Hoos ka dhageyso wareysiga. The post Wareysi: Jabuuti oo kooxdii Farmaajo ku eedeysay arrin ku saabsan xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. Nairobi (Caasimada Online) – In 2022, the al-Shabab terror group carried out 77 terror-related attacks in Kenya, resulting in a 26% increase compared to the 51 attacks reported in 2021, per a report by the Centre for Human Rights and Policy Studies (CHRIPS). These attacks claimed the lives of 116 people, a 16% increase from the 100 fatalities recorded in 2021. Most of the people killed were civilians, accounting for 42 deaths. Concentration of attacks The CHRIPS report revealed that most attacks were concentrated in four counties on the Kenya-Somalia border. Mandera recorded the highest number of terror-related incidents at 37. Lamu had the second-highest number of occurrences at 21, followed by Garissa with 19 and Wajir with nine terror attacks. Shockingly, 50% of the attacks were targeted at security officers, continuing the trend observed in the past five years. The report also shows that the number of attacks targeting security officials has increased significantly in recent years, with 16 attacks in 2018 and 2019, 41 in 2020, and 33 in 2022. Despite the increase in attacks, only 29 suspects were arrested during the period under review. Garissa county saw the most significant number of arrests, where nine people were arrested on suspicion of terror activities. The area has been facing security challenges with al-Shabab terrorists targeting security vehicles and some villages, including projects such as the Lapsset port and road. The trend is a growing concern for the country’s security officials and counter-terror bodies, who need to continue putting in place measures to counter the ever-increasing threat posed by al-Shabab. Challenges in combating violent extremism Rahma Ramadhan, a researcher at CHRIPS, observed that al-Shabab continues to pose a threat despite the government increasing measures to counter violent extremism in Kenya. The group mainly targets security officials on transit or patrol using various explosive devices, which has resulted in the death of many security officers. In contrast to the previous year, terror-related arrests were recorded in more counties in 2022, including Nyeri, Narok, Kwale, Tana River, Lamu, and Laikipia. The post Al-Shabab attacks in Kenya surge 26% in 2022: Report appeared first on Caasimada Online.
  16. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan la qaatay Nabadoonada iyo Odoyaasha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug. Kulan ka waxaa qayb ka ahaa Taliyayaasha qaybaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Nabadoono, Waxgarad, Saraakiil iyo masuuliyiin kale. Shirkan oo mudo saacadaa socday ayaa looga hadlay Xoojinta Nabada, ka hortaga xirmaysiga dhulka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadaladii horay usocday waxaana shirka ka soo baxay qodobada hoos ku xusan. 1. in ay mabnuuctahay Xirmaysiga dhul daaqsimeedka ay ka caagantahay Deegaamaynta. 2. In la fududeeyo lana dadajiyo Bixinta magahii horay loogu heshiiyey loona balamo wakhti rasmiya. 3. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhinac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman. 4. In wacyigalin Bulsho loo sameeyo Bulshada iyo xoola dhaqatada Deegaanada Bariga Magaalada Gaalkacyo si loo xoojiyo Nabada iyo wada jirka Bulshada. Ugu danbayna Shirkan ayaa sii socon doona iyadoo si faah faahsan looga wada hadli doono qodobka 1aad, lagana soo saaro Go’aano iyo heshiis lagu xukumayo Dhulka ka caagan Deegaanta. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo adkeeyay iskaashiga dhinaca Amniga ah appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay howlgallo lagu dilay in ka badan 300 oo Shabaab ah, kuwaas oo saacado badan qaatay, isla markaana ka kala dhacay deegaanada Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbaland. Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay magacyada saraakiil Al-Shabaab looga dilay meelo kala duwan, iyadoo bayaankaan lagu cadeeyey deegaan kasta tiradii lagu dilay. Warkaan ayaa ugu horeyn lagu yiri, “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Afcad ee Gobalka Hiiraan.” Howlgalkaan oo socday in ka badan 12 saacadood, ayaa ku soo dhammaaday guul, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. “Jabka xooggan ayaa ku gaaray Khawaarijta howlgalladii Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland uu ka dhigayaa 72-kii saac ee u dambeeyay in lagu laayay in ka badan 300 oo khawaarij ah,” ayaa lagu yiri warkaan. Afar Amiir oo hoggaaminayey dagaalyahanada la laayey ee Al-Shabaab ayaa qoraalkaan lagu soo bandhigay magacyadooda, kuwaas oo seddax ka mid ah hal deegaan lagu dilay, waxayna kala yihiin: Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad. “Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale dowladda Soomalaiya waxay sheegtay in la asturay maydadka Shabaab-kii la laayey, iyadoo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgallada. “Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen khawaarijta, Hub badan iyo saanado kale oo ay isticmaalayeen khawaarijtu,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxaa bayaanka dowladda lagu yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an dhammeystirka howlgalka xididdada loogu siibayo Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khwaarigta.” The post DF oo shaacisay magacyada Amiirro iyo boqolaal Shabaab ah oo lagu dilay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in uu la xiriiray dhinacyada isku haya Laascaanood, islamarkaana uu xoojinayo baaqa ku aadan in colaadda la joojiyo. “Waa in lasoo afjara colaadda cidna dani uguma jirto, arrintan waa in wada-hadal lagu xaliyaa, waxaan wada-hadalo toos ah la yeeshay hogaamiyayaasha dhinacyada oo dhan, xubnaha beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna diray fariintan oo kale oo in rabshada la joojiyo,” ayuu yiri Larry Andre. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo mar wax laga weydiiyay sida uu u arko eedeymaha sheegaya in ciidamada Somaliland ay tacadiyo ka geysteen Laascaanood ayaa waxa uu sheegay in aysan wali haynin warar lagu kalsoonaan karo oo la xiriira arrintaas. “Waxan markale leeyahay helida warbixino lagu kalsoonaan karo way adag tahay, si xoogle ayaanu diirada u saarnay maalmahan wakhtigayga ugu badan ayaan ku bixiyay aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh,” ayuu yiri. Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cidda weerarka ku horaysay iyo cida shacabka beegsanaysayba la eegi doono waqti ku haboon, laakiin hadda arrinta muhiim ah ee xoogga saarayaan ay tahay in colaada la joojiyo, ayna dhinacyo ku dhameeyaan arrimaha taagan miiska wada-hadalka. Dowladda Mareykanka ayaa hore ugu baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo dhaliyey khasaare xooggan. Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraal laba maalin kahor xiligaasi kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo lagu sheegay “inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.” “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya. The post Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xaaladda ka taagan Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland laga rabo in ay dhageysato rabitaanka dadka reer Sool, taasi bedelkeedana midnimada ay rabaan reer Laascaanood loo mari doono waddada nabad ee aan qori caaradii lagu raadin. “Somaliland dalka Soomaaliya qeyb kamid ah waaye anagu aan qabna, kala go’a ma aaminsanin kuma raacsani laakiin haddana inta madaafiic urakabino midnimada xoog idinku soo raacsiineyna ma-lihin, waana waxaan 30 sano u kala joogno oo maalin walba leenahay saan ma aha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Dadku waa Soomaali oo dad sharaf leh oo isla dashay, islana degan. Siyaasadii aan isku imaano aan ka wada-hadalno oo aan hagaajino sidoo kale intaas unba ku dabaqmeysa waxa Laascaanood ka jira. Ha la wada-hadlo, waxa lagu kala duwan yahay ha laga wada-hadlo oo meel ha la isku raaco.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku cel-celiyay in dowladda federaalka Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay midnimo oo aysan marnaba ka tanaasuleyn, balse ay u marayaan is-qancin iyo miiska wada-hadalka. “Dadka reer Sool ha la dhageysto oo ha-lala hadlo, midnimada rabna hadey yiraahdeen qof laguma colaadin karo adigaba gooni isu-taaga rabaa ayaa tiri lagumana colaadiyo. Walaalka midnimada raba waxaa u sheega midnimada nabada ku rabna, heshiis ayaa ku rabna oo dhiig in uu ku daato ma rabno.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda federaalka aysan raali ka aheyn in ay colaadiyaan Somaliland, isaga oo xusay in maamulkaasi looga fadhiyo sidii uu jawi nabdoon ugu xalin lahaa tabashada taagan. “Waxaa u taaganahay midnimada, waa rabna mana ka tanaasuleyno oo wax aan ku badaleyno midnimada oo masaalix ah oo naloo balan qaadi karo majiro. Laakiin nabad iyo wanaag iyo wada-hadal ayaa ku rabna, Ilaahay waxaa ka rajeynayna inay sidaas ku hagaagto.” Dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayaa kal hore si weyn u muujiyay mowqifkooda ku aadan midnimada Soomaaliyeed, iyaga oo si adag uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland, taasi oo dhalisay dagaalka illaa hadda halkaasi ka socda, ee uu dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus u diray madaxda Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeisa (Caasimada Online) – According to the United Nations’ emergency response agency, over 185,000 people have been displaced from their homes due to clashes in a disputed border town in Somaliland, a self-declared independent state in Somalia. Somaliland has long been considered a model of stability in a turbulent region, having declared its independence from Somalia in 1991. However, recent months have seen a surge in political unrest, culminating in deadly violence between government forces and pro-Somalia militias in the contested town of LasAnod. In spite of a declared ceasefire, reports of intense fighting continue to emerge, as stated in a release from the UN’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia on Thursday. Root causes of the conflict The latest fighting in Somaliland erupted in the contested town of LasAnod on February 6, with both Somaliland and neighboring Puntland claiming control over the area. The violence was sparked by a statement issued by elders in the Sool region, pledging support for Somalia’s federal government and urging Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. Somaliland authorities responded by announcing a ceasefire on February 10. However, the situation escalated on February 14 when Somalia was accused of attacking its forces. While Mogadishu did not respond directly to the allegations, Prime Minister Hamza Abdi Barre called for “immediate access to humanitarian assistance” and welcomed the ceasefire. The conflict in Somaliland is rooted in the region’s struggle for statehood and recognition, with Somaliland claiming independence from Somalia in 1991 but never being recognized internationally. The region’s relative stability and economic progress have been seen as a beacon of hope in an otherwise chaotic region. However, its quest for statehood has yet to be recognized, leaving it poor and isolated. Impact on the civilian population The ongoing conflict in Somaliland has devastated the region’s civilian population, with over 185,000 people displaced and forced to flee their homes. Women and children make up an estimated 89% of the displaced population, with many seeking shelter under trees or inside schools that have been forced to shut down due to the violence. At LasAnod General Hospital, officials have reported 57 deaths, with 401 injured victims treated at four different hospitals. In addition to the tens of thousands of people displaced inside Somaliland, more than 60,000 others have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, with an average of 1,000 people continuing to cross into Ethiopia each day. The humanitarian crisis in Somaliland has been further compounded by a record drought in the Somali region following five failed rainy seasons. Aid workers are struggling to respond to the situation due to inadequate resources, with many organizations calling for urgent funding to provide relief to those affected by the conflict. Efforts to provide humanitarian assistance Several organizations are working to provide humanitarian assistance to those affected by the conflict in Somaliland, including the UN’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) and the UN’s refugee agency (UNHCR). OCHA has called for urgent funding to respond to the situation, while UNHCR spokeswoman Olga Sarrado Mur has highlighted the urgent need for emergency relief to support the tens of thousands of people who have been displaced. The post Clashed in LasAnod displace more than 185,000: UN appeared first on Caasimada Online.
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhowaan ay dagaallo ka dhaceen. Bayaan Khamiistii kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay. “In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey,” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku filneyn. Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis. OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha isbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar isbitaal oo kala duwan. Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR. “Iyagoo aad u daalan oo argagaxsan, waxay yimaadeen ayagoo sita wax aad u yar, kaliya waxay qaateen wixii ay qaadi karayeen,” waxaa sidaas tiri afhayeen u hadashay UNCHR Olga Sarrado Mur oo shir jaraa’id ku qabatay Geneva. “Celcelis ahaan, 1,000 qof ayaa maalin kasta u gudbaya Itoobiya,” ayey tiri, ayada oo intaas ku dartay in kheyraadka aad ugu yar yahay gobolka Soomaalida oo isna la tacaalaya abaar darran, kadib shan xilli roobaan oo guuldarreystay. Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay 6-dii Febraayo, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka. Wuxuu dagaalka yimid kadib markii odayaasha gobolka ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay hoos tagayaan dowladda federaalka Somaliland, uguna baaqeen mas’uuliyiinta Somaliland inay ciidamadooda kala baxaan aagga. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa xabad-joojin ku dhowaaqay 10-kii Febraayo, hase yeeshee waxay Axaddii ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay soo weerartay ciidankeeda. Dowladda federaalka si toos ah ugama jawaabin eedeymahan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo dhoweeyey xabad-joojinta, wuxuuna ku baaqay in “gargaarka bani’aadannimo uu helo marin deg deg ah.” “Ayada oo kumanaan qof ay barakaceen, baahida loo qabo gargaar deg deg ah aad ayey hadda u culus tahay,” ayuu yiri. AFP, VOA The post Ku dhowaad 200,000 oo ka qaxday Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war kasoo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo. Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa sheegay in ay wada-hadal la galayaan Isimida dhaqanka ee ka socda maamulka Muuse Biixi haddii uu maamulkaasi fuliyo laba shardi oo ay soo bandhigeen. Waxay sheegeen in marka hore ay rabaan in ciidamada Somaliland laga dulqaado magaalada Laascaanood, halka shardiga labaad ay ku sheegeen in xabad joojinta dhanka Somaliland shuruud la’aan u dhaqan-geliso. “Labadaas qodob haddii uu ka dhaqan-galo dhinaca xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waa loo gudbi karo wada-hadalka kale ee xalka loogu raadinayo dagaalka,” ayay yiraahdeen Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood. Afhayeenka Guddiga 33-da ah ee SSC ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada Somaliland ku eedeyay in ay dhibaatooyin badan ka geysteen gudaha magaalada, isaga oo sheegay in khasaaraha ugu badan ee dagaalka uu ka dhashay duqeynta. “Ciidamada Somaliland waa in ay joojiyaan duullaanka saqda dhexe ay qaadayaan iyo duqeynta ay aroortii ku garaacayaan magaalada Laascaanood, si la isugu soo dhaweeyo labada dhinac,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug. Waxaa socda dadaalo lagu rabo in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda maalmaha badan ka taagan Laascaanood, taasi oo sababtay geerida in 60 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 qof, sida laga soo xiganayo bahda caafimaadka. Somaliland ayaa Sabtida soo socota Isimo u diri doonta magaalada Yagoori, halkaasi oo uu ka furmi doono wada-hadal xal nabadeed looga gaarayo xiisadda Laascaanood, sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Arrimahan ayaa imaanaya xilli dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu galay asbuucii labaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore. The post Isimida SSC oo shuruud cusub ku xiray wada-hadal ay la furaan Somaliland appeared first on Caasimada Online.