Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre opened the first annual Somali Banking and Finance Conference in Mogadishu on Tuesday, focused on the future of finance and transforming Somalia's financial landscape. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasomada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Goobjoogayaasha ku sugan aagga Mirinaayo ayaa sheegay in la maqlay jugta qarax culus kadibna ay xigtay rasaas xooggan oo sida la rumeysan yahay ay is-weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday. Guriga ayaa xog aan helnay waxay sheegeysaa inay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu guriga ku sugnaa taliye ka mid ah kuwa hogaaminayey dagaalka gobolka Hiiraan Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin weerarkan. Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegtay in maleeshiyada kooxda ay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare. Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada. The post Weerar ku billowday qarax oo lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay mooshin ay xildhibaanada qaar keeneen golaha, si go’aan baarlamaani ah looga soo saaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa golaha shacabka hor geeyey qaraar ay ku dalbanayaan in go’aan laga soo saaro xiisadda Laascaanood oo noqotay qadiyad qaran, maadaama la isku heysto gooni u goosadka Somaliland iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dalbaday in arrintaas loo daayo madaxda ugu sareysa dalka oo meel fiican uu u marayo wadahadal u socda, kaas oo golaha uu ku soo celi doono go’aankii ka soo baxa. Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadii qaraarka ku qanciyey in isaga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo u fadhiya arrinta Laascaanood uu safar deg deg ah soo galay Madaxweynaha, isla markaana ay meel fiican wax u marayaan. “Daraad aniga, madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaa ka fariisanay arrintaas, madaxweynaha ayaa safar naga aaday, wax kasta oo aan qaba karno looma kala haraayo, si dadkaas loo badbaadiyo, xildhibaanka deegaankaas ka yimid mas’uuliyadda saaran mid lamid ah ayaa anagana naga saaran dadkaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xildhibaanada u sheegay in qadiyadda arrintaas aysan ayaga oo kaliya taabaneyn oo go’aan aad looga baaraan degay ay u baahan tahay, maadaama ay tahay qadiyad qaran, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe. Mar uu soo hadal qaaday sida ay uga go’antahay inay maslaxada dadka Sooimaaliyeed ka shaqeeyaan ayuu tusaale u soo qaatay safar uu mudo bil ah u jiray Koonfur Galbeed oo khilaaf culus uu ka taagnaa, kaas oo xalintiisa ay ku guuleysteen. “Intii karaan keena ah waxaba lama hari doono xalka u raadinta xiisadda Laascaanood, markii hore waa ogtihiin waxaa socday wadahal aan Somaliland tabashadeeda xal ugu raadineyno, hadana tan ayaa soo korortay, marka waan ka fariisanay xalkeeda ayaana ku jirnaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Shiikha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ay la xariiri doonaan, “Qorshaheenu waa in madaxda qaranku ay go’aan rasmi ah ka soo saarto, madaxweyne Xasan Sheekh ayaan ku laabanayaa go’aan ayaan idinku soo celi doonaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Hoos ka daawo The post Daawo: Aadan Madoobe oo shaaciyey qorshe ay wadaan isaga, Xasan Sheekh iyo Xamza appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo. Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda. Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016. The post Ra’iisup wasaare Xamse oo furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  5. Las Anod (HOL) — A fierce battle between Somaliland forces and SSC-Khatumo forces erupted on the outskirts of Las Anod once again on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax baraqnimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay aagga waddada Jaalle Siyaad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sida aan xogta ku helnay waxaa qaraxan lala bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, kaas oo waddada marayay xilliga uu dhacayay qaraxa. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah askartii ilaalada ee la socday kolonyadiisa. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaan ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, daqiiqo kadib markii uu qaraxu dhacay. Waa qaraxii labaad ee muddo 24 saac gudahood ka dhacay caasimada, waxaa kii u dambeeyay uu shalay ka dhacay agagaarka Zoobe, kadib gaari lagu soo xiray qarax uu ku qarxay afaafka hore ee Isbitaalka Aadan Cadde oo ku yaalla Laami yaraha Zoobe. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada oo la sheegay inuu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda. Weeraradan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi. Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay oo aad u kordhay. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faah-faahin ku saabsan qarax kale oo ka dhacay Muqdisho + bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maanta qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in gaadiid ay leedahay wasaaraddiisa ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Huruuse oo warbixin ku aadan arrintan soo galiyay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore beeniyay in gaadiid uu leeyahay isaga ama ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya uu maqan yahay ama uu u gacan galay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in weerarkaas ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna cadeeyay in uusan jirin baabuur ka maqan wasaaradda. “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda leedahay oo ka maqan gacantayada ama u galay Al-Shabaab,” ayaa yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac, kadib war qoraal ah oo uu soo saaray. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ujeedka warkan loo faafiyay uu yahay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo arrintaasi ka digay “Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay. Jawaabta kasoo baxday Huruuse ayaa meesha ka saareysa hadal-heyntii ka taagneyd baraha bulshada ee ku aadaneyd in gaadiid lagala goostay wasaaradda arrimaha dibadda. Ma’a markii ugu horreysay ee uu soo baxay kiis la xiriira arrintan waxaana horay u dhacday in gaadiid ay leedahay dowladeed lala aaday dhanka xoogaga kooxda Al-Shabaab. Horay darawalka wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha & tamarta ee maamulka Jubbaland Mustaf Xaaji ayaa u goostay dhnaka Al-Shabaab, isaga oo iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, wuxuuna horay ula tegay gaari ay laheyd wasaaradaas, kaas oo noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah. Waxaa sidoo kale ka horreeyay darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna isku dhiibay kooxda Al-Shabaab. Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa dhowaan u goostay Al-Shabaab, isaga oo markaas uun ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo sidoo kale walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa. The post Maxaa ka jira in gaadiid ay leedahay W/ Arrimaha Dibadda u gacan galay Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  8. Warark aan ka helayno degamada Hodan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax nuuca miinada ah lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xilli uu marayay meel aan ka fogeyn kulyadda ciidamada ee Jaalle siyaad. Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle taliyaha guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa qaraxa waxaa uu haleelay mid kamid gadiidkiisa ilaalada. Taliyaha ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka badbaaday weerarka ,oo ahaa md loola dan lahaa in lagu qaarijiyo , walow ay jiraan khasaare soo gaaray qaar kamid ah ilaalada la socotay taliya. Inta la xaqiijiyay waxaa qaxa ku geeriyooday askari ka mid ahaa ilaalada taliyaha iyo qof shacab ah goobta marayay, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray labo askari oo kale iyaguna ilaalo u ahaa taliyaha. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado qaraxyada miinada dhulka lagu aaso, waxaana inta badan lagu weeraraa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Al-shabaab ayaa sheegata mas’uuliyadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa beeniyay war saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in gaari ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada uu u gacan galay Al-shabaab. Wasiir Huruuse ayaa qoraal uu ku baahiyay gacankiisa Facebook ku sheegay in aysan jirin gaadiid uu leeyahay ama wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacantiisa ama u galay Al-shabaab, wuxuuna warkaas ku tilmaamay mid lagu jaahwareerinayo ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacantayda ama u galay Al-shabaab. Warka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jaahwareerinayo ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Huruuse. PUNTLAND POST The post Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan Puntland oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo dhaliyay dhaawacyo. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan ciidamada saldhigga Booliska magaalada Garoowe iyo kuwa kale uu watay taliyihii hore ee Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse. Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay socotay ku waad 20 daqiiqado, isla-markaana ay keentay in lagu kala cararo agagaarka barxadda Garoowe oo ah meel mashquul ah. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay in saddex qof oo shacab ah iyo sidoo kale askari ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Iska hor imaadka ayaa lagu soo warramayaa in xoogan looga dareemay, balse haatan xaaladda ayaa ah mid deggan, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan shaqaaqadaasi khasaaraha dhalisay. Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka amni ee mararka qaar ka dhaca magaalada Garoowe oo xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimada Puntland. Ammaanka Garoowe ayaa habeenadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas aan la ogeyn waxa ay ahayd & burcad dhac geysaneysay. Puntland ayaa sidoo kale dagaal adaga kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, isla-markaana dhibaatada ku haya bulshada. The post Wararkii ugu dambeeyay DAGAAL ka dhacay Garoowe + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  11. Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Soomaaliland iyo kuwa deegaannada SSC ayaa marka kale dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kale duwan, dagaalka ayaa ka dhacaya duleedka magaalada, wallow uu jiro khasaare soo kale gaaray dhinacyada. Qalalaasaaha iyo dagaallada magaalada ayaa galay maalintii 16-aad oo dhinacyadu isaga soo horjeedaan dagaalka ka socda Laascaanood, ciidamada Somaliland ayaa dhankooda wada madaafiicda ay ku garaacayaan xaafadaha kale duwan, shacabkii ku noolaa magaalada ayaa inta badan isaga baxay, iyagoo qaarkood ay gaareen dowlad deegaanka Soomaalida. Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaas. Xoogga dagaalamaya ayaa dhankooda xabadjoojinta shuruud uga dhigay in Somliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, mana muuqto rajo uu ku istaagayo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo ku dhowaaday 20 cisho, waxaa dhinaca kale socda madaafiicda ay magaalada ku garaacayaan ciidamada Somaliland, oo geysatay burbur baahsan. Dagaalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Odayaal dhaqameed warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ay sheegeen in ay tagayaan magaalada Laascaanood si ay waanwaan kaga dhexe abuuraan xukuumadda Somaliland iyo SSC, kuwaas oo dagaal isaga soo horjeeda dagaal maalintii 16-aad, kaas oo khasaare badan oo naf iyo maal ahba dhaliyay. Xoggaga SSC ayaa dhankooda diiday imaatinta Odayaal dhaqameedka magaalada, iyagoo sheegay in aysan wadahadal geli doonin inta ciidanka Somaliland ku sugan yihiin gobolka Sool, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan haddii Odayaal dhaqameedku ku adkeystaan in ay tagaan magaalada Laascaanood gobolka Sool. Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoo xusay in aan la aqbali karin duqeymaha ay sameynayaan ciidanka Somaliland, golaha shacabka ayaa maalintii shalay aheyd waxaa guddoomiye Aadan Madoobe loo gudbiyay Moowshin ka dhan ah xaaladda magaalada Laascaanood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in gebi ahaanba laga bara-kacay degaankaas. Guud ahaan shacabkii ku noolaa Tukaraq ayaa la sheegaya in ay isaga baxeen halkaas oo laga soo werinayo xiisad dagaal. Tukaraq oo Saddexdii todobaad ee u danbaysay uu ka socday bara-kac xooggan ayaa gebi ahaanba saaka haawanaysa. Ciidamada Somaliland ayaa fadhiya meel u dhow Tukaraq oo xigta dhinaca laamiga waxaana go’an dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee jidkaas. Dhinaca kale subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar hubka culus oo laba dhinac ah laga maqlay nawaaxiga Tukaraq. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo laga bara-kacay appeared first on Puntland Post.
  13. A Kenyan has been named the new Deputy Force Commander, in charge of Support and Logistics for the African Union Transition Mission in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Aid workers in Somalia say they are concerned about a likely reduction in humanitarian support as the country grapples with its worst drought in decades. Source: Hiiraan Online