-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaabanayso wajiga 3-aad ee diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga TPEC ayaa lagu sheegay in 28 February 2023 ee bishan ay gobolka Mudug ka bilaamanayso diiwaangelinta, islamarkaana ay ku egtahay 12 March 2023. Diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka oo hadda ka socota gobolka Nugaal ayaa horay looga soo qabtay gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Hayland. PUNTLAND POST The post Puntland: TPEC oo shaacisay wejiga 3-aad ee diiwaangelinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn u codeeyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA. Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharcigan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen Senataradu. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka Aqalka Sare ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan. Xagaa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Sharcigan uu muhiim u yahay dowladnimada iyo sidoo kale dhismaha hay’adda NISA. “Maanta waa maalin weyn oo aan dhidibada u taagnay tiir kamid ah tiirarka ay ku dhisan tahay dowladnimada oo ah ansixinta Sharcigan oo ay ku dhismi dooto NISA,” ayuu yiri. Dhanka kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu mahadceliyay Golaha Aqalka Sare, isaga oo ku boggaadiyay tallaabada ay qaadeen. Mahad Salaad ayaa ballan-qaaday inuu Sharcigan ku shaqeyn doono, isla-markaana uu soo celin doono kalsoonidii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Sharcigan ayaa waxaa dhowaan soo ansixiyay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen ilaa 144 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa Sharcigan loo sii gudbin doonaan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu shaqeeyo. Si kastaba, 53 sano kadib ayey NISA yeelatay Sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda. The post AQALKA SARE oo go’aan ka gaaray SHARCIGA NISA iyo Mahad Salaad oo ka falceliyay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran. Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay. The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Midowga Yurub kala Taageerada Qorshaha Xasilinta appeared first on Puntland Post.
-
“Waxaan aad uga xumahay dagaalka macno darada ah ee ka socda Laascaanood Dhibaatada Laascaanood waxay ka mid tahay dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira ee uu Muuse abuuray. Dalku wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo oo uu noqdo xudunta xagjiriinta. Madaxweyne Muuse waxaan ka codsanayaa in uu xilka ka dago si loo badbaadiyo Somaliland” Qoraalkan ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Source
-
Iyada oo bilihii ugu dambeeyay Qaxoonti badan ku qulqulayeen dalka Mareykanka oo ay ku jiraan Soomaali, ayaa dowladda Mareykanka soo jeedisay hab cusub oo lagu xakameynayo dadkaas. Aqalka cad ayaa soo jeediyay qorshe ah in dadka loo sameeyo bar Online ah oo ay ka codsadaan magangalyadooda iyaga oo ku sugan dalalka deriska la ah Mareykanka ee ay soo gaadheen. Waxaa lagu sheegay in Waddamada ay muhaajiriinta ka soo gudbaan dalalkooda laga sameynayo goobo lagu qaabilo dadka doonaya in ay galaan Mareykanka. Qofku waxaa uu helayaa qaabilaad 30 maalmood gudahood, haddii lagu qanco sheegashadiisa waxaa loo fasaxayaa Mareykanka haddiise lagu qanci waayo waxaa loo diidayaa in uu galo Mareykanka. Tallaabadan ayey qaadday Dowladda Biden kaddib markii ay walaac ka muujisay go’aanno arrinkan la xidhiidha oo ay geyn lahayd Kongareeska oo uu Jamhuuriga heysto aqlabiyaddiisa. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadka ugu badan ay dalkeeda ka galaan xudduudda koofureed ee Mecxico, iyaga oo dadka ugu badan ay yihiin kuwa u dhashay dalalka Ukraine, Venezuela, Cuba, Nicaragua iyo Haiti. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ayaa maanta ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay isku hayaan ciidamada milatariga maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Wuxuu dagaalku galay maalintii 17-aad oo xiriir ah, taas oo sii adkeynaysa xaaladda adag ee haaran ka jirta magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay qaadeen ciidamada Somaliland oo sidoo kale adeegsanaya duqeyn aan kala sooc laheyn oo lagu garaacayo Laascaanood. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo koonaha magaalada, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran,. Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi. Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, waxaana lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen goobo caafimaad, kuwa ganacsi iyo xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, taas oo kordhineyso khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkaaso. Daryanka hubka iyo duqeynta ayaa sidoo kale si xoogan looga maqlayaa meelo ka fog fog oo ka baxsan magaalada, taas oo muujineyso in dagaalka uu yahay mid aad culus. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Dagaal iyo duqeymo culus oo ka socda Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu muddo toddobaadyo ah u joogo Magaalada Laascaanood, sidii loo soo afjari lahaa deganaansho la’aanta ka jirta Magaaladaasi. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku sheegay in ay rajaynayaan in Guddoomiye Khaliif uu ku biro Hoggaamiyeyaal dhaqameedka ka shaqaynaya xal u helida xiisadda Laascaanood. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo war cusub soo saaray ayaa sii xoojiyay eedeynta loo jeedinayo Somaliland ee ku aadan inay taageerto xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab. Cabdiweli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in intii uu hayey xilka madaxweynaha Puntland uu uruurinay xogtan, wuxuuna sheegay inuu ku ogaaday in Somaliland maalgeliso Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu hayo caddeyn ku filan arrintaasi, isla-markaana uu la wadaagay dowladda UK balse uu kala kulmay jawaab yaab leh, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasigan oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay dood uu uga qayb-galay barta Twitter Space, wuxuuna tilmaamay in qaddiyadan uu kala hadlay safiirka UK ee Itoobiya, balse uu tilmaamay inuu u muujiyay inuu raalliba ka yahay. “Waxaan Addis Ababa kula kulmay safiirka UK ee Itoobiya,waxaan ku iri, Somaliland waxa ay maalgelisaa Al-shabaab,caddeyntiina waan heynaa, waxaase uu igu yiri fadlan kor ha u dhihin, xitaa haddii ay jirto” ayuu yiri doodaan ku yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweynihii hore ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay u muuqato in Al-shabaab iyo Somaliland ay yihiin laba mashruuc hal-meel laga maalgeliyo, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in marar badan uu is-weydiiyay sababta ay Al-Shabaab halis ugu yihiin dalka intiisa kale, marka laga reebo deegaanada Somaliland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir uu shaaciyay in amiirka guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, isla-markaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena caruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay. Caydiid ayaa tilmaamay in sidoo kale sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni, isaga oo carabka ku dhuftay in la rabo in lagu bedalo amiirka xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo ay horey xukuumadda Hargeysa u sheegtay in Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. The post GAAS oo sheegay inuu hayo caddeynta in Somaliland ay maalgeliso Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay wali ka dhacayaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogga deegaanka ayaa waxaa jira in daalka uu si toos ah iyo dadban u saameeyay shacabka magaalada, kuwaas oo isaga baxay inta badan iyagoo gaaray deegaannada Puntland iyo dowlad deegaanka Somalida. Hey’adda Qoxootiga u qabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay dagaalka ka dhacay magaalada ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday, xilliga wali dagaal xooggan ay isaga soo horjeedaan maalintii 17-aad ciidamada iyo xoogagga deegaanka ee SSC. Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay gaari karto ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, maadaama dagaalka iyo madaafiicda ay socdaan, kuwaas oo ku dhacaya guryaha dadka Rayidka ah. Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday, 17 maalin ka hor, waxaana ay gaarayaan deegaanno markii horeba abaartu siweyn u saameysay marka la eego dowlad deegaanka Soomaalida, taas oo xaalka sii adkeyn karta. Arrintan ayaa sare u qaadday baahida gargaarka bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada lagu martigeliyay dadka barakacay oo markii horeba ka mid ahaa meelaha ay saameynta ugu ba’an ku yeelatay abaarta ku dhufatay Bariga Africa, maadaama aysan di’in roobabkii xilliyada sanadka, iyadoo hadda lagu jiro waqtiga Jiidaalka oo abaar baahsan ay jirto. Dagaalka u dhaxeeya xooggaga ku loolamaya gacan ku haynta Laas Caanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale, sida laga soo xigtay isbitaallada gudaha ee la gaarsiiyay dadka Rayidka ah ee wax ku noqday dagaalka magaalada ka socda oo 17 maalin aan lagu kala adkaan wali gudaha. Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoo xusay in aan la aqbali karin duqeymaha ay sameynayaan ciidanka Somaliland, golaha shacabka ayaa maalintii shalay aheyd waxaa guddoomiye Aadan Madoobe loo gudbiyay Moowshin ka dhan ah xaaladda magaalada Laascaanood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishata Galmudug oo taageero ka helaya xooggaga deegaanka ayaa howlagal waxaa ay ka fuliyeen deegaanno ka tiran gobolka Mudug, howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka u dhaxeeya magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne oo lagu magacaabo Shabeellow. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda faafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan oo qeyb ka ahaayeen saaxiibada caalamiga ee ka dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-shabab lagu dilay 80 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab sida lagu xusay qoraalka ay baahisay dowladda federalka. Deegaanka ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhaxeeyay ciidanka huwanta iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kale duwan, waxaana markaas ka dib xigay duqeymo deegaanka laga fuliyay, iyadoo lagu xusay qoraalka wasaardda in goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen. Ciidanka dowladda, kuwa Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya xoogga dib-u-xoreynta ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin dagaalmayaasha Al-shabaab, tii oo ay jirto in dhowr iyo toban sano kadib Al-shabaab laga saaray Xarardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Somaliland ayaa mar kale saaka duqaymo aan kala sooc lahayn ku garaacaya magaalada Laascaanood. Goob-joogayaal ku sugan Laascaabood ayaa soo sheegaya in weli duqaymo xooggan lagu garaacayo xaafadaha kala duwan ee magaalada. Subaxnimadii hore ee saaka lama soo werin dagaal toos ah waxaase sii socda madaafiicda ku hoobanaya gudaha Laascaanood. Madaafiicda ayaa sababay khasaare iyo burbur waxaana la sheegayaa in goobaha qaarkood uu dab ka kacay. PUNTLAND POST The post Duqaymo xooggan oo weli ku socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay Somaliland ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad maxalli ah. Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay gaari karto ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR. Inta badan dadka halkaas u qaxay waa carruur, dumar, haween uur leh iyo hooyooyin naas nuujinaya ilmahooda. Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay kasoo tageen qoysaskooda. Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Arrintan ayaa sare u qaadday baahida gargaarka bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada lagu martigeliyay dadka barakacay oo markii horeba ka mid ahaa meelaha ay saameynta ugu ba’an ku yeelatay abaarta ku dhufatay Bariga Africa, maadaama aysan di’in roobabkii xilliyada sanadka. Intaas waxaa sii dheer in dad ka badan 180,000 oo qof la aamisan yahay iney ku barakaceen gudaha ayna daggan yihiin 66 xero qaxooti oo ku yaalla Somaliland. Dagaalka Laas Caanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale, sida ay dhakhaatiir maxalli ah u sheegeen BBC-da. Qaran News
-
Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa shaacisay liiska macalimiinta usoo gudbay imtixaanka dhowaan ay ku dhawaaqday in wasaarradu loo geli doono 3000 oo macalin oo ay shaqaaleysiin doonto, kuwaas oo laga qaadan doono qeybaha kale duwan ee macalinno. Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanka qoraalka ee ogolaashaha in ay wadarta guuud ay usoo gudbeen 7581, kuwaas oo isugu jira macalimiin dalbaday qeybta xanaanada caruurta dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiga sare, waxaana jiri doona mar kale in imtixaan guud ay gali doonaan, kaas oo 3000 oo ugu sareysa laga qaadanayo. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dr. Faarax Shiikh Cabdulqadir ayaa madasha lagu shaaciyay ka sheegay in wasaaradda gudaheeda aysan ka dhicidoonin musuq iyo wax isdabamarin, isaga oo dhanka kale xusay inuu qof walba gobolka uu kasoo codsay uu gali doono imtixaanka wasaaradda qaadeyso. Maalinta taariikhdu tahay 27 bisha ayaa ah maalinta guud ahaan macalimiinta ka gudbay imtixaanka codsashada ay u geli doonaan imtixaanka, kaas oo dhici doona gobolka Banaadir, caasimadaha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, waxaana qeyb ka aheyn Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku billowday ee ay Al-Shabaab shalay ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidanka Macawiisleyda. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas lagu dilay 10 ka mid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee horay ugu soo dhaawacmay dagaalka Hiiraan, wuxuuna intaasi ku daray in dadka la dilay uu ku jiray dhaqtarkii gaarka ahaa ee baxnaaninayay dhaawacyadaasi. Karoore ayaa sidoo kale xusay in weerarkaan uu ahaa mid aargudasho ah oo ay Al-Shabaab uga jawaabeyso jabkii loogu geystay gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. “Waa niman looga adkaaday dagaalkii furinta ahaa marka aarsi iyo cadowtinimo ayey ku jiraan, marka waxa ay rabaan inay dadka xanuunjiyaan,” ayuu yiri Wasiir Karoore. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dayac amni lagu sameeyay dadkaasi, isaga oo sababta ku sheegay in reer Hiiraan aysan wa metalaad ah ku laheyn gobolka Banaadir. “Waa qorshe ay maleegeen oo ay ku guuleysteen, Gobolka Banaadir haddii ay tahay amnigii iyo talooyinka kaleba dadka deegaankaas kasoo jeedaa wax metelaad ah kuma lahan,” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle. Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxaana fuliyay afar nin oo la toogtay, ayada oo mid kale oo shanaad uu isku qarxiyay afaafka hore ee guriga la weeraray. Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda shaacisay in dagaalka lagu dilay 10 qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 7 kale oo ay afar ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka amniga. Si kastaba,, weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana ay dowladda Soomaaliya ay guullo ka gaartay howlgallada ka socda gobollada, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab, oo dhankeeda iyaduna haatan culeys soo saartay gudaha magaalada Muqdisho. The post HirShabelle oo si carro leh uga hadashay weerarkii degmada Cabdicasiis appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda ay dalka ka heyso. Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo, waxaana sidoo kale ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo quseeya mustaqbalka soo aadan iyo loo heli karo kheyraadka Soomaaliya Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey in xoghayaha hay’addan uu yimaado Muqdisho, ka dib kulankooda Vienna oo fariintiisa na uu soo gaarsiiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfafainta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay ku guuleysteen soo afjaridda weerarkii lagu qaaday guri ku yalla degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir, kaas uu deganaa sargaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Milatariga. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada howlgalka ku jiray ay toogteen afar ruux, kuwaas oo gudaha u galay hoyga oo ay ku sugnaayeen laguna dabiibayay ciidamo ka tirsan kuwa dib-u-xoreynta oo kusoo dhaawacmay dagaallada Al-shabaab looga soo horjeedo ee ka socda gobolka Hiiraan oo ay iyagu hormuud u yihiin oo inta badan looga saaray. Weerarka oo socday muddo saacado ayaa waxaa dhanka kale ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lagu xusay wasaxaafadeedka wasaaradda in 10 ruux ay dileen Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kale ay dhaawaceen 3 kale, ka hor inta aan la toogan dagaalamayaasha gudaha u galay kadib qarax gaari oo lgu dhuftay albaabka hoyga. Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in ciidanka ammanka intii uu socday howlgalka ay soo badbaadiyeen tiro dadka oo ku xanibnaa guriga la weeraray iyo sidoo kale kuwa deris la ah, mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay dagaalamayaasha Al-shabaab in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday hoyga sarkaal Dhageey. Ciidamada deegaanka ayaa inta badan waxaa dhaawacyadooda dowladdu ay usoo qaadaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay marar badan Al-shabaab ay weerarro ka geysteen xarumo kale duwan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo ku kale ee deegaanka oo inta badan ku garab siiya dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo degmooyin iyo deegaanno looga saaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii si xoogan uga horyimid dhaq-dhaqaaqa muddo kororsiyada is-huwan ee ka socda dalka. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka socda abaabul iyo mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, kaas oo ay ku doonayaan in muddada xil-haynta labada Aqal looga dhigo Shan sano. Hadda muddada xil-haynta ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waa Afar sano, sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa dhawaan hal sano loogu ansixiyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Inkasta oo ay midda federaalka adag tahay oo ay u baahan tahay in la helo saddex meelood laba kamid ah labada Aqal si loo bedelo qodob Dastuuri ah, haddana Shariif Sheekh Axmed iyo xisbigiisu waxay ku tilmaameen kalsooni darro haysata madaxda la doortay. Marka laga reebo Saciid Deni, dhamaan madaxda maamul-goboleedyada ayaa iyaguna sameystay muddo kororsi hal sano ah, taas oo xisbiga si weyn u diiday isaga oo aan kala qaadin. Waxay ku baaqeen in madaxda ku shaqeeyaan muddada ay haystaan, Dastuurkana ay ilaaliyaan. Wax aan suurtoobi karin ayay ku tilmaameen in qof xafiiska doorasho iyo sanado la isla yaqaano ku yimid in isagu gacantiisa ku bedesho muddada uu fadhinayo kursiga. Qorshooyinkan socda ayuu xisbiga Himilo Qaran ku tilmaamay kuwa abuuri kara xasillooni daro siyaasadeed iyo qalaalase horleh, sidoo kalena wiiqi kara dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee garwadeenka ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu xisbiga Himilo Qaran ee Shariifku hoggaamiyo waxa uu ku tilmaamay mid loogu gogol xaarayay muddo kororsi heer federaal ah. Qoraal adag oo xisbigu soo saaray ayaa si weyn loogu diiday tallaabadan dastuur jabinta ah, iyada oo la xasuusto wixii doorashadii ugu dambeysay ka dhacay dalka kadib markii madaxweyne Farmaajo uu isku dayay inuu labo sano ku darsado. Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in xisbigiisu sidan u hadlo waxay ka dhigan tahay inuu durtaba isagu qaatay hoggaamintii mucaaridka iyo dhinaca kale inay kooxdiisu tahay qolada qura ee si cad u diiday in Dastuurka la jabiyo. Waxay kasoo baxeen xeyndaabka mucaaridka huursan, waxayna berri heli karaan waddo ay wax badan ku diidaan, dadkuna ugu garaaban. The post Shariif oo hogaanka u qabtay mucaaradka huursan ee DF kadib tallaabo uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
WASHINGTON: The Biden administration proposed tough new restrictions on asylum seekers Tuesday, saying it wanted to head off a migrant rush to the southern border when Covid-related controls are lifted. Source: Hiiraan Online
-
Reporters Without Borders (RSF) condemns Ethiopia’s decision to suspend Somali-language TV broadcasts by 15 international TV broadcasters in its southeastern Somali Region, and the arrest of one of the TV channel’s journalists for two days. The suspensions violate the freedom to report news and information, and must be lifted, RSF says. Source: Hiiraan Online
