-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Safiir ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo maanta tagay magaalada Hargeysa ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sida ay sheegayaan xogo madax bannaan Amb. Tim Trenkle ayaa kala hadlay Muuse Biixi duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood iyo in si deg deg ah heshiis looga gaaro doorashada madaxtinimada Somaliland. Sidoo kale war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safiir ku-xigeenka Maraykanka iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen arrinta Laascaanood iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii u dhexeeyey dawladda federaalka iyo maamulka Somaliland. Kulanka safiir ku-xigeenka Maraykanka Tim Trenkle iyo Muuse Biixi ayaa ku soo aaday, iyadoo ciidamada Somaliland todobaadkii saddexaad ay duqayn ka wadaan Laaacaanood, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah iyo burbur xooggan oo soo gaaray magaaladaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Muuse Biixi kala hadlay duqaynta Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan. Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxtooyada JSL. Source
-
Magaalada Hargeisa waxaa saaka soo gaadhey wafti uu hogaaminaayo safiir ku xigeenka Mareykanka u fadhiya Somaliya isla markaana iminka ah ku simaha Safiirka . Ujeedka safarka waftigan Mareykanka ayaa lagu sheegay khilaafka doorashooyinka iyo dagaalka Laascaanood. Waftigan waxuu la kulmi doona madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaridka See insights and ads Boost post Like Comment Share Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga lambarkiisu yahay HOP086, kaas oo loo diiday taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin. Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kursigan oo markii hore deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Beledweyne si KMG ah loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyay jadwalka doorashada ee kursigan, xilli uu muran badan uu ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeyo musharixiinta u taagan kursigaas. Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharixiinta iyo shaacintta guddiga soo xulista ergada la bilaabayo 22-ka bishaan. Wuxuu sidoo kale guddigu intaasi kusii daray in doorashada kursigan ugu dambeyn la qaban doono 25-ka isla bishaan Febraayo ee sanadka 2023-ka “Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannan Baarlamaanka 11aad, asagoo gudanaaya waajibaadka qaran ee loo igmaday wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH#086, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne, laakin si KMG loogu soo wareejiyay caasimada qaranka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka qoeraalka ah ee ka soo baxay duddiga KMG ah ee doorashadan. Tallaabada uu guddiga uu qaaday ayaa kusoo aadeysa, ayada oo Beesha Reer Aw-Xasan oo iska leh kursiga HOP086 ay bayaan culus ka soo saartay doorashadiisa. Odayaasha dhaqanka ee beesha ku eedeeyay guddiga KMG ah ee doorashooyinika kuraasta bannaan, wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo ra’iisul wasaare Xamza in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud-siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa. “Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga dhaqanka ee reer Aw-Xasan. Qoraalka kasoo baxay odayaasha Beesha Reer Aw-Xasan oo si toos ah ugu socday madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle, guddiga KMG ee doorashada, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in kursigan u xirnayn musharax gaar ah ama jifo gaar ah, ayna ku tartami karaan dhamaan musharixiinta u taagan ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay. The post Doorashada kursiga HOP086 oo loo soo wareejiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The year 2022 has been catastrophic for civilians in Somalia, with UN Secretary-General Antonio Guterres reporting that the country experienced the highest civilian casualty rates since 2017. This spike in fatalities was caused mainly by Al-Shabab, a jihadist group fighting an insurgency against the fragile central government for the past 15 years. During the review period from late August 2022 to early February 2023, the UN mission in Somalia recorded a 153 percent surge in civilian casualties, reaching a total of 1,059, including 382 deaths. This alarming increase in casualties was due to mass-casualty attacks by the Al-Shabab group. Guterres described the spike in fatalities as “alarming,” citing that it has resulted in human rights violations, conflict-related sexual violence, and a sharp increase in civilian casualties. Al-Shabab continues to pose a threat to Somalia While the Somali army and local clan militias have been victorious in recapturing several areas from Al-Shabab, the group still controls parts of the countryside. It continues to carry out numerous retaliatory strikes. In the deadliest attack since the government’s offensive, 121 people lost their lives in two car bomb blasts at the education ministry in Mogadishu in October. Anita Kiki Gbeho, officer-in-charge of the UN Assistance Mission in Somalia, spoke to the UN Security Council on Wednesday, highlighting that the Al-Shabab militant group continues to threaten peace and security in the region seriously. According to Gbeho, 2022 was the deadliest for civilians in the country since 2017, with a 60 percent increase in civilian casualties compared to 2021. Somalia’s efforts to counter Al-Shabab The federal government of Somalia has made progress in countering the threat posed by Al-Shabab by targeting their military and financial operations and ideological narrative. Somalia’s security forces, aided by local militias, have successfully conducted operations against Al-Shabab in HirShabelle and Galmudug states. Gbeho expects the operations to move into other areas of Somalia gradually. Consolidating gains in the newly recovered areas will require strong linkages between military operations and stabilization initiatives, comprised of reconciliation and justice components to bolster good governance and service delivery. The funding for the security transition remains a critical challenge. Gbeho has called on donors to stand with Somalia at this challenging time by responding to the newly launched 2023 humanitarian response plan, which seeks 2.6 billion U.S. dollars to meet the priority needs of 7.6 million Somalis. Challenges facing Somalia’s humanitarian crisis Apart from the security challenges, Somalia is also grappling with a calamitous drought, displacing over 600,000 people from their homes. A further 1.3 million, 80 percent of them women and children, have been internally displaced by the drought sweeping the Horn of Africa. While famine thresholds have not been reached, Guterres warned that 8.3 million people, representing more than half of Somalia’s population, will require humanitarian assistance in 2023. Guterres emphasized the need for the Somali authorities to ensure that counter-terrorism measures do not infringe on freedom of expression. He expressed deep concern about the arbitrary arrest of journalists and media workers. The post UN: Somalia’s 2022 deadliest for civilians since 2017 appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo ka qayb-galay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, halkaas oo ay todobaadkii saddexaad ay ku dagalaamayaan ciidanka Somaliland & kuwa dadka deeganka. Abuukar Baale oo warbixin siiyay Golaha ayaa sheegay in dambi dagaal uu ka dhacay Laascaanood, isaga ooo carabka ku dhuftay in weerar aan kala sooc laheyn lagu qaaday shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo jeedinayo in lala xisaabtamo kuwa lagu eedeyanayo dhibaatadaas oo loo fasiran karo dhanka Somaliland, maadaama ay weli dagaal ka wado halkaasi. Danjiraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,kuwaas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac kala kulmay dagaalka weli ka socdo magaalada Laascaanood. Waxaa kale uu intaasi kusii daray in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxa ka socda halkaasi. Dhanka kale waxaa kale oo uu sii xoojiyay baaqii madaxweynaha ee ku aadanaa in dagaalka la joojiyo, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wadahadalka. “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda, lana sameeyo wada xaajood. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in la abuuro wada hadal loo dhan yahay, si loosoo celiyo xasiloonida iyo degenaanshaha,” ayuu yiri Danjiruhu. Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmadaan dadka ay waxyeelada gaartay iyo kuwa barakacay. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad, waxayna dhimashada ay ku dhowdahay 150 qof, halka dhaawacuna uu sii cagacageynayo in ka badan 500 kale. The post Danjiraha Somalia ee QM oo shaaciyay in dambi dagaal laga geystay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Qaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan. Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii. Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Nablus — waxaana dadkaas kamid ahaa dhowr qof oo hubeysneyd. Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza ayaa sheegtay in aysan innaba u dulqaadan karin weeraradan. Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay magaalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada. The post IRAEL oo duqeyn culus ku garaacday marinka QAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Hargaysa waxa maanta soo gaadhay wafti uu hogaaminaayo sii hayaha Safiirka maraykanka ee Somaliya Tim Trenkle Waftidan ayaa hargaysa u yimid sidii ay dawlada ugala hadli lahaayeen khilaafaadka siyaasiga ah ee dalka ka taagan iyo Colaada Laascaanood sida ay sheegtay safaarada Maraykanka ee Somaliya. Source
-
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in iskahorimaadka dhex maray ciidamada ammaanka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ay ku dhinteen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo. Jurg Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan caqabad lahayn loo gaadhsiiyo gargaar bini’aadantinimo dhibanayaasha. “Dadka ku nool Laascaanood waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, waxaana ku dadaalaynaa sida ugu dhaqsaha badan inaan u gaadhsiinno,” ayuu Eglin ku yidhi, isagoo xusay in khilaafka siyaasadeed aanu marnaba hor-istaagi doonin badbaadinta nolosha. Hay’adda samafalka ayaa sheegtay in kumannaan ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska horimaadyada ay la kulmeen xaalado adag kaddib markii ay ka carareen guryahoodii. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ay u qaxeen gobolka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib iskahorimaadyada. Eglin wuxuu sheegay in ICRC oo ay weheliso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya (SRCS) ay taageero siinaysay cisbitaallada maxalliga ah si loo daadgureeyo loona daweeyo dhaawacyada. Source
-
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP086, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay dowlad goboleedka Hirshabeelle. Guddiga ayaa sheegay in doorashada kursiga lagu qaban doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkii ay ka dhici laheyd magaalada Baladweyne oo horey loogu doortay, xilli uu kusoo baxay agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad, tii oo ay jirto in gudiyadii doorashada ay ka horyimaadeen. Kursigaan ayaa waxaa doorashadiisu dhici doontaa 25-bisha oo ku beegan maalinta sabtida ah, iayadoo ay tartamayaan dhowr musharrax, kuwaas oo ka jawaabay warqadda kasoo baxday guddiga oo ay sheegeen in ay baalmarsan tahay sharciga sida ay hadalka u dhigeen, guddiga. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The State Minister for Transportation of Somalia, MP Mohamed Ali Omar (Ananug), made a sudden exit from his post on Wednesday, citing the Ministry's gross incompetence and mismanagement as reasons for his resignation. In an emotionally charged Facebook post announcing his decision, Ananug explained that he could no longer serve in a Ministry that has betrayed the trust of the Somali people. Source: Hiiraan Online
-
Maxamed Cali Cumar (Caano–nuug) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalk ayaa sheegay in shaqadii uu u haayay Xukuumadda iska casilay, isaga oo sheegay in ay sabab u tahay kadib markii uu dhacay isfahamwaa dhexmaray wasiirka iyo sidoo kale ku-xigeenkiisa. Wasiirka ayaa ku eedeeyay inuu sameeyay ku tagrifal awoodeed iyo baalmarid sharci, waxaana wasiirka uu sheegay in uu cabashadaas u gudbiyay dhowr jeer Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya si wax looga qabto, laakiin aan wax laga qaban sida uu hadalka u dhigay wasiirka. “Ugu hareyn mahad oo dhan waxay usugnaatay Allaah SWT, marka xigtana waxaan u mahadnaqaa dhamaan shaqaalihii iyo saaxibadii ila shaqeeyay muddadii aan xafiiska joogay. Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayuu ku yiri qoraal uu soo galiyay Facebook. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay saq-dhexe ku dhawaaqay inuu is-casilay, isaga oo go’aankiisa u gudbiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ahaa wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka tegay shaqada, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray. Caana-nuug oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u sababeeyay is-casilaadiisa inuu musuq-maasuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed ka jiro wasaaraddaas. Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo sheegay in wasaaradda ay noqoto meel lagu dhibo muwaadinka. “In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug Wasiirka is-casilay ayaa sidoo kale qoraalkan toos ula wadaaday ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay ay soo taagneyd dhibaatadan. “Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu markale yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan shaqaale kala duwan oo lagga ceyriyay wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyinkooda. “Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu qoraalkiisa is-casilaadda ku soo gabagabeeyay Wasiir Dowluhu. The post Wasiir ka tirsan xukuumada R/W Xamza oo is-casilay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in xilligaasi ay maqaaxida ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ku qayilayeen halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa askarta ku sugneyd goobta. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Kaawa Godey ee magaalada Muqdisho. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan qaraxaas iyo howlgalka xigay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaaca ka qaaday inay dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay oo ay ku yaallaan goobo kale oo ganacsi. Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi. Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor ay kooxda Al-Shabaab weerar toos ah ay ku qaaday guri ku yaal degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu daaweynayay dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada Macawiisley ee kusoo dhaawacmay gobolka Hiiraan. The post Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo Muqdisho ka dhacay + Bartimaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerarkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas. Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidankaas, wuxuuna sheegay inay guriga u geeyeen ciidanka dhaawaca ah in isbitaallada aysan ku dayacmin, maadaama ay yihiin dad reer miyi ah oo magaalada uusan ehel u joogin. Sidoo kale xildhibaan Maxamed oo la weydiiyey sababta fududeysay inay Al-Shabaab weeraraan gurigaas ayaa yiri “Raggaan waxay Al-Shabaab uga soo adkaadeen furimaha dagaalka, waa rag ku guuleystay inay umadda Soomaaliyeed tusaan in Shabaab laga adkaa karo, marka Al-Shabaab sifa kasta oo ay ku aarguda kareen ayey sameeyeen, sabab kale ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed. Wuxuu sheegay in qofkii dhaawaca kasoo bogsada ay diyaarad saari jireen oo gobolka Hiiraan loo celi jiray, islamarkaana aad looga war-qabay caafimaadka iyo soo kabashada ciidankaas, balse ay qadar ku dhacday. “Guriga ilaalo fiican waa lahaa, meel amaanana waa ku yiilay, laakiin weerarka qarax is miidaamin ah ayaa lagu bilaabay oo irida hore ayuu nin isku qarxiyey, kadibna sidii hoteellada loo geli jiray ayaa loo galay, waana lagu dadaalay in raggii dhaawaca ahaa laga badbaadiyo cadowga oo badankood waa la badbaadiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay 10 qof ku dhinteen, balse Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada dadkii lagu dilay weerarkaas oo warar dib ka soo baxay ay sheegayeen in tiradu ay ka badan tahay intii ay shaacisay dowladda Soomaaliya. “Ragaas awalba waxay furimaha u tageen oo u soo dhaawacmeen inay ku shahiidaan cadowga, marka wixii naga dhintay waa Shuhado, gadaal ayaana ka soo sheegeynaa inta ay dhamaayeen, laakiin sidii cadowgu wax u rabay uma dhicin, Ilaah mahadiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaankaan. Ugu dambeyntii xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in ka beel ahaan ay halganka sii wadayaan oo Shabaab in laga adkaado ay ka go’antahay, inta gabar ay ka nooshahay beeshiisa, sida uu cadeeyey. “Reerka aan Xildhibaanka u ahay ee Xawaadle, waxaan taargad u wadanahay argagixisada, ayagana waa noo taargad, wado kale nooma fura oo dagaal ayaan isku dhaarsanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/02/01000000-0aff-0242-90c7-08db14fb5279_16k.mp3 The post Wareysi: Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shabaab ee guriga ku yaalla Mirinaayo? appeared first on Caasimada Online.
-
8-Dal oo ka midah Golaha Ammaanka oo Somalia War cusub ka soo saaray Somalia Qaar ka mid ah waddamada ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda haweenka Soomaalida, nabadda iyo amniga. Dalalkaasi oo kala ah Malta, Albania, Brazil, Faransiiska, Japan, Switzerland, Imaaraatka Carabta iyo Britain ayaa sheegay inay ku midoobeen soo saarista qoraalka iyadoo maanta Golaha Ammaanka uu ka wada hadli doono xaaladda Soomaaliya. Waxay sheegeen in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur. Dalalka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga argagaxeen xadgudubyada galmada iyo tacaddiyada kale ee jinsiga ku salaysan ee ka dhaca Soomaaliya. Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya. Waxay ugu baaqeen dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo. Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed. Waxay intaas ku dareen inay dhiirrigelinayaan inay haweeenku si buuxda oo siman u yeeshaan matalaad. Waxay xuseen in haweenka haya mansabka siyaasadeed ay la kulmaan cabsigelin, hagardaamo iyo qalalaase. Waxay sheegeen in doorashadii Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar ee guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee xilkaasi qabata ay ahayd guul la ammaano, waxayse ku baaqeen in hanjbadaadaha ka dhanka ah ay joogsadaan, meeshii lagama marmaanka ahna la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo. Qaran News
-
Dagaal xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu saaka ka socdo duleedka Laascaanood. Ciidamada Somaliland oo Todobaadkii saddexaad isku dayaya in ay dib u qabsadaan Laaacaanood ayaa saaka mar kale weerarka soo qaaday sida wararku sheegayaan. Dagaalka labada dhinac ayaa weli ka socda jihooyinka dhinaca bari ee magaalada Laascaanood halkaas oo laga maqlayo deryanka hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada Somaliland ayaa saaka sidoo kale xaafadaha Laascaanood ku garaacaya duqaymo aan loo meel dayin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal kala duwan. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka bari ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
