Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Senatorrada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda magaalada Mudisho. Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah: 1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada 2. Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha. 3. Akhrinta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada Senatorrada aqalka sare ayaa muddooyinkaan dambe meel marinayay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomalaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. ALLE haw naxariiste 2 qof ayaa ku geeriyooday shilgaadhi oo ka dhacay duleedka barri ee magaalada Gabiley, kadib markii gaadhi yar oo bas nooca rakaabka qaada uu dhacay. Waxaana Ku Dhaawacmay 7 qof, Dadkii ku dhaaqacmay ayaa loola cararay cisbitaalla Gabiley si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo. Source
  3. Xildhibaannada gobolaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Mudisho. Ajandaha kulanka ayaa kala ah: 1. Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay soo saarista hindiseyaal cusub, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaarado dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen. Booqashadan oo lagu wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha bini’aadannimada. Blinken ayaa sidoo kale booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price, waxaana booqashadan ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee uu abid ku tago dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka. Booqashada Addis Ababa iyo Niamey waa mid ka mid ah booqashooyin heer sare ah oo maamulka Biden uu qorsheynayo inuu ku tago Afrika sannadkan. Source
  5. Dowladaha Sucuudiga iyo Iran ayaa markale gaaray heshiis taariikhi ah, kaas oo lagu soo afjayo khilaafka labada dowladood ee ku aadanaa xaaladda gobolka iyo mandiqadda Bariga dhexe, heshiiskaan imaanaysa toddobo sano ka dib markii ay xiriirka isu jareen dowladahaan oo aad ugu loolamaya dhinacyo kale duwan. Talaabadan lama filaanka ah ayaa timid ka dib afar maalmood oo masuuliyiinta labada dal wadahadal uga socday dalka Shiinaha, taas oo la aaminsan yahay in dowladda China ay garwadeen ka aheyd, isku soo dhowaanshiyaha labada dhinac, maadaama ay tahay dowlad siweyn saaxiib ula dowladaha heshiiska gaaray. Dowladda Sucuudiga ayaa Iran xiriirka u jaray ka dib markii sannadkii 2016 safaaradda sucuudiga ee Tehran ay mudaharadayaal ku xoomeen taas oo daba socotay ka dib markii sucuudigu xukun dil ah ku fuliyey wadaad shiici ah, kaas oo lagu eedeeyay faafinta diinta Shiicada uu ka wadaha gudaha dalkaas intii muddo ah. Xiisadda u dhaxaysa labadan dal ee shiicada iyo sunniyiintu kala hogaamiyaan ayaa cirka iskusii shareetay tan iyo markaas oo ay gaartay halkii ugu sareysay, waxaana moodaa in heshiiskaan uu meesha ka saarayo mugdiga siyaasadeed iyo midka diimeed ee labada dhinac ku gadaamnaa xiriirkooda muddooyinkii dambe. Tan iyo markii siyaasadda Sucuudiga uu majaraha u qabtay Maxamed Bin Salmaan Dhaxalsuga dalkaas ayaa waxaa isbedel weyn uu ku yimid siyaasadaha dalkaas, waxaana uu abuuray isbedel dhinacyo badan taabtay oo siyaasadda Boqortooda ku dhisneyd ee dalkaas, isaga oo dowladdo dhowr ah heshiisyo taarikhi ah la galay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen. Booqashadan oo lagu wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha bini’aadannimada. Blinken ayaa sidoo kale booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price, waxaana booqashadan ay noqon doontaa tii ugu horeysay ee uu abid ku tago dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka. Afrika ayaa u soo baxday inay diiradda saareyso Washington, iyada oo dooneysa inay isu muujiso inay tahay saaxiibka dalalka gobolka, iyada oo tartan kula jirta Shiinaha, oo isku dayaya inay ballaariso saameynteeda iyada oo maalgelinaysa mashaariicda kaabayaasha ee qaaradda. PUNTLAND POST The post Blinken oo dhawaan booqanaya dalalka Itoobiya iyo Niger appeared first on Puntland Post.
  7. Kismayo (HOL) – The second deputy commissioner of Burdhubo district in Gedo, Nuh Hassan Daud, along with two others, including his son, were injured in an explosion at his home on Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Dowladaha Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dhinac sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta labada dal. Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah. “Wada-xaajood kadib Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo furo safaaradaha laba bilood gudahood ah” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir u soo saareen labada dowladood. Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii. PUNTLAND POST The post Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Iran oo dib u soo celiyay xiriirkoodii appeared first on Puntland Post.
  9. Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka Maamulka guud ee Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM). PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya oo Nairobi ka furmay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaano Baar Jowar, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah. Labada dhinac ayaa dagaalamayaa ku dhowaad 30 daqiiyo, waxaana lasoo wariyay ina weerarka uu bilow bamb-gacmeed ay dableyda hubeysan ku tuureen ciidamada. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, maadaama muddo kooban uu ku yimid hakad. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamada la weeraray, kaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka ku qaaday oo goobta isaga baxsatay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa oo ay inta badan ka dhacaan weeraro. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fulineyso caasimada iyo beegsiga ciidamada, waxaana ugu dambeeyey weerar kan lamid ah oo ay todobaadkii hore ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin isgoyska KPP. Weerarka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacayay Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo lagu jebiyay inta badan dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa haatan culeys soo saartay caasimada, waxayna ka fulisay dhowr weerar iyo qaraxyo ay la beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaallo gobolka Banaadir. The post Ciidamada Booliska iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  11. Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, kadib markii qarax lagu xiray hoyga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee degadaas Nuux Xasan Daa’uud, kaas oo la sheegayo inuu kasoo gaaray dhaawac daran sida ay sheegayaan wararka. Qarax oo ahaa nuuca Miinada ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday 2 wiil oo la sheegay inuu dhalay Nuux Xasan Daa’uud, kuwaas oo ahaa caruur, halka wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro dhaawac wiil yar oo deris la ahaa guriga la qarxiyay, sidoo kale waxaa ka dhashay burbur soo gaaray guriga. Aadan Xasan oo ku sugan degmada ayaa Goobjoog News u sheegay guddoomiye ku-xogeenka dhaawaciisa uu aad u daran yahay, waxaana la filayaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay in dhaawac uu kasoo gaaray gacan iyo sidoo kale dhanka madaxda. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2023/03/BUURDHUUBO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. The Somali novelist on his ambiguous relationship with his homeland, embracing radical secularism — and why he refuses to tolerate intolerance Source: Hiiraan Online
  13. “Dadkaasi cadaw maaha argagaxisona (Laascaanood) maaha waa dad muuminiin ah, kalmadan Argagaxisona gaala keentay waxaanay u keeneen kolba ninka ay dilayaan ayay argagaxiso ku sheegaan inaguna tii uunbaynu qaadanay oo dadkeenii muslimiinta ahaa ku fasiraynaa “. “Meel dhibaato ka dhacayso ilaahay ayaa loo baryaa inuu dabka ka bakhtiiyo, hadaad ku faraxdo ood ku wiirsato adna way kugu dhacaysaa , dad baan arkayay laha waan dabaal-degeynaa waar dad muslimiina oo walaaladeena weeye Laascaanood dadka ku dhimanayaa , markay dhibaato dhacdo waa lala dareema xanuunka oo waa loo duceeyaa oo Allow ka bakhtiibaa layidhaa “. Sheekh Maxamed Siciid Saaweer Imaamka masjid ka Huda ee magaalada Borama Qaran News
  14. William Walker sleeps with an ax in his one-bedroom apartment at the East Village apartments in Minneapolis’ Elliot Park neighborhood. There’s a hole in his bathroom ceiling, and his kitchen and bathroom floors are sticky because several tiles have been removed. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Communications Authority has instructed telecommunications companies to adhere to a list of decisions issued by the National Anti-Money Laundering & Combating the Financing of Terrorism (NAMLC) in mid-February. The companies have been directed to implement these decisions without delay. Source: Hiiraan Online
  16. WASHINGTON, March 10 (Reuters) - U.S. Secretary of State Antony Blinken will travel to Ethiopia next week, the State Department said on Friday, as concerns linger over the implementation of the peace agreement following the conflict in the Tigray region that left tens of thousands dead and millions uprooted. Source: Hiiraan Online
  17. Nearly 130,000 people in the Greater Horn of Africa are “staring death in the eyes” from catastrophic hunger, the World Health Organization (WHO) warned Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa saddex arrin ka dalbatay Mareykanka, si ay xiriir diblomaasi ula yeelato Israel, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times. Sacuudi Carabiya ayaa Mareykanka ka dooneysa; damaand qaad amni, in laga caawiyo horumarinta barnaamij Nukliyeer oo nabadeed, iyo in laga yareeyo xayiraadaha la xiriira iibsashada hubka Mareykanka, si ay xiriir ula yeelato Israel. Haddii la isku raaco, wuxuu heshiiska isbeddel weyn ku sameyn karaa naqshadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe. Codsiga damaaciga ah ee Riyadh ayaa madaxweyne Biden siinaya fursad uu heshiis xasaasi ah ku dhex-dhexaadiyo, taasi oo qaabey doonta xiriirka Israel ee dalka ugu awoodda badan Carabta. Waxay sidoo kale fulin doontaa ballan-qaadkiisa ahaa inuu xoojin doono heshiiskii Trump uu ka shaqeeyey ee Abraham Accord, kaasi oo Israel ay xiriir kula yeelatay dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco. Saraakiisha iyo khubarada Mareykanka ayaa ku kala qeybsan sida dhab ahaan loogu qaadan karo hindisahan marka la eego sida uu u xun yahay xiriirka madaxwene Biden iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Warkan ayaa soo baxay saacado kahor inta aanay Iran iyo Sacuudiga Jimcihii ku dhowaaqin heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda diblomaasi, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China. Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa heshiiska ugu yeeray inuu caddeyn u yahay in Sacuudi Carabiya ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in Mareykanka ilaalin karo amnigeeda, ayna hadda ku dhowaaneyso China. Isbeddelkan ayaa deg deg cusub ku abuuri kara maamulka Biden, si uu heshiis u dhex dhigo Riyadh iyo Tel Aviv. Si kastaba, waxaa jira caqabado dhowr ah oo hortaagan heshiis dhex mara Sacuudiga iyo Israel. Waxaa toddobaadyadan sare u kacayey rabshadaha Israel iyo Falastiiniyiinta kadib markii dowlad xagjir ah ay qabsatay Israel, taasi oo yareyneysa rajada heshiis mustaqbalka dhow. Saraakiisha Sacuudiga ayaa horey u sheegay inaysan xiriir diblomaasi oo rasmi ah la yeelan karin Israel inta laga aas-aasayo dal Falastiin. Hase yeeshee qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah wada-hadalladan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Sacuudiga oo dhowaanahan Israel la lahaa xiriir aan rasmi aheyn, ay ku qanci karaan wax intaas ka yar, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal. Balse arirn kale oo caqabad ah ayaa ah; in saraakiisha Mareykanka ay ka walaacsan yihiin isku dayga Sacuudiga ay ku doonayaan barnaamij nukliyeer ah oo nabadeed. Waxay ka cabsi qabaan inay noqon karto tallaabadii koowaad ee hub nukliyeer ah, taasi oo Riyadh ay u dooneyso caymis ahaan, haddii Iran ay hub nukliyeer hesho. Weli ma cadda waxa ay yihiin damaanad qaadyada amni ee Sacuudiga ay doonayaan, balse waxay u badan tahay inaysan u xooganeyn sida kan dhex-yaalla dalalka NATO, oo haddii midkood la weeraro midka kale ku qasban yahay inuu difaaco, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah wada-hadallada. The post Sacuudiga oo saddex arrin ka dalbaday Mareykanka si uu xiriir ula yeesho Israel appeared first on Caasimada Online.
  19. Surrounded by miles of dried land and what remains of his famished livestock, Daniel Lepaine is a worried man. Dozens of his goats in Ngong, a town in southern Kenya, have died after three years of harrowing drought in the east and Horn of Africa. The rest are on the verge of starvation as rain continues to fail. “If this drought persists, I will have no livelihood and nothing for my family,” Lepaine mourned. “We are praying hard for the rains.” Source: Hiiraan Online
  20. More than 70 humanitarian organizations have called upon donors to urgently fund the current humanitarian appeal in order to respond to the hunger crisis in Somalia, where famine is projected from April to June. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa cadeeyey in deegaanada ay beeshiisu ka degto gobollada Hiiraan iyo Galgaduud aysan ku jirin taako xor ah, oo dhamaan dhulkii beesha uu weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab. Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyntii ay dowladdu saartay laga qaaday dadka degan degaanada iyo degmooyinka ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug. Wuxuu sheegay in qorshihii lagu cunaqabateeyey dadka ku nool dhulka uu Shabaab joogo uu ahaa qorshe qaldan, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in cunaqabateynta laga qaado dadka degan Ceelbuur iyo deegaanada lamidka ah. Nabadoonka oo wareysigaan siiyey Weriye lagu magacaabo Maxamed Cali Faracadde ayaa la weydiiyey sababta uu Murusade dhulkiisa uga xoreysa la’yahay Al-Shabaab, si lamid ah beelaha kale. Wuxuuna Nabadoon Xaad ku jawaabay “Dowladda ayaa hoggaamineysa qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, meelna waa lagu kormaray, meelaha qaarna dib ayaa loo dhigay, dhulka Murusade degana taako aysan Al-Shabaab joogin ma jirto, sidaas darteed dadku ma dagaalami karaan oo cadowgii ayaa dul jooga.” Mar la weydiiyey sababta ciidankii furimaha jiray ay dib ugu soo celiyeen Muqdisho, ayuu ku dooday in hadda ag ciidankii dib ugu celiyeen furimaha, isla markaana uu socdo qorshe lagu xoreynayo dhulka uu Shabaab heysto oo dhawaan bilaabanaya. “Waxaa naloo sheegay in dagaal la qaadayo, ciidanka Murusade ee Muqdisho jooga waxay baxayaan berri, inta badan ciidankii beesha furimaha ayuu jiraa, laakiin kuwii Muqdisho u yimid inay amniga shirka sugaan ayaa hadda baxaya,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad. Wuxuu intaas ku sii daray, “Anaga beelaha kale waa ka duwanahay dhulkeenii waxaa heysta Shabaab, taako xor ah kuma jirto dhulka Murusade, ciidankeenu meel uu ku hakado ma jirto, waxay kala joogaan Maxaas, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Aadan-yabaal, duruuftaasi waxay keentay in ciidanka beesha Murusade ay guurguuraan, waa rag aan dhulkoodii joogin,” ayuu yiri. Nabadoonka ayaa sheegay in hadda dadka ku nool dhulka Shabaab heysto laga qaaday cunaqabateyntii, isagoo ku dooday in markii horaba lagu qaldoomay tallaabadaas. “In raashinka laga joojiyo dad deegaan ah oo meel degan, waxay aheyd tallaabo qaldan, waana laga noqday hadda, inkastoo go’aankaas cidda qaadatay aanaa cadey karin, laakiin hadda Madaxweynaha ayaa fasaxay, sahaydana waa loo geeyaa dadka ku nool Ceelbuur iyo deegaanada kale,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Sidoo kale Guddoomiye Xaad ayaa si qora dheer uga hadlay shirkii beeshiisa Murusade ee Muqdisho ka socday muddo afar maalmood ah, isagoo sheegay in lagu go’miyey qodobo ay ka mid tahay in Murusade shiro sanadkii hal mar, si loo xoojiyo midnimada beesha. Hoos ka daawo The post Daawo: Xaad oo sheegay sababta loo xoreyn waayey dhulka beesha Murusade appeared first on Caasimada Online.
  22. Xubin la sheegay in laga eryay Xisbiga Kulmiye Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Ahmed Muumin Seed ayaa Si Rasmiya looga Saarey Xubinimadii iyo Gudida Fulinta Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye iyadoo loo Gudbiyay Warqada lagaga Qaadey Dhawaan Sida ay noo Xaqiijiyeen Ilo-xogogaal ah. Khaalid fantastic Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay kororka abaarta ka jirta Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku eedeeyay Al-Shabaab in dadka beeraleyda ah u diideen inay dallaagooda beertaan, xilli ay dadkaasi fursad u haysteen inay tacbadaan beeraha, sida uu sheegay. “Annaga culeysyo badan ayaa na heysto oo run ahaantii qayb ayay ka yihiin sababaha abaaraha sababta oo ah waxa ay dadkii u diidan yihiin in beerihii tacbadaan oo xoolihii dhaqdaan iyaga oo ah dad masaakiin ah oo abaar iyo dhibaatooyin heysta oo 5 waqti roobaad ka baaqday,” ayuu yiri. “Beerihii ma falan karaan oo canshuur badan ayay dulsaarayaan, aniga nin beeraley ah oo weliba ceel beertiisa uga dhex qodon yahay kuwa aan ceelasha lahayn iskaba dhaafee, habeenkii ma daari kartiin ayay ku dhaheen sababtoo ah nalka waxaa soo raacaya diyaaradaha Drones-ka ah, maalin keliya ayaa daari kartiin, beertana habeenkii ayaa la waraabiyaa.” Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in falalka nabad-gelyo darro ee kooxda ay qayb weyn ka tahay waxyaabaha dowladda Soomaaliya ka hortaagan inay hesho fursado maalgashi shisheeye ah iyo in gudaha dalka laga fuliyo mashaariic muhiim ah. “Dadkii oo dhan ayay nolosha ku cariiriyeen waxa ay taasi keentay in abaarta culeyskeedii qayb ay ka noqdaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. “Argagixisadu waxa ay naga hortaagan yihiin oo nabad la’aanta naga hortaagan tahay oo dowladda Soomaaliyeed ay hesho fursad oo maalgashi dibadda uga yimaado oo waxa uu dhaqaalaha ku kordhaa maalgashiga shisheeye. In ay dowladdu deyn qaadan karto, in ay dowladdu heli karto mashaariic waaweyn sida korontada, dhismaha jidadka iyo warshadaha balse waxaas oo dhan waxaa naga hortaagan xasilooni darrada argagixisada.” Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka. Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo dhawaan ay daaha ka rogeen QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah. Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gar-gaar ay ku noolaadaan. The post CC Shakuur oo shaaciyay arrin ay ku kacday Shabaab oo kordhisay halis ka jirta dalka appeared first on Caasimada Online.