Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u heshiisiintii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka garwadeenka ka ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan. Marwo Anita Kiki ayaa waxay guddoomiyaha ku ammaantay doorkii muhiimka ahaa iyo daadihinta shirkaas, ayada oo sheegtay in UNSOM ay ka go’an tahay kaalmo kasta oo ku aaddan dib u heshiisiinta dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in door muhiim ka qaadan doonto taageerida Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha iyo mudaneyaasha Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahad-celiyay, ayaa xusay sida UNSOM ay qeyb uga qaadatay taageerida shirkii dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo guul ku soo dhaamaday. Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso hanaaanka geedi socodka nabada iyo xasiloonida dalka. Dowladda federaalka ayaa xilligaan xoogga saaraysa in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshaha madaxweynaha ee dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Anita Kiki Gbeho oo ballan-qaadyo dhowr ah u sameysay Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Jerusalem (Caasimada Online) – Lix Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu mas’uul ka ahaa dilka laba wiil oo Israa’iiliyiin ah oo walaalo ahaa. Weerarkii Hawaari lagu qaaday ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka oo dhan. Duulaanka oo dhacay galabnimadii Talaadada ayaa ka dhacay xero qaxooti oo inta badan bartilmaameed u ah howlgallada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ay adeegsadeen gantaalada garbaha laga rido ka dib markii dagaalyahano hubeysan oo deegaanka ah ay rasaas ku fureen ciidamo saarnaa gaari ambalaas ah. Waxaa la sheegay in rasaas xooggan la is weydaarsaday, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhismo iyo diyaarado Helikobterro ah. BBC The post Ciidamada Israel oo weerar ku dilay Falastiiniyiin badan appeared first on Caasimada Online.
  3. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia’s lower house of Parliament passed a new anti-terrorism law on Wednesday to provide a legal framework for government security agencies to fight better and eradicate terrorism. After weeks of debate, the bill received 133 votes in favor, three against, and seven abstentions. The new law is seen as a crucial measure to make Somalia a safer place. It is perceived as a shield for women and children against terrorist attacks. Concerns raised over broad definition of terrorism Critics of the legislation have raised concerns about the overly broad definition of who is considered a terrorist. They fear the new law could grant government security agencies excessive and unchecked power. During the debates, some lawmakers expressed reservations about the legislation, noting that the law could negatively affect innocent citizens, especially if future leaders do not have good intentions. Lawmaker cautions against arrests without court orders Some lawmakers caution that the new bill should not give government agencies the power to arrest suspects without court orders. Somali journalist-turned-lawmaker Mohamed Ibrahim Moalimuu, a five-time survivor of al-Shabab terror attacks, emphasized that the new law should not conflict with the country’s constitution. However, MP Mahdi Mohamed Guled, Somalia’s former deputy prime minister, believes that the bill’s definition of terrorism is clear and will target known terrorist organizations and groups. Second important bill endorsed amid tough war with Al-Shabab This is the second important bill to pass through Somalia’s Parliament in two months. Early last month, both the lower and upper chambers of Somalia’s Parliament officially endorsed the National Intelligence and Security Agency of Somalia (NISA) bill. The bill aims to expand the powers of the country’s intelligence agency. It has faced criticism from Human Rights Watch, who believe it could lead to human rights violations. Somalia is in a brutal war with al-Shabab, al-Qaida’s most lethal and powerful group in East Africa. 13 Al-Shabab militants executed for terrorist attacks In a separate development, 13 al-Shabab militants convicted of murdering officials and carrying out terrorist attacks in the northeastern Somali region of Puntland were recently executed by firing squad in three different towns. Puntland military court chairperson Abdifitah Haji Adam noted that the suspects were found guilty of carrying out terrorist attacks and assassinations in which they killed government officials, security officers, and civilians, including pregnant women and children. In addition to the al-Shabab members, the court executed five Puntland soldiers for killing other soldiers and civilians. Despite US drone strikes that have killed some of al-Shabab’s top leaders, the group still carries out frequent suicide bombings and assaults on Somalia’s hotels and military targets. Some of its fighters have spread north to the Puntland mountainous areas to set up bases, making the group more resilient than expected. In recent years, al-Shabab has assassinated dozens of government officials in Puntland, including the attorney general of Puntland Military Courts, the third deputy commander of Puntland Police Forces, and the director of the Presidential Palace. The post Somalia’s anti-terrorism law passes Lower House appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin kasoo saaray qorshaha qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaasi oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya. Khayre ayaa sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin dhibka ka dhasha muddo kororsiga sharci darro, isaga oo ka digay in damacan siyaasiga ah uu dib u dhac weyn ku keeni doono dawlad dhiska dalka. “Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan uguma jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha muddo kororsi sharci darro ah. Waxaa hubaal ah in dawlad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn,” ayuu yiri. Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga horyimid xilligii xukunkii Farmaajo damicii madaxweynihii xilka u magacaabay, taasi oo markii dambe keentay inuu xilkiisa ku waayo. Kheyre ayaa ayaa sidoo kale kamid ah madax hore iyo siyaasiyiin soo saaray qoraal ay uga horyimaadeen qorshaha muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka. Waxay sheegeen in muddo kordhinta sharci darrada ah ays i toos ah uga hor imaaneyso qodobka 60-aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1-aad) oo qeexeysa in muddada xil-haynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo. Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyo kasoo talo bixin doona soo jeedin ka timid xildhibaanada qaar, taasi oo la xiriirta in hal sano oo dheeri ah lagu kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka. Qorshahan ayaa durtadiiba la kulmay diidmo xoogan oo uga imaaneysa madax hore iyo siyaasiyiinta qaar, kuwaasi oo sharci darro ku tilamamay muddo kororsiga lagu karkarinayo gudaha BF. The post Kheyre oo digniin u diray dowladda Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ilinta cesha waayey, kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusay maalinta haweenka ee 8-da Maarso. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku dheeraaday ka hadalka qiimaha hooyada Soomaaliyeed ayaa ooyey oo linta cesha waayey markii uu soo xusuustay geeridii hooyadii oo marxalado adag ku soo korisay, sida uu sheegay. Xamsa Barre ayaa sheegay in markii uu dhashay uu dhintay Aabihiis, balse uusan tebin oo Hooyadiis ay u soo korisay si wanaagsan, isagoo yiri “Agoonka rasmiga ah waa qofkii hooyadiis waaya, anigaba ha ila ekaadee, waa agoon qofkii Hooyo la’aan noqda.” “Waxaan ku jiraa dadka ay Hooyadu micnaha gaarka ah u leedahay, waxaan ahay yaraanka reerkeena, hal gabar oo hooyadey iyo aabahey dhaleen ayaa 10 sano iga weyn, anigu waxaan ahaa qofkii labaad, laakiin nasiib darro Aabe waa dhintay markaan dhashay, mana arkin weligey,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse. Wuxuu sheegay inuu ahaa Hooyo koris aad loogu soo dhibtooday, balse heer fiican lasoo gaarsiiyey, sida waxbarashada oo ilaa heer sare uu soo gaaray ay hooyadiis garab taagneed. “Waan ka duwanahay wiil ama gabar ay hooyo iyo Aabe soo wada koriyeen, Hooyadey waxay dhimatay sanadkii hore 16-kii Febraayo, maalinkii ay hooyadey dhimatay,” intaas markii uu marsiinayo hadalkiisa ayuu ilinta ama oohinta cesha waayey r/wasaare Xamsa. Wuxuu sheegay in maalintaas oo dareemay xanuun badan oo agoonimo uu dareemay, “Hooyo waxaa noo bedeshay walaashey iga weyn, reerka ayadaa isku wada, hooyadu aabaha lamid maaha, agoonka rasmiga ahna waa qofkii Hooyadiis waaya,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intaas ku sii daray in weligiis uusan Aabe tebin, balse hadda uu dareemayo inuu agoon yahay, markii uu waayey hooyadiis. Hadalkaan ayuu R/Wasaaruhu ka sheegay munaasabad weyn oo lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee 8-da Maarso, wuxuuna aad ugu amaanay haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin dib u soo kabashada Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: R/Wasaare Xamza oo maanta ilinta ceshan waayey appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka. Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in sharciyadaan muhiimad weyn ay u leeyihiin dib u dhiska dowladnimada “Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadalay sixiixa sharciyadaan kadib. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay seddax sharci oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka. “Mawaxweynaha oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada. Munaasabadda saxiixa sharciyadaas oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa labada gole ee baarlamaanka ku amaanay sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna. “Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, hadey amni tahay oo siyaasad tahay dhamaan waxay ku saleysnaanayaan sharciyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka. Markii uu shuruucdaan saxiixayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garbihiisa taagnaa guddiyadii soo diyaariyey iyo masuuliyiinta hey’adaha loo diyaariyey shuruucdaan, sida Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo kor taagnaa madaxweynaha markii uu saxiixayey sharciga hey’adda. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay saddex sharci oo cawaaqib leh appeared first on Caasimada Online.
  8. Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa beeniyay inay burburiyeen warshadii biyaha ee magaalada Laascaanood, iyaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ciidanka ay gubeen warshadaasi. Taliyaha Guutada 114-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle sare Maxamuud Cismaan dheri (Indha-yare) ayaa kasoo muuqday warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland xilli uu ku sugnaa warshada biyaha ee magaalada, oo aysan ka muuqan wax burbur ah. “Waxa ku suganahay warshadii biyaha Laascaanood ee Goojacadde ku taallay, lama furfuran oo madaafiic kuma dhicin, rasaas lalama dhicin oo waa badqabtaa,” ayuu yiri Taliye Indha-yare. Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “in ciidamo gaar ah loo saaray warshadaan ilaalinteeda tan iyo markii uu billowday dagaalka,” oo burbur xoogan gaarsiiyay magaalada. “Warshadda umadda oo dhan ayay ka dhaxeysa waa ilaalineynay oo waardiye ayaa ka aheyn intii dhibaatada ka dhacday Laascaanood. Ijiinadii waa badqabaan waxaa leenahay qolada leh rasaas ayaa lala dhacay ama waa la gubay inaysan waxba ka jirin, waxaa u sheegayna umadda in arrinkaas uu sal iyo raad toona laheyn.” Muuqaalka ay baahisay warbaahinta xukuumadda Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii si weyn loogu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in ciidankooda ku sugan aagga Goojacade ay dab qabad siiyeen warshadda oo ku taalla duleedka magaalada, islamarkaana ay ka afduubteen laba kamid ah shaqaalaheeda. Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah. Labada dhinac ee isku haya xarunta gobolka Sool ayaa illaa hadda dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ah ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha kasii baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi. The post Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay sawirro ay ku beenineyso arrin lagu eedeeyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxayay khilaaf xoogan u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali iyo ku-xigeenkiisa Saalax Shariif Sayid Cali. Khilaafkan oo salka ku hayay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 oo uu magacaabay wasiir Roobow, ayaa waxa markii dambe laga gaaray xal kadib markii ay soo fara-geliyeen madaxda sare ee dalka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka noqday warqad uu kaga horyimid guddiga uu magacaabay Wasiir Roobow, islamarkaana cudur daar ka bixiyay arrintaasi. “Aniga oo tixgelinaayo Halku-dhigga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah, fulinaya tallooyinka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa go’aansadey in aan ka noqdoo warqadii aan qorey 6-dii bishaan kuna saabsaneyd guddiga tartanka adeega Xajka 2023,” ayuu yiri Saalax Shariif. Warqadda kasoo baxday 6-dii bishaan Saalax Shariif ayaa waxaa ku sheegay in guddiga uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kuna dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeed. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa qoraalka cusub ee uu soo saaray ku sheegay in arrintaasi uu ka raali-gelinayo madaxda sare ee dalka, si gaar ahna ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Waxaanna Madaxda Qaranka ka raali galinayaa gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha wixii uu dhibsadey,” ayuu yiri Saalax Shariif oo cudur daar ka bixiyay tallaabadii uu markii hore uga horyimid Wasiir Roobow. Guddiga Xajka ee markii hore dhaliyay khilaafka wasiirka iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa xubnaha guddiga ku jira, islamarkaana xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali. The post Madaxda sare oo soo faro-gelisay khilaafkii Roobow iyo Saalax Shariif + Go’aan cusub appeared first on Caasimada Online.
  10. TEL AVIV, Israel (Caasimada Online) – Israeli Foreign Minister Eli Cohen is spearheading a campaign to establish diplomatic ties with Mauritania, Somalia, Niger, and Indonesia following the successful Abraham Accords in 2020 between Israel, the United Arab Emirates, Bahrain, and Morocco. In an effort to broaden the circle of the Accords, Prime Minister Benjamin Netanyahu, US Secretary of State Antony Blinken, national security adviser Jake Sullivan, and special envoy Amos Hochstein have also joined forces to support Cohen’s diplomatic efforts. According to a report published by Israel Hayom, Cohen is currently engaged in discussions to normalize relations with Mauritania, Somalia, Niger, and Indonesia, with talks with Mauritania being the most advanced. This is not the first time the two countries have established diplomatic ties, as they first did so in 1999 following the Oslo Accords, which resulted in establishing an Israeli embassy in Nouakchott. However, Mauritania severed ties with Israel in 2008 after the Gaza war. Cohen is now requesting assistance from Germany by meeting with German counterpart Annalena Baerbock to facilitate normalization talks with Mauritania and Niger. ‘Somalia shows a keen interest’ Meanwhile, according to Israel Hayom, Somalia has shown a keen interest in establishing diplomatic relations with Israel on several occasions, even though the two nations have never had diplomatic ties. The strategic location of Somalia at the entrance of the Red Sea, coupled with its proximity to the Arab Peninsula, has aroused Israel’s interest, particularly with the cooling of relations between Israel and Eritrea. Last July, the Somali President’s spokesperson announced that the government plans to consult parliament. Niger, on the other hand, has never maintained diplomatic relations with Israel. However, given France’s reduced involvement in Mali and Burkina Faso, the country could become a critical military base for Western forces fighting against jihadist groups. Furthermore, as a major global supplier of uranium, Israel is keen to forge a diplomatic relationship with Niger to counter Iran’s influence. Indonesia sets conditions As the world’s largest Muslim nation, Indonesia has also been identified as a potential partner for the Abraham Accords. However, Indonesian officials have repeatedly emphasized that Jakarta will only engage in talks with Israel once there is significant progress on the Palestinian issue. Despite this, Blinken raised the matter during his meeting with his Indonesian counterpart Retno Marsudi in 2021. An Israeli trade delegation visited Indonesia last July to explore potential investment opportunities and establish start-up ventures. Netanyahu has expressed his hope of establishing diplomatic ties with Saudi Arabia. However, Riyadh has maintained that it will only consider normalization talks with Israel after a deal has been reached with the Palestinians. African nations reluctances In contrast, the Netanyahu government has been able to establish diplomatic relationships with several African nations, including Chad and Sudan. In particular, Cohen became the first Israeli foreign minister to fly to Sudan last month, following Sudan’s signing of the Abraham Accords with the US in 2020. Israel’s national security adviser, Tzachi Hanegbi, and Strategic Affairs Minister Ron Dermer recently visited Washington for meetings to discuss joint efforts with their American counterparts in expanding the circle of the Abraham Accords. While discussions focused primarily on the Iranian threat and escalating tensions in the West Bank, the officials also explored the possibility of including additional countries in the Accords. The post Israel expanding Abraham Accords to ‘include’ Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista rayidka (HDRS), kadib markii lagu eedeyay wada-shaqeyn la’aanta howl-wadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda duulista. Wareegto kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5-tii bishaan oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu faray Wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada soo jeedinta habraaca tartanka guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka waxaa sidoo kale la farayaa in ay soo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada wax ka-bedelka iyo kaabista sharci ee lagama maarmaanka u ah in lagu sameeyo sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, si la jaan-qaadi karto heerka dhismaha hay’addaha Duulista Rayidka ee Caalamka.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu faray Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada inay waafajiyaan sharciga hay’adda wixii xuquuq ah ee u bislaada kana maqan guddiga maamulka HDRS muddadii ay xilka hayeen. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo fulineysa wareegtada ra’iisul wasaaraha ayaa waxay soo saartay go’aan ay ku fareyso Maareeyaha guud ee HDRS in uu meel-mariyo wareegtada shaqo joojinta. Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku wargelisay xubnaha guddiga in ay si deg deg u wareejiyaan dhamaan hantida dowladda ee ay adeegsanayeen guddiga shaqada laga joojiyay ee maamulka HDRS, taasi oo isugu jirta xafiisyo iyo agab kale ee shaqada. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay fartay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada inuu diyaariyo habraaca loogu sameynayo dib u eegista sharciga hay’adda iyo habraaca soo xulista guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradad Gaadiidka iyo Gaadiidka Hawada ayaa ugu dambeyntiina fartay Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) inuu u fududeeyo guddiga shaqada laga joojiyay wixii xuquuq ah ee leeyihiin muddadii ay xilka hayeen, si waafaqsan sharciga hay’adda. Guddiga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay ayaa hore ugu eedeeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal in ay sameeysay ku tagri-fal awoodeed, islamarkaan ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin agaasimaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada guud ee hay’adda. Xubnahan ayaa sidoo kale waxay xilligaasi sheegeen inin maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax-banaan wasaaradda. Hoos ka aqriso warqadaha kasoo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada The post R/Wasaare Xamza oo shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa si weyn usoo dhaweeyay ansixintii hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada, kaasi oo ay maanta meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Mahad Salaad ayaa uga mahada-celiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka meel-marinta sharcigaan, oo muddo badan horyaalay Baarlamaanka, horena dhowr jeer dib loo celiyay dooddo ka dhashay awgeed. “Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka fal-dambiyeedyada la xariira argagixisada,” ayaa ku yiri Agaasime Mahad Salaad qoraal kooban oo uu soo saaray. Mahad ayaa waxa uu ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS inay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si looga gudbo caqabadaha ay argagixisadu ku hayso dalka. Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka. Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka. Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, kuwaasi oo inta badan ay soo meel-mariyaan Golaha Wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. The post MAHAD SALAAD oo codsi u diray AQALKA SARE kadib tallaabadii maanta ee BF appeared first on Caasimada Online.
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Faahfaahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne. Qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay xaafado kamid ah xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in jugtiisa aad u cusleyd. Wararka qaar ayaa sheegaya in maqaayada la weeraray ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Macaawisleyda ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadkii ku waxyeeloobay qaraxan ayaa loo qaaday goobaha caasimaad ee ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay. Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan. Dhawaan unbay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa xilligaasi weerarkaasi ku dhishay 10 nin, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. The post Faah-faahin laga helayo qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Shirkan oo u furmay taliyayaasha Booliska dowlad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federaalka Soomaaliya ayaa waxa si wada-jira u furay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Jubbaland, Wasaaru-dowlaha wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Shirkaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa heerarka kala duwan ee booliska dowlad-goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay furitaanka shirkaan. Inta uu socdo shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doona hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan ee heer federaalka iyo heer dowlad goboleed. Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ay ka socdaan howl-galo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray. Booliska ayaa qeyb ka ah qorshaha xasillinta deegaanada ay qabteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wada gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dhawaan unbay aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh safar ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland, si loo dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug. The post Ujeedka shir xasaasi ah oo Kismaayo uga furmay DF iyo maamullada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka. Mudane Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada. “Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar”. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah, ee aadan dhinac waliba oo ay dowladnimada iyo arrimaha bulshada ay kaga jiraan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan. Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore lagu heshiiyay. Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika. “Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan. Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. SSC Traditional leaders will have to rise up to the challenge to manage a transition for SSC territories and an autonomous status. One month has elapsed since the start of the Laascaanood conflict. The shelling of Laascaanood by Somaliland forces, the discussion of the conflict by members of the United Nations Security Council and the support of Puntland State of Somalia for 6/2/2023 Laascaanood Declaration all point to the future of the territories known as dispute territories. SSC territories will have a new status within the federal system of Somalia. Before that milestone is attained, it is important to prepare for the transition period to prevent unexpected political challenges and put in place institutions for people in SSC territories. Context Currently, Puntland State of Somalia represents SSC territories in federal terms. This political bond is a vital resource to help SSC leadership to come up with a structure that serves the interests of their constituency. The structure will have two aspects: political and economic. The political aspect of the structure will consolidate the autonomous nature of the representation that SSC people will have. What form that autonomy will take will be decided by the stakeholders. Economically, Puntland State of Somalia should allocate a development budget for SSC territories, and help the new structure to develop an inland tax regime and capabilities to manage it. Puntland State of Somalia in principle supports the political objectives of SSC people. This position strengthened the resolve of SSC people who know that no matter what form of an autonomous administration emerges, SSC and Puntland will have stronger partnership politically and economically in the context of a federal and united Somalia based on peaceful co-existence and neighbourly relations. The Laascaanood conflict will come to an end. What is important is to prepare for the transitional period and keep the aforementioned political and economic imperatives in mind to learn from the secession war undermining the stabilisation plan for Somalia. SSC leadership and Puntland State leaders will have to prepare to manage the transition period in a mature and pragmatic manner. The 33-member committee and SSC traditional leaders will benefit by reflecting on the following three urgent tasks. Security Key tasks that need to be hammered out include security. Plans to create a police force for SSC authority in addition to the federal police force will ensure the establishment of a defence force since the Somalia Army does not operate in SSC territories. Key to realising those goals are a security partnership between Puntland and SSC authority. Support from the International Community to fund those proposed structures within the stabilisation project will be crucial. The role of the diaspora is equally important to pave the way for a quicker recovery from the war and prolonged marginalisation and instability. A Political Structure Other main tasks that will have to be implemented include a political structure for SSC territories. The approach to bringing this goal into fruition will take into account how the existing federal of SSC territories will be renegotiated to ensure a smooth transition to a political representation for SSC territories. Puntland supports this approach, as attested to its communique on Laascaanood Declaration. Support from Somalia’s International Partners and SSC diaspora also play a role in sustaining the politically autonomous authority for SSC territories. Economic Development An SSC autonomous authority will require an economic development that will provide a basis for addressing post-conflict challenges ranging from unemployment, traumatic experiences, demobilisation. Again, key to attaining those goals is an economic partnership between Puntland State and SSC authorities to develop an efficient tax regime to fund public services in SSC territories. The promotion of diaspora investment into SSC territories will necessitate a plan to attract. role of the diaspora in committing investment to SSC. The role the Federal Government of Somalia should play to help SSC people to exercise their political rights in a politically and territorially united Somalia cannot be understated. The Federal Government of Somalia supported the Laascaanood Declaration. By Coordinating with the appointed stakeholders of SSC people and Puntland State, the Federal Government will be able to discharge its constitutional duties. By Issa Mohamud Farah ‘Dhollawa’ The post An Initiative for Managing a Transitional Period for SSC Territories appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka. Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo saddex sharci saxiixay appeared first on Puntland Post.
  19. Baarlamanka Soomaaliya ayaa cod-aqlabiyad leh maanta ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta (Data Protection Law). Waa markii u horraysay oo Soomaaliya yeelaneyso sharci muwaaddinka u ilaalinaya xogtiisa gaarka ah, xaqna u siineya in uu maxkamad la tiigsado ciddii faafisa, ogolaansho la’aan. Bil ka hor ayey ahayd markii la sameeyey xafiiska ilaalinta xogta oo hadda u dallacay ‘Hey’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed’. Burburkii ka dib waxa xogaha dalka badi haya, hey’ado iyo shirkado gaar ah. PUNTLAND POST The post Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Soomaaliya oo maanta la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  20. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi wasiirka amniga Puntland, taliyaha ciidanka Booliska, taliyaha la-dagaalka argagixisa, taliyaha qeybta gobolka nugaal, guddoomiyaha gobolka nugaal iyo duqa degmada garoowe, iyagoo Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Dhinaca kale, Guddiga joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta sare ku xusan ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo warbixin laga siiyay Amniga Caasimada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Labo nin oo Soomaali ah oo loo maxkamadeenayo Afduubka Wariye Caana Maxkamad Federal oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa la soo taagay 2 Nin oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay Taageereen Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo qafaalatay Weriye Ajnabi ah. Labada Nin ee la soo taagay Maxkamadda New York waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Tahlil Mohamed iyo Abdi Yusuf Hassan, kuwaasi oo Xeer-beegti Federal ah ku soo oogeen qafaalaaaho, Fududayn Qalab loo adeegsaday Argagixiso iyo Dembiyo kale oo lagu muteysan karo Xabsi Daa’im. Saxafiga la qafaashay oo asal ahaan u dhashay dalka Jarmalka, waxa uu haysta dhalashada Maraykanka (a German-American Journalist). Weriye Michael Scott Moore, oo u shaqayn jirey Wargeyska Spiegel Online waxaa bishii January ee sanadkii 2012-kii laga qafaashay magaalladda Gaalkacayo oo 643.7 KM (400 miles) dhanka W/bari kaga toosan Caasimadda Muqdisho. Weriyaha xilligii la qafaalanayey waxa uu ku hawlanaa Cilmi-baarista Buug uu ka qorayey Arrimaha Burcad-baddeed Soomaalida. Weriyaha oo afduub ahaan loo hayey muddo 2 sano iyo 6 bilood waxaa la sii daayey bishii September ee sanadkii 2014-kii, kadib, markii ay Qoyskiisa bixiyeen Lacag madax-furasho oo dhan 1.6 milyan oo Dollar. Dhanka kale, Eedeysanaha Abdi Yusuf Hassan oo haysta Dhalashada Maraykanka (U.S. Citizen) waxaa lagu xiray magaallada Minneapolis sanadkii 2019-kii. Eedeysanaha kale ee Mohamed Tahlil Mohamed wax faahfaahin ah lagama hayo Halkii laga soo qabtay, balse, waxaa uu Xabsiga magaalladda New York ku xirnaa tan iyo sanadkii 2018-kii. Si kastaba, Labada Eedeysane waxaa la qorsheeyey in Xukunkooda lagu dhawaaqi bisha September 6-da ee sanadkan 2023-ka. Qaran News
  22. Dowladda Puntland ayaa saaka xil toogasho ah ku fulisay shabakado ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay xubnahaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda. Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu helay dilalka askar iyo saraakiil kale ayaa sidoo kale saaka lagu fuliyay dil toogasho ah. Tirada guud ee xukmanayaasha la toogtay ayay maxkamaddu ku sheegtay 19 qof oo 13 kamid ah ay yihiin Al-shabaab iyo Daacish. Qaran News