-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagaga hadlay tirada dadka dhaqan xumada loo xidhay ee Qowmu-luudnimada, taasi oo ay shaaciyeen inay gaartay 40 qof. Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) ayaa sheegay in tirada dadkaasi ay korodhay bilihii dambe. Waxa uu sheegay in 40 qof ee loo haysto ficiladaan ay 12 maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsugayaal iyo 4 qof oo lagu xukumay min 8 sano oo xadhig ah. Guddoomiyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in Golaha uu meel-mariyo xeerka la-dagaalanka anshax xumada ah oo qeyb uu ka yahay Liwaadka (Qowmu-kuudnimada), kaasi oo maray heer gabagabo ah. “Xeerkaas oo hadda ka wada-shaqeynano Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta si xataa qeyb uga noqdaan culimada, oo aan ka soo saarno. Golaha ayaa horkeeni doona kalfadhiga kan xiga.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo soo baxday oo ka guddi ahaan ogaanay inay jiraan in direyska ciidamada laga ganacsado oo meherado loo furtay, waxaa noo soo baxday in la abuuro xeerka mamnuucida ka ganacsi direyska ciidamada.” Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer laga soo wariyay inay dad u xirtay eedo la xiriira Qowmu-luudnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay. The post SOMALILAND: 40 qof oo loo xiray Qowmu-luudnimo appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan. Kormeerka iyo kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli maalmihii ugu dambeysay ay soo baxayeen cabasho ay muujinayaan dadka ee ku aadan arrimaha Xajka, waxaana la filayaa in Ra’iisulwasaaruhu waxbadan ka badelo cabashada kasoo gaartay dhanka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xajka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa dhamaan maamulka iyo waalidiinta Dugsiyada in ay diyaariyaan, hubiyaan xogta imtixaan-galayaasha fasallada 8aad iyo 12aad, ee dugsiga dhaxe iyo Sare, sidoo kalena waxaa jiri doono kormeer lagu hubinayo xogta si loo helo xog saxan oo la isku waafaqsan yahay, laguna guda gali karo qaadista imtixaanka qaranka oo wasaaraddu ay qaadayso sanadka. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi. Hoggaanka Xisbiga ayaa maanta oo u dambeysay xisbiga ka caydhiyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan guddiga fulinta, kadib markii ka horyimid banaanbax “damiir xumo ah” oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu taageerayay waxa ka socda magaalada Laascaanood. “Axmed Muumin Seed waxa uu lumiyay xubinimadii guddiga fulinta iyo ka mid ahaanshihii xisbiga Kulmiye kadib markii uu ku xad-gubay shuruucdii xisbiga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa. “Waxaa la go’aamiyay in xubinimadii guddiga fulinta ee Axmed Muumin Seed uu ahaa inuu buuxiyo Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye oo kamid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland.” Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa qoraal uu soo saaray laba maalin kahor ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xukuumadda Somaliland ay dabaal-degyo ku qabato magaalooyinka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “in la micno yihiin wiirsi iyo wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.” Xukuumadda Somaliland ayaa maalmo kahor soo abaabushay banaanbaxyo lagu bixiyay dhaqaale badan oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Burco, kuwaasi oo lagu taageerayay ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa deegaanka ee SSC. Tallaabadan uu qaaday xisbiga Kulmiye ee xubin sare oo ka tirsan xisbiga uga caydhiyay kadib markii uu taageeri waayay banaanbaxaasi ayaa fajaciso ku noqotay dad badan, ayada oo xisbigaan uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo isagu dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ay xukuumadiisu ku wajaheyso jawi nabdoon iyo wada-hadal. Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah. The post Xisbiga madaxweyne Muuse Biixi oo qaaday tallaabo dad badan ‘fajaciso ku noqotay’ appeared first on Caasimada Online.
-
Roob biyo dhigay isla markaasina lagu qabawsaday ayaa abaaro 3 galabnimo maanta ka da’ay. magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland. Roobkani oo yimid xili lagu jiray abaar ayaa ka soo horumaray xili roobaadkii guga, waxana xili roobaadkii guga la filayaa in la galo labada todobaad ee fooda inagu soo haya. Dhowr cisho ka horna waxa ay roobab aan la filayni ka da’a even qaybo ka mid ah gobolada Togdheer iyo Saaxil Qaran News
-
Mohamed Hassan Haad: “If President Hassan Sheikh Mohamud ever tries to change his term of office to stay in power longer, Badbaado Qaran is still active.“ Mogadishu (PP News Desk) — Mohamed Hassan Haad, an influential traditional leader in Mogadishu, has warned against any amendments in the presidential and legislature terms. “If President Hassan Sheikh Mohamud ever tries to change his term of office to stay in power longer, Badbaado Qaran is still active. He is now a Villa Somalia occupant because of opposition against the attempted term extension by the former government” said Haad. The Federal Government of Somalia sponsored two bills to revise the presidential and legislature terms to be discussed by the Lower House and the Upper House. A former Somalia President and two former Prime Ministers criticised Villa Somalia for triggering a constitutional crisis that damaged the legitimacy of the ten-month old dispensation. Haad’s remarks are likely to expose the capture of the bicameral legislature by Villa Somalia. Constitutional crisis: President Hassan Sheikh Mohamud undermines brittle federal institutions to stay in power beyond his legal tenure. “We have a lame-duck Upper House and Lower House micromanaged by the incumbent President. Puntland State of Somalia was right to withdraw its confidence in the federal institutions” said a former federal government minister in Mogadishu. Last week, Murursade paramilitaries blocked key roads in central Mogadishu to express dissatisfaction with what a senior politician of the clan termed “government policies that favour relatives of President Hassan Sheikh but marginalise other clans .” Two days ago, participants of Murursade Convention in Mogadishu issued a declaration in which they called on federal leaders to split the Mayor-Governor position of Banaadir region currently occupied by Abgaal, the clan to which President Mohamud belongs. © Puntland Post, 2023 The post An Influential Traditional Leader Warns Somalia President Against Term Extension appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta. Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta. Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga iyo dhoofinta Khayrkaadka Macdenta. Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Tamarta Macdenta iyo Biyaha Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: 1. Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa masuulka ah bixinta Shatiyada ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta. 2. Waxaa si kumeel gaar ah loo go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku waajibtay dhammaan macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Dowlada Puntland. 3. Waxaa la farayaa Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta. 4. Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan. 5. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Puntland oo xeer kasoo saartay Qodista iyo dhoofinta Macdanta appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa muddo dheer lagu baaqayay baabi’inta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda -National Intelligence and Security Agency (NISA) oo horey loogu magacaabi jiray Hay’adda Adeegga Amniga (National Security Services – (NSS)), si loo dabargooyo tacadiyadii iyo dhaqankii awood ku takrifalka ee caadada u noqday hay’addaas, taaso laga dhaxlay burburkii Qarankii Soomaaliyeed. NSS looma abuurin dan Soomaaliyeed. Waxaa loo abuuray cabburinta iyo ciqaabka Shacbiga Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo joogitaanka xukunka keligi taliska ahaa, loona hor istaago xorriyadda iyo xuquuqda siyasadeed ee hadalka, cabashada, iyo bannanbaxa, ka qaybgalka tartanka siyaasadda iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh “Muddo Cayiman,” ee muwaadiniinta Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen. Waxaa la wada og yahay tacadiyadii iyo xadgudubiyadii xad dhaafka ah ee NISA ku dhaqaaqday 5tii sano ee la soo dhaafay. Dastuurka kmg ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya (JFS) wuxuu faraya abuuritaanka hay’ado leh ujeedooyin, xilal, magacyo, astaamo, iyo calammo waafaqsan nidaamka dimoqradiga ah ee JFS, kaaso ku saleysan ilaalinta xorriyada, xuquuqda, iyo sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sarreynta sharciga, iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah ee ku dhisan tartan furan. Deeq bixiyayaasha Caalamka oo taagera Booliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) Soomaaliyeed kama hadlaan NISA sababtoo ah waxay qabaan in hay’adda NISA ay ka baxsan tahay hay’adaha dimoqradiga ah ee u hoggaansan dastuurka kmg. Shaqada sirdoonka dibedda iyo Ilaalinta Sirta Qaranka iyo shaqada sirdoonka/xuuraanka iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan gudaha ee hay’adda NISA u xilsaaran tahay waa shaqooyin aad muhiim u ah oo Soomaaliya baahi weyn u qabto, haseyeeshe waa shaqo gablan ah, la dayacay, taaso Ururka Al Shabab ka faa’ideystay, kuna guuleysteen inuu baado shacabka Soomaliyeed. NISA waxay ku mashquushay cabburinta, xariga, iyo ku tacadiga muwaadiniinta tabaaleysan. Sida darted, hadafka kowaad waa abuuritaanka hay’ado cusub ee wardoon oo u hoggaansan aragtida iyo mabaadi’ida dastuurka kmg ee JFS, kana shaqeeya Sirdoonka Dibedda iyo Gudaha. Shaqada Wardoonka (Intelligence) waa ururinta iyo qiimeynta xogo wartar leh oo dowladda ka kaalmeya dejinta iyo fulinta siyaasado la xiriira khataraha gudaha iyo dibedda iyo fursadaha lagu ilaalinayo laguna horumarinayo danaha iyo amniga qaranka. Dastuurka kmg wuxuu Hay’adda NISA ka xaarantimeeyay qabashada, xariga, iyo haynta qofna, waayo waa howl fashilineysa xilkeeda sirdoonka, xuuraanka, iyo ilaalinta sirta qaranka (Counter Espionage). Qodobka 126 lambarkiisa 4 ee dastuurka kmg wuxuu dhigaya in Booliska Federaalka u xilsaaran yahay ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaadiniinta iyo dadka kale ee deggan JFS. Isla qodobkaas lambarkiisa 3aad wuxuu dhigaya in CQS ee JFS u xilsaaran yihiin ilaalinta Gobannimada iyo Madaxbannaanida dalka iyo difaaca midnimada dhuleed. Halkaas waxaa ku cad in NISA kaabeyso shaqada Booliska iyo CQS. Caqabadaha loo baahnaa in la xalliyo ka hor diyaarinta Sharciga hay’adda NISA waxay ahaayeen: * Turxaan bixinta iyo dhammeystirka dastuurka kmg, taaso meesha ka saari laheyd ka shiidaal qaadashada nidaamkii Kacaanka 21ka Okttobar 1969. Turxaan bixinta dastuurka ee loo baahnaa waxaa ka mid ah in NISA, Booliska, iyo Asluubta laga saaro dallada CQS, waayo CQS waxay ka kooban yihiin Ciidanka Dhulka (lugta), Ciidanka Cirka, iyo Ciidanka Badda/Xeebaha ee Xoogga Dalka oo xilkeedu ku xusan yahay qodobka 126 (3) ee dastuurka KMG. Booliska, NISA, iyo Asluubta waa hay’ado u xilsaaran xaqiijinta dhawrista sharciga (law enforcement), lana shaqeeya Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha. Eedeysanaha waxaa maxkamadda horgeynaya Xeer ilaalinta. Hay’adaha difaaca dalka iyo Hay’adaha Ilaalinta Sharciga (law enforcement agencies) waa ku qaybsanayaasha Amniga Qaranka. *Kala soocidda xilalka/howlaha ku urursan NISA oo kala ah: 1) howlaha Sirdoonka ka hortagga iyo ka dabatagga Dambiyada (Law Enforcement and Counter-espionage Responsibilities); 2) howlaha Sirdoonka/Basaasnimada Dibedda (Foreign Intelligence and Espionage Services); 3) Howlaha Ilaalinta Madaxda iyo Hay’adaha muhiimka ah ee Qaranka (Protection Secret Services); 4) Howlaha Socdaalka iyo Jinsiyada (Immigration, Citizenship, and Naturalization and custom borders); iyo 5) Howlaha Ilaalinta Xogta qofka iyo badbaadada Adeegga Internetka (Cyber Security Services). *Soo saaridda Sharciga Muwaadinnimada JFS oo kala caddeynaya xuquuqda Soomaaliga iyo muwaadinka(Citizen) JFS. *Caddeynta Wasaaradaha ay hoos imaanayaan Xilalka/Howlaha ku urursan NISA. Ayadoo ay weli taagan yihiin caqabadaha kor xusan, ayaa labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ansixiyeen hindise Sharciyadeedka hay’adda NISA ee Golaha Wasiirrada u soo gudbiyay, kaaso ay ku kordhiyeen in Agaasimaha Guud yahay “Taliye,” taaso abuureysa jaahwareer sharci iyo habmaamus, iyo isku mid ahaanshaha NISA iyo NSS. Mudnaanta waxay aheyd in dastuurka kmg ah la turxaan bixiyo, lana dhammeystiro, la saxo qodobbada 126 iyo 127, si hay’adaha NISA, Booliska, iyo Asluubta looga sooco CQS. Arrintaas ma dhicin. Khubaro badan waxay ka welwelsan yihiin in sharciga NISA dhaawaco dadaalka dhib u dhiska Qaranka. Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch-HRW) waxay Madaxweyne Xassan ka codsatay inuusan saxiixin Sharciga NISA oo siinaya awoodo xad dhaaf ah. Waxay kaloo Saaxibadda Caalamiga ah ee Soomaaliya ka codsatay in Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyo dib u eegista Sharciga oo ka soo horjeeda nuxurka dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga ah, iyo heshiiska Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqaha aadanaha oo DFS saxiixday. Qoraalka HRW wuxuu tixaya qodobbada walaaca abuuray iyo khataraha sharciga xambaarsan yahay. Madaxweyne Xassan waa saxiixay sharcigaas. Qodobbada aan Sharciga NISA lagu xusin waxaa ka mid ah: Hay’ad Ra’yid ah (Civil Authority) ee ka tirsan Golaha Wasiirrada oo Hay’adda NISA hoos imaaneyso. Hay’adda Kormeerka (Overisight Authority) oo Wasaaradda Amniga iyo NISA xubno ka yihiin. Hay’ad gaarka ah ee xadgudubyada NISA looga dacwoonayo (Complaint Authority). Habraaca la Xisaabtanka NISA (Accountability Clause). Welwelka Sharciga NISA laga qabo waxaa ka mid ah ku xadgudubka xuquuqda siyaasiinta mucaaradka, dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo warbaahinta Xorta ah. Sidaa darted, waxaa la odorasaya in dhibaatooyin ay ka dhalan doonto dhaqangelinta sharciga NISA oo khilaafsan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah. Soomaaliya waxay ku jirta xilli ay higsaneyso inay dhexdeeda ka heshiiso, lana heshiiso adduunka, taaso saldhiggeedu yahay sarreynta sharciga. Sida awgeed, dib u eegista Sharciga NISA waa lama huran sida aqoonyahanno Soomaalaiyeed iyo Ururro Caalami ah soo jeediyeen. Tusaale ahaan, tilmaamaha dastuurka waxaa ka mid ah in awoodaha hay’adaha dowladda lagu dhiso hannaan isla xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana la hubiyo ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta. Sidaa darted, hay’adaha u xilsaaran nabadgelyada iyo sharci fulinta waa inay hoos yimaadaan ama ka amar qaataan hay’ado ra’yid ah oo hogaamiya, kormeera, kontroola. Sidaasoo kale, dhammaan dacwadaha ka baxsan CQS, waa inay qaadan Maxkamadaha Rayidka. Sharciga NISA kama tarjumayo tilmaamaha dastuurka. Ka hor ansixinta Sharciga NISA, Aqoonyahanno iyo Xildhibanno ka hadlay qaladaadka Hindise sharciyadeedka NISA ku jira waxay xuseen inay tahay maamul-xumo dowladeed in Agaasimaha Guud ee NISA soo saaro Xeer hoosaadka Maamulka iyo Xeer Nidaamiyaha hay’adda, loona baahan yahay in cid ka sarreysa Agaasimaha Guud sida Wasiirka Wasaaradda hogaamineysa NISA uu soo saaro, ansixiyo xeer hoosaadka Maamulka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA, ayadoo Agaasimaha Guud lagala tashanayo diyaarinta xeerarkaas. Lama tixgelin talooyinkii aqoonyahannada soo jeediyeen. Waxaa kaloo muhiim ah in la kala caddeeyo Jagooyinka lagu buuxinayo magacaabid siyasadeed iyo kuwa lagu buuxinayo dallacad shaqo (Career promotion). Maamul ahaan, xeer ma ahan in Hay’adda NISA oo kale ah uu Agaasimaha Guud magacaabo Ku Xigennadiisa. Guud ahaan, Hindise sharciyadeedka dhexdiisa, waxaa ku jira tanaaqud ka imaanaya ku dayashada dhaqankii dowladdii Militeriga aheyd iyo baalmarka dastuurka kmg. Ugu yaraan 25 qodob ee Sharciga NISA ayaa su’aalo ka taagan yihiin. Qodobbadaas waxaa ka mid ah: Qodobbada 7 iyo 8: Khilaaf weyn ayaa u dhexeeya qodobka ku saabsan shaqada iyo qodobka ku saabsan awoodda hay’adda. Qodobka Shaqada hay’adda wuxuu u jiheysan yahay Sirdoonka Dibedda. Qodobka Awoodda Hay’adda wuxuu u jiheysan yahay beegsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed. Fiiri 8(2,6,7,8,9,10,11,12,13). Qodobka 17 (1) ee ku saabsan shardiga “Soomaalinnimada” ee xubinnimada hay’adda wuxuu u baahan yahay faahfaahin aan mugdi ku jirin. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya Soomaali iyo Muwaadin JFS? Qodobka 20: dhaarta waxaa ku jira qalad. Qodobka 34-36: Madaama dastuurka kmg ah uusan hay’adda NISA siin xil gaar ah sida CQS iyo Booliska, waxaa muhiim ah in qodobbada 34, 35, 36 lala sugo dhammeystirka dastuurka iyo hindise sharciyadeedka Booliska Federaalka loo sameynayo. Qodobka 32. Xubnaha ka tirsan hay’adda NISA waxaa la horgeynayaa Maxkamadaha Rayidka ah waxaana lagu qaadaya Xeerka Ciqaabta. Maxkamadda CQS waxay gaar u tahay CQS. Agaasimaha Guud iyo Xubnaha NISA waxaa laga difaacaya gefafka/dambiyada ka dhasha gudasha xilkooda si niyadsami ah (Good Faith), taaso Maxkamadda sugeyso. Ma jirto cid ka sarreysa sharciga oo xasaano leh. Xasaanada Xildhabaannada BFS waxay ku kooban tahay gudashada xilkooda Barlamaanka. Labada talo ee mudan tixgelin waxay kala yihiin: In waqtiga hadda ah, shaqada NISA lagu koobo sirdoonka/basaasnimada gudaha iyo dibedda inta laga dhammeystirayo dastuurka, lagana reebo xilka sugidda amniga gudaha oo Booliska Federaalka iyo Booliska dowlad Goboleedyada u xilsaaran yihiin. Taas waxay xoojineysa sirdoonka gudaha/dibedda iyo ka faa’ideysiga maalgelinta isugu jirta qalab iyo tababarro ee la geliyay Booliska Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. DFS waxay ka faa’ideysan karta Sharciga Adeegga Sirdoonka (National Intelligence Service -NIS) ee Kenya. In Sharciga la ansixiyay dib looga noqdo, lagana doodo shanta (5) xilal ee ku urursan hay’adda NISA madaama shaqo kasta ay u baahan tahay sharciyo, xeerar, iyo xirfado kala duwan, iyo hay’ado kala duwan ee kor ka ilaaliya. Waxaa habboon in hay’adda NISA loo xilsaaro sirdoonka/basaasnimada dibedda (Foreign Inelligence and Espionage Services) sida hay’adaha C.I.A. Mareykanka iyo hay’adda Talyaaniga AISE (Agenzia per le informazioni e sicurezza Estera). Soomaaliya waxay baahi weyn u qabta xoojinta Sirdoonka/Basaasnimada Dibedda si ay ula socoto siyaasadaha Caalamka ee ku wajahan deegaan Goboleedka (International Geopolitics). Sidaas oo kale, NISA waxay qayb ka qaadaneysa Sirdoonka/Xuuranka Gudaha ee looga hortagayo ama looga daba tagayo dambiyada abaabulan iyo argagixisada. Booliska Federaalka iyo Booliska DG ayaa u xilsaaran dabagalka iyo baarista dambiyada ayagoo la shaqeynaya Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha sida hay’adda Mareykanka F.B.I. iyo Hay’adda Talyaaniga AISI (Agenzia per le Informazioni e Sicurezza Interna) iyo Ciidanka Carabinieri. Dr. Maxamud M. Culusow mohamuduluso@gmail.com. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo la socodka dastuurka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan oo ah tirada koormaku uu ku furmay. Shantaan Xubnood ayaa waxaa horay usoo gudbisay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka, waxaana golaha u mahadceliyay Wasiirka cadaaladda Xasan Macalin, xubnahaan ayaa waxaa ay dib u eegis iyo wax kabedel ku sameyn doonaan Dastuurka ku meel-gaarka ah. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay meel mariyay hindisayaal dhowr ah, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaaraddo kale duwan, waxaana ugu dambeeyay sharciga nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka oo hey’adda NISA yeelatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Arrintan ayaa ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa ; xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda. Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ayaa sanadkan gudihiisa waxaa ay qorsheyneysaa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, isaga oo markaas kadib dhaqan gal ka noqon doona guud ahaan dalka ay fulin doonto wasaaradda arrimaha gudaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda beelweynta Xawaadle. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qabsoomay gelinkii dambe ee shalay, waxaana madasha ku wada sugnaa dhamman xildhibaanada labada aqal ee beesha Xawaadle. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka oo uu albaabada u xirnaa diiradda lagu saaray tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, si xal loogu helo cabashadaas oo muddo dheer soo taaneyd. Xogta aan helenyo ayaa sidoo kale sheegeyso in kulanka uu kusoo dhammaaday is afgarad, ayada oo lagu ballamay in lasii wado wadahadalka labada dhinac. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kukanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweynuhu ku amaanay reer Hiiraan, sida ay ugu istaageen xoreynta deegaankooda, kadib dagaallo culus oo ay la galeen Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale xildhibaanada Xawaadle ay madasha kusoo bandhigay baahida caafimaad ee ka jirta deegaankooda, gaar ahaan Hiiraan, ayada oo la’isku raacay in dowladda fedaraalka ay Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada deegaanka Macawiisleyda ee dagaalada kula jira kooxda Al-shabaab. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu laayey ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo dhaawac ahaan loo keenay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu weeraray gurigii lagu daaweynayey oo ku yaalla gudaha degmada Cabdicasiis. Sidoo kale xildhibaanada beesha Xawaadle ayaa iska soo xulay guddi ka kooban saddex xubnood oo ay u xil-saareen dhammeystirka tabashada ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala yihiin saddexdaas xubnood, Senator Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe). Si kastaba, kulankan ayaa daba socday shir ay dhowaan siyaasiyiinta beesha Xawaadle ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, kaas oo lagu soo bandhigay qodobo xasaasi ah oo ay beesha uga tabaneysay dowladda federaalka ah iyo HirShabelle. The post Xog ku saabsan kulanka Xasan Sheekh iyo xildhibaanadda beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Seven Somali pirates who were previously sentenced to life imprisonment by the High Court of Dar es Salaam in Tanzania have been resentenced to three years in prison. The pirates, who had been in custody for 12 years since their arrest in 2011, had admitted to launching an armed attack on an oil exploration vessel in Tanzanian waters. The attack took place in the Indian Ocean near Mafia Island. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Seven Somali pirates who were previously sentenced to life imprisonment by the High Court of Dar es Salaam in Tanzania have been resentenced to three years in prison. The pirates, who had been in custody for 12 years since their arrest in 2011, had admitted to launching an armed attack on an oil exploration vessel in Tanzanian waters. The attack took place in the Indian Ocean near Mafia Island. Source: Hiiraan Online
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska ciidamada deegaanka ee magaalada Laascaanood, isla-markaana dagaalka kula jira ciidanka milatariga Somaliland ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha magaaladaasi. Taliyaha ciidanka xasilinta ee ku sugan Laascaanood Cali Gowrac oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro saameynaya dadweynaha, isaga oo ka dalbaday inay fuliyaan. “Waxaa halkan farriin iyo cod dheer u marinayaa shacabka ku nool degmada Laascaanood inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidanka kasoo baxday, ayna fuliyaan,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in bandow habeenkii ah ay kusoo rogeen magaalada Laascaanood, kaas oo bilaabanayo sagaalka habeenimo, si loola socdo xaaladda guud. Cali Gowrac ayaa sidoo kale faray ganacsatada iyo dadweynaha ku haray magaalada inay u hoggaansamaan bandowga oo isla xalay ka dhaqan-galay magaaladaasi. “Saddex saac habeenimo wixii ka dambeeyo magaaladu waa bandow mehradaha mehrad furan lama arki karo goobaha ganacsigam” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay laga dagaalamayaan kooxaa ka ganacsada maan dooriyaha & kuwa isticmaala ee ku sugan halkaasi, isaga oo tilmaamay inay mamnuuceen. “Baahasha la yiraahdo Qamriga dadka islaamku ma isticmaalaan, waana ka mamnuuc gobolka qof alla qofkii lagu qabto isaga oo cabsan ama ka ganacsanaya waxaa la horgeyn doonaa sharcigam” ayuu markale hadalkiisa ku daray taliyaha ciidanka jooga Laascaanood. Xaaladda Laascaanood ayaa saddexdii maalmood lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagan dagaalkii ka socday magaaladam inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac. The post Bandowgii lagu soo rogay Laascaanood oo dhaqan-galay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Guurtida warbaahinta la wadaagtay Tirada Dadka anshax xumada loo xidhay. Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye kuxigeenka golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay. Guddoomiye ku xigeenku waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in la dhageysan doono warbixinaha guddi hoosaadyada golaha guurtida ee kalfadhigii 80aad. Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadeglyada iyo ditaaca ee golaha guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase), ayaa sheegay 40 qof loo hayo Liwaad ama Qoomuluud. Waxa uu sheegay in 12 maxkamad lageeyay, in baadhis lagu sameeyay 16, in 8na ay garsugayaal yihiin, halka 4 qofna lagu xukumay 8 sano oo xadhiga. Source
-
Maxkamada Sare ee Darusalaam ee dalka Tanzania ayaa sadax sano oo xadhig ah ku xukuntay rag Budhcad badeed Soomaali ah oo ka kooban 7 oo hore ugu xakuna xabsi daa’in, kuwaas laga soo qabtay Badweynta “Indian Ocean” meel jaziirad ah oo lagu magacaabo Mafia oo ku taala dalka Tanzania sanadkii 2011-kii. Ragaan budhcad Badeeda oo hore u qirtay dambigooda ayaa ku xukunaay xabsi daa’in laga soo bilaabo xiligii lasoo qabtay oo aheyd 3-dii Oktoobar 2011-kii, waxayna ku jireen xabsiyo kala duwan oo ku yaala Tanzania muddo 12 sano ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay iyagoo weerar budhcad badeednimo oo hubaysan ku qaaday markab shidaal baadhe aha kana shaqaynayay biyaha Tanzania. 3-dii Nofember 2021 ayaa Safaaradda Soomaaliya ee Darusalaam, waxay qabanqaabisay shirkii ugu horeeyay ay isugu yimaadeen Safiirka safaaradda, diblomaasiyiinta, jaaliyadda Soomaalida iyo haween u istaagay ka warqabka budhcad badeedaan Soomaalida si loo ogaado in dib loo furi karo dacwadooda, lana heli karo qareen difaaca. 24-kii Febraayo ayaa safaaradda iyo jaaliyadda waxaa lagu wargeliyay iney yimaadaan xabsi ku yaala magaalada Kibaha (Kibaha is one of nine administrative districts of Pwani Region in Tanzania) si ay u dhageystaan dacwadda loo haysto dhallinyarada Soomaaliyeed, halkaasoo ay isugu yimaadeen dacwad oogaha (Prosecutor), Boliska, Nabadsugidda, ciidamada Badda iyo qareenadii u doodayay burcad badeeda, dood dheer oo adag kadib ayaa la soo bandhigay codsiyo kala duwan oo Maxkamada u jeediyeen masuuliyiinta Safaaradda, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ragga burcad badeeda naftooda oo la sheegay iney muujiyeen asluub wanaag mudadii 12 sanno aheyd oo ay xidhnayeen Ragaan 7-da qof ah ee budhcad badeeda ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nuur Adan Dhiblawe, Bashiir Yusuf Roble, Cabdiwaxid M. Cabdirahman, Farhan Cali Dahir, Muxsin Sheikh Xaji, Cumar Nur Cali, Siid Cumar Mudeey, waxaana la sheegay in ragaan qaarkood xaalado Caafimaad daro oo sababay in midna lugta looga jaray, midna uu ku dhaga beelay iney la kulmeen mudada 12 sano ay xabsiga ku jireen. Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamada Sare Darusalaam ee dalka Tanzania ayaa 9-kii bishaan march qiraalka dambiyada raga budhcad badeeda kadib ku xukumay sadax sano xadhiga ah oo ka dhigeysa iney dhameysan doonaan 15 sano oo xadhiga oo ay ka badbaadeen xabsi daa’inkii ay ku xukunayeen ragaan oo ay ku jiraan dhalinyaro aad u da’yar oo qaarkood aanan qaan gaar aheyn xiligii gacanta lagu soo dhigayay. Source
-
Washingtong (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa warbixin cusub ka soo saartay duqeymaha ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan khasaaraha kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Warbixintan oo si gaar ah uga soo baxday taliska militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeymaha ay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay heshay laba warbixinood oo dhaawac rayid ah oo dhacay Septembar 23, 2022 iyo October 1, 2022-kii, sida lagu sheegay bayaanka. Qirashada Mareykanka ee waxyeelaynta dadka shacabka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli ay diyaaradaha dagaalka ee waddankaas ay haatan kordhiyeen weerarada Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa soo saarista warbxinada ka hadlay khasaaraha rayidka ah bilaabay April 2020-kii, waana warbixintii 12-aad ee uu Mareykanka ku shaacinayo khasaaraha shacabka. Warbixinadan ayaa sidoo kale qayb ka ah ballanqaadka taliska AFRICOM ee hufnaanta iyo isla xisaabtanka, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay milatariga Mareykanka. Taliska AFRICOM wuxuu intaasi kusii daray inay halkooda ay kasii wadi doonaan dadaalka, ayada oo la ilaalinayo badqabadka dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed. “Talisku waxa uu sii wadi doonaa ilaalinta badqabka rayidka, wuxuuna sameyn doonaa dib u eegista iyo qiimaynta warbixin kasta oo ku saabsan waxyeelada shacabka” ayaa lagu yiri. Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhanka milatariga ka caawiyo dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. The post Mareykanka oo qirtay inuu SHACAB ku duqeeyay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
