-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Galkayo (HOL) - Gunmen assassinated a prominent traditional elder, Abdi Aden Said, in Galkacyo on Saturday night, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada Gaalkacyo ay koox hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug. Kooxda hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Nabadoonka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo, oo uu kusoo tukaday Salaaddii Maqrib. Nabadoonka ayaa waxay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, ayada oo isla goobtaasi uu markiiba ku naf baxay Allaha unaxariiste. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, kuwaasi oo ilaa saakay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay Nabadoon Cabdi Dheere. Laamaha amaanka ayaa weli waxay ku raad joogaan kooxda dilka geystay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Saraakiisha amniga ma bixin faah-faahin intaas ka badan, sida haddii lasoo qabtay dad lagu tuhmayo dilkaan iyo inkale. Si kastaba, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankeedu soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa. The post Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Jawiga Xarunta Guud ee Golaha wakiilada ee maanta Fdhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta ayaa Gabi ahaanba baaqday Ka dib buuq iyo sawaxan Shalay hadheeyay. Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha ayaa Shalay Mudanayaasha Ku wargaliyay inay Maalinta beri ah yimaadaan, balse waxa la sheegay in xalay Fariin fasax loogu diray whatsappka Mudanayaasha. Jawiga Xarunta golaha wakiilada ee maanta ayaa sidan ahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaamac Xasan Khaliif. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee Wasaaradda, waxaana looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Wasaaradda ayaa amartay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taas oo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay hanaanka shaqo ee Suuqa. Sidoo kale shirkadaha ayaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimaym si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta. “Waxaa dambi ah shirkaddii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale dalbatay shirkadaha Isgaarsiinta inay u hoggaansamaan shuruucda uu taalla dalka, si loo ilaaliyo khadka Isgaarsiinrta. “Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”. ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda. Dhanka kale Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shaaca ka qaaday in arrimaha Isgaarsiinta ay si gaar ah mas’uul uga tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo ay sheegtay in lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaas oo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha. “Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha “Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Wasaaradda. The post Sawirro: DF oo amar culus kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta. “Shirka waxaa ka qeybgalay ,Wasiir-kuxigeenka wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee wasaaradda “Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo wasaaraddu baahisay. “Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu sidoo kale lasii raaciyay hadalka kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta. Hadalka kasoo baxay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe shirar isdabajoog ah uu u socday Shirkadaha isggaarsiinta iyo wasaaradda, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay shirkadaha oo ku aadan amar ay dul dhigtay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo looga hadlay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqab ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta ayaa waxaana Shirka ka qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir-kuxigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Duwane Isaq, Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta. Shirkada waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta kuwaas oo lagu bixiyo shatiga Spectrum, waxaa laga qaadaya Talaabo sharciga waafaqsan. Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Wasaaradda u qaabilsan Arimaha Isgaarsiinta waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale. -DHAMMAAD- The post Wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya oo amar siisay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi. Deni oo wareegto soo saaray ayaa asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka. “Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023,” ayuu lagu yiri wareegtada. Go’aanka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda warqaddii dhowaan ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka mamaulkaas, ujeedadeeduna tahay mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland. “Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland. Halkan hoose ka aqriso:- ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND. Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Madaxweyne Deni oo go’aan kasoo saaray doorashada Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Puntland oo muddaysay wakhtiga la qabanayo Doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan baahisay muuqaal laga duubay nin Ajnabi oo horay weerar is-miidaamin ahaa uga filiyay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed. Al-Shabaab ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Ramadan Mwan, kaas oo bishii April ee 2021 isku qarxiyay saldhigga Bariire oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor. Magaca afgarashada ee nikaas ayaa ahaa Abdulhaq Al-Muhajir, wuxuuna kasoo jeeday waddanka Kenya, sida uu ku sheegay muuqaalka ay sii deysay kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku tababar ku qaaday gudaha Soomaaliya, isla-markaana uu ka dagaalamay deegaano ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Weerarka is-miidaaminta ee uu fuliyay ninkan ayaa hordhac u ahaa dagaal toos ah oo ay Al-Shabaab xilligaas ku qaaday xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo mar dambe lagu jabiyay ragga weerarka qaaday. Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa in weerarkaas ay ku furtaan saad tiro badan oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka, kaas oo wax ka yar 24 saac yaallay xeradaasi. Balse ciidamada Xoogga dalka ayaa jilibka u dhigtay kooxda, iskana difaacay weerarka, taas oo keentay in maalmo kadib uu askari kasta dalacsiiyay taliye Odawaa Yuusuf Raage. Baahinta muuqaalkan ayaa kusoo aaday, xilli haatan Al-Shabaab laga qabsaday dhul ballaaran, kadib dagaallo culus oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin Ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka. The post Al-Shabaab oo baahisay muuqaalka nin Ajnabi ah oo isku qarxiyay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Khilaaf Ka Dhashay Diiwaangelinta Puntland Ee Gobolka Mudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xilli dowlad goboleedka Puntland gobolka Mudug ay ka bilowday diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ayaa waxaa soo baxaya muran ku aadan deegaannada gobolka, kaas oo u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Puntland oo wada mashruuca diiwaan gelinta. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Abdi Shiikhoow oo shir’jaraaid qabtay siweyn u cambaareeyay maamulka Puntland oo diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ka billaabay deegaannada Dhinowda iyo Hirsalaama oo uu sheegay wasiirku in ay ka tirsan yihiin Galmudug. Wasiirka Shiikhoow ayaa sheegay in maamulka Galmud aysan aqbali doonin tallaabada ay qaadan Puntland, isaga oo ugu baaqay maamulkain waantowdo baabi’inta nabadda iyo is dhexgalka dadka daga deegaannadaas ee ka kala tirsan labada maamul ee deriska ah. “Mala idinka aqbali doono in aad diiwaangashataan dad aan Puntland kasoo jeedin oo ku nool dhul aan Puntland ka tirsaneen, ka waantooba arrintaas, yaan laga shaqeyn burburinta amniga iyo nabad ku wada noolaashaha dadkaan walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka. Gobolka Mudug ayaa waxaa deegaannadiisa ka kala arrimiya maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana in badan ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay dhinacyad, walow muddooyinkii dambe deegaannada gobolka oo ay ku jirto Gaalkacyo nabad loogu wada noolaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Dalka Sucudiga ayaa joojiyey Xoolihii uga iman jiray Somaliland, waxaana xoolahani lagu xidhay warqad lagasoo qaadanaayo Dawlada Somaliya. Maraakiib xoolo ka raray dekeda berbera ayaa ku xayiran Sucuudiga, kuwo kale oo dekeda berbera taagan ayaa sidoo kale dawlada Sucuudigu ku wargalisay in aanay soo rarin xoolo aan sidan warqadaasi dawlada Somaliya, sida ay kusoo waramayaan wariye yaasha Berbera. Ilaa hadda Somaliland arintan kama hadal. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qaraxyo ah oo saaka lagu qaaday guri ay degmada Dayniile ka dagan yihiin taliyaha Nabad Sugidda degmadaasi iyo taliyihii ka horreeyay ee NISA ee isla Dayniile. Qaraxyada oo ahaa miino, isla-markaana labo ahaa ayaa lagu weeraray dhismaha guri ay si wadajir ah u dagaan yihiin labada taliye, kaas oo ku yaalla xaafadda Saban Saban. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo taliyihii uga horreeyay xilkaasi, Cumar Cabdi Fiidow ay labaduba dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyada saaka aroortii hore lagu weeraray gurigooda. Sidoo kale waxaa weerarkan ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah askar ilaalo u aheyd labada taliye iyo xubnaha kamid ah qoyska, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Dayniile, kadib qaraxyada xoogan ee ka dhacay halkaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgalka xigay. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxyada ah ee lagu qaaday guriga ay dagan yihiin taliyeyaashaasi oo si weyn looga maqlay Dayniile Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorseysan. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada dowladda iyo saraakiisha ku sugan Muqdisho. The post Guriga taliyeyaal ka tirsan NISA oo qaraxyo lagu weeraray + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin oo Saakay lagu weeraray guriga taliyaha Nabad sugidda degmada Deyniile ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo deganaa xaafadda Saban Saban, halkaas oo ku dhow xerada Kulyadda Jaalle Siyaad. Qaraxyada oo jugtooda siweyn loo maqlay ayaa inta badan sababay khasaare dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in dadka dhaawacmay ay ku jiraan taliyaha Nabad sugidda degmada, taliyihii hore ee xilkaas soo qabtay Cumar Cabdi Fiidow iyo askar ilaalo u aheyd saraakiisha la weeraray. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dad la daris ahaa guriga la beegsaday ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxyada, ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaanno ku aadan weerarka lagu qaaday guriga taliyaha Nabad sugidda degmada. Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weerarro nuucaan oo kale, kuwaas oo ay geystaan Al-shabaab, waxaana inta badan lagu weeraraa mas’uuliyiin dowladda iyo Shakhsiyaad gaar ah, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiis Xabadjoojin ah kala dhexdhigay Beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, Beelahaan ayaa kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe, heshiiskaan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamaca(Cabdi Waayeel). Heshiiska Beelahaan oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in labada dhinac ay nabad ay ku wada noolaadaan, Wasiir Cabdi waayeel oo Khuudbad dheer ka jeediyay madasha shirka ayaa ugu baaqay Odayasha si bulshadu nabad ugu wada noolaato, isaga oo xusay in dhaqan galkeeda maamulka uu ka qeybqaadan doono. Odayaasha Dhaqanka labada beelood oo goobta kahadlay ayaa xusay dhankooda ay diyaar u yihiin soo afjaridda colaadda muddada dheer u dhaxeysay labadaan Beelood, iyadoo la xasuusto in dagaallo culus oo dhex maray uu sababay khasaare baahsan oo soo kala gaaray dhinacyada, iyaga oo inta badan isku qabta dhuldaaqsimeedka. Wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta Galmudug ayaa dhowr jeer ku guuleysatay in lasoo gabagabeeyo colaado u dhaxeeyay beelo dega deegaannada Galmudug, waxaana heshiiska beelahaan uu kusoo aadayaa xilli dalka intiisa badan ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada intaba saameysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid islaxisaabtan shaqo ayaa diirada lagu saaray in Guddoomiye kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u haayo gaar ahaan Sugida Amniga, Diiwaangalinta Guryaha iyo dadweynaha kunool, Bilicda, Daqliga, la dagaalanka Kooxaha burcadka iyo Ciyaal weerada, Ciribtirka waxyaabaha Maandooriyaha iyo fulinta Barnaamijka Garanwaa. Guddoomiyaha gobolka ayaa muddooyinkii dambe degmooyinka gobolka iyo deegaannada la dariska ah ka waday kulamo looga arrinsano amniga iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa waxyaabaha amniga lidka ku ah, waxaana uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah muddooyinkii dambe laamaha amnigu sidoo kale ay ka wadeen la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weerada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#176. Doorashada kursigan ayaa waxaa u tartamay laba musharax, kuwaasi oo kala ahaa Mukhtar Maxamed Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi. Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay kursiga HOP#176, sida uu shaaciyay guddiga ku-meel gaar ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan BF. Guusha Mukhtaar ee kursigaan ayaa timid kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Samow Abdi, ayada oo sidaasna gacan taag loogu codeeyay Mukhtaar Maxamed Mursal oo helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneyd. “Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudo-galay, waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Mohamed Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka. Mukhtar Maxamed Mursal ayaa waxaa dhalay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Booroow) oo 20-ka bishii September ee sanadkii hore ku geeriyoodey magalada Muqdisho. Kursigan ayaa noqonaya kii afaraad ee doorashadiisa uu qabto guddigaan, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad. Guddigan ayaa sidoo kale dhawaan qabtay doorashada kursiga HOP#086 oo muran badan uu ka taagna hab maamulkiisa, ayada oo laga soo wareejiyay deegaan doorashadiisi oo aheyd Beledweyne, islamarkaana lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kursigaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin kadib markii la laalay doorashadiisa ayaa waxa uu guddiga sheegay in uu kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed. Si kastaba, Guddiga KMG ee doorashooyinka oo uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay inuu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah. The post Sawirro: Doorashada kursi ka banaan BF oo lagu qabtay Baydhaba – Yaa ku soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
