-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kalfadhigii golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka u furmi waayay Kooram la’aan, ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tirada xildhibaanada ee uu ku furmo kalfadhigu. Golaha wakiilada ayaa u balansanaa Xeerka Macdanta oo golaha guurtida kasoo noqday. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo faragelin toos ah ku sameysay xiisadda magaalada Laascaanood ee u dhexeysa Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saartay arrintaasi, kuwaas oo bilaabay qorshe u kuur-gelid ah. Xubnaha ka socda QM oo gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay waxgaradka SSC, ayaga OO kala hadlay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood. Odayaasha kulanka ka qayb-galay ayaa waxaa kamid ah Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug. Wararka ayaa sheegaya in waxgaradka SSC ay khubarada QM la wadaageen warbixin iyo caddeymo ku aadan gabood fallo ay sheegeen inay Somaliland ka geysatay halkaasi. SSC ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ku aadan in Somaliland ay duqeyn ku garaacday shacab aan waxba galabsan, isla-markaana sababay jariimooyin. Sidoo kale odayaasha waxa ay guddiga la wadaageen khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday reer Laascaanood. Dhanka kale guddiga QM ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxweynaha Somaliland, si ay ugala hadlaan xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, si loo soo afjaro dagaalka, sidoo kalena loo caawiyo dadka ay dhibaatada soo gaartay. Intaas kadib khubarada ayaa guda geli doona baaritaankooda ku aadan dagaalladii iyo duqeymihii ka dhacay halkaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay. The post QM oo faragelisay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga madaxabannaan ee dib-u eegista dastuurka dalka, oo ka kooban 5 xubnood. Xubnahaan ayaa waxaa horay usoo ansixiyay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soonaaliya oo ay hor geysay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda federalka Soomaaliya. 1. Maxamed Xasan Idiris. 2. Farxiya Muumin Cali. 3. Burhaan Aadan Cumar. 4. Axmed Maxamuud Jaamac. 5. Maxamed Cabdalla Saalax. Xubnahaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay bilowdaan shaqadooda, kadib marka uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyagoo dib u eegis ku sameynaya Dastuurka oo faafreeb lagu wado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulankan u dhaxeeyay Duqa Magaalada Muqdisho iyo Safiirka Talyaaniga ayaa sidoo kale looga hadlay arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gacanta, maareenta Barakacyaasha iyo dib usoo celinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty. Dowladda Taliyaaniga ayaa kamid ah dowlaha Soomaaliya ka fuliyay mashaariicda hormarineed ee dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo lagu xasuusto dhimaha Isbitaallada Banaadir, Digfeer iyo xarunta Jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo ay dowldda Taliyaanigu Hirgelisay wadooyin iyo xarumo kale oo muhiim ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska. Maxkamadda ayaa Booliska gobolka Banaadir ku amartay in dadka laga saaro dhulkaasi oo dan guud ah, kuna yaallo xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir. Ciidamada Booliska oo fulinaya amarka maxkamadda ayaa burburin ku bilaabay xaafadaas, waxaana la arkayay alaab dhulka daadsan iyo dadweyne qaylo dhaaminaya. Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan iyo hadal heyn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka. “Dowladda waxay soo saartay AMAR ah in shacab dhan 3,200 (SADDEX KUN IYO LABBO BOQOL) oo qoys oo reer Buulo xuubeey ah si awood ah looga saarayo dhulka ay dagganyihiin. Dhulka ayaa ka billaabanaya Darbiga Hotel Jazeera gaar ahaan gurigii uu daganaa Hoggaamiyihii weynaa AUN Maxamed Qanyare Afrax, kuna tagaya biyo-dageenka Buulo xuubeeym” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray siyaasiga Cali Yare Cali. Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo kula taliyay inuu ka leexdo waddada dhul boobka, sida uu hadalka u dhigay. “Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho oo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turom” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga G/ Banaadir. Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Sidii horay u dhacday dadka ka baxso ee dabaq ka dhiso waxaa laga dhaxlay natiijadii Arbacadii, 08- February 2017.” The post Tallaabo ay qaaday DF oo xiisad cusub ka abuurtay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta si deg-deg ah looga saaray hoolka uu haatan ka socdo shirweynaha waxbarashada dalka, kadib markii uu dab ka kacay qaybo ka mid ah hoolka. Ilaalada madaxweynaha iyo kooxda qaabilsan baratakoolka ayaa tallaabo deg-deg ah qaaday, markii uu dab ka kacay, waxaana madaxweynaha loo saaray banaanka hoolka. Sababta loo saaray madaxweynaha ayaa la xiriirta badqabkiisa, maadaama xaalad degdeg ah ay soo korortay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo goobta ku sugan. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, wuxuuna sababay in shirka uu galo hakad, maadaama ay xaalad deg deg soo korortay. Sidoo kale arrintaan ayaa cabsi weyn dhalisay, taas oo ku aadan in dabka uu sii faafo, ayada oo ay goobta ku sugnaayeen madax kala duwan oo uu ugu sarreeyo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo bahda waxbarashada dalka. Xaaladda goobta ayaa mar qura isbedashay, waxaana haatan billowday dadaallo lagu daminayo dabkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, walow haatan xaaladdu ay dagan tahay. Gubashada ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badaneysay caasimada, waxaana maalin kahor uu dab qabsaday, isbitaalka Martiini, kaas oo geystay khasaare xoogan. Waxaa sidoo kale horay u gubtay xaafado ka tirsan Muqdisho iyo goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka Banaadir iyo Suuqa Bakaaraha, kadib markii uu dab xoogan qabsaday. The post Xasan Sheekh oo laga saaray hoolka shirka waxbarashada kadib arrin dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dahafuray tababar socon doono muda 7-cisho ah oo loo qabtay howl Wadeenada waaxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo ay bixin doonaan khubarro ka socota dalka Turkiga. Tababarkan oo ay fulin doonan Howl wadeena ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa ah mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha kooxda Dabdamiska ee D/H/X, waxaana inta uu socdo ay ku qaadan doonaan sida ugu haboon ee looga howlgalo marka ay kacaan musiibooyinka dabka, taas oo in badan Soomaaliya ka geysata khasaare soo gaara muwaadiniin Soomaaliyeed oo Hanti iyo guryo ku waaya. Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga, isagoo Intaa kadib uga mahadceliyay Dowllada Turkiga iyo shacab keeda sida walalnimada leh oo ay u garab istaagtay dib usoo kabashada Dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa warbixin cusub ka soo saartay xogta barakacayaasha Laascaanood. Warbixinta Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa lagu sheegay in barakacayaal cusub oo ka soo cararay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay deeq-bixiyaasha ku gacan-siinayso taakulaynta shacabka u bara-kacay degaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Somaliland ayaa sidoo kale xustay in ay samaysay nidaam fududaynaya in dhammaan hay’aduhu si sahlan u caawiyaan barakacayaasha Laascaanood. Dhinaca kale, SSC-Khaatumo weli kama jawaabin warbixinta ku saabsan xogta barakacayaasha Laascaanood ee Somaliland soo bandhigtay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo sheegtay in dad ka bara-kacay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Liyuu Boolis ee ku sugnaa xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalka Itoobiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay baneeyeen fariisino ay ku lahaayeen xadka in mudda ah, iyagoo halkaas dhowaan dagaal kula galay dagaalaayaal ka tirsan Al-shabaab. Ciidanka in ay ka guuraan fiisimahooda xadka gobolka ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ay soo gaareen halkaas, halka Liyuu Booliska ay dib ugu laabteen gudaha Itoobiya sida lasoo sheegayo. Wali majiro wax war ah oo ku aadan ka bixitaanka ciidanka dowlad deegaanka oo kasoo baxay maamulka iyo dowladda fedralka Itoobiya, walow ciidamo badan oo ka tirsan Milatariga Itoobiya ay qeyb ay gudaha u soo galeen Soomaaliya meelo kamid. Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan dowladaha Safka hore waxaa ay ka dalbatay in laga gacansiiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu wadaa in gudaha dalka ay soo gaaraan ciidamo ka tirsan Milataiga Kenya iyo Jabuuti. Ciidamadaan ka tirsan dowladda Itoobiya ee soo gaaray gobolka Bokool ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli dhowaan madaxda dowladaha safka hore iyo madaxweyne Xasan Shiikh ay kulan ku yeesheen Muqdisho, kaas oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi ka socda Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dalka Kuwait uga qayb galaya shirka guddiga joogtada ee Warfaafinta Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu wado inuu ka furmo dalkaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha warfaafinta ee dalalka Jaamacadda carabta. Shirkan oo maanta ka furmay dalka Kuwait caasimaddiisa Kuwait ayaa waxa ka qayb galaya wafdi ka socda wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kala ah Marwo Ifraax Maxamed Cabdikariim oo ah agaasimaha waaxda Wacyi-galinta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ee wasaaradda Warfaafinta iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda. Shirkan oo muddo 3 maalin ah soconaya ayaa maanta looga hadlay sidii dalalka Carabta iyo warbaahintoodda isaga kaashan lahaayeen Doowrka Warbaahineeed ee ladagaalanka argagixisada oo dhibaato ba’an ku haysa dalalka Carabta iyo ficiladooda Guracan, iyadoo si gaara loo xusay in dhammaan loo midoobo la dagaalanka fakirka xagjirka ah. agaasimaha waaxda Wacyi-galinta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ee wasaaradda Warfaafinta Marwo Ifraax Maxamed Cabdikariim oo qudbad ka jeedisay shirka ayaa sheegtay in Soomaaliya dagaal Fikir iyo Mid Caskari oo balaaran kula jirto argagixisada iyo sidii loo suulin lahaa. Ifraax ayaa ugu baaqday in dalalka Carabta warbaahintoodda ka qayb qaataan dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in argagixisada Khawaarijta Soomaaliya laga sifeeyo dhawaan sidoo kalana ay dhaqangaliso Warbaahinta Carbeed Adeegsiga ugu yeerida Khawaarijta Al-shabaab. Jaamacadda Carabta gaar ahaan qeybta Warfaafinta ayaa wado cilmi-baaris lagu sameynayo qaabka Warfaafin ahaan dagaalka argagaxisada lagu haayo uga qayb qaadan lahayd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Safiirka cusub ee ITOOBIYA oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo dhaweeyay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo dirtay Soomaaliya, Mukhtar Mohamed Ware. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) ayaa danjiraha kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isaga oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda. Huruuse ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiir Mohamed Ware oo beddalaya danjirihii hore ee Itoobiya oo muddo xileedkiisa dhameystay. “Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo saaray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda. “Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda ugu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, waxaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka, ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah,” ayuu markale yiri. Dhanka kale waxa uu wasiirku safiirka cusub ee Itoobiya u rajeeyay guul iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada waddan. “Waxaan rajaynayaa in danjiraha cusubi sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal” ayuu raaciyay qoraalkiisa. Safiirka cusub ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale tegi doono xarunta Villa Soomaaliya, si uu waraaqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xasan Sheekh. Itoobiya ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee Soomaaliya. The post Safiirka cusub ee ITOOBIYA oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Maxkamadda ciidammada qalabka sidda ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay laba askari oo katirsanaa ciidanka dowladda. Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabsullaahi oo kawada tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu fuliyay xukun qisaas ah sida ay maxkamaddu sheegtay. Cabdishakuur ayaa hore u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen. Halka Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle uu isna dilay Cabdixakiin Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay. Source
-
Mogadishu (HOL) - Two members of the Somali Police Force, Abdi Shakur Ahmed Mohamud and Abdi Jamal Abdullahi, were executed by a firing squad in Mogadishu on Monday morning after being convicted of murder. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo muhiimad gaar ah siinaya Shacabka ka soo barakacay colaadda magaalada Laascaanood ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee Soomaaliya Mrs Audrey Crawford. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay in uu qaabilay islamarkaana kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee Soomaaliya Mrs Audrey Crawford. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii DRC ay kaalin xoogan uga qaadan lahayd gurmadka loo fidinayo Shacabka ka soo barakacay dagaalka Somaliland ka waddo magaalada Laascaanood. “Kulanka ayaa looga hadlay sidii DRC kaalin xoogan uga qaadan lahayd gurmadka loo fidinayo Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood, kaas oo saamayn Naf iyo Maalba leh ku yeeshay bulshada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Hay’adda DRC oo ka wada-hadlay u gurmadka shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Senatorrada golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa ah: 1. Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. 2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta. 3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya. 4. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa meelmariyay dhowr Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa kala aha: 1. Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. 2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta. 3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya. 4. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada. Mahadsanidiin. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii dambe waday shaqooyin deg deg, iyagoo meelmariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo gudbay aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska oo taageero ka helaya kuwa Daraawiishta dowld goboleedka jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay wadajir u fuliyeen lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka ay ciidanku gaareen Howlagalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose, waxaana qeyb ka ahaa rurka 5-aad Guutada 16-aad ee kumandooska Danab ee Xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Jubbaland oo ay howlgallo ay ka socdaan. Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay 7 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, halka sidoo kale lagu dhaawacay 5 kale, iyagoo intaas ku daray in howlgalka lagu furtay 4-qori oo ah nooca AK47, 1-qori oo BKM. Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe howlgallo isdaba joog ah ka waday deegaanno ka tirsan maamulkaas, xilli dhowaan la filaayo in howlgalka wajigiisa labaad uu ka bilowdo halkaas, sida ay horey u shaacisay dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xubno ka mid ah madax dhaqameedka SSC-Khaatumo iyo Guddida-33 ayaa magaalada Garoowe kula kulmay guddi khubaro ah oo ka socda Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kuwaas oo ku hawlan u kuurgalidda iyo xaqiiqo raadinta xaaladda Laascaanood iyo degaannada SSC-Khaatumo. Dhinaca SSC-Khaatumo waxaa ka qaybgalay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug iyo xubno kale. Madaxda SSC-Khaatumo ayaa warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda taagan iyo jariimooyinkii uu maamulka Somaliland degaanka ka geysanayay intii uu joogay ilaa laga soo weerarka bahalnimada ah ee hadda socda. Waxaa kale oo ay gudbiyeen gal dhammaystiran oo taariikh mugweyn xambaarsan. Degaannada SSC-Khaatumo iyo shacabka Sool clan waxa ay halgan dheer la galeen gumeystihii, marna ma aysan aqoonsan joogitaankiisi iyo wax xuduud ah oo uu xarriiqay, waxa ayna mar kasta u taagnaayeen, welina u taagan yihiin, midnimada ummadda Soomaaliyeed, wax goonigoosad ahna raalli kama aha. Waxaa kale oo diiradda la saaray in ay Soomaalidu tagay beelo, maamulka Somalilandna ay beeli iskeed u samaysatay Beelaha SSC-khaatumana aysan aqbalayn in loo dawladeeyo ee waxa la wada leeyahay ay tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah jiritaanka keli ah ee sharciyadda leh. Madaxda Qarammada Midoobay ka socotay waxay diiradda saareen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaanka, waxayna sheegeen in ay xog dhammaystiran diyaarin doonaan Golaha Amniga iyo Xoghayaha Qarammada Midoobayna la wadaagi doonaan. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo oo warbixin u gudbiyay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Fulisay Askar Dil Geysatay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba eedeysane, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal ay horey u geysteen, labada shakhsi ee toogashada lagu fuliyay ayaa ahaa askar ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa waxaa laga oofiyay qisaasta marxuum Xasan Maxamed Shire oo ay wa wada ciidanka Booliiska Soomalaiyeed, maxkamadda oo kiiskaan dacwadeed u fariistay ayaa xukun dil ah ku ridday oo ah qisaasta marxuumka la dilay. Sidoo kale Maxkamadda ayaa Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo ahaa askari Booliis ah Boliiska ku fulisay dil toogasho oo looga oofiyay qisaasta Marxuum Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay xilliga uu dilka u geystay isaga oo xiran dharka ciidanka. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay waday fulinta qisaasta eedeysanayaal horay dilal u geystay, iyo sidoo kale kuwa ku eedeysnaa ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxaana ugu dambeyn laga oofiyay qisaastii lagu xukumay. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo horay u geystay dilal bareer ah. Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, kuwaas oo ugu dambeyn saaka qasaasta lagu fuliyay. Cabdi Jamaal ayaa horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey Sidoo kale Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa isna horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire. Maxkamadeynta labadaan askari ayaa soo martay heerar kala duwan, ayada oo horay loogu riday xukunka dilka ah ee saaka lagu oofiyay, kadib markii lagu helay caddeymo. Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan askarta dilalka ka geysata Muqdisho, waxayna sheegtay in laga qaadi doono tallaabo adag. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyay Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha, kaas oo Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo). Sidoo kale waxaa isla maalintaas Qaasim lala toogtay Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, kaas oo isna dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee Sh/Dhexe Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay. The post Maxkamadda Ciidamada oo toogatay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal appeared first on Caasimada Online.
-
The Chief Editor of Somalia’s only all-women media team believes she can by using mobile journalism to break down barriers and open up new ground for women in the media Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus u diray maamulka Puntlnad, oo uu ku eedeeyay in uu diiwaan-gelinta doorashada ka sameynayo deegaano ka tirsan kuwa Galmudug. Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in fara-gelinta Puntland ee gudaha Galmudug ay tahay mid aan la aqbali doonin, islamarkaana ay ka laabtan sida ugu dhaqsaha badan, sida uu sheegay. “Waxaa leenahay dhulkaas waa dhul Galmudug oo dadka dega waa dad reer Galmudug ah, raali ugama noqoneyno in fara-gelin qaawan kusoo sameeyaan deegaanada Galmudug. Waxaa naga dhaxeeya ixtiraam, wada dhalasho iyo daris-wanaag, sidaas darteed waxaa leenahay yaan la daadin nabada halkaasi taalla,” ayuu yiri. Wasiir Abshir Cabdi Shiiqow ayaa waxa uu sheegay in deegaanada Puntland ay sameeysay diiwaan-galinta xadgubka ah ay kamid yihiin Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo katirsan degmada Gaalkacyo. “Galmudug waxay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato doorashooyinka qof iyo cod ee la rabo in Soomaaliya laga hirgeliyo, waana bogaadineyna meel kasta oo Soomaaliya kamid ah doorashooyinkaas laga qabto laakiin waxaa mooda in dad iyo deegaan dushooda oo aysan metelin Puntland ay tahay kicinta fidno waqti dheer hurdeysay.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Puntland waa inay arrintaas ka wantoobaan. Caalamka waxaa leenahay ka digtoonaada in waqti iyo kharash ku bixisaan doorashooyin aan aheyn tii saxda aheyd. Puntland kama taliso dhulka lacagta ku bixineysaan gaar ahaan Dhinowda iyo HirSalaama oo maalmahan ay ka wadeen diiwaan-gelin.” Digniinta kasoo baxday Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli ay Puntland muddo 3 maalin ah ay ka wado diiwaan-gelin doorashada qof iyo codka ah deegaanada Dhinowda iyo Hirsalaama iyo xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo. Hoos ka daawo The post Daawo: Galmudug oo digniin u dirtay Puntland kadib arrin ay ka billowday dhulkeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Properly integrating displaced populations within a host country’s financial system invites often thorny political issues and private sector players are erring on the side of caution. Source: Hiiraan Online
