Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta u safray dalalka Itoobiya iyo Imaaraatiga Carbeed. Madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya. Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka UAE waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u safray Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sidoo kalena ah xarunta Bari. Howlgalkan oo qaraxyo lagu fashiliyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland, kadib markii ay xog ka heleen dadka shacabka ah, oo soo sheegay qaraxyo la qorsheeyey. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay soo saareen qaraxyo lagu diyaariyay merfish jaad oo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso, ayaga oo aan geysan wax khasaare ah. Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa ay isku hareeyay goobta, waxayna kadib xireen aagga meesha qaraxyada lagu diyaariyay, taas oo sahashay in la fashiliyo qaraxyadaas, ayaga oo aan dhalin wax khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeed intaba. Saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo ka hadlay howlgalkaas ayaa sheegay inuu guuleystay, waxayna u mahadceliyeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada oo weli ku xoogan qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ee Puntland. Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan fuliya weeraradaas, kuwaas oo ka hortag kala kulma ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Si kastaba, todobaadkan ayey aheyd markii 13 kamid ah Shabaab iyo Daacish lagu toogtay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe, kadib markii horay xukun loogu riday. The post Shacabka BOOSAASO oo horseeday in la fashiliyo qarax culus oo la qorsheeyey appeared first on Caasimada Online.
  3. “The notion to join Somalia is unacceptable,” a Somaliland minister has said. Shukri Haji Ismail Bandare, the Minister of Environment and Climate Change, said it would be wrong for Somaliland to join Somalia. Bandare was speaking on reports that representatives of some Somaliland clans support the idea of joining Somalia. Somaliland broke away from Somalia in the early 1990s. FTL She was speaking at an event held in Hargeisa to celebrate International Women’s Day. The minister added that the Las Anod clashes are the work of foreign governments and the enemies of Somaliland. Qaran News
  4. Waxaa muddo dheer lagu baaqayay baabi’inta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda -National Intelligence and Security Agency (NISA) oo horey loogu magacaabi jiray Hay’adda Adeegga Amniga (National Security Services - (NSS)), si loo dabargooyo tacadiyadii iyo dhaqankii awood ku takrifalka ee caadada u noqday hay’addaas, taaso laga dhaxlay burburkii Qarankii Soomaaliyeed. NSS looma abuurin dan Soomaaliyeed. Waxaa loo abuuray cabburinta iyo ciqaabka Shacbiga Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo joogitaanka xukunka keligi taliska ahaa, loona hor istaago xorriyadda iyo xuquuqda siyasadeed ee hadalka, cabashada, iyo bannanbaxa, ka qaybgalka tartanka siyaasadda iyo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh “Muddo Cayiman,” ee muwaadiniinta Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen. Waxaa la wada og yahay tacadiyadii iyo xadgudubiyadii xad dhaafka ah ee NISA ku dhaqaaqday 5tii sano ee la soo dhaafay. Source: Hiiraan Online
  5. Gadood ciidan ayaa saaka ka dhacay Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde oo ku yaalla duleedka Laascaanood. Gadoodka ayaa sababay in gaadiid dagaal ka goostaan Ciidamada Somaliland kuwaas oo sida la sheegayo u baxsaday Galbeedka Gobolka Sanaag. Xogaha ayaa tilmaamaya in Gadoodka Ciidanka uu salka ku hayo khilaaf ka dhex aloosan Saraakiisha Ciidamada Somaliland. Gadoodkan ayaa ku soo beegmay maalin uun kadib markii uu gadood Ciidan ka dhacay Taliska Sirdoonka Somaliland ee Hargeysa. PUNTLAND POST The post Gadood Ciidanka oo saaka ka dhacay Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka falceliyay tallaabadii ay maanta xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel-mariyeen Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada. Sharcigan ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay ilaa 29 Senator oo soo xaadiray kulanka. Mahad Salaad ayaa Senatorada Aqalka Sare uga mahadceliyay meel-marinta sharcigaas oo uu sheegay muhiimad u yahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. “Waxa aan u mahadcelinayaa guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada,” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad. Sidoo kale wuxuu markale boggaadiyay Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka oo iyagu horay usoo ansixyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada. Waxaa sidoo kale sharcigan loo gudbin doonaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu soo saaro faafin rasmi ah. Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka. Guddigan ayaa waxaa Golaha horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay. The post Mahad Salaad oo ka falceliyey tallaabadii ay qaadeen xubnaha AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  7. Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga la dagaalanka Argigixisada, kaas oo hore uga soo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaiya. Golaha oo dood dheer ka yeeshay sharciga ayaa maanta sidoo kale akhrinta 3-aad marsiiyay waxaana ogolaada 29 Sanatar, sida uu shaaciyay guddoonka golaha, iyadoo wasaaradda amniga ay ka mahadcelisay ansixinta. Sharciga la dagaalanka Argigixisada ayaa hore waxaa uu uga soo gudbay golaha shacabka oo soo meel mariyay, waxaana la filayaa in loo gudbiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, isaga oo dhaqan geli doona. Taliyaha Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mahadceliyay ansixinta golaha aqalka uu maanta meelmariyay sharciga la dagaalanka Argigixisada oo labada gole ka gudbay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhakhtar u dhashay Dalka Sacuudi Carabiya Oo Lagu Magacaabo Dr. Abdullah Al-Rabiah Ayaa La Kulmay wiilal Mataano Ah Oo 12 ka hor Uu Ku guulaystay Qaliin Uu Ku Kala Jaray ka dib markii Ay ku dhasheen iyagoo isku dhagsan. Mataanahani Oo wadan Ahaan Ka soo jeeda Dalka Jordan Ayaa Magacyacdoodu kala Yihiin Mohammed and Amjad Waxana Allah Suura Galiyey in markale Ay kulmaan iyagoo dad waa weyn noqday . Qaran News
  9. Haddii ay timaado oo igu qasabto in aan furinta dagaalka galo oo Qoriga qaato diyaar baan u ahay si aan dadkayga iyo dhulkayga u difaacdo..” Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ali. Qaran News
  10. BARDERE, Somalia (Caasimada Online) – At least five people were killed, and eleven others, including a regional governor, were injured in a suicide bombing by Al-Shabab in southern Somalia on Tuesday. The attack took place at a guest house in Bardera, 450 kilometers west of the capital Mogadishu, where government officials were meeting. The attacker, driving a vehicle filled with explosives, ploughed into the building, causing extensive damage. The explosion killed five security guards on duty at the time of the attack. Area police commander, Hussein Adan, confirmed the details of the attack, “The explosion destroyed most parts of the building, and five security guards died in the blast.” He added that the governor, Ahmed Bulle Gared, was among the eleven injured in the attack. Al-Shabab claims responsibility Al-Shabab claimed responsibility for the attack on Tuesday. In a telegram post, the group said a bomber drove a suicide car bomb into a building where regional officials were meeting to plan anti-Al-Shabab mobilisation. The group has been waging an insurgency against the central government of Somalia for the last 15 years. Although it has been forced out of Mogadishu and other main urban centers, the group remains entrenched in parts of rural central and southern Somalia. Despite recent gains made by the Somali army and local clan militias in retaking chunks of territory from the militants, the group has continued to demonstrate its ability to strike back with lethal force against civilian and military targets. Al-Shabab insurgency continues In October, 121 people were killed in two car bomb explosions at the education ministry in Mogadishu, the deadliest Al-Shabaab attack since the offensive was launched last year. According to the United Nations, 2022 was the deadliest year for civilians in Somalia since 2017, mainly due to increased mass-casualty attacks by the jihadist group. The African Union force, known as AMISOM, and the US military has been supporting the Somali army in their efforts to degrade the leadership of Al-Shabaab. Al-Shabaab has been carrying out a series of attacks in recent months targeting towns, clan elders, and local militia commanders involved in mobilisations against the group. The group has been responding to community-level rallies supporting the federal government forces. On February 21, the group launched an attack on a care home in Mogadishu that housed pro-government troops, resulting in the deaths of ten individuals. On March 7, the group conducted a sophisticated attack on a military base in Janaa Cabdalle, 60 kilometers west of Kismayo, killing at least five soldiers. The bottom line The Horn of Africa remains a troubled region due to various conflicts, including the insurgency by Al-Shabab. The international community has been supporting Somalia to achieve lasting peace. However, the situation on the ground remains challenging. The recent attack in Bardera is a reminder of the ongoing threat posed by the militant group and the need for continued efforts to combat it. The post Al-Shabab targets Somalia officials in deadly attack appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay nin halis ah oo ay soo bandhigtay dowladda, kaasi oo bulshada uga dhex shaqeysan jiray dhakhtarnimo been abuur ah balse geystay dilal badan. Ninkan oo kasoo muuqday barnaamijka Gungaar ayaa waxa uu isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax), waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey. Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay baahisay warbaahintooda. Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda oo la hadlay warbaahintooda ayaa been abuur ku tilmaamay xogta iyo shaqsiyada lagu bandhigay barnaamijka Gungaar, inkasta oo ninkaan dilaaga ah uu billooyin ka hor kasoo hor-muuqday maxkamadda oo xukun ku riday, xilligaasi oo aysan ka hadlin kooxda. “Waxaan xaqiijineynaa in shakhsiga lagu magacaabay Maxamad Cabdinuur Jiiroow Hagar ee (dowladda) soo bandhigtay uusan kamid ahayn kooxda, weligiisna kamid noqonin. Ninkaan (Dr. Fanax) weligiis soo marin kamana mid noqonin ciidamada qarsoon iyo kuwa muuqda ee kooxda intaba.” Dr. Fanax ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doorashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijka laga sii daayay warbaahinta dowladda ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu sheegay. Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah. Hanaanka dadka loo dilo iyo meelaha ugu daran ee laga dilo qofka ayuu wareysiga laga qabtay uga sheekeeyey Dr. Fanax, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii uu horay u dilay. Ninkaan ayaa sheegay inuu aad u isticmaali jiray si danihiisa gaarka ah uu u gaaro, odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, saraakiisha beeshiisa iyo **********ta ku heybta ah, si ay u difaacaan markii lasoo qabto. The post Al-Shabab oo iska fogeysay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee dowladdu soo bandhigtay appeared first on Caasimada Online.
  12. Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay uusan ka dhicin wax dagaal ah. Somaliland ayaa sheegtay in sababta hakisay dagaalka u dhaxeeyay ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka ah ee SSC ay tahay “awood dari soo food-saartay kooxaha kasoo horjeeda Somaliland iyo dib usoo abaabulka dhagar kale,” sida lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland. “Jawiga Laascaanood waxa uu ahaa mid nabadgelyo oo wax dagaal ah uusan ka dhicin marka laga reebo xabado kooban oo marmar soo ridayaan kooxaha nabad-diidka ah kuwaasi oo ciidamada Qaranka ay ka bixinayeen jawaab ku habboon,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Kooxaha nabad-diidka ah waxay toddobaadyadii u dambeeyay ku jiraan gubaabo dagaal oo xoogleh, inkasta oo tabar kasta oo isku keenaan aysan awoodi karin quwad ciidan oo ay ku caabiyi karaan ciidamada Somaliland.” Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland iyo saraakiisha sare ee hoggaaminaya ay markasta xeerinayaan mira-dhalka wada-hadal lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood. “Saraakiisha sare ee ciidamada ma haystaan amar dagaal iyo weerar dhankooda ka yimaada,” ayaa lagu yiri. – “Ciidamada Somaliland ayaa geestooda feejignaan dheeraad ah ka qaba tab iyo xeelad kasta oo maagan yihiin kooxaha nabad-diidka ah.” Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagay dagaalkii ka socday magaaladaasi, inkasta oo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. Waxaa socda dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayada oo QM ay guddi xaqiiqo raadin ah u saartay arrintaan, kuwaasi oo bilaabay qorshe u kuur-gelid ah. Xubnaha ka socda QM oo gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay waxgaradka SSC, ayaga oo kala hadlay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood. Sidoo kale waxa uu guddiga QM la kulmi doona madaxweynaha Somaliland, si ay ugala hadlaan xiisadda taagan, si loo soo afjaro dagaalka, sidoo kalena loo caawiyo dadka ay dhibaatada soo gaartay. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay. The post Somaliland oo shaacisay sabab yaab leh oo uu hakad u galay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  13. Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerer loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu qaaday guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Ismiidaamin ayaa waxaa la sheeyaa inuu dhaawac kasoo gaaray saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Garaad oo la sheegayo inuu dhaawac soo gaaray iyo Abaandulaha qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Axmed Cabdullaahi Xirsi Labaale. Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho ah oo soo gaartay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa guriga la weeraray iyo dad shacab ah, wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhiasho ee dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday degmada. Ciidamo fara badan oo ka tirsan taliska 43-aad ee xoogga dalka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, iyagoo durba xiray wadooyinka gala magaalada iyo kuwa ka baxa intaba, waxaana xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere, taas oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday guriga Martida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Laamaha Amniga Puntland ayaa ka war helay qaraxyo lagu diyaariyay gudaha merfish jaad oo ku yaalla magaalada Boosaaso. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa hadda ku hareeraysan goobta waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala. Laamaha Amniga ayaa ku hawllan sidii loo saari lahaa qaraxyada waxaana dadweynaha ku wargeliyay in aysan u dhowaan goobta inta laga saarayo miinooyinka. Kooxaha Argagixisada ah ayaa sida la rumaysan yahay qaraxyadan ku diyaariyay merfishka si ay waxyeello ugu geystaan dadka yimaada goobtaas. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Laamaha Amniga oo la wareegay goob qaraxyo lagu sheegay appeared first on Puntland Post.
  15. Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa xilligaasi ku sugna masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo siyaasiyiin kale. Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee guriga martida oo hoy u ah guddoomiyaha gobolka. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan is-miidaaminta ah ay ugu yaraan labo ruux ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Abaanduulaha Qeybta 43-aad Korneyl Axmed Cabdullaahi (Labaale). Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray qayb kamid ah guriga martida degmada Baardheere. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa kadib tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen degmada Baardheere, waxaana guri kuyaalla halkaasi ku dhintay laba carruur ah oo walaalo ahaa, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen. Xilliga uu qaraxa is-miidaaminta dhacayay ayaa waxaa la sheegay in xarunta ka socday shir gaar ah oo masuuliyiinta waxyeelada soo gaartay iyo kuwa ka badbaaday ay uga arrinsanayeen howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka billaabanaya gobolkaasi. Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Qaraxan ayaa imanaya xilli ay maalmihii dambe magaaladaasi kusii qulqulayeen siyaasiyiin horleh oo qaarkooda la sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo halkaasi tagaan, xilli ay sanadihii dambe xiisad siyaasadeed ka taagneyd gobolkaasi. Gobolka Gedo ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacmay appeared first on Caasimada Online.
  16. Amaamka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay xilli ay tagayaan wufuud kale duwan, kuwaas oo hordhac u ah shirka wadatashiga qaran oo halkaas ka furmaya, ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa inta badan wadooyinka magalada iyaga oo wada xaqiijinta ammaanka guud. Magaalada ayaa waxaa maanta ku wajahan Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta ku wajahan Baydhaba. Wararka hoose ee laga helayo shirka wadatashiga qaran ayaa waxaa la sheegayaa in madaxweye Siciid Deni uu diiday imaatinta magaalada Baydhabo, iyadoo muddooyinkii dambe la sheegay khilaaf hoose oo u dhaxeeya Deni iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu gaaro Baydhabo, ka hor inta uusan furmin shirka wadatashiga Qaran, madaxweynaha ayaa safar qaatay laba maalin ku jooga magaalada Asmara ee dalka Eritrea uu gaaray shalay gelinkii dambe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Shalay waxa social media ha iyo saxaafadda kale ba la gu arkay gabadh la gu magacaabo Sahra Ismaaciil Haaruun, oo niman ay ka afduubteen gurigeeda banaankiisa oo Hargeysa ah. Shalmadeeda ayay madaxa ka ga duubeen si aanay u garan Meesha ay u wadaan, markii ay meel gaar ah la tageen na, waa ay garaaceen kuwii kaxaystay iyo kuwo kale oo ay u la tageen, oo rag iyo haween ba isugu jira. Xukuumadda ayaad wax ka sheegtay ayay ku yidhaahdeen oo Facebook account keeda fariin ku qoran soo hor dhigeen. Marka la ga yimaaddo in ay gabadhu ka mid tahay masuuliyiinta xisbiga Waddani, oo weliba garabka haweenka ay afkooda ku hadasho, hadana xataa qof aan xisbi ba ahayn oo shicib ah ayaa dhaliil iyo maagid ba qori kara, amma sheegi kara, waa se markee? Dabcan waa marka la miyir qabo, nidaamka Somaliland namiyirqab iyo caqli waah ore ayay ka la dhaqaaqeen. Magaalada Hargeysa, oo weliba u badan xaafadda Waqooyiga iyo Galbeedka magaalada, todobaad kasta waxa aynu nmaqalnaa dad shicib ah oo wiil yar oo badraan ah, oo Muuse Biixi uu dhalay uu ku dhibaateeyay. Mid la xidhay, mid la xabadeeyay, mid guri loo gu dhacay iwm. Marka dawladnimo la ga hadlaayo, oo dabcan aan ahayn waxa SL ka socda, cidda cid ka cabanaysaa bilays ayay u tagtaa, ka dib na maxkamad ayay amuurtu u gudubtaa. Muuse iyo ciyaalkiisu intaas ma samayn kari waayin, laakiin sababo u diidaaya ayaa jira. Waxyaabaha ay dadka ku eryanayaan ayaan ahayn wax maxkamad la geyn karo oo la difaaci karo, sidaas darted, sharciga waa hore ayaa la is ka baal maray. Hadana waxa yaab leh, kaas sidaas u dhaqmaaya iyo kuwa taageersan ayaa inta u badan la ga maqlaa ‘qaranka’ iyo ‘qaranka’, taas oo ah uun ilmo yaxaas. Is ku soo wada ururi, hadal gun buu leeyahay, biyo na meel godan ayay ku gororaan. Dhaqamada shuftonimada ah ee aan mar walba maqalno, ee falka Sahra la gu la kacay na u dambeeyay, keliya waxa ay soo dedejinayaan dumitaanka buulkii xumaa. Waa buulkii uraayay ee Muuse iyo ciyaalkiisa, waxaanay bogaga taariikhda ka gelayaan meel uraysa. Eeg hadda, afduub, iyo jidhdil, iyo khaarajin, iyo wax kasta oo xun hore ayaa loo soo sameeyay, waxaana hubaal ah in ay kuwii samaynaayay uuni taariikhda ka baxeen. Waa hubaa in kuwani ay buuxiyeen shuruudihii dulinimada iyo taariikh ka bixitaanka foolxumada leh, waxaanan se hubin in ay Somaliland na raacayso iyo in kale. W/Q Maxamed Biixi Haaruun Source
  18. WASHINGTON — In Somalia multiple casualties have been reported following a suicide bombing in Bardhere in the southern Gedo region. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Eritrea . Inta uu joogo halkaasi, waxaa labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eritrea ayaa qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Soomaaliya ee ku dhisan xiriir wanaagsan oo iskaashi oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale. Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  20. Warar kale duwan ayaa waxaa laga helayaa weerar dagaalmayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka sida ay sheegayaan wararku la helayo. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Ismiidaamin ayaa waxaa la sheeyaa inuu dhaawac kasoo gaaray saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Garaad oo la sheegayo inuu dhaawac soo gaaray iyo Abaandulaha qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Axmed Cabdullaahi Xirsi Labaale. Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho ah oo soo gaartay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa guriga la weeraray iyo dad shacab ah, wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday degmada. Ciidamo fara badan oo ka tirsan taliska 43-aad ee xoogga dalka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, iyagoo durba xiray wadooyinka gala magaalada iyo kuwa ka baxa intaba, waxaana xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere, taas oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday guriga Martida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa caasimada Eritrea ee Asmara uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, sida ay ogaatay Caasimada Online. Booqashada madaxweynaha ee Asmara ayaa waxay qeyb ka tahay siyaasadda cusub ee Soomaaliya, taasi oo ku saleysan xiriir wanaagsan oo iskaashi ah oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulan muhiim ah la yeelan doona dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki kuwaasi oo looga hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka. Safarka madaxweynaha ee Asmara ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Eritrea. Eritrea ayaa waxaa tababar uga socda kumanaan ciidamo ah oo dhawaan loo qaaday, iyada oo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ugu maqnaa dib loogu soo celiyay dalka. Safarkan ayaa ah kii saddexaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022. Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. The post Qorshaha safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.