Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo ay qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qaraxyo nooca bambaanada ah oo marka hore lgu tuuray dhismaha saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas ay fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas lagu qaaday saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda. Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxayna horay u weerartay ciidamo ku sugnaa agagaarka KPP iyo kuwa kale oo lagu qaaday saldhigyo kale oo Boolis. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii u dambeeyay. Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ayaa dhankooda wada howlgallo joogta ah oo looga hortagayo weerarada Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada. The post Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Stem cell therapies, which have gained popularity in many medical fields, are also used to treat certain eye diseases. These treatments offer hope to selected patients and can only be performed after obtaining approval from the Stem Cell Council and the Ministry of Health. Source: Hiiraan Online
  3. Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug kusoo gabagaboobay, shir muddo 4-maalmood ah u socday wasaaradaha Ganacsiga Dowladda Federalka iyo Dowlad Goleedyada, kaas oo gabahabadii laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan, heshiiskii labada dhinac ay ka gaareen ajandaha Shirka. Shirka ayaa goobjoog aWasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirrada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada; Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo mas’uul ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo shirka ku matalay maamulka gobolka. Intii shirka uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo mas’uuliyiinta madasha ku sugnaa ay heshiis ka gaareen inta badan qodobadii la isku soo qaaday, waxaana gabagabadii shirka laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan qodobadii la isku afgartay muddadii shirka uu socday oo aheyd 4 maalin, iyadoo laga hadlay: A. Xoojinta, dardargelinta iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. B. Daadejinta iyo taabbo-gelinta Hannaanka Diiwaan-Gelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS). C. Dib-u -eegista iyo dhammeystirka sharciyada; Shirkadaha iyo Shatiyada. D. Mideynta dukumintiyada Ganacsiga iyo guud ahaan abla-ableynta qeybaha Ganacsiga. Shirka u dhaxeeyay wasaaradaha ganacsiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa ka maqna wasaaradda ganacsiga Puntland iyadoo aan la shaacin sababta ka dambeyso, iyadoo muddooyinikii dambe uu soo baxay khilaaf u dhaxeeya madaxda sare ee maamulka iyo dowlad goboleedaka Soonaaliyeed ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey Shirka Bilaha ee Amniga Jubbaland kaas oo bishiiba mar la qabto. Shirkan waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland, sarakiisha ciidamada kala duwan ee Jubbaland, xooga dalka iyo Saraakiil ka socotay howlgalka ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ATMIS. Waxaa shirkan diirrada lagu saaray howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada kala duwan ay sameeyeen iyadoo warbixino lagaga dhagaystay Taliyayaasha Ciidamada, kaas oo ku aadan xaaladaha amni iyo xaqiijintooda. Shirkan ayaa looga Tacsiyeyay Dadkii ku Wax yeeloobay Qaraxii ka dhacay guriga Martida Magaalada Baardheere ee goboka Gedo, kaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, oo soo gaaray mas’uuliyiin gobolka iyo saraakiil ciidan. Kulankaan looga hadlaayo amniga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan lagu wado in ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) - A military court in Mogadishu executed three men belonging to Al-Shabaab on Wednesday by firing squad for committing capital offences. The three men were identified as Mohammed Abdulle Abkow Omar (Biyamalow), Sharif Mohamed Barqadle Ayanle (Jeego), and Mohamed Abdi Nur Jirow (Doctor Fanah). Two of the executed men were former members of the Somali Armed Forces, while the third was a senior Al-Shabaab operative who posed as a doctor while being in charge of the group's security. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo labo kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax). Saddexda nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Dr. Fanax. Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, waxaana horay xukun dil ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn lagu fuliyay. Ninkan ayaa si gaar ah loogu helay in uu 23 kii March ee sanadkan 2023-ka ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay gudaha Xerada Xalane, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo isna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab. Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda. Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan. Ninka saddexaad ee la dilay waxaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), kaas oo ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah. Dhakhtar Fanax oo lagu helay inuu geystay dilal iyo qaraxyo khasaare geystay ayaa laga soo xiray magaalada Beledweynem waxaana ugu dambey la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo saaka ku fulisay dil toogasho ah. Muddooyinkii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, waxaana maalin kahor tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen. The post Abkow, Jeego iyo Dhakhtar Fanax oo maanta toogasho lagu fuliyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolla Gedo. Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa la xaqiijiyay in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh waxaana dadka ku dhaawacmay kamid ah Guddoomiyihii Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed. Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka waxaana uu tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay. Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay fuliyeen weerarkaas waxaana uu ku hanjabay in Al-shabaab eedi doonaan falka ay sameeyeen. PUNTLAND POST The post Jubaland oo si adag uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan mahadcelin ah la qaaatay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka iyo guddiga joogtada ah. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada. Kulanka aayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka mudane Shiikh Aadan iyo ku- xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada ku ammaanay in kaalin muhiim ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta habsami u socodka shaqada Xukuumadda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa xukuumadda kula dardaarmay in shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaqada holaha fulinta. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli golaha shacabka ay meel mareen dhowr sharci, kuwaas oo ay soo gudbisay xukuumadda federalka, kuwaas oo ka gudbay labada gole oo madaxweynuhu sixiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeisa (HOL) - Somaliland's President Muse Bihi Abdi has acknowledged for the first time that the Las Anod conflict is an unexpected and unfortunate crisis and that his administration is prioritizing finding a peaceful solution despite local and international pressure. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in maanta oo arbaca ah uu safar ugu baxo Dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa xoguhu sheegayaan in martiqaad uu ka helay dalkaas oo isagu wada dhex dhexaadinta dagaalka Laascaanood sidii loo joojin lahaa. Waxaa dalkaas hore u joogay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Iyo Musharax madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan. Sidoo kale waxaa shalay galab isna Addis Ababa gaadhey madaxweynaha maamul Puntland Siciid Deni Somaliland ayaa dhawr jeer ku eedeysay maamulka Puntland inay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood , waxaana Siciid Deni laftiisa ay dawlada Itoobiya kala hadli doonta arrimahaas dagaalka Laascaanood. Source
  11. Washington (HOL) - The Department of Homeland Security (DHS) has granted Temporary Protected Status (TPS) to Somalia for 18 months, from March 18, 2023, to September 17, 2024. The extension allows around 430 current beneficiaries to keep their TPS status, and the redesignation allows approximately 2,200 more Somali nationals or individuals who previously lived in Somalia to apply for TPS, provided they meet specific eligibility requirements. Source: Hiiraan Online
  12. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ayaa xukun Toogasho ah ku fulisay sedex ruux, kuwaas oo horey maxkamaddu dil ugu xukuntay. Shakhsiyaadkaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay la shaqeynta Al-shabaab iyo in ay u fududeeyeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Caasimadda dalka. 1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow). 2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego). 3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax). Laba kamid ah sedexda ruux ee ka toogtay ayaa lagu sheegay in darajada ciidanimo ay ka gaareen Sarkaal, halka midka sedxaad uu ahaa Dhaqtay. Maxkadda darajada koowaad ee koowaad ee ciidaamada qalabka ayaa moddooyinkii dambe fulisay dhowr qisaas, taas oo laga oo dad lagu xukumay dil toogasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa goor dhaweyd dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo hore loogu helay dambiyo ay ka mid ahaayeen ‘dilal iyo falal argagiso’ kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Fanax iyo Dhammee Shariif Jeego. Maxkamadda Ciidamada ayaa 20-kii January xukun dil ah ku ridday ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdinuur Jiirow oo loo yaqaannay Dr. Fanax oo la sheegay in uusan aheyn dhaqtar sax ah, balse ka tirsanaa Al-shabaab oo xirfaddaan isku qarin jiray. Waxaa lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Maxkamaddu. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah. Ninka saddexaad ee isna saaka dilka lagu fuliyay ayaa ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow). PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku fulisay rag lagu helay in ay dilal iyo qaraxyo geysteen appeared first on Puntland Post.
  14. Laascaanood Muuse iyo ina Suldaan Cali markaan eego xataa xal dhiigjoojin ah kuma heshiin karaan. Bulshada Caalamku in ay farogelin toos ah ku sameeyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya maaha wax aan laga fakiri karin. Hadii ay xaaladu qasabto oo waxba lagu heshiin waayo IGAD iyo AU waxa dhici karta in Itoobiya ay u xlisaaraan suggidda nabadgelyada Laascaanood Q.M lafteeduna ay sidaa baarigto. Taas oo micnaheedu yahay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeni karo Laascaanood labada ciidan ee isku horfadhiyana la kala durkiyo lagana fogeeyo magaalada labadoodaba. Labada dhinac ma wada ogolaan doonaan, ma dhinac baa diidi, mise labaduba way ku gacansaydhi hadii ay timaadoba? Wax walba ka yaab Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Bulshada Caalamka waxay u badan tahay in dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya talada Somaliland la isla ogol yahay in looga dambeeyo dalka la deeiska ah ee Itoobiya. Maaha arinta Laascaanood oo keliya ee xataa khilaafka ka sii wayn ee doorashooyinka laftooda, oo si wayn u soo shaacbixi doona afar ilaa sideed todobaad ka dib dhamaadka bisha Ramadan iyada oo wax xal ah laga gaadhin dagaalka Laascaanood. Taasina waa halista ku soo fool leh in gobolada Somaliland dhan xaaladdu faraha ka bixi karto hadii la waayo wax heshiis lagu yahay CSLIGUREY HALGANWATCH Source
  15. Cape Town - Family and friends of a Pakistani shopkeeper kidnapped at Airport Industria remain silent, fearing for his safety as they wait to hear from the kidnappers. Source: Hiiraan Online
  16. Kismayo (HOL) - First Vice Deputy President of the Jubbaland regional state, Mohamud Sayid Adan, presided over the monthly regional security council meeting in Kismayo on Tuesday, which provincial ministers, SNA officials, and ATMIS officers attended. Source: Hiiraan Online
  17. MANCHESTER, England (AP) — Erling Haaland scored a record-equaling five goals in a Champions League match on Tuesday as Manchester City advanced to the quarterfinals. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia’s Puntland State is once again on a collision path with the country’s government in Mogadishu over a blue economy strategy seen as contradictory to their laws. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in maalinta berri ah safar ugu baxo Dalka Itoobiya . Madaxweynaha ayaa xoguhu sheegayaan in martiqaad uu ka helay dalkaas oo isagu wada dhex dhexaadinta dagaalka Laascaanood sidii loo joojin lahaa . Sidoo kale waxaa galabta isna Addis Ababa gaadhey madaxweynaha Puntland Siciid Deni . Somaliland ayaa dhawr jeer ku eedeysay dawlada Puntland inay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood , waxaana Siciid Deni laftiisa ay dawlada Itoobiya kala hadli doonta arimahaas dagaalka Laascaanood Qaran News
  20. March 13, 2023 (ASMARA) – Sudan’s Deputy Chairman of the Sovereign Council Mohamed Hamdan Daglo “Hemetti” and Eritrean President Isaias Afwreki on Monday held talks on bilateral relations, according to the statement by the two countries. Source: Hiiraan Online
  21. A report published by the Observer tells the story of young people of Somali descent being held against their will to be ‘de-westernised’ Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo haatan lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda. Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markale tallaabo u qaabay muddo kororsigan, isaga oo guddiga gaarka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee ay horay u magacaawday Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada, si ay talabixintooda u soo gudbiyaan, loogana doodo, kadibna la dhaqan-geliyo. Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sabab keeni karo. Sidoo kale xildhibaan hore Cabdiweli Maxamed Qanyare oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa ka falceliyay doodda taagan, wuxuuna difaacay qorshaha muddo kororsiga ee dowladda. Cabdiweli ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu sameyn karo ku darsi inta u dhexeysa lix bilood, illaa saddex sano, uuna u ogolaanaayo Dastuurka. “Baarlamaanka wax waa ku dari karaa, waqtigana waa kordhin karaa, wuxuuna kordhi karaa waqti ka yar kan hadda loogu talagalay, tusaale saddex waa ku dari karaan laba wa ku dari karaan hal waa ku dari karaan 6 bilood waa ku dari karaan,” ayuu yiri Cabdiweli. Waxa kale oo uu inyaasi ku sii daray “Marka Baarlamaankaan way ku dari karaan awoodna waa u leeyihiin,”. Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay keentay baahi, balse looga gudbi karo in la qabto doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu soo dooranayaan madaxdooda iyo dadka ku metali lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Ku darsi haddii lagu gaarayo qof iyo cod oo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ay iyagu soo dooran karaan dadka metali lahaa hal sano laba sano saddex sanno xittaa waa lagu dari karaa, sababtoo ah waxaan rabnaa dowladnimo taam ah” ayuu wareyiga ku yiri C/weli. The post Daawo: Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta muddo kororsiga DF appeared first on Caasimada Online.
  23. NAIROBI, March 14 (Reuters) - Climate Finance Partnership, a fund managed by BlackRock Alternatives, is buying nearly a third of the shares in Kenyan wind farm Lake Turkana, it said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  24. Somali officials are warning the federal and regional governments of Somalia not to underestimate the strength of militant groups al-Shabab and Islamic State as authorities plan new military operations against them. Source: Hiiraan Online