Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dhawaaqay in la sharciyeeyay lacag dheeraad ah oo laaluush ahaan looga qaadan jiray dadka usoo adeeg doonta xarunta gobolka. Lacagtan oo laga qaadi jiray dadka raba waraaqaha dhalashada ayaa markii hore si loogu fududeeyo adeeggooda laga qaadi jiray lacag badan oo dheeraad ka ah midda rasmiga ah, hase yeeshe guddoonka ayaa shaaciyay in meesha laga saaray lacagihii laaluushka ahaa ee sida hoose loo kala qaadan jiray, islamarkaana ay hadda ku dhaceyso akoonka dowladda hoose ee Xamar. “Dadka waa dad deg-degsan oo raba in loo boobsiiyo meeshii la gacma-gacmeysan jiray dadka waxaa dhahnay $5 oo dowladda Hoose ogtahay oo akoonkeeda ku dhacaya ayaa laga qaadaya, shantaas doollar waaxda ayaa dib loogu celinaya oo amuuraheeda dib loogu celinayaa,” ayuu yiri. “Ka badan lagama qaadi karo qof deg-degsan $5, kuwa caadiga ah $15 ayuu bixinayaa ee warqada dad-dhigista (dhalashada). Ciddii ku xad-gudubta dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay lamid tahay kuwa been abuurka sameynaya.” Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray shaqaalaha gobolka, oo uu sheegay in ciddii lagu qabto iyada oo laaluush ka qaadeysa dadka adeegga soo doontay ay sharciga la tiigsan doonaan. “Kuwa ka shaqeeya goobaha ku xisaabtama ayaa leeyahay sharciga ayaa la idinla tiigsan doona. Dadweynaha waxaa u sheegayna ka dhaafa dadka laaluushka kala daba-wareegaysan deg-deg hadda rabto $5 shaciga bixineysa wax ka badan lagama qaadi karo, hadda qof caadi ah tahay lacagta caadiga ah ayaa iska bixineysa wax walwal ah ama degdeg ah ma jiraan.” Inta badan hay’addaha dowladda ayaa waxaa aad looga cawda marka loo adeeg doonto in dadka lagu baarto oo laga qaado lacago aan ku dhicin akoonada dowladda, taasi oo dhowr jeer ay cabasho xooggan ka muujiyeen dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaale oo sharciyeeyay ‘lacag laaluush ahaan loo qaadan jiray’ + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ku billaabeyso wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool ah. Sanbaloolshe oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad uu hoos u dhac weyn ku yimid marka la eego dhanka la-socodka bulshada gudaha iyo dibadda, ka qeyb-galka qabaa’ilka iyo dhinacyadii kale ee qeybta ka ahaa wejigii koowaad ee dagaalka. “Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe. Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa u maleysa in ahmiyadii la rabay in la siiyo qabaa’ilka, deegaanada iyo maamulada ayaa hoos loo dhigaya, waxaa kor loo qaadayo tii ciidanka sida muuqatana horumar weyn waa laga gaari la’yahay.” Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoos u dhacday taageeradii dowladda ee dadka deegaanka ee qeybta ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay muujineyso sida ay dowladda keligeed iskugu soo koobeyso dagaalka wejigiisa labaad. “Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo ayaa la guuleysanaya. Meesha waxaa timid wax la dhaho isla-jaan qaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa isla jaan-qaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo daddaalada ay qeyb uga noqonayaan dalalka deriska dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, “Qofkasta oo dhagax nagula tuuraya Shabaab waa soo dhaweynayna, Shabaab waa khatar caalami ah oo gobolka ah, oo khatar Soomaaliya ah.” Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/03/01000000-0a00-0242-e8e7-08db2ec5c51d_48k.mp3The post Dhageyso: Sanbaloolshe oo si weyn u dhaliilay wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  3. Ugu horayn waxa aynu ku jirna maalmaha u horeeya ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waana bil aaad u qiimo badan kana duwan bilaha kale ee sanadka. waa bil 10ka cisho ee u horeeya yihiin Raxmad iyo Naxariis, halka 10ka dhexe ay yihiin dembi-dhaaf, halka 10ka u dambeeyaana ay yihiin Cadaabta oo adoomaha laga xoreeyo. Hadaba waxa inala gudboon in aan ka faa,idayso maalmahan kooban ee qaaliga inagu ah oo aynu dajisano qorshe maalmeed ku haboon. Kani waa jadwal ku salaysan acmaasha aad qaban lahayd 1: xilli hore seexo habenkasta 10:00pm 2: Waxaad soo kacdaa 3:00am 3: Salatul layl ama tuhajid tuko 3:30am ilaa 4:15am 4: Toban ayadood oo quraanka kamid ah macnahooda baro ugu yaraan 20 daqiiqo, 4:15am ilaa 4:35am, ka dibna ducayso ilaa 10 daqiiqo oo illaahay waxaad rabid weydiiso 4:35am ilaa 4:45 5: Saxuuro 4:45am ilaa fajArka inta udhaxysa. 6: Markaa saxuurta cuntid kadib isku diyaari salaada subax 7: Salad subax xiligeeda tuko 8: Waxaa aqrisataa adkaru sabaax ilaa 6:00am 9: Naso ilaa 7:00am kadibna isku diyaari malintaada 10:Tuko saalatu duxaa ugu yaraan 4 rakcadood 9:00am ilaa 11:30 am 11: Markasta quraanka dhagyso 12: Salaada duhur xiligeeda tuko ducaysana ugu yaraan 20 daqiiqo 13: Salaada casar xiligeeda tuko adraaku masaa’na aqri iyo quraan 14: Ku afur markay qoraxda dhacdo waxaad haysatid kadibna ducayso oo illaahay waydiiso wax walba oo aad rabtid intaadan afurin ka hor 15: Tuko cishaha waqtigiisa sidoo kalena tuko taraawiixda ilaa 9:00pm 16: Taraawiixda kadib 5 daqiiqo waxaad ka fakartaa malintaada sidey ahyd iyo waxa kuu qabsoomay nafsadaadana waydii suaalahan. Maxaad sameeyey ? Maxaa isbadal iiga baahan? Maxaan joojiyaa? Iyo maxaan bilaabaa? Jadwalkani waa tusaale se acmaal intan ka badan qofku waa qaban karaa waana kolba qofku jaaniska uu hayo, ujeedkuna waa in ay ugu yaraan naftaada ay wax iska bedelaan oo khayrka iyo cibaadada ay u dedaasho inta ay shayaadiintu ka xidhan yihiin bishaana ay naftu la qabsato acmaasha suuban samayntooda. Qodob kale ee aadka muhiimka u ah waa in qofku joogteeyo oo aanu maalin marka uu sameeyo acmaasha aanu joojin balse uu joogteeyo oo uu ku dedaalo in aanu kala goynin. Ugu dambayn waxa aynu aduunka u joognaa waa in aynu aakhiradeena u shaqaysano oo acmaal aynu ku faraxno maalinka qiyaame aynu hormarsano, maalmahana waa maalmo qaali ah oo aynaan hubin in ay dib inoo soo mari doonan markaa wa in ay ka faa,idaysano. Alle ayaa Mahadleh W/Q: Ahmed Harir Hargeisa, Somaliland Qaran News
  4. Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye. Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji halkaa oo sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho. Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidanka Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye. Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay 21-dii December 2022. Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday 11-kii March ee sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana la siiyay fursad uu ku dalban karo Racfaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo faah-faahin ka bixiyay wejiga labaad ee dagaalka ee dhawaan bilaaban doona. “Shaqadii soo bilaabatay billo ka hor ayaa weli socota, meel gaar ah oo meel hebel ayaa dagaal ka qaadeyna aan ku leeyahay majirto laakiin dib u xoreynta Khawaarijta si fiican ayay u socotaa,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda federaalka. Wasiir Cabdulqaadir ayaa waxa uu sheegay in diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socda, islamarkaana ay dhawaan shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war farxad-geliya, “Waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga bushaareynayo in taako kamid Khawaarij joogto xabadda kama joogsan doonto.” Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dagaalka iyo diyaar garowga wejiga labaad ay ka wada socdaan dagaalka meelo badan oo dalka, ayna ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo kaashanayo cid walba oo dowladda ka garab siin karta arrintaas. “Qorshaha dalka guud ahaan waa in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, dib u xoreyntaasi weli waa socota illaa ay ka dhamaato lama joojinayo. Diyaar-garowga iyo dagaalkaba waa socda,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dowladda Soomaaliyeed qof alaala iyo ciddii nagu kaalmeysa in Khawaarij dalka laga saaro waa kaashaneysa, cid walba way nagala qeyb-galeysa oo aan u aragno in Khawaarijta dalka nagala saarayso, garabna siineysa shacabka Soomaaliyeed.” Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan laga soo sheegayay gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, ayada oo gaba-gabo uu yahay wajiga koowaad ee dagaalka. Wejigii hore ee hawl-galka ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay wejiga labaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  6. Hundreds of people have stormed former President Uhuru Kenyatta’s farm on the outskirts of Kenya’s capital, Nairobi. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Onlie) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka oday nabaddoon ah oo maanta loogu geystay degmada Kaaraan, xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi. Koox hubeysan ayaa Nabadoon Cali Cumar Carraale AUN ku toogtay goob ganacsi oo ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyada oo dableyda geysatay dilkaan ay markiiba iskaga baxsadeen goobta. Nabaddoon Cali ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo dilkiisa lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo dadka deegaanka uu kasoo jeedo kula jiraan dagaal xooggan. Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, oo la xiriira dilka Nabaddoonkan loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Dilka Nabaddoonkan ayaa imanaya xilli uu xalay degmada Kaaraan ka qabsoomay shir looga hadlayay amaanka degmadaasi, oo ay ka qeyb-galeen maamulka gobolka, saraakiisha ciidanka, maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi. Kaaraan ayaa noqotay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulankaas. Si kastaba, Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ay wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay hormarkii degmadaasi. The post Faah-faahin laga helayo nabadoon lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Humza Yousaf has won the contest to replace Nicola Sturgeon as the SNP leader and Scotland’s first minister. The 37-year-old health secretary, viewed as the continuity candidate, was named as the winner at Murrayfield stadium in Edinburgh at the end of the bitterly-fought six-week contest. Kate Forbes, the 32-year-old finance secretary who repeatedly clashed with Mr Yousaf over his record in government, finished runner-up. Ash Reagan, the outsider who has staked out the most hardline position on Scottish independence during the contest, finished third. It has not been a smooth leadership contest for the party, with acrimonious clashes between candidates and the dramatic resignation of chief executive Peter Murrell – Ms Sturgeon’s husband – following controversy over the transparency of SNP membership numbers. Interim chief executive Mike Russell admitted the party was in “a tremendous mess” after the membership row, while even Ms Sturgeon described the contest as “fractious” and acknowledged the party was suffering from “growing pains”. Polls had made Mr Yousaf favourite among SNP voters. But the most recent Ipsos Scotland found that Ms Forbes was viewed more favourably by the general public – with a net rating of minus 8 per cent, compared with Mr Yousaf’s minus 20 per cent. Ms Sturgeon announced in February that she would resign after more than eight years in the job, but she did not have a succession plan and has left the push for Scottish independence at an impasse. The Independent Qaran News
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Allaha unaxariiste Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuusanayay magaalada Kismaayo, islamarkaana uu xanuunnkii hayay ugu dambeyn u geeriyooday saaka. Faah-faahin dheeraad ah lagama hayo nooca uu ahaa xanuunka hayay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi ee ugu dambeyn maanta ugeeriyooday AUN. Geeridka Xildhibaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin kala duwan oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka reer Jubbaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi. “Waxaan tacsi u diraya guud ahaan shacabka reer Jubaland, Xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaanka ay ku timid geerida naxdinta leh, Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxa uu intaasi sii raaciyay qoraalka madaxweynaha Jubbaland “Maruuxmka waxaan alle uga baryaya inuu naxariistii jano ha waraabiyo.” The post Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  10. KIGALI, Rwanda (Caasimada Online) – Paul Rusesabagina, an outspoken critic of the Rwandan government and the central figure in the acclaimed movie “Hotel Rwanda,” has been released after spending more than 900 days behind bars. Rusesabagina, a Belgian citizen with US permanent residency, is set to return to the United States following the Kigali government’s decision to commute his 25-year sentence on terrorism charges. The high-profile imprisonment had drawn international attention to Rwanda’s pattern of suppressing political dissent and freedom of speech under President Paul Kagame. Disputed conviction and health concerns In September 2021, Rusesabagina was found guilty of supporting an armed rebel group in a trial that his advocates claimed was a farce. The 68-year-old’s health had deteriorated, and his family alleged he endured torture during his 939 days in detention. Following his release, a US official confirmed that Rusesabagina was brought to the Qatari ambassador’s residence in Kigali. He is anticipated to remain there for a few days before traveling to Qatar, which was crucial in securing his release, and then to the United States. Rusesabagina’s sentence and those of 19 co-defendants were commuted by presidential order, as announced by Justice Minister Emmanuel Ugirashebuja. However, he noted that under Rwandan law, “commutation of the sentence does not extinguish the underlying conviction.” International reactions to the release US President Joe Biden expressed happiness at Rusesabagina’s release, calling it a “happy outcome.” Secretary of State Antony Blinken also conveyed gratitude to Rwanda for the release, and Belgium likewise welcomed the decision. Rwanda commended the United States and Qatar for their roles in resolving the case. A source knowledgeable about the negotiations revealed that talks began in late 2022. A breakthrough occurred last week during discussions between Kagame and Qatar’s emir, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. From hotel manager to political adversary Rusesabagina faced accusations of supporting the National Liberation Front (FLN), a rebel group held responsible for attacks in Rwanda in 2018 and 2019, which resulted in nine deaths. Although he denied any involvement in the attacks, Rusesabagina was a founding member of the Rwandan Movement for Democratic Change (MRCD), an opposition group believed to have the FLN as its armed division. Rusesabagina was arrested in August 2020 after a plane bound for Burundi was diverted to Rwanda, an event the United Nations has labeled as an “abduction.” He had departed Rwanda in 1996, settling in Belgium with his family. Clemency in exchange for disengagement In a letter from October 2022, released by the Rwandan government on Friday, Rusesabagina pledged to “leave questions regarding Rwandan politics behind me” and spend the remainder of his life in the United States in return for clemency. He also expressed “regret for any connection my work with the MRCD may have had to violent actions taken by the FLN.” The case involving Rusesabagina has long been a point of contention between Washington and Kigali, with Blinken addressing the issue during his visit to Rwanda in August last year. Rusesabagina’s family filed a $ 400 million lawsuit in the United States against Kagame, the Rwandan government, and other individuals for allegedly abducting and torturing him. Victoire Ingabire, another Kagame critic who was previously imprisoned on terrorism charges before being released in 2018, contends that the move is aimed at stifling Rwanda’s opposition. “Once the Rwandan courts have convicted a person, they are stripped of their rights to engage in politics, and a presidential pardon does not restore those rights,” Ingabire explained. The real-life story behind “Hotel Rwanda” Rusesabagina gained instant fame with the release of the 2004 film “Hotel Rwanda,” in which Don Cheadle starred. The movie depicted his experiences as a hotel manager during the 1994 genocide when his family and hundreds of mainly ethnic Tutsi guests sought refuge in the Mille Collines hotel as violent mobs murdered people just outside the hotel gates. Rusesabagina is credited with saving approximately 1,200 lives during the 100-day massacre that killed around 800,000 Rwandans. After leaving Rwanda, Rusesabagina emerged as a vocal critic of Kagame. His relentless opposition to the man who has been Rwanda’s de facto leader since the genocide led to him being labeled an enemy of the state. His release and subsequent commitment to distance himself from Rwandan politics could be seen as a victory for the Kagame government, which has a history of silencing dissenting voices. As Rusesabagina embarks on a new chapter in his life in the United States, the world will be watching to see how his story progresses and how his release will impact the broader fight for free speech and political dissent Rwanda. The post ‘Hotel Rwanda’ hero liberated: What’s next for Rusesabagina? appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib. Warshadaan oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamza oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada. “In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Wax weyn ayay ka bedeli doonta baahida aan qabno, ayada oo ognahay inta aan soo dhoofsano iyo lacagta adag ee inooga baxda bur, in aan gudaheena kasoo saarano waxay keenni doonta horumar wanaagsan oo dhinicii dhaqaalaha iyo bulshadaba ah Ilaahay idinkiis.” Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka. Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha. Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor). The post Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan appeared first on Caasimada Online.
  12. Nairobi, Kenya, Mar 27 – The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) is calling on the international community to commit more resources to combat the drought ravaging the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  13. France is ready to help cover Tunisia's remaining financing needs for 2023 and 2024, said France’s ambassador to Tunisia, André Parant, announcing that a package of 250 million euros is currently awaiting disbursement to help the country bridge its budgetary gap. Source: Hiiraan Online
  14. Addis Abeba – Another disaster has claimed the lives of seven people after a long-awaited rain in the drought hit districts of Dawa zone, Somali region caused a devastating flood. A heavy rain between March 20 to 23 in all the four districts of the zone turned into heavy flooding that affected more than 4500 people and forced half of them to be displaced from their settlements, a local official told Addis Standard. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud called Monday on the Army to be prepared for the second phase of the offensive operation against terrorist militants remaining in the country. Source: Hiiraan Online
  16. Ururrada u dooda xuquuqda dadka soo-galootiga ah iyo tan shaqaalaha ee Canada ayaa kasoo horjeestay heshiis Jimcihii ay wada gaadheen Mareykanka iyo Canada oo ku saabsan qul-qulka soo-galootiga ee labada dal. Heshiiska ayaa dhigaya in dadka soo-galootiga ah ay magangalyo waydiistaan dalka ugu horreeyo ee nabdoon ee ay gaadhaan, baddelkii ay uga sii gudbi lahaayeen dal kale. Source
  17. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hanjabaadii kasoo yeertay Somalilad, ee la xiriirtay in dagaal qorsheysan ku qaadi doonto magaalada Laascaanood. Jeneraal Saciid Shoodhe ayaa waxa uu sheegay in dhawaaqa kasoo yeeray Somaliland uu banaanka usoo saaray wajigooda dhabta ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ay dhulkooda kaga xoreystaan. “Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso,” ayuu yiri Jeneraal Saciid Shoodhe. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada SSC iyagu ku guulaysan doonaan dagaalka Somaliland ku dhawaaqday, ayna ka xoreynayaan dhulkooda ciidamada Somaliland, “Anaga ayaa gacanta sare yeelan doona oo waan jabin doonaa ciidamada Somaliland.” Jeneraal Shoodhe ayaa waxa kale oo uu beeniyay sheegashada Somaliland ee in Puntland iyo dowladda federaalka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood, isaga oo sheegay in dhinacyadaas aysan ciidan ka joogin magaalada, inkasta oo halkaasi ku sugan yihiin saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa beeleedyo ka yimid Puntland. “Haddii ay dhacdo xabad joojin inay dhaqan-gasho waa haddii Somaliland ay Caynaba geyso ciidamadeeda,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland, oo xusay sida kaliya ee ku qaboobi karto xiisadda dagaal ee ka taagan xarunta gobolka Sool. Hadalkan Jeneraal Shoodhe ayaa imanaya kadib markii ay ciidamada hogaamisa ciidanka milateriga Somaliland ay ku dhawaaqeen in dagaal qorsheysan oo milateri ku qaadi doonaan xooggaga kasoo horjeeda ee SSC. “Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland. Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan. The post SSC oo jawaab culus kasoo saartay hanjabaaddii Somaliland, kuna dhawaaqday… appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (PP News Desk) — The Laascaanood conflict began 50 days ago on 6/2/2023. The International Crisis Group, which published a report at the height of Tukaraq conflict in 2018, has not issued a report on the second, longest inter-clan conflict in Somalia since 1992 affecting urban areas. In its 2018 report ICG argued that strong cultural, religious and business ties could help stop the conflict. The reasoning behind this conclusion was that Somaliland, which then controlled Laascaanood, despite not enjoying the consent of locals, would repel any attack by Puntland. In January 2023, Laascaanood people kicked out Somaliland forces through popular uprising. Somaliland forces tried to return to Laascaanood, but figured out the potential risk of urban resistance in the form of house to house fighting, hence its strategy to amass its forces in Gooja’ade’s mountainous area to shell the district by using artillery and Stalin-rocket launchers. Somaliland forces shelled residential areas of Laascaanood. Somaliland claimed that its forces were fighting terrorists in Laascaanood, a district federally represented by Puntland State of Somalia. “President Muse Bihi Abdi of Somaliland brazenly tried to turn a political problem into a securitisation issue. A full-blown civil war in raging in Northern Somalia. I expected the International Crisis Group would publish a report on the most dangerous conflict in Somalia, a country whose national government is protected by ATMIS. The silence of the ICG on the conflict is puzzling” said a security analyst in Mogadishu. More than 90 people lost their lives, 300 were maimed in Laascaanood as a result of the shelling by Somaliland forces. © Puntland Post, 2023 The post ICG “Silent on” the Civil War in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.