-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Glasgow (Caasimada Online) – Baarlamanka Scotland ayaa Talaadadii xaqiijiyey in Humza Yuusuf uu beddeli doono Nicola Sturgeon, si uu u noqdo wasiirka koowaad, taasi oo macanaheedu yahay in qaranka uu yeeshay ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa iyo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dal ka mid ah galbeedka Yurub. Yuusuf oo 37 jir ah, ayaa si dirqi ah Isniintii ugu guuleystay hoggaanka xisbiga Scottish National Party (SNP), si uu u qabto jagada ugu sarreeya Scotland, wuxuuna wacad ku maray inuu dib usoo nooleyn doono dadaallada istaagay ee Scotland ay ku raadineyso madax-banaani. Waxa uu kadib xaqiijiyey aqlabiyadda codadka xildhibaanada, codeyn shalay dhacday, si uu noqdo wasiirka koowaad, waxaana la dhaarin doonaan Arbacada maanta ah. Ka hor codka xaqiijinta, Yuusuf ayaa qiray inay sugeyso shaqo adag, si uu buuxiyo booskii Sturgeon, balse wuxuu wacad ku maray “inuu sii wadi doono xaqiijinta Scotland togan, horusocod ah, kana muuqata saaxadda caalamka.” “Waxaan si aan daal laheyn u raadin doonaa madax-banaani,” ayuu yiri, isaga oo ballan-qaaday inuu sida ugu wanaagsan u adeegsan doono awoodda baarlamanka. Yuusuf ayaa Isniintii ballan-qaaday inuu noqon doono “jiilka madax-banaani ku hoggaamiya Scotland,” wuxuuna sheegay inuu London weydiisan doono inay ogolaato codeyn kale. Hase yeeshee, xoghayaha dowladda UK ee Scotland Alister Jack ayaa sheegay inuu rajeynayo in hoggaamiyaha cusub ee SNP “uu meel iska dhigo waaliada madax-banaani doonka.” Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa isla shalay u hambaleeyey Yuusuf oo ay yeesheen wada-hadalladii ugu horreeyey kadib guushiisa. “Waxaan xiiseynayaa la shaqeynta Humza, si aan shacabka Scotland u gaarsiino arrimaha ahmiyadaha u leh,” ayuu yiri Sunak. Yuusuf ayaa wada-hadallada ugu yeeray kuwa miro-dhal leh, hase yeeshee wuxuu xusay in Scotland ay dooneyso afti kale, wuxuuna yiri “waxaan caddeeyey inaan filayo in rabitaanka dimoqraadi ee shacabka Scotland la ixtiraami doono.” Yuusuf ayaa la dhaarin doonaa Arbacada maanta ah kadib markii uu soo ansixiyo boqorka UK. Hoggaamiyayaasha SNP ayaa ku faanay in Scotland ay noqotay dimoqraadiyaddii ugu horreysay Galbeedka Yurub ee doorata hoggaamiye Muslim ah. “Waxaan u maleynayaa in tani ay muujineyso in UK uu yahay dal soo dhoweeya kooxo kala duwan, gaar ahaan Scotland,” waxaa sidaas yiri Stephen Flynn oo ah hoggaamiyaha Scotland ee baarlamanka UK. Humza Haroon Yuusuf, oo 7-dii April 1985-kii ku dhashay caasimadda Scotland ee Glasgow, ayaa ah wiilka qoys kasoo haajiray dalka Pakistan. The post Scotland oo dooratay ra’iisul wasaare MUSLIM ah appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiil ka socotay dowladda Mareykanka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka. Saraakiisha Mareykanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweyntooda Maxaas guddoomiyaha degmada Muumin Maxamed Xalane, Taliyaha ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax kamid ah maamulka degmada. Socdaalka saraakiisha Mareykanka ayaa ku qotoma dardar-gelinta wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiinta maamulka degmada Maxaas. Saraakiishan oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka garab siin doona howl-galadaasi, ayaa waxay ku boggaadiyeen ciidamada dowladda, kuwa dib-u-xoreynta iyo qeybaha bulshada degmadaasi sida ay isaga dul-qaadeen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin. Socdaalka Saraakiishan Mareykanka ah ayaa imanaya maalmo kadib markii gobolka Hiiraan ay gaareen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka saraakiishaan ayaa u daaran sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona gobolka Hiiraan iyo qeybo kale oo dalka. Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dhawaan bilaaban doona ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaran gobolka Hiiraan, ayada oo ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo magaalada Beledweyne uu dib ugu laabtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kuna dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono wajiga labaad ee howl-galka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Qorshaha saraakiil sare oo dowladda Mareykanka ay usoo dirtay SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan fatahaado weyn oo uu sameyn karo webiga Shabeelle kadib markii roobab lixaad leh ay ka da’een dhulka sare ee dalka Ethiopia. Waxaa laga cabsi qabaa in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan webiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay. Hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo FAO ayaa warbixin ay soo saareen waxaa lagu sheegay in laba illaa saddexda maalmood ee soo socda uu webiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro. Waxaa si weyn looga digay dadka degan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan inay sii daganaadaan aagaasi, ayada oo loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu biyaha webiga uu kor u kacay 1.25 Mitir, taasi oo dhawaan galaafan karta nolasha dad badan, iyada oo fatahaadu ku faafi karto sida laga casbi qabo dhul ballaaran oo aan la qiyaasi karin. Webiga ayaa hadda fahataad ka sameeyay deegaano badan oo kuyaala degaanka Soomaalida, isaga oo dhibaato weyn u geystay dhul beereed. Laba sanno kahor ayay ahayd markii ay fatahaad saameyn xooggan reebtay ay ka dhacday magaalada Beledweyne, taasi oo ay dad badan ku dhinteen, ayna hanti badan ku burburtay, waxaana muuqata in aan weli cashar laga baran dhibaatooyinkii hore ee ay sababeen fatahaaduhu. The post Digniin laga soo saaray halis kusoo food leh HIIRAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Daraasaad Soomaaliya ka sheegtay shan arrin oo aan horay loo ogeyn Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday daraasad laga sameeyay Soomaaliya oo diiradda lagu saaray xogta qoysaska iyo shakhsiyaadka. Xog aruurintan oo ku saleysan 2022-ka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo khuseeya dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo miyiga ee da’ walba leh. Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga fuliyo daraasad noocan ah tan iyo sanadkii 1985-kii. Ujeeddada ugu weyn ee loo fuliyay xog aruurintan ayaa ah si loola socdo fayo dhowrka shacabka, dhaqaalaha ku baxaya iyo xaaladaha sida gaarka ah ula soo darsa. Natiijada ayaa loo adeegsan doonaa si loogu cabiro isticmaalka adeegyada bulshada iyo miisaaniyadda qoysaska. Tani waxa ay sahleysaa in xog caddeymo ku dheehan yihiin loo maro marka la daboolayo baahida bulshada iyo maaligelinta adeegyada dhinaca horumarinta, sida lagu qeexay warbixinta kasoo baxday dowladda. Haddaba kuwani waa shan ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee lagu xusay warbixinta ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya. 1- Xogta da’da Shacabka Macluumaadka laga aruuriyay tirada guud ee dadweynaya oo loo kala qaaday lab iyo dheddig ayaa muujinaya in shacabka Soomaaliya ay u badan yihiin dhallinyaro, dadka waayeelka ahna ay aad u yar yihiin. Waxaa sidoo kale ka muuqda in tirada dumarka da’da yar ay badan tahay marka la barbar dhigo tan ragga oo ka yar inta ay dumarku yihiin. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Jaan tuska xogta ayaa lagu qeexay in dadweynaha ku nool Soomaaliya ay u badan yihiin dad dhallinyaro ah. Kooxda ugu badan ayaa ah carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 5 ilaa 9 sano, taasoo ah 22.7%. Dadka ay da’doodu tahay inta u dhaxeysa 60 ilaa 69 sano ayaa ah boqolkiiba 0.5(ragga) iyo boqolkiiba 0.8 (dumarka). Dadka ka weyn 80 jirka ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 0.8 oo isugu jira rag iyo dumar. 2- Xogta Guurka In ka badan kala bar ka mid ah dadka Soomaaliya ku nool ee ay da’doodu ka sarreyso 15 sano ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin dad guursaday oo qoysas leh, taasoo ah boqolkiiba 50.5. Boqolkiiba 37.9 ka mid ah dadka da’doodu ka sarreyso 15 sano ayaan waligood guur soo marin. Boqolkiiba 5.53 ka mid ah tirade guud ayaa lagu qeexay in ay yihiin dad guursaday balse furriin la kulmay, halka boqolkiiba 6.1 ay yihiin carmal ama dad guursaday balse qofkii ay guursadeen uu ka dhintay. 3- Xogta tirada qoysaska Celcelis ahaan qoys walba oo Soomaali ah waxa uu ka kooban yahay 6.7 qof, sida lagu sheegay warbixintan laga soo saaray tirakoobka. Si gaar ah, qoysaska ku dhaqan magaalooyinka ayaa tiradooda lagu qiyaasay 7.0 halka qoysaska reer miyiga ah iyo reer guuraaga ay tiradoodu ka kooban tahay midkiiba 6 qof. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoysaska ay tiradooda gaareyso ilaa 9 qof ayaa u badan kuwa daggan magaalooyinka waana boqolkiiba 26.8 halka kuwa ku dhaqan miyiga ay yihiin boqolkiiba 18.0. Qoysaska reer guuraaga ayaa xubnahooda tiro ahaan lagu qiyaasay boqolkiiba 18.4. Tani waxa ay muujineysaa in ay koboca reer magaalnimada uusan kaliya ku koobneyn qoysaska usoo guuraya magaalooyinka balse uu sidoo kale u raacsan yahay in qoysaska reer magaalka ay ay ka xubno badan yihiin kuwa miyiga iyo reer guuraaga. 4- Xogta waxbarashada Wax ka badan kala bar ka mid ah tirada guud ee dadweynaha ayaan waxba baranin, taasoo ka dhigan boqolkiiba 53.7. Heerka jaahilnimada ee dumarka ayaa aad u sarreeya marka la barbar dhigo kan ragga. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Boqolkiiba 63.6 ka mid ah haweenka ayaan waxba baran halka ragga aan waxba baran ay yihiin boqolkiiba 45.3. Heerka dhallinyarada aan waxbarashada billaabin ayaa maraya boqolkiiba 70.3. 5- Tirada dadka heysta baasaboor Warbixintan ayaa muujineysa in tirada ragga ee sameystay sharciga socdaalka ee baasaboorka ay ka badan yihiin dumarka. Boqolkiiba 4.9 ka mid ah tirada guud ee ragga Soomaaliya ku nool ayaa heysta baasaboor. Hase yeeshee Dumarka baasaboorka heysta ayaa intaas ka yar oo u dhigma boqolkiiba 2.9. Si guud, ragga aan wax sharci aqoonsi ah lahayn ayaa gaaraya boqolkiiba 84.7 halka dumarka sharci la’aanta ah ay yihiin boqolkiiba 86.5 Qaran News
-
Beijing (Caasimada Online ) – Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto “daandaansi”. Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay taageerayaan rabitaanka jasiiraddan in loo arko waddan gaar ah. “Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing. “Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin dhab ah,” ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah. Maraykanka ayaa sheegay in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joogto ah, isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta oo gardarro ah uga qaado Taiwan. Tsai ayaa la filayaa in ay ka hadasho arrintan kahor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo ku hakan doonta magaalada New York. Shiinaha ayaa hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo ciidamada qalabka sida ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay. VOA + Reuters The post Shiinaha oo hanjabaad cusub u diray Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
My tribute to the late Ibrahim Hashi Jama Although we all know that life is temporary, at the same time death is inevitable and cannot be delayed. I personally feel great sorrow when I heard the passing of Ibrahim Hashi Jama. Mr. Ibrahim Hashi, who founded SomalilandLaw.com website, died at his home in the UK (Manchester) on Monday 27 March 2023. Ibrahim was not only the founder of the Somalilandlaw.com website, but he was also the editor of the website where he compiled the constitution and the laws of Somaliland and updated them regularly. Ibrahim had high knowledge in the field of law which he achieved as a barrister and gained LL.B and LL.M degrees. He devoted a lot of his time and resources to translate the Somaliland constitution and laws into English. He also wrote extensively about the constitution and laws of Somaliland, which really made it possible for foreign institutions and other individuals to understand Somaliland’s constitutions and its laws through his website. He contributed greatly and presented the laws and constitution of Somaliland in other publications. We can say that Ibrahim Hashi was the person who introduced our constitution to the rest of the world. His contribution was not limited to Somalilandlaw.com; many times I have been in contact with Ibrahim he shared his views about Somaliland. He was someone who always wants Somaliland to be a country that operates under the rule of law. In order to ensure that Somaliland operates in a legal system, he has been contributing consistently and giving advice and consultation to the relevant institutions and individuals in the country and abroad. This short note only concerns the short period of time that Ibrahim and I have known each other, which is estimated to be no more than 15 years. Therefore, this tribute does not provide enough details about his biography such as his high school education in Sheikh, his studies in Universities abroad and also the work experience he went through in his life whilst working. Since I have known him, he has been a person who tirelessly shared his knowledge and expertise in the field of law with his people and institutions in Somaliland. He was a good example and role model for many of the Somaliland Diaspora. He also spent a lot of his time with Somaliland Diaspora organizations aimed at advocating for Somaliland to receive the recognition it deserves from the international community. As one of Ibrahim’s friend shared with me Somaliland Diaspora Organizations to which he contributed a lot to include Somaliland Forum, SSE (Somaliland Society in Europe) and other Diaspora organizations. I personally remember how Ibrahim contributed to the articles and memorandums produced by the SSE umbrella, which were aimed at promoting the existence and the development of Somaliland. I can say that I was lucky that I had the opportunity to work with Ibrahim Hashi together with other Somaliland activists to promote Somaliland’s right to be recognized by the international community. I believe I learned a lot from his talent, knowledge and his skills to work with different teams of people regardless of their background. Ibrahim was a person who encouraged many of the Somaliland Diaspora to be aware the importance to make constructive contributions to Somaliland through the use of knowledge, experience and actions. His commitment towards Somaliland as well as his real patriotism and love for Somaliland will be the things that many Somaliland people will remember Ibrahim for a long time. I am sure that Ibrahim has left us with an up-to-date information related to the constitution and laws of Somaliland translated into English. It is very useful legacy for the current and future generations. Many of us will remember him for the sacrifice he made for his country. We also remember Ibrahim as a family man, husband, father and grandfather. Finally I have to say peace be upon him. His departure from life is part of the natural process of life which Alla has created for us all. His death coincided with the blessed month of Ramadan, and we pray to Alla for his mercy. Abdirahman Abdullahi Jibril (Awliyo) UK Jabdi35@yahoo.com Qaran News
-
WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – Rep. Matt Gaetz (R-Fla.) has put forth a war powers resolution aimed at ending the United States military involvement in Somalia, with the sole exception of personnel safeguarding the U.S. Embassy. This comes on the heels of Gaetz’s unsuccessful effort to recall American troops from Syria, which encountered resistance from both parties and was ultimately defeated in a 321-103 vote. Evaluating military presence in foreign territories In an official statement, Gaetz called into question the American public’s trust in military leaders and their rationale for occupying Somalia. He demanded transparency, asking, “How do they expect Americans to believe their justification of occupying Somalia when they can’t even determine who in their own training programs will lead a violent coup afterward?” Gaetz urged the Congressional War Machine to clarify the benefits of maintaining a military presence in Somalia for the American people. If no adequate explanation is provided, Gaetz insisted, it is the responsibility of Congress to repatriate the troops stationed in Somalia. The war powers resolution and potential outcomes Under the proposed resolution, the House of Representatives would be required to vote on the matter within 18 days of its introduction. Should it pass, U.S. armed forces would be mandated to leave Somalia by 365 days after the resolution’s adoption. Gaetz expects opponents to cite the 2001 Authorization for using Military Force (AUMF) against Afghanistan as grounds for the continued deployment of troops in Somalia. In a previous vote, House Republicans and Democrats united to block Gaetz’s resolution regarding the withdrawal of U.S. forces from Syria. Critics claimed that the small force in Syria lacked proper congressional authorization, relying instead on the outdated 2001 AUMF enacted more than two decades ago. ‘Modernized authority and reduced global intervention’ Gaetz and other congressional members argue that an updated authority is necessary for deploying troops overseas and that the United States should cease its role as a “global police force.” Gaetz expressed skepticism about the efficacy of the 900 American soldiers currently stationed in Syria. “I do not believe that what stands between a caliphate and not a caliphate are the 900 Americans who have been sent to this hellscape with no definition of victory, with no clear objective and purely existing as a vestige to the regime change failed foreign policies of multiple former presidents,” he said. As a House Armed Services Committee member, Gaetz submitted the resolution concerning Syria in late February following a U.S. Central Command report detailing a U.S. and Syrian Democratic Forces (SDF) helicopter raid in northeastern Syria. The operation left four U.S. service members injured and resulted in the elimination of a high-ranking ISIS leader. The post Rep. Gaetz pushes to end U.S. military presence in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
LONDON, UK (Caasimada Online) – Rabih Alenezi, a former Saudi police colonel who defected earlier this month, revealed his fears for his life after a bounty was offered on Twitter to find his location. Alenezi, 44, contacted London’s Metropolitan Police when a verified account, allegedly belonging to a social media influencer in Jeddah, offered 10,000 Saudi rials ($2,662) to find the ex-officer. Followers of the account increased the bounty and suggested London neighborhoods where Alenezi might be hiding. Unexpected dissident in the spotlight Alenezi never anticipated becoming a dissident and seeking asylum when he traveled to the UK in February. However, after reflecting on human rights violations in Saudi Arabia, he began to speak out, urging Saudi police officers not to spy on people and to focus on fighting “normal crimes” and “bad people.” His online dissent led to accusations of treason and further fueled his criticism of the Saudi regime. Alenezi expressed his concerns about forced disappearances and criticized Crown Prince Mohammed Bin Salman’s Vision 2030 strategy. He also raised the issue of the Howeitat tribe, which has reportedly been forcibly displaced to make way for the $500bn Neom megaproject. Alenezi recounted how he avoided participating in operations to demolish homes for the project or spying on Shia Muslims in Qatif province by feigning illness or having prior commitments. Alenezi privately warned his police colleagues about the Tiger Squad, a secret unit established under the crown prince for covert assassinations of Saudi dissidents both inside the kingdom and abroad. He reminded them of the fate of those who killed journalist Jamal Khashoggi, and he believes the Tiger Squad still exists. Impact of the defection on Saudi leadership Alenezi’s defection has made him a target for hundreds of pro-Saudi social media accounts, as the Saudi leadership fears that other officers might follow his example. The volume and intensity of online attacks against him have increased since his arrival in the UK. His Twitter account was briefly shut down, hacked, and remains inactive. Abdullah Alaoudh, Saudi director at the Washington, DC-based Freedom Initiative, claimed the attacks on Alenezi are coordinated and systematic. He noted that he has never seen a bounty offered before and believes the intent is to “make an example out of him” and possibly even assassinate him. Twitter has been made aware of the situation but has yet to take action. Alenezi’s case is closely monitored by other Saudi dissidents in the UK, who are concerned about the ease with which he was tracked down. One activist, who fled Saudi Arabia last year, said that Alenezi’s experience frightened her even though she speaks out anonymously from abroad. The post Twitter bounty puts defected Saudi colonel in peril appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay caawa kaabiga ku hayaan degmada Galcad ee gobolkaas oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku heyso. Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanku ay galabta dhowr deegaan kala wareegeen kooxda, isla markaana ay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan degmada Galcad oo horay loo xoreeyey, balse mar kale gacanta u gashay Al-Shabaab. “Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta qaranka. Sida lagu sheegay qoraalkaan kooxda Al-Shabaab jab xoogan ayaa loogu geeystay howlgalka lagu xoreeyey deegaanadaas ee maanta lagu qaaday saldhigyadoodii ku yaallay afartaas deegaan ee laga xoreeyey. “Dhanka Kale argagaxisadu waxay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaas oo ay caawa hareerada ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda oo aad ugu foogan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Degmada Galcad oo caawa duleedkeeda ay ciidanku ku hoyanayaan waxaa horay looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, balse dib ayey ugu soo laabteen markii ay ka soo baxeen ciidamada dowladda. In ciidanku ay ka soo baxaan degmadaas waxaa sabab u ahaa weerar culus oo kooxdu ay ku soo qaaday ciidamada Danab iyo Gor Gor ee Galcad ku sugnaa, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliye ku xigeenkii Danab Xasan Tuure iyo askar badan. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay aad ugu xooggan yihiin aagga degmada Galcad, waxaana ku xiga Galhareeri iyo Ceelbuur oo saldhigyada ugu waaweyn ee bartamaha Soomaaliya ay ku leeyihiin. The post Ciidanka DF oo qabsaday degaano hoos taga Galcad iyo Shabaab oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – On Sunday, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud declared the start of the next stage in military operations to combat the extremist organization Al-Shabab, intending to drive out the militants from the remaining regions of the country. President Mohamud made this announcement during a visit to the recently liberated Aadan Yabaal district, where he underlined the achievements of the Somali National Army (SNA) in the initial phase of the campaign against Al-Shabab. Initial phase accomplishments Beginning in August 2022, the first phase represented a pivotal moment in Somalia’s fight against Al-Shabab. Supported by the United States and Turkey, the Somali-led offensive in central Somalia illustrated the SNA’s growing capabilities. The SNA managed to secure strategic towns like Harardhere and Galcad, while local clan militias and international drone assistance served as supplementary forces. The Somali government concentrated on disrupting Al-Shabab’s revenue streams during this stage. President Mohamud emphasized his administration’s dedication to stabilizing the region and offering essential public services in his address. Next phase and potential challenges President Mohamud believes the upcoming offensive operations phase will be less challenging than the previous one, given the national army’s invaluable experience. Nevertheless, the long-term effectiveness of the offensive relies on the Somali government’s capacity to safeguard ordinary citizens and stop Al-Shabab from penetrating government-controlled areas. Bolstering the Somali police force and adopting a “clear and hold” strategy will be essential in securing a lasting triumph over the extremist group. The Somali government aspires to use this renewed offensive to eradicate Al-Shabab’s presence and restore stability and safety for its citizens. Doubts over the government’s approach As the Federal Government of Somalia readies itself for the next phase of operations against Al-Shabab, questions have arisen about the government’s strategy. Former National Security Agency Director and current Member of Parliament, Abdullahi Mohamed Ali Samboolshe, expressed significant concerns about the government’s tactics, arguing that a direct confrontation between locals and Al-Shabab had been successful. However, the government plans to have its forces lead the second phase, which may negatively impact the offensive. “The key to victory in this war has been pitting the people against Al-Shabab… A delicate equilibrium between locals, the international community, and government forces is necessary. If one component is absent, success becomes unattainable,” MP Samboolshe said. In response to Samboolshe’s remarks, Somali Minister of Defense Abdulkadir Mohamed Nur Jama stressed that liberation efforts are underway in HirShabelle and Galmudug, with plans to extend the conflict to other Al-Shabab-dominated areas of the country. “Every region will be liberated; we are committed to assisting Somali citizens and ensuring that no one is left behind,” Minister Abdulkadir Mohamed Nur Jama stated. The post Somalia president launches new Al-Shabab offensive appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolja Banaadir ayaa soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in 69 kun oo dollar ay u qorsheeyeen inay siiyaan ehellada 8-qof oo ku geeriyooday weerarkaas. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay duugtoodii bixiyeen, hadana ay doonayaan inay lacagtaan gaarsiiyaan ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas. “Qoys kasta waxaan ugu tala galnay afar kun oo dollar inta soo hartana waxaan sii doonaa dadka qaba dhaawacyada daran, lacagtaan waxaa iska soo uruuriyey shaqaalaha maamulka gobolka oo mushaarkooda qof kasta uu 10% ku deeqay,” ayuu yiri guddoomiye Guure. Wuxuu sheegay in dadkii dhintay weerarkaas oo 8 qof gaaraya ay dhamaantood shaqaale ka ahaayeen gobolka, isla markaana aan la ruqsey doonin oo ehelladooda ay qaada doonaa mushaarkii ay qaada jireen. “Dadkii shaqaalaha ahaa ee geeriyooday carruurtooda sidii ayey mushaarka u qaada doonaan, wax laga jari doono ma jiraan, in wax loogu daro maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka maaliyadda maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay ay isbitaallada ka baxeen oo intooda badan ay bogsoodeen, “Waxaan ka qeyb qaadanay baxnaaninta dadkaas, hadda dhamaantood isbitaallada waa ka baxeen,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray, “Maanta waxaan qabanay munaasabad aan ugu duceynay shuhadadii, munaasabadaan waxaan dib ugu dhiganay in la baxnaaniyo dadkii ku dhaacawmay weerarkii, dhaawacyada waxaan u dirnay dhaxal koob,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Guure. Hoos ka daawo The post Daawo: Maamulka gobolka oo $69,000 siinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkii… appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – In a historic move, the Central Bank of Somalia (CBS) has effectively integrated International Bank Account Numbers (IBAN) into the National Payment System (NPS) for all transactions. This groundbreaking development marks the first time that Somalia has embraced IBAN. As of March 27, 2023, every bank in the country has adapted IBAN. The adaptation is projected to streamline payment processing, mitigate operational risks, and reduce delays in international transfers involving Somalia and countries compliant with IBAN. Abdirahman Abdullahi, CBS Governor, shared his excitement for the initiative, declaring the NPS introduction as a “significant breakthrough for the nation’s financial sector that had long been cut off from international financial markets.” Easing remittance flows The innovative payment system is expected to simplify remittances from overseas citizens, particularly the Somali diaspora, who have played a vital role in the nation’s economic resurgence. Prior to IBAN initiation, remittances were obstructed by strict anti-money laundering and counter-terrorism financing (AML/CFT) regulations. The CBS has implemented targeted measures to address AML/CFT concerns within the new payment system, which should alleviate apprehensions of foreign banks and regulators about payments destined for Somalia. In 2022, SWIFT, the international consortium, assigned International Bank Account Numbers to both the central bank of Somalia and all its commercial banks, empowering them to conduct cross-border transactions. Rising from the ashes of civil war In 1991, the civil war led to the near-complete collapse of Somalia’s financial sector, rendering the central bank and the nation’s banking sector non-operational for over 20 years. Transactions were carried out using cash, foreign currencies, or bartering. Rebuilding efforts for the Somali state commenced in the early 2000s, backed by the Somali diaspora and international aid organizations such as the World Bank and the International Monetary Fund. The successful implementation of the NPS and IBAN is predicted to accelerate economic growth, generate jobs, and enhance the overall quality of life in Somalia. A promising outlook for Somalia Moreover, Somalia’s reintegration into the global financial market may yield positive effects for neighboring East African nations, bolstering regional trade and collaboration. Lacking an interbank payment system, Somali banks had previously relied on transporting banknotes in secure vehicles for transfers. The development of a payment system emerged as a critical objective for CBS, which collaborated with the World Bank on a project that delivered expert guidance and funding for technology. The central bank initiated the system’s ‘soft launch’ in July 2021, with nine banks participating in the official launch in August. The final four banks joined in 2022. The incorporation of IBAN and the new payment system symbolizes Somalia’s return to the international financial arena. Two foreign commercial banks, Turkey’s Ziraat Katılım and Egypt’s Banque Misr have announced plans to establish branches in Somalia. This development is anticipated to considerably boost investment in the country and facilitate the issuance of letters of credit for trade financing. The post Financial renaissance: Somalia welcomes IBAN integration appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howl-galka (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef. Kulankaan ayaa waxay looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo howl-galka ATMIS, sidoo kale fulinta qorshaha sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan howl-galada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo naftooda. Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan cirib-tirka Khawaarijta iyo dardar-galinta howl-galada ka socdo dalka, isagoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howl-galada socda, taasi oo keentay in ciidamada xoogga dalka ay guulo waaweyn gaaraan. Sidoo kale waxa uu sheegay in ka go’an tahay in bulshada Soomaaliyeed kala shaqeeyaan amniga iyo barnaamijyada horumarinta, kahor December 2024, oo ah xilliga u qorsheysan inay soo gaba-gabeeyaan howl-galkooda Soomaaliya. ATMIS ayaa door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed. Si kastab, Ciidamada ATMIS ayaa saameyn muuqata ku haleyn howl-galada Muqdisho iyo kuwa gobolada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse taasi ayaa muuqata in hadda kadib wax iska bedeli doonaan kadib kulamo isdaba-joog ah oo ay hoggaanka ATMIS iyo madaxda DF. The post ATMIS oo ku biiraysa howl-gallada Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
asiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta shir Guddoomiyey shir ay isugu imaadeen Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha Bin’aadanimada oo looga hadlaayay xaalada Magaalada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Jubba. Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle,La-taliyaha Istaraatiijiyada iyo Iskaashiga Mudane Maxamed Cumar Macalin,Madaxa isku-xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna Ku-xigeenka madaxa Qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla,waxaana looga hadlay Xaalada Baardheere iyo Sida dadka halkaas sameenta ka soo gaartay gargaar loo gaarsiin karo. Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha biyaha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay in ay Hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta saadaasha iyo digniinaha ayaa soo saartay digniino ku aadan Roobka Gu’ga Todobaadka Afaraad ee Bisha March, waxaana saadaasha ay muujinaysaa in todobaadkaan ay Roobaab fiican ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo dhaca gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaadiid dagaal kala wareegtay dowladda Turkiga, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Munaasibad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkaas ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya kula wareegay wasiirka gaashaandhiga xukumadda federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu sheegay in “hiil iyo hooba” ay la garab taagan yihiin xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Gaadiidkaan ay ku deeqday dowladda Turkiga ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu tayeeyo ciidamada xoogga, gaar ahaan GorGor, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga oo maanta la wareegay. Gaadiidkaan dagaal ayaa waxay keenistooda ku soo aadaysa xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda dalka waxay kaalmo milateri iyo saanad ciidan ka helaysay dalalka saaxiibka la ah, kuwaasi oo muujiyay inay diyaar u yihiin inay ku taageeraan dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: DF oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal appeared first on Caasimada Online.
