Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States is increasingly concerned by the continuing violence in Lascanood and joins other international partners and neighbors in calling for de-escalation, adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution. Continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis. We call on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles. We call on the militias in Lascanood to refrain from any offensive actions against Somaliland forces. We support the Federal Government of Somalia’s constructive engagement and deployment of a clan elders’ delegation and welcome Somaliland President Bihi’s commitment to meet with the delegation in Hargeisa. We also note with concern that Somaliland’s presidential elections have been delayed since November 2022, well beyond the timing set forth in Somaliland’s constitution. We call on the Somaliland authorities to set a clear timeline and complete the elections as soon as possible. The United States stands ready to use authorities under Section 212(a)(3)(C) of the Immigration and Nationality Act to restrict the issuance of visas to current or former Somali officials or other individuals who are believed to be responsible for, or complicit in, undermining the democratic process in Somalia, including in Somaliland. Source State.gov Qaran News
  2. INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka Bahda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay AHN Marxuum Garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Manchester, ee dalka UK. Guddoomiyuhu wuxu ku sifeeyay marxuum garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac in uu ahaa khabiir dhanka sharciga ah oo wax badan ku biiriyay xeerarka dalka gaar ahaan, ururrintooda, sharaxaadooda iyo waliba turjumaadooda, waxaanu xusay in marxuumku uu si dhaw ula shaqayn jiray Waaxda Garsoorka dalka. AHN Garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac, waa aas-aasaha shabakada (Somalilandlaw.com) oo ay ku kaydsan yihiin dhammaan xeerarkii dalku isla markaana faa’iido weyn u ah cid kasta oo u baahata daalacashadooda. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Garsoorka iyo shacbiga Somalilana ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Qaran News
  3. DP World expands offering at the Port of Berbera in Somaliland with new edible oil terminal DP World has kicked off the development of a new edible oil terminal at the Port of Berbera in Somaliland, which will reduce supply chain costs and create vital local jobs. It has already agreed to a long-term lease for the facility, according to the company’s release. The edible oil terminal will be the latest addition to Berbera’s growing trade ecosystem, following the recent opening of the Berbera Economic Zone (BEZ), 15 km from the port along the Berbera to Wajaale road (Berbera Corridor) that connects to Addis Ababa in Ethiopia. DP World plans to transform Berbera, which sits alongside one of the world’s busiest sea routes, into an integrated maritime, logistics and industrial trade hub to serve the Horn of Africa, a region with a population of more than 140 million people. The terminal will initially have a storage capacity of 18,000 tonnes, which will be expanded as demand grows. It will be able to service vessels with a draught of up to 16 metres, allowing Berbera Port to handle bulk imports of edible oil for the first time. The ability to import oil in bulk and package it locally will make edible oil more affordable for people in the region and create jobs locally. The initial phase of the terminal is already fully leased on a long-term basis to Mzahim Investment LLC, a subsidiary of Essa Al Ghurair Investments (EGI) of the United Arab Emirates. Mzahim Investment will also develop a local packaging plant in Berbera to supply existing customers in Somaliland and the wider Horn of Africa, which could employ up to 100 people. Qaran News
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano cusub oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Deegaanada ay Shabaab kala wareegeen gacan ku hayntooda ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Aflax iyo Cali Heelle. Ciidanka huwanta ayaa sida la sheegay waxay howl-gallada ka wadaan xadka labada gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Howl-gallada ay sidoo kale waxaa lagu ekeeyay deegaano dhowr ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle u sheegay idaacada Shabelle. “Howl-gallada oo tan iyo shalay ka wadeen ciidamada deegaanada kala qeybiya Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ah,” ayuu yiri Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay la wareegeen dhul baaxadiisu lagu qiyaasay 70-KM. Howl-gallada ay ciidamada deegaanada kula wareegeen ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay wado qorshe lagu bilaabayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kuwaasi oo xooggooda ay ka dhici doonaan gobollada Jubbooyinka. Si kastaba, Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay sheegtay dowladda The post Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla xadka laba gobol appeared first on Caasimada Online.
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin oo la siiyay dhawaan ayaa qormo dheer kasoo saaray xarigiisi iyo tacadiyo uu sheegay in lagula kacay. Cabdalla Muumin ayaa waxa uu sheegay inuu xanuusaday intii uu xirnaa, uuna helin daryeel caafimaad ee lagama maarmanka u ahaa xaaladdiisa, islamarkaana laga hor istaagay inay soo booqdan ehelkiisa. “Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xanuunsanayey, iska daa inaan daawo helo’e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey,” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Wariye Cabdalla Muumin ayaa waxa kale oo uu weerar ku qaaday Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari oo uu sheegay in dartood loo marsiiyay ciqaab nooc kasta ah, sida uu ku yiri qoraalkiisa. “Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood.” Hoos ka aqriso qormada Cabdalla Muumin oo dhameystiran: Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10am illaa 3pm iyo dheeraad. Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11-kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay. Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa. Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah. Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay. Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah! Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN! W/Q: Cabdalla Axmed Muumin Xoghayaha Guud ee Ururka SJS The post Cabdalla Muumin oo qormo xasaasi ah kasoo saaray xarigiisi, weerarna ku qaaday… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la qaarajiyay 20 kamid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha baadda ah ee ka qaado ganacsatada. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo sida khaaska ah ilaalada ugu ahaa badda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed. “15 Gaari oo ah kuwa ay ku ururin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaadkoodna la burburiyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta uga warbixineysay guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab kula jirto. Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee kooxda ay ku qaadan jirtay lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadi jirtay ganacsatada magaalada Muqdisho. “Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijta ee badeecadaha kasoo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha. Waxaa la joojiyay nidaamkii ay kooxdu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.” Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka qaatan dadka, sida Masaajida Cali-gaduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale. Goor sii horeysay oo maanta ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka. “Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga. Hoos ka aqriso The post 20 horjooge oo laga dilay Al-Shabaab iyo ‘waxa ay u qaabilsanayeen’ appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa caddeeyay mowqifka ay dowladdiisa ka qabto aqoonsiga. Geelle oo la weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadineysay in ka badan soddon sanno ayaa sheegay in waddankiisu aanu diyaar u ahayn. “Waxa aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yidhi Madaxweyneha Jabuuri. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xidhiidh qota dheer, ayna tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed “Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xidhiidhka, sido kale waxaan xidhiidh la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraameyno midnimadeda dhuleed,” ayuu yidhi. Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhaliyay hadal-heyn aad u ballaadhan oo qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay faafinayeen wareysiga uu bixiyay. Source
  8. Muqdisho (Caasimamda Online) – Hoggaamiyaha muddada fog madaxda ka ah maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wajahaya cadaadiskii siyaasaddeed ee ugu xooggana in muddo ah. Axmed ayaa lumiyay saaxiibadiisa siyaasadeed wixii ka dambeeyay doorashadii heer federaal iyo markii uu ku darsaday muddadiisa xil-haynta. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto waxay ahaayeen labada xubnood ee ugu dhaw Axmed Madoobe dhanka xubnaha Aqalka Sare ku metela Jubbaland. Waxay sabab u ahaayeen in muddo ah inuu Axmed Madoobe helo taageero ka baxsan beeshiis hoose, waxayna kale oo si heer federaal ah u difaaci jireen xukunka Axmed Madoobe ee 10-ka sano Kismaayo dhaafin. Hadda Fartaag iyo Iftin waxay banaanka u taagan yihiin in saaxiibkoodii siyaasaddu xukunka wareejiyo. Dhowr jeer oo ay hadleen bilihii ugu dambeeyay waxay ku doodeen in la arkay waxa uu Axmed Madoobe tari karo reer Jubbaland, sidaas darteedna loo baahan yahay weji cusub oo keeni kara hal abuur Jubbaland ku dhaafto Kismaayo. Sidoo kale siyaasiyiinta Axmed Madoobe ku xisaabta ah xagga qabiilka sida Oomaar, Shakuul iyo xubno kale oo ka hadlay marxalada cusub ee Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay inuu doorasho qabto, xukunkana si nabad ah ku wareejiyo. Bishii August 2019 ayaa Axmed Madoobe dib loo doortay, doorashadaas waxaa markii hore diiday dowladda federaalka ah, laakiin ugu dambeyn dowladdii Farmaajo aqoonsi laba sano ayay siisay Axmed Madoobe. Markii tirinta laga soo bilaabo bisha August 2019 muddo xileedka Axmed Madoobe waxa uu ku eegyahay bisha August ee sanadkaan 2023. Sida ku qoran Dastuurka Jubbaland muddo xileedku waa afar sano, hoggaamiyaha maamulkana laba jeer ayuu xeerka siinaya inuu maamulka hoggaamiyo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan bedddalay qodobka Dastuurka ee muddo xileedka isaga oo ka dhigay shan sano, waa sida ay sameeyen Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe. Siyaasiyiinta reer Jubbaland ayaa diidan illaa hadda halka sano, waxay u dagaalamayaan in bisha August ee sanadkaan Jubbaland doorasho ka dhacdo. Rejo dowladeed iyo Jubbaland mideysan kama dhex muuqato Axmed Madoobe ayay leeyihiin dadka sida weyn u naqdinaya siyaasadiisa. Axmed Madoobe hadda ma haysto taageero shacab iyo mid siyaasadeed. Muddo fog waxaa loo arkayay siyaasi ku tiirsan dowladda Kenya, balse iyadana su’aal ayaa dul saaran kadib markii la sheegay in Nairobi ay dhankeeda ka fikireyso waji cusub oo ay kala macaamisho arrimaha Jubbaland. Gobolka Gedo weli waa buddo gooni u tuman, gobolkaas baaxada leh ayaa si weyn looga diidan yahay nidaamka Axmed Madoobe. Ciidan Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl-galka cusub ee lagu qaadayo Al-Shabaab ayaa soo galaya Jubbaland, kuwaasi oo la filayo inay qabteen illaa Bu’aale, haddii taasi dhacdo iyada oo aanay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaanka is qaadan waa culeys kale ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Jubbaland. Waxaa jira war sheegaya inuu Axmed Madoobe kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta inay isaga iyo Itoobiya isku soo dhaweyso, taasi oo aan la ogeyn inay weli miro-dhashay. Axmed Maxamed Islaam waxa uu raadinayo dariiq walba oo kusii joogi karo xukunka ayay leeyihiin dadka sida dhaw ula socda arrimahaasi. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli caddeyn la’ mowqifkeeda arrimaha Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo warinaya inuu qorsheynayo in uu safar ku tego magaalada Garbahaarey, isaga oo raadinaya Jubbaland loo dhan yahay. Laakiin waxaa aad u adag ayaa la leeyahay sida dadka reer Jubbaland loogu qancin karo in Axmed Madoobe uu sii joogo xafiiska, kaas oo ku guul-dareystay inuu dhawr iyo toban sano xukunkiisa dhaafiyo magaalada Kismaayo. The post Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadiskii ugu xooggana ee siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.
  9. President Bihi with US Ambassador to Somalia and Commander U.S. Africa Command Hargeisa (Comment) — Twenty one years ago the US Department of State congratulated the Somaliland administration for the peaceful transfer of power after the death of President Mohamed Ibrahim Egal. Last year, the US Congress proposed a bill “to conduct a feasibility study, in coordination with the Secretary of Defense, on establishing a security partnership with Somaliland, without recognizing Somaliland as an independent state.” When Ambassador Larry André Jr. called on Somaliland President Muse Bihi Abdi “ to create distance between forces in Laascaanood and announce a roadmap for future elections”, the leader of the secessionist administration was being given an opportunity to act like a statesman and return from the brink of a civil war that will not only end his career but also leave a legacy of mistrust and civil strife that his successor will find hard to contain. The US Congress did not do a political due diligence on Somaliland. To entertain a security partnership with an entity that rejects the sovereignty of Somalia and in 2021 forcibly displaced Somali citizens in Laascaanood reflects the futility of America’s one-Somalia policy. American policy makers of the Biden administration were expected to strike a balance between the strategic interests of the USA and the security interests of Somalia. The Security Partnership bill had given Somaliland a misguided self-belief that its forces can wage a secessionist war in the Horn of Africa. The diplomatic intervention of the US Ambassador is timely and serves to rectify policy decisions that aimed to treat Somaliland administration as a tolerably aggressive secessionist entity whose wrong interpretation of colonial borders reminds Africa of the legacy of borders arbitrarily drawn by colonial administrations. President Bihi demonstrated that Somaliland lacks mature political leaders who can understand geopolitical trends and the need to respect the rules-based world order. In 2022, while visiting USA, President Bihi compared his secessionist enclave to Ukraine under Russian attacks. It is abundantly clear that Bihi is now mimicking a powerful aggressor. The USA has learned some painful lessons about dealing with a secessionist administration by half-heartedly respecting the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. The post President Bihi Set Secessionist Somaliland Back for Decades appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Galmudug oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada, ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana looga hadlay arrimo dhor ah. Shirka ayaa ku saabsanaa dhageysiga Qorshaha Horumarinta Galmudug State Development Plan ( GSDP-3), ee sanadaha 2023-2024 kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb ee caasimadda ah ay ka socdaan mashaariic kale duwan oo lagu hormarinayo, walow Todobaadkii tagya magaalada uu saameyn u geystay daad xooggan oo ku rogmaday qeybaha magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaas oo ay dowladdu iclaamisay barttamaha sanadkii hore 2022, muddadaas ciidanka dowladda oo kaashanaya lu deegaanka ayaa dagaalamaaysha Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaanno badan oo ay maamulayeen muddadaasi. Dagaalka dowladdu ay ku qaaday kooxda ayaa ka koobnaa sedex waji oo kale duwan oo lagu wajahay, kuwaas oo kala ahaa : dhinacyada fikirka, dhaqaalaha iyo dagaal toos ah oo ay qeyb ka ahaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana looga saaray degmooyin Qadiimi ah sida Aadan Yabaal iyo Xarardheere oo Mudug ka tirsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. A Somali couple in St. Cloud founded a publishing company to write books for underrepresented communities in children’s books. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeeen Boosaaso waxay ku qabteen gaari waday lacago been abuur ah. Warbixin lagu daabacay bogga gaarka ah ee Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay Boosaaso ku qabteen gaari waday lacago yuuro madow ah iyo shakhsigii watay. ” Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay gaari wadday lacago Euro madow ah iyo shaqsigii wadday” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in gaariga oo ka yimid degmada Xaafuun gacanta lagu dhigay xilli uu soo galayay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay gaari siday lacago been abuur ah appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka sameynaysa aag Warshadaha u gaar ah, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Aagga cusub ee Warshadaha ayaa waxa uu door muhiim ah ka qaadan doona kor u kaca dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga u ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza. “Waxaa sameyn doona aag loogu tala-galay Warshado oo ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ay degi doonaan oo ah aag loogu tala-galay Warshado oo kaliya oo ka dhex baxsan deegaanka ay dadka degan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa rajeynaynaa in waqti dhaw inuu hirgeli doono aagga u gaarka ah Warshadaha, waa soo dhaweynayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kalee ajnabiga ah inay maal-gashadaan dalka.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmo kahor dhagax dhigay Warshadda sameynta Burka oo ah tii ugu horeysya ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib. Warshadaasi oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor). Mudane Xamza ayaa dhiirri-geliyay maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada. “In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha. The post DF oo Muqdisho ka sameynaysa ‘aag nooc cusub ah’ markii u horeysay appeared first on Caasimada Online.
  15. “We are not Swedish. It’s obvious from how we look, and we were treated as such,” 18-year-old “Abdi” told VICE World News via an interpreter from the wing of a juvenile detention centre near Stockholm. Born in Sweden to Somali parents, the teenager, who spoke on condition his real name is not revealed, is locked up awaiting trial on suspicion of murder and attempted murder relating to two shootings last year. Source: Hiiraan Online
  16. Stockholm (HOL) - Swedish public television broadcaster SVT has unveiled a new character-driven crime drama, "The Detective from Beledweyne," which uniquely blends humour, personal development, and the challenges of migration. The six-part series stars Malin Levanon as Tilda Renstrom, a fired ex-prosecutor working as a case officer at the Migration Agency, and Nasir Dhagole, a Somali theatre actor in his first film role, as "Twenty-Four," an asylum seeker with a keen eye for solving crimes. Source: Hiiraan Online
  17. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland, isaga oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Madaxwweyne Geelle ayaa wareysigan diirradda ku saaray qaddiyada Somaliland,wuxuuna shaaciyay xilliga kama dambeysta ah ee ay dowladdiisa aqoonsan doonto. Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono kan ugu dambeeya ee aqoonsi siiya Somaliland, haddii ay aqoonsadaan dalalka kale ee ku yaalla caalamka. “Waxaanu noqon doonaa dalka ugu dambeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu carabka ka goday in in Jabuuti ay macaamiil wanaagsan la leedahay dhammaan dalalka gobolka oo ay ku jirto Soomaaliya, sidaas darteedna ay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Jabuuti ay ka shaqeyneyso nabad ku wada noolashaha iyo ilaalinta xiriirka ay la leedahay dariskeeda. “Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna” ayuu markale wareysigaan ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda waddanka Jabuuti. Go’aanka kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa dhabar jab ku ah Somaliland oo haatan xiriiri xoogan la leh dalkaas, maadaama ay ku leedahay xafiis diblumaasiyadeed. Si kastaba, dlalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba waddan oo daris ah ayaa haddana walaalo ah, waxaana usii dheer in Jabuuti ay bud dhig u tahay dowladniada Soomaaliya, maadaama dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay magaalada Carte sanadkii 2000. The post Madaxweyne GEELLE oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  18. Muuqaal: Go’aanka Golaha Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey qaraarka nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta. Qaraarka lagu xadidayo Mooto Bajaajta oo ka kooban shan qodob ayaa u dhigan sidan: 1- Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta Mooto Bajaajta, Mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi. 2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir. 3- Lama siin karo ruqsada wadista Mooto blBajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno. 4- Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan 2023 waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka ilaa ammar dambe. 5- Hir-gelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’addaha amniga dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo hakisay soo dejinta Mooto Bajaajta appeared first on Puntland Post.
  19. Ugu horayn wadooyinku waxay muhiim u yihiin isu-socodka bulshada waxaana qayb wayn ka yihiin horumarka dhaqaale ee wadanka, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo tayadeeda marka la dhisayo wado kasta oo cusub. Sida aynu la wada socono wadada Berbera corridor waa wado casri ah oo isku xidha berbera ilaa wajaale waxaana hirgalinteeda lahaa dawlada emaraatka carabta, waxaana lagu haminayey in ay noqoto tayadeedu mid aad u saraysa sida ay u qurux badan tahayba, se waxa soo baxay wax aan laga filanaynin iyadoo wadadii cusbayd ay waxyeeleeyeen roobabkii u horeeyey ee curtay. Roobabka oo bilow uun ah ayaa hadana waxay waxyeelo soo gaadhay biriishyadii lays lahaa waxa lagaga raysanaya kala xidhankii xili roobaadka dooxyadu kala xidhi jirtay, waxaana waxyeelo soo gaadhay ilaa sadex ama afar biriish taas oo muujinaysa tayo xumaanta wadadan. Waxa laga rabay dawlada in ay korjoogtayso oo daba-gal ku samayso tayada wadadan iyo wadooyinka kalaba iyada oo ay u xilsaaranatay haayada wadooyinka somaliland. Inkasta oo roobabku bilow uun hada yihiin waxa laga yaaba in hadii ay roobabku sii socdaan wadadana waxyeelo inta ka badani soo gaadho taas oo sumcad daro ku noqon doonta cid kasta oo gacanta ku haysay wadan hirgalinteeda. Hadaba dawlada waxa la gudboon xiligan in ay u saarto khubaro iyo ingineero wadooyinka ku takhasusay oo soo baadha sababta keentay in sidan fudud ay u dumaan biriishyadani oo ay wadadan waxyeelo u soo gaadho, ka dibna ay warbixinta la wadaagaan haayada wadooyinka soomlailand markaasna la bilaabo si dayactir dhamays tiran loogu sameeyo. Waxaynu tusaale cad u soo qaadan karnaa biriishka wayn ee magaalada hargeisa ku dhexyaala ee mudada nus qarniga ah dhisan, may soo gaadhin waxyeelada hada soo gaadhay biriishyadii cusbaa ee qaarkood hada dumeen, taasbaana tusaale cad u ah in tayada biriishyadani ay aad u liitaan una baahanyihiin dib ugu noqosho iyo hubin xaga tayadooda ah. Ugu dambayn waxa inala gudboon in shacabku ka taxadiraan marka ay dulmarayaan biriishayadan cusub siiba xiliga roobabku da,ayaan ama daadku marayo, waayo khatar ayaa ka iman karta alle inaguma keene, waxaana waajib ku ah dawlada in si degdeg ah ula xisaabtanto cidii wadadan dhisideeda masuulka ka ahayd. Wabillahi Tawfiiq W/Q: Ahmed Harir Adem Hargeisa, somaliland Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno ku socda wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya gudaha dalka, gaar ahaan caasimada. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada. Ugu horreyn golaha ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaas oo ka kooban 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya Muqdisho. Golaha ayaa mamnuucay soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada haatan shaqeeya. Sidoo kale golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay hirgelinta qodobadan oo si gaar ah u saameynaya Bajaajleyda. Halkan hoose ka aqriso:- 1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi. 2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir. 3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno . 4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka illaa ammar dambe. 5-Hirgelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha amniga dalka. The post Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aano culus oo saameynaya Bajaajleyda appeared first on Caasimada Online.
  21. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Despite efforts by the Somali federal government to disrupt the financial channels used by Al-Shabab, the extremist group’s extortion racket continues to expand. The militant organization controls large parts of rural central and southern Somalia. However, it has lost some territory in recent military operations. The scope of Al-Shabab’s financial empire According to a study by the Africa Center of Strategic Studies, Al-Shabab has established a formal banking system, prompting the Somali government to implement the Anti-Money Laundering and Countering the Financing of Terrorism Act in 2016. This legislation requires financial institutions to report transactions exceeding $10,000. However, many money transfer firms fear retaliation from Al-Shabab and avoid reporting such transactions. T he group primarily relies on money obtained through Zakat, an Islamic form of taxation imposed on businesses, particularly in the transportation sector. The United Nations estimates that Al-Shabab generates up to $120 million annually. Over $24 million of this revenue is funneled into purchasing sophisticated weapons from abroad, especially from war-torn Yemen. These weapons enable the group to effectively confront the national army and foreign troops. Challenges to disrupting Al-Shabab’s finances The UN Office on Drugs and Crime has provided technical support to the Somali government to disrupt Al-Shabab’s financing sources, storage and transfer methods, and illegal taxation systems. Despite this assistance, the federal government has struggled to curb the group’s exploitation of the financial system beyond targeting Al-Shabab’s financial officers and “taxation” checkpoints through conventional military operations. Al-Shabab has displayed effectiveness and efficiency in revenue collection for years, often surpassing the federal government. The lack of proper identification for the population, coordination, regulatory enforcement, corruption, and political will has allowed the militants to continue extorting money from locals. Recommendations for combating Al-Shabab’s financial networks To effectively block the group’s revenue collection, the Africa Center of Strategic Studies suggests that Somalia should prioritize the professionalization of infiltrated government agencies. This includes those responsible for financial, intelligence, and judicial functions, crucial in shutting down Al-Shabab’s financing and money laundering. Achieving this objective requires more than just financial sector development. It also necessitates improved criminal investigatory work, enhanced law enforcement, and a shift in culture within the Federal Government of Somalia and the five Federal Member States toward transparency, accountability, and citizen service delivery. Experience from other regions dealing with mafia-like influence shows these patterns can be reversed. However, this requires sustained political will, incentives, and protections to encourage widespread cooperation with the government against Al-Shabab’s revenue generation schemes. Recent government actions and ongoing operations Earlier this year, President Hassan Sheikh Mohamud announced the closure of over 250 bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to Al-Shabab activities. The group is known to finance violent extremists outside Somalia, including Mozambique and Nigeria. President Hassan Sheikh also stated that business owners found guilty of remitting taxes to Al-Shabab would have their trading licenses revoked as part of a strategy to control financial flow. The military has initiated the second phase of operations against Al-Shabab in various parts of the country, with the government maintaining a hard stance against the militants. The United States and other international partners have pledged to invest in Al-Shabab defectors to motivate the national army to pursue the ultimate goal: crushing the extremist group. As the Somali government and its allies continue to battle the militants, disrupting Al-Shabab’s financial networks remains crucial to weakening the group’s power and influence in the region. The post Decoding Al-Shabab’s fiscal empire: A silent war in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) - Police in Mogadishu have apprehended a man who brutally killed an Imam at a mosque in Garasbaley village on the outskirts of Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka ayaa ku dhawaaqday guul weyn ay ka gaartay howlgallada xoreynta ee lagu beegsanayo Shabaab. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladihii dambeeyay, wuxuuna tilmaamay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka. “Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Dhanka kale wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgallada milatariga ee socda guul laga gaaray, isla-markaana kooxda jab lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug & Jubbaland. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in deegaano badan oo ka kala tirsan maamulladaas laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyay dadaalka ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga. The post DF oo war kasoo saartay ‘isbeddel weyn oo ku yimid’ dhaqaalihii kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.