Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka oo dadaal badani ku bixineysa sugidda amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in uu bilowday qorshaha lagu doonayo in nabad loogu soo dabaalo caasimadda. Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in qorshaha lagu xasillinayo amniga magaalada ay iska kaashanayaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwa Nabad Sugidda iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadan ay si toos ah uga amar qaadan doonaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin. “Ciidanka Nabad Sugidda, Booliska iyo Ciidanka Militariga hadda waa hal mid oo ka amarqaata Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marka waa ciidan mideysan oo hal talis leh, magacyadoodaa kala duwan, laakiin waa hal ciidan, wixii xasillin ee magaaladana waxaa xukuma Taliyaha Booliska oo hoos yimaadaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga. Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in ciidamadan ay barro amni ka sameysteen gudaha iyo dibadda magaalada, si looga hortaggo weerarada maleeshiyada Al Shabaab. “Hadda xeendaabkii dagaalka waa la fogeeyay, caasimadda culeyskii waa laga qaaday, Shabellooyinka iyo meel walba dagaal baa cadowga kaga socda, waxaan is leenahay qorshahaan boqolkiiba boqol (100%) waa ka fiicnaanayaa kii hore, Insha’Allah,” ayuu yiri Wasiir Xagaa. Waxa uu intaa ku daray “Waa bil Ramadaan’e, Ilaahay wax fiican baa laga baryaayee, waxaan fileynaa qorshahaan inuu noqdo qorshihii magaala madaxda Muqdisho ay nabadda ku noqon laheyd.” Xagaa ayaa xusay in ciidamada ku sugan bannaanada magaalada ay magaalada ka difaaci doonaan Shabaabka soo gelaya, halka kuwa gudaha ku sugana ay beegsan doonaan, kooxaha amni darrada ka gaysanaya. “Haddii aan xeendaabka magaalada la xirin oo cadowga dibadda ka imaanayay aan laga difaacin magaalada, kan gudaha ku jira keligii lama xasillin karo,” ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga. “Ciidanka laba qaybood bay u qaybsan yihiin, qayb xeendaabkii magaalada xireysa oo ilaalineysa, wixii cadow ah ee magaalada soo geli lahaa iyo mid gudaha ah, oo la shaqeynaya Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Saldhigyada. Marka Gobolka Banaadir iyo ciidankana way wada shaqeynayaan.” The post Qorshaha lagu sugayo amniga Muqdisho oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa wada- qorshe ay ku – doonayaan in gudaha ugu galaan degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen in kooxda Al- Shabaab ay ka saraan marka degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur , halkaas oo kooxda in muddo ay gacanta ay ku hayaan. Ciidanka Galmudug ayaa u jihaystay dhawaan dhinac degmada Ceelbuur si ay gogol xaar ugu noqdaan ciidamada is garabsanaya si ay u meesha ugu saaraan Al- Shabaab. Dowladaha Jabuuti, Itoobiya & Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan ku howlgalla fasaxa Midowga Afrika iyo Taageerada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo xiran Magaca howlgalka KMG ah ee ATMIS. Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in waaya-aragnimo wanaagsan laga dhaxlay wajigii koowaad ee howlgallada ee ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug. Ciidamada dowladda iyo iyo deegaanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan Galgaduud, kaas oo u jeedkiisu yahay sidii lagu gaari lahaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa si wadajir ah xarigga ugu jaray xarunta 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall, oo laga hergeliyay Degmada Boondheere. Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ganacsatada Suuqa Xayaat Mall sida ay ugu dhiiradeen balaarinta Ganacsigooda, asigoona ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan Maalgashiga dalkooda, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedelka amni iyo horumarka ka jira Muqdisho ay suuragelisay in Ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiiradaan maalgelinta suuqyo waaweyn oo ay bulshada baahi u qabeen, taasi oo caasimadda Muqdisho u horseedeysa in ay la tartanto caasimadaha kale ee aduunka. Munaasabadan xarig jarka faraca 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka, Ganacsato, Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale. Xayaat Mall ayaa horey magaalada Muqdisho uga hirgalisay labo xarumo waa weyn oo ganacsi, waxa ayna xarunta saddexaad laga hirgaliyay degmooyinka dhaca dhinaca waqooyi oo aad ugu baahnaa Suuqa Xayaat Mall. The post Sawirro: HAYAT MARKET oo kusii fidaysa Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. London (Wararka PP) — Boqor Charles, oo dhowaan la caleema-saari doono, ayaa muujiyay inuu taageerayo baaris lagu sameeyo xiriirkii ka dhexeeyey Boqortooyada Biritishka iyo ka ganacsigii dadkii Afrikaanka uu Biritishku addoonsaday. Wargeyska maalinlaha ee The Guardian ayaa la xiriiray lana wadaagay Qasriga Buckingham xog ku saabsan saami Boqortooyada Biritishku ku lahayd shirkad ka ganacsan jirtay iibinta iyo dhoofinta Afrikaanka. Dhowaan The Guardian ayaa helay qoraal caddaynaya in saami gaarayay 1000 gini (£1000) uu Edward Colston, guddoomiye ku xigeenkii shirkaddii Afrikaanka ka ganacsan jirtay Royal African Company, uu u diray Boqor William III sanadkii 1689kii. Caddaynta saamiga Boqortooyada Biritishku ku lahayd Royal African Company oo ka ganacsan jirtay soo qabashada iyo dhoofinta Afrikaanka. Sanadkii hore Boqor Charles (oo xilligaas Amiir ahaa) wuxuu soo jeediyay in ka ganacsigii Afrikaanka lagu barto dugsiyada si la mid ah sida loo barto xasuuqii Hitler u geystay Yuhuudda (Holocaust). Waa markii kowaad oo si cad loo soo bandhigay kaalinta Boqortooyada faca weyn ku leedahay ka ganacsigii dadka Afrikaanka. © Puntland Post, 2023 The post Boqor Charles oo oggolaaday baarista xiriirkii Boqortooyada iyo ka ganacsigii Afrikaanka appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah, ciidanka gaarka ayaa isku gadaamay meesha oo durba soo saaray, wararka qaar ayaa leh waxa la tuuray waxaa ay ahaayeen wax Bom gacmeed u muuqday. Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha dalkaasi, waxaana la ogeyn sababta iyo cidda ka dambeysay weerarka, marka laga tago qofka ciidanku ay tuhmeen ee lagu xiray goobta. Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay, halka mid kalena uu sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin, mana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac uu geysay walxaha la tuuray, waxaana socda baaritaanno la xiriira. Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdada lagu weerar Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta. Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dalka Japan Shinzo Abe, ayaa 8-dii July 2022 dhintay, kadib markii toogasho lagu dhaawacay magaalada Nara, xilli uu u ol’oleynayay doorashada baarlamaanka, waxaana uu weerarkaan noqonayaa Ra’iisulwasaarihii labaad oo la weeraray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah. Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay Sidoo kalwle ayaa sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin. Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan. Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta. Booliska ayaa baaraya qaraxa iyo waxa uu yahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin u diro dadkii goobta isugu yimaaday ee ay dhacdada saameysay..” ayuu raaciyay. Horay waxaa sidaan oo kale waxaa toogasho loogu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, kadib markii la dilay isaga oo ku sugan goob uu markaas ka socday olole doorasho. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Japan oo qarax lagu weeraray appeared first on Caasimada Online.
  7. Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ku dilay nin ganacsade ahaa oo aad looga yaqaanay gobolka Sool. M arxuumka oo lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye (Jaamac Qaxooti), ayaa ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, iyadoo kooxo hubeysan ay ka toogatay qeybaha sare ee jidhka, kuwaasoo goobta isaga baxsatay. Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Laascaanood tan iyo 22-kii bishii December oo ah markii ciidammada qaranka Somaliland laga saaray gudaha magaalada Laascaanood. Source
  8. Jilib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay ku dhex-maray dhulka hoodka ah ee gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen horhooge lagu magacaabo Ismaaciil Baarow oo ka gadooday kooxda iyo xubno kale oo wadada u galay. Sarkaalkan oo ay la socdeen maleeshiyaad kale ayaa dagaal kula galay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Yaaq Shabeel oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkaasi. Warbaahinta qaranka ayaa ku warrantay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan sarkaalka baxsadka ah, balse uu iska difaacay. Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 ka tirsanaa kooxda dhexdeeda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida warisay warbaahinta dowladda. Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xubno kale oo gurmad ah ay ka baxeen dhanka degmada Jilib, kuna sii jeedaan aagga lagu dagaalamayo, waxaana warbaahinta qaranka ay shaacisay in xubnaha weerarka qaaday ay si gaar ah u hoostagaan Mahad Karataay oo kamid ah sarakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab. Dhowaan ayey aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ee saameynta ku leh Shabaab. Todobaadkii hore ayaa sidoo kale xubno ka tirsan Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. Si kasababa, dagaalladan ka dhex-qarxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda ay wajaheyso guluf dagaal oo uga imaanayo dowladda dhexe iyo dadka deegaanka. The post Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ Jubbooyinka iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  9. Hay’adda hawada Sare ee Yurub ayaa hawada sare u diri doonta mid ka mid ah howlgallo muddo lagu taamayey .waxayna diri doontaa dayaxgacmeed tagaya meeraha Jupiter. Dayaxgacmeedkan oo loo yaqaano Juice ayaa laga ridi doonaa xarunta dayaxgacmeedyada French Guiana . Dayaxgacmeedka ayaa gali doona safar 8 sanno ah oo uu ku baadhi doono dayaxyada saddexda ah ee meeraha JupiterGanymaede, Callsito iyo Europa oo uu ka baadhayo haddii ay jiraan bado qarsoon oo biyuhu ka koobnaan karaan waxyaabo ili ma aragto ah oo noloshu ka semysanto. Caalamkan barafka ah ayaa noqon kara meelaha hab qorraxeedkaee laga heli karo nolol ka baxsan dhulkan aynu naqaano. Maamulaha hay’adda hawada Sare ee Yurub Carole Mundell ayaa sheegtay wax badan oo ku saabsan howlgalkan iyadoo sheegtay in baaris badan uu sameyn doono dayaxgacmeeedku. Source
  10. Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in koox ku hubeysan Bastoolado ay ku dileen gudaha magaalada nin gacansade ahaa, kaas oo siweyn looga yaqaanay gudaha iyo gobolka Sool, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan dilka ganacsadaha. Ganacsadaha dilka loo geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye oo noqonaya qofkii ugu horeeyay ee qof caan ah lagu dilo magaalada tan iyo markii dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC uu ka qarxay, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday falka kadib. Magaalada Laascaanood dilka loo geystay ganacsadaha ayaa waxaa uu noqonayaa dikii 3 aad mudo afar cisho ah gudahood, oo lagu dilo qof Reer Laascaanood ah magaalada, mana jiro war kasoo baxay xooggaga deegaanka ee ku aadan dilalka kusoo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC ayaa ka bilowday dila lagula kacayay dadka haldoorka magaalada ah, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa dilalka kusoo laabtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ay hadda ku sugan yihiin xoogagga deegaanka SSC. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bishii labad oo xiriir ah ka socda dagaalka u dhaxeeya xoogagga deegaanka iyo ciidanka Milatariga Somaliland, waxaana inta badan isaga barakacay magaalada dadkii Rayidka ahaa, kuwaas oo ka baxsanayay madaafiicda ku dhaceysa magaalada oo khasaare badan u geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - Somali government forces have recaptured two villages in central Somalia after conducting a security operation over the past few hours. Source: Hiiraan Online
  12. (ANSA) - ROME, APR 15 - Premier Giorgia Meloni said Friday that her government intends to present a plan for Africa named after Eni founder Enrico Mattei in the autumn after arriving in Addis Ababa for a two-day visit to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  13. Hodan Hashi’s family is deeply disappointed the Crown in Saskatchewan has decided not to move forward with the criminal case against a 22-year-old woman who was charged with manslaughter in her death last November, her older sister Shukri Hashi says. Source: Hiiraan Online
  14. Somaliland's been trying to win international recognition ever since it declared its independence from Somalia in 1991. It hopes its democratic credentials will help distinguish it from the nation it's still technically part of. But Somaliland’s elections haven’t been smooth sailing. France 24's Bastien Renouil has more. Source: Hiiraan Online
  15. NAIROBI (Xinhua) -- Heavy rainfall has displaced thousands of people and left hundreds of animals killed in Kenya's arid areas since March, the National Drought Management Authority (NDMA) said Friday. Source: Hiiraan Online
  16. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay Laascaanood lagu dilay gudaha magaaladaas oo ay weli ka jirto xaalad kacsanaan ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Jaamac Cilmi Kadiye (Jaamac Qaxooti), wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanood. Marxuumka ayaa toogasho lagu dilay, waxaana baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilkaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan Laascaanood. Ma cadda sababta loo dilay ganacsade Jaamac Qaxooti, sidoo kalena lama garan haybta ragga dilay oongoobta ka baxsaday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee SSC, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi. Dilkan ayaa noqonayaa kii saddexaad ee loo geysanayo qof reer Laascaanood ah, muddo afar maalmood gudahood ah, taas oo shaki iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka. Laascaanood ayaa waxaa weli ka jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, kuwaas oo ay wadaan ciidanka SSC iyo kuwa Somaliland ee weli isku horfadhiya magaaladaas. Dagaalladan ayaa galay bishii 3-aad oo xiriir ah, waxayna sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen shacabka ku dhaqan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Si kastaba, dagaalladan ayaa ka dhashay kacdoon ay sameeyeen reer Laascaanood, kadib markii ay ka gadoodeen dilalk loo geysanayo dadka haldoorka u ah Sool. The post Ganacsade Jaamac Qaxooti oo lagu dilay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  17. Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka oo howlgallo ka waday qeybo kamid ah Galmudug ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaray tuulooyin hoostaga deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, iyagoo ku gaaray howlagalkooda Tuulada Ceel Cali Xasan oo hoostagta magaalada Galcad Taliyaha Guutada 3aad ee qaybta 27aad Ibraahim Yuusuf iyo Taliyaha Guutada 4 ee Qaybta 27aad ee xooga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee u dhaxeeya labada magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad. Wararka ayaa sheega in Al-shabaab ay baneeyeen farisino dhowr ah oo ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadib markii ciidanka huwanta ah ay gaareen deegaanno u dhow, waxaana qeyb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale. Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgallo amniga lagu xaqiijnayay waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos -taga magaalada Budbud ee isla gobolka Galgaduud, iyaga oo halkaas ku burburiyay fariisimo iyo Ceelbiyoodyo, sida uu u sheegay Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle. Taliyaha ayaa xusay Intii uu socday howlgalka ay ciidamadu soo bixiyeen Miinooyin la galiyay Jidadka ugu ay isticmaalaan shacabka gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe kaas oo isku xira Magaalooyinka Wabxo, Budbud iyo Galcad, isaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku jiraan. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe ciidanka ay ku jireen abaabulkii ugu dambeeyay ay ku doonayaanin ay kula wareegaan deegaanno dhowr ah oo Al-shabaab ay xilligaan kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garowe (HOL) - The Puntland Youth Political Association (PYPA) has accused the Transitional Elections Committee (TPEC) and Puntland's President of constitutional violations and manipulating the One-Person-One-Vote (1P1V) election process. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - Banadir Regional Police Chief Mahadi Omar Muumin has criticized politicians for neglecting to enforce the weapons ban issued by Somali President Hassan Sheikh Mohamud, casting doubt on the government's capacity to implement security measures amid ongoing instability. According to Muumin, officers have initiated an operation to prevent the open carrying of weapons in the city. Source: Hiiraan Online
  20. A woman who had been charged with three counts of assault, damage to property and creation of disturbance comically called her brother asking for her Identification card. Source: Hiiraan Online
  21. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed welcomed his Italian counterpart, Georgia Meloni, who arrived late Friday for a two-day visit. Source: Hiiraan Online
  22. LONDON — Turkey’s lira is likely to drop sharply and could near 30 to the dollar following next month’s elections, bankers at JPMorgan have predicted, if it looks like only modest changes will be made to its unorthodox economic policies. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya. Xasan Shiikh Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale sheegay in ay khatarta Argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika, taasna ay keentay in wadajir loola dagaalamo. Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika. Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis-Ababa uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni. Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Giorgia Meloni? appeared first on Caasimada Online.