Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay shir isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kadib shir xasaasi ah oo shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasi oo ka qeyb-galeen madaxda saddexdaasi dal. Shirkaan oo muhiim u ahaa isbaheysiga cusub ee saddexdan dal ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale waxaa kulankaas lagu lafo-guray danaha wada-jirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda. Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan. Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay isbaheysigan cusub ee saddexda dal? Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ay kaga fal-celiyeen isbaheysigan cusub, kaasi oo la soo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook. Hoos ka aqriso; Cabdi Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Talyaani tabar ma hayo ee waa shir Soomaali lagu bah-dilayo. Danta uu Soomaali ka leeyahay Talyaani ee Itoobiya wax kaga xidhan ma garan.” “Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud wado fiican ayaa ku wadaa waddanka, Somalia iyo Ethiopia iyo Italy inay wada-shaqeyn dhex-marto waa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Carab. Maxamed Gabso ayaa isaguna waxa uu yiri “Kolka sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh eegay waxa iiga muuqata in sida ay wax usocdaan uusan la dhacsanayn.” “Abiy Ahmed ayaa iska wata Farmaajo ayaa lagu maagi jiray, hadda Xasan inta uduulay Addis Ababa u tagay shir Abiy Ahmed booqasho ay ugu timi PM Italy,” ayuu yiri Aamiin Guuleed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay kulanka madaxda saddex dal iyo isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. Ibraahim Maxamuud: “Soomaaliya haddii shirkaas lagu qaban lahaa waa hubaal maalmo ka hor ayaa waddooyinka la xeri lahaa, balse Ethiopia in uu shir jiro Facebook ayaa laga arkayaa, meel la xiro iska dayee.” “Xasan Sheekh waa siyaasi aan caadi aheyn, Soomaaliya hadey soo laabatay Insha Allah mardhow waddankeenu wuxuu naqon doona waddamada adduunka ugu qanisan,” ayuu yiri Cabdi Jaamac Cilmi oo isagu la dhacsan sida uu Xasan Sheekh wax u wado iyo isbaheysigan cusub. Bilaal Faarax Maxamuud oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Waxaan badda iyo beeraha ahayn uma socdaan Itoobiya iyo Talyaaniga.” “Waxan ku darsan lahaa mudane diyaaradan aad saaran tahay kasoo dag wa-bilaahi-towfiiq,” ayuu yiri Cawil oo isagu dhaliilsan safarada madaxweynaha ee tan iyo markii uu xilka u sareeya dalka la wareegay. Muna Aadan: “Mudane madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Allaha ku fududeeyo howsha qaranka Soomaaliya u hayso, horey u soco weliga Soomaaliya cadawga Allaha ka dulqaado horumar iyo barwaqo ayan u rajaynayaa dalkeena.” “Intaan garanaye! Maxaa sii qarsoon oo Ethiopia iyo Italy hal meel isugu keenay, anagana noogeeyay. Faah-faahin intaas ka badan nagu fiicnaan laheyd!,” ayuu yiri Ismaaciil Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee saddexda dal. The post Falcelin xooggan oo ka dhalatay isbahaysiga cusub ee Somalia, Italy iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  2. Another 55 migrants were rescued in the Mediterranean Sea on Saturday, this time by the Italian charity Emergency’s vessel “Life Support”, including three women and six children. Source: Hiiraan Online
  3. Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has called for an immediate cessation of hostilities between the warring parties in Sudan. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Deegaanada ay ciidamada huwanta ka saareen kooxda Al-Shabaab ayaa kala ah deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada huwanta ee is-garabsanaya ay weli xubnaha kooxda ee laga saaray deegaanadaasi ay kusii baacsanayaan dhulka howdka ah. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo howl-gallada ay markale si dardar leh uga socdaan qeybo badan oo dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo horleh ka sheegatay dib u bilaabashada howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. “Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka. Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howl-gallada ay ciidamada huwanta ka wadaan qeybo kamid ah dalka, iyada oo si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska. The post Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka billowday Baay iyo degaano la qabtay appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa soo saaray go’aan uu ku dalbanayo in shaqada lagu soo celiyo 25 askari oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Jeneraal Mahad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shaqada uu ka joojinayo, mushaarkana ka jari doono askarigii ku soo laaba waaya shaqada ciidanka 10 cisho gudahood. Taliyaha oo hadda la wareegay xilka, kadib markii dib loogu magacaabay ciidanka ayaa sheegay in taliska uu ugu tegay liiska 25 askari oo ku maqan (ereg) kuwaas oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. “Anagu xaq uma lihin in masuul aan ilaalo siino, markii aan xafiiska ka tegayna hal askari banaanka kuma maqneyn oo ereg kama tegin, hadda waxaa ereg ku maqan 25 askari, oo la kala socota xildhibaano iyo wasiirro,” ayuu yiri Jeneraal Mahad. Wuxuu sheegay in masuuliyiintaas ay booliska xaq ugu leeyihiin inay askar ereg ah ka qaataan, balse aysan Asluubtu bixin ciidan ereg ah, “Looma ogola Asluubta inay ereg noqdaan,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in askarta Muqdisho joogta uu shan maalmood u qabtay, kuwa gobollada jirana 10 maalmood, “Ninka ay la joogaanow, iska soo dir askartaas ha dhibaateyn, anigu waqtiga aan u qabtay ninkii ku imaan waaya mushaarkana waan ka jaraa, waana ruqseynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha Asluubta. Wuxuu sheegay in ciidankaas uu shaqo u dirsanayo, “Nin aan fadhigiisa joogin oo shaqada ciidanka Asluubta aan heynin, kama mid noqonayo ciidanka,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in dalku dagaal galay oo ciidan kasta la diyaarinayo, “Markii nala dhaho ciidan halkaas la geeyo keena, 50 askari ayaa fasax nooga maqan cid naga yeeleysa ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliye Shub oo go’aan culus kasoo saaray ilaalada masuuliyiin ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
  6. PRESS RELEASE African Development Bank, European Union, and France invest $300 million in Tanzania’s Hydropower Project Kakono Hydropower Project to serve four million inhabitants and spur economic activity in the Kagera Region of Tanzania DAR ES SALAAM, Tanzania, April 16, 2023/ — The government of Tanzania, the African Development Bank (www.AfDB.org), and the French Development Agency (AFD) have signed agreements for two development project loans worth $300 million. The funds will finance the construction of the 87.8-megawatt Kakono Hydropower Plant located in Kagera region in the northern part of Tanzania. The project also received a grant of EURO 36 million from the European Union. Tanzania is dependent on hydropower and thermal power plants—mainly gas-fired—for its electricity supply. However, it has considerable untapped renewable energy potential to meet its rapid growth while taking a low-carbon path. A coalition of development partners are financing the Kakono Hydropower Project, intended to increase renewable generation capacity and reduce hydrological risk via a dam located on a new watershed that is less affected by droughts. The signing ceremony took place on the 15th of March 2023 in Dar es Salaam. The Kakono Hydropower Plant is the result of close collaboration between the African Development Bank, Agence francaise de developpement, and the European Union. These institutions are co-financing this project with a $ 161.47 million African Development Bank soft loan, a EURO 110 million soft loan from French Development Agency, and EURO 36 million grant from the European Union. The Kakono Hydropower Project which will be implemented by Tanzania’s Electric Supply Company (TANESCO), will reduce greenhouse gas emissions by 216,065 metric tons per year, and comply with the best international environmental and social standards. The project will serve 4 million people and increase the service coverage rate by around 7% of the population. It is expected to have a major impact on the economic development of this rapidly growing zone, which lies at the heart of the Great Lakes region. This project will boost industrialization and spur economic growth in Tanzania and the neighboring countries and will strengthen Tanzania’s leading position within the East African Community. Alongside construction of the new hydropower plant, there will also be associated infrastructure built, including the upgrading of the existing Kyaka substation and a new 39-kilometer 220-kilovolt transmission line, and capacity building support for TANESCO. Following the ceremony participants expressed their support for the project. African Development Bank Country Manager for Tanzania Patricia Laverley observed that when completed, the Kakono Hydropower Plant would serve approximately four million people, small-medium enterprises, and mining companies in the northwestern part of the country. She added: “The construction of the new power plant will help to improve TANESCO’s financial sustainability arising from the decommissioning of the diesel-based power plants in the Kagera Region. The economic benefits derived from the supply of affordable power will be immense. We can expect to see marked improvement in the quality of life for people in the Kagera region and in Tanzania more broadly. These tremendous gains will contribute to building a more competitive economy in Tanzania, under the leadership of President Samia Suluhu Hassan.” Ambassador Nabil Hajlaoui said: “We have heard President Samia Suluhu’s message. She aims to generate 5 gigawatts of electricity by 2025. France is ready to be part of this journey by investing in power generation and transmission projects to meet the rapidly growing electricity demand, while reducing the carbon intensity of its energy mix.” AFD Country Director Celine Robert noted: “We are delighted with the signing of this project, which is fully in line with international climate objectives and AFD’s strong commitments in that regard. This investment will have major impact on economic development and on population well-being as the infrastructure will answer the power needs of 3 to 4 million people. This signing represents an important milestone and confirms that the cooperation between Government and AFD is deepening.” SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  7. Alle ha u naxariistee waxa goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada Hargaysa Aadan Muxumed Hoori(Mataan) oo ka tirsanaa mudanayaashii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland. Marxuumka ayaa in muddo ah ku xannuusanayey Magaalada Hargaysa. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ayaa ku jirta jawi xasilloon ku dhawaad 60 cisho. Al-Shabaab oo duurka lagu eryanayo ayaa la fahamsan yahay inay u heelan yihiin inay dhibaato ka geystaan caasimadda, laakiin taas bedelkeeda laamaha amaanka waxay soo bandhigeen masuuliyad illaa xad la aqbali karo. Inkasta oo dhowr jeer madaafiic lagu tuuray qeybo magaalada Muqdisho kamid ah, kuwaas oo khasaare xadidan geystay, haddana dadka magaalada waxay tabinayaan isbedel, iyada oo dhowr iyo labaatankii cisho ee ugu horeysay bisha Ramadaan nabad lagu soomay. Dhowr isbedel ayaa laga soo wariyay ammaanka caasimadda iyo isku socodka bulshada. Waddooyinka caasimada ayaa inta badan la furay, gaadiidkii la celin jiray ayaa la fasaxay. Waxay wadayaasha sheegayaan in wixii ka dambeeya 2-da habeenimo illaa 6-da aroornimo gaadiidka qaar la joojiyo, laakiin laamaha amniga waxay taas ku sheegeen mid lagu ilaalinayo saacadaha saqda dhexe oo la ogaaday inay Al-Shabaab isku dayaan hub gudbin. Ciidan cusub ayaa lagu biiriyay amniga caasimadda, illaa saddex kun oo askari oo dhawaan lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmada ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda. Degmooyinka Kaaraan, Hilwaa, Kaxda, Dayniile, Dharkenley, qeybo Yaaqshiid kamid ah iyo deegaanka Daaru-salaam ayaa loo qeybiyay cidianka. Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin. Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, waxaana loo dhiibay taliye cusub. Dharcadku markii hore waxay joogi jireen bara cayiman oo la yaqaano oo magaalada ku yaalla, laakiin hadda waxay toos u dhex galeen shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda. Illo sirdoon ayaa kasoo xiganay in tan iyo markii ay ciidankan bedeleen qaabkoodii oo shacabka soo dhex-galeen, inay yaraatay in wax lagu dilo degmooyinka ay sida gaarka ah uga howl-gallaan. Ciidan cusub oo hay’adda Sirdoonka ay leedahay oo maamul-goboleedyada laga soo aruuriyay kadibna tababar iyo hub la siiyay ayaa sidoo kale door weyn ka qaadanaya amniga caasimada, kuwaas oo iyaguna ka howl-gala halka loo bixiyay aagga labaad ee caasimadda. Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay ayay leeyihiin saraakiisha aan la hadalnay. Bisha Ramadaan oo dhowr iyo labaatan cisho mareysa dadka caasimadda waxay ku soomeen jawi xasilloon. Labadii billood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay la kulmeen isla xisaabtan ka duwan sidii hore, dhowr jeer ayay hoobiyeyaal labadii billood ee u dambeysay. Khubarada amniga waxay sheegayaan in haddii la xoojiyo shaqada joogtada ah ee ciidanka iyo wada-shaqeyntooda, sidoo kalena masuuliyad iska saaridu aanay bisha Ramadaan ku eekanin in la heli doono amaan intaan ka wanaagsan. Shacabka ayaa iyaguna bilaabay inay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya la shaqeeyaan, taas oo ugub ah balse la arkay inay wax badan goyso. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda. The post Arrimaha ku cusub amniga Muqdisho ee keenay isbadalka appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan. Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa. Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka wada qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaan hoostaga degmada Ceeldheere ee gobolkaas, sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen tuulooyin hoostaga deegaanka Budbud. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Gacanta ku dhigay deegaanka Dahar Faqay oo hoos yimaada Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, iyadoo saraakiisha Ciidamadu ay sheegeen in goobtaas ay ku dileen Horjooge Al-shbaab u qaabilsanaa Galgaduud kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilkacase. Sidoo kale dagaal saacado qaatay oo dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyodagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxa ka dhacay tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa geystay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada. Dagaalka ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dad deegaanka ay saaka weerar culus ku qaadeen Fariisimo al shabaab ay ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud oo shalay ay lawareegeen Ciidmada dowlada, oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo Darawiishta. War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ayaa lagu sheegay in howlgaas ciidamada dowlada ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxaana intaa lagu daray in la burburiyay fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda. Maalmihii lasoo dhaafay Ciidmada dowlada ayaa waxaa usuurta gashay in ay lawareegaan gacan ku heynta deegaanno iyo dagmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud tan iyo markii uu bilaabmay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah al shabaab, kaas oo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan. Shirkan oo ahaa mid madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda ka taagan dalka Suudaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalaha Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dadka Soomaaliyeed, waayihii adkaa. Madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan. Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, madaafiicda culus ayaa shalay iyo maanta la isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman. Ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaad culus oo ka socda dagaaalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum. Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda. Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya. The post Sawirro: Madaxda IGAD oo shir deg deg ah isugu timid iyo go’aan ka soo baxay appeared first on Caasimada Online.
  12. Dagaalo ba’an oo ka socda guud ahaan dalka Sudan ayaa galay maalintii labaad iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay xiisad u dhaxeysay koox dabley ah iyo ciidamada dalkaasi ay isu bedeleen dagaa Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan guud ahaan dalka Suudaan, labada dhinacba, ayaa waxay soo gudbinayaan sheegashooyin baaxad leh, balse aan la xaqiijin oo ku saabsan baaxadda dhulka ay maamulaan. Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhigyo istiraatiiji ah, oo ay lahaayeen ciidamada baritaaridda deg degga ah (RSF) ee magaalooyinka Port Sudan, Kasala, Kadaref, Demazin iyo Kosti. RSF ayaa dhankeeda sheegtay in 90% ay ka taliso caasimadda magaalada Khartoum, iyadoo 10% oo kaliya ay gacanta ugu jiraan ciidamada. Waxa kale oo ay sheegeen inay gacanta ku hayaan dhawr goobood oo istaraatiiji ah oo ku yaalla Omdurman iyo Darfur, iyo sidoo kale Gegida dayuuradaha ee Merowe ee waqooyiga. Wararka ka imaanaya Meroowe, ayaa sheegaya in xaalad degenaansho ah ay ku soo laabatay magaalada, iyadoo gaadiidka ciidamada Sudan lagu arkayay waddooyinka. Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen iskahorimaadyada, sida ay sheegeen golaha dhexe ee dhakhaatiirta Suudaan. Source
  13. Gobolka Montana ee dalka Maerykanka, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Maraykanka oo meel mariyo sharci mamnuucaya isticmaalka Tiktok. Haddii guddoomiyaha gobolka uu saxiixo lasoo gudbiyey sharciga, ayaa waxaan shaki ku jirin in isticmaalka Tiktok uu noqon doonto dembi. Tallaabadan muhiimka ah ee uu gobolku si rasmi ah ugu mamnuucayo Tiktok sababo amni awgood, ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada kale ee Maraykanka ay arrintan falan qeynayaan. Shirkadda Tiktok ayaa marar badan beenisay eedeymaha ah in ay xogta siiso dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha, iyada oo ku wareejinaysa macluumaadka gaarka ah ee isticmaalayaasha maamulka Beijing. Sida sharciga qabo, Apple iyo Google waa inay Tiktok ka saaraan bartooda lagala soo dago barnaamijyada. Dalalka Maraykanka, Kanada iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayaa horey u mamnuucay isticmaalka Tiktok ee talefannada iyo kumbuyuutarrada yaalla xafiisyada dowladda. Source
  14. President Hassan Sheikh Mohamud with the Italian Prime Minister Giorgia Meloni in Addis Ababa. Mogadishu (PP News Desk) — The visit of the Italian Prime Minister Giorgia Meloni to Ethiopia to attend a trilateral summit comes in the wake of an active campaign by Italian government to recover assets expropriated in Somalia by clan militias after the collapse of the state in January 1991. The Italian government companies and citizens own properties and farms in Southern Somalia regions. Landmark buildings such the now destroyed Mogadishu cathedral and the Italian House in pre-war Central Mogadishu bore remarkable Italian influence reflected in cinemas, bookshops, patisseries, grocers and restaurants among other businesses that made Mogadishu a melting-pot. Italian construction companies were implementing projects in Southern Somalia. The Italian expatriate community had a seizable presence in Mogadishu before United Somali Congress toppled the military regime. Italian citizens had to be evacuated from Mogadishu. The Mogadishu Cathedral near Cinema Hamar and Caffè Nazionale before 1991. The new government formed by an organisation founded in Rome in 1989 failed to stem the anarchy that followed the fall of the military regime. Armed militias illegally occupied properties of owners who fled the capital city. Some of the illegal occupants have forged title deeds, a problem that venal Mogadishu courts grapple with, forcing rightful owners to seek redress through Al-shabaab courts outside Mogadishu. A lawyer in Rome told Puntland Post that “Italian assets expropriated in Somalia belong citizens of the European Union. The Federal Government of Somalia will be required to issue an official statement on the unresolved issue of assets expropriated in Mogadishu by clans politically dominant in Mogadishu.” It is a political taboo in Mogadishu that the Federal Government of Somalia under President Hassan Sheikh Mohamud is reluctant to commit itself to protecting property rights. Illegal occupants have not only laid claim to private properties in Mogadishu and nearby regions but they also occupied schools, barracks, government buildings, and turned parks into retail units. The Italian Embassy in Mogadishu maintains a register of assets belonging to Italian citizens, the Government of Italy, Italian companies or the Vatican. “Meloni will persuade President Hassan Sheikh Mohamud to take steps to help Italians to recover their assets expropriated in Somalia” said a former MP in Mogadishu, who requested anonymity. During his first term of office (2012-2017), President Hassan Sheikh Mohamud had the benefit of doubt that the first post-transition dispensation had other priorities. His re-election almost one year ago and the Italian government initiative to recover Italian assets in Somalia put the principle of property rights in Somalia at the heart of state-building initiatives. © Puntland Post, 2023 The post Italy on track to recover assets expropriated in Somalia after 1991 appeared first on Puntland Post.
  15. A frequent relapse into violence coupled with inability to provide adequate security for civilians are combining to derail Somalia and South Sudan’s bids to have their respective arms embargoes dropped. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal gaarka ah lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Galgaduud. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howl-galka lagu qaarajiyay horjoogayaashan ka sameeyay deegaanada Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha lagu dilay howl-galkan ay fuliyeen ciidmada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Cartan Iley oo ahaa Gacan-yaraha Koba kutukade ayaa lagu dilay howl-galka, sida lagu sheegay qoraalka dowladsa. Horjooge Daahir Calasoow oo dhibaato xoogan ka geystay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howl-galkaan gaarka ah . Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale waxay howl-galkan ku burburiyeen saldhigyadii kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa isla maanta weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa Ceelbuur. The post Horjoogayaal sare oo laga dilay Shabaab + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno Iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan. Safiirada uu madaxweynaha la qaatay kulankaan ayaa ka kala socday waddamada Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo sidoo kale wakiil ka socday European Union. Kulanka madaxweyne Muuse Biixi iyo wakiilada beesha caalamka ayaa inta badan waxaa looga hadlay dagaalka ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo madaxweynaha uu wakiilada caalamka u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan collaadda ka taagan halkaasi. Madaxweynaha ayaa waxa uu ka warbixiyey tallaabooyin kala duwan oo uu sheegay in xukuumaddiisa ay u qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, taasi oo qeyb ka tahay ergo uu maamulkiisa u diray dhinaca ay is-hayaan ee ku sugan Laascaanood, sida uu sheegay. “Xukuumaddu waxay u dirtay magaalada Laascaanood wafdi wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Muuse Biixi ayaa dhankiisa waxa uu xaqiijiyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay xal nabadeed oo laga gaaro colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan xarunta gobolka Sool. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda magaalada, hase yeeshe nasiib darro ay magaalada la soo galeen calan dowlad kale, hub iyo ciidan, sida uu sheegay. “Tallaabadaasi waxay uga sii dartay xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan,” ayuu madaxweyne Muuse Biixi u sheegay wakiilada beesha caalamka ee ka qeyb-galay. Diblumaasiyiintan ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen waxgaradka Laascaanood, kaasi oo ay markii hore u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dadaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey, sida uu sheegay. “Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada Laascaanood gudaheeda dhammaan ciidamadeedii kala duwanaa, si loo yareeyo khasaaraha. Waxay ku baaqday fulisayna xukuumaddu xabad-joojin bilaa shuruud ah, ka dib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.” Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay aqbashay dhex-dhexaadintii dowladda Itoobiya, ayna ka ogolaatay ergadii ka socotay dowladdaasi in labada dhinac isugu tagaan Addis Ababa, hase yeeshe ay ka suurto-geli weyday arrintaasi dhinaca garaadada, sida uu madaxweynaha uu sheegay. Safiirrada, ku-xigeenada iyo diblumaasiyiintu wakiiladda caalamka ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay madaxweyne Muuse Biixi inuu ka ajiibay kulankaan, oo dalabkiisa ay iska lahaayeen. Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. The post Muuse Biixi oo caalamka u caddeeyay mowqifkiisa dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  18. Türkiye's Foreign Ministry on Friday summoned Denmark's ambassador Danny Annan over the burning of the Muslim holy book of the Quran and a Turkish flag at a public demonstration in Denmark's capital Copenhagen. Source: Hiiraan Online
  19. Burao eastern market during Ramadan evenings Laascaanood (PP News Desk) — Traders in Burao have decried the impact of Laascaanood conflict on trade ties with Sool. Business, the only social bridge that survived the prolonged conflict in Somalia to maintain inter-regional links, is now becoming less immune to after effects of a political conflict in Northern Somalia. Traders in Burao interviewed by Somali Cable TV said that business during pre-Eid period this year “is not as brisk as it was last year”. One trader said that “there is drastic decline in market activity because traders from Laascaanood and and Buuhoodle used to come to Burao to buy goods. They no longer come to Burao. Burao is economically linked with Sool and Buuhoodle.” Another trader had called for an end the conflict affecting the business community. Products made by small factories in Burao are sold throughout Puntland. The bulk of livestock exported at Berbera are sourced from Puntland and other southern regions. Peace ensured that Somaliland businesses benefit from the purchasing power of Sool and other major Puntland districts. © Puntland Post, 2023 The post Laascaanood Conflict Affects Trade Ties With Togdheer appeared first on Puntland Post.
  20. Waa kuma Gen.Xamdan ninka hoggaaminaya xoogagga Dacmu Sariic ee la dagaalamaya milatariga Sudan? Loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya ciidamada Sudan Xooggaga Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah. Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya. Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga. Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan. Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood. Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah. Haddaba maxaan ka naqaanaa Janaraal Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo hoggaaminaya xoogaga ciidamada gurmadka degdega ah ee loo yaqaan RSF? Waa kuma Jeneraal Maxamed Xamdan? Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin. Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan. Maxamed Xamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti”, waa ninka labaad ee maanta ugu sarreeya militariga haya talada dalka Sudan. Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum. Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan. Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan. Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Galbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xukuumadda ka soo horjeesteen. Sidee ayuu jagadaan ku gaaray? Ciidmada Sudan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qortaan maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan “Janjaweed” – oo macnaheedu yahay “Jinkii hubka qaatay ee fardaha saarnaa”. Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah. Waxa uu sannadkii 1975 ka dhashay Qabiilka Carabta ah ee geelleeyda ah ee Mahamid, waxa uu Iskuulka hoose dhexe ka saaqiday markii uu 16 sano jiray, si uu geela ugu kala dhoofiyo Darfu iyo Chad oo loo sii dhoofin jiray Libya iyo Masar. Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiyaha qabaa’ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan. Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti waxa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay. Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaweed. Dadka ku xeeldheer arrimaha dalka Sudan ayaa madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashir, oo dalkaas 30 sano xukumeyey ku eedeeyey in uu taageeri jiray maleeshiyaadkaas. Omar El-Tayeb Ahmed oo ah khabiir ka tirsan BBC Arabic ayaa qaba,”in dadka aqoonyahanka ah ee reer Sudan ay Hemeti u arkaan musiibo uu abuuray Al Bashir,” Qaran News
  21. Somaliland iyo shabaab! Marar badan baan maqlay labadaas oo la is ku xidhiidhinaayo, amma is ku meel la gu sheegaayo, laakiin se maxaa run ah? Shir ay IGAD qabatay November 2022 oo aan ka ga qayb galay magaalo Addis duleedkeeda ku taalla oo la yidhaahdo Bashiftu, dad badani na u yaqaaneen ‘Dabrasate’, oo ah magacii Axmaaradu u bixisay beryihii calankoodu taagnaa, ayaan ku la kulmay ka soo qaybgalayaal kale oo Soomaali ah. Maalintii shirku dhamaaday aniga oo la qadaynaaya waftigii Jabuuti ka socday, ayuu nin ka mid ah Soomaalidii shirka timid na gu soo biiray. Sidii caadiga ahayd siyaasaddii iyo qabiilkii is ku dhafnaa ee Soomaalida ayay sheekadii gashay. Ninkii noo yimid ba durba sheekadii u leexiyay mawduucaas Somaliland iyo Shabaab. Wuxu yidhi, isaga oo Reer-Jabuuti gii is leh xog sii, anakaa ogg oo SL iyo Shabaab xidhiidh wada shaqayneed baa ka dhexeeya. “Anaka”, ayuu ku celceliyay, markaa aakhirkii waxa aan ku idhi adiga iyo? Wax jawaab ah muu helin, aad na waa loo qoslay. Markaas buu yar xanaaqay oo yidhi – Siyaad in uu Waqooyiga burburiyo 1988kii sax bay ahayd, maxaa yeelay xaqiiqadooda dhabta ah buu ogaa. Nin aanay da’diisu sidaas u weynayn buu ahaa, markii aan weydiiyay inta uu jiro na, waxa uu ii sheegay in afar jir ahaa markii Siyaad dhacay. Markaas baan ku idhi, oo haddaa yaa ku gu yidhi Siyaad noo ga sheekee? Hadana waxa aan ku idhi, Shabaab iyo SL in xidhiidh ka dhexeeyo wax cadayn ah ma u haysid, xataa se hadiiba aan taada kuu raaco, Siyaad ma waxa aad leedahay 1988kii buu sii ogaa in wax Somaliland la yidhaahdaa uu iman doono, oo wax Shabaab la yidhaahdaa iman doono, oo labadaasi na ay noqon doonaan saaxiibo sida caanaha iyo biyaha isu gu milan? Ma sidaas baad leedahay? Baan ku idhi. Hadana mar kale ayaa la wada qoslay, isna mar kale ayuu sii xanaaqay. Qoladii Reer-jabuuti buu ku yidhi – idinku waxba ma ogidin. “Oo adigu maxaad ogtahay?” baan hadana ku idhi. Wax kale ma ku garatid ee sidii caadiga ahayd ee shekada Soomaalidu marar badan daal iyo micno la’aan u gu soo dhamaan jirtay baanu isu la meeraysanay. Hadaba, dadka aan maqlay ee SL iyo Shabaab is ku xidhiidhiya oo dhan, la ga soo bilaabo Sheekh Cabdi Xirsi, oo maalin dhawayd yidhi Security Council ka ayaa SL file keeda shabaabnimada la gu soo bandhigay, iyada oo UN Security Council ka kulamadooda oo dhami online (public) yihiin oo aan la ga been-abuuri karin, ilaa Cabdiwali Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland, ilaa la ga soo gaadho wiilkii aan November is ku baranay Itoobiya, wararka ay faafinayaan waa dacaayad amma aqlabiyadda weyn baa ah. Laascaanood dadkii wax ku layn jiray qaarkood oo la qabtay, oo maamulka SL ay Hargeysa iyo Galbeed la aadeen, warkooda dib loo ma maqlin, abidkood na maxkamad la ma geynin; waa doodda u gu maangalsan ee badka taalla. SL abidkeed jawaab micno leh ka ma bixin doodo ay taasi ka mid tahay, in kasta oo caadi ahaan aanay waxna ba jawaab micno leh ka bixin, oo dhinacaas habaar ka ga dhacay. Is ku soo wada duub, nacasnimooyinka iyo qaladaadka la hubo ee banaanka yaallaa iyada oo ay buux yihiin, muhiim ba ma aha tu aan la hubin in la is ku daaliyo. Shabaab iyo SL wixii la ga sheegaa badankiisu waa war loo adeegsado hub ahaan, yacnihii hub siyaasadeed iyo ku xumee. Waxa ay la jaad tahay doodda Muuse Biixi ee ah Laascaanood cidda ka dagaalamaysaa waa Shabaab, in kasta oo mar dambe uu ka noqday oo dareemay in aanay shaqaynayn. Al muhim, Soomaalidu hadii aanay daynayn in ay is eedayso amma dhiigeeda qubto, ha is ku eedayso oo ha is ku dagaasho wax la taaban karo oo la is tusi karo. Markaas xalka ayaa soo dhawaanaaya, maxaa yeelay wax la taaban karo ayaa badka yaalla. Waxaa qoray: Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi. “Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta qaranka. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ah kasii wada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howlgalll ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa Ceelbuur. The post Ciidamada DF oo weerar ku dilay 9 Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Bihi uses clan arguments based on Protectorate Agreements to reject the sovereignty of Somalia. Hargeisa (PP Editorial) — Yesterday, the Somaliland administration government briefed the media on the outcome of a teleconference the ambassadors and deputy ambassadors of several countries had with President Muse Bihi Abdi. Somaliland government accused Puntland State of deploying troops in Laascaanood and that Garoowe aims to demarcate a new clan-based boundaries. This fallacious argument is as absurd as the other arguments advanced by the secessionist administration to reject the sovereignty of Somalia. Under the federal electoral laws Laascaanood is a Puntland constituency. Puntland is not claiming to be a republic that unilaterally seceded from Somalia nor does it refer to protectorate agreements that the British Empire signed with Somalia clans shortly after the 1884 Berlin Conference. Bihi fails to see the contradiction in claiming that the unilateral referendum of 2001 is the basis for the rights to secede, and the attempt to violently impose a secessionist ideology on a unionist constituency. Bihi decided to press on with political delusions and declined to choose peacemaking over destabilization. What are the options for the International Community to put persuade Hargeisa to withdraw its troops and respect the consent of people who do not share secession ideology? Bihi is a threat to inter-clan amity from which the North benefited before Somaliland administration had resorted to aggressive promotion of secession that culminated in the 2021 forced displacement of more than 1500 Somali citizens in Laascaanood. Somaliland forces committed atrocities in Laascaanood, a district whose inhabitants have become internally displaced people after Somaliland administration labelled them terrorists and shelled the district. Under Bihi Somaliland administration metamorphosed into a politically violent entity that, according to Africa Confidential, scored a “bloody own goal”. The unanimity of the so-called Somaliland parties to support the shelling of Laascaanood by Somaliland forces indicates that Hargeisa pays lip service to governance based on consent. Somaliland is a force of destabilization in the Horn of Africa. Secession does not come about through rejection of existing sovereignty or baseless claims based on post-Independence borders. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland President Chooses Destabilization Over Peacemaking appeared first on Puntland Post.