-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee ugu awoodda badan adduunka, balse dhinaca kale waxaa 31 sano saaran cuna-qabateyn dhinaca hubka ah. Toddobaadkii hore waxaa Soomaaliya booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Xoghayaha guud ee QM waxay ku soo aadeysa waqti ay Soomaaliya la tacaaleyso Al-Shabaab iyo Abaar. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garab taagan yahay xoghayha guud ee QM Antonio Guterres ayaa soo hadal qaaday mawduuca cuna-qabateynta hubka. Al-Shabaab waa mid kamid ah labada kooxood ee ugu awoodda badan argagixisada ka jirta qaarada Afrika. Halka dowladda Soomaaliya ay tabar militari iyo mid dhaqaale-ba ay weli ku tiirsan tahay Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka. Madaxweynihii xafiiska baneeyay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud labaduba waxay ka siman yihiin dalabka ah in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay ugu sahlanaanto dhismaha ciidan tayo leh oo haysta hub ku filan sugida amniga dalka iyo soo afjarida argagixisada. Dalalka caalamku waxay marwalba leeyihiin waa in Soomaaliya laga caawiya inay ka adkaato Al-Shabaab, haddana looma ogola hub ku filan in kooxda la wiiqo. Micnuhu wuxuu u eekaan kara mashruuc aan dhamaad loo rabin ayay leeyihiin dadka ka faaloonaya arrintaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dhowr jeer ku cel-celisay inay ku kalsoon tahay inay ka adkaan karto Al-Shabaab iyo Daacish, laakiin waxaa dhinaca kale aan la inkiri karin inay hub baahsan wajahayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee loo diyaariyay inay cirib-tiraan argagixisada, soona celiyaan amnigii iyo xasiloonidii dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu QM uga mahad-celiyay garab istaaga joogtada ah ee Soomaaliya siinayeen dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay. Wuxuu sheegay inay Soomaaliya sameynayso horumar ballaaran, si gaar ah iska xoreynta argagixisada, nidaaminta iyo maalgelinta waxbarashada, caafimaadka iyo maamul wadaaga. Wuxuu madaxweynaha la wadaagay xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres tallaabooyinka togan ee loo qaaday siyaasadda loo dhan yahay, gaar ahaan kulamadii u dambeeyay ee madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul-goboleedyada, shaqada laga hayo dib u eegista dastuurka dalka iyo horumarka guud ee amniga dalka. Midda ugu muhiimsaneyd ee khudbada madaxweynaha waxay aheyd arrinta cuna-qabateynta hubka. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in la joogo xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka si ay ugu filnaanto dagaalka argagixisada iyo sugida amnigeeda gudaha. Kal hore golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa garwaaqsaday in Soomaaliya laga khafiifiyo cuna-qabateynta hubka, taas oo wax badan u tartay Soomaaliya. Wuxuu madaxweynaha ka codsaday xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres inuu Soomaaliya garab ka siiyo in meesha laga saaro cuna-qabateynta hubka ee jirtay 31-dii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa la isku raacsan yahay haddii Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado inay yeelan karto awood ay uga adkaato argagixisada, una xaqiijiso amaanka gudaha. In uusan caalamka arrintaas si dhab ah uga jawaabin waxay dadka Soomaalida ah ku xoojineysa tuhunkii ahaa in dhibkooda shirko lagu yahay. The post Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay ka adkaato Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay u dabbaal-degay gaaska dabiici kii ugu horreeyay ee Turkigu ka helo marin xeebeedka kaydka ah ee Badda Madow, isagoo ballan-qaaday inuu siin doono gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah qoysaska dalkaas, kahor doorashada 14-ka May. Xafladan ayaa ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee ay dowladu kusoo bandhigto mashaariicda tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ku aaddan doorashada, taasi oo ra’yi ururintu ay muujineyso in Erdogan uu lumin karo kadib labaatan sano oo uu xukunka hayay. “Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah oo loogu talagalay isticmaalka qoyska muddo hal sano ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay furitaanka deked gaaska dabiiciga ah oo ku taalla xeebta waqooyiga gobolka Zonguldak. Turkiga oo leh shidaal iyo gaas aad u yar ayaa si weyn ugu tiirsan gaas iyo shidaalka laga keeno Ruushka, Azerbaijan, Iran, Qatar, Mareykanka, Nigeria iyo Algeria. Doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ayaa ah caqabaddii ugu weyneyd ee doorasho ee uu la kulmo hoggaamiyihii ugu cimriga dheeraa ee Turkiga, kadib markii sicir-bararku uu saameeyay taageerada loo hayo Erdogan. Musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa ku horreeya ra’yi ururinta dadweynaha. Reuters + VOA The post Erdogan oo ballan-qaad cajiib ah u sameeyay dadweynaha Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Qaran News
-
Boorama iyo Sidii looga Ciidday. Qaran News
-
“Waxaan lee yahay dadka Somaliland ee reer Sool ah in colaadaa la joojiyo oo aynu ku dhammayno wada hadal, colaad kastaana way dhammaataa tanna waa kugu dhimay oo kaa dhimay……..Ciidanka Qaranku wuxuu daafacayaa xuduudii uu jeexay Garaadka maanta dagaalka gala leh Aabihii, oo adeerkii saxeexay” madaxweyne Biixi. Qaran News
-
Sawirka Maanta+Sidii looga ciiday Laascaanood Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda. Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka kasoo qeyb-galay Salaadda Ciidda aya ka dalbaday shacabka reer Muqdisho inay si buuxda u garab istaagan howl-gallada ay ciidamada ka wadaan caasimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Rag iyo Gabdho ayaa u taagan oo habeen iyo maalin u taagan oo nolol adag ku nool. Ciidankeeda macno ayay bixiyeen ee yeyna dayacin oo la shaqeyno, iyaga ayaa u taagan inay cadowga wajahaan oo u dhintaan bulshadooda Ilaahay kheyr ha siiye.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladdiisa ay dadaal badan ku bixisay amaanka Muqdisho, oo muddooyinkii u dambeeyay kasoo hagaagayay sidii hore, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay ciidanka ka howl-gala caasimadda. “Dowladda dadaal badan ayay ka gashay sidii ay caasimadda amni u noqon laheyd oo uga ilaalin laheyd Khawaarijta dhibta badan ee aan waxba noo reebayn,” ayuu yiri madaxweynaha. Waxa kale oo madaxweynaha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan waxaan kula dardaarmaya in la is-cafiyo.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta. Hoos ka daawo muuqaalka The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi muhiim ah u diray shacabka + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in aan marnaba la badali karin xadka Somaliland. Madaxweynaha oo saaka salaadda Ciida la dukaday shacabka Hargeysa ayaa khudbad uu ujeediyay waxa uu ku sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, taasi oo uu ula jeedo in marnaba Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool aysan ka go’i karin maamulkiisa. “Suurta-gal maaha shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika lamid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa. Ninka Kenya jooga ama ka Itoobiya jooga iyo kan Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya,” ayuu yirii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in xal nabadeed lagu soo dabaalo colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood. “Reer Somaliland colaadda Laascaanood bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in Somaliland ay dhankeeda diyaar u tahay soo afjarida dagaalka Laascaanood ee qaatay muddo ku siman saddex bilood. Muuse Bixii ayaa waxa uu dhinaca kale ee isku hayaan xarunta gobolka Sool, oo ah Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ay dhankooda qaatan doorka nabadeed ee diyaarka u tahay xukuumadda Somaliland. “Waxaa ku baaqaya in colaadda Laascaanood wada-hadal lagu dhameeyo. Dagaalka Laascaanood waa kugu dhimay oo ka dhimay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qiray in dagaalka socda uu khasaare naf iyo maalba leh soo gaarsiiyay labada dhinac. Ugu dambeyntiina waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay dhibaato ku hayso dadka reer Laascaanood, “Somaliland ma dhibaataynin reer Sool oo xoriyad ayay ku noolaayeen, waxaa jira dad faafinaya in Somaliland ay cabudhisay reer Sool taasi oo aan run ahayn.” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay iska soo daba-dhacayaan baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, islamarkaana ay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan ay u muuqato mid faraha kasii baxeysa. Si kastaba, dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen. The post Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in uu dhawaan maamulka gobolka uu bilaabi doono dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta. Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabi doona midabeynta Mooto Bajaajta, iyada oo laga dhigayo A iyo B. Saalax ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaaban doonto dhaqan-galinta go’aanada cusub laga bilaabo maalinta Isniinta ee 24 bishaan April 2023-ka. Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta in ay iska diiwaan-galiyaan, goobaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Mooto Bajaajta. “Goobaha isdiiwaan-galinta lagu sameenayo waa sida tan; Xarunta Laasareeti ee degmada Cabdicasiis, Xarunta Gaadiidka ee dowladda Hoose ee Xamar ee degmada Warta Nabadda, Xarunta Saldhigga Galbeed ee degmada Dharkenley,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere. Afhayeenka ayaa intaas kusii daray in maamulka uu tallaabo adag oo sharci ah ka qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar. Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sanadkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir. The post Maamulka gobolka oo Muqdisho ka bilaabaya dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wasiirada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha. Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah. Xasan ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan. Sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo. Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday Masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku boorinayay adkeynta amaanka iyo sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga guud ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xal nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda sii daba-dheeraaneysa. “Cibaadadii Soonka laheyd ee Qur’aan akhriska lahaa ee Ducada lahaa ee Taraawiixda iyo Taajudka lahaa Ilaahay hanaga aqbalo. Colaad ayaa jirta ee Ilaahay colaadda hanaga damiyo. Reer Somaliland coladaas bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Si kastaba, Munaasabadda Ciidalul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku. Hoos ka daawo muuqaalada The post Daawo: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta. Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha ciidanka saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan, kuwaas oo wali kujira howlgallo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taas oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga. Magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa gelinkii hore ee Jimcihii ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan. “Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga… in la furo waddooyin si loo daadgureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khamiistii codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada RSF ee dalka Suudaan oo ku dhawaaqay xabbad-joojin 72 saacadood ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay shan saraakiil dowladeed ah oo ciidamada booliska ay shalay kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. Shanta eedeysane ayaa ka kala tirsan xafiisyo dowladeed oo kala ah; Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe oo dhamaantood ka howl-galyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shanta eedeysane, iyada oo tixgelinaysa codsiga xafiiska, si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah, loogana gun-gaaro kiiska si waafaqsan habraaca sharci. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an horkeenida sharciga qof kasta oo lagu soo qabto fal-dambiyeed, waxa uu digniin u dirayaa dhamaan saraakiisha dowladda inay ku kacaan falal baalmarsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud oo sidoo kale loogu digay masuuliyiinta dowladda. Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bogaadin u diray hay’addaha amniga oo uu sheegay inay shaqo fiican ka qabtay howl-galka kiiskaan, walina ku howlan daba-galka qeybo kale oo kamid ah shabakadaan. Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa shalay kasoo xiray shanta eedeysan ee ah saraakiisha dowladeed garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen shanta eedeysane ee u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii. The post DF oo war cusub kasoo saartay saraakiil dowladeed oo laga soo xiray garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
