Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi. Ugu yaraan illaa 10 qof oo isugu jiro askar iyo nabadoono ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Nabadoonada ayaa la sheegay inay ku dhinteen mid kamid ah qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaankaas, waxayna xilligaas ku sugnaayeen guri ay ka daganaayeen halkaasi. Sidoo kale waxaa jira burbur soo gaaray deegaanka la weeraray,.madaama qaraxyo iyo dagaal saacado qaatay ay ka dhaceen halkaasi Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan Masagawaay gaaray ciidamo uu hoggaaminayo Khaliif Cumar Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta. Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Nabadoono caan ah oo ku dhintay weerarkii Masagawaay appeared first on Caasimada Online.
  2. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kala hadlay heshiiska OPEC+ ee lagu xaddidayo soo saarista shidaalka dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo taleefoon kula xiriiray Jimcihii, sida uu xaqiijiyay Ruushku. Labada hoggaamiye ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heerka iskaashiga labada dal, si xasillooni loogu soo dabbaalo suuqa shidaalka adduunka. Putin iyo Amiirka dhaxal-sugaha ah, oo loo yaqaan MbS ayaa sidoo kale sameeyay xiriir ganacsi oo dhow. “Wada-hadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay. Ururka Waddamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC) iyo Sacuudi Carabiya, oo ah soo saaraha ugu weyn ee batroolka adduunka ayaa aas-aasay sannadkii 2016. Isbahaysi loo yaqaan OPEC+ oo ay ku jiraan soo saarayaal kale oo waaweyn oo uu hoggaamiyo Ruushka, waxay si dhow ula fal-galaan suuqa shidaalka. Horraantii bishaan, soo saarayaasha shidaalka OPEC+ ayaa ku dhawaaqay hoos u dhac dheeri ah oo soo saarista bartoolka ah, taas oo ku dhow 1.16 milyan oo fuusto maalinkii, taasoo aheyd tallaabo lama filaan ah. The post Putin iyo Maxamed Bin Salmaan oo yeeshay wada-hadal xasaasi ah oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
  3. The two expressed satisfaction with the level of cooperation between the two countries to bring stability to the global oil market Source: Hiiraan Online
  4. LETTER TO: Mustafa HAJI ISMAIL HARUN SUBJECT: Peace and Stability of Africa depend on Respecting and Recognizing Colonial Borders Your excellency, I heard your opposition to colonial borders in Africa without presenting substitute solution that would not lead to endless violent, continental clan wars that would return Africa to Stone Age. It would be great if each African country has population of the same ethnicity but it is impossible to have that in the Third World (Africa, Arab World, Asia and South America). In Africa, subclans of the same clan inhabit different African countries due to colonial demarcations without considering clan lineage or ethnicity. That is why the Declaration of African Conference in 1964 of Reaffirming Colonial Borders was iissued to recognize and protect African colonial borders as they are in order to prevent tribal secession wars seeking postcolonial reunifications that would plunge the whole continent of Africa into endless violence, anarchy and chaotic tribal wars bringing down African states. If African colonial borders are denied or rejected and clans and tribes are given chance to have postcolonial reunifications based on their ethnicity, the consequences in the continent would be dire and devastating because endless, violent wars would erupt between states defending their territorial integrity bound by colonial borders and clans or tribes seeking reunifications with their own ethnicity as colonial borders define the territorial integrity, people, independence and recognition of each African country. There is no single African country that made its own borders. African colonial borders, like Arab World, Asia and South American colonial borders were unfortunately drawn all by European colonial powers and are based on land, not on ethnicity or clan lineage. Existence, peace and stability of Africa depend on respecting, recognizing and implementing colonial borders which are unalterable or unchangeable. Tribal armed factions driven by tribal emotions or tribalism, as it is happening now in Las Anod city of Somaliland, tried before to change African colonial borders by force to unite their clan or tribe after independence but all ended in failure because no country accepts to divide its territory as colonial borders are recognized and internationally legitimate. Trying to change African colonial borders is like opening can of worms that would return Africa to Stone Age as subsequent results would lead to endless clan wars seeking postcolonial reunifications with gun point as no Africa states wants to lose part of its country and population. It is easy to oppose African colonial borders but it is difficult to replace it. There is no single African country that made its own borders. FEW EXAMPLES OF CLAN DISTRIBUTION IN AFRICA Afar Clan inhabits Ethiopia, Eritrea, and Djabouti. Tuareg Clan inhabits Senegal, Nigeria, Mali and Niger. Fulani Clan inhabitis Mali, Nigeria, Chad and Cameroon. Lunda Clan inhabits Congo, Zambia and Angola. Yoruba Clan inhabits Nigeria, Benin and Togo, Somali Clan inhabit Djabouti, Somalia, Somaliland, Ethiopia and Kenya. There is no single African country whose population is based on single ethnicity. No country or region in Africa has the right to claim the land of a subclan inhabiting another African country for reasons of tribal lineage or ethnicity. As olonial borders of Africa are unalterable and all are based on land, so are Somaliland borders. Somaliland territory cannot be divided, its colonial borders were inherited from Somaliland British Protectorate, its colonial borders cannot be altered or changed and tribal borders cannot be drawn in Somaliland to destroy its territorial integrity based on its colonial borders. Somaliland achieved independence before Somalia gaining international recognition on June 26, 1960. Your excellency, I hope this short article helps you understand how it is difficult to reject or deny African colonial borders and how it is important to keep African current status for the sake of peace and stability. Ibrahim Hassan Gagale April 22, 2023 ibrahimgagale@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray iyo xoogagii weerarka qaaday. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo ka baxsan deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada la weeraray, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada deganaa saldhiggaasi. Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay fashiliyeen dagaalka ay soo qaaday kooxda oo ku bilowday qarax culus. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta. Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Masagawaay appeared first on Caasimada Online.
  6. Dagaal xooggan ayaa sida la soo weriyay saaka oo Sabti ah ka dhacay degaanka Masaggawaa ee Gobolka Galgaduud. Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee degaankaas Masaggawaa. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu mudda saacado ah halkaas ka socday inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab midna weli kama hadlin dagaalka islamarkaana way adag tahay in halkaas laga helo xog madax bannaan. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo saaka aroortii ka dhacay degaanka Masaggawaa ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  7. One volunteer is using his Muslim faith to empower the youth of Toxteth and keep its sense of community alive Source: Hiiraan Online
  8. Today marks the end of Ramadan and the beginning of Eid al-Fitr for many Minnesotans. And this year, there were some notable differences. Source: Hiiraan Online
  9. RAMSTEIN AIR BASE, Germany, April 21 (Reuters) - The U.S. military is preparing options to evacuate the U.S. Embassy in Sudan, Defense Secretary Lloyd Austin said on Friday as the Biden administration weighed whether to pull personnel out of the country's increasingly unstable capital. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - At least 20 al-Shabaab militants were killed, and others were injured in a planned operation carried out by the National Intelligence and Security Agency (NISA) Forces supported by international allies in the Lower Shabelle region on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - Garad Jama Garad Ali, a traditional elder of the SSC, announced that the SSC militia has grown impatient with Somaliland forces and is determined to intensify attacks following the Eid holiday. Garad Ali called for Somaliland to withdraw its army from SSC territories, asserting that this is a necessary condition for initiating dialogue. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kala hadlay heshiiska OPEC+ ee lagu xaddidayo soo saarista shidaalka dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo taleefoon kula xiriiray Jimcihii, sida uu xaqiijiyay Ruushku. Labada hoggaamiye ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heerka iskaashiga labada dal, si xasillooni loogu soo dabbaalo suuqa shidaalka adduunka. Putin iyo Amiirka dhaxalsugaha ah, oo loo yaqaan MbS, ayaa sidoo kale sameeyay xiriir ganacsi oo dhow. “Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay. “Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay. Ururka Waddamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC) iyo Sacuudi Carabiya, oo ah soo saaraha ugu weyn ee batroolka adduunka, ayaa aas-aasay sannadkii 2016, isbahaysi loo yaqaan OPEC + oo ay ku jiraan soosaarayaal kale oo waaweyn oo uu hoggaamiyo Ruushka, si ay si dhow ula falgalaan suuqa shidaalka. PUNTLAND POST The post Ruushka iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Xasilinta Suuqa Shidaalka Dunida appeared first on Puntland Post.
  13. Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa sheegay in mid ka mida diyaaradohoodu inay duqaysay magaalo ku taalla Ruushka oo aan ka fogayn xuduudda dalkaasi uu la wadaago Ukraine, iyada oo duqayntaasi ay ku dhaawacmeen laba qof, halka ay cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka. Milateriga Ruushka ayaa qirtay in mid ka mida diyaaradahoodu inay si khaldan ugu tuurtay bamka, magaalada Belgorod, oo ay ku nool yihiin illaa 340,000 qof, una jirta xuduuda Ukraine illaa 40 KM. Ruushka ayaa hore weerarkan ugu eedeeyey ciidamada Ukraine. Qaraxa ka dhashay weerarkan oo la maqlay xilli dambe oo Khamiistii ah ayaa aad uga xoog badnaa, qaraxyadii ay hore u maqli jireen shacabka ku nool Belgorod. Goobjoogayaal ayaa sheegay in awoodda qaraxan ay ruxday dhismayasha dhaadheer, qaarkoodna ay muraayadaha daaqaduhu ka daateen. Waxyar ka dib weerarkaas, ayaa falanqeeyayaasha Ruushka iyo kooxaha wax ka qora arrimaha milaterigu waxay bilaabeen aragtiyo la xidhiidha nooca hubka ee Ukraine ay u isticmaashay weerarkaasi, iyaga oo qaar badan oo ka mid ahi ay soo jeediyeen in Ukraine lagu ciqaabo falkan ay ku kacday. Hase ahaatee saacad ka dib, waxaa wasaaradda difaaca ee Ruushku ay qiratay in hubka sababay qaraxaasi inuu si aan ku talo gal ahayn uga dhacay mid ka mida diyaaradohooda. wasaaradda difaacu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee waxaa khubarada milaterigu ay sheegayaan in hubkaasi uu yahay bam awooddiisu gaadhayso illaa 500 Kilogram. VOA + AP The post Ruushka oo si khaldan u duqeeyey magaalo ku taal dalkiisa appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden: “Waxa aan aad uga heley deeqsinimada muslimiinta ee ciidda, sida ay ugu hurayaan cuntada kuwa baahan [Zakaatu Fidri] sida ay maalintan u qurxiyaan guryahooda, hadiyado u siiyaan eheladooda, iyaga oo xirta dhar cusub oo booqda qoysaska iyo asxaabta, waxa ay qurxiyaan meel kasta waa dad farshaxan iyo aqoon leh gaar ahaan kuwa dalkeena. Iid wanaagsan ayaan idin leenahay ani iyo xaaskayguba.” All reactions: 1.5KIbrahim Farah Muhumed and 1.5K others Qaran News
  15. Waxaa Caawa ilaa iyo Xalay Magaalada Nairobi ka Socda Mooshin kalsooni kala noqosho ee Xukuumada Ra’iisul-Rasaare Hamze Abdi Barre. Mooshinkaan ayaa waxaa hor kacaya xubin ka mid ah Shir-Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaano Saameyn Weyn ku leh Siyaasada Dalka kuwaas oo Dhaliilsan Xukuumada Ra’iisulwasaare Hamze. Qaran News
  16. Nuxurka Khudbad uu jeediyey Muftiga weyn Sheekh Mustafe X.Ismaaciil Haaruun “Dil muslim laguma midoobo waxna laga faa’iidi maayo, xuduud gaalo jeexeen muqaddas [Lama-dhaafaan] ma aha, wallaahay baysan ahayn Ilaahay agtiisa iyo xataa dadka…………..Waxaa Sidaas yidhi Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun. Qaran News
  17. Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalka Itoobiya u daad gureysay tiro ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baraneysay Jaamacadaha dalka Suudaan, kuwaas oo ku xayirnaa qeybo ka mid ah dagaaal oo cagaha la galay dagaalo sokeeye. Arrinta ardaydaas waxaa xog cusub ka bixiyey Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo ah isku xiraha guddiga ay dowladdu u xil saartay u gurmashada ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka suudaan, anha ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay daad gureynta ardayda Soomaaliyeed ee ku xayirna dalka Suudaan, iyadoo ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydaas la geeyay xuduudda dalka Suudaan uu la wadaago Itoobiya. Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ay diyaarisay gaadiidkii ardayda kale ee ku xayiran gudaha dalka Suudaan looga soo bixin lahaa goobaha ay khatarta ku wajahayaan. Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in maalmaha soo socda ay arday kale u gudbin doonaan gudaha dalka Itoobiya oo xuduud la leh Sudan, iyadoo kadibna loo soo qaadi doono dalka Soomaaliya. “Anagoo ka jawaabayna go’aankii Madaxweynaha, waxaan bilaawnay inaan dalka Suudaan kasoo daad gureyno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugna dalkaas, kuwaas oo u badan arday,” ayuu yiri. Diinaari ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay si buuxda ugu istaagtay inay juhdi badan ku bixiso in ardayda ku xayiran dalka Suudaan laga soo saaro wadanka, maadaama ay dagaalo culus ka qarxeen. Dagaal culus oo ay kala hoggaaminayaan saraakiishii ugu sareysay ciidamada Suudaan ayaa dalkaas ka qarxay, saacadihii u dambeeyey garabka ciidamada RSF ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa oggolaaday xabbad-joojin 72 saacadood ah. Maanta oo Jimco aheyd waxaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo culus, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan. The post DF oo shaacisay tirada arday ay kasoo badbaadisay dagaalka SUDAN oo dal kale la geeyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ugu yaraan 20 Shabaab ah oo isugu jiray saraakiil iyo maleeshiyaad lagu dilay howlgal ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose. Howlgalkaas ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarka ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 20 xubmood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warkaan, xubnaha la dilay waxay isugu jireen “horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.” Howlgalkaan ayaa dhacay habeenkii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-kii bisha, wuxuuna Shabaab-ka la beegsaday ku howlgalkanaa abaabulka qorshe weerar oo ka socday dhulka hawd ah ee aagga u dhaxeeya labadaas deegaan. “Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaan iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka hortageen dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah, kuwaasi oo lagu daba jiro.” Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa lagu yiri, “Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta.” NISA waxay qoraalkaan ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Howlgalkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, in kastoo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda. The post NISA oo shaacisay inay fulisay howl-gal lagu laayey Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
  19. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas oo laga fuliyay inta u dhexaysa degaannada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose. ” Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadka Hawlgalkaas lagu dilay ay ku jireen horjogayaal islamarkaana lagu dhaawacay qaar kale halka qaarna goobta ka baxsadeen. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo hawlgal qorshaysan ku dilay xubno iyo horjoogayaal tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. London (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Britian Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kadib markii baaritaan lagu sameeyey, kaas oo la xariira habka uu ula dhaqmay dadka la shaqeeya. Warqadda is-casilaadda oo galabta la soo dhigay barta Twitter-ka ee ra’iisal wasaare ku xigeen Dominic ayuu ku caddeeyey is-casilaadaan. Waxaa la sheegay in is-casilaadaan ay daba socoto baaritaan la xiriiray cago-juglayn la sheegay in shaqaalaha xafiiskiisa qaar uu kula kacay. Ninkaan ayaa horay u balan qaaday inuu is casili doono, hadii ay ku soo baxaan markii la baaro kadib fadeexadda lagu eedeeyey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo. Is-casilaada masuulkaan ayaa noqoneysa mid kamid ah fadeexadihii ugu dambeeyey ee la soo gudboonaata mid ka mid ah wasiirrada ugu sareeya Xukuumadda UK. Dominic Raab ayaa noqonaya wasiirkii seddaxaad oo shaqada uga tegay habdhaqankiisa shaqsiga ah, kadib markii ay ka soo dacwoodeen xubno ay ula dhaqmeen si ka baxsan habdhaqanka shaqada. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK u cadeeyey inuu qaatay go’aanka shaqo ka tegidda, ka hor inta aan la shaacin natiijada baaritaankii lagu sameeyey fadeexadda lagu eedeeyey Dominic Raab. Arrinkaan ayaa dib u dhac ku keenaya doorashada xisbiga muxaafidka, waxaana laga cabsi qabaa in guul darro weyn ay ku muteystaan. Dominic Raab ayaa warqadii uu isku casilay wuxuu ku cadeeyey in isagu uu dalbay in baaritaan la sameeyo, isagoo xiligaas balan-qaaday in hadii lagu helo dembi cagajugleyn ah uu is-casili doono. “Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay inaan qowlkeyga ka rumeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii is casilay ee dalka Ingiriiska. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalkaas aqbalay warqadda is-casilaadda ah ayaa sheegay inuu ka xunyahay arrinkaan, balse ay muhiim tahay in anshaxa wasiirradiisa uu gaarsiisnaado heerka ugu sareeya. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Ingiriiska oo sabab yaab leh isku casilay appeared first on Caasimada Online.
  21. As people in Sudan marked the major Muslim holiday of Eid al-Fitr on Friday, forces led by the two warring generals vying for control of the country ignored calls for a cease-fire and clashed across the country for a seventh day. Source: Hiiraan Online
  22. Afmadow (caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ayaa maanta ka hor tegay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku qaadaan degmadaas. Ciidanka oo ka howlagalay fashilinta abaabulka weerar ee Al-Shabaab ayaa howlgallo lagu baacsanayo kooxdaas ka fuliyey dhul howd ah oo u dhow Afmadow, waxayna ku guuleysteen inay ka hor tegaan qorshihii ay kooxdu la damacsaneyd degmada Afmadow. Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow G/Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in kooxdii is baabuleysay ee Shabaab ay kala carareen markii ay ka war heleen in ciidanka Jubbaland ay ku soo wajahan yihiin. Wararku waxay sheegayaan in maanta oo maalin farxadeed aheyd ay kooxdu qorsheyneysay inay weerar arbushaad ah ku qaado Afmadow oo saldhig u ah ciidamo badan oo Jubbaland ay geysay. Dhawaan madaxweynaha Jubbaland ayaa booqday Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda Al-Shabaab, isla markaana la qorsheynayo in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan Jubbaland. Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan. Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland. The post Sawirro: Ciidanka Jubaland oo ka hor tegay weerar culus oo Shabaab u qorsheeyeen Afmadow appeared first on Caasimada Online.
  23. Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada RSF ee Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taasi oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga. “Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. In la furo waddooyin si loo daad-gureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay. Magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa waxaa gelinkii hore ee Jimcihii maanta ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan. Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal horay loo duubay oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee ciidanka. Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan ayaa qarxay Sabtidii, taasi oo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah. Dagaalka Sudan oo ah loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo hore isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 350 qof. Labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi ayaa waxaa kala hoggaaminaya taliyihii ciidanka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo, oo iyagu isku haya awoodda u sareysa dalkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo garabka Xamdaan oo ku dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
  24. Laascaanood (Caasimada Online) – Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka dadka gobolka Sool kala dhaxeeya Somaliland, isagoo iclaamiyey dagaal cusub. Sidoo kale Garaadka ayaa farriin culus u diray beesha Isaaq ee Somaliland, isagoo si cad u sheegay in Sool aysan wada deeqin Isaaq iyo Sool clan ama guud ahaan reer Sool. Waxa uu sheegay in ay turaale ku jireen markii hore, maadaama lagu jirin bishii Ramadaan, laakiin ciidamada Somaliland aysan waxaba la harin, sida uu sheegay, isla markaana ay hada kadib u dagaalami doonaan si aan horay u dhicin. “Qaniiyo-qaniiyo ayaa kaa fujisa, waxaanu caalamka iyo dowladda Soomaaliyeed u sheegaynaa dulqaadkii waa naga soo dhamaaday, wixii ka danbeeya maanta oo ciid ah, wax aan la hari doono ma jirto,” ayuu yiri Garaad Cali oo boqolaal bulsho ah kula hadlay Laascaanood. Garaadka ayaa si gaar ah fariin ugu diray waxgaradka beesha Isaaq, isagoo ka dalbaday inay ciidankooda kala baxaan dhulka SSC, maadaama aysan dhici doonin in Hargeysa iyo Laascaanood dib loo mideeyo, sida uu hadalka u dhigay. “Hadii reer Sheekh Isxaaq habayaraadee uu caqli ku dambeeyo, hanaga kaxeysteen carruurtooda, dalkeena hanooga baxaan oo guryahoodii haku noqdaan ‘ma dhaheyno gurigiin ba’yoo goob xun joogsada’e, waxaanu leenahay deegaankiina ku laabta,” ayuu Garaad Jaamac ku yiri farriinta uu Isaaq u diray. Garaadka ayaa carrabkiisa ku adkeeyey sida ay u doonayaan midnimada Soomaaliya ilaalinteeda, “Wiilka Barbara jooga, waxaa naga xiga wiilka Soomaaliga ah ee Baydhaba jooga, anaga midnimaa na deeqda, wax kasta oo midnimada Soomaaliya ka hor imaanaya inaan ka hor tagnaa naga go’an,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Garaad Jaamac. Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib. Hoos ka daawo The post Daawo: Garaad Jaamac oo iclaamiyey dagaal cusub iyo ‘go’aankooda ugu dambeeya’ appeared first on Caasimada Online.