Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada. Xildhibaanada kasoo horjeestay mooshinkan oo la rabo in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, ayaa waxay ku doodayaan in aan xilligaan la wiiqin dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, oo aan fursan la siin argagixisada. Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkan ayaa waxa uu sheegay in waxx walba ay ku noqonayaan Zero oo ka dhigan halkii hore looga soo qaaday, marka loo eego horumarka laga sameeyay amaanka caasimadda dalka ee Muqdisho iyo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse,” ayuu yiri qoraal uu Xildhibaan Xayir Maareeye soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu intaas kusii daray “Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.” Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in mooshinka ka dhanka ah xukuumadda lagu rabo dano gaar ah, islamarkaana meesha ka saarayan rejada iyo dowlad-dhiska umadda Soomaaliyeed, taasi oo dabada ka riixayaan dowladda shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. “Illaa xiligii UNITAF ee 1993, waxaan u soo joogay oo qibrad weyn u leeyahay sida markasta oo Soomaaliya ay u soo ifto nabad, deganaansho iyo dawladnimo sida ay dawlado caan ah oo la yaqaan oo adeegsanaya Wakiilo gudaha ah oo marxali ah (marba ninkii xanaaqsan ee dareen qabiil ama mid xil shidayo) dhabarka uga jebin jireen oo u kala tuuri jireen rajada iyo dawlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maanta oo mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo ay la mid tahay “Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo,” “Waxaas oo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo tudho,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraalkiisa. Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. The post Xog: Xildhibaanada BF oo ku kala qeybsamay mooshinka xukuumadda R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  2. Your excellency, I heard your opposition to colonial borders in Africa without presenting substitute solution that would not lead to endless violent, continental clan wars that would return Africa to Stone Age. It would be great if each African country has population of the same ethnicity Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha JFS Xasan Sh. Maxamuud markaa si wacan ugu fiirsato fariimhiisa oo dhan oo ay ugu danbeeyeen kuwii Ciidul-Fitriga, waxaa ka muuqda dadaal fara badan uu isleeyahay Soomaalida ku qanci dowladnimada, hadalo wanaagsan oo uu doonayo inuu quluubta dadka ku gaaro. Dhinaca ficilka, wuxuu dagaal aan qorshihiisa iyo dhamaadkiisa Source: Hiiraan Online
  4. Addis Ababa: Madaxweynaha DDS, Mustafe Cumar iyo dhiggiisa KMG ee Tigrey, Getachew Reda. Waxa ay ku kulmeen xaflad ciwaan keedu yahay “Dagaalkii dhammaa, nabaddu ha waarto.” Qaran News
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka. Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda ay yaboohday wada-hadallo. “Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May,” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga, oo abaabulay dibad-baxyadii bishii tagtay. “Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonnaa Nairobi,” ayuu yiri Onyango. Onyango ma uusan sheegin sababta ay mucaaradka ugu baaqeen in dibad-baxyada dib loo billaabo. Hase yeeshee mucaaradka ayaa horey uga digay inay sidan dhici doonto haddii aan horumar la taaban karo laga sameyn wada-hadallada. Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee sare usii kacaya. Saddex qof ayaa geeriyooday, goobo ganacsina waa la bililiqeystay saddex maalmood oo bishii tagtay ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ah dowladda. Sidoo kale booliska ayaa laba qof ku toogtay magaalada Kisumu, halka sarkaal boolis uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray isku dhacyo ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Bishan horraanteeda, Odinga ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey dibad-baxyada kadib markii madaxweyne William Ruto uu ku baaqay in wada-hadallo lagu xaliyo dhibaatooyinka jira. Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in la abuuro guddi baarlamaani oo labada dhinac ah, si ay uga shaqeeyaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashada. Odinga ayaa soo dhoweeyey “xalka nabadeed” ee Ruto. Hase yeeshee waxa uu sidoo kale ka digay “Waxaan xaq u leenahay inaan ku baaqno dibad-baxyo haddii hanaankan uusan miro dhalin.” Odinga, oo looga adkaaday shantii doorashado madaxweyne ee ugu dambeeyey, ayaa toddobaadkii tegay sheegay inuu shaacin doono qorsheyaal cusub oo la xiriira dibad-baxyada mustaqbalka kadib dhammaadka bisha Ramadan. AFP, VOA The post Mucaaradka KENYA oo cayimay maalinka ay dib u billaabayaan dibad-baxyada appeared first on Caasimada Online.
  6. Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Jananka ka dagaallama dalka Liibiya ee Khaliifa Xaftar uu gacan weyn ku lahaa diyaarinta iyo isku durba ridka duullaanka ay qaadeen ciidanka Gurmadka deg dega ah ee dirirta ka wada dalka Suudaan. Wargeyska oo soo xiganaayey ilo ka ag dhow labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday in Khaliifa Xaftar uu si weyn u taageerayo jananka hoggaamiya ciidanka RSF ee Maxamed Xamdaan Dogolo. Tan ayaa sii xoojinaysa xogo maalmahan warbaahinta qaarkood soo tebinayso oo sheegayey in ay Suudaan soo galeen maleeshiyaadkii ka dagaallami jirey dalka Liibiya. Khaliifa Xaftar oo hore loogaga adkaaday dagaalladii uu ka galay dalka Liibiya ayaa xilligan u muuqda mid awooddiisa ku soo bandhigaya waddanka Suudaan oo toddobaadkii labaad Dagaal culus ka socdo. PUNTLAND POST The post Gen. Khaliifa Xaftar oo la sheegay in uu qayb ka yahay dagaalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
  7. Mo Farah Children: Meet Mo Farah’s 4 Children – Sir Mohamed Muktar Jama Farah, also known as Mo Farah, is a British-Somali long-distance runner. He was born on March 23, 1983, in present-day Somaliland, and was trafficked from Djibouti to London when he was nine years old. Farah was forced into child labor and was given the name Mohamed Farah, which he adopted as his own when he became a British citizen. Farah is widely considered one of the most successful male track distance runners in history. He has ten global championship gold medals to his name, four Olympic and six World titles, making him the most successful British track athlete in modern Olympic Games history. Farah won gold in both the 5,000 m and 10,000 m at the 2012 and 2016 Olympic Games, becoming the second athlete after Lasse Virén to win both titles in successive Olympic Games. He also won the ‘distance double’ at the 2013 and 2015 World Championships in Athletics and defended both titles in both major global competitions, a feat known as the ‘quadruple-double.’ Farah is renowned for his tactical running style and quick sprint finish, which has been described as bouncy. He mostly competed in the 5,000 m and 10,000 m categories, but he has also run competitively from 1,500 meters to the marathon. In 2017, after winning his final track race, the 2017 IAAF Diamond League 5,000 meters final, Farah announced his intention to switch wholly to road racing. He won the 2018 Chicago Marathon in a time of 2:05:11, setting a European record. Farah holds several records, including the European record for the 10,000 m and two miles, the British record for the 5,000 m, the British indoor record for the 3,000 m, and the current world record holder for the one-hour run and indoor world record holder for the two miles. Farah’s running career has been decorated with several awards and honors. He was the first British athlete to win two gold medals at the same world championships and has won five gold medals at the European Athletics Championships, making him the most successful athlete in individual events in the championships’ history. Mo Farah has won the European Athlete of the Year award and the British Athletics Writers Association British Athlete of the Year award more times than any other athlete, three times and six times, respectively. In 2017, he won the BBC Sports Personality of the Year. In recognition of his services to athletics, Farah was appointed Commander of the Order of the British Empire (CBE) in 2013 and was knighted by Queen Elizabeth II in the 2017 New Year Honours. Mo Farah Children: Meet Mo Farah’s 4 Children Mo Farah, the British-Somali long-distance runner, is a proud father of four children. He has three daughters and a son, who he shares with his wife Tania Nell. Farah and Nell got married in Richmond, London, in April 2010, after dating for several years. Among the guests at their wedding were several fellow athletes, including Paula Radcliffe, Steve Cram, and Jo Pavey. The couple’s wedding was a joyful celebration of their love and commitment to each other, and their fellow athletes were delighted to share in their happiness. The couple has one child from Nell’s previous relationship, a daughter named Rihanna, whom Farah considers as his own. Rihanna was born before the couple got married, and Farah has been a supportive father figure in her life. In August 2012, Farah and Nell became parents to twin daughters, whom they named Aisha and Amani. The arrival of their twin girls was a joyous occasion for the couple, who were thrilled to expand their family. In 2015, the couple welcomed their fourth child, a son named Hussein. Farah has spoken about how being a father has changed his perspective on life and has given him a new sense of purpose. He is deeply committed to his family and is often seen spending time with them when he is not competing. Source: www.ghgossip.com Qaran News
  8. Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxay ku soo qabteen gaadiid looga shakiyey inuu sahay u siday Al-Shabaab. Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyey fariisimo ay si qarsoodi ah isaga soo abaabulayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka. Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay saraakiishu u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo yaqaano BG, kaas oo la sheegay ama looga shakiyey inuu saanad ciidan, sahay raashin iyo shidaal ah u sido kooxda Al-Shabaab. Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana laga soo doorto bariga gobolka Galgaduud ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalka lagu soo qabtay gaariga iyo maleeshiyaadka la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Xildhibaan Xusul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan gaadiidka iyo ragga la qabtay, isla markaana ay dib bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka. “Waxa aan soo qabanay hal gaari kaliya ma ahan, sidoo kale waxaa jira maxaabiis badan oo gacanta lagu hayo, dowladdu waa baareysaa gaadiidkaan, oo sida alaab u badan saadka ciidamada, waana sii baari doonaa,” ayuu yiri Xusul. Sidoo kale xildhibaanka ayaa u tacsiyeeyey odayaashii ay maalin ka hor Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Mesagawaa ee gobolka Galgaduud, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxdu ay mar kasta disho dadka birimageydada ah. Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Caasimada Online. Hoos ka daawo warbixin uu Galcad ka soo diray Weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya The post Daawo: Ciidanka xoogga dalka oo gaadiid iyo maxaabiis ka qabtay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Jeneraal Cumar Al Bashiir Oo Imminka Ka Baxsaday Jeelka Koober Ee Magaalada Khartuun. Isagoo Ka Faa,idaystay Dagaalka Ciidamada Xoogga Iyo Ciidamada Deg Degga U Howl Gala Ee Janjabiidka Taliye Uga Dhigay Kol Hore Asaaskiisuna Al Bashiir Lahaa Oo Uu Ku Xasuuqi Jiray Mucaaradka, Waxaana Arrintaa Fuliyey Xisbigii Maamulkiisa Ku Dhisnaa Ee Mu,tamarka Loogu Yeero Ali Sheikh Adam Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wacad ku maray in uusan aqbali doonin kalaabyada ka furan Muqdisho iyo anshax xumada taalla caasimadda. Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi. Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. Guddoomiye Madaale ayaa qoraal uu soo saaray kadib howl-galkii xalay waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan. Sidaas darteeda aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban. “Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale. Laamaha amaanka ayaa howl-galkii xalay kadib uu faray inay albaabada isugu dhuftaan dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo. Si kastaba, Tallaabada uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday. The post MADAALE oo sharaxaad ka bixiyay tallaabadii uu qaaday, wacadna ku maray in uu… appeared first on Caasimada Online.
  11. Ware tweeted that “Al Shabaab is spending millions to have Governor Ali Jeyte replaced.“ Mogadishu (PP News Desk) — The former President of Hirshabelle State Mohamed Abdi Ware indirectly implied that Al-shabaab was bribing his successor Ali Gudlawe. “We have reliable information that Al Shabaab is spending millions to have Governor Ali Jeyte replaced. Replacing Governor Jeyte at this time is giving aid and comfort to Shabaab. President @GudlaweHussein leave Governor Jeyte alone!” tweeted Ware. Jeyte, the Governor of Hiiraan, assumed the role of a commander in the popular uprising by Macawisley against Al-shabaab. President Hassan Sheikh Mohamud has appointed Mr Ware the Special Envoy for Civilian Protection and Stabilization. Rival politicians have found fault with Ware over his tweets. “Mr Ware should not be spreading disinformation about his successor. Gudlawe was forthright about illegal roadblocks set up in Hirshabelle by some units of the Somali army. There was no a plan to rein in militias mobilised for the campaign against Al-shabaab. Ware launched a surprise tweet attack on Hirshabelle” said a former Hirshabelle MP in Mogadishu who spoke to Puntland Post anonymously. Gudlawe complained to Villa Somalia about “an insinuating tweet” by Ware. President Gudlawe reportedly complained to Villa Somalia about Ware’s “insinuating tweets”. Villa Somalia is under pressure to persuade Ware to retract his tweet on Hirshabelle President. The American Embassy in Mogadishu welcomed the appontement of Ware as Special Envoy. © Puntland Post, 2023 The post Ware accused “of launching a surprise tweet attack” on Hirshabelle State of Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo ku dhawaaqay inay soo dhaweynayaan tallaabadii uu xalay qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa xalay tegay goobaha lagu tunto ee ku yaalla xeebta Liido, isagoo uleeyey dhalinyaro uu halkaas ugu tegay, waxaana tallaabadaas ka dhalatay falcelin bogaadin ah oo xoog leh. Sheekh Yuusuf Ceynte, Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye Yuusuf Madaale waxay ku amaaneen go’aanka uu ku suulinayo munkarka. “Xalay wixii dhacay oo guddoomiyaha gobolka uu sameeyey waa badbaado umadeed. Waa xaq in la suuliyo munkarka, culimadu waxay ayidsan tahay oo soo dhaweyneysaa tallaabadii uu xalay qaaday Guddoomiye Yuusuf Madaale,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte. Ceynte ayaa farriin u diray dadka daroogada keena dalka, isagoo sheegay inay ka halis badan yihiin kuwa qarxiya bulshada, wuxuuna ugu nasteexeeyey inay ka waantoobaan baabi’inta ay ku wadaan dhaqanka suuban ee bulshadaan muslimiinta ah. “Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabadii xalay oo meel fiican laga bilaabay, umadda waa laga helayaa dad u istaaga inay suuliyaan munkarka, halkaas ka sii wada waan idin garab taaganahay,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte. Sidoo kale Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, sidoo kale ka mid ahaa culimadii galabta garab istaaga u muujisay guddoomiyaha gobolka ayaa aad u amaanay go’aankaas. “Sidii ushii Cumar Binu Khadaab ayey u heybad badneyd ushii uu xalay sitay guddoomiye Sheekh Yuusuf, waa mahadsan tahay guddoomiye, culimadu waa ku garab taagan tahay, bulshada dhana waa ku taageertay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa guddoomiyaha ka balan qaaday inay go’aanada lamidka ah kuwii xalay ay la fulinayaan, hadii uu u yeerto culimada, markii uu qaadayo mid lamid ah tallaabadii xalay. Hoos ka daawo The post Daawo: Culimada Muqdisho oo war ka soo saartay ‘dadkii uu xalay uleeyey Madaale’ appeared first on Caasimada Online.
  13. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE 77th United Nations General Assembly meetings stress key African Development Bank priorities: climate finance, job creation, and food insecurity African Development Bank Group President Dr Akinwumi Adesina led the bank’s delegation to the meetings Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, October 3, 2022/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) had several productive engagements around its strategic priorities at the just concluded 77th United Nations General Assembly (UNGA) meetings in New York. Meeting highlights included an urgent call for increased financing to mitigate the effects of climate change and food insecurity. African Development Bank Group President Dr Akinwumi Adesina led the bank’s delegation to the meetings and played an active part in discussions leading to an international declaration to end malnutrition and stunting. The bank’s engagements reflect its strategic priorities as African countries, which it supports, struggle with the lingering impacts of the Covid-19 pandemic, as well as food and fuel price spikes arising from Russia’s war in Ukraine, and climate change. Climate change was a recurring theme in many of the bank’s UNGA discussions, especially the need for urgent financing for the countries most at risk from climate change. Climate change has assumed greater urgency with the next UN Climate Change Conference (COP27) due to be held in Sharm El-Sheik, Egypt in less than two months. COP 27 or “the African COP,” as it is being called, presents an unprecedented opportunity for a unified African voice to demand that the global community move beyond talk to concrete action on financing for climate adaptation and mitigation. Speaking at the 2nd ministerial meeting on climate and development, Adesina joined US Special Presidential Envoy for Climate John Kerry and other participants in urging developed countries to deliver on the pledges they made at COP26 in Glasgow last year, and under the 2015 Paris Agreement. John Kerry’s words were unambiguous: “We are late. We must act. I’m fed up with saying the same thing too many times in the same meetings. Business as usual is the collective enemy. It’s time for action,” he told the meeting. Adesina echoed this call for urgent action. He warned: “Africa is suffering, Africa is choking, and is in serious financial distress for what it did not cause. There must be a greater sense of urgency, not in talking, but in doing and delivering resources that the continent needs very desperately.” Click here (https://bit.ly/3Ehj9IJ) to see and listen to Adesina’s remarks. The African Development Bank Group joined the Global Leadership Council in a new initiative to scale up clean, reliable energy and address global warming. The Global Leadership Council comprises global leaders, including the African Development Bank head, the Executive Secretary of the United Nations Framework Convention on Climate Change, Patricia Espinosa; United Nations Development ProgrammeAdministrator Achim Steiner; European Investment Bank. President Werner Hoyer; Norwegian Prime Minister Jonas Gahr; and the president of the Rockefeller Foundation, Dr. Rajiv J. Shah, co-chair of the council. As a first step, the Council will focus on efforts to break down barriers to just energy transitions in developing countries. While developing countries are currently responsible for only 25% of global CO2 emissions, this share could grow to 75% by 2050, according to an analysis published by the Alliance. Developing countries currently receive only a fraction of financing to develop clean energy, despite representing nearly half of the world’s population. The General Assembly allowed the African Development Bank Group to demonstrate particular leadership in efforts to end hunger, nutrition, and stunting across Africa. Under the Presidential Dialogue Group on Nutrition, inspired by the African Union’s designation of 2022 as the “Year of Nutrition,” the African Development Bank Group head joined African presidents to sign a landmark commitment to stop childhood stunting. According to the Global Nutrition Report— considered the most comprehensive accounting of the state of nutrition worldwide—more than 30% of children in Africa are stunted. The Dialogue Group is an initiative of the African Development Bank’s African Leaders for Nutrition platform, the Ethiopian government, and Big Win, a philanthropic organization. In addition to Ethiopia, the platform counts the leaders of the Democratic Republic of the Congo, Madagascar, Malawi, Mozambique, Niger, Senegal, Tanzania, and Uganda among its members. The African Development Bank’s African Emergency Food Production Facility featured prominently at the Global Food Security Summit. Senegal’s President Macky Sall, chair of the African Union, commended the bank for its swift launch of the $1.5 billion facility to avert a looming food crisis. The program is facilitating the production of 38 million tons of food. This represents a $12 billion increase in output in just two years. In furtherance of the African Development Bank’s Group’s Jobs for Youth in Africa program to create 25 million jobs by 2025 and related initiatives, the Bank president participated in a high-level session to discuss the Global Accelerator on Jobs and Social Protection for Just Transitions (https://bit.ly/3SVfKTX) initiative. Speaking at the session, UN Secretary-General António Guterres urged governments across the world to quickly invest in quality job creation and the provision of social protection for those without coverage. He told leaders to focus on concrete solutions to implement the initiative and warned, “the path of inaction leads to economic collapse and climate catastrophe, widening inequalities and escalating social unrest. This could leave billions trapped in vicious circles of poverty and destitution.” The session was also addressed by various leaders from around the world including the President of the African Development Bank Dr. Akinwumi Adesina, Malawi’s President Lazarus Chakwera, Uganda’s Vice President Jessica Alupo, and Egypt’s Minister for Planning and Economic Development Hala El-Said. African Development Bank President Dr. Akinwumi Adesina said: “We have to restructure our economies to be productive with education, infrastructure, energy and making sure we have productive sectors that can use people’s skills and absorb that into the economy.” In the sidelines of the General Assembly, Adesina also led a bank delegation to the World Health Organization (WHO) for meetings. The two organizations agreed to work together on quality health care infrastructure, vaccines, essential medicines, nutrition, and the African Pharmaceutical Technology Foundation. WHO Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus congratulated the African Development Bank for birthing the Africa Pharmaceutical Technology Foundation, which he said “could help in market shaping for pharmaceutical products.” Adesina also held bilateral meetings with Kenya’s new president, William Ruto; American billionaire and philanthropist Michael Bloomberg; and former US President Bill Clinton and former US Senator Hillary Clinton. The President also met with Anne Beathe Tvinnereim, Norway’s minister for international development who is also the African Development Bank’s governor. Ahead of the Global Citizen Festival, they discussed efforts to end hunger. Norway is supporting the African Emergency Food Production Facility. UNGA 77 brought together world leaders, civil society activists, private sector players, and young people from around the world for two weeks of in-person dialogue in New York City under the theme “A watershed moment: transformative solutions to interlocking challenges.” Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi. Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. Guddoomiye Madaale oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, wuxuuna shaaciyay “in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi,” isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan. Haddaba, Sidee bulshada uga fal-celiyeen tallaabada uu xalay qaaday gudddomiyaha gobolka Banaadir? Dadka reer Muqdisho oo ka fal-celiyay muuqaalka laga soo duubay howl-galkaasi oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday. Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ay kaga fal-celiyeen howl-galkii uu xalay sida shaqsiga ah u hoggaaminayay guddoomiye Madaale. Hoos ka aqriso: Ikraam Cali Maxamed: “Masha Allah howl wanagsan ayuu qabtay gudoomiyaha dhalinyarada naftooda iyo nolashooda hala badbadiyo balayadaas Allaha haka madobeeyo dhamantood nabad iyo barwaaqo allaha ha inooga dhigo caasimadda.” Cabdulqaadir Axmed ayaa isagna yiri “Aad baan usoo dhaweynaynaa in Munkarka iyo Fasahaadka umadda laga dhex suuliyo. Guddoomiye aad baad u mahadsan tahay horey u soco.” Burhaan Xaaji Yuusuf: “Munkar qofkii arka in gacanta ku suuliyo waa waajib, guddoomiye Madaale shaqo wacan.” “Madaale xalay shaqo fiican ayuu qabtay wuu ku mahadsan yahay munkarka uu gacantiisa ku burburiyey,” ayuu yiri Shuuriye Cali. Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.” “Maxkamad in la soo saaro waaye, Madaale xaq umalahan inuu dadka garaaco waddanka sharci ayaa ka jira,” ayuu yiri Colow oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka. Cabdiwaaxid Axmed: “Mudane guddoomiye shaqo wanaagsan ayaad qabatay waxaan tala ku darayaa in lagu daro guddoomiyihii shaqada xalay qabatay fuli waaya in xilka laga tuuro waayo amaanada umadda ma qaadi karo.” Khadro Maxamed Cali oo ka falcelisay ayaa tiri “Ciyaalka waxaa ka weyn milkiilayaasha waaweyn ee goobahaas leh ayaga ha ka xiro dhalinyarada meel ay aado ma jiri doonto.” Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.” “Mahadsanid Guddoomiye waa arrin bogaadin mudan walow laga fiicnaa in muuqaalkaas la duubo,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Muuse oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale. Suldaan Sheekh: “Shaqo fiican ayay qabteen oo u baahan in lagu taageero sababto ah meesha waxaa ka socday wax xun.” The post Sidee looga falceliyay ‘tallaabadii cajiibka aheyd’ ee uu xalay qaaday Madaale? appeared first on Caasimada Online.
  15. Guddiga xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA u saartay soo daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda dalka Sudan waxaa ayaa maanta waxaa u qabsoomay kulan deg-deg ah oo ay yesheen sida loogu gurman lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed. Kulankaan oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan waxaana qeyb ka ahaa madax ka socta Hay’addaha kala duwan ee Dowladda iyadoo lagu faaqiday sida ugu fudud ee dadka Somaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaas loona badbaadin lahaa. Guddiga ayaa sheegay in sida loo soo badbaadin karo oo dalka loogu soo celin karo ay tahay in wadajir loogu istaago, xilli kuwa badan oo u qaxay xaduudaha Sudaan ay la wadaagto Masar, Itoobiya,iyo South Sudan in loo sameeyo gurmad kasta oo la heli karo iyo in xaduudaha dalalka ay jogaan loogu furo. Mas’uuliyiinta ayaa booqday kulanka kadib xarun loo diyaariyey in dadka go,doonsan ay kala soo xariiraan Hay’adda si loo badbaadiyo oo gurmad loogu fidiyo, muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool Sudan ayaa u badan Arday iyo kuwa deegaan ku ah dalkaas oo qoxooti ku ahaa muddo dheer. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Finland ayaa qaadatay go’aan lama filaan ah oo la xiriira kaalmo dhaqaale oo ay ku bixisay geedi socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa la sheegay inay qorsheyneysa inay dib usoo ceshato dhaqaale dhan 50,000 oo Yuuro, kaasi oo markii hore ay ku shubtay hay’adda Finn Church Aid (FCA), looguna tala-galay hormarinta geedi socodka dib-u-heshiisiinta dalka. Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in ay doonayso in dib loo soo celiyo lacagahaas, kadib markii shaki laga muujiyay in dhaqaalahaas si sax ah loo isticmaalay. Tallaabadan ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland sheegtay inay timid kadib markii aysan suurta-gelin in la xaqiijiyo in dhaqaalihii loo isticmaalay si waafaqsan go’aanka deeqda dowladda dalkaasi. Kharashkan ayaa waxay dowladdu bixisay 2021-kii, waxaana loogu tala-galay in lagu hormariyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya. Kaalmada dhaqaale ee Finland ayaa markii hore ujeedkoodu ahaa sidii loo xoojin lahaa ka qayb-galka ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan wada-tashiyada qaran, “loogana hortagayo in ay sii huriyaan qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada kahor,” hase yeeshee lama xaqiijin karo in dhaqaalahaasi loo adeegsaday arrintaas. Si kastaba, dowladda Finland gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa billowday baaritaan madax-bannaan oo la xiriira hawlaha ururka si loo hubiyo in ay qaadato tallaabooyin ku filan, taasi oo lagu xoojinayo hababka maaraynta kaalmada la siiyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka. The post FINLAND oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta dib u heshiisinta dalka appeared first on Caasimada Online.
  17. Muuse Biixi, maanta oo u dambaysay madaafiic ayuu soo ridaayay, waxaanu leenay muuse wakhti yar ayaad haysataa ee deegaanadan iskaga bax, hadii aad ka bixi waydo taariikh xumo ayaad arki doontaa. Cidii markii aanu dalkan joognay taladeeda wax naga waydiin wayday imikana anagu waxba ka waydiin mayno, taanu nidhaa ayaa shaqaynasa. Muusoow ta soconaysaa waa tayda. Sool clan-na wuu xisaab tamayaa, hadalna dal laguma xoreeyo ee xabad ayaa xoraysa, reerka maanta ugu dhimasho bata ayaa berri la dhegaysanayaa” Garaad Jaamac Garaad ismaaciil Qaran News
  18. East Africa’s doubts on long rains this season may yet turn out to be true especially as the region continues to record mixed results with some regions reporting inadequate rains. Source: Hiiraan Online
  19. Golaha Isimada Dhaqanka ee Gobollada SSC-Khaatumo oo ay wehelinayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Duqa Degmada Laascaanood, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Booliska Qaybta Guud ee Gobolka Sool, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo. Golaha Isimada Dhaqanka oo Saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee Ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda, ayaa sidoo kale faray dhammaan Ciidanka Booliska inay sii labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, gacan bir ahna ku qabtaan dhammaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida oo uu ugu horreeyo maandooriyaha Khamrigu. Sidoo kale, Golaha Isimada Dhaqanka ayaa kormeeray Xabsiga Dhexe ee Degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigu, waxaana Golaha Isimada Dhaqanku ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhammaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee Degmada Laascaanood. Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aasaasay magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkan waday hawl-gallo ay kaga hortagayaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana ku xaqiijinayaan ilaalinta badqabka nafta, sharafka iyo maalka shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Hoggaanka SSC-Khaatumo oo kormeeray Taliska Booliska Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka bishii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo kala dhaxeeya ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaasi. Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka tirsan Isimada SSC ayaa waxa uu sheegay in uu soo xirmay albaab kasta oo nabadeed, islamarkaana ay iska difaacayaan Somaliland, oo uu sheegay inay duulaan kusoo qaaday dhulkooda. “Albaab kasta oo nabadeed usoo ximay waa isdifaaceyna. Waxaan u taaganahay waji kasta oo aan isku difaaci karayno,” ayuu yiri Garaad Mukhtaar Garaad Cali. “Waxaa kulka dhariga ka keena waa kulaylka, dilka iyo madfaca dhacaya wuxuu socda muddo 3 billood ah, inta waxaanu ku jirnay is difaac iyo is ilaalin, waana sii wadeyna.” Sidoo kale waxa uu sii xoojiyay hadalkii uu dhawaan sheegay garaadka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ahaa inuu dulqaadkii ka dhamaaday oo ay la dagaalamayaan Somaliland hada kadib, mar haddii ay dhamaatay bishii Ramadaan. “Rejooyinkii wada-hadalada ee lagu joojin lahaa colaadda Laascaanood waa ay suurtagali weyday, haddii aan ciidamada Somaliland aan la geyn Oog.” Garaadka ayaa waxa uu sheegay in xadka ay Somaliland ku doodaysa uu yahay mid Ingiriis jeexay, Ingiriisna aanu wakiil ka ahayn meesha ay tahay in Soomaalidu xad ka dhigato, “waxaa rabnaa xuduudo beeleedyadii hore ee Soomaalida u dhaxayn jiray ama xuduudihii 60’kii kadib lagu heshiiyay.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in sida kaliya ee xal nabadeed looga gaari karo ama wada-hadal ula gali karaan Somaliland ay tahay iyada oo ciidamada Somaliland la geeyo saldhiga Oog. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Garaadka Guud ee beelaha SSC uu cadeeyay in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib. The post SSC oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  21. Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in toban ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen. Todobo dumar ah iyo saddex rag ah ayaa la dilay ka dib markii gurigooda oo u dhow magaalada Pietermaritzburg la weeraray subaxnimadii Jimcaha. Wasiirka booliska Bheki Cele ayaa sheegay in laba tuhmane la soo qabtay, mid la toogtay mid kalena weli gacanta lagu hayo. Ujeedada ma cadda. Koonfur Afrika waxa ay ka mid tahay dalalka ay dilalka ugu badan ka dhacaan. booliska ayaa markii hore lagu wargaliyay toogashada kadib markii dadka deriska ay maqleen dhawaqa rasaasta. Mr Cele waxa uu sheegay in mid ka mid ah dhibanayaasha uu da’diisu ahayd 13 jir. “Waxay qabteen laba qof, mid waa dhaawacmay, mid waa dhintay, mid waa cararay, saddex qorina waa laga furtay,” ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan goobta ay toogashadu ka dhacday oo ku taalla degmada Imbali ee bariga gobolka KwaZulu-Natal. Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, dableyda hubeysan ayaa u suuragashay in ay gudaha u galaan hantida, kadib markii ay iska dhigeen ciidamo boolis ah. Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha oo ah ninka la toogtay uu ku jiray liiska dadka la raadinayey muddo dheer. Waa toogasho wadareedkii labaad ee todobaadkan ka dhacda gobolka KwaZulu-Natal ka dib markii afar qof lagu toogtay maalintii Khamiista guri kale oo ku yaala waqooyiga magaalada dekedda leh ee Durban. Bishii Janaayo, sideed qof ayaa lagu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday magaalada Gqeberha ee gobolka Eastern Cape. Source
  22. Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in toban ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen. Todobo dumar ah iyo saddex rag ah ayaa la dilay ka dib markii gurigooda oo u dhow magaalada Pietermaritzburg la weeraray subaxnimadii Jimcaha. Wasiirka booliska Bheki Cele ayaa sheegay in laba tuhmane la soo qabtay, mid la toogtay mid kalena weli gacanta lagu hayo. Ujeedada ma cadda. Koonfur Afrika waxa ay ka mid tahay dalalka ay dilalka ugu badan ka dhacaan. booliska ayaa markii hore lagu wargaliyay toogashada kadib markii dadka deriska ay maqleen dhawaqa rasaasta. Mr Cele waxa uu sheegay in mid ka mid ah dhibanayaasha uu da’diisu ahayd 13 jir. “Waxay qabteen laba qof, mid waa dhaawacmay, mid waa dhintay, mid waa cararay, saddex qorina waa laga furtay,” ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan goobta ay toogashadu ka dhacday oo ku taalla degmada Imbali ee bariga gobolka KwaZulu-Natal. Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, dableyda hubeysan ayaa u suuragashay in ay gudaha u galaan hantida, kadib markii ay iska dhigeen ciidamo boolis ah. Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha oo ah ninka la toogtay uu ku jiray liiska dadka la raadinayey muddo dheer. Waa toogasho wadareedkii labaad ee todobaadkan ka dhacda gobolka KwaZulu-Natal ka dib markii afar qof lagu toogtay maalintii Khamiista guri kale oo ku yaala waqooyiga magaalada dekedda leh ee Durban. Bishii Janaayo, sideed qof ayaa lagu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday magaalada Gqeberha ee gobolka Eastern Cape. Source
  23. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay in dowladda Itoobiya ay aqbashay in Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya, kaddib wadahadal ay la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa. Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay daad gureyneyso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya. “Safaaradda waxaa ka go’an in ay soo daad gureyso dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya. Safaaradda waxay kala hadashay dowladda Itoobiya arrintan, waxayna labada dhinac gaareen go’aanka soo dhaweynta dadka Soomaalida ah ee ka soo qaxay colaadda Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Arday iyo Ganacsato ayaa ku sugan dalka Suudaan kuwaas oo ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray Abdel Fattah Burhaan oo ah madaxa ciidamada qalabka sida iyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo madax u ah koox dabley ah oo loo yaqaano Rapid Support Forces. Waxay ku soo beegantay laba sano ka dib markii ay si wada jir ah u fuliyeen afgambi militari oo ay meesha ka saareen u guuritaan dimoqraadiyad ah, taas oo soo bilaabatay ka dib markii mudaaharaadayaasha 2019 ay gacan ka geysteen in xukunka laga tuuro madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer talada hayay Source