Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo heshiis xabbad-joojin ah gaadhay SUDAN-CONFLICT-BURHAN-DAGLO Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in wadahadallo xooggan oo socday 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, in ugu dambayn ay ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF, inay isku raaceen in la dhaqangeliyo xabbad-joojin guud oo dalka oo dhan ah, taas oo bilaabanaysa saqda dhexe ee habeeninada Isniinta ee ku beegan April 24-keeda, kuna eg muddo 72 saacadood ah. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in xilliga ay socoto xabbad-joojintu, in Maraykanku uu ku boorinayo dhinacyada isku haya dalka Sudan, inay si buuxda u dhaqangeliyaan xabbad joojinta. “Si xal waara loogu helo, loona joojiyo dagaalka, wuxuu Maraykanku isku dubaridi doonaa, saaxiibada gobolka, kuwa caalamiga ah, iyo daneeyayaasha bulshada rayidka ah ee Suudaan, si ay gacan uga geystaan abuurista guddi kormeera wadahadalada, hirgelinta in si rasmi ah loo soo afjaro colaadda, iyo weliba kaalmooyinka bini’aadanimo ee dalka Sudan” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka. Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadayaan in kala shaqeeyaan dhinacyada Sudaan iyo weliba saaxiibada kaleba, sidii loo gaadhi lahaa yoolka guud ee ah, in xukunka dib loogu celiyo xukuumad rayid ah. Qaran News
  2. Amsterdam (Caasimada Online) – Maxamed Cusmaan (Guure) oo ka tirsan guddiga sare ee maamulka dalladda FSAN, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Netherland ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo qaxooti cusub oo dalkaasi yimid dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay “Waxaan la xiriirnay ururka la yiraa CBS oo soo uruuriya inta qaxooti ee soo gashay, wuxuu noo soo gudbiyay in 24,000 oo qaxooti dhowr waddan isugu jira in ay dalkan soo galeen. Soomaalidu tiradaas ayeey ka yihiin 3%, waxaan ka codsanay in ay inoo soo gudbiyaan cadadka saxda ah ee Soomaalida xerooyinka ku jira waxaan ka sugeynaa in ay dhowaan inoo soo gudbiyaan,” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Guurre, isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay soo dhoweynayaan dhaliilaha loo jeediyo guddihooda ee ku saabsan in ay sheegtaan in ay ku hadlaan codka Soomaalida, haddana aysan Soomaalida waxba u qaban. Guurre, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV [YouTube] waxaa la weydiiyay in dallada FSAN oo aheyd dallad kulmin jirtay ururada ugu badan ee dalkaasi ka jira, balse ay isaga baxeen ururadii bud-dhiga u ahaa markii ay saluugeen guddiga dalladda oo fadhiid noqday, wuxuu sheegay in FSAN tahay metalaada dhabta ah ee Soomaalida. “FSAN waa metelaada dhabta ah ee Soomaalida, Dowladda dalkan cidda keliya ee ay la soo xiriirto waa FSAN, safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels marka wefdi Soomaali ah uu yimaado annaga ayuu si toos ah inoo wacaa,” ayuu yiri Guurre. Halkan ka daawo wareysiga Guurre oo dhameystiran The post Guurre: “Safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels mar kasta oo wefdi yimaado….”(Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  3. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad, isaga oo noqon doono qofkii ugu da’da weynaa ee sidaas sameeya isaga oo ah 80 jir. “La socda,” ayuu Biden weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad Isniintii. Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump. Kadib guulo sharci oo dhowr ah iyo siyaasad arrimo dibadeed oo caqabado badneyd labadii sano ee ugu horreysay ee xafiiska, Biden ayaanu jirin musharax muuqda oo ku jira xisbiga Dimoqraadiga oo la loolama. Hase yeeshee waxaa la filayaa inuu wajaho weydiimo joogto ah oo xooggan oo ku saabsan da’diisa. Biden ayaa noqon doona 86 jir marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto. Inkasta oo xitaa dhaqaatiirtiisa ay bishii Febraayo sheegeen “inuu caafimaad ahaa” gudan karo waajibaadkiisa, haddana dad badan oo ay ku jiraan taageerayaashiisa ayaa aaminsan inuu aad da’ u yahay. Ra’yi ururin uu sameeyey taleefishinka ABC News oo lasii daayey dhammaadkii toddobaadka, ayaa muujisay in 70 boqolkiiba, oo ay ku jiraan 51 boqolkiiba Dimoqraadiga, ay shacabka rumeysan yihiin inuusan is-sharxin. Boqolkiiba 69 dhammaan dadkii jawaabay ee sheegay inuusan is-sharxin ayaa sababta ku qeexay walaac weyn ama yar oo ay ka qabaan da’diisa. Biden ayaa jecel inuu walaacyadaas uga jawaabo inuu yiraahdo “i fiiriya” — isaga oo ula jeeda in cod bixiyayaasha ay diiradda saaraan guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda iyo isbaheysiga Reer Galbeedka ee uu abuuray si Ukraine looga caawiyo inay iska difaacdo duulaanka Ruushka. Sanadka iyo barka xiga, Biden wuxuu haysan doonaa faa’iidada inuu xafiiska fadhiyo iyo taageerada midaysan ee xisbigiisa, halka Jamhuuriga ay billaabi doonaan loolan adag oo dhexdooda ah. Trump, inkasta oo uu noqday madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dacwad lagu soo oogo, haddana weli waa kan ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga. Musharaxa uu caqabadda ugu xooggaan kala kulmi doono Trump ayaa la filayaa inuu noqdo barasaabka gobolka Florida, oo si isaga lamid ah aaminsan siyaasadda midigta-fog, balse da’ ahaan aad uga yar oo ah kaliya 44 jir. Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024. VOA + AFP The post Madaxweyne Biden ma isku sharxayaa doorashada 2024? appeared first on Caasimada Online.
  4. Hussein Sheikh-Ali was once the Chairman of Hiraal Institute Executive Team. Mogadishu (PP News Desk) — Hiraal Institute, a Mogadishu-based think tank, is facing threats from the National Security Office based in Villa Somalia to force the organisation stop publishing reports on counterterrorism operations against Al-shabaab. The latest report of Hiraal Institute discussed institutional failures that prevent government forces from controlling territories liberated from Al-shabaab in addition to lop-sided strategy that caused one clan to lose more than 700 civilian fighters known as Macawisley. “After we published our last two papers, I was called and told by the National Security Office head [ Hussein Sheikh-Ali aka Hussein Moallim, the British-Somali National Security Adviser] that publishing such things would be ‘dangerous’ for me. He went on to say that because he was once a member of the organisation, we should give him money as well or he would block us from working. He has no such power, and has no legal or any sort of membership in Hiraal Institute. He resigned on 22 March 2022, before being appointed as the National Security Adviser” M. Mubarak, the founder and Chairman of Hiraal Institute told Puntland Post. Mary Harper, the BBC Africa Editor, is on Hiraal Institute Board of Advisers. Hussein was the Chairman of Hiraal Executive team, a job he had taken up after the former Somali Federal Government fired him as a National Security Adviser whose counterterrorism strategy was deemed to have lacked an analytical depth. Hussein single-handedly formulated the strategy to mobilise untrained militias against Al-shabaab. “Hussein was once an employee of Hiraal Institute. It is unfortunate that he is now muzzling the very think tank that had given him an opportunity to boost his counterterrorism career. Hiraal Institute is not a cheerleader. It is commendable for scrutinising counterterrorism policy of the Federal Government of Somalia” said a journalist in Mogadishu. © Puntland Post, 2023 The post Villa Somalia Accused of “Intimidating Hiraal Institute” appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan mahad celin ah isugu yeeray masuuliyiinta hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga mahad celiyey sidii ay amniga Muqdisho u sugeen in lagu jiray bishii Ramadaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa marti qaaday madaxda hey’daha amniga, sida wasaaradda amniga oo wasiiru dowlaha uu ka joogay, taliyaha booliska, Agaasimaha hey’adda NISA, taliyaha booliska gobolka iyo masuuliyiin kale oo amniga qaabilsan. Duqa Muqdisho ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ka codsaday inay sii dardar geliyaan sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sida ay Ramadaan-kii ugu guuleysteen in bulshada caasimadda ay nabad helaan. Sidoo kale inta badan maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka soo qeyb galay kulankaan, kuwaas oo door muhiim ah kuleh am aka qaadan kara inay amni helaan dadka reer Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida. Madaxda iyo Saraakiisha kulankaas ka hadashay ayaa si wadajir u amaanay hey’addaha amniga iyo maamullada degmooyinka, iyadoo looga mahad celiyey sidii ay bishii Ramadaan u maareeyeen amniga caasimadda. Waayahaan dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii ay qaraxyadu uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, dadkuna aad ugu dhima jireen. Sidoo kale waxaa dhici jiray dilal qorsheysan oo kooxo bistoolado ku hubeysan ay ka geysa jireen caasimadda, inkastoo ay weli dilalkaasi dhacaan, hadana waxaa muuqata in hadda ay yaraadeen. The post Sawirro: Guddoomiye Madaale oo caawa isugu yeeray hey’adaha amniga appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)oo ay wehliyaan Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga. Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad oo muddooyinkaan caasimadda u kuurgalyay ammaanka iyo isbedelka laga sameeyay, isaga oo booqday Koontroollo ku yaalla gudaha iyo daafaha caasimadda Muqdisho, bulshada ayaa ciidanka NISA iyo Police Miltaro ku amaanay sida ay u xasiliyeen caasimadda iyo iskaashigooda. Ciidamada kale duwan ee ka howlgalo caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ka waday howlgallo lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, waxaana ciidamadu ay ka hortageen falal amniga lid ku ah oo dhacay, ciidanka ayaa sidoo kale degmooyinka gobolka ka waday la dagaalanka waxyabaha maanka dooriya iyo Ciyaal Weerada, kuwaas oo bulshada caasimaddu sheegtay in ay wax ka qabteen ciidanka ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. President Hassan Sheikh Mohamud gave the United States a green light to forge a security partnership with the secessionist administration of Somaliland. Hargeisa (PP Report) — The Laascaanood war is two plus months old, if 6 February 2023 is taken as the start date of the conflict, but three plus months old if 5/5/2023 is counted as the day Somaliland forces were forced to withdraw from Laascaanood. Conditions that were favourable to Somaliland forces have disappeared— local militias in the payroll of Somaliland government disintegrated; with the exception of Saleban Y. Ali Kore, Sool politicians have refused to be associated with the narrative of Hargeisa that Somaliland forces are fighting terrorists in Laascaanood — Somaliland has since revised this narrative to argue it is enforcing pre-independence colonial borders. Somaliland was not expecting a war that forced its forces to retreat into Goja’adde on the outskirts of Laascaanood. The war exposed the tactical inadequacies of Somaliland troops. Somaliand was banking on dragging Puntland into the war, a move Hargeisa sees a strategy either to sow disunity within the unionist constituency of Sool or turn the conflict as one between Somaliland and Puntland. America had had to abandon the Somaliland Security Partnership due to a civil war raging in Northern Somalia. Since there was no an organised political representation enjoying the full support of Sool people, Somaliland miscalculated to a point of assessing the uprising as being far less effective than Khaatumo movement ten years ago. Somaliland did not manage to activate its militias after traditional leaders made their base in Laascaanood to participate in a conference that culminated in 6 February Laascaanood Declaration. Civil War A full-blown civil war is raging in Northern Somalia where a secessionist administration ignored all calls to withdraw its troops. The biggest elephant in the room is the Federal Government of Somalia whose leadership has so far failed to denounce the argument that Somaliland is waging a war to restore pre-independence colonial borders. The war in Northern Somalia have had security repercussions in geopolitical terms. The United States had had to abandon the Somaliland Security Partnership that Africa Report hailed on 6 January 2023 as “a key diplomatic win in its annual Defence bill [for de facto state]”. Somaliland administration leaders rejected calls from the State Department to withdraw its troops from the outskirts of Laascaanood. Wider repercussions of Laascaanood conflict pertain to the reliability of the Federal Government of Somalia to defend the sovereignty of the country. President Hassan Sheikh Mohamud gave the United States a green light to forge a security partnership with a secessionist entity claiming to have seceded from Somalia. The level of cooperation accorded to Somaliland administration under the security partnership was higher than the one it enjoyed before US government had ended the dual-track policy ten years ago. In 2013 the post-transition dispensation resulted in the end of the dual-track policy. In January 2023 Laascaanood conflict brought about a rethink on Somaliland Security Partnership with the United States. © Puntland Post, 2023 The post Laascaanood conflict causes a rethink on Somaliland Security Partnership appeared first on Puntland Post.
  8. Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa shacabka ku nool degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud u qeybiyey raashin, sidoo kale degaano kale oo hoos taga Galcad ayuu ciidanka Danab deeqdaan gaarsiiyey. Deeqdaan oo bulshada deegaankaas ay aad ugu baahnaayeen waxay isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan, waxayna ciidanku ugu tala galeen qoysaska aad u liita ee Galcad iyo aageeda ku nool. Degaanada deeqdaan ay gaarsiiyeen ciidanka xoogga dalka, waxaa kamid ah Ceel-Xaaji, halkaas oo markii raashinka laga qeybinayey ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo metela dadka ku nool deegaanadaas. Qoysaska qaar waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay xoolahoodii ka dhaceen ama dileen xubnihii qoysaskaas u firfircoonaa ee u dhaq-dhaqaaqayey, maadaama ay sanado badan Galcad heysteen. In Al-Shabaab 15 sano ka badan ay Galcad xukumayeen waxaa u dheer, inay mar dhexe dib ugu soo laabteen oo ka aar guteen cid kasta oo la shaqeysay ama ay tuhmeen inay wax un cilaaqaad ah la yeelatay ciidamada dowladda. Ciidanka xoogga dalka oo Galcad ka xoreeyey kooxda dhowr bilood ka hor ayaa mar soo baneeyey degmadaas, kadib markii weerar cagmarin ah ay ku soo qaaday kooxdu, taas oo keentay in shacabku ay aad uga cabsadaan la shaqeynta ciidanka dowladda. Weerarkii sababay in ciidanku dib uga soo baxo Galcad, waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Allaha u naxariistee Xasan Tuure oo door-weyn ku lahaa in kooxda laga xoreeyo gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud qeybo ka mid ah oo markii dambe lagu dilay. Ciidanka dowladda ayaa aad loogu amaanaa sida ay u caawiyaan bulshada ku nool deegaanada ay ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo si daran u cunaqabateysa bulshada ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan. The post Sawirro: Ciidanka Danab oo qaaday tallaabo aad u caawisay qoysas ku nool Galcad appeared first on Caasimada Online.
  9. Don Lemon was terminated from his anchor role at CNN, he announced Monday. The news comes after Variety published a story earlier this month on allegations that he mistreated his female colleagues.... Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aano rasmi ah oo lagu xirayo hoteellada iyo maqaayadaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha eek u yaalla magaalada Muqdisho. Go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka ayaa dhigaya in si isku mid ah loola dagaalami doono kooxda Al-shabaab iyo cidii hadda kadib lagu arko goob lagu sameynayo ansha xumadii uu habeenadaan la dagaalamayey duqa Muqdisho. Waxaa la xiray in la xiro dhamaan goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha, cidii ka dhega adeygta amarka maamulka waxaa loogu goodiyey sharciga lala tiigsa doono. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir wuxuu go’aankaan ku cadeeyey xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo maan-dooriyaha, una hoggaansami waaya go’aankaan lagala noqa doono shatiga ganacsi. “Waa lagama maarmaan in la xiro goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha ee ku yaalla magaaladaan Muqdisho,” ayaa lagu yiri go’aanada ka soo baxay maamulka gobolka. Sidoo kale maamulka ayaa cadeeyey in fasahaad culus uu ku socdo dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana bulsho badan ay ka soo cabatay waxyaabaha lagu sameeyo ama lagu isticmaalo hoteellada iyo maqaayadaha qaar. “Laga bilaabo maanta, waxaa la xiray goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha iyo wax kasta oo anshaxa iyo akhlaaqda lidi ku ah, cidii hadda kadib lagu arko goobahaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan oo bayaanka akhriyey. Sida lagu cadeeyey go’aanadaan waxaa sii soca doona howlgallada ka dhanka ah arrimahaan laga digayo ee maamulka gobolka Banaadir uu soo waday labadii habeen ee lasoo dhaafay. “Howlgalladu waa soca doonaan, waxaana sida Khawaarijta loola diriri doonaa goobaha lagu gado ama laga soo dejiyo maan-dooriha,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan oo go’aanadaan cusub u akhriyey warbaahinta. Hoos ka daawo The post Daawo: Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey ‘qolo uu sida Shabaab-ka’ ula dagaalamayo appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi. Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka – oo ah maalin ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa’iideysiga akhriska iyo buugaagta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo Madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada. Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee Djibouti ayaa ah “Buuggu Waa Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.”, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga. “ Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa’iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga sidaydiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo. Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo. Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani’aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado. Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas’uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan. Xanuun-baabi’iye Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi’iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar. Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi’inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan? Xanuun-babi’iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka. Daawada walwalka Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka. Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga. Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba. Dawada dhiigga xinjirooba Dawooyinka loo isticmaalo xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo cholesterol (Kolestaroolka), oo ah xinjirowga dhiigga, ayaa iyagana kaalin wayn ka qaata dhimista awoodda ragannimada. Khubarrada caafimaadka waxay sheegeen in dawooyinkan ay faragelin ku sameeyaan hannaanka ay u shaqeeyaan unugyada taranka. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in dawooyinka loo isticmaalo dhiig-xinjirowga ay mararka qaar sababaan dhibaato soo food saarta ragga marka ay gogosha la wadaagayaan xaasaskooda. Dawooyinka walwalka xad-dhaafka ah Dawooyinkan oo afka qalaad loogu yeero “Benzodiazepines” waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagula tacaalo xanuunka walwalka xad-dhaafka ah, sida marka uu qofku ka cabsado waxyaabo aan jirin oo uu keligiis istuso. Xanuunnada kale ee loo isticmaalo waxaa ka mid ah hurdo-la’aanta iyo murqo-xanuunka. Laakiin, dhinaceeda waxyeellada waa in ay saamayso habsami-u-socodka unugyada taranka ragga iyo dareenka. Dawada Dhiig-karka Bukaannada qaata dawooyinka loogu talagalay dhiig-karka ayaa sidoo kale la kulmi kara caqabad kale oo ah in ay awooddooda ragannimada hoos u dhacdo. Dawooyinkan ayaa si toos ah ula fal gala xididdada qulqulka dhiigga oo sidoo kale ah kuwa la shaqeeya dareenka gogosha. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Khubarrada qaarkood ayaa intaas kusii daray in xitaa ay jiraan dhibaatooyin ay dumarka qudhooda kala kulmaan dawooyinkan, kuwaasoo la xiriira xubnaha taranka. Dawada Sanboorka Dawooyinka lagula tacaalo sanboorka, sida cuncunka gudaha sanka iyo hindhisada qayrul caadiga ah ayaa dhinaca kalena dhibaatadooda wata. Waxay horseedi karaan caqabado ragga iyo dumarkaba kasoo wajaha dhinaca hammada Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beenisay warar sheegaya in madaxweynaha iyo dowladdiisu ay muddo kordhin horleh u raadinayaan howl-galka ATMIS ee Soomaaliya. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin qorshe ay dowladda ku dooneyso in muddo kordhin loo sameeyo howl-galka ATMIS. Xuseen oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waxba iska badalin qorshihii bixitaan ee kal hore kaasi oo ATMIS uga hayaamayaan Soomaaliya 31-ka bisha December ee sanadka 2014-ka. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegto ATMIS, marka la gaaro 31-ka December 2024, sida uu dhigayo qaraarka UNSC ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. “Tani waa warbixin been abuur ah,” ayuu yiri Xuseen oo tweet-kiisa kusoo qaatay warbixin uu baahiyay warsidaha The East African, kaasi oo uu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh ay muddo kordhin laba sano oo dheeraad ah u raadineyso howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda ay rabto in wax ka bedel ku ameyso qorshaha ay cutubyada shisheeye ay dalka kaga hayaami doonaan bisha December ee sanadka soo socda. “Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta go’aamadii UNSC ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670, marka la gaaro 31-ka December 2024. Waxaan diiradda saareynaa dhacdada ATMIS kadib,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo isagna beeniyay warbixinta uu baahiyay warsidaha The East African. Wargeyskan ayaa warbixinta la beeniyay ku sheegay in ololahan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah gadaal uga riixayo isaga oo kaashanaya madaxda dalalka gobolka. The East African ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay warbixintiisa in qorshaha muddo kordhinta ATMIS ee uu sheegay inuu wado xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh uu waafaqsan yahay soo jeedin horey uga timid dalalka ay kasoo jeedaan ciidamada taliska ATMIS. Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka. The post Villa Somalia oo ka hadashay ‘waxa ka jira’ in muddo kordhin horleh u raadineyso ATMIS appeared first on Caasimada Online.
  14. “Wuu jiraa kulanka dhex maray Musharax Cirro iyo Gudoomiye Xaashi, waxaana la gaadhay wakhtigii la midayn lahaa Maskaxda iyo Muruqa mucaaridka si loo helo talo midaysan oo qaranka lagu samata bixiyo” Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye Gudoomiye ku xigeen ka xisbiga Waddani Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Muqdisho. Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyada oo dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka iyo adduunka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taasi oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka. Mudane Albert Shingiro ayaa Axadii soo gaaray dalka, wuxuuna horkacaya wafdi ballaaran oo uu qeyb ka yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka ciidamada. Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah, kuwaasi oo diiradda lagu saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howl-galka ATMIS. Burundi ayaa ka mid ah waddamada dhanka militariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howl-galka ATMIS ee ururka Midowga Afrika. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan waddamada ciidamada ka joogaan dalka. The post Sawirro: Maxay aheyd farriinta uu Albert Shingiro soo gaarsiiyay Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
  16. Xoghayihii Guud ee urur siyaasadeed Barwaaqo Yuusuf Sooraan ayaa iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Ururkaas. Sidaana waxa uu ku sheegay Qoraal uu soo saaray Yuusuf Sooraan Source
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku bur-buriyay xarumo ay ku dhuumaleysanayeen kooxda Al-Shabaab. Xarumaha la bur-buriyay ayaa ku kala yaallay deegaanada Buula-madeey iyo Alamgaab oo ka tirsan gobolkaasi, ayada oo inta uu socday howl-galka ciidamada saareen miinooyin dhowr ah oo ay kooxda ku aastay waddooyinka. Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa iyo siddeed dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada huwanta ee howl-galka ka fuliyay deeganadaasi. Howl-galadan ayaa ujeedka ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga degaanada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo sii socon doona inta guud ahaan kooxda laga sifeeynayo degaanada ay kaga dhuumaaleeysanayaan Jubbada Hoose, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta dowlad-goboleedka Jubbaland Saleebaan Maxamad Maxamud. Wasiir Saleebaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galo si wada-jir ah u fulinayaan ciidanka xoogga, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamka ah, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab iyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka. Bulshada deegaanadaasi ayuu ugu dambeyntiina wasiirku ugu baaqay inay ka qeyb qaatan howl-galka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada maamulka Jubbaland iyo dalka guud ahaan. Howl-galkan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu dagaalka Al-Shabaab si dardar leh uga socda deegaanada maamulka Jubbaland, iyada oo dhawaan madaxweynaha Jubbaland uu tegay Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda. Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan. Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland. The post Daawo: Ciidamada huwanta oo bur-buriyey xarumihii Shabaab-ka J/Hoose, kadibna toogtay… appeared first on Caasimada Online.
  18. JUBA, April 24 (Reuters) - Around 10,000 refugees have entered South Sudan from Sudan in recent days fleeing fighting between the army and paramilitary forces, officials in South Sudan's Renk County said on Monday. Source: Hiiraan Online
  19. MINNEAPOLIS – Severe weather preparedness comes with a catalog of topics. But what if you can't understand the message because of a language barrier? Source: Hiiraan Online
  20. The heavy fighting which continues in Sudan’s capital Khartoum and across the country is putting tens of thousands of pregnant women in danger, making it too perilous to venture outside their homes to seek urgent care in hospitals and clinics. UNFPA, the United Nations sexual and reproductive health agency, estimates there are 219,000 pregnant women in Khartoum, including 24,000 women expected to give birth in the coming weeks. Violent clashes between the Sudanese Armed Forces (SAF) and Rapid Support Forces (RSF) have made it extremely difficult for women to seek essential antenatal care, safe delivery services, or postnatal care. The conflict has not spared Sudan’s health care system: at least 20 hospitals have been forced to shut down in Khartoum because of the violence. A further 12 hospitals across the country are still operating but could soon close as they struggle with power and water cuts and a lack of staff. Doctors, nurses and hospital staff are unable to travel to work and vital humanitarian aid is not getting through because of roadblocks and ongoing fighting, leaving medical facilities understaffed, overwhelmed, and running low on critical medical supplies. If the violence does not stop, there is a danger that the health system will collapse and pregnant women and their unborn children will die. UNFPA is also concerned about the 3.1 million women and girls who are facing increased risks of life-threatening gender-based violence as protection services are interrupted by the clashes. UNFPA reminds all parties to the conflict of their obligations under international humanitarian law: to protect all civilians, including the wounded and sick, health care workers and humanitarians, and ensure unrestricted access to health facilities and hospitals for those in need. Attacks on health care are a flagrant violation of international law and the right to health and must stop now. UNFPA stands in solidarity with our fellow United Nations agencies and the wider humanitarian and development community, and deplores the deadly attacks on UN staff. We are extremely concerned about the safety of our staff in Khartoum and other affected areas, who are trapped inside their houses and are beginning to run out of water, food and critical medicines. The current insecurity is making the delivery of humanitarian aid almost impossible and comes at the worst time for the people of Sudan as the country faces unprecedented needs. Under extremely challenging circumstances, UNFPA continues to support partners on the ground to provide life-saving health care, distribute supplies for safe births and to manage obstetric emergencies through a network of midwives, while also trying to ensure the safety of its own staff, partners and their families. In response to increased gender-based violence risks, efforts are underway to train service providers to provide remote psychosocial support to affected women and girls. UNFPA joins the UN Secretary-General in calling for the humanitarian pause to be respected so that people can access food, water, medicine and the healthcare they desperately need. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Sudan. Ergeyga ayaa waxay sheegtay in xaaladda ka taagan dalkaasi ay keentay inay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo arday, kuwaasi oo qeyb ka yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan dalka Sudan, si gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi. “Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa uu ergeygu qiray doorka muhiimka ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo doorkeeda sama-tabixinta muwaadiniinta ku sugan dalkaasi. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xiriir dhow oo ay la leedahay safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayuu qirayaa ergeygu.” Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda. The post DF oo walaac xooggan ka muujisay xaalad deg-deg ah oo ka taagan… appeared first on Caasimada Online.
  22. QIIME JABKA BULSHADEENA HEYSTA. HADDA MA BILAABIN. QABYLAADDUNA WAA HOYGA GUULDARADDA DALKEENA. BAL SAWIRKAN DIB U XASUUSO Labaddan weriye. Waxa Kitaabka Gacanta Loogu Saarey. Dood ey u qabanayeen Muuse Bihi iyo Musharax Ciro iyo Gud Feysal Cali waraabe. Nuxurka loo dhaarinayey waxey aheyd. Iyadoo labadoodda. Midna Ciro isku reer yihiin. Midna Muuse Bihi. labadoodaba waan aqaan. waa laba nin oo magaalo ku dhashey oo aan qabyalaaddan jecleyn. Balse xamasadii doorashadda iyo sidda loo kala shakiyey ayaa kitaab gacanta loo saarey iney dhex ka noqdaan tartanka doorashadii 2017 doodey habeenka u qabteen. Xirfadooddi laguma ixtraamin. Waxaase loo arkayey laba nin oo midba inaderkii hoosta kala socdo. Hadaba maanta Ilig Muuse Bixi wuu xidhey, Waxna kuma qabo. Dalkeenu waxu u bahan yahey in dareenka qabyaladda laga koriyo dhalinyaradeena. Xukumadii Madaxweyne Maanta kuwii doortey si kastaba haku tageeraane ayaa maanta dibadda meer ah. Hadaba maanta xageynu joogna. Bal is weydiiya. Ma dalbeynu dhiseyna. Ma reer mid ka adag baa jira. Waadinka arka Laascaanood. Dadka inta aragtida fog leh waxaan usoo jeediya. Xukumaddani wey fashilantee dalka aan badbaadino. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  23. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Duqa degmada Laascaanood ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Qeybta Guud ee gobolka Sool. Isimida SSC iyo xubnaha kale ee la socda ayaa waxay halkaasi kulan xasaasi ah kula qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo. “Golaha Isimada Dhaqanka ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda.” Isimida SSC ayaa faray dhammaan ciidanka Booliska inay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, islamarkaana gacan bir ah ku qabtaan dhamaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida. Masuuliyiinta ay horkacayeen Isimida ayaa sidoo kale waxay kormeer indha-indheyn ah kusoo mareen xabsiga dhexe ee degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigaasi. “Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhamaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee degmada Laascaanood.” Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aas-aasay magaalada Laascaanood ayaa tan iyo markaasi waday howl-gallo ay ku xaqiijinayaa amniga xarunta gobolka Sool. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimida SSC ku dhawaqeen in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib, islamarkaana ay iska difaacayaan duulaanka Somaliland. The post SSC oo qaaday tallaabo kadib go’aankii ay ku dhawaaqday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.