Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mark Carney ayaa ku guuleystay tartanka qofka beddelaya Justin Trudeau ee noqonaya raysal wasaaraha xiga ee Canada, isagoo wacad ku maray in dagaalka ganacsi uu kaga guuleysan doono Donald Trump xilli uu xilka dalka la wareegayo iyadoo ay jirto degganaan la’aan qoto dheer. Ninkan oo hore usoo noqday madaxa bankiyada dhexe ee Canada iyo UK ayaa ka guuleystay saddex musharrax oo hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ka tirsan. Inta badan khudbaddiisii guusha, Carney, oo 59 jir ah, ayaa ku weeraray Trump, oo canshuur dheeraad ah kusoo rogay Canada sheegayna inuu doonayo in dalka ka dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka. “Dadka Ameerika waa inaysan khalad gelin,” ayuu yiri. “Ganacsiga, sida cayaarta hockey, Canada way ku guuleysan doontaa.” Carney ayaa la filayaa in raysal wasaare ahaan loo dhaariyo maalmaha soo socda wuxuuna Liberal-ka ku hoggaamin doonaa doorashada guud ee soo socota, taas oo la filayo toddobaadyada soo socda Carney, oo hadda ah ninka raysal wasaaraha ka noqon doona Canada, weligii ma qaban xilka xafiis loo soo doortay. Tartanka hoggaanka Liberal-ka ayaa soo billowday January kadib markii Trudeau uu is casilay ku dhowaad toban sano oo uu xilka hayay kadib. Wuxuu wajahay cadaadis gudaha ah oo ku aaddan inuu xilka ka dego sababo la xiriira codbixiyeyaasha oo ku kacay, kuwaas oo ka gadoodsanaa xasaradda dhanka guryaha iyo maciishadda sii qaaliyoobeysa. Carney ayaa wareeggii ugu horreeyay ku guuleystay xalay fiidkii, isagoo helay 85.9% codadka kana guuleystay musharraxii ugu soo dhowaa, waa wasiirkii hore ee dhaqaalaha Chrystia Freeland. Sacab ayaa is qabsaday markii natiijada looga dhawaaqay Ottawa, caasimadda Canada, iyadoo goob-joog ay ahaayeen ilaa1,600 qof oo daacad u ah xisbiga. Xisbiga ayaa sheegay in in ka badan 150,000 oo qof ay codkooda ka dhiibteen tartanka. Carney, oo hoggaamin doona dowlad baarlamaanka looga tiro badan yahay, ayaa laga yaabaa inuu qudhiisa ku baaqo doorasho guud oo degdeg ah amaba axsaabta mucaaradka inay ku qasbaan inay dhacdo kadib codka kalsooni-darrada oo la qaado dabayaaqada bishan. Xubnaha Liberal-ka ee talada haya ayaa wajahay xaalad siyaasadeed tan iyo markii uu meesha ka baxay Trudeau, iyadoo dadka Canada ay saameysay hanjabaadaha ganacsi ee Trump iyo kala goynta dalkooda. Bilowga sanadka, ra’yi ururinta doorashada 20 dhibcood ayay kaga hooseeyeen xisbiga Conservative-ka, oo uu hoggaamiyo Pierre Poilievre. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Hoggaamiyaha Conservative-ka Pierre Poilievre Inta badan khudbadda Carney wuxuu diiradda ku saaray waxa uu ugu yeeray “canshuuraha bilaa sababta ah” ee Trump kusoo rogay Canada, oo ah saaxiibka ganacsiga ee ugu weyn ee Mareykanka. Mareykanka ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay alaabaha Canada Talaadadii lasoo dhaafay, balse maalmo gudahood ayuu dib u dhigay si canshuurahaas looga dhaafo badeecooyinka ku jira heshiiska ganacsi ee hore u jiray. Canada ayaa ku jawaabtay canshuur aargoosi ah iyadoo Trudeau uu dhiggiisa Mareykanka ku eedeeyay inuu isku dayayo duminta ganacsiga dalka. Carney ayaa khudbaddiisii guusha ku celiyay arrintaas, isagoo sheegay in Trump uu “weerarayay shaqaalaha Canada, qoysaska, iyo ganacsiyada”. “Uma oggolaan karno inuu guuleysto,” ayuu intaa raaciyay. Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto canshuuraha badeecada Mareykanka “ilaa dadka Ameerika ay xushmad inoo muujiyaan”. Dhaqaalaha Canada ayaa inta badan ku tiirsan xiriirka ganacsi ee Mareykanka wuxuuna halis ugu jiraa hoos u dhac daran kaddii canshuuraha uu Trump ku hanjabay ay si buuxda u dhaqan-galaan. “Waan ogahay in kuwani yihiin maalmo mugdi ah,” ayuu yiri Carney. “Maalmo mugdi ah oo uu sababay dal aynaan sii aamini karin. “Waanu ka baxeynaa dhabanna-heyska, balse yeynaan illaabin casharrada: waa inaan is daryeelnaa oo is caawinnaa. Waa inaan isugu tagnaa maalmaha adag ee naga horreeya.” Carney waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu “sugi doono xudduudaheenna” – kan oo ah dalabka muhiimka ah ee Trump oo ku eedeeyay Canada in ay ku guuldarreysatay in ay xakameyso qulqulka muhaajiriinta iyo daroogada fentanyl ee la geeyo koofurta. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xitaa lagu soo hadal-qaaday weerarradii uu Carney ku qaaday ninkii uu la tartamayay, hoggaamiyahaConservative-ka Poilievre. “Qorshaha Pierre Poilievre wuxuu nagaga tagi doonaa kala qaybsanaan iyo diyaar u noqoshada in nala qabsado,” ayuu yiri Carney. Wax yar ka hor inta uusan Carney korin masraxa, Trudeau wuxuu jeediyay khudbad sagootin ah oo qiiro leh, taas oo ka tarjumaysay 12-kii sano ee uu ahaa hoggaamiyaha Liberal-ka. Waxa uu ka digay in Canada ay wajaheyso “caqabad jirta” oo uga imaaneysa Mareykanka xilligan uu xilka hayo Trump. Wasiirka Amniga Dadweynaha ee Federaalka David McGuinty, oo soo dhisay Carney, ayaa BBC u sheegay in “uu muujinayo nooca go’aanka deggan, laakiin go’aan adag iyo karti uu wax kaga qabanayo qaar ka mid ah arrimahan waaweyn”. “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay waxa soo socda. Run ahaantiina, waa waqtigii doorashada.” Libaraalka ayaa wajihi doona xisbiga Conservative-ka ee Poilievre, kuwaas oo ah mucaaradka rasmiga ah ee haysta 120 kursi ee Aqalka Baarlamaanka; Bloc Quebecois, kuwaas oo haysta 33 kursi; iyo New Democrats, oo haysta 24, marka reer Canada ay u dareeri doonaan doorashada. Waa kuwee siyaasadaha ugu waaweyn ee Carney? Xigashada Sawirka,Getty Images Nikan hore madaxa uga ahaa Baanka Dhexe wuxuu ku socday ajande dhexe oo ballaaran, isbeddel ka yimid Trudeau, oo Libaraalka usoo raray dhanka bidix. Ballanqaadka ugu weyn ayaa ah in la hore loo dhaqaajiyo mashaariicda waaweyn ee tamarta sida dhuumaha, kuwaas oo wajahay jidgooyo siyaasadeed sanadihii u dambeeyay. Waxa uu ballan qaaday maalgashi weyn oo xagga guryeynta ah iyo mashaariicda tamarta nadiifka ah, iyo in la xoreeyo ganacsiga gudaha Canada, halkaas oo caqabadaha u dhexeeya gobollada ay weli taagan yihiin. Intii lagu jiray tartanka hoggaanka, Carney wuxuu ballanqaaday inuu dabooli doono cabbirka dowladda federaalka, taas oo balaadhatay 40% intii uu xilka hayay Trudeau. Bbcsomali Qaran News
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo maanta ka dhacay deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo gaystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeello culus kasoo gaartay xubnihii Shabaab ee diyaarinayay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in qarax jugtiisa si weyn looga maqlay aagga Laba Garas, kaas oo ay ku dhamaadeen Shabaabkii diyaarinayay, waxaana ku dhintay in ka badan 5 dagaalame, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab ay doonayeen in qarax ay ku weerareen fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleda ee howlgallada culus ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Laba Garas ayaa kamid ah deegaannadii ay soo galeen maleeshiyaadka Argagixisada ah waxaana sidoo kale haatan isku horfadhiyo ciidamada dowladda iyo xubnaha Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxaas ay dhibaatada kasoo gaartay ee ka dhacay deegaanka Laba Garas ee Shabeelaha Dhexe. Goobolkan ayaa galay xaalad adag, kadib markii ay culeys soo saartay Khawaarijta, waxaana haatan ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyada oo hawada ay ka taageeraya diyaaradaha saaxibada caalamiga ah. Marar badan ayaa Al-Shabaab sidaan oo kale ay ugu dhammaadeen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana kasoo gaaray khasaarooyin leh dhimasho iyo dhaawac. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, kadib markii guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab uu qarax ka dhex dhacay, kaas oo la sheegay inay halaasi ku diyaarinayeen, waxaana ku dhintay illaa 6 dagaalame.. “Maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen xili ay ku sugnayeen guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u shaacisay dowladda dhexe oo looga hadlay dhacdadaasi. Waxaa kale oo jira qaraxyo kale oo ay ka hortageen ciidamada howlgalka wada oo dhowaan burburiyay baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay diyaarinayeen – XOG appeared first on Caasimada Online.
  3. Ethiopia will purchase six new cargo ships to boost its maritime trade capabilities, the state-run Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise announced Thursday, a deal that could cost between 150 million US dollars and 250 million US dollars based on global market prices. Source: Hiiraan Online
  4. Xisbiga talada haya ee Libaraalka ah ee dalka Canada ayaa shalay guddoomiye u doortay Mark Carney, oo 59 jir ah horay u soo noqday agaasimaha bankiga dhexe ee Canada. Ninkani oo ah shakhsi aan laheyn khibrad siyaasadeed, ayaa baddali doono Ra’iisul Wasaaraha muddada dheer dalkaasi xakumayay ee Justin Trudeau. Carney, ayaa maalmaha soo socda noqon doona Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Canada. Source
  5. Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee Iran, isagoo xusay in arrintaasi ay sababi karto dhibaatooyin ba’an oo saameynaya guud ahaan waddamada Gacanka Carbeed. Digniintan ayaa timid xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhaco. Haddii xarumaha nukliyeerka la burburiyo, sunta halista ah ee ka soo baxda waxay sababi kartaa wasakhayn ba’an oo gaarta biyaha Gacanka, taasoo si toos ah u saameyn karta nololsha shacabka ku nool Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait. Biyaha Gacanka oo ah isha ugu weyn ee biyaha laga cabo iyo kalluumeysiga, ayaa la filayaa in ay si xun u wasakhowaan haddii shil nukliyeer ahi dhaco, taasoo halis gelinaysa nololsha malaayiin qof. Sunta nukliyeerka waxay sidoo kale keeni kartaa cudurro halis ah sida kansarka, dhibaatooyin dhanka neef-mareenka ah iyo waxyeello xagga taranka ah, maadaama ay hawada, biyaha iyo cuntaduba wasakhowi karaan. Source: goobjoog.com
  6. Nairobi (HOL) – The Somali embassy in Nairobi officially inaugurated a new mosque on Sunday, funded through generous donations from Sultan Hussein Ali, a prominent member of the Eastleigh Business District Association (EBDA). Source: Hiiraan Online
  7. Xamaas ayaa sheegtay inay jiraan calaamado wanaagsan oo muujinaya bilaabashada wada-xaajoodyada wejiga labaad ee xabbad-joojinta Qasa, iyadoo wafdi ka socda kooxda ay dhexdhexaadiyeyaasha kula kulmeen magaalada Qaahir. Xafiiska raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in Israa’iil aysan wafdi u diri doonin Dooxa berri oo lagu wado inay billowdaan wada-hadallada xabbad-joojinta. Afhayeenka Xamaas Abdul Latif Al-Qanou ayaa sheegay in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qadar ay muujinayaan calaamado horudhac ah oo wanaagsan, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Xamaas diyaar ugu tahay wada-xaajoodyada wejiga labaad Source
  8. Qatar Charity (QC) is continuing the distribution of food baskets to the most vulnerable families and those of sponsored orphans across several countries worldwide. Source: Hiiraan Online
  9. Somalia “stands in full solidarity” with the people of South Sudan amid political tensions following the arrest of opposition party leaders, said Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac. Digniintan ayaa waxaa jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), wuxuuna u digay dadka la macaamila Khawaarijta iyo shacabka weli deggan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkooda. Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-Shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse taasi aanay dhaqangelin, walina meelaha qaar laga arkayo in ay joogaan dad shacab ah. Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay dad badan oo toos ula macaamilayo kooxaha Khawaarijta, isaga oo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas. Waxaa kale oo uu ku celiyay in bartilmaameed ay yihiin goobaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Shabaab, sidaas darteedna shacabka looga digayo in ay u dhawaadaan, si looga hortago waxyeelo kasoo gaarta weerarada iyo duqeymaha culus. “Anagoo aad uga fogaaneyna in shacab waxyeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa in eysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada oo soo galay gobolkaasi. Howlgalladan oo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafayay oo duqeyn lagu khaarijiyay. Si kastaba, dagaallada socda ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, si loo cuuryaamiyo kooxda Al-Shabaab. The post DF oo soo saartay digniin culus oo ku socota laba dhinac appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo bixiyey wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah qeybtaan diiradda ugu saaray siyaasadda Xasan Sheekh, wuxuuna ku qeexay “madaxweyne kusoo laabtay xukunka isagoo careysan.” Fahad ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda u dhaqmaayo sidii uu markii hore ka diiday Farmaajo, wuxuuna kula taliyey in ka hor 15-ka May 2026 uu ka shaqeeyo inaan loo baahnayn Badbaado Qaran kale. Sidoo kale, Fahad ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay xuuryaanto. “Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay isagoo careysan oo weliba isagu isku xanaaqsan; wuxuu go’aansaday inaan qof kale warkiisa uusan dhageysan oo wixii uu maago uu sameeyo,” ayuu yiri Fahad. Fahad Yaasiin oo wareysigan siiyey Idaacadda Risaala ayaa la weydiiyey haddii ay jiraan wax u hagaagay Xasan Sheekh muddadii uu talada hayey, wuxuuna tilmaamay hal arrin, taas oo ah xulashadii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. “Xulashada Xamsa xitaa waxay timid cuqdaddii uu qabay Xasan Sheekh, balse waa uu ku saxnaa. Waa wax aad u fiican in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka amar qaato madaxweynihiisa, sababtoo ah ninka la doortay waa isaga, haddii wax halaabaanna isaga ayaa loo heystaa,” ayuu yiri Fahad. Wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu shaqada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu aad ugu riyaaqay, marar badanna uu qoraal ku soo amaanay sida uu u fulinayo go’aannada madaxweynaha, khilaafkana uu uga dhowray dowladda. “Madaxweyne magaaladiisa xabad u qaatay oo Mirinaayo galay Xasan Sheekh ayaa ka jira, tallaabadaas waa looga dayan doonaa, waana lagu sameyn doonaa markiisa haddii uu dadka siyaasadda kala dhaxeyso taas ku kalifo,” ayuu yiri. Fahad ayaa madaxweynaha kula taliyey in ragga ka carooday uu hadda u yeero oo madaxa u salaaxo. “Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa in wixii aad hore u diidday aadan hadda ku fekerin. Adigaa horay u yiri kursiga kadib nolol kale ayaa jirta; haddii calaf kuu jiro waad soo laabaneysaa, ee si aan habbooneyn wax haku raadin,” ayuu hadalkiisa kusii daray. Hoos ka daawo The post Daawo Fahad Yaasin: Xasan Sheekh wuxuu xukunka ku soo laabtay isagoo careysan appeared first on Caasimada Online.
  12. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xariirka ay la leedahay dalka isku tagga Imaaraadka carabtu uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aanu wax ka badelayn booqashadii heerka sare ahayd iyo marti-qaadkii madaxweyne ee ay dhowaan u sameeyeen madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga dowladda ayaa sheegay in Imaaraadku ay dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku marti-qaadeen shir ganacsi, taasi aysan wax dhibaato ah keenayn, asagoo intaa ku daray in ay Soo dhoweynayaan in madaxda dowlad goboleedyadu ay sidoo kale shirarka noocaas ah ka qeyb-galaan. Dowladda Imaaraadka ayaa dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku mart-qaaday hab-maamuus heer madaxweyne dal, si uu ugu qeyb-galo, shirkii World Governments summit, ayadoo ay xusid mudan tahay in wasiirro DFS ka socatay lagu qoray magaca “Somaliland Republic”, inkastoo dib loo saxay. Wasiirka Arrimaha dibedda XFS danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhowaan sheegay inay qaadayaan tillaabooyin ka dhan ah hab-dhaqanka Imaaraadka, asagoo sheegay inaysan oggolaan doonin faragelin Arrimaha gudaha dalka lagu sameeyo. Source: goobjoog.com
  13. Ottawa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe, Mark Carney, ayaa ku guuleystay tartankii hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ee haya talada dalka Canada, wuxuuna xilka Ra’iisul Wasaaraha kala wareegi doonaa Justin Trudeau, sida ay muujiyeen natiijooyin rasmi ah oo soo baxay Axaddii. Carney ayaa xilka la wareegaya xilli xasaasi ah oo dalka Canada uu wajahay dagaal ganacsi oo adag oo kala dhexeeya Maraykanka oo ah saaxiibkiisa soo jireenka ah, iyadoo sidoo kale dalka uu u diyaargaroobayo doorasho guud oo dhowaan dhacaysa. Carney oo 59 jir ah ayaa ku guuleystay 86% codadkii la dhiibtay, isagoo si weyn uga adkaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland, tartan ay codadkooda ka dhiibteen ku dhawaad 152,000 xubnood oo ka tirsan xisbiga. Justin Trudeau ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo kaddib markii taageeradiisu hoos u dhac weyn sameysay muddo sagaal sano ka badan oo uu hoggaaminayay dalka, taas oo ku kalliftay Xisbiga Liberal-ka inay qabtaan doorasho degdeg ah oo loogu dooranayo qofkii beddeli lahaa. “Yaan la dhayalsan, tani waa daqiiqad muhiim u ah mustaqbalka qaranka. Dimoqraadiyadda lama damaanad qaadi karo, xorriyadduna ma ahan wax iska jira. Xitaa jiritaanka Canada waa arrin aan hubaal ahayn,” ayuu yiri Trudeau. “Hadda, iyadoo reer Canada ay wajahayaan caqabado dhaqaale iyo mid jiritaan oo uga imaanaya dalka dariska ah, waxay muujinayaan awoodda iyo adkeysiga uu leeyahay dalka Canada.” Carney, oo ku cusub siyaasadda, ayaa sheegay inuu yahay qofka ugu habboon ee dib u soo noolayn kara xisbiga, isla markaana si fiican u maamuli kara wadaxaajoodyada ganacsi ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo hanjabay inuu kordhin doono canshuuraha alaabada Canada, taasoo dhaawac xooggan u geysan karta dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan dhoofinta. Carney ayaa ahaa musharraxa ugu cadcad ee tartanka, isagoo helay taageerada xubnaha ugu badan ee xisbiga iyo lacagta ugu badan ee laga ururiyey afarta musharrax ee tartamayey. Guusha Carney ayaa ah markii ugu horreysay oo qof aan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed uu qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada. Carney ayaa sheegay in khibraddiisa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee madax ka noqda laba banki oo ka tirsan dalalka G7—kuwaas oo ah Canada iyo Ingiriiska—ay ka dhigeyso musharraxa ugu wanaagsan ee la tacaali kara Trump. Ololihii doorashada, Carney wuxuu taageeray in Canada ay canshuur celis isla heer ah kusoo rogto Maraykanka iyo in la dejiyo qorshe mideysan oo lagu kobcinayo maalgashiga. Wuxuu si joogto ah u dhaliilay in kobaca dhaqaalaha Canada muddadii Trudeau uu ahaa mid aan ku filnayn. Rajada ah bilow cusub oo uu Carney u horseedo xisbiga Liberal-ka, canshuuraha Trump uu kusoo rogay Canada, iyo hanjabaaddiisa joogtada ah ee ah inuu Canada ka dhigi doono gobolka 51aad ee Maraykanka, ayaa si lama filaan ah u soo noolaysay taageerada Xisbiga Liberal-ka. Waqtiga midnimada qaranka Bilowgii 2025, Xisbiga Liberal-ka ayaa ka hooseeyay mucaaradka Conservative-ka ilaa 20 dhibcood ama ka badan, balse hadda waxay labada xisbi aad isugu soo dhawaadeen sida ay muujinayaan sahanno dhowaan la sameeyay. Xisbiga Conservative-ka waxaa hoggaamiya siyaasi ruug-caddaa ah oo lagu magacaabo Pierre Poilievre. Banaanbax Axaddii ka dhacay afaafka hore ee baarlamaanka Canada ee magaalada Ottawa ayaa dad badan oo reer Canada ah waxay siteen boorar looga soo horjeeday Trump, iyadoo aysan soo qaadin arrimaha siyaasadda gudaha. “Tani waa daqiiqad dadku ay muujiyeen midnimo qaran oo aan sannad kahor la fileynin,” ayuu yiri Richard Johnston, oo ah borofisar siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda British Columbia. “Waxaan rumeysanahay in Xisbiga Liberal-ka uu ka badbaaday inuu gebi ahaan meesha ka baxo.” Laba ilo wareed oo ka tirsan Liberal-ka ayaa sheegay in Carney uu toddobaadyada soo socda iclaamin doono doorasho guud. Sahanada ayaa muujinaya in labada xisbi, Liberal-ka iyo Conservative-ka, midkoodna aanu heli karin aqlabiyad buuxda. Doorashada guud waa inay dhacdaa ugu dambeyn 20-ka Oktoobar. Carney ayaa sharci ahaan noqon kara Ra’iisul Wasaare isagoo aan kursi ka haysan baarlamaanka, balse dhaqanka siyaasadeed ee dalka ayaa dhigaya inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u raadsado kursi baarlamaanka. Sanadkii 1984, John Turner ayaa ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay oo aan kursi ka haysan baarlamaanka markii uu qabtay xilka, isagoo ku guuleystay hoggaanka xisbiga Liberal-ka. Liberal-ku waxay dhowaan soo saareen xayeysiin ay hoggaamiyaha Conservative-ka Pierre Poilievre ku barbardhigeen Trump. Poilievre ayaa Axaddii sii kordhiyay weerarrada siyaasadeed uu Carney ku qaaday. “Liberal-ku waxay caawa isku dayayaan xeelad sir ah,” ayuu yiri Poilievre. “Waxay doonayaan inay muddo afaraad ku helaan kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo Justin Trudeau ku beddelaya lataliyihiisii dhaqaalaha Mark Carney. Donald Trump-na wuxuu yeelan doonaa qosol weyn.” Carney ayaa meesha ka saaray inuu door weyn ka ciyaaray la talinta Trudeau, isagoo sheegay in waajibaadkiisa caalamiga ah darteed aanu helin waqti badan. Wuxuu iska casilay dhammaan xilalkiisii ganacsi markii uu ololaha doorashada hoggaanka bilaabay bishii Janaayo. The post Ra’iisul Wasaaraha cusub ee CANADA oo la dooratay appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka argagixisada iyo afkaarta xagjirnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  15. Washinton (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu gaaro magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, halkaas oo la filayo in ay ka billowdaan wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine. Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah, dadaalka uu maamulka madaxweyne Donald Trump ku riixayo soo afjaridda dagaalka u dhaxeeysa Ruushka iyo Ukraine. Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay go’aanka Madaxweyne Trump ee ah inuu joojiyo dagaalka sida ugu dhakhsaha badan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay qaadaan tillaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta. Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha oo uu telefoon kula hadlay. Madaxweynaha Ukrainian Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa in uu isna maanta tago dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan. Marka uu Zelenskyy dib u laabto, ayaa waxaa Sacuudiga baaqi ku sii ahaan doono saraakiil isugu jirta dablamaasiyiin iyo kuwo millatari oo uu hogaaminayo, agaasimaha madaxtooyada Ukraine Andriy Yermak. Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doono wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiirka arrimaha dibadda Andrii Sybiha, wasiirka gaashaandhigga Rustem Umerov, iyo taliyaha ciidanka millatariga Pavlo Palisa. Dhanka Wafdiga Mareykanka waxaa hogaaminaya, Xoghaya Arrimaha Dibadda Marco Rubio, waxaase qeyb ka ah la taliyaha amniga qaranka Mike Waltz iyo ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff. Wadahadallada Maraykanka iyo Ukraine ayaa dhici doona saddex toddobaad ka dib, markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah ay magaalada Riyaad wadahadallo kula yeesheen diblamaasiyiinta sare ee Ruushka. The post Rubio iyo Zelenskyy oo ku wada-hadlaya Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  16. Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay maanta u fadhisato dhegeysiga kiiska loo haysto macallin, Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere) oo mudda laba todobaad ah ku xiran Garoowe, kaddib markii ay soo xireen ciidanka Booliska Gobolka Nugaal. Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo dhawaan qoraal soo saaray ayaa sheegay in macallin Cabdiqaadir Dheer uu ku eedaysan yahay mooral-gelin argagixiso, islamarkaana uu baaritaan ku socdo, inkastoo aysan qoraalkooda ku caddayn waxay ula jeedaan “mooral-gelin argagixiso” waxayse bulshada ugu baaqeen in aysan ka hordhicin baaritaanka kiiska macallinka. Bahda macallimiinta Gobolka Nugaal oo dhawaan ka hadlay xarigga macallin Cabdiqaadir ayaa ka dalbaday laamaha amniga in uu caddaalad helo muwaadinkaasi, oo ay maxkamad u gudbiyaan kiiskiisa, waxaana ay sheegeen in ay Cabdiqaadir ku yaqaanan shakhsi aad uga fog fikirka kooxaha Argagixisada ah, oo ay Booliska ku eedeeyeen. Ugu danbayn, maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa laga sugaya in ay go’aan ka gaarto kiiska macallin Cabdiqaadir, oo ay Booliska Puntland ku eedeeyeen in uu mooral-gelin u sameeyay kooxaha Argagixisada, balse aysan soo bandhigin wax caddaynaya in uu xiriir la lee yahay kooxahaasi. PUNTLAND POST The post Maxkamadda degmada Garoowe oo maanta dhegeysaneysa kiiska macallin Cabdiqaadir Dheere oo mudda laba todobaad ah ku xiran Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. President Deni said that Puntland “will defend SSCK.” Garowe (Commentary) — On Friday, militias allied with the Somaliland administration attacked Buqdharkayn village in Sool. In a statement, the Somaliland administration accused the Sool, Sanaag and Ceyn-Khaatumo interim administration of launching an attack on nomadic communities. The SSCK administration stated that Somaliland forces had attacked Buqdharkayn, a village under the jurisdiction of SSCK. The statement from the Somaliland administration reflects a remarkable change in tone. It did not use the language of the previous administration of Muse Bihi Abdi, who described SSCK as Al-Shabaab terrorists. The Somaliland administration claims it is committed to solving the conflict peacefully. This peace overture resulted from conciliatory remarks made by Puntland President Said Abdullahi Deni nearly a month ago. Somaliland administration President Posturing: Abdirahman M. Abdullahi proposed inter-clan talks between Isaaq and Sool clan under the auspices of the secessionist administration. The battle at Buqdharkayn village on Friday took place in a treacherous terrain, far from Salinta and Qorilugud. The Somaliland militia from Burao resisted the Somaliland administration’s plan to demobilise militias formed by former Somaliland President Bihi, who had mobilised clan militias after the defeat of Somaliland forces at Goja’adde barracks on the outskirts of Laascaanood on 25 August 2023. The statement from the Somaliland administration labelled the SSCK administration as a threat to the region. Rhetoric aside, the new Somaliland administration has jettisoned the pretence of sovereignty and the claim that territories under the SSCK administration are part of what ardent secessionists misleadingly call “the Republic of Somaliland.” The SSCK administration was reportedly planning to send peace envoys to Gaashaamo when Somaliland-allied militias attacked Buqdharkayn. Abdulqadir Aw Ali (Firdhiye), the leader of the SSCK interim administration, does not seem to understand that any talks with the secessionist administration in Hargeisa have three layers. The first layer pertains to the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. In 2023, Somaliland forces shelled Laascaanood under the pretext that the district “is not part of the Federal Republic of Somalia”. Firdhiye, the SSCK Leader, does not seem to understand that any talks with the secessionist administration in Hargeisa have three layers. The second layer revolves around the role of Puntland State of Somalia. SSCK territories are under the federal jurisdiction of Puntland State. Puntland recognises the legitimacy of the SSCK interim administration, but the Laascaanood-based administration is not a federal member state. On several occasions, President Deni has stated that “Puntland will defend SSCK.” He is honouring constitutional commitments enshrined in the 1998 Puntland Charter. The third layer emphasises inter-clan relations. The SSCK leader almost fell for the ruse of Hargeisa, which was plotting to brand any talks as merely a dialogue between neighbouring Isaaq and Sool clan clans under the auspices of the Somaliland administration. The Somaliland militias that attacked Buqdharkayn undermined the deceptive commitment to peace talks that the Somaliland administration reiterates. In 2023, the Somaliland administration claimed it had signed agreements with SSC (under Saleebaan Haglatosiye) in 2013, and with the late Dr Ali Khalif Galaydh of Khatumo in 2017. The Buuhoodle peace envoys claimed that the SSCK administration was aware of their planned visit to Gaashaamo. Firdhiye’s administration has not refuted the peace envoys’ claim. It is a political misjudgment that has enabled the secessionist administration to pay lip service to peace while castigating Firdhiye, who has failed to consult Puntland State on any peace talks with Somali secessionists in Hargeisa. © Puntland Post, 2025 The post Somaliland Militias Resist Demobilisation and Attack Buqdharkayn appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (PP News Desk) — Somremit is revolutionising how money is sent to Somalia by providing a fast, reliable and secure online transfer service at the lowest cost in the UK. Designed for ease of use, Somremit enables users to send money within minutes through its app or website, Somremit.co.uk. With a strong commitment to security and compliance, the platform ensures users complete a swift verification process in line with Anti-Money Laundering regulations. “After registration, customers can make transfers in less than a minute” Somremit senior executive told Puntland Post. Customers can download the Somremit app from Apple Store and Google Play Store. © Puntland Post, 2025 The post Somremit Revolutionises Money Transfers to Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho, Somalia – Somalia’s former intelligence chief Fahad Yasin has sharply criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of returning to power with a grudge and centralizing authority to the detriment of the country’s governance. In a rare and candid interview with Risaala TV on Sunday, Yasin described the president as a leader driven by resentment, urging him to reconcile with political adversaries before his term ends on May 15, 2026. A leader “fueled by anger” Yasin, who previously headed the National Intelligence and Security Agency (NISA) under former President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, painted a damning picture of Hassan Sheikh’s leadership style. “Hassan Sheikh returned to power angry and even angrier at himself,” Yasin said. “He decided that no one else’s voice would be heard, and he would act solely on his own whims.” The ex-spy chief argued that this approach has crippled government operations, claiming that Hassan Sheikh’s distrust of even his closest allies has led to inefficiency and stagnation. Somalia, a Horn of Africa nation long plagued by insurgency and political instability, has struggled to establish effective governance amid ongoing threats from Al-Shabaab militants. Hassan Sheikh, 69, is serving his second term as president, having previously led the country from 2012 to 2017. He reclaimed the presidency in May 2022, defeating Farmaajo in a contentious election. His administration has prioritized combating Al-Shabaab and stabilizing Somalia’s fragile federal system, but critics like Yasin argue that internal discord has undermined these efforts. The Prime Minister exception Despite his broad rebuke, Yasin singled out one positive move: the appointment of Prime Minister Hamza Abdi Barre in June 2022. “Even that choice came from Hassan Sheikh’s bitterness, but it was right,” he said. “It’s a great thing for a prime minister to take orders from his president because if things go wrong, the blame falls on the one who appointed him.” Yasin praised Barre’s execution of presidential directives, noting that he has frequently commended the prime minister’s work in public statements. Barre, a political ally of Hassan Sheikh, has been credited with maintaining a degree of stability within the government despite regional tensions and security challenges. Yasin’s critique extended beyond governance to Hassan Sheikh’s handling of political rivals. He referenced a recent military operation in the president’s hometown of Mirinaayo, where government forces clashed with opposition elements, as a sign of deepening divisions. “A president who brings gunfire to his own town will be judged for it,” Yasin warned. “If he continues to divide people politically, others will follow suit when their turn comes.” The former intelligence chief called on Hassan Sheikh to reach out to those he has alienated. “Mr. President, I advise you not to dwell on what you once rejected,” he said. “You yourself said there’s life after the presidency. If fate allows, you’ll return—so don’t chase power in an unbecoming way.” Yasin’s remarks echo longstanding tensions in Somali politics, where clan rivalries and personal grudges have often overshadowed national unity. With less than 15 months until the next election cycle, he urged the president to avoid necessitating another “National Salvation“ initiative—a reference to past emergency measures taken to stabilize the country during crises. Somalia’s broader challenges Somalia remains a nation in flux. Based in the capital, Muqdisho, the federal government controls only parts of the country, with Al-Shabaab holding sway over large rural areas. Recent diplomatic breakthroughs, such as the restoration of ties with Ethiopia in December 2024 following Turkey’s mediation, have offered hope for regional stability. Yet internal governance remains a sticking point. Hassan Sheikh’s administration has faced criticism for handling security and economic reforms. In January 2025, he visited Ethiopia to mend relations strained by Addis Ababa’s deal with the breakaway Somaliland region—a move that had sparked outrage in Somalia. While the Ankara Declaration reaffirmed mutual respect for sovereignty, domestic critics like Yasin argue that the president’s focus on personal control has weakened Somalia’s position. Fahad Yasin’s tenure as NISA director was controversial, marked by allegations of political maneuvering and opposition clashes. After Farmaajo’s defeat in 2022, Yasin stepped back from public life, making his latest comments a rare reentry into Somalia’s political discourse. The post Somalia: Ex-spy chief rips into Hassan Sheikh’s reign appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Minister of Religious Affairs, Sheikh Mukhtar Robow Ali, has declared that Al-Shabaab militants will never capture the capital, Mogadishu, saying Mogadishu isn’t Kabul or Damascus. At a press conference alongside Somali clerics on March 8, 2025, Robow hailed recent victories by government forces and local militias in thwarting the group’s advances in the Middle Shabelle region. Robow, a former Al-Shabaab deputy turned government official, dismissed the group’s reported plot to seize Mogadishu. “I tell Al-Shabaab: Mogadishu isn’t Kabul or Damascus, and your Ahmed isn’t Syria’s Ahmed al-Sharaa,” he said, referencing the Islamist leader who briefly rose in Syria’s post-Assad chaos in late 2024. He praised the Somali National Army and community fighters for reclaiming territory in Middle Shabelle, a strategic region northeast of the capital. “Our forces and the people have crushed their hopes of retaking lost ground,” Robow said, signaling a robust defense against the militants’ resurgence. Somalia has battled Al-Shabaab for over a decade, with the Al-Qaeda-linked group controlling swathes of rural territory despite repeated military campaigns. Robow’s remarks come as the insurgents have clawed back footholds in Middle Shabelle, prompting a fresh mobilization of government troops and local Macawiisley militias. A personal toll The minister also revealed a personal blow from the conflict. He disclosed that last month—during the Islamic month of Sha’baan, spanning February 2025—Al-Shabaab abducted his brother’s wife and abandoned her young son, Saaid Adan Robow, on a roadside. “They kidnapped my brother’s wife and left little Saaid Adan Robow in the street,” Robow said, his voice carrying the weight of a family caught in the crossfire. Once known as Abu Mansuur during his years with Al-Shabaab, Robow defected in 2017, surrendering to authorities after internal rifts. His insider perspective now fuels his resolve as a cabinet member under President Hassan Sheikh Mohamud, elected in May 2022. Rallying the Nation Robow called on Somalis to stand shoulder-to-shoulder with their government to defeat the insurgency. “We must unite against Al-Shabaab’s terrorism,” he urged, framing the fight as a national cause. His plea follows intensified clashes in Middle Shabelle, where the militants recently recaptured towns they’d lost to earlier offensives, according to local security sources. The minister’s defiance underscores Somalia’s precarious balance. Based in Mogadishu, the federal government holds limited sway beyond urban centers, while Al-Shabaab exploits rural power vacuums. Recent gains—such as a December 2024 deal with Ethiopia to ease regional tensions—have bolstered Somalia’s diplomatic hand, but the domestic threat persists. Middle Shabelle’s fertile plains have long been a battleground, with its proximity to Mogadishu making it a prized target for Al-Shabaab. The Macawiisley, clan-based militias clad in traditional sarongs, have reorganized to counter the group’s latest push, backing up a stretched national army. The post Somalia: Robow dares Al-Shabaab to hit Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook- waxa uu sharaxaad kaga bixiyay kulankii uu galinkii danbe ee maanta uu la yeeshay madaxweynayaashii hore ee Somaliland qoraalka madaxweynahu waxa uu u dhignaa oo uu ku bilaabay sidan sidan hoos ku xusan. Waxa aan galabta kulan iyo Afur wada qaadannay Madaxweynayaashii hore ee Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland ee 3aad iyo 5aad ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin & Mudane Muuse Biixi Cabdi. Labada Madaxweyne ee hore waxa aan iska xog-wareysannay guud ahaan xaaladda dalka ee dhanka horumarka, dhaqaalaha, nabadda, iyo isbeddelada ay Xukuumaddeydu waddo. Sida oo kale, Walaaladay Madaxweynayaashii hore waxa aan si qoto dheer u wada dul-istaagnay taariikhdii dib u dhiska dalkan, hayaankii dheeraa ee loo soo maray hannaanka qori isu dhiibka talada dalka iyo nidaamkeenna doorashooyinka. Ilaahay idamkii waxaa noo sii socon doonna kulamada wada-tashiga Qaran ee dalkan wadajirkiisa lagu sii amba-qaadayo. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka isugu yeeray oo kulan kula qaatay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay doorka Culimada ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii afurka ahaa ka sheegay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada. Wuxuu ka dalbaday inay dowladda ku garab istaagaan dadaallada ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo kale, xilli xaaladda dagaalka ay… appeared first on Caasimada Online.
  23. NAIROBI, Kenya (HOL) — Six months after being kidnapped off the streets of Nairobi, a Kenyan lawmaker reappeared Sunday night, dumped outside his home by masked men, alive but weak, his body bearing the signs of six months in captivity. Source: Hiiraan Online
  24. Hargiesa (HOL) — At least 45,000 families have fled Erigavo, fearing an escalation in fighting, even as Somaliland’s government pushes a new peace initiative in the Sanaag region. Source: Hiiraan Online
  25. Garowe (HOL) — Puntland President Said Abdullahi Deni has vowed to take a tougher stance on security, warning that his administration will not allow any resurgence of militant groups in the region. He said that both Al-Shabaab and ISIS have been expelled from Puntland's Bari region and reaffirmed his commitment to keeping the area under firm government control. Source: Hiiraan Online