Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si kulul u diiday warbixin ka soo baxday Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo sheegaysay in duqeymo cirka ah oo dhawaan lala beegsaday maleeshiyada Daacish ay ka dhaceen Buuraha Golis ee ku yaalla Somaliland. Saraakiisha ayaa caddeeyay in weerarradaas laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ah deegaan hoos taga maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse aanay ka dhicin gudaha dhulka Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Isniinta maanta ah, ayaa lagu diiday goobta uu AFRICOM tilmaamay in duqeymuhu ka dhaceen, iyadoo lagu adkeeyay in aanu jirin wax hawlgal ah oo ay ciidammada Maraykanku ka sameeyeen gudaha dhulka Somaliland. “Si ka duwan hadallada loo tiiriyay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymaha cirka ah ee laga hadlayo kama dhicin, mana aanay saamayn Buuraha Golis ee ku yaalla gudaha dhulka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay tiri wasaaraddu. “Balse, hawlgalladan waxaa laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ku yaalla gudaha Puntland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.” Murankan ayaa tusaale u ah xasaasiyadda ka taagan xuduudaha dhuleed ee waqooyiga Soomaaliya. Silsiladda Buuraha Golis, oo dhex marta Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan loo adeegsadaa eraybixin juquraafi ahaan ah oo guud, balse saraakiisha Somaliland ayaa ku adkaysanaya in Buuraha Galgala, oo u dhow magaalada Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, ay gebi ahaanba ka baxsan yihiin dhulkooda. Saraakiisha Somaliland ayaa ku doodaya in ilaalinta caddaynta xuduudaheedu ay lama huraan u tahay dhowrista madaxbannaanida dhulkeeda iyo dadaalka ay ugu jirto helidda aqoonsi caalami ah, sida ay hadalka u dhigeen. Somaliland, oo iskeed isugu dhawaaqday dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991-kii, ayaa leh dawlad, ciidan, iyo nidaam maamul oo u gaar ah. In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana waxa ay ka mid tahay gobollada ugu xasilloon Geeska Afrika. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay iskaashiga muddada dheer soo jiray ee Somaliland la leedahay Maraykanka dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gobolka. “Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanaynaa inaan dib u xaqiijinno sida ay nooga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri warka. “Somaliland waxa ay weli tahay saaxiib la isku hallayn karo oo safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadaynaa inaan la shaqayno beesha caalamka, oo uu Maraykanku ka mid yahay, si kor loogu qaado xasilloonida Geeska Afrika.”
  2. President Deni: “Ceerigaabo is a district inhabited by people who are politically affiliated with both Somaliland and Puntland.” Garowe (PP Editorial ) — President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, voiced support for the 1995 Ceerigaabo Agreement as a path to meaningful peace and communal co-existence. “Ceerigaabo is a district inhabited by people who are politically affiliated with both Somaliland and Puntland. They have lived in the city under a historic agreement. It does not reflect well on the new administration of Somaliland that this historic agreement is facing cracks. I urge the Somaliland administration to revisit the agreement for the peaceful co-existence of people in the district,” said President Deni. President Deni not only supports adherence to the agreement but also welcomes the candid support expressed for it by Garaad Abdullahi Garaad Saleebaan. “Even when Somaliland forces were shelling Laascaanood, we never called for conflict in Ceerigaabo,” said Garaad Saleebaan in Laascaanood last year. The President of the Somaliland Administration Abdirahman M. Abdullahi welcomed the policy statement on Ceerigaabo made by the President of Puntland. There were unfortunate incidents caused by militiamen of Burco, who fuelled hostilities in Ceerigaabo. The West Burco Clan traditional leaders and the Mayor of Ceerigaabo condemned the politically motivated displacements caused by those militias. The leader of the SSCK interim administration, Abdulqadir Aw Cali, reportedly aligned with the policy statement of the Puntland State President regarding Ceerigaabo. As the leader of a federal member state that fully controls two Sanaag districts and under whose federal jurisdiction falls the Sool, Sanaag and Cayn interim administration, President Deni has shown remarkable peace-making leadership. It is noteworthy that in October 2023, when King Burhan was visiting Laascaanood, he similarly called for a peaceful resolution of the conflict. “It was an unnecessary conflict. A peaceful solution is the way forward,” said King Burhan. President Deni’s intervention is binding on all Puntland State stakeholders, including SSCK leadership. The leader of the SSCK interim administration, Abdulqadir Aw Cali, reportedly deferred to the policy statement of the Puntland State President on Ceerigaabo. There is no question that Ceerigaabo falls under the jurisdiction of the Somaliland administration. The onus of protecting the property rights of all Somali citizens in Ceerigaabo rests with the Somaliland administration. President Deni welcomed the election of Somaliland President Abdirahman Mohamud Abdullahi. It is time to build on the peace-making initiatives proposed by President Said Abdullahi Deni. © Puntland Post, 2025 The post Puntland President Urges Somaliland to Honour Ceerigaabo Peace Agreement appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS ay ku soo rogeen amar lagu qaadanayo talaal seddax nooc ah oo lagu waajibiyey qof kasta oo garoonka Aadan Cadde ka baxaya ama kasoo gelaya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hortimid nidaamka aruurinta khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Dalka, iyadoo cadeysay in cid wasaaradda Maaliyadda aan aheyn aysan dhaqaale uruuri karin. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maalmo ka hor dadwaynaha ku wargelisay dhaqan gelinta go’aan qofka soo gelaya ama ka baxaya dalka uu ku qaadanayo tallaalada kala ah: 1-Tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever) 2-Tallaalka Dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine) 3-Iyo Tallaalka Qaaxada Maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine) 1-dii ilaa 10-ka bishaan Febraayo ayaa la go’aamiyey in qorshaha qaadashada tallaalka uu dhaqan galo, balse wasaaradda maaliyada ayaa culeys saartay wasaaradda Caafimaadka, iyadoo si cad u diiday in cid aan wasaaradda maaliyadda aheyn ay lacag dowladeed qabato. “Waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda maaliyadda. Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib u eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah, kuwaas oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda maaliyadda. Intaas kadib, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay inay ka jawaabayso dareenka dadweynuhu ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey. “Wasiirku uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddda Caafimaadka. Go’aanka u yaalla dowladda federaalka ayaa dhigaya in hay’ad aan aheyn wasaaradda maaliyadda aysan qaadi karin wax dakhli ah, taasi oo sababtay in wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyada ay is qabsadaan, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaaradda maaliyadda ay ogaato.
  4. Mogadishu (HOL) — When Ahmed Moalim Hirsi joined the battle against polio in 1998, Somalia was in crisis. The country faced widespread conflict, droughts, and a fractured health system. But for Ahmed, the mission was simple: protect Somali children from a disease that had long paralyzed communities with fear. Source: Hiiraan Online
  5. Qurbo-joogta — oo ah dadkii ka haajiray dalalkooda hooyo—waxay door weyn ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha ee wadamada ay ka yimaadeen iyo kuwa ay degeen. Inkastoo dad badan oo qurbo-joog ah ay si weyn uga qayb qaataan horumarinta dalkooda hooyo iyaga oo xawilaad lacageed, ganacsi, iyo tabarucaad samaynaya, haddana waxaa sii kordhaya tirada dadka doorbidaya inay maalgashadaan dalalka shisheeye halkii ay dalkooda hooyo ka maalgashan lahaayeen. Isbeddelkan wuxuu leeyahay saameyn weyn oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin horumarka dhaqaale, barwaaqada bulshada, iyo xoojinta aqoonsiga Qaran. 1. Saamaynta Dhaqaale ee Dalkooda Hooyo Marka qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalal kale, taasi waxay dhalinaysaa dhibaatooyin dhaqaale oo badan: • Kobaca Dhaqaale oo Gaabis Ah: Wadamada soo koraya waxay si weyn ugu tiirsan yihiin maalgashiga qurbo-joogta si ay u horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha, u abuuraan shaqooyin, oo ay u xoojiyaan ganacsiyada. Marka lacagahooda loo weeciyo dalal kale, dalkooda hooyo wuxuu waayaa fursado dhaqaale oo muhiim ah. • Fursado Ganacsi Oo Laga Faa’iidaysan Waayo: Dalal badan oo ay qurbo-joogtu kasoo jeedaan waxay leeyihiin suuqyo furan oo ay ka heli karaan faa’iido badan, laakiin maalgashiga oo la waayo waxay sababtaa in ganacsiyo badani aanay kobcin. • Ku Tiirsanaanta Kaalmada Dibadda: Haddii maalgashi toos ah oo badan laga waayo qurbo-joogta, dalalkooda hooyo waxay sii ahaanayaan kuwo u baahan deeqo iyo deymo dibadeed, taasoo mararka qaar la timaada shuruudo adag oo aan waxtar u lahayn horumarka dalkooda. 2. Abuurista Shaqooyin iyo Saamaynta Shaqo La’aanta Maalgashiga qurbo-joogta ee dalkooda hooyo wuxuu abuuri karaa shaqooyin badan, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, dhismaha, beeraha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo waxsoosaarka kale. Haddii maalgashigaas la waayo, waxay keentaa: • Kordhinta Shaqo La’aanta: Wadamada ay dhalinyaradu aad u badan yihiin waxay la kulmaan shaqo la’aan ba’an, taasoo sabab u noqota dhaqaalaha oo taagnaada, dembiya oo kordha, iyo xasillooni darro bulsho. • Maskax Bax (Brain Drain): Markii maalgashi la waayo, xirfadlayaal badan ayaa doorbida inay shaqo u raadsadaan dalal kale, taasoo ka dhigan in wadankooda hooyo uu waayo shaqaale karti sare leh. • Kobaca Ganacsiyada Oo Yaraada: Ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (SMEs) waa laf-dhabarka dhaqaale ee dalal badan. Haddii qurbo-joogtu aysan bixin maalgashi, ganacsiyadan waxay la kulmaan caqabado dhaqaale oo weyn. 3. Saamaynta Bulsho iyo Dareenka Muwaadinnimada Ka sokow dhaqaalaha, marka qurbo-joogtu doortaan inay maalgashadaan dalal kale, waxay wax u dhimaysaa xidhiidhka dalkooda hooyo: • Xiriir Daciif Ah oo Laga Dhexlayo Dalkooda Hooyo: Markay qurbo-joogtu maal-gashadaan dal kale, waxay si xooggan ula jaanqaadaan dhaqaalaha iyo bulshada dalkaasi, taasoo keeni karta in jiilalka dambe ay lumiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. • Dadkii Gudaha Oo Ka Xanaaqa Qurbo-Joogta: Shacabka ku nool dalkooda hooyo waxay dareemi karaan in qurbo-joogtu ay iska indha tireen, taasoo keenta dareen xumaan iyo caro leh. • Tabarucaadka Bulshada Oo Hoos U Dhaca: Qurbo-joog badan waxay caawiyaan horumarinta dugsiyada, isbitaalada, iyo mashaariicda bulshada. Haddii maalgashiga loo wareejiyo dalal kale, taasi waxay yareynaysaa horumarka dalka hooyo. 4. Faa’iidooyinka Maalgashiga Qurbo-Joogta ee Dalkooda Hooyo Waxaa jirta faa’iido badan oo laga helayo haddii qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalkooda hooyo: • Kobac Dhaqaale Oo Waara: Maalgashiga tooska ah wuxuu abuurayaa dhaqaale adag oo aan ku tiirsanayn lacagaha xawilaadda. • Shaqo Abuuris iyo Yaraynta Saboolnimada: Haddii la maalgeliyo ganacsiyada maxalliga ah, shaqooyin badan ayaa abuurmaya, taasoo sare u qaadaysa nolosha dad badan. • Xoojinta Saamaynta Caalamiga Ah: Wadan horumarsan wuxuu helaa kalsooni iyo awood uu kula xaajoodo wadamada kale. • Ilaalinta Dhaqanka iyo Aqoonsiga Qaranka: Haddii qurbo-joogtu maalgashato dhaqanka, dalxiiska, iyo barnaamijyada dhaxal-galka ah, jiilalka mustaqbalku waxay sii wadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. Gunaanad Inkastoo qurbo-joogtu ay xor u yihiin in ay maalgashadaan halka ay doonaan, haddana waxaa lama huraan ah in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta dalkooda hooyo. Dowladaha waa inay abuuraan jawi fududeynaya maalgashiga, sida canshuur dhimis, fududeynta shuruudaha ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Haddii isbeddelkan sii socdo oo qurbo-joogtu sii doorbidaan inay maalgashadaan dalal kale, dalalkooda hooyo waxay wajihi doonaan caqabado dhaqaale iyo kuwo bulsho. Laakiin haddii la dhiirrigeliyo maalgashiga dalkooda hooyo, waddanku wuxuu ka faa’iidaysan karaa awoodda iyo xirfadda dadkiisa si loo dhiso mustaqbal ifaya. W/Q: Hussein Yusuf Huhule The post Saamaynta Ay Leedahay Marka Qurbo-Joogtu Maalgashadaan Dalal Kale Halkii Ay Ka Maalgashan Lahaayeen Dalkooda appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) — Somaliland’s government has issued new measures to restore stability and bolster security in Erigavo and the wider Sanaag region. The measures come after recent clashes displaced an estimated 45,000 people and raised fears of renewed violence. Source: Hiiraan Online
  7. Xilli ay Soomaaliya horay u caddaysay mowqidkeeda ku aaddan xalalka Falastiin iyo maamulka Israa’iil, islamarkaana ay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin yeelato ayaa Danjiraha dalkaas Soomaaliya u fadhiya Dr. Ruwayd Abuu Cumayshah wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka. Danjiraha ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin uu kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Masuuliyiintan uu Safiirku la kulmay ayaa u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagantahay dhismaha dowladda Falastiin iyo xaqa ay shacabkeedu u leeyihiin inay ku noolaadaan gobonimo iyo xasillooni waarta. Safiirka falastiin ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda iyo dadweynaha Soomaaliyeed garab istaagga Falastiiniyiinta, wuxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay in ay ku guulaysatay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM. Soomaaliya ayaa weligeed si buuxda u taageersanayd dadka falastiiniyiinta ah, balse haatan dowladda Soomaaliya waxay kamid tahay golaha ammaanka, waxayna leedahay cod iyo soo-jeedin la aqbalayo oo ay cidday rabto ku taageeri karto, taas oo uu danjire Ruwayd Abuu Cumayshah ku tilmaamay mid faa’iido weyn u leh dadka reer Falastiin. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa si adag ugu jawaabay Senator Cabdi Qaybdiid oo ka horyimid hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqan-geliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka. Cagaweyne ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in Qeybdiid oo gacantiisa ku ansixiyay hanaankan uu eedeeyo qof kale, “intaa taqaaney waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo haysan jiray,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray, kaas oo ugu jawaabay Qeybdiid. “Waa nasiib darro weyn in Senator-ka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay, iyadoo dalka maanta uu ku talaabsaday wadadii horumarka iyo amniga, una jiheystay taariikh iyo waa cusub, ayna dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa,” ayuu yiri Cagaweyne. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado ku xigto. Dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood usiinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horeysay in dastuurka dalka la dhameystiro doorasho qof iyo codna dalka kadhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah. Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah waxaa madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano laso dhaafay dalka aan meelna ka aadin laba marna soo hogaamiyay dalka mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna masoo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii mudada dheer uu kujiray wuxuuna u guuray iftiinka caalamka kasocda ee dimuqraadiyada. Senator Abdi Qeybdiid waxaa leeyahay wixii aad adiga gacantada ku ansixisay haku eedeyn qofkale intaa taqaaneyna waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo heesanjiray. Ugu danbeyn Senatorka wuxuu u soo joogey dalkaan oo aan wax nidaam ah ka jirin oo dadku si sharci daro ah loo dhacaayay loona dilaayay xoolahooda iyo xurmadoodana lagu xadgudbayay gaajo iyo macluulna ay kajirtay dalka amni darro xoogana ay hareysay. Waa nasiib darro weyn in Senatorka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay iyadoo dalka maanta uu ku tilaabsaday wadadii horumarka, barwaaqada iyo amniga una jiheestay taariikh iyo waa cusub dastuurkii mudada dheer qabyada ahaa oo la dhameystirayo iyo dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa!!!
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia's Defense Minister, Abdulkadir Mohamed Nur, on Sunday applauded recent U.S. airstrikes in the Al-Miskaad Mountains in the country's northeastern Bari region, saying the strikes successfully killed several high-ranking ISIS operatives. Source: Hiiraan Online
  10. Egyptian Minister of Supply and Internal Trade Sherif Farouk met with Asad Abdirizak, Somali State Minister of Agriculture and Irrigation, on Monday to discuss cooperation between the two countries on food security and trade. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU, Feb 3 (Reuters) - A senior commander of Islamic State's Somalia wing was captured on Monday, police and state media said, two days after the IS leadership was targeted with U.S. airstrikes and as security forces continue a weeks-long offensive against them. Source: Hiiraan Online
  12. Koox hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay masuuliyiin ka kooban shan guddoomiye xaafadeed, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceelwaaq iyo Mandheera, balse waxaa jid u galay dablay afduub u gaysatay sida ay ay xaqiijiyeen laamaha nabad-gelyada dalkaasi. Taliyaha ciidanka booliska degmo dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubka masuuliyiintan, asagoo sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeedeen magaalada Ceelwaaqda Kenya. Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa hay’adda sordoonka iyo nabad-sugidda qaranka. Madaxweyne Xasan ayaa ku saleeyey xeerkan madaxweyne si waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG ah iyo sharciga dhismaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii. Tallaabadan ayaa ku timid codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka. “Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horey usoo noqday Taliyaha nabad-sugida tobolka Banaadir ayaa waxaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin hayay xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka. Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2025, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo dib u doorashadiisi saraakiil dhowr ah dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ee ciidan ee xaqa u lahaayeen, kuwaasi oo badankood laga xayuubiyay kal-xukunkii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOpMThFHf2Ni2I9bJ7OuLPylwRVRMKuRm0_WCJbEXprX101ygExWeJOIJSRq_ryzBtA36JpFEvaxTMEn-JxsxM4.mp4 Qaran News
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOpMThFHf2Ni2I9bJ7OuLPylwRVRMKuRm0_WCJbEXprX101ygExWeJOIJSRq_ryzBtA36JpFEvaxTMEn-JxsxM4.mp4 Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) – Somali Senator Abdi Hassan Awaale Qeybdiid has accused President Hassan Sheikh Mohamud of unilaterally amending the constitution, warning that Somalia is facing an unprecedented threat to its stability and governance. Source: Hiiraan Online
  17. Mandheera (Caasimada Online) – Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay ku guda jireen kormeer howlo ay dowladdu ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandheera. Taliyaha ciidanka booliska degmada dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubkan. Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ka hor intii aan afduubka loo geysan, sida uu sheegay Mudane Njeru. Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera, waxayna ku kala sheegeen, sida ay hadalka u dhigeen. Cadow Cabdulle Maxamed, oo ah gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude. Maxamed Nuur Xaaji, oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole. Cabdi Xasan Surre, oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe. Maxamed Xasan Kulmiye, oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari. Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude. Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu socdaal ku gaari doono halkaas madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto. Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna ka codsaday saraakiisha ammaanka inay dadaal dheeri ah muujiyaan, si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo samata bixiyaan madax-xaafadeedka la afduubtay.
  18. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧𝐨 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐞𝐲 https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNzvefxWSnvs4kVpGzjHICWRNX3wbkbv1z1xNFYBbcl8dAF2MAt7gf9q2ZzCAuxnwoZswS7GpVCvBQX_0j4EDuu.mp4 Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal. Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀-𝐉𝐈𝐉𝐑 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐀𝐗𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: “Agaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 & 𝐖𝐀𝐗-𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska mas’uuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.” Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hay’adahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi: “ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato mas’uuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.” Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: “Si ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.” Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: “Aniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.” Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  19. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧𝐨 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐞𝐲 https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNzvefxWSnvs4kVpGzjHICWRNX3wbkbv1z1xNFYBbcl8dAF2MAt7gf9q2ZzCAuxnwoZswS7GpVCvBQX_0j4EDuu.mp4 Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal. Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀-𝐉𝐈𝐉𝐑 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐀𝐗𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: “Agaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 & 𝐖𝐀𝐗-𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska mas’uuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.” Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hay’adahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi: “ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato mas’uuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.” Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: “Si ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.” Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: “Aniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.” Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo duqeyn culus oo Sabtidii lasoo dhaafay Mareykanka ka fuliyay aagga dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo hoostaga Puntland, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish. Xog cusub oo haatan soo baxday ayaa muujineyso in weerarkan dhanka cirka ah uu Mareykanka la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku jiraan shaqsiyaad si weyn looga baadi goobayo caalamka. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loogu garaacay godad waa weyn oo ku yaal dhulka hoostiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku jiro god weyn oo ay gabaad ka dhiganayeen xubno ay kamid yihiin hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba kasoo jeeda Puntland. Illaa iyo hadda lama shaacin magacyada shaqsiyaadka lagu dilay weerarkan oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in duqeynta ay ku nafwaayeen in ka badan illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Puntland. Weerarkan oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa amray madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ujeedka ku sheegay naafeynta kooxaha argagixisada. Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo. Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.
  21. A heavy fire broke out at Gobonimo Market, which has brought back concerns about the vulnerability of important business centers in the city. In a press release from the Somaliland Police, it was confirmed that they sent officers and firefighters to the scene to control the fire and prevent it from spreading to nearby buildings. “The Somaliland Police Force responded quickly to the fire that broke out at Gobonimo Market, and are actively working to control it with the help of the Fire Brigade,” the statement said. The mayor of Hargeisa, Abdikarim Mooge, who was visibly shaken, described the fire as very shocking and suggested the public to take part in preventing further damage. “I’m calling on everyone to do whatever they can to help put out the fire and support those who lost their lives.” Somaliland’s economy is heavily dependent on informal trade. The cause of the fire is still unknown, although preliminary reports suggest that electrical faults or unsafe storage of flammable materials may have been the cause. Authorities have launched an investigation, with local officials calling for stricter safety laws to prevent future tragedies. This fire is a sign of another damage to the business centers in the city of Hargeisa, which have been damaged by fire in recent years. Two years ago, Waaheen Market, considered the heart of the city’s economy, was gutted by fire, displacing thousands of traders and causing millions of dollars in damage. In September 2023, the Wajale market worsened the economic instability in the region. Such fires have also destroyed major markets across Somaliland in the past two years, such as the Taiwan Market in Jigjiga and important commercial centers in Mogadishu, Djibouti and Kenya, causing economic disruption. and widespread loss. Horn observer Qaran News
  22. A heavy fire broke out at Gobonimo Market, which has brought back concerns about the vulnerability of important business centers in the city. In a press release from the Somaliland Police, it was confirmed that they sent officers and firefighters to the scene to control the fire and prevent it from spreading to nearby buildings. “The Somaliland Police Force responded quickly to the fire that broke out at Gobonimo Market, and are actively working to control it with the help of the Fire Brigade,” the statement said. The mayor of Hargeisa, Abdikarim Mooge, who was visibly shaken, described the fire as very shocking and suggested the public to take part in preventing further damage. “I’m calling on everyone to do whatever they can to help put out the fire and support those who lost their lives.” Somaliland’s economy is heavily dependent on informal trade. The cause of the fire is still unknown, although preliminary reports suggest that electrical faults or unsafe storage of flammable materials may have been the cause. Authorities have launched an investigation, with local officials calling for stricter safety laws to prevent future tragedies. This fire is a sign of another damage to the business centers in the city of Hargeisa, which have been damaged by fire in recent years. Two years ago, Waaheen Market, considered the heart of the city’s economy, was gutted by fire, displacing thousands of traders and causing millions of dollars in damage. In September 2023, the Wajale market worsened the economic instability in the region. Such fires have also destroyed major markets across Somaliland in the past two years, such as the Taiwan Market in Jigjiga and important commercial centers in Mogadishu, Djibouti and Kenya, causing economic disruption. and widespread loss. Horn observer Qaran News
  23. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Bare, uu amray in la hakiyo qaadista lacagaha loogu talagalay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe. Lacagahaan ayaa lasoo rogay todobaadkaan. Waxaana la doonayay in dadka dalka baxaya laga qaado lacago xilli badankood ay sheegeen in aysan awoodin. “Anagoo fulinaya amar ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha, waxaan farayaa in la hakiyo qaadista lacagaha lagu soo rogay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe. Ra’iisal Wasaaraha ayaa amray in arrintan dib u eegis lagu sameeyo, waxaana la go’aamiyay in inta dib u eegistu socoto aan la qaadi karin wax khidmad ah oo la xiriira tallaalladan,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Maxamed Xasan Maxamed. Dhamaan xarumaha bixiya tallaalka ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo fulinta go’aankan illaa inta laga soo saarayo xeer cusub. Dhinaca kale, shacabka ayaa cabasho ka muujiyay khidmadaha sare ee la saaray tallaalladan, taas oo ay ku tilmaameen inay adagtahay in dadka danyarta ah ay awoodaan inay bixiyaan. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dib u eegista la sameynayo si loo hubiyo in nidaamka uu noqdo mid ku habboon dhammaan qeybaha bulshada. Lacago u dhaxeeya Soddan dollar ilaa afartan iyo shan dollar ayaa laga qaadiyay shacabka ka dhoofaya garoonka ee banaanka aadaya. Source: goobjoog.com
  24. Odayga bidix xiga waa Laahoor Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid (Laahoor) oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa maanta isu dhiibay ciidamada Puntland, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta degmada Qandala ee gobolka Bari. Laahoor oo ka soo baxsaday mileeshiyaadka Daacish ayaa isu dhiibay ururka Gantaal ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugayay degaanka Unuun ee degmada Qandala, waxaana loo sii gudbiyay magaalada Qandala. Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo loo haysto in uu madax u ahaa shabakad argagixiso oo marar kala duwan magaca Al-shabaab iyo Daacish ku fuliyay dilal madax-jebis ah ayay Puntland dil ku xukuntay isaga oo maqane ah bishii Juun ee sannadkii 2022. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa 21 Juun 2022 dil toogasho ah ku xukuntay Laahoor oo maqane ah kaddib markii sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu horjooge u ahaa shabakad argagixiso oo dilal madax-jebis ah fulisay. Balse, Laahoor oo maalin kaddib wareysi bixiyay ayaa dafiray in uu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah, islamarkaana uu madax u ahaa shabakad qaabilsanayd dilalka madax-jebiska ah. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsanaa Daacish oo isu dhiibay Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOOsqArdEBATfKwyMwElRE1mVAlXVZFn_ghLl_FTlhgnYbKC0R7XCVVqDjpGji1Givmigu3P__B7k2k69c8JSKc-2.mp4 Qaran News