Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gooni-gooni ah ugu mahad-celiyay Mareykanka, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyntii ay milateriga Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka. Labada nin oo midkoodna uusan ka kale soo hadal qaadin ayaa Donald Trump ku amaanay tallaabadan, tan oo muujineysa heerka khilaafka shaqsiga ah ee labada nin gaaray, kaasi oo si weyn u saameeyay dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilowday, waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday. Si lamid ah, madaxweynaha Puntland isna sooma qaadin Soomaaliya iyo dowlad federaal ah toona, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee AFRICOM waxay sheegeen in ay dowladda federaalka ah wargeliyeen, iyadna ku abaal sheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay. “Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish waa natiijo ka dhalatay dowlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii. Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan. Xildhibaanka ayaa sheegay in argagixisada looga adkaan karo, dadkuna dowladda ku aamini karaan hoggaanka dalka, hay’adaha dawladda iyo habdhaqanka horwaynta siyaasadda oo ka waantooba sababihii keenay burburka dowladda iyo ka aamin baxeeda kuwaasi oo ah; Ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka awoodeed iyo ku amar taaglaynta. Sadbursi, qoys iyo qaraabo kiil. Eex, musuq iyo ajnabi u adeeg. “Masuuliyadda looma sinna ee eedda ugu wayn waxaa leh ninkii shafka u gaaracay, Soomaalina u xil saaratay in uu dalka kala qaybsan iyo dadka kala irdhoobay isku keeno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u jawaabay mucaaradka maalmihii dambe ku dhaganaa ee eedeymaha u jeedinayay madaxweynaha. Cosoble ayaa ugu horreyntii difaacay in dowladda bixiso dhulka danta guud si loogu faa’iideyo shacabka iyo dowladnimada, halka mucaaradka ay sheegeen in dhaqaale yar lagu xaraashayo dhulkiii danta guud oo badankood si xoog ah looga kiciyay shacab deganaa. “Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka inaysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya,” ayuu yiri Cosoble. Waxa uu intaas kusii daray “Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka ineysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya. Haddey dalka timaado shirkad caasimadda ka dhiseysa hotel caalami ah oo ay ku baxeyso dhismihiisa 50 malyan oo dollar, muwaadiniin badan ay shaqo ka helayaan, dowladdana ay uga soo xarooneyso sannadkii dhowr malyan oo dollar, cid looga fasax qaadanayo ma jirto ee meesha ugu habboon ayaa laga siinayaa dhulka, taana micnaheeda ma aha dhulka in la boobayo. Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah. Ma hayaan barnaamijyo ay dalka ku horumarinayaan iyo qorsheyaal la xiriira sida ay dalka uga sifeynayaan argagixisada, sida ay dhowr malyan oo dhallinyaro ah shaqo ugu abuurayaan, sida ay waxbarashada u gaarsiinayaan dalka oo idil, sida ay sare ugu qaadayaan wax soo saarka beeraha hoosna ugu dhigayaan ku tiirsanaanta mucaawinooyinka raashiinka, sida ay dalka dib ugu soo celinayaan Soomaalida qaxootiga ah, iwm. Qorsheyaashaa ma hayaan ee warkooda oo dhan waa dastuurkii ayaa la beddelay, dhulaa la gatay, see Itoobiya iyo Masaari loo kala ilaalinaa iyo hadallo badan oo qofkii damiir leh uu ku yaq-yaqsoonayo. Kuwa raba in uusan dalka ka bixin tiiha uu ku jiro muddada aadka u dheer waxaan leeyahay umadda yaan la marin habaabin ee Ilahey ka baqa. Kuwa u heysta iney Ilaahey oo laga baqo ku kooban tahay shanta waqti oo la tukado, kadibna laga shaqeyn karo been iyo masabbid iyo wax walboo xun waxaan leeyahay shaydaan baa been idiin sheegay ee isaga fogaada.
  3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa gaaray xerada Ciidanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab. Dufcadan ayaa tababarkooda ku qaatay Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure, waxaana qeyb ka noqanayaan guutooyinka sida gaarka ah u carbisan ee Danab. Taliye Odawaa Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, waxa uu kormeeray cutubyada ciidamadda, wuxuuna dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay. Source: goobjoog.com
  4. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐥𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 Hargeysa-(Qaran news)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta furay kulan-howleed loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hay’adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda, Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda . Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa. Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hay’adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOT56eJw6jVIG_Xxo-WlEw0FTcotBKFTlXIBdNDxgaxsa-niZSwlNRmHaIaH_wvBILtYRndAxVarwtHCkzZDTqQ.mp4 Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho. Mashruucan maanta la dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay. Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadan doonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Soomaaliya ayaa sanadihii dambe laga hirgelinaya mashaariic muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo horumarka dalka, taas oo caalamka tusaysa wejiga Soomaaliyada cusub. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Falastiin Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo. Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin. Safiir Rowaid ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.
  6. A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis You are currently viewing A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis Post published:February 1, 2025 Post comments:0 Comments Post author:ethioexploreradmin (Photo: Social Media) By Adam Daud Ahmed Addis Abeba – Somaliland and Somalia represent two sharply contrasting approaches to governance in the Horn of Africa. While both have had a common historical foundation, they have taken diametrically opposite routes in terms of stability, governance, and economic autonomy. While Somalia has remained mired in instability and foreign dependence, Somaliland has emerged as a secure and self-sufficient nation. Many have referred to Somalia as a “failed state,” factoring in weak governance, pervasive insecurity, and overwhelming reliance on foreign aid. The absence of centralized authority has given way to fragmented institutions and inefficient coordination at various levels among the federal government and regional administrations. Corruption and mismanagement have further diminished public trust and eroded the functionality of the state. Chronic insecurity, contributed mainly by militant groups like Al-Shabaab, tends to undermine governance, diverts resources that are vitally needed for development, and becomes a deterrent to investment, both domestic and foreign. Insecurity feeds into economic stagnation in this vicious circle, deepening Somalia’s dependence. Another big challenge is the financial fragility of Somalia, whose budget is greatly supported by foreign aid, making the government susceptible to shifting donor priorities. This is further amplified by huge dependence on security infrastructure provided by international forces, such as those from the African Union, while domestic forces are underfunded and poorly trained. This cycle of dependence can only be broken when radical reforms are undertaken to strengthen governance, reduce corruption, and foster self-reliance. Unless these systemic issues are resolved, stability and development in Somalia will not be achieved. On the contrary, Somaliland has built itself into a stable, democratic, and self-sufficient state without gaining an official international legal status. Its political stability is assured through transparent processes of elections and transfer of political power, supplemented by strong institutions at the service of the rule of law. These aspects have engendered confidence within the citizenry and accounted for Somaliland’s persistent stability. Somaliland depends economically on domestic revenue, brought in by taxation, trade, and tariffs levied at the very important Port of Berbera. It is this fiscal independence that allows it to apportion resources well, apportioning for security, infrastructure, and economic development without any overdependence on external aid. Although not officially recognized, Somaliland’s governance gained respect from the international community. Through strategic projects set up, such as the development of the Berbera Port, Somaliland has been integrated into global trade networks, thereby cementing its economy and influence within the region. The future holds many promises for Somaliland in terms of development. Of course, recognition by the international community would open wider opportunities for investment and development. Besides, the stability of Somaliland can place it in a position to lead the peace and economic cooperation process across the Horn of Africa. The divergent trajectories of Somalia and Somaliland underscore the transformative power of effective leadership, strong institutions, and self-determination. Somalia’s persistent challenges highlight the urgent need for comprehensive reforms, while Somaliland stands as a testament to the possibilities of resilience and independence. Somaliland represents the crucial ingredients of governance and self-reliance in pursuing development and stability. It is a beacon of hope, a model to other countries in the region on how good leadership combined with strong institutions can surmount apparently insurmountable challenges. These contrasting stories of the two states remind us of how differently governance and vision can shape national destinies. AS By Adam Daud Ahmed Adam Daud Ahmed is a political and security analyst in the Horn of Africa. Qaran News
  7. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Calmiskaad. Warqad ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad. Shacabka Puntland oo guud ahaan gobol iyo degmo aan kala harin ayaa garab istaag buuxa u muujiyay ciidamada difaaca ee dagaalka kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo hadda inta badan laga saaray buuraleyda Cal-miskaad kaddib markii ciidamada Puntland kaga guulaysteen dagaalka. Warqadda ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu muujiyay sida wejigii kowaad ee Taakuleynta Hawlgalka Ciidamada difaaca Puntland ay uga qeyb qaateen gobollada iyo degmooyinka kala duwan waxaana Taakulada Kaalinta kowaad kaga jira Gobolka Nugaal. Halkaan ka akhriso shaxda PUNTLAND POST The post Gobolka Nugaal oo kaalinta kowaad ka galay Taakuleynta Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) – Somali Police Force Commander General Asad Osman Abdullahi Diyano met with the UK Ambassador to Somalia, Michael Nithavrianakis, and senior UK officials in Mogadishu on Sunday to discuss strengthening security collaboration and counter-terrorism efforts. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQPcpEkPi7YemmO7RpViF10wqfQRDAiK0O7mVAtjQ03r8HzuC0hua-Nv3A21mEd1nUkf199NbEvTNAWCUCYlD19v.mp4 Qaran News
  10. BEELAHA ISKU NOOSHA AH EE DEGA SOOL IYO SANAAG WAA INAY NABADDII MADAXWEYNUHU KU BAAQAY AY QAATAAN. Waxa nasiib darro ah inay dagaallo ay maamulayso dawladda xasan shiikh oo lagaga soo horjeedo jirtaakooda laga dhex huriyo. Waxa nasiib darro ah saldanaddii East Sanaag Clan inay mashruuc kaga soo qaadatay xasan iyo dawlado kale inay dab geliso dadkeeda. Waxa nasiib darro ah inay qaadeen dariiqii burburka ee ay qaateen garaaddada Sool clan waxa habboon aqoonyahankii, cuqaashii, culimadii hartiga s. Land inay nabadda madaxweyne cirro ay qaataan intay taladu dhawday. Waxa is dilayaa waa afar beelood oo walaalo ah dawladduna meel wacan ayay iska taagtay ee dadyoow colaadda joojiya, haddii laydiin kala baxo waad isku dhammaanaysaane nabadda qaata oo heshiiya. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shatiigii kala noqotay xarun weyn oo lagu baaro xoolaha nool oo ku taallay magaalada Berbera, kadib markii ay ku eedaysay milkiilaheeda oo Carab ah inuu heshiis aan idmanayn la galay dowladda federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arko mid halis ku ah warshadaha dhoofka xoolaha nool ee gobolka oo ah mid muhiimad weyn leh. Xaruntan oo uu maamulayay ganacsade Abu Yaasir, ayaa ka mid ahayd saddex xarumood oo karantiilka xoolaha ku yaalla Somaliland, kuwaas oo baara xoolaha nool kahor inta aan loo dhoofin suuqyada waaweyn, gaar ahaan Sacuudi Carabiya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland, Cumar Shucayb ayaa xaqiijiyay xidhitaanka xarunta, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan ahayd si loo ilaaliyo danaha dhaqaale ee gobolka. “Kadib markii aan ogaanay in ganacsaduhu uu ku lug lahaa heshiis uu la galay Soomaaliya, waxaan go’aansannay inaan xidhno xarunta,” ayuu Shucayb u sheegay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Wuxuu intaa raaciyay in mas’uuliyiinta Somaliland ay horay ugu yeedheen Yaasir magaalada Jabuuti, iyagoo ku boorriyay inuu ka laabto heshiiska. “Inkastoo uu qirtay inuu gef sameeyay, haddana wuu diiday inuu ka noqdo heshiiska, taasoo noo reebtay inaan shatiga kala laabano oo kaliya,” ayuu yidhi Shucayb. Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee dhoofinta xoolaha nool, ayaa door laf-dhabar ah ka ciyaarta dhaqaalaha Somaliland. Malaayiin ido, riyo, geel, iyo lo’ ah ayaa sannad walba laga dhoofiyaa gobolka, iyadoo Sacuudi Carabiya ay tahay dalka ugu badan ee xoolaha ka iibsada. Xarumaha karantiilka ee dekedda ayaa xaqiijiya in xooluhu ay buuxiyaan shuruudaha caafimaad ee caalamiga ah, taasoo muhiimad gaar ah u leh sii jiritaanka ganacsiga Somaliland ee suuqyada faa’iidada badan leh ee Khaliijka. Awoodda gaarka ah ee loo siiyay Abu-Yaasir ayaa dhalisay cambaarayn ballaadhan oo kaga timid ku dhawaad 100 xildhibaan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay khatar gelisay qayb ka mid ah dhaqaalaha oo ay ku tiirsan yihiin 60% dadweynaha, isla markaana sanadkiiba soo xareeya lacag dhan $1.07 bilyan. Xildhibaannadu waxay ka digeen in ganacsatada maxalliga ah laga reebo suuqyada dhoofinta, taasina ay horseedi karto shaqo la’aan, musuq-maasuq, iyo xasillooni-darro dhaqaale oo raagta. Xildhibaannadu waxay ballan-qaadeen inay u yeedhi doonaan mas’uuliyiin sare oo dawladda ah, oo uu ku jiro Wasiirka Xanaanada Xoolaha, si su’aalo loo weydiiyo marka ay dib u furmaan fadhiyada Baarlamaanka. “Waa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo qof keli ah la siiyo awood intaa le’eg oo ku saabsan qayb muhiim u ah dhaqaalaha,” ayuu yidhi Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif. “Go’aanku wuxuu halis gelinayaa dhaqaalaheenna, wuxuuna kumanaan xoolo-dhaqato ah, dillaaliin, iyo shaqaalaha gaadiidka ah u horseedayaa hubanti la’aan xagga dhaqaalaha ah.” Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa u arkaa go’aanka dowladda federaalka inuu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu wiiqayo ismaamulka gobolka ee ku dhawaaqay gooni isu taagiisa 1991-kii. “Awooddan gaarka ah ee qofka kaliya loo siiyay ma aha oo kaliya inay carqaladaynayso ganacsiga, balse waxay sidoo kale ku xadgudbaysaa xaqa ay Somaliland u leedahay inay maamusho kheyraadkeeda dhaqaale,” ayuu yiri Wasiir Maxamed. Abu-Yaasir oo leh sumcad muran badan dhalisay, ayaa waxaa horey xildhibaannadu ugu eedeeyeen inuu si sharci darro ah uga macaashay ganacsiyada maxalliga ah, isla markaana uu boobay hantida ganacsato Soomaaliyeed. Awoodda gaarka ah ee loo siiyay ayaa sidoo kale horseeday in muddo laba toddobaad ah uu hakad ku yimaado dhoofinta xoolaha ee Berbera, taasoo keentay in xoolo-dhaqatadu aysan awoodin inay iibiyaan xoolihii ay noloshooda ku maareyn lahaayeen. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeymahan loo jeediyay.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo. Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin. Dhankiisa, Safiir Rowaid Adil Mohamed , ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xusay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo laabashada madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah. Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa haatan dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya. Haddaba sidee looga fal-celiyay soo laabashada Axmed Madoobe? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siywaabo kala duwan uga hadlay arrinta Axmed Madoobe, gaar ahaan jebinta xayiraadda dowladda. Faysal Cumar Kuulow “Maasha Allaah mudane madaxweyne kusoo dhowow Kismaayo welcome back” Axmed Cismaan “Bixitaankiisu iyo imaatinkiisa maxay micno ah oo ay soo kor dhinaysaa? Maxamed Cali “Dalka dibaddiisa kulahaa cirka muu jiray waddan hebel ma la awoodi waayay haddii sidaa lo dhuudhuumanaayo maa edab la yeesho?”. Khadar Maxamed Cumar “Odagii xassan ahaa xaalku waa ku xunyahay” Saalax Salaad Axmed “Adigoon hal safiir la kulmin horta Kismaayo ma ku soo laabatay” Maxamed Axmed Kaafi ayaa isna ku jawaabay “Nairobi, Kenya ayaa lagu xiray aaway?.
  14. Mogadishu (HOL) — Somali government has on introduced mandatory vaccination requirements for all travelers entering or leaving the country to curb the spread of infectious diseases, including yellow fever, poliomyelitis, and meningitis. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with the newly appointed Ambassador of the State of Palestine, Rowaid Adil Mohamed, at his office in Mogadishu on Sunday to discuss enhancing ties between Somalia and Palestine. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyahay shirka guddi-hoosaadka xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo ka dhacay xafiiskiisa. Shirka oo ay inta badan kasoo qayb-galeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta doorashada iyo dhammaystirka dastuurka. Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ka qayb qaadan karaan dadweynaha. Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa faray golihiisa wasiirada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda Loo dhan yahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlaha doorashooyinka looga dambeynayo guddiga lasoo dhisay, xukuumaddana ay kala shaqeyn dooto sidii loo gaari lahaa qof iyo cod. “Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli is mari waa uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si ka duwan dowladda federaalka uga hadlay duqeyn uu Sabtidii Mareykanka ka gaystay aagga buuraha Calmiskaad, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish. Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in duqeyntaan uu fuliyay Mareykanka, isla-markaana lala socod-siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump”. Dhinaca kale qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in weerarka uu daba socday howlgalka ay qaadeen ciidamadeeda, ayna si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo ay uga mahadcelisay taageeradooda ku aadan dagaalka kooxda Daacish. “Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu haatan galay wajigiisa labaada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Daacish. “Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan” ayaa mar kale lagu yiri.
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre¬, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda Doorashada iyo Dhammaystirka Dastuurka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay Xukuumaddu u qaaddan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan, lana doorto. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka Siyaasadda Loo dhan yahay, in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah. “Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow. Source: goobjoog.com
  19. Addis-Ababa (Caasimada Online) – In ka badan siddeed qof ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) 30-kii Jannaayo 2025, kaas oo ka dhacay Gobolka Cafarta ee Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xadka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Weerarku wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Siyaru Kebele, oo ka tirsan degmada Eli-Daar, kuna yaalla aagga xadka labada dal. Qof deegaanka ah, oo codsaday in magaciisa la qariyo sababo amni awgood, ayaa sheegay in weerarku dhacay “dhowr jeer habeenkii oo dhan,” isla markaana sababay “dhimashada in ka badan siddeed qof.” Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada guud ee khasaaraha, ayuu hadalkiisa raaciyay. Dadka dhintay waxaa ku jiray haweeney uur lahayd iyo laba nin oo walaalo ah, halka ugu yaraan afar kale ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, laba ka mid ahna hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Dubti, oo ku yaal magaalada Dubti ee gobolka Cafarta, sida uu sheegay qofka deegaanka ah. Sida uu noo sheegay qof goobjooge ah oo deegaanka ku sugan, liiska dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Caydaahis, Gama Cali Orbis, Kako Cali Orbis, Cali Maxamed Kako, iyo Caysha Baddul Cali. Dadka dhaawacmayna waxaa ku jira Mayram Maxamed Cabdalla, Fatuma Cali Xammed, iyo Cali Maxamed Cali. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in liiska dhammaystiran ee khasaaruhu aan weli la helin. Jabuuti oo la eedeeyey Qofka deegaanka ahi wuxuu farta ku fiiqay in weerarka ay ka dambaysay dawladda Jabuuti, isagoo xusay in ay tahay “markii labaad muddo laba bilood gudahood ah” oo diyaaradaha Drones-ka ay beegsadaan aagga. Wuxuu ku dooday in weerarka lagu qaaday “iyadoo lagu andacoonayo in la beegsanayo FRUD,” oo ah jabhad oo ah koox hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Jabuuti. Ilo-wareed kale, oo isna la hadlay wargeyska Addis Standard, ayaa weerarka ku sheegay mid la xiriira xiisadaha cakiran ee u dhexeeya Jabuuti iyo jabhadda FRUD. Ilo-wareedku wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta Jabuuti “ay sheeganayaan in dagaalyahannada FRUD ay saldhigyo ku leeyihiin aagga xadka,” wuxuuna ku eedeeyay in weerarku uu beegsaday dadka deegaanka, “iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo weerar ka dhan ah FRUD” ama qayb ka ah isku day “lagu doonayo in dadka deegaanka xoog looga rariyo gobolka.” Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti (LDDH), oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ka jira gudaha dalkaas, ayaa isna dhankiisa sheegay in weerarku ahaa mid aad u khasaare badan, wuxuuna caddeeyay in “14 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan afar haween ah,” tiro kalena oo ay ku jiraan “haween iyo carruur,” ay dhaawacmeen. Ururka ayaa ku andacooday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “ay sii wadeen duqaynta xeryaha reer-guuraaga habeenkii oo dhan,” taasoo sababtay khasaare dheeraad ah. War-saxaafadeed uu soo saaray 31-kii Jannaayo 2025, ayuu ururku si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay “fal-dambiyeed dagaal oo si bareer ah u beegsanaya rayidka Cafarta,” wuxuuna su’aal ka keenay taageerada ay dawladaha shisheeye siiyaan ciidamada Jabuuti, isagoo is weydiiyay, “Ilaa goorma ayay Turkiga iyo Shiinaha sii hubaynayaan taliska Jabuuti ee ku xasuuqaya reer-guuraaga saboolka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah?” Xiisadaha u dhexeeya dawladda Jabuuti iyo jabhadda FRUD ayaa cirka isku shareeray sannadihii u dambeeyay, iyadoo kooxda lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadday ciidamada ammaanka. Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa warisay in toddoba askari lagu dilay weerar lagu qaaday Guutada Tadjourah. Wasaaraddu waxay markaa sheegtay in dagaalyahannada FRUD ay “argagax geliyeen oo ay dhaceen dadka ku nool meelaha fogfog” waxayna ballan qaaday in “baacsigu uu socdo” si loo soo qabto kuwii weerarka ka dambeeyay. Waqtigaas, dawladda Itoobiya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay “mid arxan-darro ah oo fulaynimo ah” waxayna muujisay “diyaar-ahaanshaheeda buuxda” ee ay ku taageerayso Jabuuti sidii wax looga qaban lahaa khataraha amniga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa markii dambe shaaca ka qaaday inay “fududaysay sii-daynta” lix askari oo Jabuutiyaan ah oo ay afduub u haysteen jabhadda FRUD, iyadoo xustay in askarta lagu wareejiyay iskaashi dhex maray iyaga iyo dawlad-goboleedka Cafarta.
  20. Hargeisa (HOL) — Somaliland's government approved sweeping measures on security and tax reforms following high-level meetings between President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro) and senior officials in the United Arab Emirates (UAE). The resolutions were announced during an extraordinary cabinet session Friday and unanimously endorsed by the Council of Ministers. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — U.S. airstrikes in Somalia’s Calmiskaad Mountains have killed senior operatives of the Islamic State (ISIS), delivering a decisive blow to the group’s network in the country’s semi-autonomous Puntland region, local officials confirmed Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland. Xiisadda ayaa kasii dartay kadib tallaabo ay maanta qaaday SSC oo lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabushay jiidda hore ee dagaalka. Ilo wareedyo dadka deegaanka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ay gaareen aagga deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo difaac ah. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka SSC-Khmaatumo Jenaraal Mubaarak Maxamed Warsame, waxaana Oog kusoo dhaweeyay saraakiil kale iyo ciidamo joogay halkaasi. Ujeedka SSC-Khaatumo ayaa ah in ciidamadan ay ku xoojiso kuwa kale oo horay halkaasi u joogay, si ay uga hortagaan haddii ay dagaal soo qaado Somalilad. Xaalad cakiran ayaa ka taagan deegaanka, waxaana shacabka ku nool halkaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu dib u qarxo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan ciidamada ay SSC ku daabuleyso aagga magaalada Oog oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul. Horay Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dagaalamay Sool, waxaana weli gobolkan iyo qaybo kale oo kamid ah Sanaag laga dareemayaa colaad u dhexeyso labada dhinac.
  23. Garowe (HOL) – Puntland regional state has expressed its gratitude to the United States and the United Arab Emirates for their support in the ongoing military offensive against ISIS militants in the Al-Miskat mountains of the Bari region. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) — Jubaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe has reportedly returned to Kismayo following a brief visit to Nairobi, Kenya, as tensions between his administration and Somalia's federal government remain unresolved. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — Somalia's federal government has defended its decision to extend the terms of regional state leaders, describing it as a necessary measure to advance electoral reforms and transition to a "one person, one vote" system. Source: Hiiraan Online