-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Council of Ministers, led by Deputy Prime Minister Salah Jama, reaffirmed a resolution on Thursday aimed at intensifying efforts to combat misinformation and disrupt networks that provide direct or indirect support to terrorist groups. The move is part of the government’s broader strategy to bolster national security and counter extremist narratives. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan ay magacaabi doonto ergay u howlgala sii amba-qaadidda qorshaha badbaadinta ee dalka Suudaan. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan, isagoo qiray in dalkaasi uu ka mid yahay dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama, ayuu yiri, “Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” “Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhawaan aan magacaabno ergay dhexdhexaadin doona labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha. Soomaaliya ayaa hore u wargelisay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta in ay ka soo horjeeddo faro-gelinta lagu hayo Suudaan, oo haatan uu ka socdo dagaal burburiyay kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in Suudaan ay mid ahaato, isla markaana ay ka heshiiso khilaafka sababay gacan-ka-hadalka ee burburka geliyay dalkaas. Wuxuu dhinacyada isku haya dalkaas ugu baaqay in ay wada-hadlaan si ay u dhammeeyaan xiisadda, iyadoo laga fogaanayo faro-gelin dibadda ah. The post DF oo diyaarinaysa ergay gaar ah oo dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya… appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uu Maanta oo Jimce ah Weerar ku soo qaaday Ciidamada Difaaca SSC ee Fadhigoodu yahay Jiidda Buqdharkayn ee Gobolka Sool. “Buqdharkayn Saacaddu markay ahayd Abaaro 10:00-kii subaxnimo, ayna tahay bil-ramadaan wuxuu Maamulka gooni-goosata ah ee Somaliland weerar iyo duulaan kusoo qaadeen fadhiisimooyinka Ciidamadda difaaca Maamulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo. “Waxaa bogaadin mudan sida geesinimadda iyo naf-hurka leh ee Ciidamada dhiiranayaasha Maamulkeena ay mar walba u beeninayaan damac walba oo qar iska tuurnimo ah oo ka yimaada gooni goosatada. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Bulshada SSC-KH inay Ilaashadaan dhulkooda, Garab iyo taageerana la bar-bar joogaan Ciidankooda” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale ku wargeliyay Beesha Caalamka in Somaliland tahay midda diiddan Nabadda iyo Xasiloonida “Waxaan Beesha caalamka iyo Ummada Soomaaliyeedba u sheegaynaa in Maamulka gooni goosatada Soomaaliland u yahay mid ka dheer xasillooonida kana caagan nabadda geeska.” Dhinaca kale, Maamulka Somaliland weli kama hadal eedeynta uga timid deriskooda Khaatumo oo ku saabsan in ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamada SSC ee fadhiya Jiidda Buqdharkayn iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay Khasaaraha Dagaalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay in ay Weerar ku soo qaaday Ciidamadooda fadhiya Jiidda Buqdharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ma warqabtay dowladda. Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay. Mar uu la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM. Si kastaba ha ahaatee, horey looma arag ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka fulinaya Shabeellaha Dhexe, waana tallaabo loo qaaday iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagaxisada ee labada dhinac. The post Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
ENDING DEPENDENCE on foreign donors would not only lead to prosperity but also to “self-respect for our nation”. Thus argued Nana Akufo-Addo, then the president of Ghana, when he launched his “Ghana beyond aid” policy in 2017. Source: Hiiraan Online
-
Somalia, the easternmost country of Africa, is also referred to as a “Nation of Poets” or “Nation of Bards” for the Somali people’s deep appreciation for and proficiency with poetry. This form of storytelling has been used in Somali culture as early as storytelling has existed. The earliest poetry in Somalia is from the 18th century; a meditation by Sheekh Cali Cabduraxmaan. This ancient tradition has inspired a newer group that has surfaced just before the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen digniinaha amni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxay dowladda qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga garoonka. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka lagu mamnuucayo hubka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay gaareen golaha wasiirada, kadib markii ay dood xasaasi ah ka yeesheen arrintan. Wasiirka ayaa xusay in go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada ee lagu mamnuucayo hubka loo qaatay in lagu xakameeyo hubka galaya garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa caddeeyay in ujeedka mamnuucidda hubka ee garoonka diyaaradaha uu yahay xojinta amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka ku safra halkaasi. Golaha Wasiirrada oo shalay yeeshay shirkoodii caadiga ahaa ayaa waxay go’aamiyeen in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi qabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka. The post DF oo soo saartay go’aano la xiriira amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa u muuqda inay aaminsan yihiin in dagaal u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya uu yahay mid aan laga fursan karin. Wareysi uu siiyay Barnaamijka Brakhe Show, Amanuel Assefa, Guddoomiye Ku-xigeenka garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, wuxuu yiri “waxaan arkeynaa bandhigyo ciidan oo u muuqda diyaar garow dagaal.” Dagaalka, ayuu yiri, wuxuu yeelan doonaa khatar juqraafi siyaasadeed, labada dalna waa inay si xikmad leh uga fekeraan. “Aniga ahaan saadaashayda xaaladdu uma horseedi doonto xaalad nabadeed; shaki kuma jiro inay horseedi doonto dagaal,” ayuu raaciyay. Wuxuu xaaladda labada dal ku tilmaamay mid “walaac leh.” Wuxuu sharaxay “Haddii labada dal ay dagaal galaan, Tigray ayaa noqon doonta goobta dagaalka. Dadkeennu waxay soo mareen dhibaatooyin badan. Dagaal nagu filan ayaan soo marnay.” Gobolka Tigray waxaa burburiyay dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyay maamulka gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay TPLF iyo dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayay Abiy Axmed, kaasoo sidoo kale burburiyay gobollada Afar iyo Amxaarada ee Itoobiya. Amanuel wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya xiriirka hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF iyo dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn; wax caddeyn ah haba yaraatee. TPLF ama hoggaamiyeyaasha ciidamada ammaanka ma raaci doonaan tallaabo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay la midoobaan Eritrea ama “ciidamo kale.” “Ciidamada kale” lama faahfaahin. Waxaa jirey eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF – kuwaas oo markii dambe muujiyay taageerada garabka uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael – ay dahab ka tahriibinayeen goobaha macdanta ee Tigray iyaga oo marinaya Eritrea. Eritrea sidoo kale way beenisay. TPLF waxay u muuqataa inay leedahay taariikh dhow oo xiriir la leh Masar. Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray iyo hoggaamiyaha mid ka mid ah garabyada TPLF, ayaa shaaca ka qaaday dhowr bilood ka hor in Masar ay taageero siisay TPLF intii lagu jiray dagaalkii laba sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda uu hoggaaminayo Abiy Axmed. Masar ayaa hadda xulufo la ah Eritrea iyo Soomaaliya, sida muuqata iyadoo rajaynaysa inay sii wiiqdo Itoobiya. Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga gobolka. Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya wuxuu ku dhow yahay heer isku dhac ciidan ka dib markii labada dal ay is weydaarsadeen eedeymo. Maqaal ra’yi ah oo uu qoray Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Tehome, oo lagu daabacay Al Jazeera – kaas oo dowladda Itoobiya ay markii dambe beenisay – ayaa ku eedeeyay Eritrea inay la shaqeyneyso mid ka mid ah garabyada TPLF si ay u huriso isku dhac gobolka Geeska Afrika. Eritrea dhankeeda waxay ku eedeysay Itoobiya “hurinta dagaal.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee diyaar garowga dagaal ee ay wadaan Itoobiya iyo Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo War soo saaray ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL, oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, si ay u caddeeyaan in ay isaga baxeen Kooxdaasi. Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, islamarkaana ay Boolisku gacanta ku soo dhigayaan, si sharciga loo horgeeyo. G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale ay baaritaan ku wadaan eedaysanayaal kala duwan oo loo haysto kiisas ku saabsan Argagixisada, balse aysan weli wax ku caddaan, waxaana uu intaasi ku daray in baaritaanka kaddib maxkamad loo gudbin cid kasta, oo ay ku caddaato in ay xiriir la lee dahay kooxaha Argagixisada ah. Af-hayeenka ayaa dadweynaha Puntland uga digay in ay ka hordhacaan kiisaska ku saabsan eedaysanayaasha loo haysto falalka argagixiso ee baaritaanka lagu hayo, kuwaasi oo natiijada baaritaankooda ay soo gudbin doonaan hay’adaha Amniga, si loo mariyo hannaanka Caddaaladda. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiskooda waan haynaa waana soo qabanaynaa dadka xiriirka la leh Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 500 oo qof oo isugu jira shaqaale-sare, hawl-wadeeno, shaqaale hoose, gadiidley iyo xirfadlayaal kala duwan ayaa tan iyo bishii December ee sannadkii hore laga fasaxay shaqooyinkoodii ka dib markii hay’adihii ay u shaqaynayeen ay u waayeen dhaqaale ay mushahar ahaan u siiyaan maadaama mashaariicdii joogsantay. Xafiisyadii hay’adaha ee qaar kamid ah Gobollada Puntland ayaa la qorshaynayaa in la xiro bartamaha sannadkani, kaddib markii hay’aduhu kiradii iska-bixin waayeen. sidoo kale xafiisyo 20 qof ka shaqayn-jireen ayaa 5 qof keli ah hadda joogta hay’adaha qaar sida la xaqiijiyay. Xaaladda ayaa kasii dartay labadii bilood ee lasoo dhaafay oo la fasaxay shaqaalihii ugu badnaa, ka dib markii hay’ada USAID ay dowlada maraykanku ka jartay dhaqaalihii ay siin-jirtey. taas oo badi mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadanimo taageeri-jirtay. Hay’adaha Puntland fadhigoodu yahay horay waxay u waayeen mashaariicdii ay fulin jireen qaarkood, kuwaas oo u xanibmay khilaafka DFS iyo Puntland u dhaxeeya. Shaqa la’aanta dadkaan soo wajahday ayaa saamayn doonta kumanaan qof oo si dad badan ugu tiirsanaa wax-soosaarkooda. sidoo kale mashaariicdaan waxaa macaash ka heli-jirey boqolaal ganacsi oo kale oo iyagu dhaqaale xuma wajihi-doona. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland oo fasaxay shaqaalihii ugu badnaa kaddib markii ay soo foodsaartay dhaqaale-xumo appeared first on Puntland Post.
-
Wafti ka kankooban wasiiro iyo hogaanka ciidanka qaranka oo uu weheliyo xildhibaan laga soo doorto gobolka sanaag iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenkaa gobolka Sanaag ayaa màanta booqday deegaanka Kulmiye ee bariga Sanaag. Xaalada gobolka ayaa degan waxana ay xukuumaddu ku guulaystay qaramayntii ciidamadii madaniga ahaa ee ju sugnaa gobolka Sanaag. Qaran News
-
Xildhibaan Mustafe Calas, oo kamida mudanayaasha golaha deegaanka ee degmada Burco ayaa soo bandhigay Waddooyinka ay burco ka dhiseen shantii bilood ee u dambeeyay. Waxa uu sheegay in ay dhiseen 7 waddo oo kala ah:- 1- Biriijkii hore ilaa saylada xoolaha.- DHB. 2- Wadada isku xidha Cawaale suqaar iyo biriijka Dahabshiil.- DHB. 3- Wadda Ilays, biriijka Deero. -DHB 4- Wadda xarunta Gobalka. -DHB + Contribution. 5- Wadda sekeda. -DHB. 6- Wadda PayPass ilaa kaantaroolka Yuroobe. -Sdf. 7- Wadda Wan-ka iyo Orgiga, Dhakhtarka weyn ilaa xarunta Degmada Burco. Sdf. Waxa kale oo uu sheegay in ay intaasi barbar wadeen waddo banayn, iftiimin iyo bilcintii, dad mareenkii iyo biyo mareennadii oo ah wadooyinka qaarkood. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo degmada Hodan uga qeyb galay afur wadareed ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wax uu ku tilmaamay qalqal gelin amni. “Wiilasha baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaa, hadii aad faafiso waxaan jirin, waxay ay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Sidoo kale, Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday in aysan taageerin dhalinyarada faafisa qalqal gelinta amniga, isagoo cadeeyey in ka boolis ahaan ay diyaar u yihiin in ay xiraan qof kasta oo faafiya farriimo qalqal gelin ah. “Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha Boolsika Gobolka Banaadir. Taliyaha ayaa hadalkiisa u cuskaday dhibaatada loo marayo amniga dalka, isagoo sheegay in ciidankii qaranka iyagoo Sooman ay duurka fog ee gobollada dalka kula dagaalamayaan Khawaarijta. “Suurtagal maaha in wiil Xamar jooga Hotel ka furaya uu shacabka caasimadda ku nool qalqal geliyo, lagama yeeli doono, waxaana ku xireynaa qol mugdi ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Taliyaha Booliska Gobolka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay amni rabaan, isagoo xusuusiyey in hadda ay heystaan, balse looga baahan yahay inay xajistaan oo sii adkeystaan, dadka qalqal gelinta wadana ay iska qabtaan. Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan xabsiga laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho ku xiraa muddo seddax cisho ah, taliska qeybta guud ee gobolka ayaa Cali Aadan ku eedeeyey inuu ka shaqeynayey qalqal gelin amni iyo aflagaadeynta madaxda qaranka. Hoos ka daawo The post Daawo: Macalin Mahdi “Waa Khawaarijta oo kale qol mugdi ah ayaana ku xireynaa qofkii…” appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s House of Cards: The Inevitable Collapse of America’s $50 Billion Mistake KEY POINTS: Turkish Airlines and Qatar Airways suspending flights signals Somalia’s major patron states have lost confidence in security situation Somalia ranks 179th out of 180 countries in corruption with score of 9/100, worsening despite billions in international aid President Hassan Sheikh Mohamud spends lavishly on international travel and Washington lobbying firms while soldiers go unpaid Al-Shabaab now controls more territory than any time since 2011, following Taliban’s successful playbook African Union peacekeeping mission (AUSSOM) faces financial collapse as donors withdraw support Trump administration unlikely to continue funding a government with no accountability or results When Turkish Airlines and Qatar Airways suspended flights to Somalia’s capital last week, few outside the region noticed. They should have. This development, alongside American diplomats fleeing Mogadishu’s airport after militant attacks, isn’t just another security hiccup – it’s the beginning of the end for a Western experiment that has swallowed billions with nothing to show for it. A Corruption Network with a Government Problem Somalia’s corruption isn’t just bad – it’s historic. Ranking 179th out of 180 countries in Transparency International’s 2024 index with a pathetic score of 9/100, Somalia has actually managed to get worse, dropping 2 points since 2023. This isn’t corruption within a system; this is corruption as the system. While Finance Minister Bihi Egeh bemoans the potential loss of $1.5 billion in U.S. aid, he conveniently forgets to mention where previous billions vanished. Military commanders pocket salaries for non-existent “ghost soldiers,” leaving actual units undermanned. Weapons purchased with Western funding routinely disappear from government armories, only to resurface in Al-Shabaab attacks. Intelligence leaks so consistently that security analysts assume Al-Shabaab has penetrated every level of government. Even judicial positions are bought and sold openly, driving desperate citizens to seek justice from Al-Shabaab’s harsh but predictable courts. Patrons Head for the Exit The suspension of flights by Turkish Airlines and Qatar Airways isn’t merely a business decision – it’s a devastating vote of no confidence from Somalia’s most committed international backers. Unlike Western powers who engage from embassy compounds, Turkey manages Mogadishu’s port and airport while maintaining its largest overseas military base in the country. Qatar has bankrolled government operations during funding gaps, while simultaneously keeping communications open with Al-Shabaab – much as it does with Taliban, Hamas, and other terrorist networks. Will these patron states simply work with Al-Shabaab if militants eventually take Mogadishu? Their pragmatism knows no bounds, and it’s entirely possible they don’t care who rules Somalia as long as they maintain their prime position in the country’s economy. Turkey’s infrastructure investments and Qatar’s relationships across the political spectrum practically guarantee they’ll be among the first to recognize any new power reality. “When your closest friends start heading for the exits, it’s time to acknowledge the building is on fire,” notes a Gulf diplomatic source familiar with Qatar’s decision-making. The $50 Billion Experiment That Failed Let’s be brutally honest: Somalia has absorbed over $50 billion in international aid since 1991 with minimal sustainable improvements in governance or security. The Danab Brigade – Somalia’s elite U.S.-trained counter-terrorism unit – remains somewhat effective only because Americans bypassed government structures entirely, maintaining direct oversight of recruitment, payment, and operations. Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has become infamous as one of the world’s most frequent-flying heads of state, jetting off to international conferences and photo opportunities nearly weekly while his country burns. As Al-Shabaab consolidates control over increasing territory, Mohamud and his inner circle have funneled millions into glitzy Washington lobbying firms to keep American money flowing. These lavish expenditures – paid for ultimately by American taxpayers – represent the perfect microcosm of Somalia’s dysfunction: U.S. aid creates a bloated class of government kleptocrats whose primary skills lie not in governance or security provision, but in separating gullible Western donors from their money. While Mogadishu’s political elites wine and dine at five-star hotels in Western capitals and maintain luxury residences abroad, soldiers on the front lines go unpaid, and Al-Shabaab’s shadow government expands its reach. American billions haven’t brought stability to Somalia – they’ve created a parasitic political class with no incentive to actually defeat the insurgency that justifies their continued international support. The evidence is inescapable: Somalia’s problems aren’t about funding levels but legitimacy, accountability, and trust. More money doesn’t build state capacity; it merely enables more sophisticated corruption networks. As one Western official put it, “We’re not funding a government. We’re funding a money laundering operation with a flag.” Adding to this complex picture, Somalia has increasingly strengthened ties with China, signing onto Beijing’s Belt and Road Initiative while accepting infrastructure deals with limited transparency requirements. This diplomatic balancing act raises questions about whether China might become Somalia’s next financial backer as Western donors reconsider their investments. The challenge for Beijing, should it step into this role, would be avoiding the same patterns of ineffective aid that have characterized Western engagement for decades. Al-Shabaab Executes the Taliban Playbook For anyone who watched Afghanistan’s collapse, Somalia’s trajectory is disturbingly familiar. Al-Shabaab has methodically followed the Taliban’s successful blueprint: focus on rural control while launching just enough urban attacks to demonstrate government weakness; patiently wait out Western resolve; weaponize public resentment against corruption; infiltrate government security structures; and establish shadow governance that, while brutal, appears more competent than the internationally-backed government. Intelligence reports confirm Al-Shabaab now controls more territory than at any point since 2011, collects taxes more efficiently than the government, and dispenses predictable justice in areas under its control. “The reality Western policymakers refuse to accept is that insurgencies don’t need to be loved by the population—they just need to be seen as more competent and less predatory than the government,” notes a former Western counterinsurgency advisor with extensive experience in both Afghanistan and Somalia. “By that measure, Al-Shabaab is winning.” AUSSOM: Peacekeeping Without Peace or Funding Somalia’s last security bulwark, the newly rebranded African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), teeters on the brink of financial collapse. Despite diplomatic platitudes about “sustainable funding mechanisms,” donor fatigue has set in. The European Union’s willingness to cover troop stipends is waning, while United Nations logistical support grows increasingly tenuous. This financial uncertainty couldn’t come at a worse moment. Ethiopia – AUSSOM’s backbone – is distracted by internal conflicts and maritime disputes with Somalia. Uganda has made it clear that continued troop contributions depend entirely on reliable international funding that isn’t materializing. Without a robust AUSSOM presence, intelligence assessments suggest Al-Shabaab would likely expand control to most population centers outside Mogadishu within months. The bitter irony: Western nations, having spent billions on Somalia’s stability, now appear unwilling to fund the one mechanism that has somewhat contained Al-Shabaab. Trump Administration: No More Blank Checks The Trump administration represents the final nail in Somalia’s financial coffin. President Trump’s “America First” approach and Secretary of State Marco Rubio’s hawkish stance make additional funding for Somalia virtually unthinkable. The White House team sees Somalia’s corruption rankings, territorial losses to Al-Shabaab, and decades of squandered aid as textbook examples of failed investment. “The days of writing blank checks to failing states are over,” a Republican foreign policy advisor remarked privately. “The President wants concrete returns on American taxpayer dollars, and Somalia has consistently proven it cannot deliver.” This policy shift comes exactly when Somalia’s government is most desperate for support, creating a perfect storm where years of mismanagement, corruption, and security failures are finally coming due. The chickens, as the saying goes, are coming home to roost. The Next Kabul Awaits Somalia’s internationally-backed government is approaching a point of no return. The combination of endemic corruption, resurgent Al-Shabaab, wavering international support, and AUSSOM’s precarious funding creates conditions eerily similar to pre-collapse Afghanistan. For Western nations that have poured billions into this failed experiment, it’s time to acknowledge reality rather than writing more checks. Additional money without addressing core governance failures will simply disappear into the same corrupt systems that have swallowed previous investments. The fall of Kabul shocked the world in 2021. The fall of Mogadishu – when it comes – should surprise no one. Somaliland Chronicle Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkast oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA, ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran. “Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal. Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen. “Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, lkn ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay waaiirka gadiidka Fardowso Cigaal. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/03/77ea5e0a-8169-4c58-00ea-08dd5c8b1668_32k.mp3The post DF oo ka hadashay digniinaha amni ee garoonka Muqdisho iyo diyaarado ka cabsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur-goboleedka IGAD. Heshiiskan ayuu goluhu ku tilmaamay mid xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah. Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah urur-goboleedka IGAD, waxayna haatan kamid tahay hoggaankiisa. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ururkan ka tahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD. IGAD ayaa hore ula safatay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii ay taagneyd xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysay xadgudubkii ay Addis Ababa kula kacday qarannimada Soomaaliya. Madaxda IGAD ayaa markaas si wadajir ah uga soo horjeestay xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dhuleed ee JFS. Sidoo kale, waxay hoosta ka xarriiqeen waajibnimada ah in Dowladda Federaalka ay saxiixdo heshiis kasta oo lala galayo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta ee Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga. Golaha ayaa shacabka ku wargeliyey inay ka fogaadaan aagagga ku dhow goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, maadaama dowladdu qorshaynayso weerarro cirka iyo dhulka ah, sida ay sheegtay. Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto dadka baraha bulshada ku faafiya wararka been-abuurka ah ama la macaamila kooxda Al-Shabaab. Qofkii lagu helo falalkan waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga, oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago iyo in la mariyo ciqaab adag oo sharciga waafaqsan. The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay… appeared first on Caasimada Online.