-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan degmada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Madaxweyne Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sidoo kale baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan magaalada Ceerigaabo. “Ceerigaabo waa magaalo ay wada deggan yihiin Puntland iyo Somaliland, waxaana 30-kii sano ee la soo dhaafay lagu wada joogay heshiis nabadeed oo beelaha halkaasi deggan wada qorteen, kaasi oo Puntland iyo Somaliland wada ixtiraami jireen.” “Isbeddelka Somaliland ka dhacay wuxuu ceeb ku yahay in isbeddel ku yimaado nabaddii Ceerigaabo, waa in mas’uuliyiinta Somaliland dib u eegaan arrintaasi, waxaan rabnaa in aan colaadaha ka soo doogno” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dirayay baaqa nabadeed ee colaadda Ceerigaabo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in nabad iyo walaalnimo lagu dhammeeyo colaad beeleedda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in ay tahay in la joojiyo dhammaan dagaallada qabiilka ee ka socda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka taagan magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia. Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka. Source: goobjoog.com
-
Salwan Momika, 38 jir ah oo u dhashay Ciraaq, kuna caan baxay gubista nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah ee ka dhacay Sweden sanadkii 2023, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Södertälje oo u dhow caasimadda Stockholm. Booliiska ayaa sheegay in habeenimadii Arbacada ay heleen warbixin ku saabsan toogasho ka dhacday dhisme guri, halkaas oo ay ka heleen nin qaba dhaawacyo rasaas ah, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Warbaahinta maxalliga ah ayaa xaqiijisay in ninka la dilay uu yahay Salwan Momika. Momika ayaa horey u qabtay bannaanbaxyo uu ku gubay Qur’aanka, taas oo dhalisay caro iyo cambaareyn caalami ah, gaar ahaan dalalka Muslimiinta. Waxaa sidoo kale lagu waday in maxkamad ku taalla Stockholm ay xukun ku rido isaga iyo eedeysane kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira “kicin naceyb ah”. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo la xiriira dilka, waxaana la xiray dhowr qof oo looga shakisan yahay kiiskan. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Momika, hase yeeshee, dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo dalka Sweden uu wajahayo hanjabaado amni oo sii kordhaya oo la xiriira ficilladii gubista Qur’aanka ee uu sameeyay Momika. Source: goobjoog.com
-
Wafti balaadhan oo ku sugan gobolka Sanaag iyo u jeedadiisa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOgqBZ2RMH1vamBkCT_edjVH7aVk5lwU0jznKoy8dTH-4_hLX5Da-5Kmn4KF8A-imt0NMZD4LuezOZL0HEtcUg5.mp4 Qaran News -
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka hadlayay xiisadaha ka taagan magaalada Ceerigaabo iyo deegaanno ka tirsan gobolka Mudugu, ayaa xukuumadda cusub ee Soomaaliland ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan nabadda magaalada Ceerigaabo. Siciid Deni ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag 30-kii sanoo la soo dhaafay dadka degani ay nabad ku wada noolaayeen, haddana loo baahanyahay qulqulatooyinka ka taagan lq xalliyo. Wuxuu intaa ku daray in cadowga keliya ee ay Puntland iyo Soomaali oo dhami leedahay uu yahay kooxaha Daacish iyo Alshabaab, islamarkaana ay tahay in la joojiyo dagaal kasta oo midka qolyahaas lagula jiro ka baxsan. Source: goobjoog.com
-
US Representative Scott Perry has introduced a bill to the House Committee on Foreign Affairs aimed at officially recognizing Somaliland as an independent state. This move underscores growing support within the US Congress for Somaliland’s quest for sovereignty. The bill reflects a significant shift in diplomatic relations, potentially impacting both regional stability and US interests in the Horn of Africa. Recognizing Somaliland could also influence international perceptions and encourage other nations to consider similar actions. As the legislative process unfolds, the implications of this bill could be far-reaching for Somaliland’s future and its relationship with Somalia. Source Horn review Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaan hore Idiris Cabdi Dakhtar oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaalia Cable ayaa si adag uga hadlay beegsi uu sheegay in lagu haayo shacabka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland. Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in deegaan Soomaaliyeed laga soo raafo dad Soomaaliyeed, iyaga oo loo beegsanayo hayb ahaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ugu wayn ee arrintan ka dambeysa ay tahay in la boobo hanti iyo ganacsi uu sheegay in dadka Koonfur Galbeed ku leeyihiin Puntlland. “Waan ka xumahay in dad shacab ah oo magaalada deggan mar walba loo dhibaateeyo haybtooda dartood, waxaan u aragnaa in la rabo hantidooda”. ayuu yiri Dhaqtar. Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ay joogaan dad kasoo jeedo Puntland, isla markaana ay ugu nool yihiin si xor ah, sidaas oo kalena looga baahan yahay dadka reer Puntland. “Haddii aad tegtid Koonfur Galbeed cid walba ayaa joogta kuwa hay’adaha haysto waxaa u badan dad kasoo jeedo Puntland” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxda Puntland oo uu ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintaan, isla markaana ay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo dadkaasi. Horay shacab kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa Somaliland ay uga soo masaafurisay Laascaanood, iyada oo sababta ku sheegtay in arrimo la xiriira amniga, waxaana arrintaasi ka dhashay caro xoogan iyo cambaareyn loo jeediyay maamulkaasi.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay agagaarka galbeedka gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab xilli ay kasoo talaabeen jinga wabiga Shabelle. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Hiiraan ayaa waxaa haatan dib uga bilowday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Shabaabka, waxaase ka soconaya howlgallo ujeedkooda uu yahay in looga xoreeyo maamulkaasi.
-
Milled rice donated “by South Korea”. Garowe (PP News Desk) — Nugaal Transport Police last night seized a lorry carrying donated food from South Korea. The officers who searched the lorry at Laacdheere checkpoint found sacks of milled rice from the 2023 harvest, packed in March 2024. It is unclear how milled rice from South Korea ended up in Somalia. The last time South Korea provided “humanitarian assistance worth 500,000 US dollars to Somalia” was in 2012. Puntland Transport Police searched the lorry at Laacdheere checkpoint. Food quality standards staff in Garowe are investigating the authenticity of the sacks bearing the name of the donor country. Enhanced searches at Puntland State have been introduced at checkpoints to prevent food and ammunition from being illegally smuggled to terrorist hideouts in the Calmiskaad mountain range. Puntland Interior Ministry will issue a statement once investigations into the lorry and its crew are concluded. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Police Seize Lorry Carrying “South Korean Rice” appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa ku dhacday diyaarad qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Black Hawk, xilli ay ku sii jeedday dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee Reagan National Airport oo u dhow magaalada Washington, D.C., sida ay sheegeen hay’addda maamulka duulista hawada Mareykanka ee FAA iyo saraakiisha difaaca dalkaas. Duulimaadkan oo numberkiisu ahaa 5342 ayaa waxaa saarnaa 64 qof oo rakaab ah, waraku waxay sheegayaan inay jirto khasaaro dhimasho, waxaana goobta ku sugan ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdega. Hannaanka EarthCam ayaa muuqaal kooban oo muujinaya isku dhaca labada diyaaradood, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan dhacdadan oo hadda haysata cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Waxaa isku dhacay diyaarad rakaab oo Mareykanku leeyahay iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo milatariga Mareykanku leeyihiin, sida ay sheegtay waaxda maamulka hawada fedraalka ee FAA. Diyaaradahan ayaa isku dhacay xili ay marayeen bartamaha hawada dhow ee magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka. Labada diyaaradood ayaa ku dhacday webiga Potomac, oo marta Washinton, sida laa soo xigtay Washington iyo waaxda waaxda adeegga degdega ah. Diyaaradda helicopterka waxaa saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah halka saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ay saarnaayeen diyaaradda milatariga Mareykanka. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in warbixin kooban loo siiyay shilka uuna aad uga xun yahay qaabka wax u dheceen isagoo u mahadceliyey hawl wadeenada gurmadka deg degga ah Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in webiga Potomac laga soo saarey meydadka illaa 19 oo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda America Airlines oo ay isku dhaceen Black Hawk helicopter meel ku dhow Reagan National Airport. Baaritaan ayaa weli socda, waxaana la baadi goobayaa dadka ka badbaaday shilka diyaaradahaas.
-
Ururrada bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa taageero u muujiyay guddiga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii ay xubnaha guddigaas ka tirsani ay gaareen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar. Cabdullaahi Salaad yarow oo hoggaaminayay xubno guddiga ka tirsan oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii ay kala hadleen bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, asagoo sheegay in ujeedka ay halkaas u tageeni ahayd inay bulshada la wadaagaan farriin la xariirta doorashada qofka iyo codka ah ee la filayo inay dalka ka qabsoonto. Cabdallaahi Salaad wuxuu intaa ku daray in ururrada bulshada rayidka ahi ay si weyn oo xamaasad leh u soo dhoweeyeen howlaha guddiga, ayagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay doorashada qofka iyo codka ka qeyb-qaataan. Guddiga doorashooyinka ayaa wada dadaallo xoogan oo ku aaddan howlaha doorashada qofka iyo codka, waxayna wefdiyo kala duwan u direen dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed. Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi. Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan. Sidoo kale waxa ay dhinacyadu ka wada-hadleen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn. Intaas kadib wasiir Roman Viktorovich oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Ruushka gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, ayna diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow. Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray maraakiib siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.
-
Dunida tartanka sare ee sirdoonka macmalka (AI), shirkadaha waaweyn waxay qarsoodi ka dhigaan tiknolojiyadooda. Laakiin DeepSeek, shirkaddaan Shiinees ah, waxay wax walba u beddeshay qaab cusub—waxay samaysay AI casri ah oo jaban oo furan! Tallaabadan geesinimada leh waxay ruxday adduunka teknolojiyadda, waxayna wax badan ka beddeshay AI, cilmi-baarista, iyo xitaa suuqyada ganacsiga. Laakiin sidee ayay DeepSeek ugu guulaysatay inay tartanka hoggaamiso, shirkado waaweyn khasaare geliso, kuna keento isbeddel weyn suuqyada caalamka? Aan eegno. Maxay DeepSeek U furtay AI-keeda? Marka shirkadaha kale ay xajiyaan xogtooda, maxay DeepSeek u furtay? Ma kaliya Suuq geyn bay ahayd mise xeelad? Waa tan sababta: Si loo wada gaaro horumar – Markay dadka oo dhan heli karaan AI-da DeepSeek, cilmi-baarayaal iyo ganacsato yaryar ayaa ka faa’iidaysanaya, taasoo dadajisay hal-abuurka. Si loo kasbado kalsooni – Dad badan ayaa ka cabanaya in AI-da qarsoodiga ahi tahay khatar. Laakiin marka la furo, wax walba waa cad yihiin, taasoo dad badan soo jiidatay. Si loo helo dad badan oo isticmaala – Barnaamijyada furan sida Linux iyo Android waa kuwa ugu isticmaal badan. DeepSeek waxay rabtay in AI-deedu noqdo kan ugu ballaaran. Si ay u horumarto AI-da si dhakhso leh – Markay dad badan horumariyaan AI-da DeepSeek, waxay noqoneysaa mid si joogto ah u horumarsan. Sidee DeepSeek U Ruxday Dunida AI? DeepSeek waxay keentay isbeddel weyn oo shirkado badan saameeyey: Fursado la siiyay shirkadaha yaryar – Hadda, shirkad yar oo leh hal-abuur weyn ayaa la tartami karta kuwa waaweyn. Shirkado badan oo qasab ku noqotay inay furfuraan AI-dooda – Markii DeepSeek bilaawday, cadaadis baa saarnaa shirkadaha kale si ay iyaguna u furnaan AI-dooda. Xawliga cilmi-baarista AI oo kordhay – Cilmi-baarayaashu waxay si dhakhso ah u heli karaan AI-dii hore, taasoo dedejisay horumarka. Bulsho caalami ah oo horumarinaysa AI – DeepSeek waxay abuurtay shabakad adduunka oo dhan ah oo dadku iska kaashanayaan horumarinta AI. DeepSeek iyo Suuqyada Maaliyadda: Saamaynta Wayn ee AI-da Furan AI-da furan ma saameyn kartaa suuqyada ganacsiga? Haa! Waa tan sida DeepSeek wax u beddeshay: Maal-gashadayaal aad u kalsoon – Furfurnaanta iyo horumarka degdega ah ayaa keentay in maal-gashadayaashu ku kalsoonaadaan DeepSeek. Shirkadaha kale ku qasban in ay isbedel sameeyaan – Shirkado badan ayaa hoos u dhacay maxaa yeelay ma aysan la jaanqaadin kacdoonka cusub. Lacag laga sameeyo barnaamijyada furan – Inkasta oo AI-du bilaash tahay, DeepSeek waxay lacag ka sameysay adeegyo dheeraad ah iyo xalal shirkado u gaar ah. Saameyn ku yeelatay suuqyada saamiyada – Marka DeepSeek ay IPO samaysay (bixisay saamiyo suuqyada), qiimaheedii kor buu u kacay, taasoo caddaysay awoodda AI-da furan. Maxay Tani Ka Dhigan Tahay Mustaqbalka? DeepSeek ma aha shirkad kaliya, waa isbeddel weyn oo AI-da iyo teknoolojiyadda guud ahaan ku yimid. Waa tan waxa mustaqbalka la filan karo: Dunida AI oo furfuran – Mustaqbalka, AI ma ahaan doonto mid sir ah, ee waxay noqon doontaa mid dadku wada horumariyaan. Fursado badan oo loogu tala galay horumariyeyaasha – Markay AI-da DeepSeek furan tahay, barnaamij-sameeyayaal badan ayaa adeegyo cajiib ah samayn doona. Tartanka AI-da oo is beddelaya – Shirkadaha waaweyn ee hadda xiran AI-dooda waxay waayi karaan booska hoggaaminta. Suuqyada saamiyada oo sii kacsan – Shirkadaha la jaanqaada AI-da furan waxay faa’iido badan sameyn doonaan, halka kuwa diida ay khasaari doonaan. DeepSeek waxay muujisay in AI casri ah la samayn karo si jaban, lana wadaagi karo si xor ah. Waxay burburisay fikraddii hore ee ahayd in AI ay tahay wax shirkado yar oo gaar ah ay xakameeyaan. Shirkado badan ayay niyad jab siisay, dad badan ayay shaqo siisay, suuqyada maaliyaddana way ruxday. DeepSeek waxay iftiimisay in tartanka AI uusan ahayn kaliya shirkadaha reer Galbeedka—Shiinaha wuu yimid, qiimo jaban, tayo fiican, oo xor ah! Adigu maxaad ka filaysaa mustaqbalka AI-da? Tartankii waa bilaabmay! Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof. Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”. Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka. Goor dambe oo Arbacadii ah, ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE) Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo ka dib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono. Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”. Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo. Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump. Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood. “Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo… waa meel ay adag tahay in laga baxo.” Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan. Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo – oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda. GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi. Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”. Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo. Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga. Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii. Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus. Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”. Bbcsomali Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee haya talada dalka Turkiga ayaa laba heshiis oo kala duwan la saxiixanaya xisbiyo siyaasadeed oo ka jira dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo sii adkeeyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee uu la leeyahay labadan dal ee Bariga Afrika. Arbacadii, ku-xigeenka guddoomiyaha AKP, Zafer Sirakaya, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarinta (UPD) ee talada Soomaaliya haya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, iyagoo ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac. Saraakiil Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in heshiis la mid ah Jimcaha lagula saxiixan doono magaalada Addis Ababa xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo (PP). Sida ay saraakiishu sheegeen, heshiiskani wuxuu fududeyn doonaa in labada dhinac ay iska kaashadaan cilmi-baaris, tababarro, la-tashiyo, iyo is-dhaafsiga macluumaadka. AKP, oo labaatan sano xukumayay Turkiga, ayaa rajaynaya inuu waayo-aragnimadiisa dhanka hoggaaminta ah u gudbiyo xulafadiisa labada dal, isla markaana uu kobciyo iskaashiga bulshada rayidka ah iyo kor u qaadidda ganacsiga labada dal. Turkigu wuxuu dhex-dhexaad ka yahay khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna door dhex-dhexaadiye ka qaatay wada-hadallada lagu xallinayo xiisadaha Geeska Afrika. Xiisadahan ayaa sii xoogeystay ka dib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland horraantii sanadkii 2024-kii. ‘Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba’ Ilo wareed xog-ogaal u ah arrintan, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkigu markii hore qorsheeyay inuu heshiiska iskaashiga la saxiixdo Itoobiya dayrtii la soo dhaafay, balse uu dib u dhigay si looga fogaado in loo arko mid dhinac u xaglinaya. Bishii December, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay Ankara ku kala saxiixdeen is-afgarad ka dib toddobo saacadood oo wadahadal adag ah, kaas oo lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, laguna bilaabay wadahadallo ku saabsan sidii Itoobiya loo siin lahaa marin badda Soomaaliya ah. Inkastoo heshiiska lagu xaliyay qodobkii ugu weynaa ee sababay muranka labada dal, haddana xiriirkoodu weli waa mid aan xasilloonayn. Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar, oo iyaduna khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya muranka la xiriira xuquuqda kheyraadka biyaha ee webiga Nile. “Waxaa halkan xusid mudan in [Ankara] aysan qaadin wax tallaabo ah oo gobolka ah iyadoo aan tixgelinayn Soomaaliya. Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba oo la qaadayo,” ayuu yiri Tunc Demirtas, khabiir goboleed oo ku xiran xarunta cilmi-baarista ee SETA oo fadhigeedu yahay Ankara. Wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu “aragti goboleed” ka leeyahay Geeska Afrika, uuna ka shaqeynayo sidii uu xiriirro wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka kale ee gobolka. Ilo wareedyo ayaa sheegay in wafdiga AKP, oo uu hoggaaminayo Sirakaya, ay sidoo kale lagu wado inay heshiis is-afgarad ah la saxiixdaan Jabuuti toddobaadka soo socda, kaas oo la mid noqon doona kan ay la saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xiriir wanaagsan la leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, taas oo qayb ahaan sabab u ah go’aankii Ankara ee ahaa inay Itoobiya ka iibiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan sanadkii 2021-kii. Diyaaradahaas ayaa door muhiim ah ka ciyaaray inay ka caawiyaan ciidamada Itoobiya inay dib u celiyaan jabhadihii kusoo duulay caasimadda. Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ah mid aad u ballaaran, muddo dheerna soo jiray. Soomaaliya waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ciidan oo Turkigu leeyahay, halka shirkado Turki ah ay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Iyadoo ay jirto xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah la saxiixatay Turkiga bishii Febraayo ee sanadkan. Heshiiska ayaa u ogolaanaya Ankara inay dhisto, tababarto, ayna qalabeyso Ciidanka Badda Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliso biyaha dhuleed ee Soomaaliya. Heshiiska ayaa sidoo kale Turkiga siinaya xuquuqda ah inuu kheyraadka shidaalka ka baaro xeebaha Soomaaliya.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo wareysi kooban bixiyay ayaa beeniyay wararka ku saabsan in dad Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Puntland, kaddib markii loo beegsaday isir ahaan. Wasiir Juxaa oo ka jawaabayay eedeyntaasi loo jeediyay Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Qaxooti Itoobiyaan ah lagu dhibaateeyay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kaddib markii jirdil iyo handadaad loo geystay, islamarkaana ay jiraan qaar lagu dilay Boosaaso. “Waa been abuur cid la dilay ma jirto, Booliska dowladda Puntland ayaa ka jawaabay arrintaasi, marka dad ajaanib ah oo lagu dilay Boosaaso ma jirto, balse waxaa jirta ajaanib badan oo la qab-qabtay oo dib loo celinayo, kaddib go’aankii soo baxay” ayuu yiri wasiir Juxaa oo wareysi kooban siiyay warbaahinta Daljir. Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u beegsatay Itoobiyaanka ku sugan degaannada Puntland, balse guud ahaan dalka laga saarayo ajaanibta sharci la’aanta ku joogta oo dalal kala duwan ka soo jeeda, sida uu tilmaamay wasiirka. Wuxuu sidoo kale shacabka uga digay in dhibaato loo geysto ama lagu xad-gudbo xuquuqda ajaanibta ku sugan degaannada Puntland, gaar ahaanna Qaxootiga mangalyo doonka ah, waxaana uu codsaday in dowladda loo daayo hawsha saarista ajaanibta. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in isir ahaan loo beegsanayo Qaxootiga Itoobiya ee ku sugan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka madaxweyne Trump ayaa Masar iyo Urdun ka dalbaday inay keenaan qorshe degdeg ah oo ku aaddan marinka Qasa, ka dib markii ay diideen in falastiiniyiinta marinka Qasa dalalkooda loo raro. Ergeyga gaarka ee Trump u qaabilsan arrimaha la haystayaasha ayaa sheegay in Masar iyo Urdun ay tahay in ay soo bandhigaan beddelka la fulin karo ka dib markii ay diideen fikradda ah in ay qaabilaan Falastiiniyiinta, wuxuuna caddeeyay in Trump uu soo bandhigay ikhtiyaar uu u arko in ay ku habboon tahay Masar iyo Urdun, balse ay furanyihiin doorashooyin kale. Donald Trump ayaa dhowaan Boqor Cabdallaha Labaad ee Urdun kaka hadlay in dalalkiisu uu qaabilo boqolaal kun oo dadka reer Qasa ah, tillaabadaas oo uu ku tilmaamay in looga golleeyahay in dib loogu dhiso Marinka Qasa, balse Joordan iyo Masar labaduba way diideen qorshahaas. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Foreign Affairs Ahmed Moallim Fiqi concluded a high-level working group meeting on Wednesday, bringing together approximately 60 officials and experts from Federal Government institutions, the United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS), and various UN agencies operating in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA: Ethiopia is waging an “escalating crackdown” on civil society, Human Rights Watch said Wednesday, denouncing the suspension of two independent human rights groups in recent weeks. Source: Hiiraan Online
-
At least 11 soldiers from the Somali National Army surrendered to Kenya at the Hulugho border. Source: Hiiraan Online